SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BATROOLKA SOOMAALIDA

Qaybta 1aad: Halista Batroolka Ceyriin oo ay dhici karto in ay Dagaal Ahli ah ka dhaliso Soomaaliya

  • FG: Qormadan waa qoraalkii Aaden Yabarow ee Agoosto 2007 oo AfSoomaali Loo Rogey [The Dangerous Smell Of Crude Oil That May Ignite A New Civil War In Somalia]

Faalladii: Aden Yabarow  
ayabarow@yahoo.com

Hordhac

Paul Roberts waxa uu ku xusay buuggiisa lagu magaabo "Dhammaadkii Batroolka" [the end of oil], in baaritaan dhuleed (Survey) oo uu sameeyey Maraykanka ay ku andacootey in batroolka adduunka ku kaydsan ee la daah furay in uu dhan yahay 1.7 trillion oo foosto, iyo 900 billion oo foosto oo aan weli la daah furin iyo qiyaastii 1.5 trillion oo foosto oo aan weli la helin. Laakiin baaritaankaas dhuleed ee Maraykanka ee 2000kii waxay ku andacootey in uu adduunka ku jiro batrool iyo gaas la daah furay oo dhan 3021 billion foosto oo batrool ah iyo 15401 trillion cubic ft oo gaas ah.

Maadaama uu xaddigaas aadka u badan ee batroolka iyo gaaska ah uu diyaar ku yahay adduunka, baahida loo qabo badeecadahaas istaraatiijiga ah aad ayey uga badan tahay sidii hore. Sidoo kale qiimaha halkii foosto ee saliidda ceyriin (Batroolka) laga fili maayo in ay ka hoos marto $50 doolar tobanka sano ee soosocda iyada oo qaar arrimaha ka faallooda ay saadaaliyeen in $105 ay gaareyso qimaha halkii foosto mustaqbalka dhow. Taas ayaa mid soo jiidasho leh ka dhigtay maalgashiga batroolka, gaar ahaan qaybta baaritaanka iyo sahaminta.

Marka laga soo tago guul-guulka waftiga Soomaaliyeed ee aan khibaradda lahayn ee uu hoggaaminayey Mr. Geeddi ee kulankii Malindi ee June 2006 ee wakiillada shirkaddaha Kuwaiti Energy iyo Medeco, taas waxaa ka duwan in maal gashiga sahaminta batroolku iyo soo saaridiisu ay yihiin kuwo aad uga macaash badan sidii hore maadaama aaladaha kale ee loo adeegsan karo batroolka bedelkiisu in aysan si dhaqso booska batroolka u buuxin karin marka laga hadlayo laamaha tamarta. Maraykanku waxa uu tixgelin siinayaa sidii uu 200 billion oo foosto oo batrool ah uga soo saari lahaa dhagxaanta batroolka ee loo yaqaan "Oil Shale" ee Colorado iyo Utah, taas oo qof kasta oo wax uga bilaaban yihiin fahamka batroolka uu is barbar dhigi karo qiimaha ku baxaya iyo in ay dirqi tahay (dhif iyo naadir) in si fudud lagu helayo farsamo ku haboon. Qiimaha ku baxaya (soo saaridda) halkii foosto ee ah batroolka ceyriin ee caadiga ah waa $1, taas oo loo barbar dhigi karo qiimaha $10 ilaa $15 oo ay ku baxayso halkii foosto oo batrool ah oo laga soo saaro dhagaxa loo yaqaan "Oil Shale". Sidoo kale dalka Venezuela waxa uu wada xaajood kula jiraa qaar ka mid ah shirkadaha waaweyn ee batroolka si ay u sahamiyaan, batroolna uga soo saaraan shidaal baaxaddiisu le'eg tahay batroolka la daah-furay ee dulka Sucuudiga ku jira oo dhan oo ku jira dhul ciideedkeeda batroolku ku keydsan yahay. Arrintaasi waxay muujineysaa in dalabaadka batroolku uu yahay mid is bedebedelaya iyo in ka soo saariista batroolka ee dalalka safka hore ee kaydka batroolka sida Soomaaliya in ay yihiin riqiis, isla markaasna ay ka sahlan yihiin dhagaxa batroolku ku kaydsan yahay "Oil Shale" ee Maraykanka iyo ciidda uu ku kaysan yahay batroolku ee Canada iyo Venezuela. Shirkaddo badan oo waaweyn ama kuwo yaryarba waxay xiisaynayaan Soomaaliya.

oil price
Qiimaha Foostada Batroolak Ceyriin: 1994-2007
| Isha: Wikipedia

Sahamintii Batroolka Soomaaliya ka hor iyo kaddib 1991

Qorayaal ay kamid yihiin jariidadaha waaweyn oo ay ku jirto Sharq Alawsat waxay sannadihii 1990-naadkii qoreen batroolka ku kaydsan Soomaaliya in lagu qiyaasay in kor u dhaaftay 10bn oo foosto iy 200 billion cubic ft oo gaas ah oo la daah-furay. Laga soo bilaabo bartamahii 1950-naadkii shirkadaha waaweyn ee batroolku waxay baaritaan iyo sahamin batrool ka samaynayeen dhulka iyo badda Soomaaliya iyagoo ku raja weynaa in ay soo saari doonaan batrool badan oo ganacsi geli kara.

Sahaminta ugu badan waxaa laga sameeyey Soomaaliyada xorta ah iyo dhulka la haysto ee Ogaden sanadihii 1950-naadkii oo ay sameeyeen shirkado reer galbeed ah sida Sinclair Oil Corporation iyo Standard oil, taas oo qiyaasaha hadda jira ay ku salaysan yihiin farsama hore oo la adeegsadey xilliyadaas hore ama qiyaaso la sameeyey 1970-naadkii iyo 1980-naadkii. Sannadihii siddeetamaadkii shirkado faro ku tiris ah oo ah kuwo waaweyn ee batroolka ayaa muujiyey xiisaha ay u qabaan Soomaaliya, kuwaas oo helay qandaraasyo (heshiisyo batrool) oo ay ka heleen dawladdii ugu dambeysey ee Soomaaliya. Shirkadahaas reer galbeedka waxaa ka mid ahaa ConnocoPhilips, Amoco, Shell, Chevron iyo Agip, waxayna hawlahoodii joojiyeen 1988 iyo 1990 iyaga oo cuskaday in ay dheceen arrimo aan wax laga qaban karin ee loo yaqaan [force majeure]. Shirkadda Range Resources oo laga leeyahay dalka Australia, taas oo heshiis sahamin batrool la gashay Puntland waxay dhowaanta ku qiyaastay in qiyaastii 5bn ilaa 10bn oo foosto oo batrool ah ay ku jiraan Puntland, oo ay ku jirto Gobolka Mudug.

Heshiisyadii (Qandaraasyadii) lala galay Shirkadaha Batroolka ee reer Galbeedku ma ahayn kuwo si fudud lagu bixiyey, inkasta oo aanan hayn sidii arrintu u dhacday hadana ilo xog ogaal ah waxay ii sheegeen in Dawladdii Soomaaliya ay ku adkaysatay in shirkadaha Batroolku ay tababaraan Injineero iyo joolojiistayaal Soomaaliyeed kuwaas oo  sahaminta, qoditaanka iyo maamulidda kala wareega shirkadaha batroolka kaddib muddo 20-sano ah. Wuxuu intaas ku daray in shirkadaha badan-koodu ay xiisaynayeen aagga dhaca dhanka Woqooyi iyo Woqooyi-bari ee Soomaaliya, marka laga reebo Amoco oo xiisayneysey dhul-badeedka ku dhow aagga Shabeellada Hoose iyo Jubbada Hoose. Inkasta oo wada xaajoodku ahaa mid aad u adag waxaa dhanka Soomaaliya hawshaas fulinayey oo keliya wasiirka Macdanta Dabiiciga ah iyo Biyaha, kaas oo la tashanayey qaybaha ay khuseyso sida madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha iyo golaha wasiirada.

Kaddib 1990-kii heshiisyada Batroolku waxay noqdeen kuwo cakiran oo cabsi leh maadaama qaar ka mid ah qabqalayaasha dagaalka ay la soo xiriirayeen shirkado batrool oo reer Galbeed ah kuwaas oo rabey in wada xaajood ka galaan heshiisyaddii iyagoo ku bedelayey taageero lacageed iyo mid u ololayn siyaasadeed. Ilo lagu kalsoon yahay waxay magacaabeen Cali Mahdi iyo Gen. Caydiid, iyagoo dadkaa xog ogaalka ahi sheegay in labadaas nin ay aqbaleen heshiisyo mabda' ahaan ah oo ku talinayey in saamiga dakhliga ka soo baxa Batroolka in dhanka Soomaalida la siiyo boqlkiiba 25%, halka shirkadaha Batroolka la siinayo 50%, inta soo harta oo ah 25% loo deynayey in lagu daboolo kharashka muddada heshiiskaas oo ahayd 50 sano. Laakiin dagaalkii dhacay 1991-kii ee uu dhexeeyey labadaas nin (Cali Mahdi & Gen. Caydiid) waxa uu is hor taagey in la saxiixo wax heshiis ah maadaama xaaladdii ammaan ay sii xumaatay.

Ilaa xilligaa waxaa dalka halakeeyey xaalad halis ah oo batrool ka soo urayo, iyadoo qaar ka mid ah qabqablayaasha dagaalku ay sii kordhiyeen kulug-yeelashadooda. Markii uu socdey shirkii dib u heshiisiinta ee lagu qabtay Kenya intii u dhexaysay 2003 iyo 2004 shirkado batrool oo cusub oo aan la aqoon ayaa ku lug yeeshay tartankii doorashada ee maadxweynaha hadda ee Kumeel gaarka ah Cabdullaahi Yuusuf. Xubin fure u ahaa ololihii madaxweynaha, ahaanna jirey Xildhibaan hore, waxa uu ii sheegay in Shirkad Shiine ah, oo uu is barideeda uu ka dambeeyey wasiirka hadda ee Tamarta iyo Batroolka Cabdullaahi Yuusuf Xaraare, in ay ololihii doorashada ku bixisay $350.000 taasna bedelkeedu ahaa in shirkadda la siiyo heshiis iyo in wasiirka Batroolka loo magacaabo Yuusuf Xaraare (oo markii dambe ku geeriyoodey Australia October 24, 2005). Labadaas shardiba waa uu fuliyey madaxweynuhu markii la doortay, waana sababtaas tan Xaraare-yare uu u bedeley aabihiis markii uu geeriyoodey. Sidoo kale Mr. Munye oo ahaan jirey Xildhibaan, ahaana horjoogaha Shirkadda Shifco Fishing waxa uu $470.000 ku bixiyey ololahii doorashada madaxweynaha si bedelkeeda loogu ogolaado in uu haysto maraakiibta iyo in la weydiiyo madaxweynaha Yemen in uu naafto (shidaal) lacagta qaar laga dhimay uu siiyo Mr Munye iyo wiilka weyn ee madaxweynaha. Labadaas dalab waa la fuliyey markale, taas oo shidaal tiro buuran lagu iibiyo Suuqyada Bariga Afrika oo ay iibiyaan wiilka weyn ee madaxweynaha iyo Mr. Munye, shidaalkaas oo ay bixiso dawladda Yemen. Madaxweynuhu waa fuliyey ballan qaadkiisii laakiin nasiib darro waxa uu xushay Wasiir Batrool oo aan fulin karin shaqadiisii, kaas oo aan u babac dhigi karin ficillo gurracan ee ay maleegayeen Ra'iisul wasaaraha (waa mr. Geeddi) iyo saaxiibkiisa u dhow ee uu u magacaabay Agaasimaha Wasaaradda Tamarta iyo Batroolka. Lama yaabin markii aan akhriyey waraysiga Ms Sara Akbar ee Shirkadda Kuwait Energy, taas oo sheegtay hadal aad uga duwan (oo ganafka ku dhufatay) waraysi uu Mr. Xaraare ku bixiyey Australia.

Somaliland waxay laba heshiis oo kala duwan oo sahamin batrool ah la saxiixatay Zara Energy iyo Rova Energy. Labadaas shirkadood waa kuwo aan la aqoon, waxaana leh Kuwait Energy (oo leh Zara Energy) iyo Ophir Energy ee Koonfur Africa [ee uu leeyahay ninka lagu naanayso Tokyo Sexwale] (oo leh Rova Energy). Puntland waxay heshiis u saxiixday Range Resources ee Australia. Waxaa kale oo jira heshiis ay dawladdii KMG ahayd (Carta) u saxiixday shirkadda Total sannadkii 2001.

Markii uu fahmey lacagta batroolku muhiimada ay siyaasadda Soomaaliya ku leedahay, ra'iisul wasaaruhu (Geeddi) waxa uu dareemay in uu isku waajib yeelo in uu samaysto dariiq isaga u khaas ah. Waxa uu magacaabay in badan oo ah la taliyayaal Tamarta, waxana uu u diray in ay soo ugaarsadaan shirkadaha batroolka. Kaddib laba sano oo si qoto dheer ay raadin ugu jireen waxay la soo shir tageen Kuwaiti Energy iyo Medeco Energy ee Indonesia. Labada shirkadoodba ma aha kuwo laga yaqaan golayaasha Batroolka, layaab aniga iguma ahayn maadaama Mr. Geeddi uu raadinayey lacag degdeg ah [ka dhifso oo ka dhaqaaq] ee uusan raadineyn faa'iido ama macaash uu helo dalkiisa iyo dadkiisu. Mr. Geeddi la taliyayaashiisa tamartu waa kuwo bartay cilmiga xoolaha (veternario), sida saaxiibkiisa Faransiiska ah ee kala taliya siyaasadda, ama waa kuwa aan meel fog wax ka eegayn oo ah ganacsato cusub kuwaas oo aan wax khibar hore ama aqoon u lahayn arrimaah batroolka. Mr. Geeddi waxa uu doonayey in u lacag badan ka helo heshiiska, taas oo ah in uu saami ka helo Hay'adda Batroolka Soomaaliyeed (oo ah Hay'ad lagu taliyey in la soo dhiso) iyo sida aan rumaysanahay in uu helayo boqolkiiba 11% maadaama boqolkiiba 30% ee dakhliga loo qoondeeyey DFKMG iyo 10% dawlad Goboleedyada iyo 49% loogu talo galay Kuwait Energy iyo Medeco. Sidoo kale Mr. Geeddi waxa uu magacaabay Xuseen Cali Axmed oo ay isku beel yihiin, ahaana jirey Duqii magaalada Muqdisho xilligii DKMG (ee Carta), waxana uu u magacaabay in uu Agaasime ka noqdo Hay'adda la soo jeediyey in la dhiso ee ah Hay'adda Batroolka Soomaaliyeed (HBS). Hussein Ali Ahmed inkasta oo uu jaga sare kasoo qabtay dalwaddii magac ahaanta u jirtey, wax aqoon ah ama khibarad hore ah uma leh arrimaha Batroolka (ama Batrool sahaminta). Ujeedada guud ee ka dambeysey in la asaaso HBS waa in Geeddi uu doonayey in uu si toos ah u xukumo arrimaha Batroolka, oo gebi ahaan dhinac maro wasaaradda iyo golaha wasiirada, maadaama haddii kale ay ahaan lahayd in golahaasi ay heshiiska aqbalaan. Taasina waa waxa uu qorshaynayey in ay noqdaan wasaaradihii dhalinayey dakhliga ee uu maanka ku hayey ilaa 2005, sida uu aniga ii xaqiijiyey wasiir hore oo ay saaxiibo dhow yihiin Geeddi. Sida ku cad qorshahaas, dhammaan shirkada dawladdu waxay si toos ah u hoos imanayaan Ra'iisul wasaaraha, waxaana madax ka ahaan xigtadiisa ama jaalayaashiisa qabaa'ilka kale.

Shirkadda Kuwait Energy kama hawl gasho meel batrool laga qodayo, awood dhaqaalena uma leh in ay qabato hawlo sahamin batrool iyo soo saaridiisa toona. Shirkadda Medeco waa mid khasaartay taas oo ay raadinayaan gobolka Java kaddib markii ay halkaas ka geysteen khasaare xagga deegaanka ah oo dhan $1 billion oo ah qaan laga rabo shikadaas sida ay shegeen ilo wargal ah, iyo weliba in lacag lagu qiyaasay  $177.000.000 oo ah qaan ay ku leeyihiin dadka maalgashiga ku samaystay.

Kuwait Energy iyo Medeco waxay qoreen sharci cusub oo mugdi kujiro kaas oo ay ku donayaan in ay lahaadaan 49% saamiga hay'adda la soo jeediyey in la dhiso ee Hay'dda Batroolka Soomaaliya. Waxaa sharcigaas qabyada ah ku xusan in HBS ay lahaan doonto 30% faa'iido wadaagga iyo in dowalad goboleedyadu yeelan doonaan 10%. Yaa qaadanaya inta soo hartay ee ah  60% ee loo reebay suuqa madow. Laakiin haddii aan ka dhigno in saamiga dawladda oo ah 30% ay Kuwait Energy iyo Medeco ka helayaan 49%, taas macneheedu waxaa weeye in ay yeelanayaan bolkiiba 14.7% faa'iidada laga sameeyo foosto kasta oo la soo saaro, la dhoofiyo ama si maxali ah loo iibiyo iyaga oo aan taano maal gashi ah ku bixin mashruuca. Arrinta argaggaxa leh waxay tahay in kuwaan tabcaanka ah ay ka caqli badiyeen oo khiyaameeyeen Geeddi iyagoo ku qanciyey in ay awood u leeyihiin sharciyan in ay hoggaamiyaan hay'adda la soo jeediyey in la dhiso ee HBS sida uu dhigayo qodoba 8aad, farqaddiisa 8.5 ee sharciga qabyada ah ee Batroolka. Arrinta khiyaanadu ku jirto waxay tahay in ay jiraan in la soo jeediyey in la dhiso saddex hay'adood ama qaybood oo qaabilsan batroolka, kuwaas oo kala ah: Wasaaradda, HBS iyo Shirkadda Bartoolka Soomaaliyeed (SHBS). Hawlaha loo xilsaaray Wasaaradda iyo HBS waa kuwo midba uu midka kale haraynayo ama dhex gelayo (oo aan lakala saari karin) maadaama labada hay'adood ay yihiin xeeriyayaal, kuwaas oo ka mas'uul ah shaqo isku mid ah. Sida uu dhigayo sharciga qabyada ah ee batroolka waxay u muuqataa in wasaaradu ay u taagan tahay booskii calaamad ahaan golaha wasiirada ee sida saxda ah loo hawlgeliyo dowlad caadi ah. Sida xaqiiqada ah looma baahna HBS maadaama Wasaaradda iyo SHBS ay qaban karaan shaqada, arrinta haddii sidaas laga dhigo waxay meesha ka saareysaa Kuwait Energy iyo Medeco iyo 49% ay iyagu qoondaysteen.

Fursad la Lumiyey

Waxaa jira dersino muwaadiniin Soomaaliyeed ah oo tababaran kuwaas oo ku nool dalka gudihiisa ama qurbaha laakiin la iska indha-saabay khibradooda, iyada oo la shaqalaysiiyey kuwo aan arxan/jixinjix lahayn oo wax-magarato ah oo maxalliyiin iyo ajaanib ah oo loogu yeero lataliyayaal. Qaar ka mid ah khubarada Soomaaliyeed waxay hayaan akhbaar laga soo bilaabo 1950-maadkii iyo aqoon ay u leeyihiin heshiiskasta oo la saxiixay iyo aag kasta oo dhulka ah oo la baaray (Survey) iyo ciddii baaritaanka samaysay. Nasiib darro dawladani waxay ka soo hor jeedda cilmiga iyo khibaradda, iyada oo aan jeclayn in ay adeegsado xirfadda Soomaalida u soo shaqeeyey dalkooda xilliyadii dawladihii hore. Madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha waxay dhayalsanayaan awoodda dadka dalka. Nidaam kaas la mid ah waxaa ku dhaqmay DKMG (ee Carta), waana sababtii ay u khasaartay, sidaas oo kale ayaa DFKMG (ee lagu soo dhisay Kenya) ay ugu socotaa waddo bohol la mid ah.

Raadreebka...

Waxaa jira afar saamile oo kala duwan kuwaas oo leh qorshayaal iyo ujeedooyin kala duwan oo ku lug leh maslaxadda Batroolka Soomaaliya, kuwaas oo ah:

  1. Madaxweynaha iyo Wasaaradda tamarta iyo Batroolka iyo jaalayaashooda
  2. Ra'iisul wasaaraha iyo agaasimaha guud ee wasaaradda tamarta iyo kooxdooda
  3. Puntland iyo Somaliland iyo jaalayaashooda
  4. Shirkadaha reer Galbeedka ee haysta xuquuqda sahaminta ka hor 1990 iyo dalwadahooda

Madaxweynaha iyo wasiirkiisu waxay wataan shirkadaha Shiinaha, shirkadahaas oo ah kuwo sayladaha caalamka laga yaqaan ama raad ku leh, waxayna u saxiixeen heshiis. Heshiiskaas waxa uu shirkadahaas siinayaa xuquuqda shidaal sahaminta ee aag ka duwan aagaggii heshiisyadii hore loogula galay shirkadaha reer galbeedka. Waxaa kale oo si qeexan loo sheegay in saamiga wax-soo-saar wadaagga ay boqolkiiba 51% leedahay dawladda Soomaaliya iyo in Shiinihu leeyahay 49%. Shiinuhu waxa uu sumcad wanaagsan kuleeyahay in uu batrool ka soo saaro Afrika laakiin waxaa kale oo lagu yaqaan xariif-nimadooda ay siday rabaan u iibsadaan oo xaqiiqsadaan in ay helaan xuquuqda sahaminta batroolka. Geeddi waxa uu ka welwelsanaa, maadama aan arrimahaas lagala tashan, in uusan cadkiisa ka heli doonin baqshiishka ka imaneyey Shiinaha, waxana uu dareemay in aan jid uga furayn halkaas.

Ra'iisul wasaaruhu (Geeddi) waxa uu raadinayey xiriir muddo dheer jira iyo lacag joogto ah oo ka soo bexeysa baqshiishka iyo saamiyada uu ku leeyahay shirkadaha yaryar ee aan la aqoon. Sababtaas weeye arrinta ka dambaysey soo shaac bixinta  Kuwait Energy iyo Medeco. Waana sababtaas tii uu ugu xilsaaryay saaxiibadiisa cusub in ay soo sameeyaan sharciga batroolka ee qabyada ah, sharcigaas oo si qeyru caadi ah ugu janjeera shisheeyaha batroolka ku soo haliilaya iyo isaga. Sharciga cusub, haddii baarlamaanku ansaxiyo, waxa uu halis ku yahay kooxda madaxweynaha, dawlad goboleedyada iyo shirkadaha batroolka ee reer galbeedka. Sharciga qabyada ah ee batroolku waxa uu waxba kama jiraan ka dhigayaa dhammaan heshiisyadii la saxiixay wixii ka dambeeyey 30.12.1990, waxana uu ugu yeerayaa dhammaan kuwii haystey heshiisyada hore in ay dib u eegid ku sameeyaan heshiisyadoodii si loo waafajiyo sharciga cusub muddo hal sano gudeheed ah. Haddii ay taas ku guul daraystaan (shirkadaha hore) heshiisyadoodii waxa ay noqon doonaan kuwo la baabi'iyey sida uu dhigayo sharciga batroolka ee qabyada ah. Arrintaasi waxay qiil-qiil gelineysaa kuwa kale ee arrimaahaasi khuseeyaan, waxana ay kala kulmi doonaan ka hor imaad adag. Sharcigani waxa uu saamaynayaa dalka oo dhan kaas oo ka duwan heshiiska keliya ee madaxweynaha oo khuseeya hal aag. Haddii la ansixiyo sharcigaasi waxa uu xayiraad saari doonaa dhammaan kuwa haysta heshiisyaad jiray ee xuquuqda batrool sahaminta, waxana uu u gogol dhigayaa in shirkadaha shisheeye ee been abuurka ah iyo kooxda ra'iisul wasaaruhu (Geeddi) ay lunashadaan kuna tagri falaan khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Puntland waxay isku deyeysaa in ay gurubsato qaniimo farabadan inta ay awooddo ka hor inta aan arrimuhu xasilin inta kale ee Soomaaliya. Waxa kale oo ay Puntland dooneysaa in ay xejisato khayraadka dabiiciga ah, ayna u xukunto sida ay iyadu doorato, ayna shuruud ku xirto dawladda federaalka marka ay arrintu noqoto qaybsiga dakhliga ka soo baxa batroolka iyo macdanta kale. Waraysi ay idaacadda Horn Afrik la yeelatay Cadde Muuse ayuu mar labaad ku celiyey mowqifkiisa isagoo yiri in Puntland ay mas'uul ka tahay khayraadkeeda dabiiciga ah ayna xaq u leedahay in ay qandaraas la saxiixdo shirkadii ay doonto. Waxa uu sheegay in ay qaddarinayaan heshiisyadii ay hore u saxiixeen. Laakiin dhibaatada dhabta ah waxay tahay in Range Resources aysan dhankeeda awoodin in ay fuliso qandaraaska maadaama ay aad ku liidato xaagga dhaqaalaha iyo iyada oo aan lahayn khibar batrool soo saarid. Dad u dhuun daloola Puntland waxay sheegeen qaraabo u dhow Cadde Muuse in uu shaqeeyo shirkadda, waana halkaas meesha uu ka yimid xiriirka u dhexeeya Range Resources iyo Puntland.


Tokyo Sexwale

Somaliland waxay rabitaankeeda cadaysay sannadkii 1991, Koonfur Afrika ayaana si aad ah isugu deyeysa in ay ku caawinto in gobolkaasi helo madax bannaani. Mr Mbeki (madaxweynaha Koonfur Afrika) iyo jaalkiisa lacagta badan bilyannada haysta Tokyo Sexwale [oo magaciisa rasmiga ah yahay Mosima Gabriel Sexwale] ayaa horseed ka ah halganka aan lagu guulaysan. Si uu u dhex jibaaxo meheradda kala qaybinta waxay Somaliland shirkadda batroolka ee Mr Sexwale u ansixisay xuquuqda batrool baarista/sahaminta.

Shirkadaha reer Galbeedka waxay haystaan xuquuqda heshiisyo sahamin/baaris ee aagag kala duwan ee dalka ah, waxayna heshiisyadaas la saxiixdeen dawlad sharci ah. Shirkadahaasi waxay ku dhawaaqeen in ay dhacday arrin aysan wax ka qaban karin ee loo yaqaan [force majeure] dhanka Woqooyi sannadkii 1988 iyo inta kale ee Soomaaliya sanadkii 1990. Qodob ka mid ah xeerka arrinta aan wax laga qaban karin waxa uu xaq u siinayaa in ay soo laabtaan markasta oo xaaladda ammaanku ay u ogolaado in ay bilaabi karaan hawlahoodii. Heshiiska lala galay dawlad sharci ah ma baabi'n karto dawlad ku meel gaar ah haddii aan shirkadaha batroolku qudhoodu la iman arrin cad oo jebinaya heshiiska. Dawlada Maraykanku sidoo kale waxay si buuxda u taageersan tahay shirkadaha batroolka, dad badan oo u dhuun daloola arrimaha batroolku waxay aaminsan yihiin in sababta ugu muhiimsan ee Maraykanku u faragelinayo arrimaha Soomaaliya in ay tahay Batroolka. Maraykanku waxa kale uu yahay kan sida muhiimka ah u taageersan DFKMG xagga siyaasadda iyo xagga dhaqaalaha, mana aha waxyaabaha ka socda arrimaha batroolka (Soomaaliya) kuwo dan u ah Maraykanka. Waxaanna dhammaanteen ognahay in aan DFKMG muddo dheer sii jireyn haddii ay khatar geliyaan danaha Maraykanka, waxaana dhici karta in Maraykanku abuuro koox cusub oo uu taageero si ay uga soo hor jeestaan DFKMG haddii uu dareemo halis ka imanayesa ficillada Geeddi ama Cabdullaahi Yuusuf.

Qodobka kor ku xusan waxa uu muujinayaa in danaha gaarka ah ay Soomaaliya ka abuuri karaan xaalad khatar degdegta ah oo siyaasadeed. Ujeedooyinka afartaas kooxood la isuma keeni karo maadaama koox kasta ay leedahay taageerayaasheeda, kuwaas oo qaar ka mid ah aysan arrinta ku baraarugsanayn, ee jooga dalka. Ra'iisul wasaaruhu waxa uu taageero ka haystey ina adeerkiis Maxamed Dheere, waxana uu hantida dawladda ka urursaday dhawr milyan oo doolar, taas oo isaga keliya uu xakumo. Geeddi waxa uu u malaynayey inta ay dawladani tahay mid magac-u-yaal ahaan u jirta, sida ay hadda tahay oo kale, in uu awoodo iibsiga codadka baarlamaanka si ay u ansixiyaan sharciga batroolka. Waxa kale oo uu isku halaynayey taageerada Itoobiyaanka dalka ku jira kuwaas oo xiisaynaya in ay sii kordhiyaan fara kuhayntooda Qaranka Soomaaliya. Geeddi haddii uusan helin waxa uu doonayo waxa uu diyaar u ahaa in uu ka hor istaago kuwa kale in ay gaaraan ujeedooyinkooda, taasina waxay ahayd wadadii uu ku noqon lahaa qabqable dagaal haddii laga qaado awoodda. Waxana uu meesha soo gelin karaa beeshiisa kuwaas oo aan jacayl ka dhexayn iyaga iyo Cabdullaahi Yuusuf.

Madaxweynuhu waxa uu ku dadaalayey in uu is hor taago ujeedooyinka gurracan ee Geeddi iyo shisheeyaha gacansaarku ka dhexeeyo. Sida kaliya oo uu samayn karey waxay ahayd in uu casilo Geeddi ama in uu iibsado codka baarlamaanka. Labada xaaladood waxay ahaayeen kuwo isku xiran maadaama ay shaqo ka casilaadda Geeddi ahayd  in ay baarlamaanku ansixiyaan sida uu dhigayo Axdiga DFKMG. Haddii madaxweynuhu uu lumin lahaa dagaalkaas waxaa suurtagal ahaan lahayd in uu adeegsado xoog dagaal sidii hore uga dhacday Puntland. Haddii taasi dhici lahayd madaxweynuhu wuxuu isku halaynayey Puntland iyo Maraykanka oo luminayey u dul qaadashadoodii Geeddi. taas oo dhalin lahayd dagaal ahli ah, kaas oo ah cirweynida ay abuureen Geeddi iyo Cabdullaahi Yuusuf. Haddii xaaladdaasi dhacdo Soomaaliya waxay ku laabaneysaa bilowgii, oo ay dhici karto in uu ku xigo sannado badan oo dagaal ahli ah.

Talooyin

Si looga hor tago masiibo dagaal oo ka dhex dhacda DFKMG iyo raadka ay ku reebi karto Soomaaliya, waxaan rumaysnahay in la qaado tallaabooyinka soo socda:-

  • Dhammaan waxyaabaha la xiriira sharciga batroolka iyo xuquuqda sahminta waa in la hakiyo
  • Dhammaan khubarada Soomaaliyeed ee xirfadda u leh arrimaha batroolka waa in looga yeero qurbaha, waana in cilmigooda iyo khibradooda lala tashado
  • Dawladdii hore sharcigeedii maalgelinta shisheeye iyo sharcigii batroolka iyo heshiisyadii lala galay Shirkadaha Reer Galbbeedka waa in dib loo eego oo lala tashado
  • Sharciyada Batroolka ee dalalka Afrikaanka ah sida Nigeria, Sudan, Angola iyo Gabon waa in la derso oo lala tashado
  • Waa in la sameeyo Cilmi baaris ku haboon oo la xiriirta xaaladda hadda jira ee arrimaha batroolka adduunka
  • Waa in aan shisheeye la siin, balse muwaadiniin Soomaaliyeed oo qura la siiyo xakumidda/hoggaaminta arrimaha batroolka oo ay ku jirto sharci dejinta iyo wada xaajoodka ku saabsan baaritana iyo sahaminta
  • Qof karti leh, wax qabad leh, xirfad u leh,  kuna haboon waa in loo magacaabo wasiirka Tamarta iyo batroolka
  • Madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaruhu waa in ay ka caaganaadaan in ay si toos ah ugu lugu yeeshaan heshiisyada, waana in ay sugaan soo jeedinta iyo talooyinka khubarada aqoonta u leh arrimaha batroolka iyo Wasaaradda Tamarta iyo Batroolka.

Aden Yabarow  
ayabarow@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 2008

Tixraac:


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH