- Xerta Tima-weynta oo Weerar
ku qaaday Masaajid kale Garoowe.
- Guddiga Joogtada ah ee
Golaha Wakiilada P/land oo ugu yeeray M/weynaha DGPL in uu
yimaado Garoowe.
- Garoowe: Ardaydii ugu
badneyd ee ka qalinjebisay dugsiga sare ee Al-waaxa Garoowe.
Tacsi: C/rishiid Abshir Faarax
(sagaaro)
waxaa dhamaan halkan tacsi looga dirayaa Allah ha
unaxariistee C/rishiid Abshir Faarax (sagaaro) waxaa
halkaan kadiraya dadka kala ah:
a/qadir nuur cilmi (koor)
a/aziz nuur cilmi(koor)
maxamud nuur cilmi (koor)
cabdi cilmi koor
nuuur cilmi koor
a/nuur a/laahi geele
abuukar a/laahi geele
mursal siciid geele
ali maxamed geele
amino axmed waraabe
caasho axmed waraabe
najiib xirsi dheere
c/salaan xirsi dheere
siciid c/laahi cilmi(kumbiyuutar)
faysal c/lahi cilmi
c/naasir maxamed cilmi(xaajiga)
axmed cabdi cilmi( axmed)
alla ha unaxariisto marxuumka
aamiin aamiin aamiin
Waxaa soo tebiyey:
cabdiqaadir nuur
koor04@hotmail.com |
Xerta Tima-weynta oo Weerar
ku qaaday Masaajid kale Garoowe.
Maxamuud Cumar Bille,
Garoowe
mcbille@gmail.com
Wadaadada Tima-weynta ayaa beryahaan weerarayey masaajida
Garoowe ee lagu cibaadaysto. Iyagoo weerar ku ekaysiiyey
masaajidka Saxaaba ee magaalada Garoowe.
Wakhtigii masaajidka la weerarayey oo ahayd subaxnimo 4:00
wuu xirnaa oo wax dad ah kuma sugneyn gudahiisa. Masaajidka
qudbigiisa ayaa waxaa ku dhacday xabado oo ka muuqda, iyadoo
ay saxaafaduna aragtay fuuqyadii xabadaha lala dhacay
masaajidka.
Maalin ka hor ayeey ahayd markii ay Xertu weerartay masaajid
kale oo ku yaal bartamaha magaalada Garoowe, oo lagu
magacaabo masjidul Raxma oo uu ka socday tafsiirka Quraanka
Kariimka ah. Dad goob joog ahaa, ayaa u sheegay saxaafada in
ay xabado badan ku dhaceen masaajidka balse aan cidna wax ku
noqon. Nin aan weydiiyey sidii wax u dhaceen ayaa ii sheegay
in nimanka soo weeraray masaajidka oo aad u hubeysnaa ay ku
amreen wadaadkii tafsiirka akhrinayey in uu joojiyo,
wadaadkiina uu sii waday tafsiirka una sheegay dadkii
dhegaysanayey oo ku sigtay in ay cararaan in ay halka u
yimaadeen barashada diinta Islaamka ayna tahay in ay ku
dhintaan.
Si kastaba ha ahaatee, maamulka ayaan waxba ka oran waxa
dhacaya oo dadku aad uga walwalsan yihiin raadkeeda danbe,
iyadoo masaajidkaan danbe ee la weeraray uu yahay midka ay
ku tukadaan masuuliyiinta dowlada oo ugu badan yihiin marka
loo eego masaajida kale ee ku yaal Garoowe.
Guddiga Joogtada ah ee
Golaha Wakiilada P/land oo ugu yeeray M/weynaha DGPL in uu
yimaado Garoowe.
Garoowe:-
Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiiladda Puntland ayaa
M.wayneynaha DGPL Gen. Cadde Muuse Xirsi ugu yeeray in uu 2
bari gudahood ku soo galo Garoowe.
Guddoomiyaha Golaha
Wakiiladda Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa sheegay in
ammaanka Puntland uu yahay iminka mid aad u liita , oo ay
dhacayaan beryahaan falal-ammaan xumo taas oo salka ku haysa
kala damayn la'aan soo ifbaxaysa.
Si arimahan wax looga qabto ayuu sheegay in ay lagama
maarmaan noqotay in uu M.waynuhu uu ka soo qaybgalo shir
muhiim ah oo maalinimada sabtida ah ay yeelan doonaan
Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiilada iyo golaha fulinta.
Madaxweynuhu wuxuu ku sugnaa beryahaan danbe magaalada
Boosaaso ee xarunta ganacsiga DGPL .
Waxaa la filayaa in Golaha Wakiilada iyo Golaha Fulintu ay
ka wada hadlaan arrimo badan oo khuseeya dalka.
Garoowe: Ardaydii ugu
badneyd ee ka qalinjebisay dugsiga sare ee Al-waaxa Garoowe.
Sanad dugsiyeedlkaan
2006-2007 ayaa waxaa qalinjebiyey kooxdii 5-aad ee ka
baxaysa Al-waaxa.
Abshir Maxamed Abshir( Dhegaweele) waa gudoomiyaha ardayda
qalin jebisay wuxuuna ii sheegay in ardaydaan oo isugu jira
wiilal iyo gabdho ay aad ugu faraxsan yihiin qalinjebintooda
ka dib 12 sanno oo ay waxbarasho u soo taagnaayeen Al-waaxa,
sidoo kale C/qaadir Nuur Cilmi (Koor) iyo Cumar Cilmi Barre
ayaa iyana muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin
qalinjebintooda, iyagoo uga mahadceliyey maamulka iyo
macalimiinta Al-waaxa, sida hagar la'aanta ah ee ay wax u
soo bareen.
Ardaydaan ayaa baratay maadooyinka kale ah:-
1. Maths, Physics, Biology, Chemistry, Geography, Arabic,
History, English, Islamic studies.
Ardayda intii hesha deeq waxbarasho waxay aadaan dalalka
Yemen, Sudan iyo Malaysia, intii kalena waxay aadaan meeshii
ay door bidaan.
Garoowe, waxaa ku yaal saddex dugsi sare oo kale ah,
Al-Nawaawi, AL-waaxa iyo Gambool.
Akhri:
MAXAA GAACA BIYO JAW LEH....
Maxamuud Cumar Bille, Garoowe
mcbille@gmail.com
Warbixin:
Shirwaynaha Jaaliyadaha Puntland iyo Jubaland ee London
Canada iyo Booqashada Wasiirka Ganacsiga ee Soomaaliya
Faafin: SomaliTalk.com | May 22, 2007


|