Wareegtada uu madaxweynuhu
ku magacaabay taliyaha cusub waxa ay u qornayd sidan:
__________
Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Puntland.
Markuu Arkay:
Dastuurka Dowlad Goboleedka Puntland.
Markuu Arkay:
Baahida loo qabo xoojinta Amniga Dowlad Goboleedaka Puntland iyo tayaynta
Ciidanka Booliiska.
Markuu la Tashaday:
Madaxwayne Ku-Xigeenka iyo Golaha Xukuumada.
Markuu Arkay:
Aqoontiisa iyo Waaya Aragnimadiisa
Wuxuu Xeeriyey:
1.Waxaa loo magacaabay,
Gaashaanle Sare, Siciid Cali Xaaji-Siciid Taliyaha Ciidanka
Booliiska Dowlad Goboleedka Puntland.
2.Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu saxiixo Madaxwaynaha
Dowlad Goboleedka Puntland.
Waxaa Saxiixay.
Madaxwaynaha DGPL
Maxamuud Muuse Xirsi
______
Lamasaadaalin karo sida
masuulkan cusub uu arimahaas oo dhan ugudan karo waajibaatka
kasaraan balse waxaa looga baahan yahay waa dadaal iyo karti
dheer oo uu la yimaado masuulka cusub ee xilka lo dhiibay.
Hadaan Booliska puntland
laga qaadin halka ay maanta yaalaan waxaa gabi ahaanba
hawada ka bixi kara aminga iyo kala danbaynta puntland oo uu
Boolisku ka qaato tiir lixaad leh oo aan la ilaawi karin
A/rizak koronto
Garowe Puntland
Garowe:
Xisbiga Mucaaradka ah ee ka jira Puntland Ramaa(RPP) oo
magacabay afhayeenka xisbiga ee dalka Suudaan.
Xisbiga Mucaaradka ah ee ka
jira Puntland oo marka magiciisa la soo gaabiyo loo yaqaani
RPP ayaa Talaadadii Nov 14 si rasmi ah u magacaabay
afhayeenka xisbiga Ramaas ee dalka suudaan kaasoo loo
magacabay Eng: Fatxi C/shakuur Ali boos sida ku cad warqada
magacabista afhayeenka xisbiga ee suudaan.
Magacabistan ayaa waxaa ku
saxiixan gudoomiyaha xisbiga Ramaas Daahir ciiro. Xisbiga
ayaa wada dar dargalin uu ku magacaabayo wakiilada dalalka
aduunka, xisbigu intuu uu jiray wuxuu dhawr dal u magacaabay
wakiilo badan walina waxaa ka dhiman wakiilo kale oo badan
oo u baahan magacaabid.
Tan iyo intii uu jiray
xibigu waxa uu wax badan ka badalay nidaamka
Dimuquraadiyadeed ee puntland waxana uu waxbadan saxay
maamulka puntland oo intabadan khald ku taagan una baahan
toosin iyo wax u sheegid hadaan la helina xisbiyo badan oo
mucaarad ahna ay wax badan isbadeli karaan.
Dhisidtaanka xisbiga Ramaas
kadib ayaa suurta galiyay in maamulku uu ku socdo wadada
toosan isaga oo ka baqanaya dhaliilaha ee uu had iyo goor
Xisbiga Ramaas u soo jeedinayo maamulka puntland kuwaasoo
indha ka qabsan waayay markaas kadibna wax badan saxay
walina u baahan in si wayn loo saxo.
Intabadan khaladaka ayaa ka
yimaada tastuurka oo aan lagu dhaqmi tiro ka 10jeer ayuuna
madaxwaynuhu ku tuntay isaga oo aaan lagala xisaabtamin
sidoo kale ku dhaqanka miisaaniyada habkii loogu talagalay
ayaan iyaduna marin, dhamaan arimahaa iyo kuwo kale ayaa
xisbiga ramaas suurta galiyay in uu tuso indhaha mushtamaca
puntland qodobadaas kan ugu wayna waa Musuq maasuqa iyo
laaluushka ka jira puntland oo aan lalagaban.
hadaba warqadii
lagumagacaabay afhayeenka xisbiga suudaan ee ramaas waatan
ee akhri
Puntland State Of Somalia
Ramaas Plolitical Party
RPP/103/06
Garowe Date:14/11/06
Ku: Fatxi C/shakuur Ali
boos
ogaysiin: saxaafada
madaxabaaan ee somalia
ogaysiin: shacabwaynha
puntland
Ujeedo: Magacaabiista
Afhayeenka Xisbiga Ramaas eedalka Suudaan
Golaha dhexe ee xisbiga
Ramaas dood dheer iyo is waraysi kadib waxay isla garteen in
loo baahan yahay magacaabis wakiilo badan ee dalal kala
duwan.
Gudoomiyaha xisbigu markuu
la tashada Golaha dhexe ee Xisbiga Ramaas.
Markuu arkay barnaamijka
iyo xeerka Xisbiga.
markuu tixgaliyay baahida
loo qabo magacaabista afhayeenka xisbiga ee suudaan.
Markuu arkay Tastuurka DGPL.
Wuxuu xeeriyay.
1- Eng Fatxi C/shakuur Ali
Bos in uu yahay afhayeenka Xisbiga Ramaas ee dalka Sudaan.
2- Hadaba waxaa lagaa
codsanayaaa mudane in aad dhawrto qawaaniinta xisbiga iyo
tastuurka DGPL.
3-waxaa lagaa doonayaa in
aad ku shaqayso rabitaanka shacabka puntland iyo in aad
ilaaliso xasiloonida dalka.
Gudoomiyaha xisbiga Ramaas
Daahir Cabdiqaadir Muuse(
leedo) email:
daahirciiro@hotmail.com tel: 747090
A/rizak koronto
Garowe Puntland
Faafin: SomaliTalk.com |
Nov 15, 2006
Baaq
ay soo saareen Beelaha Cali Saleebaan ka soo saareen Bosaso,
Puntland Somalia
Beeluhu waxay
go,aansadeen in ay ku dhaqmaan shareecada Islaamka si
buuxda, kana dhigtaan Manhaj iyo Dastuur...
GUJI...
Beesha Ugaar-saleeban oo ku Dhawaaqdey
Maxkamad Islaami ah
waxayna ugu baaqeen ummadda ku dhaqan gobolada Puntland in ay
sidaas oo kale qaataan shareecadda Islaamka... Guji...
Baaq ay wada jir usoo Saareen Waxgaradka reer
Puntland ee Minnesota
Baaqan waxa uu DGPL ugu yeeray in
ay hirgeliso kudhaqanka shareecada Islaamka iyo in
ay...
Guji... Nov
13
Beesha Leekase oo Bayaano ka soo saaray Galkacyo &
Minneapolis
culuma’awdiin,
aqoonyahano, waxgarad, Nabadoono, Ganacsato iyo
Dhalinyaro reer Leelkase ah oo ku sugan..
Guji...
Digniin ku socota madaxda PL oo ka
soobaxday Agaasimaha Mashaariicda Tamarta Bosaso..
Muxamed
Axmed Xaashi (Al-Qaadiri) ayaa ka digey in..
Guji...

