SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK- MAQAAL

JOOGSO! DARANDOORI! DIB U JEESO! HOREY U SOCO!

Weligey layma odhan yaad tahay iyo xagee ka timid. Waxaaneeytona maxay ahaayeen? Waxaan filaayey in Soomaalinimo ay Xamar uga soo kaceen. Waxaan rabeyna inaan wax ka duubo. Yaayaa dareen ha galee xay ahaayeen! Waa hadaladii uu ku guraabaasayey weriyaha SomaliShowTV Mudane Xaayow markii uu usoo dhowaaday meeshii ay ku shirayeen Garabkii uu hogaaminayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xassan. Waxaa markiiba albaabkii uu ka gelli lahaa isku gudbay niman dhallinyara ah oo u sheegay inuu iska laabto oo aan looga baahneyn inuu wax ka duubto shirka ka dhacayey duleedka magaalada Minneapolis. Xaayow ayaa af labadii yeedhay: “ waar miyaanan ahayn muwaadin Soomaali ah oo doonaya inuu arko Madaxda ka soo sodcaashay Xamar? Miyaanan la mid ahayn kuwan sii galay meesha? Maxaan kaga duwanahay?. Wiil albaabka taagnaa ayaa ku yidhi: “Xaayow waa isnaqaanaa ee cidii aad tahay noo! Cidaasna meesha lagama rabo!. Reer reekanow ba’, Cid cidanay ba’, Anigaa ka sareeyow ba’..Tolow maxaa isku diray! Waaba Aakhiru Zamane goormay degayaan oo raaxada wadankooda ku baashaalayaan!  

Waxaa shirka dhexdiisa laga soo kiciyey dhow dhallinya oo kale oo doonayey inay dhegeystaan Sifir iyo Madaxdii uu hogaaminayey. Iyagoo caga jiid ah ayay waxay usoo laabteen magaalada oo uu ka socday shir kale oo uu ka hadlayo Gacma Dheere. Xaayoow iyo dhallintii kale ee la soo buriyey ayaa neeftu ku soo noqotay markay horey u dhaafeen illin aan layska celineyn oo cid walba u furan. Waxaa halkaa khudbado kala duwan ka soo jeedinayey Madax uu hogaaminayey Gacma Dheere oo Jowhar ka yimid.  Xaayow ayaa iska bururay kadib markii uu maskaxdiisa iska barbar dhigay shirkii uu soo duuban kari waayey iyo kan uu meeshuu doono ka dhex mushaaxayo. Qayluu af labadii furtay oo su’aal weydiiyey Wasiir Gacma Dheere: “ Jaalle Wasiir waxaan ku hungoobay shir layga soo celiyey albaabka oo aan geli waayey anigoo doonayey inaan la kulmo mas’uuliyiin ka socda Dowlada Federalka oo wax ka soo duubo”. Soomaalidii meesha isugu timid ayaa xamaasadi qaaday oo Xaayoow alalaas, soomaaliyey toosoo iyo sacab ku dhiiri gelisay. Gacma Dheere ayaa Xaayoow ka xaal mariyey dhibkii soo gaaray una sheegay in waxa lagula kacay ay tahay wax fool xun oo aan habooneyn. 

Shirkii markii uu dhamaaday ayaa waxaa iyadoo la bulaamayo dhallintii u kacaday meeshii uu Shariif Xassan waayo hore kaga qayb geli jirey fadhi ku dirirka. Waa makhaayada Soomaalida laga kari waayey ee la yiraahdo Starbucks. Shariifka ayaa isagu in badan ka hor calaacali jirey dhallinta dhexdeeda isagoo aad u dhaleeceyn jirey nimanka Qabqablayaasha ah ee Degaanka ay degaan dadka Digil iyo Mirif xooga ku haystay baabi’iyeyna dadkii ku dhaqnaa. Shariifka oo aad loogu yaqaanay habaarka, muusanowga iyo Eebe u tuuga budhcada dhulkiisa xooga ku haysata ayaa ku cataabi jirey in maruun uu arko in Eebahay awood u dhiibo si uu uga aargoosto kuwii xooga u sheegtay. Waxaa la yaab ku noqotay asxaabtisii markii la arkay Shariifkii oo mar keliya sida giraanta kala wareegay!  

Magaalada Virginia ayay ahayd markii Shariifka ay heleen ruug cadaa Soomaaliyeed oo wax badan waddanka deganaa kuna wargeliyey inuu carruurta Soomaaliyeed u naxo sida uu kuwiisa caydha qaata ee degan waddankan loogu xanaaneeyo. Waxaa arrinkaa laga dhawaajiyey ka wada siman nimanka Qabqablayaasha ah ee wadankii burburiyey, dadkiina gumaaday iyadoo ay carruurtoodu ku raaxeystaan wadama shisheeye quutaana canshuur laga soo gooyey dad aan raali ka ahayn. Laakiin maxaan iska daalin shacabku iyagaa daba hashleeya kuwii gumnaaday iyagoo ku raacaya qabiil iyo halagaa sheego! Waxaa la yaab leh sida uu shacabku isu maqiiqo markii uu Ugaasku maryaha tuuro ama uu dhar naageed soo xidho. Waxaa la yaab leh sida ay wiilashooda u haligaan marka ay u hiilinayaan Beeshooda gar iyo gardaraba. Waxaa la yaab leh sida aysan isu waydiineyn Ugaaska, Qabqablaha iyo Ganacsadaha aaway carruurtoodii. Waxaa la yaab leh sida carruurtooda marka ay dhaawacmaan ee lugaha iyo gacmuhu go’aan laysaga tuuro oo aan loo daryeelin kuwa kalena laga codsado inay keenaan. Shicibkanow ma sixran tahay mise waad jiran tahay mise Eebaa ku ciqaabay!. Haa! Waa hubaal, haddii laabuhu qurmaan oo aysan isu fayoobeyn, maxay arkayaan. Fariid! Haddii Qalbiga muraayada ah uu madoobaado maxaa la fahmayaa. Hagaag! Haddii aad xaaraan cuntid, huwatid, gashid ood gacmaha kor u taagtid maxaa lagaa aqbalayaa! 

:::MAQAALKII EELAY:::

NINKII QEYRKIIS LOO XIIRAYOW ADNA SOO QOOYSO!: Hawshii aanu seegnay ayaa waxaa noo qabanaya dadyow iyagu aad u qadariya dhibaatooyinka loo geysto Bini’aadamka oo Guji...

Akhristoow sow lama yaabtid sida Muslimku u duceysto oo Eebe u baryo iyo sida ay baryadoodu samada uga soo noqoto sidii kubad gidaar lagu dhuftay oo kale. Maxay ducadu u geli weydey samaawaadka? Maxaa loo aqbali waayey?. Ma maqashay weligaa niman is habaaray oo labadiiba ay dhinteen? Ama waxay isku habaareen ka soo baxeen? Weligaa ma maqashay gabayada kuhaanada ah oo gabyaagu wuxuu caloosha ku qabtay afkana ka sheegay sidoodii u soo baxaan? Ma maqashay qofkaasi waa Awliya Illaahay ee ha isku dhibin?. Haddaba Diintu waa isla Diintiiye, Eebe weynana waa jire jooga ahe maanta sidee wax yihiin?  

Akhristow Hogaamiyihii Fardooleydii manaxayaasha ahaa ee la odhan jirey Gingis Khaan ayaa siduu ummada usoo xaaqayey wuxuu soo dul istaagay Magaalada Baqdaad oo camiran. Waxaa caado u ahayd marka ay kooxdan Mangooliyaanka ahi magaala qabsadaan inay dadka ku nool oo dhan xasuuqaan guryahana dab suraan. Madaxyada marxuumiinta ayaa laysa saaraa ilaa ay samaawaadka ku dhowaadaan. Waxaa dhiigu dareeray wadooyinka, webiyadiina waxay madoobaayeen usbuucya dhan fara badnida buugaagta lagu guray awgeed. Baaqiqii Reer Baqdaad ee haray ayaa Masaajid weyn nafta kula cararay. Gengis Khan ayaa uga daba tegey oo Mambarkii fuulay una khudbeeyey Muslimiinta maciinka soo baday Masjidka. Wuxuu ku bilaabay hadalkiisii: “ Ma garanaysaan waxaan idiin laynayo oo aan idiin baabi’inayo? Illaahiinii baad ku caasideen markaasuu aniga idiin kiin soo diray si aan idiin gumaado”.  

Sow maanta anagii mana haysato hadalkii Khaan?. Sow illaahay naguma salidin kuwa aan Eebe ka baqayn oo aan noo naxayn?. Sow wax badan nalaga jari maayo?. Sow dulmi, kufsi, dilid, takoor, qabyaalad, munaafaqnimo, sixir, xasad, shirki, boob iyo ribo diin nooma noqon?

MINII LA YAABO YAASIINKA!

C/Rahman Eelay
eediran@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Oct  23, 2005


Baaq: Dhibta Haysata Beesha Gabooyuhu Waa Maxay? Maxaase Inagu Waajib ah?
Iyada oo aynaan xaashiyo yar kusoo koobi karin dhibaatada culus ee beeshaas haysata hadana bal aynu.. Guji... May 23

MPLS: Habeenka Soomaalida iyo Sharciga | Goorma: June 4

 Waraysi: Garaadka Beesha Gabooyaha
Nin u Dhashay Beesha Gabooyaha ayaa Hargeysa Lagu Diley, Dadkii Arintaas Ka Mudaharaadayna Xabsi ayaa la dhigay, waxaana arintaas ka waraysanay Garaad Axmed Diiriye Geylan... Guji...

LINK: www.somalitalk.com/quursi


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD