Garowe: Cadde Muuse oo ula
booca ugu tukubaya laba ka mid ah Golihiisa Wasiirada...
Madaxwaynaha DGPL Gen:
Cadde Muuse ayaa shir la qaatay maalinimadii Isniinta ahayd
12/06/007, aqoon yahano iyo waxgaradka Gobalka Nugaal kadib
markii uu madaxwaynuhu codsaday in u isagu la qaaato
shirkaas aqoonyahanada, shirkaasi oo aan saxaafada laga soo
qaybgalin ahaana shir qarsoodi ah ayaan hadana idiin kaga
ahaynaa hadaladii xasaasiga ahayd ee shirkaasi looga
wadahadlay anaga oo soo xuuraansanay ka qaybgalayaashii
shirkaasi oo warsidaha
www.somalitalk.com uu si toos ah ula socday shirkaasi
isla markaana uu ku hayay Isha, hadaba maxaa ka soo baxay
sideese ku biloday shirku maxaase looga wada hadalay waa
Su'aalo muhiim ah ee akhristow ee ka dheeho halkaan.
Madaxwaynaha DGPL Gen:
Cadde Muuse ayaa ugu horaynba furay shirka isla markaana soo
bandhigay ajandaha shirka kaasi oo noqday sidii laga yeeli
lahaa laba ka mid ah Golaha wasiirada ee xukuumadiisa.
Cadde Muuse isaga oo aan
hadalka la gabanayn ayuu ka yiri goobtii shirka waxaan
Doonayaa in aad keensataan laba kale oo aan ku badalo
labadaan wasiir ee u dhashay Gobalka Nugaal kuwasi oo kala
ah wasiirka waxbarashada Axmed Siciid Awnuur, iyo kan
qorshaynta Cabdi Salaad Ilyare.
Isaga oo madaxwaynuhu ku
eedeeyay labadaan wasiir in aysan la shaqayn xukuumada isla
markaana ay wadaan abaabul lagu afganbinayo xukuumada sidoo
kalena ay ka qayb galeen shirar beeleedyo kala duwan oo
xukuumada lagu waxyeelaynyo.
Mid ka mid ah ayaa hadalka
dhexgalay oo waydiiyay madaxwaynaha sababaha ay ula shaqayn
waayeen ragaasi dawlada lakiin madaxwaynuhu su'aashaas waxa
uu kaga gaabsaday horaan u xusay sida ay ula shaqaynwaayeen
xukuumada.
Mid kale ayaa yiri hadii
ay sida aad sheegtay kuula shaqayn waayeen isla markaana
ay ka qayb galeen shirar beeleedyo, ma waxaad ka rabtay in
ay warka kuugu keenaan sariirtaada hadalkaasii oo meel sare
gaarsiiyay shirkii.
Mid kale ayaa yiri Mudane
Madaxwayne Xilka ma ka qaadaysaa wasiirada salbalaarsiga
meesha ku jooga ee Cali Cabdi Awaare iyo Maxamed Cali Yuusuf
Gaagaab.
Madaxwaynuhu Su'aashaas
waxa uu kaga jawaabay labadaan wasiir Tolkooda ayaa meesha
keensaday isla markaana wali raba oo meesha ku Haya.
Isla ninkii Su'aasha
waydiiyay ayaa hadal ku celiyay oo yiri labadaan wasiirna
ee kala ah waxbarashada iyo qorshaynta anaga ayaa meesha
keensanay walina rabna ee faraha kala bax adigu hadii aad
beesha tixgalinaysid hadii kalena hadalkaaga sifiican u
cadee.
Gaba gabadii kulankan oo
noqday mid xasaasi ah kagadaal markii la is dhaafsaday
hadalo kul kulul oo aad u qoto dheer dhaliyayna xinif ayaan
intaas ku ekaan ee waxaa madaxwaynaha loogu baaqay isla
kulanka dhexdiisa in xiligan uu madaxwaynuhu yahaya maqaar
saar oo uusan waxba badali karin waxna magacaabi karin
maadaama xiliga uu haynayo xilka ay hada ka harsan tahay
Billo yar taasi oo gobta looga cadeeyay Madaxwaynaha lagana
war sugayo sida uu u maamulo doorashada soosocota
madaxwaynuhu, hase ahaatee Madaxwaynuhu isaga oo xanaaqsan
ayuu yiri 18 bilood baa ii harsan hadalkaasi oo kawada
yaabiyay goobjoogayaashi shirka keenayna in meesha looga
dareero.
Fiira gaara: waxaan
magacyada raga hadalada kulkulul jeediyay u xusi waynay
amaan xumo awgeed.
SomaliTalk.com | Garoowe
| June 14, 2007


|