somalitalk

Home

Zakaat | Hajj | Salaada  |
Saxaabada
| Ramadaan | Search | |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
Somalitalk.com oo ka qayb gashay Janaazadii Saakay ee Marxuum Ahmed Khaliif

Fahad Yaasiin | SomaliTalk.com | Nairobi | Jan 25, 2003

 Saakay markii aan tukuday Salaadii Subax ayuu isoo dhacay Telefonkii, waxaa ila hadlay Wariye aan saaxiib nahay oo ii sheegay in Marxuumka, Axmed Khaliif, Salaadda Janaazada loogu tukan doono Masjid ku yaala Magaalada Neyrobi, laguna magacaabo South C. Waxaan isa sii taagay 7.30. Subaxnimo Masaajidkii, waxaan u gudbay halkii uu yaalay Marxuumka iyadoo lagu mashquulsan yahay hawlihii dhameystirka ee ka horeeyey aaska, dad farabadan oo qaraabo la’ahaa Wasiirka Ayaan ugu tagay meesha, dadkii ka soo qayb galay waxay ahaayeen dhamaan Muslimiintii ku noolaa dalka Kenya, dadkii ay isheydu qabatay waxaa ka mid ahaa, C/Qafuur Buusaiid oo ah Madaxa Hay’ada Muslimiinta ee Supkem, Maxamed Afay oo ah Wasiirk ku xigeenkii hore ee Arimaha Dibada, iyo C/Raxmaan Cali Xasan Colow oo kamid ah Mudanaayasha Barlamaanka ee laga soo doortay Wajir, dhanka Culimada Soomaalida waxaa ii muuqday qaar ay ka mid yihiin Sh.Maxmed Sh.Cusmaan, Sh.Maxamed Macalin Umal, iyo Culimo kale oo magac ku leh dalka Kenya, Sh.Umal waxa uu yiri isagoo ka hadlayey aqoontii uu u lahaa Marxuumka, (Ahmedh Khaliif wuxuu ahaa nin ay Muslimnimadu ku weyn tahay, waxaan leenahay Alaha u naxariisto).

Allaha u naxariistee Ahmed Khaliif jeceylkii ay Muslimiinta Kenya iyo Soomaaliduba u qabeen waxaa laga dareemayey muragadii haysatay dadkii maanta isugu yimid Salaadii Janaazada ee saakay,  waxaan saakay arkay wiil dhalin yaro ah, oo igu yiri galabta Ayaan balan lalahaa, maanta wuxuu qado kula balansanaa gudiga ganacsatada Soomaalida ee Neyrobi, laakin waxasoo dhan waxaa ka soo hor maray tii Ilaahay, waxaan Ilaahay uga baryeynaa inuu ka waraabiyo janatul fardowsa aamiin.

Allaha u naxariistee Wasiirku wuxuu ahaa ninkii kor u qaaday tayada goloha Muslimiinta ee Supkem, muddo dheerna xoghayaha guud ka’ahaa, sidoo kale wuxuu ahaa Maamulaha Idacada Iqra Fm, waxaa uu ii sheegay saakay Ridwaan X.C/Wali oo ka tisran Iqra, in Wasiirku oo ku hawlanaa sidii uu u hirgalin lahaa in Idacada laga dhagaysto Wadanka Kenya oo dhan, Waxaan tacsi u direynaa Muslminita Kenya , Soomaalida ku dhaqan Kenya, iyo Eheladii iyo Qaraabadii uu ka geeryooday Marxuumka Ahmed Khaliif Allaha u naxariisto.

AAMIIN AAMIIN AAMIIN

Fahad Yaasiin 
editor@somalitalk.com 

Jan 25. 2003

<><><>

Cabdulqaadir Mahad Kuno oo Geeriyoodey
Waxa uu ahaa duuliyihii diyaaradii uu ku dhintay Axmed Khaliif. Meydii Axmed khaliifna waxaa loo duuliyey Wajeer... GUJI... 25/1

Wasiirkii Shaqada Kenya, Axmed Khaliif Maxamed, oo kugeeriyoodey Shil Diyaaradeed
Allah ha u naxariistee marxuumka oo ahaa wasiirka keliya ee Soomaalidu kulahaayeen wasiirada dawlada cusub ee Kenya ayaa galabta geeriyoodey kaddib markii... GUJI... 24/1

 


Powered by www.Somali
Talk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great




HTML CD