SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
FAALLADII & WARBIXINTII - MUMTAZ
  • AWOODA BAARLAMAANKA OO LA DHIMAY...
  • WAFDIGII DOWLADA OO SOO CAGA DHIGTAY XARUNTOODI NAIROBI.
  • DOWLADU MA WAXAY DAGTAY BAYDHABO...
  • Dowladda Mareynka oo Mar kale Ka hadashay Arrimaha Somaliya.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Nairobi | Maarso 4, 2005
Email: cmmumtaz@somalitalk.com ama canabmumtaz@yahoo.com 
 

AWOODA BAARLAMAANKA OO LA DHIMAY.

Faallo:: Mumtaz

Baarlamaanka waa awooda ugu sareysa ee dal ka hirgasha waxaana hoos yimaada hay'addaha sharci fulinta (Dowlada) iyo tan garsoorka(Maxkamadaha) waana Hay'adda ka qaadi karta awoodda dowladda gudoomiyaha iyo Madaxweynaha, ahana sharci dajiye.

Waxii ka dambeeyay kala diristii Dowladii ra'iisul wasaare Cali Maxmad Geddi markii baarlamaanku codka uga qaaday bishii disember bilowgeed ee sanadkii tagay waxaa soo baxay qorshe cusub oo ay dowladdu ku dhimayso awoodda baarlamaanka FKMG ah ee Somaliya si dowladdu mar walba u hesho codad dheeraad ah oo ay kaga guulaysato awooda baarlamaanka.

Qorshahan cusub ee dowladu la timid xiligaas waxii ka dambeeyay ayaa ah in ay dowladu diyaarisay 57 xubnood oo baarlamaanka ka mid ah una taagan mar walba in ay dowladda ku garab istaagaan mowshinkii ay la timaado golaha baarlamaanka FKMG ah si aan looga guulaysanina waxay xubanahan u diyaarisay gunno gaar ah oo ka baxsan mushaarka la siinayo baarlamaanka iyo balanqaadyo kale.

Dowladda oo tijaabadeedii ugu horeysay bilowday markii Cali Maxamad Geddi dib loo magacaabay lana geeyay baarlamaanka ayaa ku guulaysatay waxa uu helay aqlibayad ka badan intii uu filayay in ay siiyaan kalsoonida ee ka mid ahaa baarlamaanka.

Isla xiligaas waxa uu Wasiirka koowaad baarlamaanka soo hor dhigay qorshahiisa ku aadan dhismaha dowladda sida uu kala siinayo qabaa'ilada gollaha wasiiradda iyo tiradoodaba waxaana keenay in ka badan intii lala diray ee tirada gollaha wasiiradda iyo ku xigeenadooda markii loo qaadayna codka 14-1-05 waxaa cod ku ansaxiyay 220 ka mid ah baarlamaanka in ay aqbaleen sida wasiirka u doortay dhismaha xukuumadda FKMG ah ee soomaaliya.

Xubnihii baarlamaanka ee horay u riday Dowladii cali maxamd gedi 11-12-04 ayaa badankood ku eedeeyay in uu xad dhaaf ka dhigay tiradda wasiiradiisa dowladda waxayna qayb ka ahayd asbaabihii lagu riday dowladii xiligaas ee majaraha u hayay Cali maxamad geddi balse xiligaas ma jirin ma jirin cid ku diiday kuwii ka badnaa ee uu la yimid markii dambe.

Xubno badan oo ka mid ah baarlamaanka ayaa aad ugu walwalsan in dowladdu ku shubato keenista ciidamo ka socda wadamada IGAD oo ay ku jiraan kuwa safka hore oo ay horay shir ka dhacay Addis ababa lagu go'aamiyay in ciidamo ka socda wadamada IGAD loo diro Dalka soomaaliya si ay uga qayb qaataan hub ka aruurinta maliishiyaadka iska soo horjeeda si dowladdu u hesho amaan ay ku shaqayso.

Bishii aan ka soo gudubnay ee febraayo ayay dowladdu ku ansaxisay cod dhan 63 xubnood oo ka mid gollaha wasiiiradda in la keeno ciidamo ka socda wadamada IGAD oo ay ka mid yihiin kuwa safka hore waxaana ka soo horjeestay ciidamada safka hore 9 wasiir halka mid kaliyana uu ka aamusay.

Arrintan ayaa keentay in dowladda xubnaheeda ku jira dowladda iyo qaar ka mid ah gollaha baarlamaanka ee qaba in dalka la keeno ciidamo IGAD oo ay ku jiraan kuwa safka hore heleen niyad wanaag ay ku qancin karaan dalka itoobiya oo si wayn u raadinaya sidii ay soomaaliya cagaha mar uun u galin lahaayeen.

Ra'iisul wasaare Cali Maxamad Geddi oo ku sugan magaaladda jowhar oo wareysi uu la yeeshay TIFAFTIRAHA laanta Af soomaaliga ee BBC da Yuusuf Garaad Cumar ayaa wax ka waydiiyay waxa iska badalay diidmadii ay diideen qaar ka mid ah gollaha wasiiradda iyo shacabkaba ciidamada Safka hore ayaa ku jawaabay "Ciidamada SAFka hore waxay ka mid yihiin ciidamada aan ka dalbanay ururka midnimda Afrika Itoobiyana ay ka mid tahay wadamada ay ka rabaan ciidamada" sidaas si la mid ah ayuu Madaxweynaha uga hadlay meelihii uu ku marayay booqashada ee Soomaaliya in ciidamda safka hore aysan wax ka dhibaynin ee ilaalin doonaan oo kaliya meelaha ay dowladdu dagayso aana loo arkin dhibaato ku soo fool leh.

Dowladda oo ku guulaysatay qorshahaas in la keeno ah ciidamo ka socda wadamada IGAD markii cod ay uga heshay gollaha wasiiradda ayaa lagu wadaa in marka baarlamaanka guda galo ka doodista ciidamada ay dowladdu ku qancin karto in ay ka dalbadeen midwaga afirka dowlad ahaana aqbaleen baarlamaankana uu sidaas ku siiyo codka kalsoonida.

Hadalhaynta ciidamo ka socda wadamada safka hore oo aad usoo badatay waxii ka dambeeyay markii Gollaha amniga ee AU u ogolaaday IGAD in ay geeyaan ciidamo soomaaliya ayaa hoos u dhigtay rajadi rajadii laga qabay in ciidamo ka socda itoobiya gaar ahaan ay somaliya tagaan,balse dowlada itoobiya ma ahan wali mid ka quusatay in ay soomaaliya faraha kala baxdo waayo waxa ay ku leedahay saaxiibo labada golle oo hadii aysan tagin xitaa iyaga u adeegsan karta in ay khilaaf iyo dagaal ka dhex sameeyaan soomaaliya hadii loo diido sida ay itoobiyo ka rabto soomaaliya.

Baarlamaanka ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu cod u qaado keenista ciidamo ka socda wadamada IGAD gaar ahaan kuwa safka hore oo la geeyo soomaaliya,si ay dowladda ugu caawiyaan dhinacyadda amaanka iyo hubka ka aruurinta maliishiyaadka iskaga soo horjeeday soomaaliya oo ay kala hogaaminayeen siyasiyiinta hadda noqday madaxda dalka kuna jira labada golle.

Inkasta oo aan la saadaalin karin rajada cod qaadista dhinaca ay u badan doonto ayaa hadal haynta ugu badani waxa ay tahay in la ansaxin doono ciidamada IGAD ka socda waxaana kaabeyaal u noqon doona dowaladda xubnahan aan kor ku soo sheegnay oo dowladdu ay u dooratay in ay codadka siiyaan si aysan ugu dhicin qorshaha ay wadato marka ay baarlamaanka la hortagto.

WAFDIGII DOWLADA OO SOO CAGA DHIGTAY XARUNTOODI NAIROBI.

Warbixin:: Mumtaz

 
Wafdiga Dowlada oo maanta ka soo duulay garoonka magaalada Baydhabo waxaa hogaaminayay madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha iyagoo ka soo kala dagay garoonka jommo kenyata iyo wilson Airport ee magaalada Nairobi.
 
Wafdigan madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha waxaa garoonka ku soo dhaweeyay xubno ka kala socday labada gole ee baarlamaanka iyo dowladda, wafdiga ayaa waxa ay kor u dhaafayeen in ka badan sideetan xubnood oo iskugu jira labada golle.
 
Wafdiga Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaraha waxa ay soo mareen gobolo ka ka mid ah soomaaliya iyagoo safarkoodi ugu horeyeeyay ka bilaabay magaalada jowhar ee gobolka shabeelada dhexe halkaas oo lagu soo dhaweeyay qudbadona ay ka jeediyeen bishii tagtay 24-keedi.
 
Wafdigan waxaa kale oo ay tageen goboladda Hiiraan, Garoowe, Boosaaso, Gaalkacyo ugu dambayna ku soo afjaray safarkooda magaalada Baydhabo oo maanta ka soo duuleen kadib markii ay halkaasi kulan ku yeesheen xubanaha gollaha SRRC ee ku jira labada Golle [warbixin dheeraad ee shirka SRRC ka eeg dhanka hoose ee boggan].
 
Wafdiga Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha waxa ay sheegeen in ay tagayaan Caasimada Soomaaliya ee Mogadisho, laakiin ma dhicin in ay halkaasi cag dhigaan.
 
Wafdigan ayaa markii ay tageen Magaalada Gaalacyo la kulmay laba beelood oo isku dagaalay meelo ku dhaw gaalkacyo waxa ayna sheegeen in ay heshiis soo dhex dhigeen labada beelood talaabadan ayaa ah mid ay dowladdu ku guulaysan karto hadii ay sii waddo dhexdhexaadinta beelaha is dagaalaya.
 
Dowladda ayaa la filayaa in maalmaha soo socda in ay baarlamanka hor dhigto waxyaabihii ka soo baxay safarkii ay ku soo kala bixisay magaalooyinkaas,qaabka ciidan iyo meelaha laga kala keenayo.

DOWLADU MA WAXAY DAGTAY BAYDHABO.

Xubnaha labada Gole ee SRRC-da oo ku shiraya Magaaladda Baydhabo.

Dhisitaankii Labada gole ee baarlamaanka iyo dowladdu ma noqon kuwo hakiyay jiritaankii ururadii siyaasadeed ee soomaaliya ka jiray iskuna hayay siyaasada dalka waxaana soo baxaya hadda in ay sii xoogaysanayaan lagana cabsi qabo in kuwo cusubi abuurmaan.

Wararka ka imaanaya magaaladda Baydhabo ayaa sheegaya in ay xalay shir ay iskugu yimaadeen mas'uuliyiinta dowladda ee ku sugan halkaasi iyagoo ka wadahadlayay ciidamada la gaynayo soomaaliya iyo diidmada aduunku ka muujiyay  iyo halka ay si KMG ahaan ah dowladdu caga dhigan doonto waxaana lagu waramayaa in ay baydhabo isku afgarteen inta siyaasiyiinta xamar ku haysta hubka ay kaga saarayaan meel u jirta magaaladda 30km si ay dowladdu u dagto caasimadda.

Dad badan ayaa qaba in dowladdu ayba dagtay Magaaladda Baydhabo iyadoo horay loo hadal hayay in dowladdu fariisin ka samaysan doonto Baydhabo ama baladweyne labadaas magaalo oo loo arkayay in ay ka amaan badan yihiin meelo badan sida magaaladda caasimadda dalka ah ee Muqdisho balse maahan illaa iyo hadda mid cad hadal haynta ku aadan in dowladdu in ay u dagtay si KMG ahaan magaaladda Baydhabo.

Waxaana la filayaa in wafdi ay hogaaminayaan ra'iisul wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha gudaha in ay mogadisho aadaan si ay Dowladda ugu sii gogol xaaraan goobihii ay dagi lahayd,halka madaxweynuhuna uu ku soo laaban doono isla maanta magaaladda Nairobi.

Madaxweynah Dowlada FKMG ah Coll  C/llaahi Yuusuf Axmad oo asalkiisa ka soo jeeda ururka SRRC hadda noqday madaxweynaha dalka soomaaliya  ayaa waxa uu baryahan isaga & wasiirka koowaad safar ku bixinayeen magaalooyin ku yaala dalka soomaaliya oo aysan caasimadu ku jirin waxaana ay shalay soo caga dhigteen magaalada Baydhabo halkaas oo ay horey usii joogeen guruub ururkan ka mid ah ayna ka mid yihiin:

Wasiirka W/beeraha Maxamad Nuur Shaati gaduud, Wasiirka W/Garsoorka Aadan madoobe, halka saakayna ay halkaasi tageen Wasiirka Arrimaha Gudaha xuseen maxmad caydiid, Gudoomiyaha Maamulka jowhar Maxamad Cumar Xabeeb "maxamrd dheere" iyo wafdi ay hogaaminayso wasiirada Arrimaha qoyska iyo haweenka Fowsiya Maxmad Xasan.

Kulanka SRRC wali ma cadda waxa ay ka hadlayaaan laakiin waxa ay dad badan rumaysan yihiin in Ururkan iyo dalka itoobiya ay leeyihiin cilaaqaad iyo saaxibtinimo siyaasadeed dheer ayna dhici karto in ay ka hadlayaan sidii ciidamo itoobiyaan ah lagu gayn lahaa dalka soomaaliya.

Caydiid: Soomaaliya uma baahna Ciidamo Shisheeye
 
Dadka Soomaaliyeed iyaga ayaa ka tashanaya Arimahooda, Aduunka waxa ay uga baahanyihiin.. Guji..  jan 24, 05

Wasiirka W/Arimaha Gudaha Xuseen Caydiid waxa uu horay dhowr jeer ugu celceliyay in uu ka soo horjeedo ciidamo la keeno dalka soomaaliya laakiin waxa uu sheegay in awoodeeda uu iska leeyahay baarlamaanka isagoo shalay looga yeeray magaaladaas safar aan la sii qorshaynina uga baxay magaalada Nairobi shalay galinkii hore.

Madaxweynaha Dowladda FKMG ah ee Somaliya C/llaahi yuusuf Axmad waxa uu mar kale ku celiyay isaga jooga Magaalada baydhabo in ciidamo IGAD ka socda ay imaanayaan soomaaliya si ay dowladda uga caawiyaan dhinacyada wax ka qabashadda Amaanka iyo aruurinta Hubka yaalla dalka soomaaliya guud ahaan ciidan la'aantiisna uusan shaqayn karin.

Dowladda Mareynka oo Mar kale Ka hadashay  Arrimaha Somaliya.

Warbixin:: Mumtaz

   
Dowladda Mareykanka ayaa mar kale qoraal ka soo saartay arrimaha soomaaliya kuna wajahan ciidanka la gaynayo iyo qaabka ay dowlada FKMG ahi uga hirgali karto dalka. Qoraalkan waxaa lagu sheegay in dowladda mareykanku la wadaagto dunida kale walaaca ay ka qabaan xaaladda amaan xumo ee ka jirta halkaasi iyo sidii loogu soo celin lahaa amaan buuxa dalka soomaaliya.
 
Dowladda Mareykanku waxa ay arrimaha soomaaliya u daysay midawga afrika oo si wayn ula socday shirkii lagu dhisay dowladda FKMG ah,markii dowladaas la dhisayna waxaa ay dalbatay ciidamo ka socda midawga afrika,dalabkaas dowladda ayaa keenay buuq iyo jahawareer saameeyay dadka soomaaliyeed iyo dunida kaleba.
 
Go'aankeena aan ka qabno dowlad ahaan waa inaan soomaaliya la gaynin ciidamo ka socda wadamada IGAD gaar ahaan safka hore xaaladda oo sii xumaan karta awgeed ayay ku sheegtay Dowlada Mareykanka qoraalkeedaas.

Dowladdani waxa ay ka walwal ka muujisay ciidamada la hadal hayo in la geeyo soomaaliya ee ka socda IGAD gaar ahaan wadamada safka hore ee soomaaliya la leh xuduudka oo hadii ay halkaasi tagaan sii xumayn karta xaaladda siyaasadeed iyo amaan ee dalka soomaaliya iyadoo Sabab uga dhigtay in ay jiraan dhitaabo u dhaxaysa labada dal ee soomaaliya iyo itoobiya.

 
Waxaa qoraalkani uu kula talinayaa in ay dowladda FKMG ahi furto wadahadal iyo dib u heshiisiin si looga maarmo ciidamdaas ay dalbatay,maliishiyaadkana siiso tabarbaro si ay u noqdaan kuwo ay leedahay dowladda si ay uga caawiyaan dhinaca amaanka baahida ciidamada loo qabona u daboolaan sidoo kale ay wadahadalo la yeelato Hogaamiyayaasha diinta wax ku xukuma.
 
Dunida in ay walwal ka qabto Argagaxisada ayaa lagu sheegay qoraalkan mareykankana ugu horeeyo si aysan u dhicin arrimahaas argagixasada looga cabsi qabo waa in la hirgaliyo isfaham iyo xaalad daganaansho oo soomaaliya guud ahaan lagu soo dabaalo.
 
Dowladda maraykanku waxa ay diidmada ciidamada la qaybsanaysaa shacabka soomaaliyeed ee diidan in ciidamo la geeyo soomaaliya iyagoo ka cabsi qaba in isku dhac yimaado dowladuna burburto.
 
Ugu dambayn waxa ay xuseen in ka qayb qaadanayaan dadaalka nabad raadineed ee soomaaliya laga wado dowladdana ay ka gacan siin doonaan dhinacyada dhaqaale iyo taageero hadii ay kasbato kalsoonida shacabka wadahadalona ka dhex furto qaybaha soomaaliyeed si loo sameeyo dib u heshiisiin buuxda.

Akhri warbixintii hore ee Dowladda Mareykanka oo Qoraal ka soo Saartay Ciidamada Soomaaliya la Gaynayo

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Nairobi | Maarso 4, 2005
Email: cmmumtaz@somalitalk.com ama canabmumtaz@yahoo.com 
 

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 4, 2005

 

HTML ku baro AfSoomaali... GUJI....

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD