SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QAADKA

Qaadku ma Maandooriyaa?

Qormadan ku saabsan caleenta cagaaran ee loo yaqaan Jaadka ama Qaadka, waxaan kaga hadli doonaa haddii alle oggolaado dhibaatada ba'an ee uu uleeyahay dhanka bulshada, dhaqanka, dhaqaalaha, beeraha iyo caafimaadka. Anigoo soo qaadan doono cilmi baarisyo laga sameeyay dhibaatada Jaadka, kuwaasoo intooda badan lagu sameeyay dalka Yemen oo ah dalka ugu caansan dunida marka laga hadlayo qaadka cuniddiisa,waxaana ku billaabayaa dhibaatooyinka dhanka bulshada,dhaqaalaha iyo waxa ay diintu ka qabto qaadka.

Qaadka oo cilmi ahaan  loo yaqaan ''Catha Edulis Forsk'' waa geed dhumucdiisu dhex dhexaad tahay,waxaana lagu yaqaanaa caleemahiisa sii daaya walxo la mid ah falgal ahaan Amphetamines oo dareen kac marqaan ah abuura marka la calaliyo. Waxaana lagu beeraa meelo gaara oo ka tirsan bariga Afrika iyo jasiiradda carabta. Geedkan qaadka waxaa loo yaqaanaa magacyo fara badan, sida: khat  iyo gat oo Yemen  looga yaqaan,chat oo Ethiopia looga yaqaan,jaad oo Somalia  looga yaqaan,miraa oo Kenya iyo Tanzania looga yaqaan.Qaadka asal ahaan halka uu ka yimid waxaa ka taagan muranno fara badan,waxaase jira in isticmaalkiisa aad ugu badan yahay gobolka geeska Afrika iyo jasiiradda carabta gaar ahaan dalka yemen.Waxaa la aaminsanyahay in qaadku ka yimid ugu horreyn dalka Ethiopia, kadibna uu ku faafay dalalka bariga afrika iyo yemen, balse dadka qaar ayaa aaminsan inuu ka soo billowday yemen, dabadeedna uu ku faafay Ethiopia. Sir Richard Burton ayaa sheegay in yemen uu qaadka kaga yimid ethiopia qarnigii 15aad [[1]]. Si kastaba ha ahaatee, labadaas dal ayuu qaadka kaga faafay dalalka Somalia, Kenya, Uganda, Tanzania, the Congo, Malawi, Zimbabwe, Zambia, and South Africa. Ka hadlidda qaadka waxaa ugu horreeyay saynisyahankii muslimka ahaa ee la oranjiray Abu-rayhan Albayruuni oo qarnigii 11aad qoray kitaabkiisii Kitab al-Saidana fi al-Tibb ee ka hadlayay cilmiga dawooyinka [[2]].

Waa geed koritaankiisu culusyahay oo ka baxa dhulal buuraley ah oo roobkuna ku badanyahay,waxa uuna baxaa inta udhexeysa 1.5 mitir ilaa 20 mitir dherer ahaan, waxa ayna ku xirantahay hadba gobolka uu ka baxayo iyo roobka uu helayo, caleentiisuna waxay dherer ahaan gaareysaa 5-10 santiimitir, ballaadhkeeduna waa   1-4 santimitir.

Dadka qaadka cuna waxa ay u qeybiyaan marxaladaha saameynta qaadka afar marxaladood oo kala ah: xaraarad oo ah marka uu sida mamman u raadinayo, waqtigaasoo markii uu yimaado dadku xaggiisa u yaacaan iyagoo ku qaylinaya “soo dhacyeey”; marqaan oo ah marka uu dhiiggiisa ku jiro oo uu xiddigaha la cayaaro;isagoo dejiya xilligaas qorshayaal mala awaal ah oo aan raad yeelan;   qaadiro oo ah marka uu jirka ka baxo oo uu qofku habbisaysanyahay oo uu hamhamaansanayo, iyo dubaabo oo ah marka uu dareemayo in bahallo jirkiisa jaranayaan ama dabada ka gelayaan,sida bisado,jiir iwm.

Sanidihi ugu dambeeyay waxaa batay cunidda caleenta qaadka ee cusub ama fareeshka ah, taasoo sabab ay utahay isu socodka hawada oo fududeeyay in si fudud  looga helo goobo ka fog halka lagu beero sida dalka Ingiriiska oo uunan ka mid ahayn qaadka waxyaabaha maandooriyaasha ah ee mamnuuca ah.Qaadka cuniddiisu waxaa aad loogu yaqaanaa dalal isku gobol ku yaal oo kala ah: yemen, jabuuti, soomaaliya, itoobiya iyo Kenya;waxaana loo kala qeybin karaa laba koox oo kala ah:dalal soo saara  iyo dalal  loo soo dhoofiyo.Dalalka soo saara waxaa ugu cad cad itoobiya,yemen iyo Kenya;kuwa loo dhoofiyana waa soomaaliya iyo jabuuti.

Caleenta qaadka waxaa la cunaa ayadoo qoyan, waxaana in badan aragnaa in marka qaadka laga soo dhoofinayo dalalka Kenya iyo Ethiopia lagu soo duubo balaastic ama caleemaha muuska,sababta saa loo yeelayo ayaa ah in laga ilaaliyo inay qalasho; waayo haddii ay qalasho caleenta qaadka waxaa isbedel ku imaanayaa dhiska kiimikaad, maaddada cathinone ee ku jirta caleenta qoyan ayaa isku bedelaysa cathine oo ka waxtar yar tan hore, oo cathine ka awood kuma dhamma cathinone ka, waxaa kaloo la arkaa iyagoo biyo ku rusheeya ama isticmaala tallaajado si aaney u engagin.

Dalka yemen oo ku yaala dhanka koonfureed ee jasiiradda carabta waa dalka ugu badan ee ay dadkiisu cunaan qaadka,mana aha wax ceeba  xaggooda ee waxaa cuna  macalin,arday,dhakhtar,gaariley,xamaali, askari,wasiir,sheikh,madaxweyne iyo qof walbo oo Yemeni ah,xataa dadka da'da ah iyo kuwa ilkaha aan  lahayn ee aan calalin karin qaadka,iyagoo ku fashilma inay qeyb ahaan joojiyaan.xilliyada munaasabadaha waxa uu qaadku yahay waxa ugu weyn ee  laysku casuumo,waxa ayna isugu yimaadaan marka ay qayilayaan hoolal aad uweyn oo ay yaalaan fadhi carbeedyo, waxa ayna u yaqaanaan diiwaan.

Dad Yemeni ah oo isugu yimid aroos kuna barjaynayaan.

Dalka yemen maadaama uu yahay dal carabeed oo dhaqankiisu muxaafid yahay waxaa iibiya qaadka rag,mana arkaysid dumar ka ag dhaw goobahaas.balse dalalka kale sida soomaaliya iyo jabuuti waxaa inta badan iibiya  dumar oo kaga badan ragga.Si ka duwan dalka yemen,waxaa qaadka cuna soomaaliya gaar ahaan koonfurta  dad aan meherad lahayn oo wax iskuma tarayaal ah, waxa ayna la fariistaan dariiqyada iyo meelo aan qof damiir lihi isu quurin, mana aha wax ay dadweynuhu isu casuumaan  sida dadka yemenida ah, inkastoo meelaha qaar sida soomaali galbeeed iyo waqooyiga soomaaliya ay qaadka cunaan dad kala duwan oo ay culimo ku jirto.

Dhibaatooyinka dhaqaalaha iyo beeraha oo uu geysanayo qaadka waxaan soo qaadanaynaa sahan laga sameeyay dalka yemen oo ah dalka ugu caansan marka laga hadlayo qaadka beeristiisa iyo cuniddiisaba, waxaan kaloo soo qaadan doonaa qiyaaso laga sameeyay kharashka soomaalida uga baxdo qaadka wixi ka dambeeyay dhiciddii dawladdii M.S.Barre.

Sida ay sheegtay hay'adda Al-afif cultural foundation waxaa lagu qiyaasay in 70% ilaa 80% dadka yemen ee da'dooda udhexeyso 16-50 sano ay cunaan qaadka ugu yaraan hal munaasabad ama  hal fursad.waxaa kale oo ay sheegtay in 14.6 million oo qof oo Yemeni ah ay saacado badan maalin walbo ku bixiyaan qayilaad, waqtigaas oo ay ahayd inay kaga faa'iideystaan wax soosaarka sida shaqooyinka, dhaq dhaqaaqyada waxbarasho iyo kuwo kale sida isboortiga.

Cilmi baare udhashay dalkan yemen oo la yiraahdo Ali Al-Zubaidi ayaa ku sheegay lacagta dadka yemeneed ku qarash gareeyaan qaadka inay sii kordhayso tan iyo sanadkii 1990ki, markaas oo uu ahaa 14.6 bilyan oo riyaalka dalka yemen,sanadki 1995ki waxa uu gaaray 41.2 bilyan oo riyaal, shaxdan ayaana ku socoto koror xad dhaaf ah.cilmi baarayaasha ayaa sidoo kale ku qiyaasay in qoysaska yemenida ah ay ku qarash gareeyaan qaadka 17% dakhligooda, inkastoo laga yaabo in qiyaasta dhabta ah ee lacagaha intaas ka sareyso.Dhibaatada ugu weyn ee balwaddan leedahay ayaa ah lacagaha ay ku bixiyaan dadka cuna qaadka oo taagan heerka ugu hooseysa saboolnimada, waxaana dhacda in dadkaasi waayaan lacag ay ku iibiyaan cunto iyo adeegyada kale oo ay ubaahanyihiin reerahooda.

Shacbiyadda qaadku ku leeyahay dalkan yemen ayaa horseeday inuu kordho beeristiisa, lana wareego dhul  beereed aad uballaaran. Waxaa lagu qiyaasay in 40% biyaha dalkan yemen lagu waraabiyo  wax soosaarka qaadka oo sii kordhayo 10-15% sanad walbo.isticmaalka intaa la eg ee biyaha waa mid aad usareeya marka loo eego heerka biyaha dhulka hoos jiifa ee magaalada Sanca oo sii yaraanayo, lana filayo inay guraan sanadka 2015, sida uu sheegay masuul ka tirsan wasaaradda beeraha ee dalka yemen[[3]]. Hal sabab ayaana loo aaneynayaa inuu sii kordho beerista qaadka ee dalka Yemen waana lacagta faraha badan ee beeralayda ka soo gasho. Diraasad dhammaatay sanadki 2001 waxaa lagu sheegay in lacagta ka soo gaho beerista qaadka halki hektar ay tahay 2.5 milyan riyaalka yemen, halka qudaarti ka soo go'do hal hektar ay ka helayaan 0.57 milyan. Tan ayaana sabab u noqotay in beeralayda door bidaan beerista qaadka, kana door bidaan bunka,qudaarta iyo miraha kale ee la abuurto. Sababtan awgeed ayaa inti udhexeysay sanadihi 1970-2000, dhulka qaadka lagu abuuro waxa uu kordhay 8000-103000 hektar[[4]]. Si kastaba ha ahaatee, nambarkan ayaa ah qiyaas, ayadoo shaxda dhabta ah  la rumeysanyahay inay aad uga sareyso, sida ay sheegeen masuuliyiinta iyo cilmi baarayaasha beeraha.

Qaad cuniddu waa arrin dabiici ka ah yemenida dhexdooda, iyagoo ku barjeeya isusoo uruur walbo ama munaasabadaha sida aroosyada. Da'da  dhalinta yar, haba ugu badnaadaane ardayda ayaa u isticmaala qaadka inuu kordhiyo feejignaantooda, soo jeedkooda  iyo weliba diirad saaridda casharradooda,mana aha wax mar qura,todobaadle ama marar dhif ah la cuno ee waa maalinle marka aad joogto dalka yemen.Bunka lagu beero yemen waa mid aad loo ammaanay caalami ahaan, oo dad badan oo dunida daafaheeda ku nool ayaa aad ujecel inay ku raaxeystaan dhadhankiisa fariidka ah marka ay meel isugu yimaadaan, balse dadka yemenida ah taa bedelkeeda waxay isticmaalaan qaadka oo ah balwad la'aanteed dalka yemen shaqo aaney soconayn.

Haddaba aafada intaa la eg kuma eka uun dalka yemen ee waxaa la qaba ummado kale sida aan kor ku soo xusay,dadkeena soomaaliyeed oo ka mid ah dadyowga qaadka loogu soo hal qabsado waxaan moodayay  in dalki gudahiisa  uun ku cunaan,waxaanse la yaabay soomaalida faraha badan ee  ku soo tahriibay dalka yemen sida ay ucunayaan qaadka oo aan yemenida ka yareyn,waxaana igu maqaala ah in xaafada ka mid ah magaaladan Sanca ay jiraan soomaali sameysa khamriga musdanaca ah ee loo yaqaan ''calaqa''. Tan kale ee aan la amakaagay ayaa ahayd mar aan telefishin carbeed ka daawaday dad soomaali ah oo qaad ku iibinaya dalka Ingiriiska oo sharci ahaan qaadku uunan ahayn mamnuuc. Dad badan oo Yemeni ah oo aan la sheekaystay ayaa aaminsan in soomaalidu uga badan yihiin qaad cunidda,dalka soomaaliyana yahay halka uu ka soo jeedo qaadka, taa oo ah fikir khaldan oo aan cilmi ku dhisnayn, iyagoon kala aqoon waxa ay kala yihiin soomaaliya iyo itoobiya moodana wax isku mid ah ama waddan qura ah.

Soomaaliya:-

Dalka soomaaliya Waxaa la weriyaa in markii ugu horreysey ay cuniddiisa bilaabeen qaar ka mid ah culimmada Soomaali Galbeed oo u adeegsan jirey inay habeenkii ku soo jeedaan si ay u cibaadaystaan. Markaas kaddib, waxaa isticmaalkiisu u gudbey baabuur wadayaashii wadi jirey baabuurta xamuulka oo isaga gooshi jireen dalka Xabashida iyo Woqooyiga Soomaaliya, markii ay labadaas dalba gacanta Ingiriiska ku sugnaayeen, bilawgii afartamaadkii. Woqooyiga waxaa iyaguna isticmaalkiisa bilaabay kooxo odayaal ah oo u adeegsan jireen inay ku sheekaystaan waqtigooda firaaqada ah iyo markii ay shirayaan.

Isticmaalka foosha xun oo fisqigu la jiro wuxuu bilawday markii ay cuniddiisa bilaabeen fannaaniinta iyo dhallinyarada oo labada jinsiba leh. Cunidda qaadku waxay si muuqata ugu gudubtey Koonfurta Soomaaliya xoroobiddii iyo midowgii kaddib.

Qaadka waxaa soomaaliya laga mamnuucay dhawr jeer, markii ugu horreysay waxaa gobollada waqooyi ee soomaaliya ka mamnuucay dalka Ingiriiska sanidihii afartamaadki iyo kontomaadkii. Taliyaaniga oo koonfur xukumayayna waxa uu mamnuucay sanadkii 1952ki, inkastoo isticmaalkiisu uu ku yaraa gobollada koonfureed.

Dawladdii soomaaliyeed ayaa si guud dalka oo dhan uga mamnuucday bishi maarso 1983ki, balse mamnuuciddaas waxa ay meesha ka baxday markii ay dhacday dawladdii madaxweyne Max'ed Siyaad Barre janaayo 1991ki. Mar kale waxaa mamnuucid ku soo rogay madaxdii maxkamdaha islaamka 17ki Nofeembar 2006di, markaas oo ay ka talinayeen inta badan koonfurta soomaaliya, waxay mar kale hawada ka baxday mamnuuciddaas marki la riday maxkamadihi dabayaaqadi 2006di,markaas oo dhulki ay ka talinayeen la wareegtay dawladda federaalka oo wadatay ciidamada shisheeye.

Lacag aad ufara badan ayaa soomaaliya uga baxdo soo dhoofsashada caleentan maandooriyaha ah ee dad badan oo soomaaliyeed ay aad u daaqaan, tusaale ahaan sanadki 2006 marki dawladda Kenya ay xayiraadda ku soo rogtay duullimaadyadii u kicitimi jiray dalka soomaaliya,ayaa mudane ka tirsan baarlamaanka Kenya oo  laga soo doorto Ntonyiri, Meru North District, sheegay in dhulka deegaanka loo qorsheeyay beerista qaadka,waxaana maalin walbo loo dhoofin jiray soomaaliya qaad dhan 20 tan, qiimahiisuna uu yahay $800,000, waxa uuna intaa ku daray in xayiraadda ay burburisay dhaqaalaha deegaanka[[5]]. Intaa waa qiyaasta kenya ka timaada maalinti qura, bal qiyaas inta ay gaareyso sanadki inta ka timaada, waxa ay noqonaysaa $292,000,000.Qiyaas kale  ayaa sheegaysa in qaadka soomaaliya uga yimaada kenya uu sanadki gaaro qiimahiisa $100 milyan [[6]].qiyaastan waxaan ku jirin qaadka laga keeno ethiopia ee la geeyo gobollo ka mid ah soomaaliya sida waqooyi  oo aad uga isticmaal badan qaadka koonfurta.lacagahaas malaayiinta doolar ah waxay gacanta u galaan laba dal oo aan deris nahay xurguf ba'anne ay nagala dhexeyso,labadaas dal oo lugta kula jira qaska ka jira dalkeena. Sidoo kale dalka jamhuuriyadda jabuuti ayaa ka mid ah goobaha uu aad u aafeeyay qaadka, warbixinno aan ka soo xigtay qaar ka mid ah bogagga internetka ee ka faallooda dhibaatooyina qaadka ayaa tibaaxay sidan: si layaab leh ayaa waxaa la isla xariiriyay isticmaalka qaadka iyo tirada dumarka dhillaysta ee AIDS ka qaba  dalka jabuuti.Warbixin ayaana sheegtay in ragga aadka ucuna qaadka ay u baxaan bannaanada iyagoo utaga dumar dhillooyin ah diidana isticmaalka cinjirka galmoodka. Waxaa qortay Trade and Environment Database (TED) [[7]]

Sida aan la soconno warbixin ay soo saartay dawladda ethiopia ayay ku sheegtay in qaadka ay dibadda udhoofiso uu ka soo galo lacag aad ufara badan, qaadkuna wuxuu ka mid noqday 5ta walxood ee ugu lacagta badan waxyaabaha ay dawladda ethiopia udhoofiso dibadda,waxayna intaa ku dartay inay damacsantahay siyaasad ku qotonta yaraynta isticmaalka qaadka ee dalka gudahiisa.

Diintu maxay ka leedahay qaadka?

Diinta islaamka waxa ay leedahay 6 arrimood oo wax alle iyo wixi waxyeelaynayaa ay xaaraan yihiin, loona baahanyahay in la dhowro, waxa ayna kala yihiin: dhowridda diinta, nafta, caqliga, maalka, sharafka iyo dhasha. Haddaba aan isweydiinnee qaadku maka hor imaanayaa arrimahaas middood? Jawaabtu waa haa, waxa uu ka hor imaanayaa dhammaan lixdaa ujeeddo ee diinta islaamka.

Waxyeelada diinta: qofka qayilaa ma ilaalin karo salaadda oo ah tiirka 2aad ee islaamka, waxaa laga yaabaa inay ku dhaafto isagoo ufadhiya qayilaad ama in si fudud uga timaado manida oo uu sidaa ku dahaaro beelo.

Ilaah SW waxa uu ku yiri quraanka kariimka ah:-

[ إنمايريد الشيطان أنيوقع بينكم العداوة والبغضاء فى الخمروالميسر ويصدكم عن ذكرالله وعن الصلاة فهل أنتم منتهون] سورة المائدة(91)

 Dhab ahaan shaydaanku wuxuu doonayaa inuu idinka dhex rido colaad iyo caro, khamrada iyo khamaarka awgood, iyo inuu idinka jeediyo xusidda Ilaahay iyo salaadda ee ma tihiin kuwo reebtoomaya.

Waxyeelada nafta: waxaan qeybaha gadaale ku arki doonaa dhibaatada qaadku uleeyahay caafimaadka qofka cunayo, waxayna keeni kartaa dhimmasho, haddii uunan dhimman xataa waxa uu halis ugu jiraa cudurro iyo xanuunno fara badan, taasoo halis weyn ukeenayso nafsada bani aadamka.

Ilaahay wuxuu ku yiri quraanka:

[ولاتلقوا بأيديكم إلى التهلكة ] سورة البقرة (195)

Naftiina haku ridina halaag.

[ولا تقتلوا أنفسكم إن الله كان بكم رحيماً] سورة النساء(29)

Naftiinna ha dilina maxaayeelay Ilaahay waa kii idiin naxariis badan.

Waxyeelada caqliga: qaadka cunistiisa wuxuu  waxyeelo u geystaa caqliga qofka cunayo, waxa uuna keeni karaa  waali dhab ah.

Waxyeelada maalka ama hantida: qaadka waxa uu halis weyn geliyaa dhaqaalaha qofka iyo bulshada intaba, waxaana kor ku soo xusnay halista qaadka ee dhaqaale oo tusaale ahaan aan usoo qaatay Soomaaliya.

[وءات ذ االقربى حقه والمسكين و ابن السبيل ولا تبذرتبذيراً* إن المبذرين كانوا إخوان الشياطين وكان الشيطان لريه كفوراً] سورة الإسراء (27).

Sii qofka qaraabada ah xaqiisa iyo miskiinka iyo masaafirka, hana baatulin hantida baatulid. Dhab ahaan kuwa hantida baatulaa waa walaalaha shayaadiinta, shaydaankuna waa kii rabbigiis ku kufrin badan.

Waxyeelada sharafta:  Cunidda qaadku waxay wax yeeshaa sharafta, iyadoo ah dhabbe loo sii maro xishoodarrada, sinada, khamrocabka iyo sigaarcabka.

 Ilaah wuxuu ku yiri quraankiisa:-

[إن الله يأمر بالعدل والإحسان وإيتاء ذي القربى وينهى عن الفحشاء والمنكر والبغي لعلّكم تذكّرون] الا̃ية(90) سورة النحل.

Dhab ahaan Ilaahay wuxuu farayaa caddaalad, samofal iyo in qofka qaraabada ah wax la siiyo, wuxuuna reebayaa sinada, munkarka iyo dulmiga; Ilaahay wuu idin waaninayaa si aad u waano qaadataan.

Waxyeelada dhasha: cunidda qaadka waxay keentaa waxyeelada dhasha, ayadoo ay badato carruurta aan aabaha lahayn, waayo waxaa in badan la arkaa  qayilaadda fisqiga la socoto ee ay wada qayilaan rag iyo dumar aaney kala dhowrsan marka uu gaaro marqaanka,halkaana waxaa ka dhalanaya fuxshi,cudurro faafa sida jabtada,AIDS ka & xabbada (waraabow) iyo carruur aan aabe lahayn. Waxaa kaloo ka dhasha dayac ku timaada carruurta kale ee waalidkood qayilo.

Aayadaha quraanka ayaa in badan ka hadlaya waxyaalaha xaaraanta ah ee inalaga reebay.

(يسئلونك ماذا أحل لهم قل أحل لهم الطيبات) سورة المائدة(4)

Waxay ku weydiinayaan, Nebiyow, waxa loo xalaaleeyey. Waxaad ku tiraahdaa waxaa laydiin xalaaleeyey waxyaalaha wanwanaagsan.

(وكلوا ممّا رزقكم الله حلالاً طيباً) سورة المائدة (88)

Cuna waxa uu allaah idinku arsuqay iyagoo xalaal ah oo wanaagsan.

Qaadka maka mid yahay waxyaabaha wanaagsan ee naloo xalaaleeyay? Dabcan maya, kama mid ah waxyaabaha wanaagsan.

Axaadiista ku soo aroortay arrintan kana hadlaysa waxyaabaha uu qaadku ka mid yahay  aad ayay u badanyihiin,waxaana ka mid ah:-

عَنْ ابْنِ عُمَرَ قَالَ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ "كُلُّ مُسْكِرٍ خَمْرٌ وَكُلُّ مُسْكِرٍ حَرَامٌ وَمَنْ شَرِبَ الْخَمْرَ فِي الدُّنْيَا فَمَاتَ وَهُوَ يُدْمِنُهَا لَمْ يَتُبْ لَمْ يَشْرَبْهَا فِي الْآخِرَة".   صحيح مسلم

Wax walba oo wax sarqaamiya waa khamri, wax walba oo wax sarqaamiyana waa xaaraan, qofki  ku caba adduunyada khamri oo ku dhinta isagoo daa imaya oon ka toobad keenin aakhiro kuma cabo.

عَنْ ابْنِ عُمَرَ قَالَ سَمِعْتُ النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ" كُلُّ مُسْكِرٍ حَرَامٌ".   سنن الترمذي

Wax kasta oo wax sarqaamiya waa xaaraan.

عَنْ عَائِشَةَ قَالَتْ قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ "كُلُّ مُسْكِرٍ حَرَامٌ مَا أَسْكَرَ الْفَرَقُ مِنْهُ فَمِلْءُ الْكَفِّ مِنْهُ حَرَامٌ".    سنن الترمذي

Wax kasta oo wax sarqaamiya waa xaaraan, wixi kiisa badan (kalimadda alfaraq waa halbeeg la eg 16 pound ama rodol) wax saqraamiyo sacabka muggiisna waa xaaraan.

Axaadiistaa kor ku xusan waxa ay dhammaantood inoo sheegayaan in wixi wax saqraamiyo uu xaaraan yahay,qaadkuna waxa uu soo hoos galayaa maandooriyaha khamriga oo ah hooyada waxyaalaha xun xun.

waxyeelada caafimaad ee qaadka

Catha edulis oo ah magac cilmiyeedka geedka qaadka waxa uu ka tirsanyahay faamiliga la yiraahdo Celastrales. Caleemaha qaadka waxaa ku jira nooc ka mid ah wax loo yaqaan Alkaloids (aalkolo), oo sameysan ahaan la la mid ah maaddada Amphetamine [[8]*], waxaana yoomiye cuna dad aad ufara badan oo ku nool meelo badan si ay uga helaan dareen maskaxeed loo yaqaan marqaan oo halmaamsiiya daalka, iskuna dhaafiyaan walaahowga la xariira nolosha adduunyada. Waxaana la aaminsanyahay in dareenka ka dhasha cunidda caleentan ee marqaanka uu sabab u yahay kartida iyo daal la'aanta qofka cunaya, waxaana isticmaala safarrayda iyo ardayda diyaarinaya imtixaannada si aaney udaalin.

Aragtiyadi caafimaad ee ugu horreysay ayaa soo jeedisay in qaadka uu ku jiro walxo la mid ah maaddada amphetamine; kaddibna baaritaanno kiimikaad oo la sameeyay ayaa  xaqiijiyay in caleenta cusub ee qaadka  ay ku jiraan alkaloids, sida Cathin iyo Cathinone, kan dambe ayaana dhisma ahaan la mid ah Amphetamine-1. sidoo kale waxaa ku jira xaddi fara badan oo tannins, vitamins, macadan iyo flavonoids. Cathinone waxaa iminka la aaminsanyahay inay tahay maadada ugu firfircoon ee walxaha ay ka koobantahay caleenta cusub ee qaadka.

Saameynta walxaha qaadka ku jira ay u geystaan waxa loo yaqaan receptors ka (soo dhaweeyayaasha) waxa ay la mid tahay tan uu u geysto maandooriyaha cocaine, dawada loo yaqaan bromocriptine ayaana yarayn karta saamaynta astaamaha iyo rabitaanka ka dhasha marka uu qofku joojiyo qaadka muddo 24 saacadood gudahood ah.

Dadka taageersan cunidda qaadka waxay ku andacoonayaan inuu u roonyahay dadka qaba macaanka (diabetes mellitus), maadaama lagu sheegay inuu hoos udhigo heerka sokorta ee dhiigga,sidoo kale uu wax ka taro daweynta neefta (asthma), isla markaana fududeeyo astaamaha cudurrada ku dhaca dheefshiidka. Dadka ka soo horjeeda ayaa iyana ku andacoonaya in qaadku waxyeeleeyo caafimaadka, isla markaana saameyn ku yeesha qeybo badan oo nolosha la xariira, sida dhaqanka, dhaqaalaha iyo wax qabsiga qof ahaaneed.

Sanadki 1980ki ayaa ururka caafimaadka adduunka (WHO) ku daray qaadka maandooriyaasha si khaldan loo isticmaalo (drug of abuse) maadaama ay keento qabatin  iyo ku tiirsanaan heerar kala duwan ah.

Qeybaha soo socda waxaan ku eegi doonnaa dhibaatada uu ugeysto qaadka jirka bani aadmiga, inagoo qeyb ba mar ka hadli doonno.

1-Waxyeelada dhimirka:-  

Saameynta ugu caansan ee qaadku waa dareen kaca marqaanka uu ku sameeyo maskaxda, taasoo la rumeysanyahay inuu masuul ka yahay Cathinone oo ka mid ah walxaha ay ka koobantahay caleenta qaadka.  Cathinone [[9]]waxa uu leeyahay fal aad u xawaare iyo xoog badan marka la barbardhigo cathine, waxaana taa ugu wacan isagoo aad ugu milmi kara dufanka (lipid), kaasoo ufududeynaysa inuu gaaro maskaxda.Diraasado fara badan oo la sameeyay ayaa cadaynaya in dareenka maskax qulqulka iyo miyir kaca dhasha marka qaadka la calaliyo ay ka mid yihiin  awood badan oo qofka usoo baxda iyo firfircooni keenaysa inay xoogeystaan bulsho dhex galka iyo warbadnida qofka cunaya, isgaoo arka inta uu cunayo qaadka raaxo mala awaal ah. Dareenkan iyo saameyntan waxa ay gaartaa heerka ugu sareysa inta udhexeysa 1.5 ilaa 3.5 saacadood kaddib marka uu billaabo qayilaadda, waxaana bedela daal, caajis, raaxo darro, xanuun, murugo, niyad jab, hurdo la'aan iyo rabitaanka cuntada oo yaraada[[10]].

Sanadihi ugu dambeeyay waxaa batay xanuunno maskaxda ah oo uu keenay qaadka marka si xad dhaaf ah  loo isticmaalo. Muuqaallada xanuunada maskaxda ah ee la arkay waxaa ka mid ah: waali, argagax iyo xanuunka dhimirka la xariira ee schizophrenia loo yaqaan [[11]]. Taa waxaa sii dheer qaadka cuniddiisu waxay cakirtaa maareynta dadka maskaxda horey uga xanuunsanaa.

Warbixin hordhac ah oo laga soo saaray baaritaanno lagu sameeyay 65 rag ah oo xanuunno maskaxda la xariira utagay xarunta daryeelka dadka dhimirka ka xanuunsanaya ee magaalada Sanca[[12]], ayaa lagu sheegay in dadka cuna qaadka ee xanuunnadaas qabay ay halis uyihiin in isku dhex yaac ku yimaada maskaxda iyo dhaqanka, iyagoo lagu arkay astaamo walwal ah iyo yaraanshaha natiijo ka soo baxda dawooyinka la siinayo ee dhimirka.Diraasad kale oo tan la mid ah ayaa iyana waxa ay sheegtay caddeymo tan la mid ah,waxa ayna hoosta ka xarriiqday in haddii qofkaa xanuunsanayo uu ku fashilmo joojinta cunidda qaadka ay keeni karto dhacdooyin halis ah oo dhimirka ku saabsan, xataa inta uu wado dawooyinka dhimirka.

Qofka inuu adkaysi uyeesho Amphetamine waxa ay dhacdaa isla marka loo baahdo in la kordhiyo xaddiga qiyaasta dawo (dose). Marka la barbardhigo Amphetamine, qaadku wuu ka yaryahay nisba ahaan inuu keeno ama sababo waxa loo yaqaan ''tolerance'',balse waxa ay isku mid ka yihiin hurdo la'aanta iyo rabitaanka cuntada oo yaraada.

Arrinta ah in qaadka la qabatimo waxaa dib u eegis ku sameeyay khubarada maandooriyaasha la qabatimo ee ururka caafimaadka adduunka (WHO), waxa ayna ku soo gaba gabeeyeen in qaadku sameeyo qabatin maskaxda oo joogta ah kana badan kan jir ahaaneed. Si kastaba ha ahaatee  astaamaha ka dhasha marka qof sanado badan isticmaalayay qaadka joojiyo ayaa ku eg  wareer,murugo,giriir gacmaha ah iyo qaraw naxdin leh oo soo noq noqda.

Waxaa kale oo uu qaadku keenaa inay ballaarato isha bu'deeda (mydriasis), taasoo socota inta uu qofku cunayo qaadka, waxayna la saan qaadaysaa saameynta uu ku sameeyo dhiigga iyo garaaca wadnaha.

Cunidda qaadka waxaa la socda isticmaalka waxyaabo kale sida sigaarka oo ah caado caan ah oo saameyn ku yeelanaysa astaamaha uu dhaliyo qaadka. Hurda la'aanta uu dhaliyo qaadka waa mid soo noq noqota,waxayna muqayiliintu isku dayaan inay kaga adkaadaan iyagoo isticmaala kaniinyo hurdo ama khamri. Warar la helay ayaa sheegaya in dalka Ethiopia ardayda jaamicadaha ay qaadka la isticmaalaan sigaar,khamri, dhuuqista basiinka iyo xabagta ama koolada waxa loo yaqaan.

2- Waxyeelada wadnaha iyo wareegga dhiigga :-    

Saameynta uu qaadku ku leeyahay wadnaha iyo wareegga dhiigga waa meel walwal isa soo tarayo uu ka imaanayo. Cilmi baaris ay sameeyeen khubaro iskaashaday oo u kala dhashay dalalka Britain iyo Yemen ayay ku caddeeyeen in cunidda qaadka  uu keeno kor u kac ku yimaada cadaadiska dhiigga iyo heerka garaaca wadnaha. Saameynta ugu sareysa ee cadaadiska dhiigga halbowlayaasha iyo garaaca waxay gaartaa 3 saacadood kaddib marka uu qofku billaabo qayilaadda, waxaana xiga hoos udhac kaddib saacad marka uu qaadka tufo.isbedelladan isugu jira sare ukac iyo hoos udhac ayaa barbar socda isbedellada ku imaanaya heerka maadada cathinone ee dhiigga inta lagu jiro calalinta qaadka iyo kadib ba[[13]]. Isbedello taa la mid ah oo caddaadiska dhiigga ah ayaa laga dheehday  tiro yar oo dad ah marki  afka laga siiyay kaabsol ka sameysan Cathinone. Taa ayaana waxay taageero weyn siinaysaa hindisaha ah in maadadan cathinone ka ay masuul ka tahay sare ukaca cadaadiska dhiigga halbowlaha iyo garaaca inta qofku cunayo qaadka. Qaabka ama mechanism ka ayaa ah sii daynta catecholamines ''sida Noradrenaline'' laga sii daayo kaydadka uu ku jiro ee  presynaptic stores, taasoo shabbahda kicitaanka uu sameeyo dareen wadka loo yaqaan sympathetic nervous system.

Cunidda qaadka waxa ay wadataa khatar weyn oo uu uleeyahay wadnaha iyo wareegga dhiigga, gaar ahaan dadka qaba cudurka dhiig karka iyo cudurrada wadnaha,  waxayna dhalin kartaa inuu dhiig ku furmo maskaxda (stroke), kaddib marka ay qarxaan xididada yar yar ee dhiigga wada ee maskaxda, sidoo kale waxay keeni kartaa in wadnuhu gabo howshiisa ama qarxo (myocardial infarction).

3- Waxyeelada dheefshiidka:-

Dadka qaadka cuna waxay badanaa ka cawdaan astaamaha xanuunada afka (stomatitis), hunguriga (esophagitis) iyo caloolholac (gastritis). Saameyntaas ayaa la aaminsanyahay  inay sabab uyihiin walxo ku jira qaadka oo sababa isusoo aruur (contraction) loona yaqaan tannic acid.

Caddeymo dhowaan la helay ayaa sheegay in qaadka cuniddiisu ay dib udhigto in cuntada adke u egta (semi-solid) ah ay caloosha ka baxdo, taasoo ka dhalatay shaqada uu qabanayo cathinone[[14]]. Cuntada oo caloosha aan ka bixin ama ku raagta waxay keeni kartaa  halista inuu qofkaa ku dhaco waxa loo yaqaan Gastro Esophageal Reflux, [[15]]sida laab jeexa iyo aashito dib ugu soo laabata hunguriga, taasoo muddo dheer ka dib keeni karta cudurka halista ah ee kansarka horseeda ee loo yaqaan Barret's esophagus. Abiteetka oo qofka ka xirma (anorexia) waa arrin la arko jalsada qaadka kaddib, muqayiliintuna mar dhif ah ayay cunaan cunto ku filan ama badan maalinta ay qayilayaan. Maaddada aan horay usoo sheegnay ee cathinone ayaana sabab u ah dhacdadani.

Cabashada ugu caansan ee ka timaada dadka balwaddan isticmaala waa calool fadhi (constipation), waxaana tan si wada jir ah u sababa maadooyinka tannins iyo cathinone ka oo labadaba ku jira qaadka. Dadka qaadka cuniddiisa ku gaamuray waxay isku dayaan inay la qabsadaan cuntada si ay ufududeeyaan saameyntan aan la jeclayn, iyagoo raashin cuna ka hor inta aaney ufariisan qayilaadda.

Calool fadhiga uu qaadku keeno waxaa la dareemay marki qaadka laga mamnuucay magaalada cadan sanadki 1957ki, waxaa hoos udhacay 90% iibsashada kaniinyada socodsiiya caloosha ee loo yaqaan (laxatives), balse marki la qaaday mamniiciddaas ayaa wuxuu ku soo laabtay heerkiisii hore. Caddeymo kale oo dhowaan soo baxay ayaa sheegaya in cunidda qaadka uu dib udhigo waqtiga guud ee socodka caloosha. Waxaa kale oo la ogaaday inuu saameyn ku leeyahay nuugista (absorption) qaar ka mid ah  dawooyinka qallajiyayaasha ah (antibiotics) afka laga cuno, gaar ahaan Ampicillin & tetracycline. Wax saameyn ahse kuma laha isku soo uruuridda (contraction) xameetiga.

Qaar ka mid ah culimada wax ka qortay qaadka ayaa ka shakisan in beerku unugulyahay halista uu wato qaadka, isagoo kharribi kara habsami usocodka shaqada beerka qabto iyo hab dhismeedkiisa, iyagoo taa ku caddeeyay tijaabooyin ay ku sameeyeen xayawaanno  muddo gaaban iyo muddo dheerba lagu quudiyay catha edulis.

Diraasadda dhawaan lagu sameeyay yemen ayaa lagu ogaaday in dadka qaba xanuunka beerka ku dhaca ee Hepatitis ka oo uu la socdo jaundice ka lagana helay virus ka noociisu yahay A & E (HAV & HEV) ay ahaayeen 41%, halka 51% ay ahaayeen (no viral hepatitis), waxaana laga yaabaa in fayras aan la aqoon ama walxaha sunta ah ee deegaanka ka dhaca sida biif baafta lagu buufiyo geedka qaadka ay gacan ka geysan karaan dhibaatooyinka jira[[16] ]iyo kuwo kale oo ka sii halis badan. Run ahaantiina waxaa la ogaaday in bukaanno qabay xanuunno beerka ah ay roonaadeen marki ay joojiyeen cunidda qaadka.  

4-Waxyeelada xubnaha taranka iyo kaadi mareenka:-

Waxaa ka mid ah waxyeelada aadka loo wada yaqaan ee qaadka dhibaatada kaadida  oo aaney xajin karin muqayiliinta misna aan si fiican u soconayn marka ay kaadinayaan.

Waxaana la ogaaday in heerka qulqulka kaadida ay ku yartahay dadka cuna qaadka. Taana waxaa masuul ka ah cathinone ka oo kicin ku sameeyo  α1 adrenoreceptors  ka ku yaal dhuunta kaadi haysta. Waxaa kale oo uu qaadku waxyeelo ugeystaa kacsiga, wuxuu kordhiyaa socodka ama shubmidda manida (shahwada), waxaana  fashil ku yimaadaa kicitaanka xubinta taranka ee ragga (erection), balse tani waxay ubaahantahay in diraasad dheeraad ah lagu sameeyo.

Dhanka taranka, diraasad lagu sameeyay 1181 dumar dhalayay dalka yemen ayaa lagu caddeeyay in hooyooyinka qayila carruurta ay dhalaan ka miisaan yaryihiin kuwa ay dhalaan hooyooyinka aan qayilin, waxaa kale oo la xaqiijiyay in hooyada inta ay uurka leedahay cunta qaadka carruurta ay dhasho ay ku imaan karto waxyeelo kale oo ka sii dheer miisaanka sida dhererka iyo wareegga madaxa marka la barbardhigo carruurta kale ee ay dhalaan hooyooyinka aan cunin qaadka inta ay uurka leeyihiin.

 Dhanka kale hooyooyinka carruurta nuujiya ee cuna qaadka ayaa ka cawda inaaney si wacan carruurta unuujin Karin sababo caano yari la xariira awgood.

5- Waxyeelada dadka qaba cudurka sokorta ama macaanka:-

Dhibaatada qaadku uleeyahay dadka sokorta qaba weli ma cadda. Qaar ka mid ah khubarada ayaa aaminsan in saameynta guud ee qaadka u leeyahay dadka kaadi macaanka qaba ay tahay mid dhib badan leh, waayo dadka qayila way adagtahay inay uhogaansamaan waanada dhakhtarka ee la xariirta cuntada ay cunayaan, ayadoo cabitaannada macaan ee ay ku cabbaan qaadka ay kordhiyaan heerka sokorta ee dhiigga. Waxaa la sheegay in marka uu qofku cuno qaadka uu hoos udhacayo heerka sokorta ee dhiigga, taana waxaa lagu micneeyay in maaddada tannins ka ee qaadka ku jirta ay dib udhigto in glucose ka laga soo dhuuqo mindhicirrada. Maadaama qaadka uu dib udhigo faarujinta caloosha[[17]] ayaa waxaa iyana laga yaabaa inuu dowr ka cayaaro hoos udhigidda heerka sokorta kaddib marka uu qofka cuno qaadka.

6- Cudurka halista ah ee kansarka (cancer):-

Maadaama uu qaadka la cunayo uu marayo dheef shiidka laga soo billaabo afka ilaa halka ugu dambeysa dheefshiidka, waxaa lagu soo waramay in kansarka ku dhaco afka (lower maxilla, buccal mucosa & lateral surface of the tongue) laga helay 13% bukaano dawo raadis ahaa oo la baaray magaalada Xudeyda ee Yemen, intooda badan waxay ahaayeen dad qayilayay in kabadan 20 sano, halka qaarna ahaayeen kuwa cuna buurida ay carabtu utaqaan ''shamma''.

Maaddada tannins ee qaadka ku jirta waxa ay adkaysaa xuubka jilcan ee afka,cunaha iyo hunguriga, waana mid keenta kansar (carcinogenic). Diraasad lagu sameeyay yemen ayaa muujisay in kansarka ku dhaca caloosha iyo hunguriga laga helay 6% bukaanno gaarayay 3064 bukaan oo lagu baaray qalabka casriga ah ee endoscopy ga qeybta sare dheefshiidka muddo sanad gudahiis ah. Waxaa kaloo la helay dadka cuna qaadka ama caba water-pipe smoking oo isugu jira rag iyo dumarba ay yihiin kuwa ugu badan ee  lala xariiriyay inay qabaan noocyo badan oo ah kansarka ku dhaca halka ay iska galaan caloosha iyo hunguriga. Kansarkan ku dhaca qeybta hoose ee hunguriga  ayaa lala xariiriyay cunidda qaadka, maadaama uu dib udhigo faarujinta caloosha, taasoo keeni karta halista GERD[18]* iyo Barret's esophagus[15].

Qaadka waxa uu waxyeelo gaarsiiyaa xuubka ku dahaaran qeybta sare ee dheefshiidka,ayadoo dadka qayila ay  ka cawdaan dheefshiid xumi (dyspepsia). Waxaa sidoo kale ku badan dadka qayila boogaha ku dhaca qeybta sare ee mindhicirka (duodenal ulcers). Waxaa kale oo halis weyn laga filanayaa in kansarka loo yaqaan Adenocarcinoma uu ku yimaado caloosha iyo hunguriga 30 ilaa 125 jibbaar.

7- Waxyeelada Afka iyo ilkaha:-

Dhibaatada cunidda qaadka ay ku leedahay afka iyo ilkaha ayaa marki ugu horreysay la ogaaday 50 sano ka hor, ayadoo xanuunno afka ah ay ku xigsadeen cudurro kale oo la isqaadsiin karo.

Afqallayl waa dhacdo caan ah oo ay la kulmaan muqayiliinta, waxaana loo aneeyay falka uu sameeyo katinoonka iyo / ama dhareerka faraha badan ee ka yimaada inta uu qofku qayilayo.

Waxa ay keentaa qaad cunidda xanuunno iyo nabarro ku sameysma ilkaha iyo ciridka, ilkaha oo bukooda ama dhinta si dhakhso ahna ku daata, xanuunno iyo garaac laga dareemo halka ay iska galaan lafaha temporal iyo mandible, midab fuula ilkaha iyo dhiig ka yimaada cirridka, ilkaha oo qodma gaar ahaan dadka ku cuna sokorta quruuraxa ah, ballaarasho ku timaada qanjidhada dhareerka, xanuun iyo laabmasho ku dhacda kanaalka qanjidhka Parotid dhanka uu ku cuno qaadka iyo wejiga oo sinnaanshihiisa isbedel ku yimaada ama kala dheeraado.

8- Cudurrada faafa:-

Qaadka waxa uu gacan ka geystaa cudurrada faafa ee ka dhasha nadaafad xumida, waxaana ka mid ah: cagaarshow, ameba, shuban, daacuun, tiifow iyo kuwo kale oo ku faafa nadaafada gacmaha iyo cuntada lacunayo oo liidata. Waxaa kale oo uu qaadku saacidaa cudurrada neef mareenka ku dhaca inay si fudud u faafaan, waayo dadka qayilaya waxa ay si koox koox ah ugu barjeeyaan goobo gaara, iyagoo daaqadaha u xira, cudurrada noocaas ku faafa waxaa ugu caansan; qaaxada, ifilada iyo hargabka.

Dalalka laga cuno qaadka

Marka laga soo tago dalalki aan horay usoo sheegnay ee Ethiopia,Yemen,Djibouti, Somalia,Kenya, Uganda, Tanzania, the Congo, Malawi, Zimbabwe, Zambia, and South Africa, waxaa jira dalal kale oo qeyb ahaan iyo si guudba u oggol cunidda qaadka, waxaana ka mid ah:-

Australia, Holand,UK oo dadka ugu badan ee cuna ay soomaali iyo yemeni yihiin, Israel oo ay weli cunaan yahuuddii ka soo haajirtay dalka Yemen.Balse inta badan dalalka caalamka waa ka mamnuuc qaadka isticmaalkiisa iyo soo dejintiisaba.

Dalalka laga mamnuucay qaadka maxay ku diidanyihiin?

Inta badan dalalka dunida lagama oggola qaadka in laga beec mushtaro iyo in la keenaba,waxa ayna ku aaneynayaan waxyeeladdiisa xag walba isugu jira gaar ahaan dhanka maandoorinta, tusaale ahaan waxaan usoo qaadanaynaa dhowr dal.

Mareykanka: maaddada qaadka ku jirta ee cathinone ka waxa ay ku jirtaa Schedule I of the U.S. Controlled Substance Act oo ah liis ama jadwal ay ku jiraan walxaha maandooriyaasha ah ee mamnuuca ka ah dalka mareykanka, halka maaddada kale ee isla qaadka ku jirta ee cathine ka ay ku jirto liiska schedule 4, oo ma aha maaddo mamnuuc ka ah dalkaas.

Haddaba qaadka maadaama laga helo maadadaas katinoonka dalkaas waa ka mamnuuc.

Iswiidhan: qaadku waxa uu ku jiraa maandooriyaasha loo yaqaan Narcotics oo ay isku meel ku jiraan Morphine, Heroine iyo Methadone, oo ah maandooriyaal caan ah oo dunida mamnuuc ka ah.

Kanada: cathinone ka ku jira qaadka waxa uu ku jiraa jadwalka Schedule III of the Controlled Drugs and Substances Act (CDSA), qaadkuna waa sharci darro, qofki lagu helaana mutaysanayo ciqaab xabsi 3 sano ah.

Hong kong: cathine iyo cathinone labadaba waxa ay ku jiraan liiska Schedule 1 of Hong Kong's Chapter 134 ee nidaamka maandooriyaasha halista ah.. Waxaase loo oggolyahay in jaamicadaha ay keensadaan si cilmi baaris ugu sameeyaan.

Sacuudiga: waxa uu udiidayaa  inuu yahay maandooriye waxyeeleeya nafta, dhaqaalaha iyo bulshadaba, diinta islaamkana ay diidayso wixi waxyeelo u keenaya intaas aan horey usoo sheegnay. Waxaana la mid ah oo sidaas oo kale udiidaya qaadka dalalka muslimka ah oo dhan marka laga reebo kuwo yar oo aan magacyadooda kor ku soo sheegnay.

Gunaanad

Gebo gebada qormadan waxaan jeclahay inaan kaga jawaabo su'aasha cinwaanka u ah qormadan oo ah: Qaadku ma maandooriyaa?. Jawaabta aan ka bixinayana waa mid aan ka soo dhiraan dhiriyay baaritaannada aan kor ku soo xusay ee isugu jira dhan diineed iyo caafimaadba, waxaana oranayaa qaadku waa maandooriye la mid ah khamriga iyo herowinta, waana xaaraan in qof muslim ah isticmaalo ama uu ka ganacsado.

Waxaana kula dardaarmayaa ummadda soomaaliyeed in maandooriyahaan aan la dagaalanno, waayo waa munkar, munkarkana waxa uu nabigeena (NNKH) na amray inaan doorinno sida ku cad xadiiskan hoos ku qoran:

عن ابي سعيد الخدري رضي الله عنه قال: سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ" مَنْ رَأَى مِنْكُمْ مُنْكَرًا فَلْيُغَيِّرْهُ بِيَدِهِ فَإِنْ لَمْ يَسْتَطِعْ فَبِلِسَانِهِ فَإِنْ لَمْ يَسْتَطِعْ فَبِقَلْبِهِ وَذَلِكَ أَضْعَفُ الْإِيمَان"  صحيح مسلمِ.

Qofkii idinka mid ah oo fal xun arkaa gacantiisa ha ku dooriyo, haddii uu awoodi waayana carrabkiisa, haddii uu taasna awoodi waayo qalbiga ha ka diido, taasoo ah iimaanka heerka ugu taag daran.

Qof walba oo soomaaliyeed waxaan kula dardaarmi lahaa in inta uu awoodo uusan ka hagran ciribtirka maandooriyahan faraha ba'an ku haya qeybo badan oo dadka soomaaliyeed ka mid ah, sababayna burburka reero aan yarayn oo u burburay maandooriyahan, sidoo kalena waxa uu horseed uyahay dagaallada ka dhacayo soomaaliya.

Dadka aqoonta leh ee garanaya dhibaatada uu wato maandooriyahani waxaa looga baahanyahay inay olole weyn ugalaan badbaadinta dadka iyo dalka ee waxyeelada maandooriyahni ay saameysay dhan kastaba, si gaar ah waxaan uga codsanayaa culimada diinta inay muxaadarooyin kaga hadlaan in waxani ay xaaraan yihiin cuniddiisa iyo ka ganacsigiisa sida khamriga oo kale, iyagoo kaashanaya aqoontooda diineed iyo garaadkooda wanaagsan. Waxaa kaloo loo baahanayahay in dhalinyaradu olole ka sameeyaan dhibaatada qaadka iyo xiriirka uu la leeyahay cudurrada faafa iyo cudurka halista ah ee AIDS ka loo yaqaan. Sidoo kale macalimiinta iyo ardaydooda waa inay iyana ka qaataan qeyb lixaad leh baraarujinta bulshada iyo u caddeynta waxyeelada uu wato geedkan qaadka ee na aafeeyay. Qalabka warbaahinta ayaa iyana ugu baaqayaa inay baraamijyo ka sameeyaan waxyeelada maandooriyahan, iskaashina kala sameeyaan hay'adaha iyo shakhsiyaadka isku xilqaamay la dagaallanka qaadka. Waxaan kaloo jeclahay in ciddi ay quseyso ku dhaqaaqdo in qaadka waxyeeladdiisa lagu soo daro manaahijta waxbarashada dugsiyada, si ardayda iyo jiilasha soo korayaba ay u gartaan waxyeelada la socota qaadka.

Maamullada ka jira soomaaliya iyana  waxaan ka codsanayaa inay gacan waxtar leh ka gaystaan wax ka qabashada maandooriyahan, hana ogaadaan in aakhiro la weydiin doono wax walbo oo ay wax ka qaban kareen oo aaney wax ka qaban.Dadka cuna maandooriyahan waxaan iyana ilaah uga baryayaa inuu maskaxdooda ka madoobeeyo cuniddiisa iyo rabitaanka ay uqabaan.

Wabillaahi tawfiiq.

Waxaa diyaariyay:
C/qaadir C/llaahi Cumar (Insi),
4th year medical student
University of Science and Technology.
Faculty of medicine.
Sana'a, Republic of Yemen.
E-mail: insi12@hotmail.com
ama insiyare@yahoo.co.uk

  • [1]  Eeg  Burton, Richard. First Footsteps in East Africa, 1856  
  • [2]  Eeg  Kiple, Kenneth F. & Ornelas, Kriemhild Coneč (2001), The Cambridge World History of Food, Cambridge University Press, pp. 672-3, ISBN 0521402166
  • [3]  Eeg  a b Yemen's khat habit soaks up water by Alex Kirby. Written 2007-4-7. Accessed 2007-4-8
  • [4]  Eeg a b Encyclopedia of Yemen (2nd ed), Alafif Cultural Foundation, pages 2309–2314, 2003.
  • [5]  Eeg  a b "Kenya bans all flights to Somalia", BBC News, 13 November 2006
  • [6] eeg   ''Khat Abuse Fuels''page 12
  • [7]eeg  Martin, Alice. "Djibouti Drug Culture Leaves Dying Women High and Dry,"Guardian October 28, 1996.)
  • [8] *(waa walxo saameyn weyn u geysta dareen wadka dhexe iyo kan darafka {central and peripheral nervous system}, waxaa kale oo uu saameyn weyn u geystaa cadaadiska dhiigga iyo kaadi haysta, waana marqaan kiciye.
  • ([9])  Eeg Kalix P. Pharmacological properties of the stimulant khat. Pharmacol Ther 1990; 48: 397–416
  • [10]  Eeg    (a) Hassan NAGM. Gunaid AA, El Khally FMY, Murray-Lyon IM. The effect of Khat chewing leaves on the Human mood. Saudi Med J 2002; 23(7): 850–853
  •                    (b)  Hassan NAGM, Gunaid AA, El Khally FMY, Murray-Lyon IM. The subjective effects of chewing qat leaves in human volunteers. Annals of Saudi Medicine 2003; 22(1–2): 34–37
  • [11]  Eeg   Pantelis C, Hindler CG, Taylor JC. Use and abuse of khat (catha edulis): a review of the distribution, pharmacology, side effects and a description of psychosis attributed to khat chewing. Psychol Med 1989; 19: 657–668
  • [12]  Eeg  Hassan NAGM, Gunaid AA, Ali MS, Shehab MMI. The effects of chewing qat leaves on psychotic patients. The Journal of The Egyptian Society of Pharmacology & Experimental Therapeutics 2003; 23 (1): 179–190.
  • [13]  Eeg          Halket JM, Karusu Z, Murray-Lyon IM. Plasma cathinone levels following chewing khat leaves (Catha edulis Forsk). J Ethnopharmacol 1995; 46: 111–113.
  • [14]  Eeg     Heymann TD, Bhupulan A, Zuriekat NEK, Bomanji J, Drinkwater C, Giles P. Murray-Lyon IM. Khat chewing delays gastric emptying of a semi-solid meal. Aliment Pharmacol Ther 1995; 9: 81–83.
  • [15] oo ah in waxyaabaha ku jira caloosha ay dib ugu soo laabtaan hunguriga.
  • [16]  Gunaid AA, Nasher TM, El-Guneid AM, Hill M, Drayton R, Pal A, Skidmore SJ, Coleman JC, Murray-Lyon IM. Acute Sporadic Hepatitis in the Republic of Yemen . Journal of Medical virology 1997; 51: 64–66.
  • [17] Eeg       Heymann TD, Bhupulan A, Zuriekat NEK, Bomanji J, Drinkwater C, Giles P. Murray-Lyon IM. Khat chewing delays gastric emptying of a semi-solid meal. Aliment Pharmacol Ther 1995; 9: 81–83.
  • [18] *   waxaa laga soo gaabiyay Gastro Esophageal Reflux Disease, oo ah in waxyaabaha ku jira caloosha iyo mindicirka ay dib ugu soo laabtaan hunguriga.


Shiil Gaari oo ka dhacay Duleedka Magaalada garowe Oct 7, 2008

Shil gaari jaadwale ah Ayaa Kadhacay (Oct 7, 2008) Duhurnimadii Wadada Udhaxaysa Kantaroolka iyo Xururnta UNDP , Shilkaas Oo gaystay Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh .

Gaari Noocisa ayaa ahaa Mark 2 ayaa Ku Qalibmay inta udhaxaysa Kantaroolka iyo Xururnta UNDP .
Shilkan oo sababay Dhimasho iyo Dhaawac Ayaa waxa ku geeriyooday 3 Ruux ilaa 5 kalena way kudhaawacmeen.

Dadkan Dhaawaca Ah Ayaa Aad Looga Deyrinayaa Xaaladooda Caafimaad iyadoo la dhigay cisbitaalada magaalada Garowe,

Shilalkan Kadhaca wadadaan ayaa inta badan soo noq noqda iyadoo dadku sheegayaan in wadaaasi tahay mid khatar ah.

Mohamed Hirsi
foolayone@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 10, 2008

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS