SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
MUSUQMAASUQ - LA DIRIR

Jawaab Laga Bixiyey Qoraalkii: Dr. Cabdiraxmaan Saciid "Dhegaweyne" iyo Wasaaradda Caafimaadka DGPL

Beenin: Qoraal wax looga sheegayo Dr Cabdiraxmaan Saciid Dhagaweyne.oo ah wasiirka caafimaadka ee Puntland

May 6, 2007

dhegaweyne
Dr. Cabdiraxmaan Saciid "Dhegaweyne" iyo Wasaaradda Caafimaadka DGPL

Anagoo ah Dhaqaatiir Soomaliyeed ee ku nool daafaha dunida waxaan beeninaynaa qoraalkii la qoray bishii sadexaan ee sanadkan (11/3/2007) ee ku soo baxay Somalitalk webb side, kaa soo lagu waxyeelaynayo sumcadda iyo taariikhda waxbarasho ee Dr. Dhagaweyne iyo Jaamacadda Umadda Soomaliyeed, qoraalkaas oo uu qoray shaqsi qabiil ku dhuumanayo, aqoonna aan u lahayn heerka waxbarasho iyo taariikhda Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed (Somali National University), isagoo si gaar ah u amaanaya shaqsi ay qaraabo yihiin, laakiin aan Dhaqaatiirta Soomaliyeed aysan aqoon u lahayn.

Waxaan anagoo ah Dhaqatiirta Soomaaliyeed cadeynaynaa in qoraalkaa laga lahaa ujeedo gaara oo lagu weerarayo Dr. dhagaweyne qabiil ahaan iyo shaqsi ahaan iyo umadda ku dhaqan Dowlad Goboleedka Puntland, maamul iyo shacbi ahaan.

Dr Dhagaweyne waa Wasiirka Caafimaadka ee Puntland, waa dhaqtar Soomaliyeed oo leh karti aqooneyd iyo mid maamul oo uu ku shaqeynanyay muddo ka badan shan iyo labaatan sanno (25 years).

Maqaalka looga been sheegayo Wasiirka waxaa kaloo kujira dad wax magarato ah oo cuqda qabiil qabo.oo ku dhiiri galiyay qoraha in uu ku dhiirado been abuur intaas la’eg

Anagoo kala ah Dr. Xasan Faarax Jibriil (Xasan Duwe), Cabdiraxmaan Mowliid Cabdi (Munishiibiyo) iyo Idil Maxamuud Jaamac ku nool Australia, magaalada Melbourne, wakiilna ka ah Dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee ka qalin jabisay Jaamacadda Ummadda, waxaan cadeynaynaa in xadgudub iyo been abuur lagu sameeyay Dr Dhagaweyne iyo macalimiinta Jaamacadda Ummadda Soomaliyeed oo uu qoraagu ku sheegay inay laaluush qaadan jireyn.

Waxaan kale oo aan cadeyneynaa in wareysiga uu qoraagu ku doodayo inuu na wareestay aysan waxba ka jirin.
Dr. Xasan Faarax Jibriil (Xasan Duwe),
Dr. Cabdiraxmaan Mowliid Cabdi (Munishiibiyo)
Dr. Idil Maxamuud Jaamac

Waxii faafaahin ah fadlan kala soo xiriir
Dr. Xasan Duwe
Email: gipriilhassan@hotmail.com
Tel: 614-02082717

###

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qorayaasha ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 6, 2007

Jawaab: Qoraalkii Dr. Duwe ee Dhegaweyne...


Dr. Cabdiraxmaan Saciid "Dhegaweyne" iyo Wasaaradda Caafimaadka DGPL

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD