BISHAARO BISAARO BISHAARO
Mashruuca Difaaca Xuquuqda
Muslimiinta Minnesota
[Minnesto Muslim Civil Rights Project]
May 6, 2003
Waxaa dadweynaha Soomaaliyeed oo ka mid ah muslimiinta gobolka Minnesota loogu
bishaareynayaa in Muslim America Society (MAS) ay Minnesota ka furtay farace
mushruuca difaaca xuquuqda muslimiinta ee loo yaqaan Minnesota MAS freedom
foundation(Muslim Civil Right Project).
Xaruntan waxay qaban doontaa:
-
-Difaaca xuquuqda muslimiinta ee lagu xadgudbo
- -Difaaca xarumaha muslimiinta ay leeyihiin sida masaajidaha iyo xarumah adeega
ee muslimiinta Minnesota
- -Barasha Nidaamka waddanka iyo xuquuqda iyo waajibaad dadka degan ama
dhalashada waddanka Maraykanka heysta.
- -Wargelin joogta ah la xiriira arimaha muslimiinta gobolka.
- -Ka shaqeyn bedelidda sharciyada aan waafaqsaneyn caddaaladda madaniga(civil
justice) iyo in lala shaqeynayo golayaasha sharci dejinta ee gobolkan Minnesota.
- -Diyaarinta waddaniyiinta muslimiinta in codkooda ay xuquuqdooda ku ilaaliyaan.
- -Ururin dacwooyinka la xiriira ku xadgudubka muslimiinta isla markaana la
diyaariyo garyaqaano difaaca dadkaa dulman.
- -iyo dhammaan arimaha xuquuqda sharciyeed ee la xiriira muslimiinta gobolka.
Mashruucan waa mashruuca qarameed ee xafiisyo ku leh gobolo badan. Xafiiskiisa
ugu wayn wuxuu ku yaalaa Washingtion D.C. wuxuu gacan wadaag la leeyahay
dhammaan ururada xuquuda madaniga uu dooda ee ay ka mid yihiin: National Lawyers
Guild, Minnesota Advocacy for Human Rights iyo Garyaqaano madax banaan.
Mashruuca wuxuu ka kooban yahay 5 qaybood ee waa weyn ee kala ah:
-
1-Lobby Office (xafiiska la shaqeeya sharci qorayaasha
gobolka)
-
2-Complaining Office (xafiiska ururiya dacwadaha)
-
3-Media Muslim Civil Rights Office (warbaahinta la
xiriirta xuq. muslimiinta MN)
-
4-Legal Right Education Office (xafiiska tababarada
la xiriira nidaamka waddanka)
-
5-Xafiiska xiriirka Maxaabiista Muslimiinta ee MN
(MN-Muslim Inmate Care Office)
Xubnaha Golaha La talinta ee mashruucan waxaa ka mid ah:
-
1-Prof. Peter Erlinder ( Constitutional Law Prof. at William Mitchell
Law School)
-
2-Peter Brown (Garyaqaan u dirira xuquuqda aadaniga)
-
3-Safiya Munawar (Garyaqaan Civil Rights and Criminal Defense)
-
4-Jordan Kushner (Garyaqaan Civil Rights and Criminal Defense)
-
5-Abdulkadir Addow (Moslim Activist)
-
6-Yusuf Reed (Moslim Activist)
-
7-Sister Jessy (Sister Activist)
-
9-Abdurahman Aynte (Student-Journalist)
-
10-Mahdi As-sayid (UM- Law School Student)
-
11-Brother Muraad (WMCL of Law School Studen)
-
12-Sisten Iman ( WMCL of Law School Student)
-
13-Koshin Mohamed (College Student)
-
14-Mahdi Mujaahid (College Student)
-
15-Mahad Dish (Student)
-
16-Ahmed Gaabane (High School Student)
iyo kuwa kale.
Haddii aad rabto inaad kaalmayso mashruucan fadlan la xiriir Sister Jessy at
MAS-MN Center:
(651)457-7170.
Madaxa MN-MAS Freedom Office
Sheikh Xasan Jaamici JD.
hmohamud@midmnlegal.org Qoraalkaan
kala xiriir
Sharciyaqaan Sh.Xasan
Jaamici
Minneapolis/St.Paul, MN USA
hmohamud@midmnlegal.org
Tel.(612)242-3273.
-dhammaad-
Ogeysiis
ku jeeda Soomaalida Minnesota
Sanad Guuradii labaad ee Habeekii Waxbarashada Soomaaliyeed
oo la qaban doono May 8deeda.. GUJI..
5/5/3
Habeenkii
Showrka Soomaalida Minnesota
Habeenamadii sabtidu soo geleysey ayaa
waxaa magaalada Minneapolis kulan aad u heersareeye waxaa kuyeeshay dhammaan
qaybaha kala duwan ee Jaaliyaadda.. GUJI... 23/12/2002
40
Soomaali ah oo lasoo xirxiray oo la isugu Keenay Louisiana, USA
waa warbixin kusaabsan: Nidaamka
immigration iyo Muslimiinta Maraykana, gaar ahaan Somalida, oo uu idiin soo
gudbinaayo sharci yaqaan Soomaaliyeed GUJI
17/12/2002
Ururka
Islamka ee MAS oo booqday Somalida ku jirta xabsiga Lino Lake-Minnesota
-- GUJI
|