SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

MAXAA KA JIRA XAQIIQADA QUURSIGA?.. Qaybtii 1aad..

YUSUF SHABAC II
yusufshaba@yahoo.com


Akhristoow, weli ma maqashay dad la quursado ayaa jira? In ay jiraan Dad lagu caayo farsamo sida Tumaalo, ma maqashay in ay jiraan kuwo ku dulman Waqooyi Galbeed oo la yiraahdo beesha Gabooyo? Ka waran haddii aad maqashay kuwa ay bay’adooda ay ka dhigtey caan sida reer Bootaan, oo misana la quursado? Ma maqashay weli, kuwo magacooda la garan waayey oo la yiraahdo Yaxar? Ka dib markii la kari waayey magacii ahaa Yaxye Maxamuud Saalax. Weli awoowyadaa ma kuu sheegeen in uu jiro wiil la dhashay seddexda Maxamuud Saleebaan oo la oran jiray Nuux Maxamuud, kuwaa oo haatan loo yaqaano Gaal-gale,. Weli ma kuu yimi Yibir, qaata ama habaara wiilkii kuu dhashoba haddii aan wax la siin, deedna ma laguu sheegay in ay asalkooda ka soo jeedaan nebi Suleymaan? Qof laguugu sheegay Midgaan weli masii eegtay adiga oo yaaban?

Midab takoorka ku dhisan midabka iyo muuqaalka waxa ka daran haybsooc laysku naco, marka aad ka eegto dhinacyo badan waa isku mid, maxaa yeelay ninna awood uma lahayn ciddii uu ka dhalan lahaa iyo midabkii uu yeelan lahaa, soo sidaa ma oran? Markana akhristoow, iiga jawaab in lays yaso maxaa keenay, kuwa la yaso iyo kuwa wax yasa? Yaa saxan? Yaase kula qaldan? Ma laga yaabaa awoowyadii hore ee Soomaalida in ay ku saxsanaayeen in ay yasaan kuwii ay yasayeyn? Aragtiyada kala duwan ee aan ka dhaxalney waalidiinta ina dhalay weli aqligaaga iyo qolalka garashadaada maxkamad sare maku saartey weli? Oo deedna ma ogaatey, ciddii xaqa ku taagneyd? Haddaba, aniga ayaa wel-welsanee, akhristoow, markana raali iiga noqo in aan kula wadaago wixii aan ogaadey illaa iyo maanta. Kuwii garashada loo qiray ee hadaladooda la kala qoran jirey ee weliba lakala dhaxlayey qarniyadii la soo dhaafey, waxa ay inoo sheegeen, in uu jiro farqi u dhexeeya kuwa la siiyey caqliga iyo kuwa loogu deeqay garashada. Kuwa caqliga leh, waxa ay fahmaan wixii dhacay, waana ay ka wada hadlaan, halka kuwa garashada loo hibeeyey ay marwalba ay ka fekeraan wixii sababey wax walba oo hareerahooda ka dhaca.

Kuwa wax quursada waxa ay yiraahdeen, waxa aanu dadkan ku haybsooceynaa in ay hadda ka hor bakhti hiigeen iyaga oo gaajeysan, markii iska matajiya la yirina ay diideen.

Haddaba iga hoo su’aashan? Haddii aad nafta u baqdo in aad gaajo awgeed u bakhtiso, ma cuni lahayd xayawaan bakhtiyey inta aadan soo gaarin ka hor? Haddii aad cunteyse diintee qabta in aad iska matajiso? Waxa ay ii sheegeen qaar ka mid ah kuwa la quursado kuwooda ugu faanka badan, in aysan jirin wax la yiraahdo Midgaan ah hal qoys, laakin ay jiraan qabiilo laga haybsoocey qabiiladii ay ka dhasheen wakhti hore.
GABAYGII QUUDHSI DIID  

Markii ugu horeysay ee aan maqlay MIDGAAN waxa aan bilaabey in aan baadigoobo, macnihiisa erey ahaan iyo taariikh ahaan. Qaar baa igu yiri, MIDGAAN, waa erey Soomaali ah, wuxuuna ka tarjumayaa gacanta midig, maxaa yeelay buu yiri qofkaasi, Soomaalidu qaarna waa MIDIG maal, qaarna waa maskax maal, halkaas buu ka yimi magaca MIDGO. Qaar kalaa igu yiri MIDGAAN waa magac ay samaysey taariikhdii halyeygii Axmed Garan ama Axmed Gurey. Waxa ay yiraahdeen kuwa la yaso qaar ka mid ah Axmed Gurey wuxuu lahaa askar la baray farsamooyin sare, oo waxa tababaray askartii Turkiga ee caalamka Islaamka u talin jirtey. Waagii ay jabeen askartaas oo matalaysey qabiilada Soomaaliya oo dhan, ayaa waxa gacanta ku dhigey askartii amxaarta ahayd ee ureysay, markaas ayey u oodeen xero weyn oo weyn, waxa ay damacsanaayeen in ay xusuuqaan, laakin waxa ay doorbideen in ay meeshaas ku hayaan illaa ay mid-mid u dhintaan, marka uu mid dhintoba waxa ay oran jireen, mid baa go’ay haddana mid kalaa go’ay, sidaa awgeed bey yiraahdeen kuwa la yaso magaca MIDGAAN wuxuu ka yimi MID-GO. Inkasta oo aan illaa hadda la ogaan xaqiiqo ahaan sida ay waxan ku soo bilawdeen, aniga oo dadka ugu aqoon yarna ma filayo in aan goorahan soo helo jawaab waafi ah.

YUSUF SHABAC II
yusufshaba@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

Waqooyiga Ameerika iyo Wadida Baabuurta Waaweyn: Qaybtii Labaad : W.D:Yuusuf Shabac...

Faafin: SomaliTalk.com | July 28, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD