MAXAA KA JIRA XAQIIQADA QUURSIGA? - Qaybtii
2aad..
YUSUF
SHABAC II
yusufshaba@yahoo.com
Markii uu maqaalkan ku soo baxay isgaarsiinta heerka
sare ee Somalitalk waxa aan helay jawaabo fara badan
oo arinkii aan weydiiyey akhristeyaasha ku saabsan.
Qolaa igu tiri aabayaasheen waa ay ku saxsanaayeen in
ay wax quursadaan inaguna waa sidaa oo kale. Kuwaa
yiri, waxa aad Shabacoow damaqdey nabaro xanuun badan
oo layska ilow sanaa. Inkasta oo ay i marti qaadeen
qaarka ka mid ah beelaha Midgaan wax badan waa ay ii
sharxeen wax badan waxa ay iiga tageen aniga oo weli
mugdi iiga jiro, sida ay waxakan u faqooqaan. Waxa aan
is weydiiyaa, waa maxay Midgaan? Macne ahaan iyo
taariikha ahaan? tolow qabiiladan la yaso ma isku
qabiilbaa? Haddii ay yihiinse, iyaga dhexdooda ma
jiraa wax khilaaf ah? Haddii ay ahaayeen dadkii
dhulkan loogu yimid, maxaa wiiqey jiritaankooda? Maxaa
hoos u dhigey, qiimaha ay ku leeyihiin bulshooyinkii
ay ka dhasheen? Maxaa u diidan in ay yeeshaan deegaano
iyaga u gaar ah? Hanti iyo in ay xoolo yeeshaan? Ugu
dambeyn, maxaa ka guuxaya garaadkooda, oo ay filiyaan
in ay wax ku bedelaan?
Maadaama ay Ajidu ahaayeen xoolo dhaqato ku nool
miyiga, qolyaha la yaso waxa ay ayana ahaayeen kuwo
ugaarsada xoolaha uu ilaah ku beeray duurka oo aan
lakala lahayn iyo kuwo ku nool magaalooyinka sida
fiican loo dagay, oo waxa xoolo u ahaa Midigtooda,
marka laba midig laysku daro waa MIDGO, macne ahaan
waa kuwii ka caano maaley Midigtooda., Kuwo wax
ugaarsada, oo qaata GABOOY ama geedka lagu gurto
qaansada iyo fallaaraha, kuwa isticmaala GABAAN,
geedka lagu jukeeyo lugta si uu u dhalaaliyo mindida
iyo toorayda taas oo keentay in koonfurta looga bixiyo
magaca ah TUMAALO maadaama ay birta tumaan. Wiil caqli
badan ayaa hadda ka hor igu yiri, “dadkan farsamadooda
waxaa si xun ula dagaalamay isticmaarkii oo diidanaa
in ay bulshadu isku filnaato, taas ayaa keentay buu
yiri, in lagu naaneeso, SAB-SOOMAALIS” aadmiga
horumaray waxa ay isku abaalmariyeen farsamooyinka
bulshada gaarsiin kara horumar iyo isku filnaansho,
laakin bulshooyinka dib u dhacay waxa ay la
dagaalamaan iyaga oon ogeyn qof allaaliyo qofkii
bulshada gaarsiinaya horumar ee ku intifaacdo. BOON
macnihiisa idinkaa garan, laakin aniga waxa ay weligey
ila ahayd qof lagu durayo bakheeltinimo, laakin BOONTA
aan aqaan wax ka saqisan ma jiro. Raas casayr illaa
Ra’s Kambooni, waa ay joogaan waxa kaliya ee ka
dhexeeya ama lagu garto waa laba shey iyada oo ay
yasaan dad walba oo ay la dagaan iyo iyaga oo ka
macaasha midigtooda.
Aniga iyo dad aad u tiro yar ayaa aaminsan in ay
yihiin qabiilo yar-yar oo si joogto ah looga faquuqay
qabiilkii ay ka dhasheen, sida DAAROOD, DIR, ISAAQ,
HAWIYE AMA XOOLO DHAQATADA KALE. laakin aan marna
noqon dad isku awoowe ah, oo meel ka soo wada jeeda
gaar ahaan meel aan ahayn qabiiladaas aan soo sheegay.
Sidii nin inkirey cunigii uu dhalay oo kale, ayaa
qabiiladuna u inkaraan markii la sheegto. Marna maka
quustaan kuwii la yasay in ay sheegtaan qabiilkii laga
faqooqey mar hore. Waxa jirta fikrad sheegaysa in ay
dadkanu ka soo jeedaan hal aabe iyo hal hooyo, laakin
ma ahan fikri xooggan oo shir lala tagi karo. Iyagu
waa ay isu gurmadaan, waa ay isu xoolo gooyaan,
magtana waa ay isla bixiyaan haddii la weydiisto.
Maadaama ay ka simanyihiin haybsoocid iyo dulmiga waxa
ay duruufuhu ka dhigeen dad DANWADAAG ah.
Tani waxa ay igu soo rideysaa jidkii aan mar ka imi oo
ah, oo ah iyaga dhexdooda ma yaalaa khilaaf. Haddii ay
runtahay in ay yihiin dad gooni-gooni looga soocay
qabiiladii ay ka dhasheen waxa run noqonaysa in aysan
waxna isku waafaqsanayn. Waxaa jirta xaqiiqo xanuun
badan, taas oo ah in ay iyagu iska daa in ay wax wada
qabsadaan ee in ay is yasaan dhexdooda. Waxa ay isku
khilaafaan halka ay ka soo jeedaan, waxa ay isku
khilaafsan yihiin sida ay u arkaan gumaysiga lagu
hayo, waxa ay isku khilaafsan yihiin sidii ay waxakan
u joojin lahaayeen ama u hor-istaagi lahaayeen. Kuwaa
aaminsan wakhtiga ayaa ugu fiican in uu baabi’iyo
dhibka lagu hayo, qaarna waxa ay aaminsan yihiin geeri
in ay dhaanto sida ay ku nool yihiin sidaa darteed
haddii ay heli lahaayeen dhaqaale iyo cudud militari
waxa ay Ajida kala hor imaan lahaayeen kacaan uu dhiig
badan ku qubto.
Haddii ay yihiin dadkii dhulka Soomaaliyeed loogu yimi
maxaa wiiqey jiritaankooda, kana hoos mariyey qoys
walba oo ay la dagaan? Waxa dooddan looga baxay in ay
qoyskani yihiin reer guuraa, aan ayagu u guuri hayn
roob laakin la guura hadba meeshii ay u guuraan. In ay
dalka ku firdhiina waxa keenay ganacsi iyo in ay ka
macaashaan farsamooyinkooda. Waxaa ummada ay la dagan
yihiin ka hoos mariyey waa laba shey, iyaga oo aamina
waxa lagu caayo iyo iyaga oo aan marna isku dayin in
ay helaan xalkii lagu baabi’in wixii bilowdey casrigii
jaahiliyadda.
Aadmiga qaarbaa isku yasa dhaqan xumida, qaarbaa isku
yasa Saboolnimada, qaar baa isku yasa fuleynimada iyo
talo xumaanta. Qaar baa lagu yasaa hadba wixii ay
shaqo ka dhigteen. Si kastaba ha ahaatee, in lays yaso
waxa ay noqotey wax dabiici ah oo laga ogolaadey
dunida dacaladeeda oo idil, waana caddaalad xumo Alle
laga magan galo. Haddii aysan joogsan yasmada lagu
hayo dalkan, ilaah baa inagu nacaya, waxana mar walba
nalagu salidayaa cadaw inaga xoog weyn oo inaga
gaarsiiya in aan sidooda oo kale u go’no mid-mid illaa
la waayo mid aan ka tirsanayn, MID-GO. Haddii aan
dadkan sidan loo dhaamin, waxa ay si xeel-daro ah ugu
milmayaan bulshooyinka aan ku dhex nool nahay ee
dhowraya dhibkanada. Ugu dambeyn, waxa ay dadkani
noockastooy ahaadaanba ay halis weyn ku noqon doonaan
amniga qaranka, “National Security”
YUSUF
SHABAC II
yusufshaba@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.
Waqooyiga
Ameerika iyo Wadida Baabuurta Waaweyn: Qaybtii
Labaad : W.D:Yuusuf Shabac...
Faafin: SomaliTalk.com | July 28, 2005
|