SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAXANSOXO

Xuuraan: Eeg Sawirkani maxaa ka qaldan? Maxaase ka dambeeya?


Sawir....


saxansoxo
Qore:

C/Naasir Axmed Sh. Bashiir (Saxansoxo).

Email: saxansoxo1@hotmail.com


Bal daqiiqado maskaxdaada ma mashquulin kartaa, oo masoo saari kartaa waxa sawirkani ka qaldan?. Filli maayo in eey kuu muuqanayaan wax ka duwan god dheer oo dherer u jeexan sidii dhufeys oo kale, oo eey dul taaganyihiin rag meel dheer ka muuqda oo qaarkood sufushaari xiran, sow sidaas ma ahan?.

Dadka meesha taagan waxaa ka mid ah Maxamed Cusmaan Cali (Dhagax Tuur), hareerihiisana waxaa taagan koox warfidiyeeno ah oo dabcan goobta lagu casuumay, waxaa kale oo sawirka ka muuqda ilmo dhowr iyo tobon jir u muuqda, oo dacas xiran. AK47 sidii cunug dhalaan ah laabta ugu heysta, dhanka dambe waxaa ka muuqda dhismoyaal i taabo ah, oo aadan dhexdooda eeygaaga xeenta kuu illaaliya aadan u quurin in uu ka agdhawaado, waxaa xagga sare ka muuqda cirka oo daruuro teel teel ah leh. Hadaba waa maxay sababta meesha loo joogo.

Mucjiso waxaa kuugu filan tacriifta sawirka, waxaase kaaga sii mucjiso badnaan doonta marka aan daaha ka rogo sababta meesha dhigtey Dhagaxtuur iyo raxanta warfidiyeenada ah ee indhuhu galka ka baxsanyihiin, dhagahana taagaya, ee sidii lo’libaax galay seen dhabanaya. Waayo waxay is weeydiinayaan “goormeey bilaaban doontaa xabadu” 


Maxamed Cusmaan Cali (Dhagax Tuur)

Dhagax tuur miyaan idiin sheegaa cidda uu yahay?. Waxa uu ku magacaabanyahay ku xigeenka Duqa iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ee arrimaha Bulshada ___ wixii sifeyn ah ee shaqsiyadiisa ku saabsan adigu ku darso___, goobta waxaa jooga raxan warfidiyeeno ah oo uu casuumay Dhagax Tuur, si eey indhaha oga soo qaadaan hormarka laga sameeyey mashruuc doolar dhiiqaya oo goobta ka socday.

Mashruuca waxa uu ku saabsanyahay dayactirka bulaacadihii biyaha qaadi jirey ee magaalada, iyo in dib loo furo si eey biyaha badda ugu darsamaan, taasina ay keento in biyaha wasaqeysan ee roobka ee meel kasta fadhiya magaalada eey badda ugu darsamaan.

Hagaag iyo howl wacan, sow kuluma noqoneyso marka aad kalmadahaasi maqashid in wax kasta ay yihiin sidii loogu tallo galay, oo ragani ay gudanayaan howshooda ?, bal mar kale fakar oo u fiirso, magaalada waxa ay ku jirtaa masiibadii ugu xooga badneyd ee ebed ey soo marto, shacabkii magaalada ayaa macaluul u dhamaanaya, ma jirto hal iskuul oo furan, isbitaal warkiisa ha sheegin, nolosha qofka bini’aadamka ah wax qiimo ah kuma fadhido, ilmiriqsi kasta dadka magaalada abni darri ugu dhimanaya waa xisaab beel, xaafaha qaar ee magaalada, sida aad sawirka ka aragtaanba waa sidii meelo jin iyo ruxaani ku nooshahay, kaaga daran dhamaan wixii dhismo ahaa ee magaalada ku yiiley madaafiicda xabashida ayaa lagu burburiyey.  

Malaha waxaan is iri “oohinta orgiga ka weeyne, tolow ma dhufeys amxaaro loo jeexayaa?, waayo meesha ogama jeedno tuubooyin iyo bulaacad toona”, yaa og.  

Bal u fiirso ninka mas’uulka ka ah hooyo Soomaaliyeed oo 70 jir, oo banaanka cidlada ah gaajada iyo cadceeda ku heyso, ee xittaa aanan heysan wax ey roobka mirta ah oga dugaasho, ee isagiina dhufeyso xabashi u qodayo, ee  leh “mas’uuliyadii la’ii doortey ayaan gudanayaa”, ee waliba inta uu soo kireeyo raxan suxufiyiin ah lacag ku siinaya in eey war ka faafiyaan, bal adigu sheeg maxaa ka qaldan?. Miyeysan mucjiso caggo leh aheyn, miyeysan murugo aheyn, miyeysan maan gaabnimo aheyn?. Miyeysan marin habaabin aheyn?. Miyeysan mooro duugid aheyn?. Malaha waxaa jira qof u haaya erey bixin ka haboon kuwaasi.  

Bal markale u fiirso, si fiican sawirka u eeg, sida aan kor ku xusey, waxaa ka muuqda ilmo dhowr iyo tobon jir ah, oo dacas qaba, duruuf adag ka muuqato, oo xittaa aanan aqoonin sida qoriga loo qabsado, bal indhaha u duw sawirka kale ee DhagaxTuur, inta aadan wax kale eegin, gacantiisa maxaa ka muuqda?. Ma taqaanaa nooca saacada uu xiranyahay?. Waa saacad ku fadhida qiimo, haddii si wanaagsan loo isticmaali lahaa quudin kari lahayd kumanaan Soomaaliyeed ee xerada Galgalato ku jirta muddo bil ah, ninka saacadaasi xiran ilmaha yar waardiye ayuu u yahay, waana dacas la’aan, xittaa waxaa laga yaabaa in dacaska ay ka go’een oo dhaaraamo ugu xiranyihiin, kaaga daran ninka uu waardiyaha ka hayo waa ninkii Mas’uulka ka ahaa arrimaha bulshada iyo isagaba, wuxuu joogaa xiligii uu iskuul aadi lahaa, laakiin nasiib darada jirta, xittaa haddii uu ilmahaasi go’aansado in uu qoriga dhigo qalinkana qaato, iskuulka ugu horeeya ee uu ka fakaro in uu u waxbarasho tago, waaba xero ciidan , waxaana ku xereysan ciidamada xabashida.  

Sidoo kale sawirka waxaa xagga sare ka muuqda cirka oo waxooga daruuro leh, oo aad moodo in saansaan roobeed ay jirto.

Marka aan halkaasi taagnahay bal aan soo dhufto sheeko yar oo gaaban oo qosol leh, balse fariin gudbinaysa, nin dhalinyaro ah oo reer Wardhiigleey ah ayaa hadda ka hor sheeko ii sheegey, wuxuu yiri “sxb waxaan hadda ka hor tagay dalka Yemen, aniga oo ku sugan deegaan buuralay ah, oo beero ku yalaan ayaa waxaa soo daatay roob, roobkii ayaan ka dugaashaday buur hoosteed, waxaa igu soo biirey nin Yemeni ah oo oday ah, beerna meesha ka qota, wuxuu I weeydiiyey su’aal aan la yaabay, wuxuu marka hore I weeydiiyey meesha aan ka imid, waxaan u sheegey in aan Soomaaliya ka imid, wuxuu I weeydiiyey “dalkiina Soomaaliya horta roob maka da’aa?”, inta yaab iyo fajac illaah ii keeney, oo aan ka yaabay caqli xumada iyo garaad xumada ninka ayaan siiyey jawaab aan malaha is lahaa su’aashiisa ayay ku haboontahay, waxaan iri “ninyahoow maxaa roob noo da’aa, ma idinka oo kale ayaad na moodeysaa, inagu dalkeena cirba ma lahan, dalkiina cir ayuu leeyahay sidaas ayuu roob idiinku da’aa,”, ninkii madaxa umbuu gundhiyey, waana aqbalay waxa aan u sheegey”.

Maalintaasi uu ninkaasi sheekadaasi ii sheegey si aanan waligeey u qoslin ayaan u qosley, illaa hadda marka aan soo xasuustana waan qoslaa, balse maanta waxaan ogaaday jawaanta uu wiilkaasi Soomaaliga ah siiyey ninka Yemeniga ah in eey tahay xaqiiqada dhabta ah ee maanta dalkeena ka jirto, bal u fiirso cir waan leenahay, laakiin hadana cir la’aan waxbo ma dhaano, waayo cirka waxaa kasoo degtey diinta islaamka, loona soo dajiyey in dhulka looga dhaqmo, ninka hoos taagan muxuu dhulka ku samaynayaa?, miyuu ogsoonyahay in cirka ka sareeya laga eeganayo waxa uu xamar ka samaynayo?, tan kale cirka raxmad ayaa ka timaada, oo roob ayaa kasoo da’aa, waa su’aal roobka waa mid ramaas soo bixiyee miyaan dhulka tabcanaa?. Mise WFP ayaan gacmaha u hoorsanaa si eey noo quudiso, marka aan gaajoonana dhahnaa, nasoo gargaara?.  

Xuuraan: waa qormo gaar ah, oo lafo gur, falanqeyn iyo tafsiiraad xeerdheer ku samaysa arrimaha Soomaaliya ka dhaca.  Qormada ma ahan mid xiliyeeysan, ee hadba moowduuca ugu haboon ayaa lagu eegaa.

  C/Naasir Axmed Sh. Bashiir (Saxansoxo). Email: saxansoxo1@hotmail.com.  

Faafin: SomaliTalk.com | July 15,2008

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: webmaster@somalitalk.com

IIDHEH

XAYAYSIIS

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.