Wasiirkii Wasaaradda
Waxbarashadda dawlad Goboleedka Puntland oo La sheegay in uu
is casiley... Laakiin markii dambe ka laabtay Iscasilaada...
Axad, Feb 18, 2007: Sida ay faafiyeen warbaahinta Puntland,
Wasiirkii waxbarashada DGPL Axmed Siciid Aw-Nuur ayaa Axadii
(Feb 18, 2007) waraaqdiisii is casilaadda u gudbiyey
madaxtooyada DGPL ee magaalada Garoowe halkaas oo uu ku
sugan yahay Madaxweynaha DGPL Gen. Maxamuud Muuse Xirsi oo
maalin ka hor yimid Garoowe, laakiin arrintaas is casilaadda
aysan durbadiiba madaxtooyadu war cad ka soo saarin.
Waxaa wararku intaas ku dareen in is casilaadda ay ka
dambeysey muran dhex maray Wasaaradda Maaliyadda iyo iyo
Wasaaradda Waxbarashada. Taas oo la sheegay in Wasiirka
Wasaaradda Waxbarashada uu ka biyo diidey amar diidmo la
sheegay in uu kala kulmay dhanka Wasaarada Maaliyada ee uu
wasiirka ka yahay Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab, arrintaas oo
sida la sheegay la xariirta mushaharka 200 oo macalin.
Tiradaas macallimiinta ah oo tiro ay DGPL hore u qorshaysay
in mushaharkooda ay bixiso Wasaaradda Maaliyadda DGPL.
Sida ay weriyeen
warbaahinta Puntland, arrintaas mushahar siinta 200 oo
macallin waxaa ka hor yimid wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
Puntland, taas oo la sheegay in ay markaas ay sabab u
noqotay in wasiirkii wasaaradda Waxbarashadu is casilo.
Laakiin sida ay weriyey
shabakadda Garowe Online, in
"Wasiirka
Waxbarashada la soo gudboonaday culeys ka dib markii qaar ka
mid ah saxaafada xorta ah ay soo gudbiyeen warar tiibaaxaaya
in Wasaarada Waxbarashada Puntland ay si khaldan u maamushay
buugaag loogu deeqay ardayda degaanka." Waxaana warkaasi
intaas ku daray "Sida ay qoreen qaar ka mid ah saxaafada,
buugaag ay hay’adaha Qaramada Midoobey ugu deeqeen Wasaarada
Waxbarashada ayaa lagu arkay ayagoo lagu iibinaayo suuqyada
caasimada Garoowe."
Isniin, Feb 19, 2007:
Waxaa soo baxay warar sheegaya in wasiirka waxbarashadu uu
ka laabtay is casilaadiisii, arrintaas oo lagu sheegay in ay
ka dambeysey kaddib markii madaxweynaha DGPL, Gen. Cadde
Muuse, uu kulan la yeeshay wasiirka. Warbaahinta ku hadasha
afka DGPL waxay arrintaas ka qoreen in "Kulankaas
ka dib ayaa madaxwaynuhu sheegay in uusan marna diyaar u
ahayn inuu aqbalo codsiga wasiirka oo ahaa iscasilaad,
maadaama uu yahay xubin aad muhiim ugu ah dowladiisa.
Madaxwaynhu wuxuu ku tilmaamay, Wasiir shaqadiisa ku fiican,
horumarna gaarsiiyey wasaardiisa isla markaana aad isugu
taxalujiya sidii ubadka puntland ay u heli lahaayeen fursad
waxbarasho oo tayo leh."
SomaliTalk.com: Hadalkii
Wasiirka Waxbarashada DGPL waa Baroortu Orgiga ka Weyn
- SomaliTalk.com |
Feb 11, 2007
Bishii Janaayo 30, 2007
ayaa magaalada Garoowe, gaar ahaan Xarunta Wasaaradda
Waxbarashadda ee DGPL waxaa lagu qabtay xaflad, taas oo
hay'adda UNESCO ay Wasaaradda Waxbarashadda DGPL ku
wareejisey qalab ay ka mid ahaayeen: Buugaagta Dugsiyada,
Compuyuutarro iyo gaari ah nooca Land-cruiser.
Kulankii qalabkaas ay
hay'addu ku wareejineysey waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka
Wasaaradda Waxbarashada DGPL, Axmed Siciid Aw-Nuur iyo madax
kale oo ka tirsan DGPL.
Maalmo intii aan laga soo
wareegin ayaa suuqyada magaalada Garoowe waxaa lagu
arkay qaar ka mid ah buugaagtii deeqda loo siiyey
waxbarashada Puntland oo lagu kala iibsanayo si suuq madow
ah.
Markaas ayaa qoraal
arrintaas suuqa madow la xiriirta waxay SomaliTalk.com ka
qortay Febraayo 6, 2007.
Isla maalintaas
Feb 6, 2007 ayaa Wasiirka
Wasaaradda Waxbarashada DGPL, Axmed Saciid Aw-Nuur, waxa uu
u yeertay qaar saxaafadda ka mid ah waxana uu yiri:
"waa been abuur warka lagu
daabacay Websitka Somalitalk ee wax looga sheegay Wasaarada
Waxbarashada", waa sida laga soo weriyey'e. Waxana uu
intaas ku daray: in SomaliTalk.com yahay "mid horay si wayn ugu
mashquulsanaa wax ka sheegida maamulka Puntland gaar ahaan
arimaha shidaalka iyo macdan-baarista iminkana ay u soo
jeedsadeen wax ka sheegida waxbarashada."
Wasiirka markii hadalkaas laga soo weriyey waxaa halkaas
goob joog ka ahaa Wasiir-kuxigeenka Cabdi
Goobe iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada DGPL, Maxamed Jibriil.
Waxana uu intaas ku daray in SomaliTalk.com "laga doonayo in
uu caddeeyo halka lagu gaday iyo cidda gaday ama ay raali
galin ka bixiyaan warkan been-abuurka ah,"
Waa sida laga soo
weriyey'e.
Ugu
horayn, SomaliTalk.com waxay akhristayaasha u cadayneysaa in
warkii aan daabacnay Feb 6, 2007 uu ahaa xaqiiqo, arrinta
buugaagta lagu kala iibsadey suuqa madowna ay ku timid
musuqmaasuqa ka jira Puntland, waxaana xusuusin mudan in buugaagtaasi
suuqa madow lagu arkay ay qayb ka ahaayeen buugaag ay
haayada UNESCO ugu deeqday in la siiyo xarumaha waxbarashada
ee deegaanada Puntland gaar ahaana dugisyada sare,
buugaagtaas oo
la gudoonsiiyay Wasaaradda Waxbarashada DGPL.
Sida ku cad warbixintii hore ee SomaliTalk.com waxaa markiiba ka
gadooday wasiirka waxbarashada DGPL Axmed Siciid Awnuur oo
isagu weydiistey maamulka SomaliTalk in ay cadayso ama ay
raali galin ka bixiso, hadaba anaga oo arintaas tixraacayna
waxaan Wasiirka u sheegeynaa in: Halkii buug oo ka mid ah buugaagta dugsiga sare
ay hay'adda UNESCO ugu deeqday in suuqa madow ee magaalada
Garoowe lagu kala
siisanayay kharash gaaraya $15 ilaa $20 dollarka Maraykanka.
Waxaana lagu iibinayey mid ka mid ah xaafadaha magaalada
Garowe.
Sida lawada ogsoonyahayna waxaa deeqda ka mid ahaa gaari
kaasi oo ay Soomaalidu u taqaano "Layli Calaawi" ama
Land-Cruiser, baarbuurkaas
ayaa waxaa ilo wargal ah waxay sheegeen in uu qaaday Wasiirka
Wasaaradda Waxbarashada DGPL oo isagu, sida la sheegay, "ku
xaragooda" ama ku qabsado danahiisa gaarka ah, mana jirto cid kale oo loo ogol yahay ama iskuul la
gudoonsiyay ama shaqo kale oo uu u qabto bulshada marka laga
reebo wasiirka oo ku adeegta.
Gaarigii UNESCO siisay waxbarashada Puntland
Dad badan oo ku dhaqan magaalada Garowe ayaa SomaliTalk.com u
cadeeyay in ay jirto gadashada buugaagtaasi iyo waliba
adeegsiga gaarigaasi oo uu wasiirku sida gaarka ah u
adeegsado.
Arartaas ka dib jaallee wasiir: sida ay dhici
karto in aad xusuusatid, xukuumadii Soomaali oo wada jirta ay lahayd tii ugu dambeysey, wax yaabaha loo tiriyo in ay burburisey waxaa ka mid ahaa markii shacabkii si xad dhaaf ah loo caburiyey, musuqmaasuqii oo baaheyna aysan jirin cid ka hadli kartey, oo ilaa markii dambe la gaarey in fiilooyinka
korontada qaada ee ah maarta iyo naxaasta lagala baxayey dariiqyada oo wax laga qoro
ha joogtee aan laga hadli karin nintooxsiga jirey awgeed, waxa keliya ee xukuumaddaasi ay ogolayd
waxa uu ahaa in la ammaano. Laakiin ogsoonow faraqa xukuumadaas iyo DGPL u dhexeeya in ay tahay in xukuumadii Kacaanka ahayd ay bilowgeedii
hore isku dayday in ay dadka Soomaaliyeed xagga jahliga ka xoreyso, waxayna qortay AfSoomaaliga, taas oo miriihii ka dhashay aan weli guraneyno oo qoraalkani uu ku qoran yahay AfSoomaali ay xukuumaddaasi hir gelisey.
Jaalle wasiir: waxaa lagaa soo xigtey in aad tiri, mar aad ka hadleysey warka buugaagta ee aan daabacnay, in aad ku tilmaantay "in ay arintaasi tahay mid been abuur ah oo aan waxba ka jirin islamarkaasna maamulka wabka laga doonayo in uu caddeeyo halka lagu gaday iyo cidda gaday ama ay raali galin ka bixiyaan warkan been-abuurka ah".
Haddaba jaalle wasiir: Sida aan kor kusoo cadaynay buugaagtaas waxaa lagu gaday meelo ka mid ah magaalada caasimadda u ah DGPL ee Garoowe, qiimaha lagu gadayna
sida aan kor kusoo xusnay waxay ahaayeen inta u dhexeysa $15 ilaa $20. Sidaas daraadeed ma ahayn been abuur, mana jirto wax nagu khasbaya in aan been qorno, ee bal sacaadatul wasiir wasaaradaada dib ula xisaabtan oo weydii cidda gaday.
Haddii aan u soo laabano cinwaanka qormadan oo ah:
"Hadalkii Wasiirka Waxbarashada DGPL waa Baroortu Orgiga ka Weyn" - waxa uu
cinwaan kaasi nooga soo baxay hadlakii laga soo weriyey Wasiirka oo ahaa:
in SomaliTalk.com yahay "mid horay si wayn ugu
mashquulsanaa wax ka sheegida maamulka Puntland gaar ahaan
arimaha shidaalka iyo macdan-baarista iminkana ay u soo
jeedsadeen wax ka sheegida waxbarashada."
Halkaas marka loo fiirsado
waxaa kuu soo baxaya in wasiirku aad uga caraysan yahay in wax laga qoro
arrimaha Macdanta/shidaalka, isagoo aan afhayeen u ahayn wasaaradda Macadanta
iyo Shidaalka ee Puntland. Mar haddii uu ku dhiiradey in uu ka jawaabo arrimaha
shidaalka, waxaan wasiirka farriimo u fareynaa wasaaradda Macdanta iyo shidaalka
u qaabilsan Puntland:
Farriimahaas oo ah:
DGPL waxay heshiis la
gashay shirkad lagu magacaabo "CONSORT
PVT LTD", taas oo ka diiwaan gashay dalka Maldives, sida ay dhowaan shaaca
ka qaaday Wasaaradda
Ganacsiga ee Jamhuuriyadda Maldives. Sida uu sheegay agaasimihii hore Range
Resources, Mr. Jim
Marinis, shirkaddaas "Consort" agaasimayaasheeda waxaa ka mid ah wasiiro ka
tirsan Dowlad Goboleedka Puntland. Shirkadda CONSORT markii la sameeyey
durbadiiba waxaa la siisay gebi ahaanba xuquuqda baarida khayraadka ku jira
dhulka Puntland. Muddo ka dib waxaa saamiyadii shirkaddaas lagu wareejiyey
shirkadda kale ee Range Resources, taas oo sheegtay in ay saamiyadaas kaga
iibsaneyso lacag aan ka yarayn $20 million oo doolar iyo weliba 2.5% oo ah waxa
loo yaqaan Royalty. Range
Resources si ay lacagtaas u hesho waxay saamiyadii boqolkiiba 80% ka sii iibisey
shirkadda CANMEX. Haddaba waxaa in badan oo reer Puntland ah is weydiinayaan:
Maadaama la sheegay in CONSORT ay xubno ka yihiin qaar ka mid ah madaxda sare ee
Puntland, maxay DGPL usoo bandhigi la'dahay meesha ay aadi doonto lacagta la
siin doono ama la siiyey shirkadda CONSORT?. Jaalle Wasiir farriinta halkaas ku
jirtaa waxay tahay: Shacabku sow xaq uma leh in ay ogaadaan arrintaas maadaama
macdanta iyo shidaalku ay yihiin maalka ummadda ka dhexeeya?
Shirkadda
Range Resources warbixin ay soo saartay
(Jan
31, 2007) waxay shaaca kaga qaaday in ay dhismaha Garoonka Diyaaradaha
Garoowe ay sannadkii 2006 siisay lacag dhan $313,000 doolarka Maraykanka.
Laakiin Wasiirka Maaliyadda DGPL isagoo joogey xafiiskiisa Garoowe September 9,
2006 waxa uu $95,000 USD ku guddoonsiiyaya odayaasha iyo masuuliyiinta garoonka
Garoowe, taas oo markaas lagu sheegay in ay ka timid Range Resources. Ilaa hadda
DGPL wax cadayn ah kama bixin lacagta inta ka dhiman ($218,000) meesha ay ku
baxday. Marka Jaalle Wasiir shacabka reer Puntland, gaar ahaan reer Garoowe
miyeysan xaq u lahayn in ay ogaadaan lacagtaas magacooda lagu siiyey meesha ay
hadda taal ama martay?.
Jariidadda Sydney Morning Herald ee ka soo
baxda dalka Australia ayaa (Janaayo
29, 2007) waxay shaaca ka qaaday in Shirkadda Range Resources
la siinayo lacag aan hore loo shaacin oo ah baqshiish. Lacagtaas oo markii hore
qarsoodi ahayd ee baqshiishka loo siinayo Range waxay jariidaddu ku sheegtay
inay dhan tahay inta u dhexeysa $US3 million ilaa $US7 million. Agaasimaha Range
Resources, Peter Landau, waxa uu sheegay inuu lacagtaas qayb ka mid ah la
qaybsanayaan Dawlad Goboleedka Puntland. Jaalle Wasiir arrintaas weli DGPL war
kama soo saarin ee sow ma ahan in shacabku ogaadaan?
Canmex waxay bishii September 2006 haysatey $C3.5
million oo lacag caddaan ah iyo $C3.3 million oo ah kayd ahaan oo ah Doolarka
CANADA, sida ay sheegtay jariidada Herald. Waxaana durbadiiba la is
weydiiyey meesha ay shirkadda CANMEX ka keeni doonto lacagta $US50 million ee
loo baahan yahay in lagu kharashgareeyo barnaamijka (lagu baarayo khayraadka
Puntland muddo lix sano ah ee lagu barayo Dooxada Dharoor iyo Dooxada Nugaal).
Waxaana xusid mudan in dawladda Kenya ceel laga baarayey shidaal in muddo
45 cisho ah ay ku baxday
$100 million oo doolar. Haddaba jaalle wasiir shacabku xaq ma u leeyihiin in ay
ogaadaan sida ay ku dhici karto in la yiraahdo shirkad lacag caddaan ah ka
haysata $3 million oo USD ($C3.5 million) in ay muddo lix sannadood ah shidaal
ka baareyso dhul aad u baaxad weyn oo ku yaal Puntland, mudadaas lixda sano ahna
baaritaanka ku kharash garatn doonto $US50 million oo keliya?
Jaalle Wasiir maxaad kala socotaa wararka sheegaya
in ay Puntland xilligan xaadirka ah in shirkadaha sheegay in ay shidaal
baarayaan ay dad u dirsadaan goobo ka mid ah Puntland si looga soo ururiyo
dhagxaan ah macdano, kaddibna la keeno Boosaaso halkaasna lagu kala ogaado nooca
dhagaxa qiimaha leh, kaddibna loo dhoofiyo meelo aan la cayimin oo dibada ka ah
dalka, dib dambena aan looga war helin dhagxaantaas?
Jalle wasiir markii aad dheheysey, sida lagaa soo
xigtey,
(SomaliTalk waa ) "mid horay si wayn ugu
mashquulsanaa wax ka sheegida maamulka Puntland gaar ahaan
arimaha shidaalka iyo macdan-baarista iminkana ay u soo
jeedsadeen wax ka sheegida waxbarashada," mala orankaraa
arrimahaas sare ayaad maskaxda ku haysey. Sidaas daraadeed ayaan farriintaan kuu
faray si aad u gaarsiisid qaybaha DGPL ee ay khuseyso, wixii aad kala kulantidna
inaad warsaxaafadeed ka qabtid oo dadweynaha u soo bandhigtid jawaabaha, waa
haddii arrintu aysan ahayn sida cinwaanka qormadani tilmaamay.
Jaalle Wasiir, waxaan
intaas ku darsaneynaa farriin aan kuu fareyno madaxweynaha
DGPL, Gen. Maxamuud Muuse Xirsi, farriintaas oo ah:
Taariikhdu markey ahayd
April 24, 2006 ayaa saddexda
Soomaali ah oo ka tirsan ciidanka daraawiishta Booliska
Puntland oo ahaa ilaalada Xeebaha Soomaaliyeed waxaa la soo
taagey maxkamad ku taal magaalada Bangkok ee dalka Thailand,
waxaana maxkamadii ku xakuntay Toban (10) sano oo xarig ah mid kasta.
Saddexdaad dhallinyarada ahaa waxaa xeebta Soomaaliya laga
qafaalay iyagoo ku dhex jira hawshii ay u hayeen Soomaalida,
magacyadooduna waa: Yusuf Aden Seed, Mohamud Abdullahi Jama,
Hussen Abdullahi Aden. Haddaba Jaalle wasiir farriintu waxay
tahay: Madaxweyne Gen. Cadde Muuse gaarsii in ay aad u
haboonaan lahayd in sida uu Dubai ugu safrayo oo
kale uu u safro Bangkok, Thailand, si uu ula kulmo hoggaamiyaha
ka midka ah xukunka cusub ee dalka ee inqilaabka kula
wareegey 19kii September 2006, Gen. Sonthi Boonyaratglin,
ninkaas oo hadda ah madaxa Ammaanka Qaranka Tahiland, waa nin
Muslim ah oo ah Muslimkii ugu horeeyey ee dalka Thailand hoggaankiisa
sare ka mid noqda. Mar haddii maamulka sare wax iska
bedeleena waa fursad cafis loo weydiin karo dhallinyarada
Soomaaliyeed ee halkaas ku xiran. Waxaana xusid mudan in boqorka
dalkaas Thailand, boqor Bhumibol Adulyadej, uu ogolaaday in
uu ogolaaday inqilaabka, sidaas daraadeedna Gen. Sonthi Boonyaratglin
uu yahay nin meel adag ku xiran oo dhallinyaradaas cafis loo
weydiin karo. Taas marka aan halkaas kaga gudubno, jaalle wasiir: Waxaan ku xusuusineynaa hal arrin oo ay dhici karto in aadan ku baraarugsanayn, taas oo ah in: haddii qof muwaadin ah ee Soomaaliyeed uu arrin ka qoro "qoraal adag" ama afka qalaad loogu yeero "Critique" in aysan ahayn in wax la burburinayo ee ay tahay in madaxda wasaarada, ama hay'ada, ama dawladda ama cidda ay khuseyso loo tilmaamayo arrin ay dhici karto in ay ka dahsoon tahay. Marka sacaadatul wasiir taas ku darso qorshahaaga.
Gabagabo:
Akhristayaasha waxaan
xusuusineynaa in aan helay qoraalo la xiriira jawaabta uu
wasiirku ka bixiyey qormadii hore, waxaana qoraaladaas ka
mid ah qoraa naga codsaday in aanaan magaciisa sheegin, kaas
oo la baxay "MUSUQMAASUQ
LA DIRIR", sheegayna in uu qoraalo xiriir ah ka soo qori
doono madaxda DGPL waxyaabihii ay uu qabteen bulshada,
waxana uu ugu horeysiiyey Wasiirka Wasaarada Waxbarashada ee
DGPL, ee halkan ka
akhri....
Faafin: SomaliTalk.com |
Feb 11, 2007
Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya
oo
Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka
Soomaaliya...
Akhri
Shirkadda Range oo
Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay
Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in
shirkadu bixisay..
Akhri...
MA ANIGAA WAALAN MISE CADAN BAA LAGA HEESAYAA
- Jibriil | Email:
talo-keen@hotmail.co.uk |
Feb 7, 2007
- Aaway qaybtii
Gobolada Sanaag, Cayn, Haylaan ee Buugaagta UNESCO ugu
deeqday Puntland.....
Assalaamu caleykum, Waxaan akhriyey qoraal cabasho ah oo uu Wasiirka
Tacliinta P/land kaga cabanayo Webka SomaliTalk, Webkaas oo uu ku eedaynayo
inuu been abuur ka sameeyey Wasaaraddiisa kaas oo ku saabsan Buugaagtii
P/land loogu deeqay oo lagu sheegay in Suuqyada Garoowe lagu xaraashayo.
Haddaba waxaan la yaabay Wasiirka oo ay isaga iyo Agaasimayaashiisu soo
qoreen sida ay Buugaagtaas u qaybiyeen oo ah sidan hoos ku qoran:-
Gambool Garoowe ............................602 Book
Buurtinle Nugaal ..............................132 Book
D/sare Boosaaso .............................602 Book
Najax Boosaso ................................287 Book
White Tower/Boosaaso ....................132 Book
Shaafici/Boosaaso .......................... 35 Book
Qardho Karkaar .............................. 287 Book
Muuse Yuusuf/Laascnood ................. 287 Book
Xuddun Sool .................................. 30 Book
Cumar Samatar/Gaalkacyo Mudug ...... 602 Book
Galdogob Mudug ............................. 132 Book
Total Guud .................................. 3128 Books
Gobolka Bari 1021 Book
Gobolka Nugaal 734 Book
Gobolka Mudug 734 Book
Gobolka Sool 317 Book
Gobolka Karkaar 287 Book
Gobolka Sanaag -----???
Gobolka Cayn -----???
Gobolka Haylaan -----???
Laascaanood waxaa ka furan 2 Dugsi oo sare, Waxaa saami helay mid keliya,
Buuhoodle waxaa ka furan 2 Dugsi oo sare haddana midna lama tirin,
Xuddun waxaa ka furan 2 Dugsi oo sare mid baa sandareero la siiyey,
Fiqi-fuliye waxaa ka furan Dugsi sare lama tebin,
Ceerigaabo waxaa ka furan 2 Dugsi oo sare midna lama tirin,
Badhan waxaa ka furan Dugsi sare lama tebin, Waxaana dhici karta inay jiraan
Degmooyinka kale oo la mid ahi.
Guud ahaan waxaan la tebin 8 Dugsi oo sare oo guud ahaanba ku yaalla 4
Gobol oo ay P/land tirsato waa Sool, Sanaag, Cayn iyo Haylaan, Halka Gobolka
Bari oo keliya laga siiyey 1021 Buug.
Haddaba waa yaabe! Wasiirku muxuu dulmiga intaas le’eg ugu badheedhay oo
uu sidaas wax ugu qaybiyey? Haddiise ay sidaas la noqotay oo aanay dad
badani la ogeyn miyaanay caqli-xumo u ahayn inuu misana weliba isagu
Weriyeyaal xaqiiq soo helay cambaareeyo oo uu raalli gelin weydiisto.
Waxaa jirey Gabay uu Cali Cilmi Afyare Xukuumaddii Millateriga ahayd u
tiriyey oo ay ka mid ahayd:-
(Gargaarkay shisheeyuhu baxshaan waw gudboonnahaye,
Boosaaso gaadhsiiya waad gelin karaysaane).
Haddaba Horjoogayaasha maamula P/land waxaan kula talin lahaa inay xaqsoor u
sameeyaan Deegaannada ay sheegtaan inay ka taliyaan, Hana ogaadeen inuu nin
weliba waxa shacabka u hor marsado leeyahay oo ay ka horreeyaan.
Wasiirka ina Siciid Awnuurna waxaan kula talin lahaa inaanu ceebihiisa
dadka dunida ku filiqsan usoo bandhigin, Soomaalidu waxay tidhaahdaa:- (Nin
Guri Quraarad ah ku jiraa wax ma shiidho).
Waxba ha la yaabina waxaaba dhici karta inuu Wasiirkani yahay Wasiirka
Maamullada Soomaaliya hadda ka jira Min Bari ilaa Bogox ugu caddaaladda
badane, Wasalaamu caleykum. Jibriil | Email:
talo-keen@hotmail.co.uk
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
| Faafin: SomaliTalk.com | Feb 7, 2007
GAROOWE : Wasiirka
Wasaaradda Waxbarashada Puntland " waa been abuur warka lagu
daabacay Websitka Somalitalk ee wax looga sheegay Wasaarada
Waxbarashada"
Posted to the Web Feb 06, 2007 17:36
Garoowe:-Wasiirka
Wasaaradda Waxbarashada Punland Axmed Siciid Aw-nuur ayaa
maanta warsaxaafadeed uu ku qabtay xafiiskiisa Garoowe ayuu
wuxuu si wayn u beeniyay war been abuur ah oo lagu daabacay
Wabsaytka Somalitalk ka soo lagu sheegay in
suuq-madow ee Garoowe lagu arkay buugaag ay dhawaan Hay’adda
UNESCO ay ku wareejisay Wasaaradda Waxbarashada Puntland , Wasiirku
wuxuu sheegay in ay arintaasi tahay mid been abuur ah oo aan
waxba ka jirin islamarkaasna maamulka wabka laga doonayo in
uu caddeeyo halka lagu gaday iyo cidda gaday ama ay raali
galin ka bixiyaan warkan been-abuurka ah.
Wasiirka oo
warsaxaafadeedkiisa ay ku waheliyaan Wasiirkuxigeenka Cabdi
Goobe iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maxamed Jibriil ayaa
waxay soo ban-dhigeen documentiyadii ay ugu qaybiyeen
Iskuuladda , cidda la siiyay , tirada Iskuulaadka la siiyay
iyo waliba magacyada Iskuulaadka waxaana halkan idinka
muuqda Docomentiga lagu qaybiyay oo ay saxiixeen Agaasimaha
Guud , Maamulayaasha Iskuuladda la siiyay iyo waliba
Hay’adda bixisay bugaagta.
Axmed Siciid Aw-nuur Wasiirka
Wasaaradda Waxbarashada Puntland wuxuu wabka Somalitalk ku
sheegay waa siduu hadalka u dhigaye mid horay si wayn ugu
mashquulsanaa wax ka sheegida maamulka Puntland gaar ahaan
arimaha shidaalka iyo macdan-baarista iminkana ay u soo
jeedsadeen wax ka sheegida waxbarashada.
Mar labaad Masuuliiinta
waxbarashada waxay maamulka Somalitalk ka codsadeen in
ay soo caddayn sax ah ay u keenaan warkan haddii kale
ay ka bixiyaan cududaar rasmi ah.
Waxaa xusid
mudan sawirka loo qaatay warkan been-abuurka ah uu ahaa
sawirkii laga qaaday xaflada lagu bixiyay buugaagta.
Waa tan sida loo qaybiyay
buugaagta Iskuulaadka la siiyay iyo tirooyinka la siiyay:-
Gambool
602 Book
Buurtinle
132 Book
D/sare Boosaaso
602 Book
Najax-bosaso
287 Book
White Tower/Bosaso
132 Book
Shaafici/Boosaaso
35 Book
Qardho 287
Book
Muuse Yuusuf/Laascnood
287 Book
Xudun
30 Book
Cumar Samatar/Gaalkacyo
602 Book
Galdogob
132 Book
Total Gud
3128
Axmed C/salaam
Garoowe ,
Puntlandpost.com
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh websiteka ku saxiixan
Aaway qaybtii
Gobolada Sanaag, Cayn, Haylaan ee Buugaagta UNESCO ugu
deeqday Puntland, jawaabta waxaa laga sugayaa wasiirka
waxbarashada Puntland.
Garoowe: Qalab ay
haayadda UNESCO ugu deeqday Wasaarada Waxbarashada
Puntland oo Lagu Arkay Suuqa Madow.
Haayada UNESCO ayaa 30 January 2007 waxay buugaag
iyo qalab ugu deeqday wasaarada waxbarashada ee DGPL
kuwaasi oo ay haayadu ugu tala gashay in ay ka faa
iidaystaan ardayda Dugsiyada sare ee deegaanada
Puntland.
Buugaagtaan iyo qalabkan kale oo ay Hayaddu
Gudoonsiisay wasiirka waxbarashada ayaa maalmihii
ugu danbaysey lagu arkayay suuqyada magalada Garowe
iyaga oo iib ah ayna ka muuqato shaabado kale
duwan oo muujinaya in aysan buugaagtaani ahayn iib
sida (Not for Sale).
Sikastaba ha ahaate suuqa madow ee deegaanada Puntland ayaa
mar walba waxaa lagu kala gataa waxyaabaha aan
munaasibka ahayn in laga macaasho kuwaasi oo u
baahan xanaanayn gaara ah iyo ka faa'iidaysi haday
ahaan lahayd buugaag iyo qalabka kale ee ay
haayaduhu ku deeqaan sida Computerrada, qalbaadka
xafiisyada iyo kuwo kale.
Wasiirka oo isagu gudoomay qalabkan la gudoonsiiyay
wasaaradiisa waxbarashada ayaan ilaa iyo hada ka
hadlin sababta keenatay in la gato qalab deeq ahaan
loogu deeqaya shacbawaynaha puntland, in kasta oo ay
tanina qayb ka tahay musuqmaasuqa waynaaday ee
ragaadiyay puntland hadana waa waxyaabo aysan samayn
karin dad damiir leh una damqanaya sharaftooda
iyo karaamadooda in ay gataan qalab deeq ahaan loogu
talagalay ubadka Soomaaliyeed in ay wax ku bartaan.
Wasaarada waxbarashada oo iyadu ka mas'uul ah
hawlaha waxbarasho ee baaxada waynleh ee ka socda
Deegaanada puntland ayaa iyadu ka mas'uul ah
ragaadinta waxbarashada yar ee ay haystaan kumaa kun
oo reer Puntland ah maadaama aysan marna
wasaraadaasi u raadin ardayda sanad walba ka qalin
jabinaya dugsiyada sare ee puntland deeq waxbarasho
oo lacag la'aan ah iyada oo u heli karta si fudud
waliba isla markaana aan ku tala galin in ay xataa
gudaha puntland ka hirgaliso jaamacd tayo sare leh
oo xamili karta ardayda dugsiyada ka soo qalin
jebinaya
ama ay dhanka kale u raadiso ardayda shaqo ay kaga
gabadaan baagamuuntada iyo shaqo la'aanta ka jirta
dhulka puntland, intaas badalkeeda ayay wasaraadu ugu
badashay ardayda in ay ragaadiso oo ay ka
musuqmaasuqdo wixii ay baranayeen iyo qalabkii loo
keenay iyada oo sanad walbana ay ardaydu ku jiraan
muran iyo dagaal kagadaal marka la keeno sixitaanka
imtixaanada puntland xiligaasoo ay wasaaraadu u
baahato in ay hesho lacag si ay ardayduna u helaan
natiijada imtixaanada iyada oo dhaafsiisanaysa
shilimaan musuqmaasuq jira awgii.
Manajirto ilaa iyo hada cid ka hadashay qalabka
waxbarashada ee deeqda loo bixiyey ee
lagu kala gadanayo suuqa madow ee sida dadka reer
Garoowe aaminsan yihiin ay wado wasaarada
waxbarashadu maadaama ay iyadu ka mas'uulka ahayd
ama ay ba lahayd gudoominta alaabtaasi.
Faafin: SomaliTalk.com |
Feb 6, 2007
|