Inj. Maxamed Cali Cibaar
Mohamed_ebar@hotmail.com
Gabayga
Dhegeyso ama
mp3
Marka dib loo milicsado taariikhaha
dhow, illaa iyo markii ay xornimada qaadatay Soomaalidu, sanadkii
1960kii, ayna midoobeen labadii gobol ee Waqooyiga iyo koofurtu,
waxaa lagu hayay jillaafooyin ka imaanayay dowladaha gobolka iyo
quwado kale oo waaweyn. Waxaana la rumeysanyahay in
hagardaamooyinkaas la dardargeliyay wixii ka dambeeyay dagaalkii
Soomaaligalbeed ee ay Soomaalidu sanadkii 1977kii la gashay,
kuna jebisay, gumeysiga Abasiinya. Waqtigaas oo uu cadowga umadda
Soomaaliyeed ku baraarugay awoodda aan la dhayalsan karin ee ka soo
muuqatay Bariga Afrika.
30kii sanadood ee u dambeeyay waxaa
ku socday Umadda Soomaaliyeed, baab’in arxandarro ah oo loo
adeegsanayay gacmo Soomaaliyeed iyo kuwo shisheeye intaba. Waxaana
la dhihi karaa guud ahaan geyiga Soomaaliyeed ma jiro gobol iyo guri
aan dabkii la shidayay gaarin, goortu haba kala duwanaatee. Ugu
dambeyntiina, wax marba dabin la soo maleego oo maalinba ay meel soo
joogto,waxaan maanta markhaati ka wada nahay xaalad musiibo oo aad u
murugo iyo xanuun badan badan.
Gumeysigii Abasiinya oo ahaa
cadowgii uu muddo qarniyaal ah loollanku naga dhaxeeyay ayaa maanta
ka arriminaya guud ahaan gayiga Soomaaliyeed, si toos ah ha uga
taliyo amaba si dadbane.Wuxuuna muddo 500 oo maalmood ku dhow
gacanta ku hayaa Qalbigii qaranka Soomaaliyeed, oo uu calankiisii ka
dulbabbanayo,
xasuuq nooc walba ahna uu ka geysanayo, isagoo ay arrinkaas ku
gacansiinayaan, calooshooda u shaqeysteyaal Soomaali ah iyo qowado
kale oo shisheeye oo dano aan sahlaneyn ka leh deegaankeenna.
Gabayga Qaylodhaan, oo ka dhashay
fikir ku wajahan arrimaha aan soo xusnay, wuxuu ka hadlayaa
waxyaalihii sababay silica maanta lagu suganyahay. Waxaa kale oo uu
gabaygu xambaarsanyahay digniin culus oo tilmaameysa in haddii aan
lala imaannin dadnimo uu xaalku meesha uu maanta taaganyahay aad uga
sii xumaan karo. Wuxuuna ugu dambeyntii gabaygu soo gudbinayaa
talooyin ku wajahan, qaababka looga dabaalan karo musiibadaan qarada
weyn iyo qaranjabkaan nagu dhacay, Rabbi ha na dabaqabtee.
Gabayga
Dhegeyso ama
mp3
Gabayga Qaylodhaan,wuxuu ku
bilaabmayaa:
- Qalbidhagaxey Soomaaliyey
qaafil baad tahaye
- Qeyrkaa inaad u hormartoo
qaddarin aad mudato
- Qarannimo qofkii kula
jeclaa inaad qurxoonaato
- Qabri wuxuu la galayaa
hungoo iil adow qodiye
-
Quraan iyo xadiis kuma kariyo
qawl indheergarade
-
Qolof daxala iney fuushay iyo
qallashay mooyaane
-
Laabtaadu qoyi mayso oo wey
qarribantahaye.
-
Waa seef qurgoysaa la yiri
quud xun kii jecele
-
Shacbiyahow qaloon lagu go’oy
qabato hoos taallo
-
Qirshi baad caqligii siisatiyo
qarash aan buurneyne
-
Garashada qolkii lagu ogaa
quful lagaa saarye
- Qalalaase lagu baabi’iyo
qax iyo guurguurid
- Qubqac iyo colaad waxan
aheyn kuma qabowshaane
- Haddaad qiiro weli
leedahood dhab u qushuuceyso
- Qaraar haba ahaatee runtaan
soo qaddimayaaye
- Qaylodhaanta u dhug yeelo
iyo qatarta soo fool leh.
-
Qorraxdii aroor soo baxdee uu
qaddaro Eebe
-
Maalinba qisey leedihiyo
qasnado taariikhe
-
Quruumuhuna kuwo qorboshayoo
qarfe ku diifeysan
-
Iyo waa dar quwad sheegta oo
qooq u hodayaaye
-
Adigana Quraanshoy haddaan
taada qiimeeyay
-
Qaacidada nacabkana dersiyo
qidadda aad moogtay
-
Waxa dhagar qamiir kuu aheed
qarsin ku fuuqeyso
- Cudur lagu qombobo iyo
waxaad qaaxo boobeyso
- Adigoo quxuxuu lahoo qufac
la luudaaya
- Ma-naxaan qadaadkiyo aduu
qoobka kaa jiidi
-
Oo lagu qadaanqutinayoo
qardadaxleynaaya
- Qow inaad ka duushaan ka
baqi qar iyo haadaane.
-
Taariikh qaddiimoo fog iyo
garasho qaangaar ah
-
Qab waxaad laheyd beri awood
quusin cadowgaada
-
Iyo qulubka waayahan ku galay
qayirka kaa muuqda
-
Qoborradaad ka soo jeeddo iyo
qurunka kuu huursan
-
Qolo-Laandkanaad ku digrisiyo
kala qannaaskaada
-
Qalaanqalka lagugu beerayiyo
qabyo ku faankaada
-
Quushaashaa inaad caashaqdiyo
quursi iyo liidid
- Oo qabbaanku ku
hoggaamiyiyo qaa’inkiyo tuuggu
-
Qabanqaabaduna saaka tahay
Qandhicilley kaalay
- Qaadan waayay qowsaarnimiyo
qaabdarradan taalle.
-
Qasdilaayey adaa qabi ah oon
qaddiyad leyne
-
Adigeys qonfaayee qaniin kuma
haweysteene
-
Qarbudaadda adigaa ka hela
qabarka dhiilladaye
- Sida caanihii kuwa qurqurin
dhiigna ku qubeysta
-
Qaatiliin intaad dabatubnayd
qabqable haamaan ah
- Qaadicul-dariiqyada intaad
qiil u bixinaysay
- Qaballuus habaarqaba intaad
burcad qaliifeysay
-
Ood qumayga awliyo laheyd
quuta xaaraanta
-
Intii uu qisaas kii mudnaa
hagayay qaanuunku
-
Waa qarracan waxaad
dhaxashayoo dhaayahaa qiriye.
-
Ummadyahay qabiil caabbud iyo
qadaf ku naafeeye
- Qamrigii sidiisoo kaluu
qasay dareenkiiye
- Waa kaa sidii aad qac
tahay qallibay maankiiye
- Qarjac-qarjac hadduu xaal
tagoo laysba qalanaayo
-
Haddii uu dugaag baahi qaba
kugu qamaamaayo
-
Ood eeyo qadadooda tahay
qarjamsan meydka ada
-
Bisadana quraac kaa dhigteen
qanjir aan reebeynin
-
Oo haadda soo qaraabataa
gawin qalfooftaada
- Dhibaatada qarada weyn
miyaan laba qiyaasaynin?
- Qayilaad miyaan laga koreyn
qaadka cuniddiisa?
- Qiiliyo waqaaliyo miyaan
qaylo laga daalin?
-
Culimadu miyay wixii qaldamay
qunyar tilmaameynin?
-
Abwaannadu miyay qarinayaan
xaajadaan qaawan?
-
Qaanadaha tujaarta leh
miyaaney shilinba quureynin?
-
Janannadii ma waxay qaayibeen
qoorta laga fuulo?
- Qaaraan mariidliyo in aad
qamadi soo tuugto
- Qaxootiga haddaad
doorbiddiyo qurbe ku noolaansho
- Ama aad qaneecaba ku tahay
qaadumnimadaada
-
Qaxar lacag ah iyo waxaan
arkaa gunnimo qaali ahe
- Qorsheyaal halagaa jiroo la
isku qayrayne
- Baarliin kuwii nagu qurbaye
dorraad na qeybqeybshay
-
Qabridaharre kuwii shalay
dhiciyo qasriyadii Adari (Harar)
- Kuwii qalinka en-ef-dhii
(NFD) ku xadee Kiinya qabadsiiyay
- Ee Jabuuti danab
qulqulayiyo silig ku qoolaabay
- Maantana qalqaaladey wadaan
waxa la qoondeeyay
- Dabinnada qotada dheer
lahoy qubaro kuu daahi
-
Qandaraasku waa labadi haray
qataliddoodiiye.
-
Qaalin geela oo waa la dhacay
laba is-qaareysay
- Qarjaruufo waxaan dhaaminoo
qoysas kala gaaray
- Adna godobsokeeyood quftaad
qumani mooddaaye
- Ma huraan qaraabo ah intaad
deriska qoomaysay
- Qoqob iyo intii aad Warmoog
qashin u heeseysay
- Oy quracyo isku tookhayeen
qoryo abaareystay
-
Ku qamaartay nabad iyo samaan
lagu qaxweeyaaye
-
Faa’iduu qilaaf dhalo haddaad
qandi u hoorhoorsan
-
Qibladaad ku socotaahi wey
ila qalloocdaaye
-
Qalbiyada la dhaawacay intaad
ka dhaqdo qaanjeerta
- Danta guud inaad u qunto
ood qanacdo yaa roone.
-
Ilmo uu shallaay kaa qubiyo
inaad qamuunyooto
-
Iyo qosol marbey simanyihiin
oy ku qadiyaane
- Waanada haddaad qushi tiraa
Qoolaney talada
- Qarni inaad dulleysnaato
iyo qoomamaa xigiye
- Inta aan qariidaddoo
bedelen qayax wax loo sheegin
- Qaaradda dalkaan la eg
intaan qowlad laga waayin
-
Oon Quddus sideedii dhulkii
qoom kaleba yeelan
-
Adiguna qariib aadan noqon ku
dhex qaloonaaya
-
Sida Qasaa intaan niman qalaad
jiidan qalanjooyin
-
Oon ubadka la qafaalayaa xabsi
ka qaaqleynin
-
Inta aan masaajidda qataar
weyn qab lagu siinnin
- Oon diinta qodob lagu
xarrimi qaalli ku dhawaaqin
-
Qaramada midoobana hadhow
qasab ku taageerin
-
Qaalis Muslim ah haddii aad
tahood Qani ka yaabeyso
- Ood naar qaxeysoo ka biqi
laysku quminaayo
-
Qabyaaladda ka dheerow intii
mabda’ qurraafaad ah.
- Qaafleyda gabayga ah
haddaan soo qatimo caawa
- Qawi tiisa lama baajin karo
sheyga kuu qorane
-
Inkastoo ay qaflad nagu hayaan
quwado soo duulay
-
Oy qamarka heehaabiyoy quusi
badaheenna
-
Hubka qananaxleeyana berriga
qiiq ka kicinaayo
- Mar haddii Jihaad loo
qumoo laysku qalabqaato
- Mujrimiinta wadnahaa
qarrari oo qandhaa diliye
- Goorta laysku qaabilo
dagaal wey qarqarayaane
-
Qumbulado waxaa uga darnaan
qaanso iyo leebe
-
Quruuruxan ku tuurtuureynaa
qarxin Insha-Allaahe
- Ha qalqalina Weynaha dad
qiray kuma qasaaraane.
- Rabbigii fircoon iyo
qarqiyay boqorro Qaaruun leh
-
Abrahana shimbirihii qabdhabay
ku diray qoolleyda
- Oo Namruudkii qalcadaha
lahaa ku qahray hoygiisa
- Qafuur iyo Qudduud iyo
Qudduus Qaaliq iyo Qaafir
- Qayuum baan ku dhaartaye
kuwaan kibir is qaadqaadi
-
Qulhuwalle haddey diidayaan
Qaaddir amarkiisa
-
Waxay qooshayaan waa sun ay
qalaf ku leeyiine
-
Qaaddadana annagaa u dari oo
ku qalam siinnoo
- Qaanteennii wey
hunqaacayaan qaras ka sii dheere
- Ha qalqalina Weynaha dad
qiray kuma qasaaraane.
- Ha qalqalina Weynaha dad
qiray kuma qasaaraane
- Ha qalqalina Weynaha dad
qiray kuma qasaaraane
- Ha qalqalina Weynaha dad
qiray kuma qasaaraane.