BUUGA CILMIGA BULSHADA:
JILEECOW KU JIR, JAREEROW KA BAX!!
Bal magaca eeg! Waa Goobe!
Waa Shakespeare! Cajiib! Maxaa ka micna ah hadday cunsuri noqdaan! Maxaa ka
micna ah hadday Ferenji u adeegaan! Waaba iska cadahaye, wax lala yaabo
maahan!
Magac bixintu waa wax xun oo in badan ilmaha yar aan ka go’in maskaxdiisa.
Waa sababta uu Islaamku u diiday naaneysta xunxun in laysugu yeedho. Waxay
naaneysta xumi dishaa qalbiga! Waxay keentaa xanaaq, gocosho iyo dagaal
joogta ah. Bal eeg sida uu Suubanuhu(csw) u yidhi u bixiya ilmihiina magac
wanaagsan. Laakiin, ma nagashay? Maya! Soomaalidu waa dadka keliya ee
dunidan saaran ee dadka kale ugu yeedha meesha ay iinta ku leeyihiin. Waxaad
maqlaysaa Gacamey, Lugey, dalboole, madaxeey, afloow, jiis, Goobe, curyaan,
bidaare, cawar iwm. Maxaa u sabab ah?
Akhlaaqda iyo adaabta nalagu soo barbaariyey ayaa cay u badnayd. Waxaad
maqlaysaa Hooyo leh: “ Waar kaalay aabahaa ku wasye, garacyahow!”. Ilmihiina
halkiibuu ka miisayaa!
Akhristoow bal suureyso wiil yar oo ilaa markuu wax kala gartay lala daba
taagnaa dacaayad iyo afxumo. Markuu weynaanbo waxaa uun ku taagan aargooso
oo wax iska celi. Cunsuriyadii iyo dhibkii lagu hayey ayuu dib cajaladeedii
u daaraa oo uu bilaabaa inuu sameeyo wixii lasoo baray ama lagu soo sameyn
jirey. Tusaale waxaa noogu filan magaca Goobe oo maanta si uu u
aarsado ku qamaamay bulsho sharaf leh oo Soomaali ah. Wuxuu Goobe
isticmaalay ereyo maskaxdiisu baratay oo uu weligii maqli jirey laakiin uu
la’aa meel uu ku isticmaalo. Wuxuu gaararkiisa ka eegay cidii uu shaanbadey
lahaa; illeyn miskiin uun baa miska la fuula lehe, waxay ishiisu qabatay
Bulshada Jareer Weyn!
Maxaad ka taqaan cunsuriga weyn ee lahaa magacii Shakespeare ee
nalagu xafidsiiyo maansadiisa iskoolada! Nin waliba ninkuu iska dhigo uun
buu noqdaa! Shakespeare-kii Ferenjiga ahaa ayay maansadiisu ka buuxdaa waxa
uu Shakespeare-kan Madoobi ka sheekeynayo: Jareer, Madow, Qudhun, Ajnabi,
Soo galooti, Faruuryo iyo Sanweyne, Diin laawe, Alla mayaqaan, Diin xume,
Dhaqan laawe, Naaga kufsade, Xaraan jecle, Naaga garaace, shaqa xun qabte
iwm. Waa uun sheekadii cunsuriyadu ka buuxday ee uu ku soo muujiyey
Riwaayadiisii la oran jirey THE TRAGEDY OF OTHELLO!. Shakespeare-kan
Madowbina intii uun buu soo qaatay oo uu soo bandhigay. Hay’adahan Ferenjiga
ahina iyagoo ka xanaaqsan magaca uu ninkan Madoobi sito, garanayana wixii
lagu sameeyey Othello iyo ujeedadii laga lahaa Riwaayadaas lagu
dacaayadeynayey Islaamka iyo dadka madow ayaa waxay ka dhaadhiciyeen
Shakespeare-ka Madow inuu Riwaayadii mar danbe dib u jilo. Waxaan filayaa
inuusan ninkan Soomaaliga ahi garaneyn sababta ka danbeysa iswaafajinta
Othello, Bulshada Jareerta iyo Magaca Shakespeare. Laakiin wuxuu raacay
wadadii ninkii uu isku naaneysay ama lagu naaneysay maadaama Soomaalida
aysan takoor iyo cunsuriyadi ka dhamaan. Hareeraha intuu daymooday ayuu
Bulsha weyntii ka soo xushay Beesha Jareerta; illeyn Maskiin uun baa Miska
la fuule lehe!
Waxaa kala maan ah waxa Lama Goodluhu isu maleeyey iyo waxa ay dadka ay
quudhsadaan isu haystaan! Waxaa uu garoowsan la’yahay in maanta ay Bulshada
laga tira badan yahay ka gudbeen cuqdadii iyo isbuuskii. Waxay maanta
garteen xaqoodii iyo inaysan marnaba jirin meel ay uga baxsadaan waxa ay
yihiin, waxa looyaqaan iyo sida ay u eg yihiin. Waxaa la yaab ku ah
Soomaalida in Beeshii ay u yaqaaneen Jareer ee ay ku caayi jireen ay maanta
la baxday Jareer Weyne. Waxaa kaloo jidiinkooda mari la’ Beelihii ay ku
caayi jireen Midgo oo ay ku khasbi jireen inay Lama Goodlaha isku
lamaaniyaan oo maanta leh waxaanu nahay Midgaan, Madhibaan, Yibir, Tumaal,
Gabooye iwm. Waa kacaan hor leh oo ka curtay Soomaaliya, waana waxa keliya
ee sharafta u keeni kara Beelahan la xagliyey. Waxaa kaga sii daranba in ay
Beelahani ka qayb qaateen Siyaasadii wadanka oo ay yeesheen Madax aan maqaar
saar ahayn, Garaadyo, Ugaasyo, Malaaqyo iyo Suldaano. Waxaa Beelahan la
takooro markay xisaabtameen usoo baxday in aysan habooneyn in ay hoos tagaan
Ugaaska Qabiiliga ah ee u shaqeeya Beelaha la magac baxay Laandheerayaal.
Adduun I khatal ayuu yidhi Odaygii naftu ka sii baxaysay ee Adan Galaydh ee
kibir dartii u diiday inuu bixiyo qaalintii magta loo weydiiyey. Ajigu
maanta wuxuu ku calaacalayaa Adduun I khatal! bal maan waa hore jareerta
badda ku daro sidii Ajuuraanka iyo Midgaha! Wuxuuse naftiisa qanciyey oo ku
sasabay inuu u sameystay buug waxbarasho ah oo qalbiga Adoonta damqaya
hankoodana wax u dhimaya. Waxaaba ka farxad badan buu Ajigu qabaa in aanu
carruurta yaryar ku ababino oo barno in Jareerku uu yahay waxshi la
rabaayadeeyey oo dib ugu noqday waxshinimadiisii!
Akhristow bal aynu si baaxad leh usoo bandhigno wixii buugga 6-aad ee laga
barto Cilmiga Bulshada ku qornaa. Goobe, Shakespeare-ka Madoow iyo guud
ahaan Soomaalida Isla Weynba waxay yiraahdaan iyagoo takooraya oo
caayaya Bulshada Sharafta leh oo Jareer Weyn:-
Waxaad tahay Jareer! Waxaad tahay Adoon! Waxaad tahay caqli lix saac! Waxaad
tahay san weyne! Waxaad tahay san bagaf! Waxaad tahay fuqay bararay! Waxaad
leedahay laba maqsin oo kira ah! Waxaad tahay jurri! Waxaad tahay timo adag!
Timuhu markay soo baxayaan waad ooydaa! Waxaad tahay garam-garam! Waxaad
tahay soo galooti! Waxaad tahay Ajnabi! Waxaad u baahan tahay Dal ku Joog!
Waxaad ka duwan tahay Faradheerta! Waxaadan u ekeyn Laba Goodlaha! Awoowgaa
wuxuu ka yimid Mozambiiq iyo Tanzaania! Waxaad tahay farac habaaran! Waxaa
magacaagu ku yaal Kutubtii Hore! Waxaa ku habaaray Nebi Nuux! Waxaad huluqa
saartay ooridaa! Waxaad sugi weydey banaankii! Waxaad isu rogtay madow tima
adag! Waxaad weligaa u shaqayn Jileeca Qureyshta ah! Waxaad tahay shurufle!
Waxaad tahay dhusuqle! Waxaad tahay fool xume! Waxaad tahay lugo god-god!
Waxaad tahay basar laawe! Waxaad mudan tahay dhimasho! Waxaad mudan tahay
Adoonsi! Waxaad mudan tahay in beeraha lagugu falo! Waxaad tahay Sheydaan!
Waxaa kaa tagta maskaxda! Waxaad seexataa markaad wax cuntid! Waxaad
firfircoon tahay saacatul qaanfuurka! Waxaad tahay caqli lix saac! Waxaa ku
nebcaystay Malagii ku abuurayey! Wuxuu isaga kaa soo tuur-tuuray hilibkii!
Waxaa tusaale u ah sida meel waliba kuu buuran tahay!
Waxaad tahay Xamaali! Waxaad tahay dulli! Waxaad tahay biyoole! Waxaad tahay
booyaas! Waxaad tahay Waardiye! Waxaad tahay Kabaryeeri! Waxaad tahay Cali
Beesteen! Waxaad tahay qodato! Waxaad tahay fuundi! Waxaad tahay murqa kuus!
Waxaad tahay xabaal qode! Waxaad tahay Xabash! Waxaad tahay Boon! Waxaad
tahay soor cune! Waxaad tahay sixiroole! Waxaad tahay cadow! Waxaad tahay
Jinni! Waxaad tahay Baxaari! waxaad la hadashaa Yaxaaska! Waxaad tahay
bishima cade! Waxaad tahay luga iyo gacmo cade! Waxaad tahay dhafoor moordi!
Waxaad tahay ma qubeyste! Waxaa dhinta duqsiga ku ag mara! Waxaad tahay
xaasid! Waxaad tahay ilmadow! Waxaad tahay dhejis badane! waxaad tahay
Goriile! Waxaad tahay dhaqan laawe! Waxaad u cayaartaa sida daanyeerka!
Waxaad meermeerisaa dabada! Waxaad isku garaacdaa yaambada! Waxaadan
garaneyn dhaanto, walasaqo iyo jaandheer! Waxaad tahay Diin laawe! Waxaad
tahay axdilaawe! Waxaad tahay aamin laawe! Waxaad ku tumatay Diintii!
Waxaaydan garan Nikaaxa! Waxaaydaan kala lahayn dumarka! Waxaydaan garaneyn
carruurtiina! Waxaa awoowgiin ah Geedi Baabow iyo Dubkaa Baalow! Waxaad
tihiin Gaala raac! Waxaa tihiin laba wejiilayaal! Waxaaydaan garaneyn
isxabaalida! Waxaad tihiin kuwa maydka cuna! Waxaad tahay damiir laawe!
Waxaad tahay Ximaar! Waxaad ku fiican tahay uleyn! Waxaad fahantaa
karbaashka!
Waxaaydaan lahayn Culumo! Waxaydaan haysan wax wax idiin sheega! Waxaad isku
dhejiseen Awliyadii Illaahay! Waxaad sheegateen geesiyaal aydan lahayn!
Waxaad noo xumeyseen kuwii aanu siyaaraneyney! Waxaad tiraahdeen waa Jareer!
Waxaad sheegateen Sh. Aweys-ka ilaa Afrikada Dhexe Diinta gaarsiiyey! Wuxuu
ahaa Weli Illaahay! Awliyaduna way midabya badan tahay! Sida jir-jiroolaha
ayay is rog-rogtaa! Marba cidii ay la joogaan bay isu ekeysiiyaan! Waxaydaan
garaneyn inuu asalkiisii hore Lama Goodla ahaa! Waxaydaan garaneyn kuwa kale
ee muuqaalka bedeshay sida: Sh. Ooyaaye, Sh. Diinle, Sh. Iimaankey, Sh. Nuur
Xuseen, Sh.Ahmed Diini, Sh. Abu Asharow iwm! Waxaad tihiin taariikh
laawayaal! Waxaa idinkeenay Gumeysigii! Waxaa idin iibiyey Barqash! Wuxuu
idinku fail jirey Aseendooyinka! Waxaad tihiin Damiir laawayaal! Waxaa idin
xoreeyey Lama Goodlaha! Waxaad weydeen Halgamayaal! Waxaad sheegateen Nasiib
Buundo! Waxaad tidhaahdeen Talyaani ayuu Lafoole ku baabi’iyey! Waxaad
lumiseen Maankiina! Waxaad iloowdeen inuu Lama Goodle ahaa! Waxaanu ognahay
inaydaan kartidaas lahayn! Waxaad carruurtiina bartaan in wixii wacanba aanu
leenahay! Wixii xuna aad leedihiin! Waxaanu anaguna carreerteena bareynaa in
ay jiraan dad diyaar u ah inay u khidmeeyaan! Waxaanu u sheegeynaa in ay ku
dhiiradaan adoonsiga Jareerta! Waxaanu xusuusineynaa in waddanka loo keenay
in lagu shaqaysto! Waxaanu xasuusineynaa inay idinka xaaqaan Beledweyn ilaa
iyo xadka Kenya iyo Alta Jubba! Waxaan xasuusineynaa sidaanu u qaybsanay
Midgaha! Waxaanu xasuusineynaa sidaanu u qixinay Ajuuraanka! Waxaad tihiin
hoy laawayaal! Waxaad dhex seexataan guryo xaar lo’ ka sameysan! Waxaad dhex
seexataan beeraha! Waxaad tahay mid aan meelna ka degin Soomaaliya! Waxaad
wada tihiin Mushunguli!
Soomaaliyey
Quraafaadkii hore yaan la soo nooleyn ee aanu Ubaxa soo kacaya wax wanaagsan
barno, is ixtiraam barno, isu dulqaadasho barno, is qadarin barno, isu nixid
barno, wax wada lahaansho barno, iskaa wax u qabso barno, deris adduun deris
aakhiro barno, midnomo barno, wadaniyad barno, garaac la’aan wax u sheegno,
cay la’aan toosino, foorjada iyo magaca xun u diidno, ka deyno canaadka iyo
canaanta badan, qabyaalada ka ilaalino kana reebno Qabqablayaasha iyo
Calooshood u shaqaystayaasha!
Ka ilaali ilmahaaga
Guhaadka jidhka iyo Maskaxda!
C/Rahman
Eelay
eediran@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com |
Oct 23, 2005
Baaq: Dhibta
Haysata Beesha Gabooyuhu Waa Maxay? Maxaase Inagu Waajib ah?
Iyada oo
aynaan xaashiyo yar kusoo koobi karin dhibaatada culus ee beeshaas
haysata hadana bal aynu..
Guji...
May 23
MPLS:
Habeenka
Soomaalida iyo Sharciga | Goorma: June 4
Waraysi: Garaadka
Beesha Gabooyaha
Nin
u Dhashay Beesha Gabooyaha ayaa Hargeysa Lagu Diley, Dadkii Arintaas Ka
Mudaharaadayna Xabsi ayaa la dhigay, waxaana arintaas ka waraysanay Garaad Axmed
Diiriye Geylan...
Guji...
LINK:
www.somalitalk.com/quursi
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|