Qormadii Asbuuca ee
Musuqmaasuq La Dirir
Axmed Yusuf |
puntland1998@yahoo.co.uk
- Qoraaga "Musuqumaasuq
la dirir" ee fikradan leh, waxa uu akhristayaasha
halkan ugu soo bandhigi doonaa
qoraal asbuucle ah sida waqtigu ugu saamaxo oo uu ka soo qori
doono madaxda Puntland waxyaabihii ay u qabteen bulshada...
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda DGPL, Gaagaab
Axad: Feb 18, 2007
Maxamed Cali Yuusuf
"Gaagaab" |
Madaxweynihii Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka
Soomaaliyeed, Siyaad Barre. |
Hordhac
Mudane Gaagaab waa nin midabbo
badan oo si sahal ah ugu milmi kara siyaasadda ka jirta
Soomaaliya, khaasatan Puntland oo uu hadda ka yahay Wasiirka
Maaliyadda. Wakhtiga lagu jiro waa ninka ugu tunka weyn
siyaasadda Puntland, waxaana dad badan oo aan ku arkay
magaalooyinka Boosaaso, Garoowe iyo khaasatan Gaalkacayo
qabaan in uu yahay maskaxda ka danbeeya siyaasadda gurracan
ee General Cadde. Taas ayaa Gaagaab ka dhigeysa in uu maanta
yahay saaxiibka ugu dhow ee General Cadde uu leeyahay.
Labadaas nin ayaa hadda loo tirinayaa in ay masuul ka yihiin
musuqmaasuqa, qaraabakiilka iyo dawlad xumada ka jirta
Puntaland.
Waxaa nasiib darro ah in
Gaagab oo midabadiisa badan la yaqaano, oo weliba nacayb
siyaado ah u qabey General Cadde, hadana Generalku u dhiibto
Wasaaradda Maaliyadda, hadana yahay saaxiibka ugu dhow
General Cadde.
Waxaa kale oo nasiib darro ah
in Gaagaab wasaaradda uu madaxda ka yahay oo laga rabey in
ay noqoto tan meekhaamisa hantida DGPL oo weliba la qiyaasay
in ay wasaaraddaas bishiiba soo gasho in kabadan
$2.5 million
oo doolar, ay noqotay wasaaradda lagu tilmaamay tan ugu
musuqmaasuqa badan, sida xitaa uu carrabaabay General Cadde
Muuse.
Dawaldii kaligii taliye Siyaad
Barre
Siyaad Barre |
Gaagaab waxaa uu ka mid ahaa
Kaadiradii ugu waaweynaa Jaalayaashii kacaankii dawaldii uu
madaxda ka ahaa Maxamed Siyaad Barre [Allah ha u naxariistee].
Waxaa uu ahaa qoraa weyn oo qoraalo ku soo saara journal-kii
ku hadli jirey magacii Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka
Soomaaliyeed (XHKS). Dadka u dhow dhow ee aan ku arkay
Boosaaso ayaa ii sheegay in uu aad ugu dhowaa xisbiyada
shuuciga ah. Waxaa taasi u sahashey in uu aad ugu milmo
Kacaankii markaas ka talinaayey Soomaaliya ee uu madaxda ka
ahaa keligii taliye Maxamed Siyaad Barre. Arintan ayaa
Gaagaab waxaa ay sii say khibrad aad u saraysa oo keentay in
uu si sahal ah ula jaan qaadi karo siyaasad kasta oo
Soomaaliya ka curata. Haddii ay ahaan lahayd mid qabiil sare
ah sida Puntland, amaba mid hoose sida reer Mudug.
Waa nin da’adiisu aaney yaray
oo ku soo barbaaray Mudug halkaas oo aad loogu sheego in uu
ka jirey nin tooxsiga, qabiil iyo haanaan socodka qabiilba.
Arintan ayaa aad u soo tababartay Mudane Gaagaab, waxaana uu
maanta khibrad fiican u leeyahay kala qaybinta qabiilada iyo
weliba isticmaalka qabiilka.
Asaaskii DGPL iyo Kusoo
Biiridii Gaagaab
Gaagaab waxaa uu siiqada
siyaasada ee Puntland ku soo biiray, isaga oo qurbaha ka soo
noqday, 1998 oo ahayd markii la dhisay DGPL. Waxaa uu
markiiba rafiiq dhow la noqday cabdulaahi Yusuf oo ah nin
marna ay isku beel yihiin, kana soo wadda jeedaan Mudug.
Midaas ayaa keentay in labaad nin ay isku aragti ka noqdaan
arrimaha siyaasada Puntland.
C/lahi Yuusuf |
Mudane Gaagaab ayaa si sahal
ah ku soo galay Baarlamaanka DGPL isaga oo noqday Xubin
Baarlamaan (XB). Waxaa dad badan oo siyaasadda Puntland indha
indhaya ay aad ula yaabeen markii uu noqday XB, maadama
Cabdulaahi oo ay jifo aad u hoosaysa uu wada yihiin uu isna
u tartamayey Madaxweynaha DGPL. Sababtu waa wax cad. Sida uu
doono haku soo galee, Mudane Gaagaab waxaa uu ahaa xubin
Barlamaan oo aad ugu fir fircoon danta gaarka ah ee isaga
iyo Cabdulahi Yusuf ka dhexeysey. Waxaa uu ahaa qofka ugu
dhow ee jaalaha la’ah Cabdulahi Yusuf isaga oo seef labo af
leh sita. Mida qabiilka oo laba nin aad ugu soo bar baareen,
iyo iyaga oo dantooda, damaaciga ku dhisan hoosta ka watey.
Gaagaab iyo Siyaasadii Is-khilaafka
Puntaland ee 2001
Arinta damaaciga ah ayaa waxaa
ay si waadix ah u soo if baxday wakhtigii la soo gaarey
doorashadii Puntland ee 2001dii. Xirfada Gaagaab markaas
ayey hanaqaad noqotay. Waxaana uu noqday gudoonkii guddigii
loo xilsaaray Axdigii Puntland ee wakhtiga lagu kororsanayey.
Gaagaab, isaga oo baal maraya sharciga u yaaley Puntland (dastuuri
iyo dhaqanba) waxaa uu go’aamiyey in wakhtiga dawalad oo
markaas ku ekaa 30 June 2001kii, lagu daro sadex sano oo
kale. Waxaa Gaagaab iyo jaalayaashiis sal uga dhigeen
sababta kordhinta arimahan hoos ku qoran oo ay soo gudbiyeen
Gudigii Doorshada Dawlada Goboleedka Puntland;
-
a) Nabadgelyada oo aan sugnayan illaa xad.
-
b) Baahinta maamulka Dawladda oo aan
sidii la rabay uga hirgelin Degmooyinka iyo Tuulooyinka
Dalka.
-
c) Tiro-koob sugan oo aan laga qaadin
Dadka.
-
d) Dhaqaalaha.
-
e) Tababar la’aanta hawlwadeenada.
-
f) Dhibaatooyinka
siyaasadaha jaah-wareerka ah ee Soomaaliya ka jira.
In kasta oo Cabdulahi Yusuf
watey in, qiimahay doonto ha ku kacdee, loo kordhiyo
wakhtiga, ayaa hadan waxaan si toos ah amaba dadban uga hor
imaan Gaagaab iyo jaalayaashiisii Barlamaanka Puntland ee
kororsaday jiritaankooda. Gaagaab waxaa uu noqday mindida
daabkeeda uu Cabdulahi Yusuf haystey.
Reer Puntland waa ay ka
dheregsan yihiin, dhibtii arinta kororsigu keentay. Waxaa la
qiyaasaa in ay ku naf waayeen dad tiradoodu kor u dhaaftay
ilaa 300 oo qof. Waxaana dhaawacmay ilaa shanboqol oo qof.
Cidna ma tira koobin dhaqaalaha ka kooban hantida guud iyo
mid gaarka ah ee ku burburtay. Dadka ku dhintay dhibtaas uu
horseedka Gaagaab iyo Cabdulahi Yusuf ay ka ahaa, waxaa ka
mid ahaa biri-magaydho uu ka mid ahaa Suldaan Hure iyo Farax
Dheere.
Nairobi 2003-2004
Wakhtigii uu socdey loolankii
siyaasadda iyo dib u heshiisiinta Soomaalida ee ka socdey
Eldoret &
Nairobi, Kenya, Gaagaab waxaa uu aad uga shaqeeyey sidii uu
madaxweyne ugu soo bixi lahaa jaalihiis Cabdualahi Yusuf
Axmed. Wuxuu aad uga shaqeeyey dhex gelid beelaha kale ee
Soomaaliya, isaga oo danta gaarka ah ee Cabdulahi Yusuf
wadda. Cabdulahi Yusuf ayaa waxaa madaxweyne Somaliyeed oo
ku meel gaar ah loo doortay 10/10/2004kii isaga oo codka ku
helay 189.
M/ ku-xigeenimadii Gaagaab iyo
Isku daygii Kororsiimo kale ee 2004
M. Cabdi Xaashi |
Gaagaab ayaa ku soo noqday
Puntland markii Cabdulahi Yusuf loo doortay madaxweynaha
ku-meel gaarka ah ee Soomaaliya. Gaagaab waxaa uu isu soo
sharraxay madaxweyne ku xigeen, ka dib markii Cabdulahi
Yusuf uu ka baxay jagadii madaweyne ee Puntland. Tan ayaa
keentay in Madaxweyne ku xigeenkii wakhtigaas Maxamed Cabdi
Xaashi uu si toos ah u noqdo madaxweynaha Puntland. Lakiin
waxaa loo baahday Madaxweyne ku xigeen. Dad badan ayaa aad
ula yaabay damaaciga Gaagaab, waxaana dadka reer Puntland
qaarkood u qaateen in ay noqotay sidii dhaxaltooyo oo kale.
Mar hadii Cabdulaahi noqday madaxweynaha Soomaaliya lama
fileynin in Gaagaab oo ay jifo hoose yihiin isna isu soo
sharaxo M/ku xigeenka Puntalaand. Sida oo kale lama fileynin
in Gaagaab oo jifo hoose ay Cabdulahi Yusuf yihiin uu isu
soo sharaxo M/ku xigeen. Arintu sidey doonto ha noqtee,
Gaagaab ayaa waxaa madaxweyne ku xigeenka DGPL loo doortat
18kii October 2004, sideed cisho ka dib markii Cabdulahi
Yusuf loo doortay madxaweynaha kumeel gaarka ah ee
Soomaaliya.
Markii Gaagaab uu salka la
helay kursigii Madaxweyne ku xigeenka ayaa isaga iyo
saaxiibkiis Maxamed Cabdi Xaashi waxaa ay ku hamiyeen sidii
loo kororsan lahaa wakhtiga. Waxaa markii u horaysaba
Gaagaab loo magacaabay in uu noqdo gudoomiyaha guddiga
difaaca Puntland.
Waxaa dabasocotey isaga oo u guurey Laascaanood oo uu
fariisin ku meel gaar ah ka dhigatay. Arintan ayaa noqotay
mid ugu muuqata arin xasaasi ah oo dib u dhigi karta
doorasho, wakhtigoodana kordhin karta.
Waxaa Gaagaab iyo Maxamed
Cabdi Xaashi ku dhawaaqeen in waddanka aan doorasho ka dhici
karin, maadaama dagaal uu ka socdo xuduudda labada gobol ee
Puntland iyo Somaliland. Dad iyagu aad ugu dhow dhow
siyaasada Puntland ayaa ii xaqiijiyey in arinkan kororsiga
ah uu ka dabeeyey Gaagaab oo ay talo hoose ku soo
wadagaareen Cabdulahi Yusuf oo ka baqsanaa in qof aan isaga
daacad u ahayn hogaanka Puntland qabto. Habkaas
kororsiga ee la qorsheynayeyna waxaa Puntland looga yaqaan "Xaalad
Abuur" - oo ah in la abuuro xaalad dhalisa in dadka loogu
sheego in dalku xaalad adag ku jiro oo aan doorasho
madaxweyne la qaban karin.
C. Faroole |
Arintaas ayaa waxaa gaashaanka
u daruuray dadkii isbedel doonka ahaa, ee rabey in ay
doorasho dhacdo. Ragaas isbedeldoonka ah ayaa waxaa ka mid
ahaa Cabdiraxmaan Faroole , General Cadde Muse iyo odayaal
dhaqameedyo muhiim ah. Labadaas nin ayaa waxaa ay qabeen in
aan loo baahnayn dagaal kale oo ka dhalan kara kororsiga la
rabo. Waxaana ay ku dadaaleen, geed kastan u fuuleen, in
doorasho dhacdo marka ay dhamaato wakhtiga Gaagaab iyo
Maxamed Cabdi Xaashi oo ku ekaa 31dii December 2004.
Tartankii Madaxweyna nimada
Puntland 2005
Siyaasiyiinta reer Puntland,
khaasatan kuwa aad ugu dhow dhow General Cadde Muuse ayaa
aad uga yaabay markii General Cadde uu wasiir ka Maaliyada u
doortay Gaagaab oo lixdii bilood ee ka horeysey doorashada
aad uga soo hor jeedey qabashada doorashada iyo isbedel,
isla markaasna madaxweyne ku xigeen u tar tamayey isaga oo
taageero buuxda oo aan qorasoonayn u hayey jaalihiis Maxamed
Cabdi Xaashi. Siyaasiyiinta aan dhowaan Boosaaso ku soo
arkay ayaa ii sheegay in ay filan waa ku noqotay in Gaagaab
oo General Cadde aad uga soo hor jeedey wasiir uu noqdo, oo
weliba wasiir uu u noqdo ninkii uu aad uga soo hor jeedey,
wakhtiyadii dagaalka iyo wakhtiyadii doorashada ee
dhamaadkii 2004 iyo horaantii 2005.
Ilaa hadda ma cadda waxa
Generaalka ku khasbay Gaagab in uu wasiirkiisa Maaliyada u
doorto. Waxaa laakiin cad, in uu ku yimid sabab Cabdulahi
Yusuf la xiriirta. Cabdulahi Yusuf oo aad uga soo hor jeedey
doorashadii General Cadde ayaa markuu arkaya in Cadde soo
baxay, oo uu ku soo baxay hiilada Dr. Cabdiraxmaan Faroole,
ayaa Cadde ku khasbay in maaliyadda loo dhiibo Gaagaab si uu
dhaqaalaha uu u baahan yahay uga helo dawalada Puntland.
Dhinaca kale General Cadde ayaa taliyayaashiisu u sheegeen
in aan marna laga maarmi karin jifada Cabdulaahi iyo Gaagaab
oo markaas ciidamada daraawiisha ee Puntland dadka ugu badan,
uguna tayada rooni ahaayeen. Taas ayaana ah, sababta keentay
in Generalku uu u safro Laascanood si uu ula soo hadlo
ciidamo gedoodey oo laga baqay in ay Garoowe la wareegan
iyaga oo inqilaabay General Cadde Muuse.
Wasiirka oo howshiisii
Wasiirnimo ku dhacay 2005-2007
Gaagaab |
LACAGTA LAGA QAADO ALAABADA KA
SOO DEGTA DEKEDDA MAGAALADA BOOSAASO
Lacagaha laga qaado dekedda Bosaso ka eeg halkan |
SomaliTalk:
Hadalkii Wasiirka Waxbarashada DGPL waa Baroortu
Orgiga ka Weyn
Hay'ada UNESCO ayaa waxbarashada DGPL ugu
deeqday gaari iyo buugaag, laakiin..
Akhri...
Qormadii Asbuucii
hore ee
Musuqmaasuq La Dirir: oo ku saabsanayd: Wasiirka Wasaarada Waxbarshada DGPL,
Axmed Saciid Aw-nuur.
Akhri.
Wasiirka Waxbarashada
DGPL oo ka laabtay Iscasilaadii... Akhri...
|
Cadde Muuse: 90 Cisho Gudohood...
"Shidaalkii
waa dhamaynay, waa soo saxiixnay, kuwo kalena waa
sugeynaa, hadda waxaa labilaabi doonaa afar (4) ceel.
Sagaashan (90) casho ka bacdi Insha Allah
shaqadeedii ayaa bilaabaneysa." Sidaas waxaa
yiri Madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde Muuse, oo
Feb 11, 2007 ka hadlayey arrimaha shidaal soo
saarista Puntland...
Dhegeyso..
Gen. Cadde Muuse oo
Ammanay Hay'adaha Samafalka
Madaxweynaha DGPL, Cadde Muuse, ayaa Isniin Feb 19,
2007 magaalada Garoowe kulan kula yeeshay hay'adaha
samafalka ee fadhigoodu yahay magaaladaas, waxana uu
sheegay in hay'adaha samafalka ee jooga Garoowe inay
hawl wanaagsan qabteen. Isagoo arrintaas ka hadlaya
Gen. Cadde Muuse waxa uu yiri: "Qolooyinkii United
Nation-ka IYAGOO DHAN waa noo yimaadeen kulligood
wax fiican bay noo qabteen iyagana si aad iyo aad ah
ayaan ugu mahad naqayaa iyo waxyaalahay qabteen." |
Arintu sidey doonto ha noqotee,
wakhtiga la joogo, waxaan qarsoonayn in Gaagaab uu ka soo
bixi waayey hawshiisii Wasiirnimo ee Wasaaradda Maaliyada.
Waxaa wasiirka laga sugayey in uu meekhaamiyo maamulida
dhaqaalaha u soo xerooda dawladda ee ay bixiyaan shacabka oo
si cashuur ahaan ku bixiya. Waxaa si hoose laygu sheegay in
Dekeda Bosaaso, iyo mida Garacada, Garoonka Boosaaso iyo
weliba kan Gaalkacayo, marka si wanaasan loo maamulo,
layskana ilaaliyo musuqmaasuq iyo qaraabakiil baahsan, waxaa
soo xeroon kara lacag gaareysa ilaa $2.5 million bishii,
khaasatan marka baddu ay furan tahay. Intaas oo dhan waxaa
raacsan dhaqaalaha ka soo xerooda cashuuraha kale.
Wasiirka Maaliyadda, waxaa
looga baahan yahay in uu soo dejiyo, siyaasad lagu yaraynayo
dhaqaalaha sida macna darrada ah ku baxa. Dhaqaalaha ku baxa
shaqaalaha aad u badan ee sida maskaxda ka baxsan loo qoray,
khaasatan ciidamada qalabka sida ee Puntland (Police-ka iyo
Daraawiishta). Waxaa wasiirka looga baahan yahay in uu keeno
siyaasad wanaasan oo lacagaha dakhliga ah ee waddanka soo
gala lagu maamulo. Nasiib daro, malaha wasiirku wax aqoona
uma laha, hawsha uu hayo.
-
A) Shaqaalaha oo aan
lacagtooda la siin
Taas waxaa daliil u ah, in aan
shaqaalaha reer Puntland lacagtooda la siinin wakhtiyada ku
haboon. Qaar ayaa lacagtooda suga mudo lix bilood iyo ka
badan ah. Qaar ayaan si fiican loo hubin diiwaan gelintooda.
Ciidamada qalabka sida qaar ayaan la heli karin marka loo
baahdo, basle mushahaari ah.
Dadkaas shaqaalaha ahi, marka
lacagtu ay ka soo daahdo, waxaa ay deyn ka qaataan,
makhaayad-leyda, dukaanta iyo gedisleyda lagu magaacabo “Kabadhlayda.”
Shaqaalaha ayaa waxaa ay keenaan in ay dhaqalaha la sii
degaan marka ay wakhti
ku bixin waayaan deynkii ay qabeen taas oo keenta in
gedisleyda yar yari kacaan.
General Cadde dhowr jeer ayuu
ku eedeyey in madaxdiisu ay lacag dhunsadeen. Gaagaab wuxuu
ahaa masuuliyiinta Cadde afka ku dhiftay.
Intii aan qormadan qorey
waxaa soo baxay warar sheegaya in uu is casiley wasiirkii Wasaaradda
Waxbarashada ee DGPL,
Axmed Saciid
Aw-nuur ee aan qoraalka ka qoray asbuucii hore, waxaana wararka ugu horreeyey sheegeen in
wasiirku is casiley kaddib markii uu Gaagaab wasaaradda uu
madaxda ka yahay ee maaliyaddu ay bixin weydey mushaharkii
200 oo macallin. In kasta oo ay jiraan warar kale oo sheegaya
in
wasiirku waxa uu isu casiley kaddib markii qoraaalo laga
qoray isaga iyo wasaaraddiisa.
Haddii ay run noqoto in
sababta uu wasiirkaasi isu casiley ay ahayd in wasaaradda
maaliyaddu bixin weydey mushaharkii macallimiinta, waxay
taasi cadayn u noqoneysaa musuqmaasuqa ka jira Puntland ee
baahsan.
-
B) Wasiirka oon xisaab
celin iyo horumarka soo bandhigin.
Wasiirada maaliyadda ee
wadamada horay u maray ee aqoonta u leh hanti dhowrka guud
waxaa ay sanad kasta soo bandhigaan dhaqaalaha dawaladdu ay
sanad dhaqaaleedkii la soo dhaafay badbaadisey. Waxaa
wasiiradu Barlamaanka hortiisa ka akhriyaan lacagta la
kharaj-gareeyey, inta la badbaadinkaro sanadka soo socda,
iyo weliba arimaha muhiimka u ah kobcinta dhaqaalaha, sida
cashuur dhimid. Intaas oo dhan waxaa weheliya dhaqaalaha
loogu talagalay arimaha bulshada sida waxbarshada iyo
cilmibaarista, dib u dhiska wadooyinka iyo xarumaha
dawlada.
Mudane wasiir, maxaad dadka
iyo dawlad goboleedka Puntland u qabatay oo muuqda sanadkii
2005-2006? Imisa ayaad lacag ku kharaj-garaysay horumainta
waxbarshada? Imisa dhaqaale ah ayaad u kaydisay mustaqbalka
dhow iyo midka fog ee bulshada reer Puntland? Imisa shaqale
ah ayaan mushahardooda qaadan lixdii bilood ee ina soo
dhaaftay? Mudane wasiir imisa lacag ku soo dhacday khasnadda
dawladda, sideese u baxday? Imisa ayaad ku bixisay waxa loo
yaqaano “fadlan sii”? Mudane wasiir imisa ayaa lacag cadaana
u siisay General Cadde oo aan lagu xisaabtamin? Imisa ayaa
Cabdulahi Yusuf gooni loo siiyey?
-
C) Consort iyo Range
Resources
Mudane wasiir, maxaa ka tahay
Consort? Saamigaaguse waa imisa? Mudane wasiir imisa ayaa
lacag idinka soo gashay heshiiskii Consort iyo
Range-resources? Lacagtii bil kasta idinka soo gelijirtey
xagee ku baxaday? Yaa maamulay? Sideese loo maamulay? Mudane
wasiir, lacagta dekedaha iyo garoonada imisa ayaan khasnada
dawalad soo gaarin? Yaase masuul ka ah? Mudane wasiir sidee
ayey ku dhacday in Liibaan Muuse Boqor oo ehel dhow u ah
General Cadde uu Range Resources ka yahay Maareeye guud?
Miyaaney midani ahayn eex, iyo qaraabakiil?
Mudane wasiir sidee ku dhacday
in xilli adduunka uu ka jirey cabsi laga qabey cudurka
shimbiraha in aad tiraahdid shirkad ajniba ah ayaa dalka
waxay keeneysaa digaag. Weliba xilligaas waxaad sheegtay
dhulka digaaga lagu dhaqayo oo ku yaal Boosaaso in la
siinayo shirkaddaas? Wasiir hadalkaagii
Dib
u Dhegeyso...
Wasiir waxaad bishii September
ee 2005 sheegtay in ay shirkadaha Macdan baaristu ay
hawshooda rasmiga ah bilaabi doonaan bishii Octobar 2005.
Taasi ma dhicin. Waxaaan daliil u ah in madaxweynaha
Puntland uu bilowgii Febraayo 2007 markii uu ku soo laabtay
Boosaaso in uu sheegay
in ay mudo saddex (3) bilood gudahood ah (90
maalmood) ay ku imaan doonaan
shirkadaha macdanta ka baaraya Puntland si loo guda galo
halwaha baaritaan ee macdanta Puntland.
Mudane
wasiir, sannadkii 2006 xilli aad booqatay Magaalada
Minneapolis ee dalka Maraykanka, waxaad sheegtay in la idin
yiri "shidaalka ma soo saari kartaan", waxaadna sheegtay in
nimankii dhulka joogi jirey ay idin yiraahedeen meesha lacag
ayaa nagaga baxday, sidaas daraadeedna aydin baari karin
waxna ka soo saari karin. Waxaadna sheegtay in aad
tiraahdeen in aysan iman karin dalka, haday yimaadaana in
ay iyagu is dileen. Haddaba mudane wasiir nimanka aad xustay
shacabka Soomaaliyeed ma u cadayn kartaa shiirkadohooda ama dalalka ay yihiin shacabka
Soomaaliyeed, si rasmi ahna ma ugu cadayn kartaa bulshada inta aan waqtigu
ka dhammaan xukuumada Cadde Muuse, si arrintaas shacabka
Soomaaliyeed u ogaadaan.... Maadaama
aad xustay in aad nimankaas ku tiraahdeen "haddii aad
timaadaan dalka idinkaa is diley" (in kastoo dadka
qaarkiis ay hadalkaas ku tilmaameen mid aan dublomaasi ahayn)
hadana waxay muujineysa heerka arrintu gaarsiisan tahay,
sidaas daraadeed shacabku miyuusan xaq u lahayn in ay
nimankaas ogaado? Wasiir hadalkaagii
Dib
u Dhegeyso...
Su'aalahaas oo dhan waxaa ay
ahayd in barlamaanku ku weydiiyo. Nasiib daro laguma weydiin,
lamana filayo in lagu weydiiyo oo aad ka jawaabto.
-
D) Daabicidda lacagata
Shilinka ah iyo wersheda Boosaaso taal
Wasiirka maaliyaddu wuxuu si
toos ah iyo mid dadbanba wax uga qaban waayey lacagta lagu
daabaco magaalada Boosaaso. Wakhtigii aan Boosaaso ku sugnaa
waxaa caadi ahaa in laga sheekaysto lacagta lagu daaboco
Boosaaso iyo sida ay dhaqaalaha gobolka wax ugu dhintaya.
Waxaanan garan sababta keentay xitaan in aan laga hadlin oo
warbaahinta Puntland uga hadlin.
Waxaa lacagtaas weheliya, 12
Million oo dollar oo Indoniishiya laga soo daabacay.
Lacagataas ayaa la baxshey 5 Million oo qura, sida wararku
sheegayaan. Lakiin waxaa ay noqondoontaa 12 Million oo
dollar, marka suuqa Puntland lagu soo daayo.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
DGPL, waxaan ilaa hadda laga hayn cadayn rasmi ah oo uu ka bixiyo
kharashka dawlad Goboleedka Puntland ka soo gala maraakiibta
ka kalluumaysta badda ku xeeran Puntland.
Waxaa marar badan
la xusay in maraakiib farabadan ay kalluunka iyo
aargoosatada ka xaalufiyaan badda Puntland, arrintaas oo
dhibaato weyn ku haysa deegaanka, ayaan haddana shacabka
Puntland loo cadayn lacagta laga helo maraakiibtaas.
Cadaynteedana waxaa lahayd in ay bixiso wasaaradda Maaliyadda ee uu
madaxda ka yahay Gaagaab.
Maqaar Saarka General Cadde
iyo maamulidda Gaagaab
Generaal Cadde ayaa waxaa lay
sheegay in uu yahay nin uu si maldahan majaraha uu ugu hayo
Gaagaab. Waxaan arkay dhowr qof oo aad ugu dhow dhow General
Cadde oo aad uga wel welsan sida uu Gaagaab ugu dhow yahay
Generaalka, iyo weliba sida uu talada isag uga qaato.
Dadkaas ayaa ii sheegay in ay aad uga yaaban yihiin in
Generalku aad u soo dhoweystey nin isaga dabinkiisa horay u
qoday, hadan ay ku jirto hami ah in uu noqdo Madaxweynaha
Puntland ee doorshada soo socota.
Cadde Muuse |
Waxaa cad oo reer Puntland aan
ka qorasoonayn awood buuxda ee uu leeyahay Gaagaab iyo sida
maqaar saarka ah ee uu si dadban u maamulo dawlada. Arintan
oo lagu tilmaamay in ay tahay halaasi doqoni magarato ah
ayaa waxaa hada soo ogaanaya General Cadde. Dhinaca kale,
General Cadde dad u dhow ayaa ii sheegay in aaney fogayn
wakhtiga labadan nin ay seefta isula soo bixi lahaayeen.
Gaba gabo
Waa nasiib daro in wasiirkaas
lagu tilmaamay in uusan aqoon xeel dheer oo maamulid iyo marayn dhaqaale
lahayn, kana soo hor jeedey General Cadde qorshayaashiisa,
iyo xitaa doorashadiisii uu noqdo wasiirka maaliyadda. Waxaa
kale oo nasiib darro ah in la wadda og yahay in uu hada yahay
nin hawshiisii gudan waayey. Waxaa kale oo nasiib daro ah in
nin midabadiisa la yaqaano loo dhiibtey wasaaradii ugu awood
badanayd ee DGPL.
Sidee ayaa hadaba mudane
Gaagab uga fikaday waxaas oo su’aalo ah. Iyada oo kooban,
waxaa labadan nin oo markii hore ay isu keentay danta gaarka
ah ee Cabdulahi Yusuf, ayaa markii danbe ku shirkoobey
arimaha gaarka ah ee barista shidaalka. Waxaan asbuucyada
soo socda ka hadli doona Generaal Cadde Muuse oo isagu ah
aabbaha musuqmaasuqa, eexda iyo qaraaba kiilka. Taas ayaa
keentay in wasiiradiisu ay ka fakadaan su’aalaha shaqadooda.
-
Farriin ku socota
Akhristayaasha: Qoraagu waxa uu akhristayaasha ka
codsanayaa in ay u tebiyaan wixii xog iyo macluumaad ah
oo ay ka hayaan Madaxda sare ee Dawlad Goboleedka
Puntland, gaar ahaan Wasiirada, wixii qoraalo laga qoray
linkiyadooda, sida ay ku ku noqdeen wasiirada, iyo sida
ay wasaaradahooda u maamulaan. Waxaana lagu soo hagaajin
karaa Email:
puntland1998@yahoo.co.uk
Qore:
Axmed Yusuf |
puntland1998@yahoo.co.uk
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | Feb 18, 2007
_______________________________________
|