SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Puntland: Sharci ma jiro, Madaxwayne majiro Dawladna ma jirto hadalkii Cade Muuse.

Madaxwaynaha DGPL Gen: cade muuse oo ka hadlayaya shirkii Khamiis laha ahaa ee golaha xukuumada ayuu madaxwaynaha puntland ka jeediyay hadal soo jiitay dhamaan xukuumada kaasi oo madaxaynuhu ku cadeeyay in aysan jirin wax sharci iyo kala danbayn ah ee ku aadan xukuumadiisa.

Kulanka khamiislaha ee ay inta badan isugu yimaadaan Golaha xukuumada ayaa ah mid joogta ah kaasi oo looga wada hadlo marxaladaha hadba soo kordha iyo sidoo kale dhacdooyinkii dhacay todobaadkaas lagu jiro dabayaaqadiisa.

Madaxwaynaha oo la filayay in uu kaga hadlo dhacdooyinka caynkaasi ah ayaa hadana si cad oo aan gabasho lahayn ka horsheegay Golaha xukuumada hadalkaasi aadka u kulul oo ay dhibsadeen inta badan Golaha xukuumada oo filayay in wax loo duug duugo.

Si kastaba hadal haynta ugu badan ee bulshada dhexdeeda ilaa shalay kagadaal markii uu soo baxay hadalkaasi ayaa ahaa mid si wayn la iskula dhexmarayay loogana wada hadlayay waxa uu madaxwaynuhu ula jeeday hadalkaasi kaasi oo ilaa iminka uu ka tagaan yahay muran wayn.

Dadbadan oo aan rayi ahaan wax laga waydiiyay argtidooda ku aadan hadalkasi ah SHarci majiro, xukuumad majirto, Madaxwaynana majiro ayaa ku cabiray rayigooda hadii aysan waxba jirin maxaa meesha loo fadhiyaa qaar kale ayaa yiri halkii uu sidaas Cade Muuse ka lahaa Ragbaa fadhiyay kamana aysan diirin walibana ahaa masuuliyiinta hadalkaasi si wayn u taabanayo.

Faafin: SomaliTalk.com | June 15, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com