SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Faallo:Koonfurta Afrikaay Ileyn Birimageyday Dileen!!!!!

Marka hore, mahad idilkeed Allaah ayey u sugnaatay, Naxariis iyo nabadghelyana Rasuulkeeni ayey korkiisa ahaatay.

Ina Lilaahi Wainaa Ilayhi Raajicuun.....Ina Lilaahi Wainaa Ilayhi Raajicuun

Qeexid Ereyga Biri Ma Geydo

Ereyga Birimageydo inkastoo siyaabooyin kala duwan loo yaqaan hadana ereygan hadda waxaa loola jeedaa "Lama dilaan, lama taabtaan" iyo kuwo kale oo macnaheedu yahay inkastoo ay khalad tahay in si sharci ah lagu dilo qof aan dembi muteysan hadana dil loo geysto dadka aanay bannaaneyn in la dilo ama si kale loo dhibaateeyo xilliga colaaduhu jiraan iyo xilliyada kaleba.

Ereygani asal ahaan wuxuu ka soo jeedaa dadka beeraleyda ahna ay u isticmaali jireen dhirta qaarkeed ee aan la goyn Karin iyadoo lagu tixgelinaayo harkooda, mirahooda, madinimadooda ama waxyaabo kale.

Koonfur Afrika

Hooyo Soomaaliyeed iyo 3 da caruura ah oo ay dhashey lagu gowracay Koonfur Afrika,waa dhacdo naxdin leh oo ay qabsatay qoys dhan oo Soomaaliyeed, hooyo iyo caruurteeda, oo ka kooban labbo wiil iyo gabar 12 jir ah ayaa dhegta dhiiga loo daray oo la gowracay magaalo ku taala koonfur Afrika xilli dilalka caadiga ay sii kordhayaan.

Faahfaahin dheeraad oo ku saabsan Qoys Soomaaliyeed oo la jarjaray ayaa soo baxaysa, magacyada caruurta la gowracay, iyo hooyadood, meesha ay ku sugnayeen, goorta iyo waxa loo isticmaalay dilkooda. ayaa waxaan ka waraysatay goobjoogayaal xog-ogaal u ah.

Xalayto xilli aan la ogeyn goorta ay ahayd ayaa rag ku hubeysan baangado, tooreeyo, iyo biro kale waxa ay u dhaceen dukaan ku yaala tuulada Queens Town ee wadankan kuunfur afrika, dukaanka waxaa lahaa Qoys Soomaali ah oo ka kooban hooyo iyo 3 caruur ah oo ay dhashay, labbo waa wiilal., midna waa gabar, rag aad u hubeysan ayaa cad cad u jaray hilbaha qoyska, dadkii saakay tagay goobta oo uu ka mid yahay Ismaaciil Cabdi Maxamuud.iyo dadkii dariska ahaa ayaa ka argagaxay waxa ay indhahooda saareen.

Sida uu ii sheegey Ismaaciil Cabdi Maxamuud oo reerka daris la ahaa, waxaa hooyada magaceeda lagu sheegey Saciido Aadan Maxamad, caruurta waxaa la kala yiraahdaa Maxamed oo 19 jir ahaa, Ibaraahim oo 15 jir ahaa iyo Caasho oo 12 jir ahayd. Ismaaciil oo ka mid ahaa dadkii goobta gaaray ayaa sheegey in waxa indhihiisa uu ku arkay ay ahaayeen wixii ugu argagaxa badnaa ee uu waligiis indhihiisa saaro, wuxuu ka waramay hilbo dad oo jarjaran, jirka dadka oo lagu shafay seefo iyo tooriyo , dhiig sidii daadkii oo kale u daadsan dukaanka dhexdiisa.

Ismaaciil oo warbixin iga siinaya xaalada qosyka wuxuu yiri "qoyskani labo billood oo kaliya ayay halkani degeyihiin, aniga ayay markii hore illa soo dageen, Cape Town ayay kasoo guureen, waxaa jirra xaas kale oo islaantani lala qabay oo caruur leh oo Cape Town degen, aabahood wuxuu jirraa Engiriiska, dukaankan mar dhow ayay heleen, bil oo kaliya ayayna dukaanka dhex degenyihiin, wiilka ayaa u adeega, inta kale ee Qoyskana dukaanka ayay dhex degenyihiin, marka xalayto ayaa loo dhacay, saake ayaase la ogaaday falka dhacay, mana la garanayo waxa ka dambeeyey" ayuu yiri Ismaaciil oo qadka taleefoonka iigu waramayay isagoo jooga meesha uu falka ka dhacey.

Dhacdadaani waxay noqoneysaa markii ugu horeysey ee dhacdo noocaan oo kala ah ay dalka koonfur afrika ka dhacdo, waa jireen dad la gubey, laakiin in qoys idil la wada gowroco waa mid naxdin leh oo aanan cidna filanaynin, Soomaalida dalkani ku dhaqan ma jiraan qoysas baddan oo tuulooyinka ku nool, qoykanina wuxuu ka mid yahay tirro qoysas ah oo sii kordhaya oo tuulooyinka u nolol doonanaya.

Ismaaciil ayaa sidoo kale ii sheegey in raga falka geystey ay dukaanka ka dhaceen alaabo iyo lacago aan la garanayn cadadkooda, waxaana muuqata ayuu yiri in raga falka geystey uu dagaal ku qabsaday goobta oo qoyska ay dagaalameen, wuxuu intaasi ku daray in hooyada iyo wiilka weyn ay ahaayeen kuwa ugu daran xagga dilka, taasina waxay muujineysaa ayuu yiri in ay dagaalameen, lagana yaabo in ay isku dayeen in ay kufsadaan hooyada iyo gabadha.

Sidoo kale mid ka mid ah wariyaasha ka howl gala wadaankaani koonfur afrika ayaa ii sheegey in dhawaan uu booqasho ku tagay isla goobta uu falka ka dhacay, wuxuu sheegey in uu reerka yaqiiney, muddo todobaad ahna la joogey guri ay daris ahaayeen oo uu marti u ahaa, wuxuu intaasi ku daray in reerka ay ahaayeen reer dadaal baddan kana go’antahay in ay shaqeystaan oo aysan waxbo ka sugin aabahooda dibada jira.

Waxaa xaalada fajac iyo naxdin ah ku jirra dhamaan dadka Soomaalida ah ee dalkan ku nool, sidoo kale ilaa iyo hadda lama duugin reerka waxaana la sugayaa xubno qoyska ka mid ah iyo madaxda jaaliyada Soomaalida koonfur afrika qaar ka mid ah si ay arrinta u galaan, waxaa kale oo kusii xoomaya goobta qalabka warbaahinta dalka.

Ma jirto cid loo qabtay falkani, police-kuna waa ay ku xeeranyihiin goobta, iyadoo lasoo sheegayo howlgalo baaxad weyn leh oo lagu goobayo ragga falkaan naxdinta leh geystey.

Sidoo kale markay arintaani soo shaac baxday maanta ayaa Sheekh Maxamed Aamiin Jowhar oo ah imaamka masaajidka Soomaalida Johannesburg salaadii jimcaha ka dib Soomaalida oga digey in eey xaasaskooda iyo caruurtooda geeyaan tuulooyinka, marka uu boqolaalkii qof ee Soomaalada ahaa u sheegey warka ku saabsan dilka qoyska ayaa markaliya la wada hogtey, murugo iyo hanfariir dadkii wada saameeyey, qof kasta oo aad dariiqa ku aragtid waxa kaliya ee uu hadal hayo waa dhacdadani naxdinta leh.

Marxuumiinta ayaa lagu wadaa in barito la aaso, balse waa uun kadib marka lagu sameeyo qaliin aysan Soomaalidu jeclayn oo loo fahamsan yahay in qofka jirkiisa xubno lagala baxayo, balse dhaqaatiirta ay ku micneeyaan qaliinka loo yaqaano (Postmortem) ama baaritaanka ogaanshaha sababta dilka keentey, kaas oo natiijo kasoo baxday aanan waligeed qofna loosoo xirin muddo 10 sanno ah.

Dilka iyo dhac kajiro wadankaani koonfurta afrika ayaa mudooyinkan danbe kusii saa idayo aydoo anan loo ogalayn in ay qataan qorya sharciyeysan iyo kuwa anansharciyesneen intaba Dadka qaxotiga ah oo anan laheeyn wax ka saacidaayo dhibatada ay ku hayaan Burcada hubeysan ee ku hubeysan qoryaha noocyaha kala gadisan leh sidaas si la mid ah ayaa waxaan meesha ka marnen jinsi nacaybkan ka jiraa dalka koonfur africa uu yahay mid lawada ogyahay in uu maskaxada dadka madaw ay raadayn xoogleh ku dhaaftay midab takoorkii dalkaasi kala qayday ee ka jiray dhawr iyo toban sano ka hor xaalada oo sidaas ah ayaa la is dhihi karaa soomaalida koonfur afrika ma ah dad isku duuban waxaana la dagay kala qaybsanaanta iyo tafaraaruqa mana jiro ururu ama mareeg soomaalidu ay ku bahaysanyihiin oo koonfur afrikaka jirtaa.

Arintaan ayaa ku soo aadey maalmo ka hor gumaadkii ay ciidamada aimisom u geysteen shacabka soomaaliyeed iyadoo wax ka hadashey ilaa hada aan la arag waxa aan ka ahayn inta ay idaacadaha sheeg sheegaan uun sidoo kale arintaan naxdinta leh ayaa ku soo aadey saacado uun ka dib markii Shalay aqalka baarlamaanka koonfurta Afrika ay u doorteen madaxweynaha cusub ee dalka Kgalema Motlanthe, oo ahaa madaxweyne ku xigeenka African National Congress (ANC) ka dib markii uu madaxweynihii hore dalka Koonfurta Afrika Thabo Mbeki ogolaaday in uu kursiga isaga dago amar uga yimid xisbiga talada haya ee African National Congress (ANC).

hadaba dhacdadaan iyo kuwo la mid ka ah ee ku dhaca shacabka soomaaliyeed yaa u maqan aaway Soomaalida ku dooda innagaa ah aqoonyahanada iyo siyaasiyiinta Soomaalida. Ishoodu ma hal meel oo qura ayey aragtaa. Aaway Dowladda sheeganeysa inay ummaddan hogaamiso, miyaanay u jeedin dadka Soomaaliyeed sida naxariis darrada ah loogu leynayo Koonfurta Afrika, Maanta meel walboo aad tagto waxa ku dhiban ama ku baaba’san waa Soomaali, waxa jeel ama Xabsi walboo aad tagto aad ka heleysaa Soomaali cid u doodeysa aysan jirin, waxa maalin walba si naxariisa darro ah loogu tooganayaa Soomaalida ka shaqeysata Koonfurta Afrika iyo meel kasta hadaba soomaalida ilaahaay uun baa u maqan cid kale u maqan malahan.

Si Kastaba ha ahaatee Waxaa wax lala yaaba ah in uu weli arinku yahay, Fari kama qodna faanoole!!!, waayo waxaa cad in umadda soomaaliyeed weli aanay ka waantoobin dhibaatooyinkii ku dhacay iyo wixii sababayba, waa ay haboonaan lahay inuu darsin u noqdo rafaadki iyo dhibki ay mareene, waxaa nasiib daro noqotay in dadka soomaaliyeed weli uusan dareenkoodu siin bal inay daba qabtaan haraagooda oo ay badbaadaadiyaan. Caano daatayba dabadood la qabaye!!!, weli soomalidu kama aysan bislaan Hadimadii iyo Halaagii ay horay ugu hoobteen!!!! CAJIIB

Hadaba aniga oo soo afjarayo qormadaan ayaa waxaan rumays nahay , haddii bulshada soomaaliyeed ay si wada jira oga shaqeeyaan sidii ay oga gudbi lahaayeen labada cudur ee qabyaaladda iyo cadaalad darrada, ayaa waxaa hubaal ah in ay ku guulaysan karaan helitaanka nidaam iyo kala dambayn u horseeda dibu dhiska qarankoodii dumay.

Mohamed Ismail

mismacil@Live.co.za

 

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 27, 2008

BAARID | SEARCH


safiirSafiirka Ethopia ayaa ka hadley sababaha uu u tago shirka Soomaalida uga socda Jabuuti... Wareysi Kooban ee SomaliTalk... Akhri... Sept 22

UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS