SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QURMBE

K/AFRIKA: NIN MAANTA [Isniin Jan 7, 2008] LOO QABTAY DILKA IYO GUBIDA 2 NIN SOOMALI AH

WAA TALABO HORMAR LEH, POLICE-KA GOBOLKA EASTERN CAPE K/AFRIKA AYAA SHAAC KA QAADEY INEEY HAYAAN NIN 29 JIR AH OO KU EEDEYSAN DILKA , DHACA IYO GUBIDA LABBO NIN OO SOOMALI AH OO HABENKII AXAD LAGU GUBEY DUKAANKOODA OO KU YIILEY TUULADA DUNCAN VILLAGE EE MAGAALADA EASTLONDON.

  • Laba Soomaali ah oo markii la toogtey kaddib dab lagu Gubey Xaafadda Duncan Village ee East London, Eastern Cape, Koonfur Afrika.....
  • Gobolkani Eastern Cape, ma ahan gobol ku cusub in dad soomaali lagu gubo, 14/11/07 ayay aheyd markii labo wiil oo soomali ah oo wada dhashay lagu gubey dukaankoodii oo ku yiiley Mthatha, sanad iyo bilo ka hor (2006) magalada Muselbay ayaa sidoo kale labo dhacdo oo isku mid ah oo isu dhawaa iyana lagu gubey rag soomaali ah 4 gaarayay.

Nuur Maxamed oo dhex taagan dukaankii lagu dhex gubey dhallinyarada Soomaaliyeed ee xaafadda Duncan Village... Isha: www.dispatch.co.za

Afeyeen u hadlay police-ka oo lagu magacaabo Captain Stephen Marais ayaa saxaafada u xaqiijiyey in gacanta lagu hayo nin 29 jir ah oo ku eedeysan dilka, dhaca iyo dab qabadsiinta labo nin oo ah dhalinyaro soomaaliyeed, oo habeenkii axada (Jan 6, 2007) abaaro 2:34 laga heley dukaankooda dhexdiisa iyagoo jirkooda ku yaalaan xabado, si xuna u gubtey kadib dab la qabadsiiyey, kaasoo gubey hantidii dukaanka tiiley, kadib sida la sheegey markii 4 nin oo burcad ah eey soo weerareen, kana dhaceen wixii lacag ahaa oo dukaanka yiiley, dabadeedna dab ku qabteen dukaankii kaasoo gubtey gabi ahaanba. ninka la qabtey ayaa la hor geeyn doonaa maxkamad ku taala magaalada East London dacwad la xariirta heysashada hanti lasoo dhacay, balse ma wajahayo dacwad dil, maadaamaa aan wali cadayn lagu heynin.

Sida SomaliTalk.com uu u xaqiijiyey Suldaan M. Abdi oo ah arday wax ka barta jaamacad K/afrika ku taala, oo goobta falku ka dhacay u tagay aaska , nimanka dhalinyarada ah ee la gubey ayaa lakala oran jirey Saciid Khaliif Jaamac, 17 jir (shaqsigii ugu da'da yaraa oo loo dilo dhawaanahay sidaasi foosha xun), iyo Badal Sh. Maxamed, 26jir, labada dhibane ayuu sheegey in eey dukaanka shaqaaale ka ahaayeen, isla markaasna eey kaligood hurdeen markii saqdii dhexe habeenkii axada ee taariikhdu eey ku beegneyd 06/01/08 eey koox hubeysan albaalka kusoo jabisay qufuladii tacshiirad, kadibna gudaha usoo dhaadhacay, Suldaan oo qadka taleefoonka iigu waramayay wax yar kadib markii uukasoo baxay shir eey la lahaayeen soomaalidii meesha joogtey saraakiisha ciidamada abniga, ayaa ii sheegey in raga hubeysan eey wiilsha ka qaateen wixii lacag cadaan ahaa ee tukaanka yiiley, kadibna xabadu dhowr ah la dhaceen, ka hor intii eeysan tukaanka ka bixina ku bilbiley gaas iib ahaa oo tukaanka yiiley, dabadeedna dab ku qabtay, goobtana ka baxsaday. dab damiska iyo gawaarida gargaarka ee dhuudhaa-da loo yaqaano ayaa goobta falku ka dhacay soo gaarey xilli wax kasta eey isku jumuseen, balse eey usuura gashay ineey dabka ka badbaadiyaan qeybo ka haray jirkii bino'aadamka oo laga ogaaday tacshiirada jirkaasi haleeshay.

  • Saciid Khaliif Jaamac waxa uu Koonfur Afrika ku yimid fasax, hooyadiisna waxay markii hore ku tiri dalkaan ha iman waa khatar in lagugu dilo'e, sidaas waxaa warbaahinta Koonfur Afrika u sheegay Jaamac oo ay marxuumka ilmoadeer ahaayeen.

Meydkii labada nin ayaa la'ii xaqiijiyey in shalay lagu aasey qabuuro ku yaala magaalada eastlondon, saraakiisha ciidamada amaanka oo sameeyey howlgal balaaran oo eey ku baadigoobeen dambiilayaasha ayay u suuro gasahay gacan kusoo dhigida eedeysanahani iminka la haayo, kadib xogo (tip off), eey bixiyeen xubno muwaadhiniinta dalkani ka mid ah. ninkani ayaa lagu heley matoor (generator), nooca yaryar ah oo uu aqoonsaday mulkiilihii dukaanka oo ahaa nin soomaali ah, dadka xaafadana eey yiqiineen. police-ka ayaa wali kusii daba jira raadka raga baxsadka ah ee falka lala xariiranayo, arrinta gubida ragan soomaalida ah ee ilmaha yari uu ku jiro (K/Africa qofka 18 jir ayuu qangaar ku noqdaa), ayaa cirka isku shereertay kadib markii si weyn eey u tabisay saxaafad afka dheer ee dalkani ka howlgasha, oo tv iyo wargeyso iyo radio ba leh. police-ka dalkani oo inta badan lagu eedeeyo wax ka qabad la'aan dadka dabiyada geysta ayay tilaabadani tahay mid wax tar leh.

Gobolkani Eastern Cape, ma ahan gobol ku cusub in dad soomaali lagu gubo, 14/11/07, labbo bilood uun ka hor ayay aheyd markii labo wiil oo soomali ah oo wada dhashay lagu gubey dukaankoodii oo ku yiiley Mthatha, sanad iyo bilo ka hor magalada Muselbay ayaa sidoo kale labo dhacdo oo isku mid ah oo isu dhawaa iyana lagu gubey rag soomaali ah 4 gaarayay. dilka sanadkasta ka dhaca gobolkani tiro malahan. Waxaa xaalada oga sii dara soomalida oo dhex seexata tukaamada oo eey hanti badani dhex taalo, taasoo keenta in nafi eey ku go'do marka hantidaasi eey kooxi damacdo in eey dhacaan, dilkana u geysta si eey u baabi'iyaan cadaymo laga helo ama wax raad ah.

SHISHEEYE NECEYB.

Ma'ahan soomalida oo kaliya dadka shisheeyaha ah ee la beegsado, maalmihii sabtida iyo axada ee aynu soo dhaaftey, illaa 50 meeyo qof oo ukala dhashay wadamada Muzambique iyo Zimbabwe oo ahaa ganacsato degan xaafada Seshonguve, ee ka tirsan magaala madaxda dalka ee Pretoria (Tshwane), ayaa ey soo gaareen dhaawacyo kala duwan, kadib markii illaa 2kun oo qof oo dadka deeganka ah eey soo weerareen ganacsiyadii dadkaasi shisheeyaha ah, oo mid ka mid ah lagu eedeynayay inuu diley nin dadka deegaanka ah oo tukaankiisa dhac ka geystay, kadibna ku dhintey ispital markii eey police-ka ka badbaadiyeen ninkii shihssyeha ahaa oo garaacaya. dhaawacyada qaarkood ayaa halis ah oo ispitaalo la dhigey, halka dhamaan dhulka lala simay ganacsiyadoodii. Dalkani oo caadi ahaan eey aad sare u yihiin dambiyada laga galo ayaa hadane dadka caadiga ah waxa eey had iyo jeer fooda is daraan dadka muhaajiriinta ah oo loo arko dad shaqo badan oo wax tabac badan, taasina eey dhaliso in dadka deeganka eey ka maseeraan..

  • Jan 1, 2008 ayey ahayd markii Koonfur Afrika lagu aasay nin kale oo Soomaaliyeed oo lagyu diley... Akhri halkan...

C/nasir Axmed (saxansoxo), Email: saxansoxo1@hotmail.com, Johansburg South Africa.

Soomaalida Lagu Diley Qurbaha ka akhri halkan....

Dareenka Soomaalida K/Africa iyo Doorashadii Madaxweynaha Cusub ee ANC, Zuma...

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 8, 2008

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com