CALI BIN ABII DAALIB (AMIIRUL MU'MINIIN)
''Hooy ina Abii Daaliboow! miyaadan kuraalli ahayn inaad ii joogta booskuu
Haaruun u joogay Muuse CS oo kale, oo aanan ka ahayn inuuna Nebi iga
dambeyn''?
Sidaa waxaa yiri Nabiga SCW.
Cali bin Abuu Daalib (Cabdumunaf) bin Cabdulmudalib (Sheyba) bin Haashim
(Camr) bin Cabdumunaaf (Muqiirah) bin Qusay (Zeyd) bin Kilaab bin Murrah bin
Kacab bin Lu'ay bin Qaalib bin Fihir bin Maalik bin Nadar bin Kinaanah bin
Khuzeymah bin Mudrikah bin Ilyaas bin Mudar bin Nizaar bin Macad bin Cadnaan
Al Qurashi Al Haashimi.
Waxaa loogu kunyoon jiray Abul Xasan, sidoo kale Abuu Turaab. Hooyadiis waa
Faadimah bint Asad bin Haashim bin Cabdulmunaf bin Qusey Bin kilaab. Waxay
ku kulmaan hooyadiis iyo aabahiis xagga nasab ahaanta odayga Cabdulmunaaf,
waana banii Haashimkii ugu horeyay ee is guursada (yacni Abuu Daalib iyo
Faadimah bint Asad). Wuxuu Cali kudhashay magaalada Makkah 13-kii Rajab 23
sano kahor hijrada oo kubeegan 17-kii Maarso 599 Miilaadiyada, sida ay qaar
kamid ah mu'arrakhiintu sheegaan. Waa mid kamid ah tobankii saxaabi ee
Jannada loogu bishaareyey iyagoo nool. Sidoo kale waa ina adeerkii Nabiga
SCW iyo khaliifkii afaraad ee khulafaa'uraashidiinka Illaahay haka raalli
noqdee.
Aabahiis waa oday kamid ahaa saadaaddii Quresheed iyo adeerradii Nabiga
SCW. Wuxuu Abuu Daalib ahaa kii soo barbaariyey oo kafaala qaaday Rasuulka
SCW kadib dhimashadii Cabdulmudallib. Waxuu ahaa Abuu Daalib kan ugu
naxariis badan adeerada Nebiga SCW. Inkastoo uu kudhintay diintii
jaahiliyada haddana waxuu yaqiinsanaa Abuu Daalib inay diin xaqa tahay
diinta uu layimid wiilkuu adeerka u yahay ee Muxammed SCW.
Wuxuu Cali ku Islaamay Makka horaantii Nabinimada, wuxuna ahaa qofkii
kowaad ama labaad ee Islaama, waana qofkii ugu horeyay ee ka Islaama xagga
carruurta, waayo wauuu markaasi jiray 8 ama 10 sanadood .
Islaamiddiisii
Imaam Mujaahid waxuu yiri:- Qofkii ugu horeeyay (xagga Saxaabada) ee tukaday
waxuu ahaa Cali bin Abuu Daalib.
Cabduraxmaan bin Zaraarah waxuu yiri:- Cali Markuu Islamayay waxuu jiray 9
sano.
Waxuu yiri Xasan bin Zeyd:- Cali bin Abii Daalib waligiis sanamyada ma
uusan taaban umuuna dhawaan.
Cabdullaahi bin Cabbaas waxuu yiri:- Qofkii ugu horreeyay ee Islama
Khadiija kadib waxuu ahaa Cali bin Abuu Daalib.
Waxuu yiri Maxamed bin Camr:- Dadka waxaa ugu hor Islaamay Khadiija, kadib
agtayada waxan isku khilaafnaa saddex qofood koodii ugu horeyay ee Islamay
Khadiija kadib, Waana Abuu Bakar, Cali bin Abii Daalib iyo Zeyd bin
Xaaritha.
Markii Rasuulka SCW lasoo diray buu u yimid Cali oo kuray yar ah, markaas
buu ku yiri:- Caliyoow! Ilaahay xagiisaan kuugu yeeri ee diintaan soo gal.
Wuuna u sharxay, saa kadib Cali waxuu yiri:'' Abaa Daalib baan soo
weydiin, waayo kama careysiin karo'e.
Markaas buu Nabigu SCW yiri:- Mayee haddaadan qaadaneyn cidina ha usheegin
oo afkaada iska qabso. Kadibna Cali wuu iska amusay oo habeenkii buu iska
seexday isagoo arrinkii ka fekeraya kadib baa quluubtiisa Illaahay u
wasiciyey islaannimada, wuuna kusoo kallahay xaggii Nabiga SCW, waxuuna
ku yiri:- Ibar diintaadan. Halkaas buuna ku islaamay Cali. Waxaa ka
sugnaatay Cali xagiisa inuu yiri:- Waxaan ahaa qofkii ugu horeyay ee tukado
(xagga saxaabada).
Noolashahiisii & Waqtigii Nebiga (SCW)
Cali bin Abii Daalib intii magaallada Makka uu joogay, wuxuu ku noola
gurigii Rasuulka SCW, waayo, Rasuulka SCW ayaaba soo koriyey oo taasi
kafaala qaaday. Sababtuna waxay ahayd Abii Daalib wuxuu ahaa oday da' ah oo
misna aanan hanti buuran lahayn. Sidoo kale wuxuu lahaa carruur badan. Saa
waxaa dhacday abaar daran oo dadkii diif iyo macluul darani qabatay. Markaas
buu Nebigu SCW u tegay adeerkiis Al Cabbaas, oo ka dalbaday in ay israacaan
oo u tagaan Abii Daalib oo ka caawiyaan korinta carruurta. Waxay u tegeen
Abii Daalib, markiina ay arrintii u sheegeen, baa wuxuu Abuu Daalib yiri:-
Caqiil mooyaane, inta kale kaad doontaan kaxaysta.
Markaas buu Rasuulku SCW Cali kaxaystay, Al Cabbaasna wuxuu kaxaystay Jacfar
oo ay sidaa ku kafaalo qaadeen. Wax badan kama soo wareegin markii uu Jacfar
qaan gaaray oo uu guursaday, goonina u degay. Calise isagu wuxuu ahaa mid
ka yar Jacfar da' ahaan 10 sanadood, wuxuuna sidaa daraadeed kusii nagaaday
gurigii Rasuulka SCW oo uu ka qaatay barbaarin iyo abaabin wanaagsan.
Habeenkii Hijrada Rasuulka (SCW)
Maalintuu damcay inuu xabiibkeenna Muxammed SCW u soo haajiro magaalada
Yathrib (Madiina) baa waxaa tashtey odayaashii iyo wax garadkii Quresheed si
ay arrintaas isku hor istaajiyaan. Waxayna shir aan kala go' laheyn
kuyeesheen Daaru Nadwaa (Golahoodii Fadhiga). Waxayna go'aan soo saareen
inay dilaanba Nabiga SCW, oo waxay isku raaceen in qola waliba oo Qureesh
kamid ah laga soo dhex saaro wiil shaab ah oo seef wata, kadiba albaabka in
loo fadhiista oo markuu damca Nebigu SCW inuusoo baxa halmar lagu wada
dhufta seefaha sida darba hamar uu nin ku dhuftay oo kale ah. Markaas kadib
haddii ay banuu Haashim (waa tolka Nabiga uu kadhashaye) ay kudoodaan
sababta loo dilay waxaa lasiin doonaa diyo. Haddii ay diyadu diidaana dee
iskama celin karaan Qureesh dhan waayo Qureesh dhan baa halmar ku dhufatay
seefaha. Arrinkaas bay isku waafaqeen Qureesh waxana fikradaas xun lahaa oo
keenay Abuu Jahal Camr bin Hishaam. Kadib waxaa yimid Malakol Jibriil CS oo
markaas uga warramay Nebiga SCW waxa ay Qureesh ku tashatay iyo inay
doonayaan inay dilaan, saa kadib Nebiga SCW wuxuu latashtay Cali bin Abuu
Daalib oo uu runtii aad u jeclaa, wuxuuna ku yiri:- Caliyow! Qureesh sidaas
bay ku tashatay. Kadib wuxuu amray inuu firaashkiisa seexdo caawo oo
Nebigu isku furto. Kadibna wuxuu amray in howlaha uu Rasuulku SCW
Muslimiinta iyo dadka u hayay oo amaano ah uu usoo kala gudo dadka dadkii
lahaa.
Cali waxuu yiri:- Rasuul Alloow!! haddii aan caawo firaashkaaga seexdo
naftaadu miyay badbaadeysa oo cadawyada Quresheed miyaad ka bad baadeysaa?
Saa waxuu yiri Rasuulka SCW:- Haa oo nafteydu way bad baadeysaa inshaa
Allaah.
Markaas buu Cali sujuud la dhacay oo uu isagu isku furtay oo uu sidaas ku
seexday firaashkii Nabiga SCW. Nabigu SCW
habeenkii buu gurigiisa kasoo baxay iyagoo Qureeshtu ay dhooban yahiin
albaabka aqalkiisa, lakiinse ma aysan arkin oo Illaahay baa ka indha saabay
dhammaantood. Saa markaa iyada ah waxuu Nabiga akhrinayey aayad kujirta
suuradda Yaasiin oo ah qowlka Alle kor ahaaye
''Waxaan ka yeelnay hortooda gidaar
gadaashooduna gidaar oo waan indho daboolnay mana arkayaan waxbo''.
Suuratu Yassiin, aayadda 9aad.
Markaas buu Rasuulku SCW cantooba carro ah qaaday oo xagooda ku tuuray
manaysan arag dhammaan. In qadar ah markuu ka maqanyahay baa sheydaan u
yimid oo uu ku yiri '' Hoogiinee Muxamed soo kan baxay? Markaas bay halmar
wada kaceen oo hambar hambar u dideen, deedatana ay soo wada laabteen, saa
waxay arkeen firaashkiisii oo meesha goglan iyo Cali oo dul hurda. Markaas
bay umaleyeen Nabiga SCW oo wali jiifa, waxayna sugaayeen ilaa uu kasoo
kacaya, saa waa berigii baa waxaa meeshii kasoo kacay Cali bin Abuu Daalib.
Markaas baa intay kusoo rooreen kudhegen oo ay yiraahdeen:- Maxamed meeyay?
Saa waxuu yiri:- Mooji oo garan mahayo anigu. Kadib way isaga tegeen. Saa
waxay yiraahdeen Qureeshtii: Qofkii keena Muxammed iyo saaxiibkiis (Abu
Bakar Siddiiq) nolal ama geeri waxuu yeelan doonaa abaal marin 100 halaad
oo geel ah. Saddex maalin oo uu god kujiray kadibna Nebiga SCW waxuu soo
abbaaray safarkii dheeraa ee Makka iyo Madiina dhexdooda isaga iyo
saaxiibkiisa Abuu Bakar Siddiiq. Markuu Nebiga SCW yimid Magaallada
Madiina isagoon weli ka dhaqaaqin deegankii banii Camr bin Cowf buu Cali
kadaba yimid isagoo soo gutay howshii looga soo tegay .Waxuuna soo socday
muddo gaaban marka loo eego masaafada iyo inta loo socon karo, waxuuna
socday habeenkii maalintiina wuu dhakan jiray si aan loo arkin amaba loo
dareemin isagoo markaa iyada ah geli jiray geedaha hoostooda. Waxuuna kusoo
degay Cali gurigii Kalthuum bin Hadam Al Ansaari. Cali waxuu ahaa halyeey
wayn oo nafsadiisa ku furtay nafta Nabiga SCW. Waana Qofkii ugu horeyay ee
uu Nabiga nafsadiisa ku furta.
Nolashiisii Madiina
Markii uu Cali ka daba tegay Rasuulka SCW magaalladii Madiina isagoo bad
qaba, soona guday howlahii uu Rasuulka SCW uga soo tegay, markaas buu
Rasuulku SCW aad ugu farxay oo soo dhaweeyay. Markiina Rasuulku SCW
Muhaajiriin iyo Ansaar uu walaaleynayay, waxaa la sheegaa in Sahal bin
Xaniif iyo Cali uu walaaleeyay. Werinnada qaar waxay xusaan in Nebigu SCW uu
walaaleyay nafsaddiisa iyo Cali. Balse waalaga culusyahay qowlkaas. Waayo
Nebigu SCW iyo Cali si bay walaalo u ahaayeen. Sababtoo ah waxay ahaayeen
ilma adeer. Waxaa suurto gal ah marka in uu Nebigu SCW ula dan lahaa in
asaga iyo Cali ay walaalo yahiin. Balse markaasi aanay ahayn xilligii la
walaaleynayay Muhaajiriin iyo Ansaar. Qowlka ugu culus wuxuu yahay in Sahal
bin Xaniif lala walaaleeyay Cali Allaha ka raalli noqdee markii la
walaaleynayay Ansaarta iyo Muhaajiriinta.
Cali wuxuu laasimay ka agdhawaanshaha iyo la joogidda Rasuulka SCW.
Maalintii Dul Cusheyrah waxuu la socday ciidamadii Rasuulka SCW, waxaanay
isku awr fuuleen Cammaar bin Yaasir Illaahay haka raalli noqdee oo ay
duullaankaasi labo rafiiq oo gaar ah wada ahaayeen.
Dagaalkii weynaa ee Bader ayuu sidoo kale Cali ka qeyb qaatay. Nebigu SCW
asagoo Cumar la hadlaya wuxuu ku yiri:- Maxaad mooddaa Cumaroow!, waxaa laga
yaabaa inuu Illaahay reer Bader daallacday oo uu ku yiri:- Fala wixii aad
doontaan waan idiin dambi dhaafaye.
Gacan cad ayuu Cali Allaha ka raalli noqdee ku lahaa maalintaa iyada ahi,
iyo meeqaam la mahadsho, wuxuu siday calanka Muhaajiriinta oo la oran jiray
Al Caqaab. Ansaartuna waxaa calanka u waday Sacad bin Mucaad. Calanka guudna
waxaa loo dhiibay Muscab bin Cumeyr. Cali wuxuu ahaa mid kamid ah raggii
maalintaasi mubaarasada ka soo baxay dhanka Muslimiinta. Wuxuuna ahaa kii
ugu yaraa saddexdii nin ee dhanka Muslimiinta kasoo baxday. Waxayna
saddexdaasi kala ahaayeen Cali iyo adeerkiis Xamsa, iyo ina adeerkiis
Cubeydah bin Xaarith. Waxay ahaayeen saddexduba hal qoys oo weliba ahlu
beydka Rasuulka SCW ah. Waxay u baxeen saddex kale oo iyana hal qoys ah.
Waxayna kala ahaayeen Sheyba bin Rabiica, Cutbah bin Rabiica iyo Waliid bin
Cutbah bin Rabiica.
Cali wuxuu maalintaasi dilay ninkii ku soo haggaagay mubaarasada, kaasoo
ahaa Waliid bin Cutbah. Sidoo kale waxay asaga iyo adeerkiis Xamsa is
raaciyeen oo ay dileen Cutbah oo dhaawac ah kadib markay raggoodii ka soo
faaruqeen, Cubeyda oo dhaawacna horey bay usoo qaateen.
Cali wuxuu dagaalkaasi Bader ku laayay in badan oo kamid ah gaalladii
Qureesheed, waxaana kamid ahaa dadkii uu meeshaasi ku laayay:
1. Waliid bin Cutbah (oo uu ku dilay mubaariso).
2. Cutbah bin Rabiica bin Cabdishams (asaga iyo adeerkiis Xamsa ayaa isla
dilay, taa kahorna Cubeydah ayaa dhaawacay).
3. Al Caas bin Saciid bin Al Caas bin Umayah (wuxuu ninkani la dhashay
saxaabiga Jaliilka ee Khaalid bin Saciid, sidoo kale Cuthmaan bin Cafaan bay
ilma adeer ahaayeen)
4. Cuqbah bin Abii Mucayd (goobta Cirqud Dabiyah ayuu ku dilay kadib markii
lasoo qafaashay. Rasuulka SCW ayaana amray).
5. Nadar bin Xaarith (Sidoo kale dhexda ayuu ku dilay amaraka Rasuulka SCW -
goobta Safraa).
6. Ducaymah bin Caddiyi (asaga- Cali iyo adeerkiis Xamsa ayaa isla dileen).
7. Caqiil bin Al Aswad bin Muddallib (Cali iyo Xamsa ayaa isla dilay).
8. Nowfal bin Khuweylid.
9. Mascuud bin Abii Umayah bin Muqiirah Al Makhzuumi.
10. Abul Qeys bin Faakiha bin Muqiirah Al Makhzuumi (Cali ama Cammaar bin
Yaasir midkood ayaa dilay).
11. C/llaahi bin Mundir bin Abii Rafaacah.
12. Xaajib bin As- Saa'ib bin Cuweymir Al Makhzuumi.
13. Al Caas bin Munbih bin Xajjaaj Al Sahmi.
14. Abul Caas bin Qeys bin Caddiyi bin Sacad.
15. Aws bin Mucayr bin Lowdaan Al Jumaxi.
Iyo kuwa kale oo aanan la ogeyn. Intani waa sida ay qoreen culimada siirada,
waxaase suurto gal ah in intani ay ka badnaayeen raggii uu Cali maalintii
Bader laayey.
Nebigu SCW sanadkii labaad ee hijriga ayuu gabadhiisa Faadimah u guuriyey
Cali. Sanadkii 3aad ee Hijriga, wuxuu Cali ka qeyb qaatay dagaalkii weynaa
ee Uxud, wuxuuna hoggaaminayay ciidamada midigta, calanka ciidankana asaga
ayaa siday, kadib markii la dilay Muscab bin Cumeyr oo asaga horey u waday
calanka dagaalka ayaa loo dhiibay Cali. Ciidamada bidixda waxaa maalintaasi
madax u ahaa Mundir bin Camr, kuwa lugtanada Zubeyr bin Al Cawaam, waxaa
kaloo la sheegaa Al Miqdaad bin Camr. Cali wuxuu kamid ahaa maalintaasi
raggii durba soo laabtay kadib markii ay Muslimiinta jabeen, waayo
hammigiisu wuxuu ahaa uun Nebiga SCW. Wuxuu ka ag dagaallamayay Nebiga SCW
oo difaacay difaac wayn, wuxuuna maalintaa muujiyey wacdaro xadka ka baxsan.
Cali wuxuu ahaa ninkii Nebiga SCW ka dhaqay dhiiggii wejiga markii uu
dhaawaca culusi iyo waxyeellada ba'ani ay kusoo gaadhay dagaalkaasi Uxud.
Nebigu SCW aad buu u jeclaa Cali. Taasi Cali qudhiisa ayaa marqaati ka
ahaa, waayo waxay asaga iyo Faadimah ku doodi jireen:- Rasuulku SCW aniguu
iga kaa jecelyahay. Dagaalkii Uxud markuu dhammaaday, wuxuu Rasuulka SCW
amray Cali inuu baacsada Mushrikiinta Qureesheed oo hubiyo inay toos u
abbaareen Makka iyo inay doonayaan inay aadaan dhankii Madiina. Cali wuu
dhaqaaqay oo markii uu arkay inay Makka abbaareen oo awrta fuuleen,
farduhuna kaxaysteen buu kasoo laabtay oo Nebiga SCW uga warramay xaalkooda.
Wuxuu kaloo ka qeyb qaatay dhammaan dhaqdhaaqyadii uu Nebigu SCW
hoggaaminayay. Maalintii Axzaab, wuxuu dilay mid kamid ah mashaahiirtii iyo
geesiyaddii Carbeed. Wuxuu kaasi ahaa Camr bin Cabdiwuddi Al Caamiri, oo
oday Qureeshta iyo Carabta kaleba dhaxdeeda caan ka ahaa. Ninkaan wuxuu ahaa
nin fardo fuulka iyo dagaalka aad ugu xeel dheeraa, wuxuu ahaa geesi ka
sheegan Carabtii waqtigaa jirtay. Hubka dhawaajiya aanan wadnuhu galaw oran
ayuu ahaa. Dagaalkii Bader ayuu ka badbaaday inuu ku naf waayo, waxaase taas
cagsigeeda soo gaaray dhaawacyo culus, oo u diiday in sanadkii saddexaad ee
hijriga uu ka qeyb qaato dagaalkii waynaa ee Uxud. Sanadkii shanaad ee
hijriyada, dagaalkii Axsaab buu soo baxay asagoo sidii hore ka roon. Wuxuu
soo baxay Mubaariso. Asxaabtu aad bay uwada garanayeen, dib bayna u
hakadeen. Cali oo waaga nin dhalin yaro ah baa soo baxay. Nebigu SCW wuu u
duceynayay, asxaabta oo idilna way u naxsanaayeen. Markaa iyada ahi Camr bin
Cabduwuddi, wuxuu fuushanaa faraskiisa. Markii uu Cali arkay ayuu ka
dalbaday inuu iska laabto, wuxuuna u sheegay inuusan dooneyn inuu Cali dilo.
Calise wuxuu u sheegay inuu asaga doonaya inuu dilo. Markaas buu inta Camr
carooday faraskiisii boqna jaray oo inta lugta seefta uga hoos qaaday, buu
soo dhaqaaqay, markay is heleen asaga iyo Cali, baa si dhaqso leh looga
tallaabsaday meydkiisa oo laga takhallusay. Halkaas ayuu Cali ku dilay
gaalkii Camr bin Cabduwuddi ahaa, saa Rasuulka iyo saxaabaduba takbiir
halmar ku wada dhufteen farxad darteeda iyo waynayn ay Alle wayneynayaan.
Maalintii Baycatu Ridwaan, ayuu Cali goobjoog ahaa. Raggii ka qeyb qaatay
baycadaasi Illaahay wuu ka raalli noqday. Sidoo kale wuxuu ahaa ninkii
qorayay heshiiskii Xudeybiya ee maalintaasi dhacay. Wuxuu kaloo ka qeyb
qaatay Cumradii la qalleeyay (Cumaratul qadaa), maalintaas ayuuna Rasuulku
SCW Cali ku yiri:- Adigu iga mid baad tahay, aniguna kaa mid baan ahay.
Sanadkii 7-aad ee Hijriga, wuxuu ka qeyb qaatay dagaalkii Kheybar. Rasuulku
SCW wuxuu maalintaasi markii Kheybar la furi waayay yiri:- Waxaan u dhiibi
doonaa calanka beritoole, nin jecel Alle iyo Rasuulkiisu, isaguna ay
jecelyahiin Alle iyo Rasuulkiisuba.
Habeenkaasi dadkii waxay baryen ayagoo wada rajeynaya in qof waliba asaga
loo dhiibo. Subaxii buu Rasuulka SCW Cali u yeeray. Waxaa loo sheegay inuu
indhaha ka sheeganayay. Wuxuu dalbaday Nebiga SCW in loo keeno. Markii loo
keenay buu indhahii kaga tufay, dib dambena uma aanay xanuunin. Cali
calankii buu sidaa ku qaaday oo furtay. Wuxuu Cali dagaalkii Kheybar
mubaariso ku dilay Marxab oo hub ka dhawaajiyahii Yahuudda ugu geesisanaa
ahaa. Furashadii Makkana wuu ka qeyb qaatay, iyo sidoo kale dagaalladii
Xuneen iyo Daa'if. Dagaalkii Xuneen wuxuu kamid ahaa ahlu beydkii Nebiga
SCW kusoo haray kadib markii ay saxaabadii jabeen. Wuxuu dagaallamay dagaal
kulul oo difaacay Rasuulka SCW,
Jicraanah ayuu cumra ka xirtay asagoo la xirtay Nebiga SCW.
Ka Dib Noqoshadiisii Duullaanka Tabuuk
''Ma wadaan ku raalli ahayn inaad ii joogto halkuu Haaruun CS u joogay Muuse
CS, oo aanan ka ahayn inuuna Nebi iga dambeyn? ''
Kamuusan harin Cali duullaan ama dagaal uu kuqaaday Nebiga SCW acdaada Alle.
Sida Badar, Uxud, khandaq, Kheybar, Fatxul Makkah, Xuneyn, Daa'if iyo
dhammaan duullaamadii uu qaaday Nabiga SCW aanan ka ahayn duullaankii
Tabuuk, Kaasina sababta ka reebtay Cali inuu ka qeyb galo waxay aheyd
Nabiga SCW baa masuul uga dhigay xagga ehelkiisa. Saa waxaa dhacday inay
Munaafaqiintii ka faa'ideystan fursadaas ay Cali la heleen oo ah inuu
duullaan ka baaqday, Markas bay dacaayad raqiisa ugeliyeen bulshadii
dhexdeeda oo ay yiraahdeen:- Cali wuu cusleeyay Nabiga SCW oo sidaas buu
isaga reebay markuu dhibsaday dabadeed.
Saa markuu warkaas Cali soo gaaray buu aad uga carooday oo uu hubkiisii soo
qaatay oo uu abbaaray ciidankii Muslimiinta si uu u raaco isagoo dhibsaday
lajoogida ehelka iyo caruurta oo doorbiday inuusan ka dib dhicin duullaan uu
qaadaya Rasuulkii Alle SCW. Markii uu Nebiga SCW u tegay buu weydiyay waxa
soo kaxeyay. Markaas buu Cali usheegay dhacdadii Munaafaqiinta iyo wixii ay
lawareeganayeen oo been iyo shar ahaa. Waxuu yiri Nabiga SCW:- Ina Abuu
Daaliboow! ma waadan ku raalli noqoneyn inaad ii joogta booskii uu Haaruun
CS u joogay Muuse CS oo aanan ka ahayn Nabinimo, waayo anigu Nabi igama
dambeeyo'e?
Markaas buu Cali aad u farxay oo laabtay. Waxuu ka qeyb qaatay Cali dhammaan
duulamadii Nabiga uu qaaday marka laga reebo Tabuuk oo uu ehelkisa uga
tegay. Waxuu Cali kula ballamay Nabiga SCW maalintii Uxud dhimasho kadib
markay dadkii carareen ,waxuuna muujiyey geesinimo xad dhaaf ah. Cali waxuu
aha geesi halyay ah oo nin mubaarasa u soo baxa ma uusan sii noolaan. Waxuu
Nabiga SCW u diray camal ahaan meelo badan oo ay kamid ahayeen sirriyaddii
ama wardoonkii uu udiray banii Sacad ee Fadak isagoo wata 100 nin. Wuxuu
kaloo Nabigu SCW madax uga dhigay wardoonkii uu udiray dhanka Al Falaas ee
banuu Dhayyi. Waxaa kaloo uu u diray Nabiga SCW Yemen amiir ahaan, iyo si
uu dadka diinta u baro. Sanadkii Xajjatul wadaaca, ayuu Nebigu SCW usoo
wafdiyey oo kula kulmay magaalladii Makka. Kamuusanna harin duullaan uu
Nabiga duulay SCW aanan ka aheyn Tabuuk sidaan horeba usoo xusnay
Sidaynu ognahay Cali, wuxuu ahaa mid kamid ah raggii Nebiga SCW aaskiisa ka
qeyb qaatay.Rasuulkuna SCW wuxuu geeriyooday isagoo Cali ka raalli ah. Wuxuu
Cali kamid ahaa dadkii ugu dambeeyay ee Nebiga intuuna dhiman la kulmay.
Sidoo kale wuxuu ka qeyb qaatay dhaqiddii Nebiga SCW. Sidoo kalena wuxuu
ahaa mid kamid ah raggii qabriga dhigay.
Carruurtiisii & Dumarkiisii
Waxuu Cali dhalay carruur badan, waxuu guursaday gabadhii Nabiga SCW uu
dhalay ee Faadimah oo u dhashay Xasan, Xuseyn, Muxsin, Zeynaba Al Kubraa
iyo Ummu Kalthuum. Intuu Faadimah qabay Cali ma uusan guursan haweeney
kala. Wuxuu Faadimah guursaday sanadkii 2aad ee Hijriga. Waxayna ka
dhimatay sanadkii 11aad ee Hijriyada.
Waxaa kaloo uu guursaday Khowlah bint Jacfar bin Qeys bin Maslamah bin
Thaclabah bin Yarbuuc bin Thaclabah bin Al Dowl bin Xaniifah bin Lujeyn bin
Sacab bin Cali bin Bakar bin Waa'il oo ka dhalatay nasab ahaan reer
Xaniifah. Waa qoladii uu Museylamah Al Kaddaab kadhashay, kaasoo ahaa
ninkii Nabinnibada sheegtay. Markii weerarka lagu qaaday Museylamah oo
lajebiyey baa lasoo qafashay dumarkii iyo carruurtii reer Xaniifah. Saa waxa
kamid aheyd dumarkaas khowlah bin Jacfar oo reer Xaniifah kamid aheyd.
Markii loo keenay Abuu Bakar buu siiyey Cali bin Abii Daalib, kadibna
waxay u dhashay Maxamed bin Cali oo loo yaqiinay Maxamed ibnu Xanafiyah.
Sidoo kale waxuu Cali dhalay Cubeydah, waxaa Cubeydah dilay Al Mukhtaar bin
Abu Cubeyd (Mukhtaar Al Kaddaab) oo ku dilay Al Madaar. Wuxuu kaloo dhalay
Abuu Bakar bin Cali oo lala dilay Xuseyn bin Cali (goobta Karballaa
sanadkii 61aad ee Hijriga), waxaana u dhashay Cubeyda iyo Abu Bakar haweeney
la oran jiray Leylaa bint Mascood bin khaalid bin Thaabit bin Ribciy bin
Balama bin Jundal bin Nahshal bin Daaram bin Maalik bin Zeyd bin Mannaah
bin Tamiim.
Waxa kaloo uu dhalay Al Cabbaas Al Akbar, Cuthmaan, Jacfar Al Akbar iyo
Cabdullaahi, dhammaan intan waxa lagu dilay goobta Karballaa iyagoo la socda
walaalkood Xuseyn bin Cali, Hooyadooduna waa Umul Baniin bint Xazaam bin
khaalid bin Jacfar bin Rabiicah bin Al Waxiid bin Caamir bin Kacab bin
Kilaab
Waxaa kaloo uu dhalay Cali Maxamed Al Asqar, waxaana lala dilay Xuseyn,
hooyadiisna waa umu Walad.
Sidoo kale waxuu Cali dhalay Yaxyaa iyo Cown hooyadooduna waa Asmaa bint
Cumeys Al Khuthcumiyah.
Sidoo kale wuxuu dhalay Cumar Al Akbar iyo Ruqaya, hooyadoodna waa Ummu
Xabiib Assahbaa bint Rabiicah bin Bujeer bin Cabdu bin Calqamah bin Al
Xaaritha bin Cutbah bin Sacad bin Suheir bin Jusham bin Bakar bin Xabiib
bin Camr Ibnu Qanam bin Taqlab bin Waa'il oo kamid ah banuu Taqlab,
waxaana soo qafaashay Khaalid bin Waliid dagaalkii Ceynu Tamar, saa waxaa
saami loo siiyey Cali oo guursaday.
Sidoo Kale waxuu dhalay Cali bin Abii Daalib Maxamed Al Awsadh oo ay u
dhashay Umaamah bint Abul Caas Bin Rabiica bin Cabdulcuza bin Cabdshams bin
Cabdumunaaf bin Qusay bin Kilaab. Gabadhani waxaa dhashay Zeynaba Bint
Rasuulillaah. Waana gabadhii uu aadka u jeclaa Nebiga SCW, waxaa dhici
jirtay jeceylkuu Rasuulka SCW jeclaa gabadhan Umaamah halkii uu
gaarsiisanaa, heer isagoo salaadda kujira inuu kor uqaadi jiray, Waxaa Cali
kula dar-daarantay inuu Umaamah guursado Faadimah bint Rasuulillaah SCW
markay dhimata kadib.
Sidoo kale waxuu dhalay Cali bin Abii Daalib Umul Xasan iyo Ramlatul Kubraa,
hooyadooduna waa Umu Saciid bint Curwah bin Mascood bin Muctab bin Maalik
Ath- Thaqafiyu oo reer Thaqiifa kamid ah. Waxaa kaloo uu dhalay Umu Haani,
Meymunah iyo Zeynabatu Suqraa, Ramlatu Suqraa, Umu Kaltuum Suqraa, Faadimah
Umaamah, khadiijah, Umul Kiraam, Umu Salama, Umu jacfar, Jamaanah iyo
Nafiisah. Dhammaan hablahan hooyooyinkoodi Mu'arakhiintu waxay yirahdeen:-
Magacyadooda nalooma magacaabin. Isku soo duuboo awlaada Cali wiilashu waa
14, halka gabdhuhuna ay yahiin 19 gabdhood.
Qaar Kamid Ah Fadliga Cali
Waxaynu ogsoonnay amaba aanu ka dhadhansan karnaa taariikhda Cali inuu ahaa
saxaabi aad iyo aad u fadli badan, waxaynaan soo koobi karin, heerka iyo
halka uu gaarsiisnaa fadliga Cali, waayo wuxuu fadliga Cali ahaa mid inbadan
dheer saxaaba badan oo jiray waqtigii Nebiga SCW. Waxaa dhab ah in ummadani
uu ugu fadli badnaa Abii Bakar Sidiiq, marka laga soo tego Nebiga SCW,
dabadiina Cumar, kadibna Cuthmaan, dabeetana Cali.
Haddaba waxaynaan soo koobi karin dhammaan fadaa'isha Cali, balse intuu
Rabbi inooga qaddaro ayaanu ka dhawaajin doonnaa hadduu Alle idmo. Waxaa
kamid ah Nebigu SCW inuu yiri:- Alloow! wali ka dhigo qofkii wali ka yeesho
(Cali) oo la colleytan qofkii la colleytama.
Sidoo kale Nebigu SCW wuxuu yiri:- Cali aniguu iga mid yahay aniguna asagaan
kamid ahay.
Sidoo kale wuxuu yiri:- Adigu waxaad tahay walaalkeyga if iyo aakhiro.
Sidoo kale wuxuu yiri:- Qofkii dhibo Cali aniguu i dhibay.
Waxaa kaloo uu Nebigu SCW yiri:- Waxaan berritoole u dhiibi doonaa raayadda
qof ay Alle iyo Rasuulkiisu jecelyahiin, asaguna jecel Alle iyo Rasuulkiisa.
(Markaasuu u dhiibay Cali bin Abii Daalib maalintii Khaybar). Waxaa kaloo
ka mid ah in Nebigu SCW janno ugu bishaareeyay asagoo dunida guudkeeda uu
fuulo.
Wuxuu kaloo Nebigu SCW yiri:- Hooy! ina Abuu Daaliboow! ma waadan ku raalli
noqon inaad ii joogto halkii uu Haaruun CS Muuse CS u joogay oo aanan ka
ahayn inuuna Nebi iga dambeyn?
Sidoo kale wuxuu Nebi SCW yiri:- Ruuxii Cali jeclaada, aniguu i jeclaaday,
Qofkii aniga i jeclaadana Alle buu jeclaaday. Qofkii Cali u caroodana aniguu
ii carooday, qofkii aniga ii caroodana Alle buu u carooday.
Sidoo kale wuxuu yiri:- Umaddeydu waxaa ugu ogaal badan xagga qaddaha iyo
xukunka Cali.
Fadaa'isha Cali intani waa ay ka badan yahiin, laakiin waxaa jira aqwaal
iska raqiis ah oo aan sal iyo raad toona lahayn oo ay Shiicada u sameeyaan
ka badbadin, illaa ayba dembi iyo gafaf waa weyn ku dhaceen. Waana halka ay
ku nacladaan qaar badan oo kamid ah asxaabtii suusuubanayn. Calina wuxuu
qiray in uu ummadani kii ugu fadli badnaa uu ahaa khaliifadii Rasuulka Alle
SCW ee Abuu Bakar, marka laga yimaada Nebiga SCW.
Cali Oo La Shaqeynaya Dowladdii Abuu Bakar
Ibnu Jariir siduu xusay Cali Waxuu la mubaayacooday Abuu Bakar Siddiiq laba
goor, taasoo ah markii hore ee lala mubaayacoonayay Abuu Bakar oo uu xilka
qabtay iyo markii ay dhimatay Faadimah bint Rasuulillaah kadib goor
dhimashadii aabaheed (Muxammed SCW) laga jooga lix bilood. Waxuu Abuu Bakar
siiyey Cali laba dumar ah oo kamid ah dumarkii lagusoo qafaashay duulamadii
uu Khalid bin Waliid ku qaaday dadkii diinta ka riddoobay, sidaan horeba u
soo xusnay. Waxaa wax kama jiraan ah qowl ay shiicada yiraahdaan oo ah Cali
inuusan la mubaayacoon Abuu Bakar Siddiiq ,arrintaasi waa iska hadal raqiis
ah oo aan miisaaniyad iyo sixa tooni lahayn, waayo waxaa soo aroortay in uu
xuruubtii ugu horeeysay (dagaalada) ee uu Abuu Bakar ku qaaday
murtaddiintii sida duullaamadii Dil xazaa iyo Dil Qassaa oo uu isla Abuu
Bakar hoggaaminayay Cali ayaa ku dhegay daabbadii uu saarnaa Abuu Bakar oo
yiri:- Khaliifkii Rasuulkoow! ha bixin ee meeshaada joog oo beddelkaada
qof kala dir waayo, haddi lagu asiibo (oo lagu dilo) Muslimiintu way isku
dhex yaacayaan.
Waxuu ahaa Cali saxaabiga ugu xukunka iyo qadaha aqoonsan saxaabada. Waxuu
yiri Ibnu jariir:- Cali marka hore ee uu la mubaayacooday Abuu Bakar waa
markii ladoortay marka labaadna waa markay dhimatay Faadimah kadib. waayo
Cali waxuu ku mashqulsanaa xanuunkii Faadima haayay lixdii bilood ee ugu
horeeyay Xukunkii Abuu Bakar Siddiiq. Markii uu geeriyooday Abuu Bakar
Siddiiq, Cali baa inta usoo galay uduceyay oo misne yiri:- Illaah nagama
xarrimo ajarkaada.
Cali oo La Shaqeynaya Dowladdii Cumar
Cali wuxuu ahaa ninkii Abuu Bakar kula talinayay sida gaarka ah in xilka
khilaafada uu u dardaarmo Cumar, sidaa daraaddeed isagoo Abuu Bakar la
hadlaya ayaa hadalladiisii waxaa kamid ahaa:- Khaliifkii Rasuulka Alloow!!
kuma raalli noqon cidaanan ahayn Cumar.
Haddaba markii uu geeriyooday Abii Bakar Siddiiq, oo khilaafadiina uu qabtay
Cumar, wuxuu Cali ahaa mid kamid ah dadkii ugu horreeyay ee la mubaayacooday
Cumar. Sidoo kale wuxuu Cali ahaa lataliyahii Cumar iyo mid kamid ah lixdii
nin ee ahlu shuuraha ahaa ee uu latashan jiray Cumar bin Khadaab, sidoo
kale waxuu ahaa ninkii uu Cumar ugu tegi jiray masuuliyadda magaallada
Madiina, markuu Cumar u baxaaya arrimo magaallada dibaddeeda ah. Waxuu oran
jiray Cumar:- Ragga waxaa ugu xukun iyo qaddo wanaagsan Cali bin Abii
Daalib. Markii la dhaawacay Cumar ee uu hayay xanuunkii geerida, waxuu
necbeystay inuu xilka uga tego qof kamid ah Muslimiinta oo markaas khalad
yar intuu ka dhaco isaga loo qabsada dharaarta Qayaamaha. Sidaa daraaddeed
waxuu door biday inuusan amiir usamaynin Muslimiinta. Waxuuna oran jiray:-
Haddii aan amiir sameeyo waxaa sameyay (aniga hortey) mid aniga iga kheyr
badan (yacni Abuu Bakar oo isaga amiir ahaan u doortay), haddiisa aan
sameynin amiir waxaa (aniga hortey) aanan sameynin amiir mid aniga iga
kheyr badan (yacni Nebiga SCW). Cabdullaahi bin cumar waxuu yiri:- Goortaas
baan garowsaday inuusan Cumar cidna kudoorsaneyn Nabiga SCW oo uunan
magacabeynin amiir. Kadib Cumar waxuu soo saaray lix ahlu shuura ah oo ka
mid ah tobankii jannada loogu bishaareyay intii ka nooleyd marka laga reebo
Saciid bin Zeyd bin Camr bin Nufeyl Al Cadawi oo Cumar qaraabadiisa ahaa,
waayo Cumar waxuu oran jiray:- Reer Cumar arrimaha Muslimiinta halaga
weydiiya maalinta Qiyaama nin qura (yacni aniga Cumar ah kaligey hala iga
weydiiya arrimahii Musliiminta oo madoonaya in qof ehelkeyga uu xil ka
qabta). Sidaas darteed Cali wuxuu kamid ahaa lixdii nin ee ehlu shuuraha
ahaa. Kuwaasoo kala ahaa
1. Cabduraxmaan bin Cowf Az- Zuhri
2. Zubeyr bin Al Cawaam Al Asdi
3. Cali bin Abu Daalib Al Haashimi
4. Sacad bin Abuu Waqaas Az- Zuhri,
5. Dhalxa bin Cubeydillaah At Taymi iyo
6. Cuthman bin Cafwaan Al Umawi.
Si ay nin dhexdooda isaga dhex doortaan muddo saddex cisho ah kadib
dhimashada Cumar. Ugu dambeyn Cumar waxuu u yeeray Abu Dalxa Al Ansaari oo
uu amray in uu gurigiisa ku kulmiyo nimankaas oo uu lasocda Cabdullaah bin
Cumar oo isagu goob joog kaliya ahaanaya oo aan talada waxba kulaheen.waxuu
Cumar amray Abuu Dalxa Al Ansaari iyo Al Miqdaad inay soo kaxeystaan 50 nin
oo ay waardiyo ka qabtaan lixdaas nin oo haddii ay muddo 3 casha gudahood
nin kudooran waayaan uu lixdaba kurka ka jaro. Muddo kadib waxaa la doortay
Cuthmaan. Waxuuse yiri Cumar:- Markay ka baxayeen Allaylahe! haddi ay
doortaan Cali Jidka toosan ayuu ku hanuunin. Saa waxa la joogay wiilkiisii
Cabdullaahi oo yiri:- Oo amiirkii Muminintow! maxaa kuu diidaya inaad Cali
magacawdo? Waxuu yiri Cumar:- Waxaan diidayaa in masuuliyadaas ay dusheyda
ahaato markaan dhinto kadib.
Cali oo La Shaqeynaya Dowladdii Cuthmaan
Markii ladoortay Cuthman bin Cafaan, Cali waxuu kamid ahaa dadkii ugu
horeyay ee la mubaayacooday waxuuna kamid ahaa dadkii uu Cuthman la tashan
jiray oo uu kala tashan jiray arrimaha dagaalka iyo howlaha kalee dowladda.
Waxaa uu Cali had iyo goor usoo jeeday garab istaaga amiirka Mu'miniinta
oo uu mar walba ag fadhin jiray lana waday howlaha, in uu dan ama howla
gaar kumaqan yahay mooyaan. Markii ladilayay Cuthman waxuu Cali kamid ahaa
dadkii ugu dambeyay ee usoo galayay intii xisaarka lagu hayay, bal e waxuuba
ahaa ninkii ugu dambeyay ee biyo uu caba u keenay Cuthmaan markii xisaarka
ay ku sameeyeen kuwii soo weeraray. Waliba Cali goortaasi waxuu u soo diray
difaacidda amiirka Mu'miniinta wiilashiisii oo uu kusoo daray 700 oo kamid
ah dhalanyartii saxaabada. Waxaa wiilashaasi kamid ahaa Xasan iyo Xuseen,
Maxamed bin Dalxa bin Cubeydillaah, Cabdullaah bin Cumar bin Al Khaddaab
iyo Cabdullaahi bin Zubayr iyo kuwa kale. Wuxuu Cali usoo diray wiilashaasi
si ay u ilaaliyan Cuthmaan oo uga difaacaan nimanka fidna wadayaasha.
waxana hogaaminayay dhalinyartaas Cabdullaahi bin Zubayr. Sannaddaas waxuu
Cuthman amaray inuu Cabdullaahi bin Cabaas dadka xajka u kaxeeyo, wuuse ka
cududaartay Cabdullaahi bin Cabbaas, wuxuuna ka dalbaday inuu ka qeyb qaato
difaacidda amiirka Mu'miniinta, balse Cuthman baa ku adkeyay inuu baxo.
Markii Cuthman la dilay Cali wuu ka fogaaday inuu qabta xilkan, balse
waxaa ku qasbay Muslimiintii reer Madiina, markaasuu sidaas kuqabtay.
Khilaafadii Cali Bin Abii Daalib
Shan ama afar casho ayay magaalladii Madiina masuul ka ahaayeen fidna
wadayaashii dilay Cuthmaan, oo uu madax u ahaa Qaafiqi bin Xarbi kadib
dilkii Cuthmaan, asaga ayaana salaadda tujinayay, in kastoo mararka qaar ay
haddana Cali hor marin jireen, oo ay ka dalbanayeen inuu tujiyo. Intaasi
raggii fidna wadayaasha ahaa waxay raadinayeen ciday u dhiibaan xilka. Fidna
wadayaashii ka yimid Masar, waxay doonayeen in xilka ay u dhiibaan Cali,
kuwii Kuufa ka yimidna waxay doonayeen in xilka khilaafada loo dhiiba Zubayr
bin Al Cawaam, halka kuwa Basra ka yimidna ay rabeen in loo dhiibo Dhalxa
bin Cubeydullaah. Kuwii Masar ka yimid baa markaa waxay u tegeen Cali, saa
wuu ku gacan seyray. Kuwii Basra kayimidayna waxay dooneen Dhalxa, saa wuu
diiday, kuwii Kuufiyiintuna Zubeyr bay raadiyeen oo way soo waayeen. Markaas
bay yiraahdeen:- Saddexdani midna uma dhiibeyno. Dabadeed waxay aadeen Sacad
bin Abii Waqaas oo ay ka dalbadeen inuu xilka qabto, ayagoo ku oranaya:-
Waxaad kamid tahay ahlu shuuraha. Balse iasaguna wuu ka diiday, oo ku gacan
seyray. Dabeeto, waxay u tegeen C/llaahi bin Cumar bin Khaddaab oo ay u
bandhigeen inuu qabto, saa kamuuna yeelin. Arrintii waxay kunoqotay afkii
baa juuqda gabay, yaab iyo amakaag badanna waa ay ku reebtay, waayo haddii
ay dileen Cuthmaan oo ay goballadii ku laabtaan iyagoonan wax khaliif ah
sameynin, xaalladu waxay noqon doontaa dhib iyo qalalaaso, hadafkoogii
horena sidaa inuu ahaa ayunbaa loo wada arki doonaa, markaasina ayaga uun
baa la ugaarsan doonaa. Talo baa ku caddaatay nimankii fidna wadayaasha
ahaa. Waxay falaanna way garan waayeen. Markaasi bay ku gooddiyeen inay
layn doonaan dhammaan nimankii ahlu shuurada ahaa haddii aanay aqbalin
arrinkan, sidoo kale reer Madiinana inay layn doonaan ayay ku goodiyeen.
Markaas baa reer Madiina ay Cali ka dalbadeen inuu xilka qabto. Dabadeed
raggii fidna wadayaasha ahaa waxay aadeen dhankii Cali, oo markaa ka hor ka
galay beer kutiillay magaallada Madiina. Kadibna Ashtar An- Nukhaci ayaa
gacantiisa qaaday oo la mubaayacooday dadkiina la mubaayacoodeen. Reer
Kuufa waxay sheegan jireen in qofkii ugu horreeyay ee Cali lamubaayacooda uu
ahaa Ashtar An- Nukhaci. Ammintu waxay ahayd sida uu Sayf bin Cumar xusay
maalin Khamiis ah 24-kii bisha Dul Xajjah ee sanadkii 35aad ee Hijriga.
Markii Jumcahii la gaaray oo ahaa maalintii xigtay maalinta Cali uu Ashtar
la mubaayacooday buu mimbarka fuulay, oo dhammaan dadkii la mubaayacoodeen.
Waxaa ugu horreeyay ee la mubaayacooday Dhalxa bin Cubeydillaah, dabeetana
Zubayr baa yimid oo la mubaayacooday. Dabeeta reer Madiina oo idil baa la
mubaayacooday.
Al Waaqidi wuxuu xusay in Ansaartii Madiina oo idil ay la mubaayacoodeen
Cali, in yaroo inta Cali lala mubaayacoon Shaam u baxsatay mooyaane.
Werinnada qaar waxay sheegaan, in raggani Ansaarta ahi aanay Cali
lamubaayacoon Xassaan bin Thaabit, Kacab bin Maalik, Maslama bin Mukhlid,
Abuu Saciid Al Khudri, Maxamed bin Maslama, Nucmaan bin Bashiir, Zayd bin
Thaabit, Raafic bin Khadiij, Fudaalah bin Cubayd iyo Kacab bin Cujrah,
wallaahu aclam.
Markii uu Cuthmaan geeriyooday, masuuliyiintiisii goballadu waxay ahaayeen
sidan:
1. Kuufa waxaa salaad tujinta u xil saarnaa Abii Muusal Ashcari, dhanka
howlaha dagaalkana Al qacqaac bin Camr.
2. Basra waxaa masuul ka ahaa Cabdullaahi bin Caamir.
3. Masar waxaa masuul ka ahaa Cabdullaahi bin Sacad bin Abii Sarax, balse
Maxamed bin Abii Xudeyfa ayaa kaga adkaaday gacan kuheynteeda.
4. Guud ahaan Shaam waxaa masuul ka ahaa Mucaawiyah bin Abii Sufyaan.
5. Ximis waxaa masuul ka ahaa C/Raxmaan bin Khaalid bin Waliid.
7, Qinnasriin waxaa masuul ka ahaa Xabiib bin Maslamah
8. Urdun waxaa masuul ka ahaa Abul Acwar Al Sulami.
9. Falastin waxaa masuul ka ahaa Xakiim bin Calqamah.
10. Aderbiijaan waxaa masuul ka ahaa Ashcath bin Qeys Al Kindi.
11. Qirqiisiyaa waxaa masuul ka ahaa Jariir bin Cabdillaahi Al Bujali.
12. Xulwaan waxaa masuul ka ahaa Cutaybah bin Nihaas .
13. Qeysaariyah waxaa masuul ka ahaa Maalik bin Xabiib.
14. Hamdaan waxaa masuul ka ahaa Xubaysh bin Nasiir.
15. Yeman waxaa masuul ka ahaa Yaclaa bin Umayah.
Qaadiga magaallada Madiina wuxuu ahaa Zayd bin Thaabit, beytul maalkeedana
waxaa masuul ka ahaa Cuqbah bin Camr- Abii Mascuud.
Markii Cuthmaan la dilay, Nucmaan bin Bashiir baa wuxuu qaaday khamiiskii
Cuthmaan lagu dilay oo ay ku dhegan yahiin farahii xaaska Cuthmaan ee
Naa'ilah bint Faraafizah, wuxuuna la galay Shaam. Markii khamiiska
Mucaawiyah loo geeyey wuxuu dul suray mimbarka si ay dadka oo dhami u
arkaan, dadkiina wuxuu ku booriyey in la raadiyo dhiigga Cuthmaan oo la
laayo wixii ka dambeeyey dilkiisa. Reer Dimashiq hareerahii mimbarka ayay ku
dul ooynayeen iyagoo marna khamiiska kor uqaadaya marna hoos u dhigaya,
waxayna isku dhaarsadeen inay laayaan wixii ka dambeeyey dilkii amiirkii
Mu'miniinta ee Cuthmaan bin Cafaan. Muddo sanad ah ayay ku hoos
barooranayeen khamiiska oo ay isku boorinayeen inaanan loo fadhiisan ee la
raadiyo dhiigga Cuthmaan. Wuxuuna reer Shaam iyo guud ahaan Muslimiintii oo
idilba sanadkani u ahaa sanad madow, rag badan baana ka fogaaday haweenkooda
oo u murugeysnaa dilkii Cuthmaan.
Qaar kamid ah saxaabadii qiimaha badneyd ee ku sugnayd Shaam, ayaa ugu
cadcaddaa dadkii ku boorinayay reer Shaam in dhiigga Cuthmaan la raadiyo,
waxayna raggaasi saxaabada ahi kala ahaayeen Cubaadah bin Saamit, Abuu
Dardaa Al Ansaari, Abuu Umaamah, Camr bin Canbasah, iyo qeyrkooda. Sidoo
kale rag aanan saxaaba ahayn oo raggii suusuubbanaa ee taabicinta ahaa kamid
ah baa iyana kamid ahaa dadkii sida aadka ugu boorinayay reer Shaam in la
raadiyo dhiiggii Cuthmaan, waxaana raggaasi ka mid ahaa Shariik bin
Xabbaasha, Abuu Muslim Al Khowlaani iyo C/Raxmaan bin Qanam iyo qeyrkooda.
Dhanka kale markii Cali lala mubaayacooday, oo baycadii Madiina dhammaatay,
bay madaxdii saxaabada sida Zubayr iyo Dhalxa u soo galeen Cali oo ka
dalbadeen in nimankii dilay Cali ee fidna wadayaasha ahaa uu xadka ka
oofiyo. Saa Calina wuu ka cududaartay, wuxuuna u sheegay in waqti xaadirkani
aanay arrintaasi suuro gal ahayn, waayo dowladdiisii baanan si qummaati ah u
istaagin, goballadiina si saani ah umaanay wada hoggaansamin, raggan fidna
wadayaasha ahina, waxay haysteen gurmadyo ku kala sugan goballada oo ayaga
la fikrad ahaa. Sidaa daraaddeed buu Cali u sheegay Dhalxa iyo Zubayr
inaanay immikadaasi habbooneyn suuro galna ahayn in xadka laga oofiya raggii
fidna wadayaasha ahaa.
Markaas buu Zubayr ka dalbaday Cali inuu u dhiibo masuuliyadda Kuufa, si uu
ciidama culus ugu soo diro, sidoo kale Dhalxana, wuxuu ka dalbaday in
asagana uu u dhiibo masuuliyadda Basra si uu ciidamo culus ugu soo diro,
dabeetana la boqno jaro fidna wadayaashii dilay Cuthmaan iyo wixii ka
dambeeyay dilkiisuba. Calina wuxuu ka dalbaday inay u ogolaadaan inuu ka soo
fiirsada arrinkaasi. Waxaa kaloo la sheegaa inuu ka diiday oo uu ka codsaday
inay asaga la joogaan si ay howlaha ula wadaan. Sidoo kale waxaa la sheegaa
in Cali uu daliishaday xadiis uu Rasuulku SCW ku tilmaamayay in qofkii xukum
ama masuuliyad weydiista inaanan la siin. Isku soo duubo Cali umuuna dhiibin
labadaasi saxaabi goballadii ay ka dalbadeen. Dabeeto Dhalxa iyo Zubayrba
waxay Cali ka dalbadeen inuu u idmo inay aadaan Makka, saa wuu u idmay.
Muqiirah bin Shucbah baa u soo galay Cali oo ku yiri:- Waxaan arkaa inaadan
masuuliyiintaada goballada aadan baddalin, markii ay kuu wada hoggaansamaan
baddal kaad doonto oo daa markaasi midka aad rabto.
Cali wuxuu ahaa nin go'aan adag leh, wuxuuna isagu markaasi damacsanaa in
masuuliyiinta goballada oo idil uu baddelo si uu dowlad cusub u aasaaso.
Fikirkiisii ayuuna laasimay oo uu ku adkeystay. Maalintii xigtay ayuu
Muqiirah mar kale usoo galay Cali oo ku yiri:- Waxaan arkaa inaad casisho
(dhammaan masuuliyiinta goballada) si aad u ogaato midka ku adeecaya iyo kan
ku caasiyaya.
Cali wuxuu arrintaasi uga warramay Cabdullaahi bin Cabbaas, saa wuxuu
C/llaahi ku jawaabay:- Shalay wuu kuu naseexeeyay, maantana wuu ku
qashqashay.
Markuu Muqiirah maqlay ta'wiilkii Ibnu Cabbaas, baa wuxuu yiri:- Haaheey!
waan u naseexeeyay oo markiina uu iga yeeli waayay, baan qashqashay.
Dabadeed Muqiirah wuu baxay oo wuxuu aaday magaalladii Makka, halkaasoo uu
kula kulmay Dhalxa iyo Zubayr iyo jamaaco kale. Dabadeed Cabdullaahi bin
Cabbaas ayaa Cali kula taliyey in masuuliyiinta goballada uuna baddalin oo
uu sidooda ku daayo, haddii uu baddalayana, wuxuu ka dalbaday in Mucaawiyah
uuna baddalin. Cali wuxuu usheegay inuuna asagu fikirkaasi qabin, wuxuuna
ku yiri:- Orodoo aad Shaam, adigaan kuu wakiishaye. C/llaahi bin Cabbaas
arrintaasi wuu ka cududaartay, wuxuuna ku adkeeyey inuuna Cali casilin
masuuliyiinta goballada, balse Cali fikir aanan kaas ahayn buu qabay.
Sanadkaasi 35aad ee Hijriga, ayuu boqor Qusdandiin iyo ciidama culus oo uu
wato soo weeraray dhulkii Muslimiinta ee galbeedka Shaam, wuxuuna watay 1000
markab oo ciidamo ah. Illaahay baa inta dabbeyl duufaan ah usoo diray
halligay dhamman ciidamadiisii, waxaana ka badbaaday boqorkii iyo in yaroo
fara ku tiris ah.
SANADKII 36AAD
Muddo yar ka dib baycadii Cali waxa la galay sanadkii 36aad ee Hijriga.
Wuxuuna Cali sanadkan casilay qaar kamid ah masuuliyiintii goballada, una
magacaabay masuuliyiin cusub. Yeman wuxuu madaxa uga dhigay Cabdullaahi bin
Cabbaas, Basra wuxuu madaxa uga dhigay Samurah bin Jundub (ama Cuthmaan bin
Xaniifa), Kuufana wuxuu u dhiibay Cammaarah bin Shihaab, Masarna wuxuu
madaxa uga dhigay Qeys bin Sacad. Shaam oo idilna wuxuu madax uga dhigay
saxaabigii Jaliilka ahaa ee Sahal bin Xaniifah, asagoo kubaddalaya
Mucaawiyah oo muddo halkaasi masuul ka ahaa, reer Shaamna ay aad u barteen.
Sahal wuxuu aaday dhankii Shaam si uu xilkiisa u guto, markiina uu maraya
Tabuuk ayay ka hor yimideen ciidama dhanka Mucaawiyah kasocda oo dib usoo
celiyey. Saa magaalladii Madiina ayuu dib ugu laabtay.
Qeys bin Sacad wuxuu asaguna aaday Masar, markiina uu galay, wuxuu kala
wareegay Maxamed bin Abii Xudeyfa, saa intii badneyd dadkii Masar, waa ay la
mubaayacoodeen in yar mooyaane oo diidday in ay lamubaayacoodaan, in marka
hore xadka laga oofiyo raggii Cuthmaan dilay mooyaane. Kuwaasuna cidi waxba
uma aanay dhimeyn. Sidaa buu Qeys ku istiqraariyey dhulkii Masar oo Calina
baycadii uga soo qaaday.
Ammaa Cammaarah bin Shihaab, wuxuu aaday dhankii Kuufa oo ah halkii loo
diray, markiina uu ku dhawyahay ayaa waxaa ka hor yimid Dhalxa bin Khuweylid
oo dib usoo celiyey. Abuu Muusa Al Ashcari ayaa reer Kuufa inta u khudbeyey
ka dalbaday inay u hoggaansamaan Cali oo ay la mubaayacoodaan, saa way la
mubaayacoodeen oo u hoggaansameen, in yar mooyaane. Markaas buu Abuu Muusa
reer Kuufa ka qaaday baycadii oo warqad u diray dhankii Cali asagoo
ogeysiinaya inay u hoggaansameen daacadda oo ay la mubaayacoodeen.
Amiirkii Mu'miniinta ee Cali bin Abii Daalib, warqado ayuu si joogta ah
isaga daba dirayay oo uu u dirayay dhanka Mucaawiyah, balse wax kajawaab ah
kamuuna helin. Teer iyo markii la doortay illaa bishii saddexaad ee
sanadkan ayuu warqado u dirayay oo uu wax war ah iyo jawaabna tooni ka
la'aa.
Goballadii oo idil ayaa u hoggaansamay Cali marka laga reebo Shaam oo
Mucaawiya uu diiday inuu masuulkii uu Cali soo magacaabay kuwareejiyo
masuuliyadda Shaam, sidoo kalena diiday inuu la mubaayacooda, intaasina
waxaa laga la'aa wax jawaab ah warqadihii uu qorayay amiirkii Mu'miniinta.
Teeda kale waxaynu soo xusnay murugadii fuushay sanadkii tegay Muslimiinta,
kadib markii la dilay Cuthmaan bin Cafaan, waxaana soo xusnay in reer Shaam
ay har iyo habeenba ay ku hoos barooranayeen mimbarka uu dul surnaa
khamiiskii Cuthmaan bin Cafaan.
Cali markuu wax jawaab ah ka la'yahay buu go'aansaday in Shaamna uu kusoo
dabbakha daacadda iyo midnimada, wuxuu go'aansaday inuu aado dhanka Shaam
isagoo wato ciidama culus. Wuxuu warqad u diray Qeys bin Sacad oo ahaa
masuulkii Masar, asagoo ka dalbanaya inuu ciidama usoo diro. Sidoo kale
Abii Muusa Al Ashcari oo uu Kuufa kaga raalli noqday kadib markii ay reer
Kuufa dalbadeen inaanan laga baddalin ayuu asagana warqad u qortay asagoo ka
dalbanaya inuu ciidamo usoo diro.
Cali bin Abii Daalib wuxuu sameeyey diyaar garowgii ugu dambeeyey asagoo
doonaya inuu Shaam aado oo la dagaallama ciddii ku caasida, dabeeta wuxuu ka
dhaqaaqay magaalladii Madiina, asagoo magaalladiina ku dhaafay Quthum bin Al
Cabbaas masuul ahaan. Kadib waxaa la kulmay wiilkiisii Xassan oo ka dalbaday
aabahiis inuuna bixin oo uusan aadin dhanka Shaam, balse Cali muuna yeelin
taladaasi, wuxuuna go'aansaday inuu soo edbiyo reer Shaam oo muddo uu ka
la'aa wax jawaab ah, xaalkooduna dhan usoo tuuro. Wuxuu dhisay
ciidamadiisii, asagoo calanka u dhiibay wiilkiisa Maxamed Ibnu Xanafiyah,
C/llaahi bin Cabbaasna wuxuu madax uga dhigay ciidamada midigta, Cumar bin
Abii Salamana wuxuu u dhiibay kuwa bidixda, waxaa kaloo la yiraahdaa:-
Ciidamada bidixda wuxuu madax uga dhigay Camr, bin Sufyaan bin Cabdil-asad,
ciidamada hore wuxuu madax uga dhigay Abii Leylaa bin Camr bin Cabdillaahi
bin Jarraax (oo uu dhalay Abuu Cubeydah Caamir bin C/llaahi bin Jarraax
walaalkiis). Dabeetana wuu dhaqaaqay oo uu ka baxay magaalladii Madiina,
asagoo ku jiheysan dhanka Shaam. C/llaahi bin Salaam ayaa daabbadii uu
fuulay Cali hoggaankeeda qabtay oo kula taliyay inuusan bixin, wuxuuna
usheegay haddii uu Madiina ka baxa inay khilaafa dambe dib ugu soo
laabaneyn. Cali wuxuu ku adkeystay ra'yigiisii ahaa inuu baxo oo aado dhanka
Shaam, si uu xaalkooda dhan ugu tuuro, oo ay u hoggaansamaan. Dabeetana wuu
sagootiyey wuuna ka haray C/llaahi bin Salaam Illaahay haka raalli noqdee.
Sidaa ayuu Cali ku abbaaray dhankii Shaam.
Dhacdadii Jamal
Tani waxay ahayd xaallad Rabbaani ah oo Ilaahay qaddaray. Sababtuna waxay
ahayd, markii uu dhacay dilkii Cuthmaan baa dad badan oo kamid ah reer
Madiina ay u baxeen Makka. Sanadkaasi asaga ahi hooyooyinkii Mu'miniinta
(waa dumarkii Rasuulkee SCW) waxay u baxeen Xajka ayagoo ka cararaya
fitantii ka dhacday magaallada Madiina. Markii ay howlahoodii Xajka ahaa
guteenna waxay ku sii nagaadeen Makka, ayagoo waaga ka war dhowraya, oo
fiirinaya waxa ay dadku falaan. Markii Cali lala mubaayacooday, baa qaar
kamid ah sanaaddiidii saxaabadu ay ku taliyeen in uu xadkii ka oofiyo raggii
ka qeyb qaatay dilkii Cuthmaan iyo kuwii ka dambeyeyba, Calise wuxuu ku
cududaartay in xaaladda lagu jira darteeda aysan munaasib ahayn in
xilligaasi uu xadkii ka oofiyo, wuxuuna cuskaday in raggaasi ay gurmad iyo
ciidama leeyahiin, oo ayba ka feejagan yahiin in ummadda Muslimiintu dhan
isu raacdo. Cali wuxuu doonayay in marka hore goballadu hoggaansamaan,
dowladdiisuna si saani ah uga caga dhigato oo ay shaqeyso, intaa dabadeedna
uu markaa xadka ka oofiyo wixii dilay Cuthmaan iyo kuwii ka dambeeyayba.
Sidaa daraaddeed bay dad badan oo reer Madiinah ah aadeen dhanka magaallada
Makka ayagoo ra'yigaasi Cali kaga soo horjeeda.
Cali markii uu go'aansaday inuu aado Shaam sidaynu soo xusnay, baa wuxuu la
hadlay reer Madiina, oo uu ka dalbaday inay raacaan, iyana badankoodii ma
aanay yeelin. Dabeeto wuxuu u tegay Cabdillaahi bin Cumar oo uu ka dalbaday
inuu raaco. Cabdullaahise wuxuu ku jawaabay:- Anigu waxaan ahayn nin kamid
ah reer Madiina, haddii ay ku raacaan, aniguna waan ku raaci, anigoo ku
maqlaya oo ku adeecsan. Balse sanadkani ma doonaya inaan dagaal u baxo
(waayo waa xilli fitan).
Dabeeto Cabdillaahi bin Cumar, wuu diyaar garoobay, wuxuuna aaday
magaalladii Makka, halkaasi sanadkaas waxaa isugu tegay wujuuhdii
Muslimiinta iyo sanaaddiidii saxaabada oo ay kamid ahaayeen, Dhalxa bin
Cubeydillaah, Zubayr bin Al Cawaam, C/llaahi bin Cumar, C/llaahi bin Zubeyr,
Caa'isha, iyo hooyooyinkii Mu'miniinta, iyo qaar kaloo badan. Sidoo kale
waxaa Makka markaasi tegay Yaclaa bin Umayah, oo ahaa masuulkii Cuthmaan u
joogay Yeman, wuxuuna watay 600 oo awr iyo 600 000 oo Dirham. Sidoo kale
waxaa yimid C/llaahi bin Caamir oo isaguna ahaa masuulkii Cuthmaan u joogay
Basra oo uu Cali ka casilay.
Ayadoy xaalladu sidaasi tahay bay hooyadii Mu'miniinta ee Caa'isha dadkii ka
dhex istaagay oo ku booriday in la raadiyo dhiiggii Cuthmaan, oo la laayo
wixii dilay iyo kuwii ka dambeeyayba, waayo waxay ku dileen dhulkii
xurmeysnaa, iyagoo dilay bil kamid ah bilahii xurmeysnaa. Bulshadii reer
Makka aad bay ugu riyaaqeen hadalkii Caa'isha, waayo maskaxdoodii ayay
waxyeello ku reebtay dilkii Cuthmaan. Wax kale maanay dooneyn hooyadii
Mu'miniinta aanan ka ahayn wanaag iyo sama katalis Illaahay haka raalli
noqdee. Waa afadii Rasuulka Alle SCW ee if iyo aakhiro. Waxaa laga wada
hadlay halkii marka hore laga billaabi lahaa oo laqaban lahaa. Qaar baa
waxay ku taliyeen in la aado Shaam, haddana waxay yiraahdeen:- Mucaawiyah
baa nooga filan. Qaar kale waxay soo jeediyeen in la aado Madiina oo Cali
la weydiisto inuu usoo gacan geliyo wixii Madiina kusugan ee ka qeyb qaatay
dilkii Cuthmaan dabeetana ay laayaan. Fikraddaasi waxaa qabay Cabdillaahi
bin Cumar oo isagu soo jeediyey in xaalladu aanay noqon fowda iyo dhib,
wuxuuna amray in la aado dhanka Cali. Qaar kale waxay soo jeediyeen in la
aado Basra, oo halkaasi lagu laayo wixii laga helo kuwii ka dambeeyay dilkii
Cuthmaan dabeetana Kuufa iyo Shaam looga sii gudbo. Fikirkaasi dambe ayay
qaateen oo la isku raacay. Dabeetana waxaa la diyaariyey ciidamadii. Waxaa
si mug weyn uga qayb qaatay diyaarinta ciidamadaasi Yaclaa bin Umayah oo
isagu ku bixiyey 600 oo awr iyo 600 000 Dirham. Sidoo kale Cabdullaahi bin
Caamir ayaa isaguna ka qeyb qaatay diyaarinta ciidankaasi, oo bixiyey maal
aad u tiro badan. Markii go'aankaasi dambe la isku raacay baa dhammaan
hooyooyinkii Mu'miniinta waxay isku raaceen inay iyagu ka haraan safarkaasi,
Caa'isha mooyaane, waxayna iyagu qabeen fikirkii Ibnu Cumar mid lamid ah,
waxayna yiraahdeen:- Aadi mahayno meelaanan Madiina ahayn. Xafsa bint
Cumar oo kamid ahayd hooyooyinkii Mu'miniinta ayaa damacday inay baxdo,
waxayna ku waafaqday ra'yigii Caa'isha, balse walaalkeed Cabdillaahi bin
Cumar ayaa taa ka reebay, oo ka celiyey.
Caa'isha waxay saarneed awr la oran jiray Caskar oo huudaj loogu dul
sameeyay. Waxaana awrkaasi soo iibiyey Yaclaa bin Umaya, oo ka soo siiyey
nin reer Cureyni ah 200 oo Diinaar, waxaa kaloo la la sheegaa inuu kasoo
siistay 800 oo Diinaar.
Ciidamadaasi waxay noqdeen 1000 fardooley ah ama 900 fardooley ah. Waxay ka
baxeen magaalladii Makka, hooyooyinkii Mu'miniintuna waa ay raaceen si ay u
sagootiyaan Caa'isha. Markii ay gaareen Daatu Cirqin ayay isasagootiyeen, oo
isku ooyeen, saa dadkii oo idil wada ooyeen. Waxaana maalintaasi loo
bixiyey- Yowmu Naxiib. Intaa dabadeed waxay hooyooyinkii Mu'miniinta oo
idil marka laga reebo Caa'isha aadeen dhankii Madiina. Sidoo kale Ibnu
Cumarna wuxuu aaday Madiina.
Ciidamadii way dhaqaaqeen, waxayna aadeen dhankii Basra. Intii ay dhexda sii
socdeen ayay noqdeen 3000, salaaddana waxaa tujinyay C/llaahi bin Zubayr oo
ay dhashay Caa'isha walaasheed Asmaa bint Abii Bakar, Caa'isha ayaana
amartay, aadaanka waqtiyada salaadduna waxaa addimyay Marwaan bin Xakam.
Goor habeen ah oo ay marayaan meel biyo ah oo la yiraahda Xaw'ab ayay eydii
meeshaasi joogtay ku ciyday. Markaasay Caa'isha weydiisay:- Magaceed
meeshani? Waxaa lagu yiri:- Waa Xaw'ab. Markaasay gacanteeda gacanta kale ku
dul dhufatay oo tiri:- Innaa lillaah wa innaa ileyhi raajicuun. ma u
maleynayo waxaanan ahayn inaan laabto. Waxaa la weydiiyey:- Oo sabab? Waxay
ku jawaabtay:- Waxaan maqlay Rasuulka Alle SCW oo dumarkiisa ku oranaya:-
Shallaytadeydee waa tuma middiina ay eyda Xaw'ab ku ciyi doonto? Kadib
awkii bay fadhiisisay, oo ay tiri:- I celiya!! celiya!! waa aniga wallaahay
midda ay ku ciyday eyda Xaw'ab.
Cabdullaahi bin Zubayr ayaa ku yiri:- Qofkii kugu yiri:- Meeshani waa Xaw'ab
been buu kuu sheegay. Dabeeto waxaa la maqlay dhawaqa dad oranaya:- Bad
baado bad baado!!, waa kuwan Cali iyo ciidamadiisa. Dabeeta ciidamadii
Caa'isha ay hor kacaysay waxay u weecdeen dhankii Basra. Markii ay
magaalladii Basra u dhawaadeen ayay Caa'isha warqad u qortay Axnaf bin Qeys
iyo madaxdii magaalladaasi kusugnayd iyadoo ku war gelineyso inay timid.
Cuthmaan bin Xaniifah oo markaasi oday saxaabi ahaa oo masuul ka ahaa
magaalladaasi, ayaa wuxuu soo diray Cimraan bin Xuseen iyo Abul Aswad Al
Du'ali, si bal ay usoo ogaadaan waxa ay u yimideen Caa'isha iyo Dhalxa iyo
Zubayr. Markaasay u tegeen hooyadii Mu'miniinta ee Caa'isha oo ay marka
hore salaameen, dabeetana weydiiyeen waxa ay u timid. Saa waxay usheegtay,
wixii ay u timid oo ah raadinta iyo u istaagidda dhiiggii Cuthmaan, oo la
dilay asagoo la dulmiyey, ladilayna bishii xurmeysneed iyadoo lagu dilay
baladkii xurmeysnaa. Waxay akhriday qowlka Alle kor ahaaye
''Kheyr malahan in badanoo faqooda ah, marka laga reebo qof amraya saddaqo,
ama wanaag ama wanaajin dadka dhexdooda, qofkii sidaa u fala doonid raalli
ahaanshaha Alle, waxaanu siin doonnaa ajar weyn'' (Suuradda Al Nisaa aayadda
114).
Markaasay ka ag dhaqaaqeen labadii nin oo waxay u tegeen Dhalxa,, oo ay
weydiiyeen waxa uu u yimid? Wuxuuna usheegay, inuu u yimid raadinta dhiigga
Cuthmaan. Waxay weydiiyeen:- Ma waadan la mubaayacoon Cali? Wuxuu ku
jawaabay:- Haa oo seef baa qoorta ii saarneed (macnaha qasab bay igu ahayd).
Markaasay ka tegeen oo u tegeen Zubayr bin Al Cawaam oo ay weydiiyeen wixii
ay Dhalxa weydiiyeen oo kale, asagiina sidii Dhalxa oo kale ayuu ugu
jawaabay.
Dabeeta labadii ergo way laabteen oo u tegeen Cuthmaan bin Xaniifa, oo uga
warrameen wixii ay kala soo kulmeen Caa'isha iyo Dhalxa iyo Zubayr. Markaas
buu Cuthmaan yiri :- Innaa lillaah wa innaa ileyhi raajicuun, way wareegtay
rixadii Islamka Rabbiga Kacabadaan ku dhaartaye.
Wuxuu dabeeto Cuthmaan la hadlay Cimraan bin Xuseen oo uu ka dalbaday inuu
la taliyo. Wuxuuna Cimraan ku yiri:- Isaga fogoow (fidnadan oo gurigaaga
fadhiiso) aniguna gurigeyga ayaan fadhiisane. Cuthmaan wuxuu yiri:- Mayee
waan ka celin (magaallada) jeer uu yimaada amiirkii Mu'miniinta. Dabeetana
dadkii magaallada ayuu amray inay hubkooda soo xidhaan, oo masjidka heegan
ku noqdaan. Iyagiina sidii bay faleen. Markaas buu Cuthmaan inta mimbarka
fuulay u khudbeeyay. Asagoo khudbeynayo ayuu nin kamid ah reer Basra
istaagay, waxaana ninkaasi la oran jiray Qeys bin Caqadiyah Al Xumeysi,
wuxuuna yiri:- Haddii ay qowmkani u yimideen cabsi darteeda, dhab ahaan
waxay ka yimaadeen dhul ay shimbiruhu ku nabad helaan. Haddiina ay u
yimideen inay doonayaan dhiiggii Cuthmaan haddee annagu maynaan dilin, ee i
adeeca oo ku celiya halkii ay ka yimideen.
Kadib waxaa istaagay Al Aswad bin Sariic As- Sacdi, oo yiri:- Waxay u
yimideen inaanu ugu gargaarno kuwii dilay Cuthmaan ee inaga midka ahi iyo
kuwaan naga mid ahaynba. Markaa bay koox dhan u jawaabeen oo meeshii buuq
iyo sawaxan ka dhacay. Markaas buu ogaaday Cuthmaan bin Xaniifa in raggii
Curhmaan dilay ay Basra wax ka joogaan kuna leeyahiin gargaar, markaa buu
arrintaasi karhay oo iska aamusay.
Hooyadii Mu'miniinta iyo ciidamadeedii horey bay u soo dhaqaaqeen oo waxay
soo degeen Marbad. Reer Basra wixii doonayay inay u tagaan oo maceeda
noqdaanna way u tegeen. Cuthmaan bin Xaniifana magaalladii Basra ayuu ka
soo baxay asaga iyo ciidamadiisii, waxayna labada qola ku kulmeen Marbad.
Markaas buu Dhalxa oo hoggaaminayay ciidamada midigta ee Caa'isha hadlay oo
dadkiisii ku booriyey in la raadiyo dhiiggii Cuthmaan. Dabeetana Zubayr baa
ka daba istaagay oo sidii oo kale ku booriyey dadka in loo istaaga raadintii
dhiigga Cuthmaan bin Cafaan, saa waxaa u jawaabay qaar kamid ah ciidamadii
Cuthmaan bin Xaniifa, oo hadallo kulul kula hadlay, dabeetana way is
dhagaxyeeyeen labada qolo, oo markii dambana kala leexdeen. Koox kamid ah
ciidamadii Cuthmaan bin Xaniifa ayaa ku biiray ciidamadii Caa'isha,
markaasay iyana bateen. Xaaritha bin Qudaamah As Sacdi ayaa inta u tegay
hooyadii Mu'miniinta ee Caa'isha ku yiri:- Hooyadii Mu'miniintaay!! Illaahay
baan ku dhaartaye dilka Cuthmaan baa ka fudud inaad gurigaaga kaga soo baxdo
awrkan, haddii aad inoo timid adigoo ah mid ina adeeceyso, ku laabbo halkii
aad ka timid iyo gurigaaggii.
Dabeeta waxaa yimid Xakiim bin Jablah oo hoggaaminayay fardooleyda Cuthmaan
bin Xaniifa, wuxuuna weerarro ku qaaday dhankii ciidamada kale, sidaa oo ay
tahayna ciidamadii Caa'isha ma aanay dooneyn inay la dagaallamaan oo
gacmahooda ayay laabanayeen. Markaas bay Caa'isha amartay inay is difaacaan
oo riixaan iskana caabiyaan weerarrada. Saa way riixeen jeer ay ka dul
rideen maqbarada banii Maazin. Dabeeta waxaa kala dhex galay habeenkii oo
qola waliba halkeedii bay u hoyatay. Subaxii labaad ayay isu soo kallaheen
oo dirir darani dhex martay oo socotay illaa ay maalintii dhammatay. Waxaa
in badan laga dilay ciidamadii Cuthmaan bin Xaniifa, dhaawacuna labada
dhinac wuu ku batay. Markaas bay ku heshiiyeen in dagaalka la joojiyo oo
Madiina qof loo diro si uu u soo weydiiyo dadka reer Madiina in Dhalxa iyo
Zubayr ay la mubaayacoodeen Cali ayagoo raalli ah ama in ay qasab ku ahayd.
Waxaa lagu heshiiyey haddii Dhalxa iyo Zubayr ay qasab ku ahayd baycadii
Cali in Cuthman bin Xaniifa uu ka baxo magaallada Basra oo uu u daayo ayaga.
Haddiina aysan qasab ku ahayn markii ay la mubaayacoonayeenna inay markaasi
Dhalxa iyo Zubayr u daayaan magaallada masuulkeedii Cuthmaan bin Xaniif.
Waxaa arrintaasi loo wakiishay Kacab bin Suur oo loo diray dhanka
magaalladii Madiina. Wuxuu magaalladii galay maalin Jumca ah oo inta
mimbarkii ka istaagay dadkii weydiiyey in Dhalxa iyo Zubayr ay si qasab ah
kula mubaayacoodeen Cali iyo in kale. Markaasi bay dadkii oo idil wada
aamuseen, Usaama bin Zayd mooyaane oo isagu yiri:- Waxay ku ahayd qasab.
Markaas bay rag badan oo reer Madiina kamid ahi ku canaanteen Usaama
sababtii uu u hadlay oo waxay ku yiraahdeen:- Maxaad u aamusi weyday sidaanu
u aamusnay oo kale. Wuxuuna kujawaabay:- May Illaahay baan ku dhaartaye,
waxaan filayay in arrinku uuna intaa ku dhammaaneyn. Dadkii ku canaantay
falkaasi waxaa kamid ahaa Suhayb bin Sinaan iyo Abuu Ayuub Al Ansaari. Cali
warqad ayuu Cuthmaan horey ugu soo diray asagoo ku ogeysiinaya in Dhalxa iyo
Zubayr ay horey ula mubaayacoodeen. Markii Kacab uu farriintii reer Madiina
u geeyey Cuthmaan, baa haddana waxaa timid warqaddii Cali, markaasuu
Cuthmaan yiri:- Tanina waa arrin kale oo aynaan ku tashaneyn. Dhalxa iyo
Zubayr waxay usoo cid direen Cuthmaan bin Xaniifa ayagoo ka dalbanaya inuu
magaallada u banneeyo, saa asagiina wuu diiday. Dabeeta waxay soo direen
rag goor habeennimo ah, oo galeen masjidkii jaamaca ah, kuna tukadeen
salaaddii Cishaha, Cuthmaanna habeenkaasi ma uuna soo bixin, wuxuuna u
wakiishay tujinta salaadda Cabdiraxmaan bin Cataab bin Usayd. Dabeeto buuq
iyo qalalaaso iyo rabshado ayaa ka dhacday masjidkii, waxaana halkaasi ku
geeriyooday kudhawaad 40 qofood. Dabeeto qaar kamid ah wax ma kastii ayaa
inta Cuthmaan bin Xaniifa soo qabteen ayay u geeyeen Dhalxa iyo Zubayr saa
iyana waxay u geeyen Caa'isha, markaasay amartay in lasii daayo.
Ciidamadii Caa'isha magaalladii Basra ayay soo galeen, waxayna beytul maalka
masuul uga dhigeen C/Raxmaan bin Abii Bakar. Dhalxa iyo Zubayrna dadkii ayay
hantidii u qeybiyeen, waxayna u badiyeen kuwii adeecsanaa ee iyaga la
socday. Dhalxa iyo Zubayr markii ay istaqraariyeen magaalladii Basra, ayaa
waxaa yimid Xakiim bin Jablah oo wata 300 oo fardooley ah, wuxuuna ninkani
dagaalladii hore hoggaaminayay fardooleydii Ibnu Xaniifa sidaynu soo xusnay,
sidoo kalena wuxuu kamid ahaa raggii ku lug lahaa dilkii Cuthmaan bin Cafaan
Illaahay haka raalli noqdee. Wuxuu ninkani weerar ku qaaday ciidamadii
Dhalxa iyo Zubayr, dabeetana way ka adkaadeen oo isagiina waala dilay.
Dabeeto waxay laayeen ku dhawaad 70 kamid ahaa dadkii ka dambeeyey dilka
Cali, wixii ay ka heleen magaallada Basra.
Waqtigaasi wuxuu ahaa ayadoo shan casho ay ka dhimmantahay bishii Rabiicul
Aakhir ee sanadkan. Caa'isha waxay warqad u dirtay Zayd bin Sowxaan oo ay
ka dalbatay inuu la safta ayada. Haddiina uu sidaa yeelin, waxay ka codsatay
inuu gurigiisa iska fadhiista oo uuna la safan Cali. Markaas buu Zayd
yiri:- Illaahay ha u naxariisto hooyadii Mu'miniinta, Illaahay baa wuxuu
amray inay gurigeeda joogta, innaguna wuxuu ina amray inaanu dagaalka aadno,
markaasay kasoo baxday gurigeedii, saa waxay ina amreysaa inaanu guryahayaga
joogno, iyadoo naga mudnayd arrinkaas. Sidoo kale reer Kuufa iyo reer
Yamaamah ayay Caa'isha sidaa oo kale u qortay.
Haddaba aynu u weecanno dhankii Cali, oo aynu ogeyn inuu ku jiheysnaa dhanka
Shaam asagoo kasoo kicitamay magaalladii Madiina. Waxaase uga soo hor martay
inuu Shaam galo arrintii Dhalxa iyo Zubayr iyo Caa'isha iyo xaalladdii
magaallada Basra. Habkii uu ciidamadiisii horey ugu soo dhisay ayuu kusoo
dhaqaaqay Cali, wuxuuse masuuliyaddii magaallada Madiina ka baddalay Quthum
bin Cabbaas oo uu amray inuu Makka masuul ka noqdo, Madiinana wuxuu masuul
uga dhigay Tamaam bin Al Cabbaas. Ciidamadiisu waxaa ku jiray Cammaar bin
Yaasir, Abul Haytham bin Taymaan, Abu Qataadah Al Ansaari, iyo Ziyaad bin
Xandala iyo rag kaloo saxaaba ah. Ciidamadiisu waxay ahaayeen 900 oo
dagaalyahanno ah. Wuu soo dhaqaaqay, ammintuna waxay ahayd bishii Rabiicul
Aakhir dhammaadkeedii. Wuxuu degay Rabdah, markiina uu soo gaaray wixii
Basra ka dhacay buu Madiina u cid diray si wixii hub ahaa ee u yiillay loogu
soo qaado. Dabeetana wuu dhaqaaqay. Dabeetana wuxuu Kuufa u diray Maxamed
bin Abii Bakar iyo Maxamed bin Jacfar (oo dhanka hooyada walaalo ka ahaa),
si ay ciidama gurmad ah uga keenaan halkaasi.
Markii uu damcay Cali inuu Rabdah ka dhaqaaqo ayaa waxaa istaagay Ibnu Abii
Rafaaca bin Raafic oo yiri:- Amiirkii Mu'miniintoow! maxaad dooneysaa? iyo
halkee baad inoo waddaa?
Wuxuu yiri:- Waxa aanu dooneyno ee aanu niyooneyno waa islaax, haddii ay
naga aqbalayaan oo ay naga yeellayaan.
Wuxuu yiri:- Haddii ayan yeelin islaaxuna?
Wuxuu yiri:- Waanu ka weecaneynaa inta ay naga tagayaan.
Wuxuu yiri:- Haddii ay na dayninna?
Wuxuu yiri: Waanu iska celineynaa.
Wuxuu markaasi Ibnu Abii Rafaaca yiri:- Haddaba waa sidaas.
Dabeeta Xajjaaj bin Qassiyah Al Ansaari baa istaagay oo yiri:- Waxaanu kuugu
raalli gelin doonnaa ficil sidaanu hadal kuugu raalli gelinnay, Illaahay
baana ku dhaartaye Illaahay wuu ii gargaari doonaa siduuba noogu magacaabay
Ansaar (gargaarayaal). Dabeeta waxaa u timid koox banii Dhayi ah oo ku
biirtay, qaar kalena hub bay u keeneen, Calina wuu soo dhaweeyay. Markii uu
ka dhaqaaqay Rabdah asagoo fuushan hal casaan ah, baa wuxuu misna mar kale
dhexda kula sii kulmay koox banii Asad ah iyo koox kaloo banii Dhayi ah.
Kadib waxaa ka hor yimid nin reer Kuufa ah oo la oran jiray Caamir bin Madar
Al Sheybaani. Markaasuu Cali weydiiyey xaalladda Kuufa, saa wuu uga
warramay, dabeetana wuxuu wax ka weydiiyey Abii Muusa Al Ashcari, wuxuuna ku
jawaabay:- Haddii aad dooneyso heshiis Abii Muusa ehel ayuu u yahay,
haddiina aad dooneyso dagaal Abii Muusa ehel uma ahan. Markaasuu Cali yiri:-
Wallaahi baanan dooneyn waxaanan heshiis ka ahayn.
Markii uu u dhawaaday magaalladii Kuufa baa waxaa soo gaaray warkii u
dambeeyey ee Basra oo ah in Cuthmaan bin Xaniifa laga saaray Basra oo ay
Dhalxa iyo Zubayr qabsadeen. Markaas buu Cali arrintaasi aad uga xumaaday.
Markii Cali uu gaaray Dii Qaar baa waxaa u yimid Cuthmaan bin Xaniifa oo wax
tin ah aanay wejigiisa ku oollin, markaasuu ku yiri:- Amiirkii
Mu'miniintoow! waxaad Basra ii dirtay anigoo gadh leh, imminkana waxaan kuu
imid anigoo hoolan. Taas ka hor makastii markii ay Cuthmaan bin Xaniifa soo
qabteen bay timihii gadhka ka rifeen, oo dabeeta Caa'isha markii loo geeyay
ay iska daysay.
Cali wuxuu ugu jawaabay:- Waxaad asiibtay ajar iyo kheyr. Cali wuxuu degay
goobta la yiraahda Dii Qaar asagoo jawaab ka sugaya dhanka Abii Muusa Al
Ashcari oo horey uu ugu diray labo Maxammed,
Labo Maxamed markii ay u tegeen Abii Muusa Al Ashcari oo ay u bandhigeen,
wixii ay ka rabeen ee Cali uu u soo diray oo ahayd inuu ciidamo ku daro,
wuxuu u sheegay inaanay wax dagaal ah ka qeyb qaadaneyn, reer Kuufana wuxuu
amray inaanay ka qayb qaadan arrinkaas, oo uu Abii Muusa ku macneeyey fidno
qaraxday, wuxuuna reer Kuufa ka dalbaday inay noqdaan dadka kuwa ugu kheyr
badan oo aanay waxba ka qayb qaadan fidnadaasi. Labo Maxamed aad bay ugu
caroodeen Abii Muusa dabeetana waa ay baxeen oo Cali ugu tegeen goobtii Dii
Qaar oo uga warrameen wixii ay Abii Muusa Al Ashcari kala soo kulmeen oo
diidmo ahaa.
Markaas buu Cali soo diray Ashtar An Nukhaci oo ay Abii Muusa Al Ashcari si
wanaagsan isu yaqaanneen, iyo Cabdillaahi bin Cabbaas si ay ciidama gurmad
ah uga soo qaadaan. Markii ay Abii Muusa u tegeen, sidiiyoo kale ayay iyana
wixii ay rabeen ka waayeen. Dabeeta waa ay laabteen oo Cali uga warrameen
wixii ay kala soo kulmeen. Markaas buu Calina soo diray mar saddexaad
wiilkiisii Xasan iyo Cammaar bin Yaasir, saa waxay u tegeen Abii Muusa oo
dood dheeri dhex martay. Dabeeto Zayd bin Sowxaan baa istaagay oo dadkii ku
booriyey in ay u gargaaraan Cali bin Abii Daalib, misna waxaa kaloo istaagay
Al qacqaac bin Camr oo sanaaddiidii Kuufa akhyaartii saxaabada kamid ahaa,
wuxuuna ku booriyey in la raaco amiirka Mu'miniinta ee Cali, wuxuuna sidoo
kale ka dhawaajiyey in ummaddu amiir la'aan aanay ahaan karin, iyo in loo
baahan yahay marjac howl waliba loo celin karo inuu jiro. Sidaa darteed buu
Al qacqaac ku booriyey raacidda iyo u gargaaridda amiirka Mu'miinta ee Cali
bin Abii Daalib. Xujr bin Caddiyi oo akhyaartii Kuufa kamid ahaa baa
isaguna istaagay oo dadkii ku booriyey in la aado amiirka Mu'miniinta oo loo
gargaaro, wuxuuna akhriyey aayadda 41aad ee suuradda Towbah. Dood iyo
hadallo dheer kadib baa wuxuu Abii Muusa ku soo daray Xassan iyo Cammaar
9000 oo dagaalyahanno ah. Waxaa kaloo la sheegaa in Cali uu Abii Muusa
casilay oo uu Kuufa masuul uga dhigay Ashtar oo sidaa kusoo diray
ciidamadaasi. Waxaa kaloo la sheegaa inuu usoo diray 12001 dagaalyahanno
ah. Wallaahu aclam.
Waxaa kamid ahaa raggii mashaahiirta ahaa ee Cali kaga yimid Kuufa Al
qacqaac bin Camr, Sacad bin Maalik, Hindi bin Camr, Al Haytham bin Shihaab,
Zayd bin Sowxaan, Caddiyi bin Xaatim, Musayb bin Najbah, Yaziid bin Qeys iyo
Xujr bin Caddiyi iyo rag kaloo qeyrkooda ah. Dabadeed Cali wuxuu ka
dhaqaaqay Dii Qaar. Reer Cabdi Qeys ayaa iyana ayagoo kumanaan kun ah Basra
iyo Dii Qaar dhexdooda ku sugayay Cali ibnu Abii Daalib, si ay ugu biiraan.
Kadib Cali wuxuu diray Al qacqaac bin Camr oo uu udiray dhanka Dalxa iyo
Zubayr iyo Caa'isha si bal uu ula soo hadla una soo ogaada waxa ay u
yimideen. Al qacqaac wuu dhaqaaqay, wuxuu ka billaabay oo marka hore uu u
tegay hooyadii Mu'miniinta ee Caa'isha, wuxuuna ku yiri:- Hooyooy! maxaa
halkaan ku keenay? Waxay ugu jawaabtay:- Maandhoow! waxaan u imid islaax
inaan dhigo dadka dhexdiisa. Wuxuu ka codsaday inay ugu yeedho Dhalxa iyo
Zubayr si ay agteeda u yimaadaan, waa way u cid dirtay oo iyana yimideen.
Markaasuu ku yiri:- Hooyadii Mu'miniinta ayaan weydiiyey, waxay u timid,
saa waxay tiri:- Inaan dadka dhexdooda islaaxiyo. Markaasay Dhalxa iyo
Zubayrna yiraahdeen:- Annaguna sidaa oo kale baanu u nimid.
Wuxuu ku yiri:- Waxaad iiga warrantaan islaaxanna, wejiga uu leeyahay, iyo
waxa aad islaaxineysaan?
Waxay yiraahdeen:- Kuwii dilay Cuthmaan (inaanu dilno) haddaynu ka tegnana,
waa ka tegidda Qur'aanka.
Wuxuu yiri:- Waxaad disheen wixii ka dambeeyey dilka Cuthmaan, kuwoodii
aad ka hesheen magaallada Basra, maanta ka hor ayaad dadka agtooda soo
dhaweyn iyo maqaamna ku lahaydeen, waxaad disheen 600 oo nin, waxaana u
carooday daraadood 6000, oo idinka fogaaday, kana dhex baxay dhexdiinna.
Waxaad raadiseen Xurquus bin Zuhayr, saa waxaa idinka hor istaagay 6000 oo
haddii aad iska daysaanna, waxaad ku dhacdeen wixii aad lahaydeen. Haddii
aad la dagaallantaanna waxaa idinku dhacaya wixii aad ka digeyseen. Sidee
buu idinkaga fakaday Xurquus bin Zuhayr?
Wuxuu kaloo Al qacqaac u tibaaxay sida ay Dhalxa iyo Zubayr ugu suuroobi
karin inay la dagaallamaan 6000 kun oo ciidan oo kasoo horjeeda, ay
cududdaar ugu haystaan inuu Calina cududdaar ugu haysto inuu ka tego inuu
xadka waqtigaas ka oofiyo. Wuxuu kaloo usheegay Dhalxa iyo Zubayr iyo
Caa'ishaba in khalqi badan oo reer Rabiica iyo Mudar ah ay isu aruursadeen
inay iyagu la dagaallamaan, iyagoo u careysan dadkii ay Basra ku laayeen.
Marka bay hooyadii Mu'miniinta ee Caa'isha hadashay oo ku tiri Al qacqaac:
Maxaad adigu ka leedahay? Wuxuuna Al qacqaac u tilmaamay in la doonaya
arrinkani in la dejiyo, oo la midoobo, fidnaduna degto goballaduna
hoggaansamaan, dabeeto si fudud hadhowta looga aargoosta fidnawadayaashii ka
dambeeyey dilka Cuthmaan. Caa'isha fikraddaasi way u riyaaqday, wayna soo
dhaweyeen ayada iyo Dhalxa iyo Zubayrba, waxayna Al qacqaac ka codsatay in
Cali uu sidaasi ka dhaadhiciyo. Dabeeto Al qacqaac wuu baxay oo u tegay Cali
oo u sheegay wixii soo dhexmaray asaga iyo Caa'isha iyo Dhalxa iyo Zubayr.
Calina aad buu ugu farxay falkii uu Alqacqaac sameyey, wuuna u mahad
celiyey. Caa'isha farriin bay usoo fartay ayadoo ogeysiineyso inaanay u iman
wax aanan ka ahayn islaax iyo wanaaag doon.
Dabeetana Cali ciidamadisii ayuu ka dhex istaagay oo u khudbeeyey, wuxuuna
xusay jaahilliyadii iyo tafaraaruqii jiray iyo shaqaaqadeedii, sidoo kalena
wuxuu xusay Islaamka iyo sacaadadiisa iyo in Alle uu soo diray Nebi Muxammed
SCW oo umaddana ku kulmiyey bacdigiisa khaliifadiisii Abuu Bakar, dabeetana
Cumar, misna ku kulmiyey Cuthmaan, markaasoo ay yimideen dad adduunyo jecel
oo nimcooyinka Alle addoomadiisa u galay xasdaya oo kala geeyey jamaacaddii,
keenayna fidno iyo tafaraaruq iyo kala tegsanaan. Dabeeta wuxuu yiri:-
Hoydaay! anigu beritoole waan raran doonaa ee yuunan i raacin qof wax ka
geystay dilkii Cuthmaan.
Markaas bay isu tegeen qaar kamid ah madaxdii fidna wadayaashii ka dambeeyey
dilkii Cuthmaan sida Ashtar An Nukhaci, Shureyx bin Owfaa, C/llaahi bin
Sabaa (Ibnu Sowdaa), Saalim bin Thaclabah, Calbaa (ama Qilaab) bin Al
Haytham iyo rag kaloo qeyrkooda ah, waxayna tiradoodu ahayd 2500 ku dhex
jirtay ciidamada Cali. Waxay ka tashanayeen sidii arrini ay yeeli lahaayeen.
Waxay isku yiraahdeen:- War ra'yigani muxuu ahaa? Wallaahay Cali baa uga
ogaal badan kitaabka Alle kuwa dalbaya dhiigga Cuthmaan. Wuxuu yiri wixii
aad maqasheen, berri ayayna dadku idiin kulmi doonaan, cidda ay qowmku oo
idil rabaanna waa adinka, ee sidee baad ku tahiin adinkoo tiro yar, marka
loo eego tira badnidooda?
Ashtar baa hadlay oo yiri: Dhab ahaan, waanu ogaannay ra'yiga Dhalxa iyo
Zubayr sida uu dhexdayada ka yahay. Ra'yiga Cali-se ma aynan ogaan teer iyo
maanta. Haddii ay xaaladdu sidaa noqoto, Cali waxaynu ka daba geyneynaa
Cuthmaan, markaana dadku waa ay inaga aamusayaan, oo iska kaayo dayn
doonaan.
Ibnu Sowdaa ayaa hadlay oo yiri:- Waxaa baas lahaaday waxaad ra'yi moodday,
haddii aynu dilno waa la ina layn, ee annaga kulanka kuwii dilay
Cuthmaanoow! waxaynu nahay 2500, Dhalxa iyo Zubayr ciidamadooduna waa 5000
oo wax awood ahi uma haysaan, iyana adinka uun bay idin doonayaan.
Qilaab (ama Culbaa) bin Haytham baa isaguna hadlay oo wuxuu tilmaamay inay
goballada aadaan oo dagaalladan oo idil isaga baxaan, kuna dhuuntaan
halkaasi, si ay ku nabad helaan.
Saa C/llaahi bin Saba (Ibnu Sowdaa) baa hadlay oo yiri:- Waxaa baas lahaaday
waxa aad tiri, haddayba markaasi dhacaysaa in dadku ina kala dafaan.
Dabeeto Illaahay ha dulleeyo'e Ibnu Sowdaa wuxuu raggiisii u tilmaamay fikir
ay uwada riyaaqeen, wuxuuna u sheegay inay kala galaan labada ciidan,
ciidamada Cali iyo kuwa Dhalxa iyo Zubayr oo markaasi ay weerar ku kala
qaadaan labada dhinac si ay dagaal u huriyaan oo labada qolo aanay u
heshiin, si markaasi ay iyaga u badbaadaan, iyo si dabeeto loo illaawo
falkii ay geysteen ee ahaa dilkii Cuthmaana, waana ay u hirgashay hadafkii
ay wateen fidna wadayaashaasi, markii ay ra'yigii Ibnu Sowdaa meel mariyeen.
Illaahay ha dulleeyo, dhammaan wixii ka dambeeyey dilkii amiirka Mu'miniinta
ee Cuthmaan bin Cafaan iyo wixii ka qeyb qaatayba.
Cali waa uu soo dhaqaaqay subaxii markii uu waagu baryay, wuxuunna soo
abbaaray dhankii Kuufa asagoo doonaya inuu la kulmo Dhalxa iyo Zubayr iyo
Caa'isha. Dhexda wuxuu kusoo maray reer Cabdi Qeys oo iyagu sugayay
dabeetana ku biiray ciidamadiisii. Marba marka ka dambeysana way sii
kordhayeen ciidamadii amiirka Mu'miniinta. Cali wuxuu sii degay Zaawiyah, oo
misna ka dhaqaaqay oo aaday dhankii Basra. Saa markii ay labadii qolo
kulmeen, wuxuu Cali taa ka hor Dhalxa iyo Zubayr u diray in la is magan
geliyo oo wax weerar iyo dagaal ah la fulinin, iyana sidoo kale aad bay
arrintaasi u soo dhaweyeen. Labadii qolo way isasoo hor degeen, markaa bayna
qaar kamid ah ciidamadii Dhalxa iyo Zubayr kula taliyeen in ay ka
faa'ideystaan fursaddaasi oo ay laayaan raggii fidna wadayaasha ahaa ee ka
dambeeyey dilkii Cuthmaan kuwooda ku jira ciidanka Cali. Dhalxa iyo Zubayrse
waxay tilmaameen in aanay arrintaasi habbooneeyn, maadaama ay ayaga iyo Cali
kuwada heshiiyeen in arrintu nabad iyo heshiis lagu dhammeeyo.
Ciidamada Muslimiinta qolaba qolada kale ayay u tagayeen oo ergaduna la is
dhaafsanayeen, waxaana qola kasta ay ku faraxsaneed midnimada iyo
walaaltinnimada Islaamka, iyo in wax waliba si midnimo iyo wada hadal lagu
dhammeeyo. Waxay u ahayd arrin ay dhammaan labada dhinacba ku
faraxsanaayeen, marka laga reebo raggii fidnada waday ee iyagu ka dambeeyey
dilka Cuthmaan bin Cafaan Illaahay haka raalli noqdee. Cali wuxuu dhanka
Dhalxa iyo Zubayr u diray C/llaahi bin Cabbaas, iyana waxay u soo direen
Maxamed bin Dhalxa bin Cubeydullaahi oo loo yaqaanay Maxamed As- Saajid.
Ergadu sidaas ayay isu dhaafsaneyeen oo ay isu dhex galayeen. Habeenkii
subaxiisa la doonayay in wada kulmo, Cali iyo asxaabtiisa, waxay u ahayd
habeen farxadeed oo kheyr lagu baryay, dhanka Dhalxa iyo Zubayrna sidoo
kale, habeen ay farxad iyo kheyr ku baryeen ayuu ahaa. Kuwiise fidnada waday
ee dilkii Cuthmaan ka dambeeyey, wuxuu habeenkaasi u ahaa habeen madow iyo
murugo, mana ay seexan ee waxay ka fikirayeen sidii ay wax yeeli lahaayeen,
ayagoo markii horeba qorshe diyaarsaday. Kaasoo ahaa inay ku kala biiraan
labada qolo oo weerar ay isku qaadaan, dabeetana ay sidaasi dagaal ku
huriyaan. Cali ibnu Abii Daalib ciidamadiisii wuu la hadlay asagoo amraya
inay af iyo addinba ka laabtaan walaalahooda reer Basra, iyana way u
hoggaansameen amarradii amiirka Mu'miniinta. Taas ka hor Axnaf bin Qeys baa
Cali u yimid oo u keenay 10 000 oo seefood.
Markii uu bidhaamay kaahii arooryaad, ayay fidna wadayaashii labadii ciidan
ku kala biireen, oo weerarro qaadeen, ciidamadii reer Basra arrintaasi
markay ka war heleen oo ay weydiiyeen, waxaa loo sheegay in ciidamada Cali
ay soo weerareen. Kuwii Calina markii ay buuqa iyo sawaxanka la yaabeen oo
ay weydiiyeen, waxaa loo sheegay in ciidamadii Basra ay soo weerareen.
Markaas baa labada dhinac hubkii loo kala orday oo seefta laysla dhacay,
waramaduna layska dhex dusiyey, gamuunnaduna laysla helay, dagaalkiina wuu
huray oo dirirtiina darnaatay labada qolo, ayadoo fidna wadayaashuna ay ka
soo horjeedeen inuu inyarna istaago dagaalka, si aanan loo ogaan, iyaga
ayaana hurinayay dagaalka labada dhinacba. Gacmo iyo lugo badan ayaa
faniinay, mashaahiirtii geesiyada ahayd ayaa isu ban baxay oo seefaha is
daray, garaangirtii dagaalkuna waa ay wareegatay. Majirin horeyna looma arag
macrikadani macrika kaga gacan iyo lug faniin badan, waayo gacmo badan iyo
lugo badan baa dharaartaasi go'ay. Taasina waxay ahayd arrin uu Allaha
Qaadirka ahi qadaray oo uu horey u xukmiyey. Fa innaa lillaahi, wa innaa
illeyhi raajicuun.
Cali bin Abii Daalib, wuu dhawaaqayay asagoo lahaa:- War hoydaay! joojiya,
war hoydaay! joojiy. Cidse majirin dheg jalaq u siineysay hadalladiisa.
Kacab bin Suur oo ahaa qaadigii magaallada Basra markii uu masuulka ka ahaa
Cuthmaan bin Xaniifa ayaa u tegay hooyadii Mu'miniinta oo ka dalbaday inay
umadda u soo baxdo, si ay ula hadasho oo Alle dagaalka sabab uga dhigo inuu
joogsado. Markaas bay soo baxday oo howdajkeedii ay dhex gashay, dabeetana
awrkeedii loo dul saaray. Markaas bay saaxadii dagaalka soo gashay, ayadoo
marba dhinac istaageyso, meelahii uu dagaalka kasocday, oo dadka amreyso
inay dagaalku joojiyaan, saa ma jirin cid dheg jalaq usiiso.
Qaar kamid ah mashaahiirtii caanka iyo geesiyaashii labada dhinac ayaa
mubaaraso ku kulmay, waxaana kamid ahaa dadkii mubaarasada ku kulmay Zubayr
oo halyey geesi ahaa iyo Cammaar bin Yaasir oo waaga 90 jir ahaa. Zubayr ma
uuna jecleysan inuu Cammaar dilo, markaasuu arkay Cammaar oo seeftiisii ka
wiligsiinaya una jeeda dhanka Zubayr. Markaasi buu Zubayr yiri:- Ma waxaad
dooneysaa inaad i disho Abal Yaqdaanoow!? Wuxuu Camaar ku jawaabay:- Maya
Abuu Cabdullaahiyoow!.
Zubayr wuxuu horey u maqlay Rasuulka Alle SCW oo Cammaar ku oranaya:- Waxaa
ku dili doonto koox xad gudubtay. Sidaa daraaddeed buuna Zubayr jecleysan
inuu Cammaar dilo, sidoo kalena asbaabahii dagaalka Zubayr ka saaray ayay
arrintaasi xubin ka ahayd. Waayo Zubayr wuxuu ka cabsi qabay in dagaalkaasi
lagu dilo Cammaar oo oday da' ahaa, oo markaasina ay dhacda in qoladii
Zubayr ay noqdaan koox xad gudubtay siduu Rasuulka SCW horey u sheegay.
Sidoo kale dagaalkii oo meel aad u kulul maraya, ayuu Cali Zubayr la hadlay
oo weydiiyey:- Zubayroow! ma xasuustaa, maalintii uu Rasuulka SCW kugu lahaa
ma jeceshahay Cali? ee aad tiri:- Maxaan u jeclaan waayay ina abtigeey iyo
ina adeerkeey, oo misna ku sugan diintayda? Oo markaasi uu kugu yiri:- Waad
la dagaallami doontaa adigoo ka gardaran?
Wuxuu Zubayr ku jawaabay:- Haa! Illaahay baan ku dhaartaye, waan illaaway
markii aan Rasuulka SCW ka maqlayba, haddii aan xasuusan lahaana kulama aan
dagaallameen.
Kadib Zubayr dagaalkii buu ka baxay, wuxuuna xoreeyay wiil adeega u ahaa oo
la oran jiray Makxuush waxaa kaloo la sheegaa inuu xoreeyay adeegahiisii
Jarsuus. Dabeetana wuu ka baxay dagaalka oo aaday waadi la yiraahda Waadi
Subaac, oo halkaasi uu ku dilay asagoo jiifa ama tukanaya mid inkaar qabe ah
oo il kheyr ma saare ah oo fidna wada ah oo la oran jiray Camr bin Jarmuus.
Kaasoo Cali inta u tegay ugu warramay inuu Zubayr soo dilay, asagoo taasi ku
filanayay inuu Cali agtiisa soo dhaweyn kaga heli doono, balse Cali wuu iska
eryay wuxuuna ugu bishaareeyey Naarta, waayo Rasuulka SCW ayaa horey u
yiri:- Ugu bishaaree Naarta ninkii dila ina Safiya (Zubayr). Dhalxana gamuun
habow ah baa haleelay oo dagaalka dhexdiisa ayuu ku shahiiday Illaahay haka
raalli noqdee. Waxaana la sheegaa in gamuunkaasi uu ganay Marwaan bin Xakam.
Wallaahu aclam.
Dagaalku marna wuu qaboobayay, marna wuu kacayay, markaas bay hooyadii
Mu'miniinta ee Caa'isha u dhiibtay Kacab bin Suur, musxafka oo ka codsaday
inuu dadka ugu yeero, si ay dagaalka u joojiyaan. Markaas buu Kacab bin Suur
la aaday musxafkii dhanka ciidamada muqaddamada ee Cali oo uu markaasi ku
jiray C/llaahi bin Saba, saa gamuunna ayay ku hoobiyeen jeer ay ka
tallaabsadeen oo ay dileen. Dagaalkiina sidii buu usii socday, gamuunnaduna
way ku dhacayeen huudajkii hooyadii Mu'miniinta ay ku dhex jirtay. Waxay ku
dhawaaqeysay:- Allaah Allaah! wiilasheydoow! xasuusta maalinta Qayaamaha.
Markaas bay gacmaheedii sare u qaadday oo Alle bariday ayadoo habaareyso
kuwii ka dambeeyey dilka Cuthmaan ee misna fitantani huriyey. Markii uu Cali
maqlay inkaarta iyo habaarka Caa'isha ayaa asaguna wuxuu yiri:- Allahayoow!
lacnaddaada dul yeel, wixii dilay Cuthmaan. Dagaalkii markuu sii huraya,
ayuu Cali wiilkiisii Maxamed bin Xanafiyah amray inuu calanka qaado oo horay
ula socda, saa asaguna wuu ku dhici waayay, kadibna Cali baa ka qaaday
calankii ciidamada.
Awrkii ay fuushaneed hooyadii Mu'miniinta ee Caa'isha Illaahay haka raalli
noqdee, waxaa hoggaankiisii ku naf waayay 70 qofood oo isaga kala dambeysay.
Waxaa kaloo la sheegaa in 70 kalena ay ku gacmo waayeen. Waxaana la sheegaa
in 70-ka ku gacma weyday ay ahaayeen banii Dibbah. Sidoo kale waxaa
maalintaasi hoggaanka awrka qabtay banii Naajiyah oo ka ag dagaallamayay
hooyada Mu'miniinta agteeda, iyo banii Caddiyi bin Cabdimanaaf.
Dadkii hoggaanka awrka qabtay waxaa kamid ahaa Maxamed bin Dhalxa bin
Cubaydillaah, oo ku yiri hooyadii Mu'miniinta:- Hooyooy! i amar wixii aad i
amreyso? Waxay ku tiri:- Wiilkeygoow! noqo sida midkii kheyr badnaa
wiilashii Aadam (sidii Haabil oo kale). Saa asagoo hoggaankii haya ayaa
lagu dilay Illaahay ha u naxariistee.
C/llaahi bin Zubayrna wuxuu kamid ahaa raggii hoggaanka awrka qabtay, balse
kuma uu dhiman dagaalkan, waxayna mubaaraso isku heleen, Ashtar An Nukhaci
oo halyeey dagaalyahan ahaa, da' ahaanna ka weynaa Ibnu Zubayr. Saa markii
ay is heleen, baa C/llaahi dhaawac culusi madaxa lagu dhuftay, isaguna wuxuu
Ashtar ku dhuftay dhaawac fudud. Dabeetana waa ay kala bad baadeen.
C/llaahi bin Zubayr waxaa maalintaasi soo gaaray 37 dhaawac. Sidoo kale
Marwaanna dhaawacyo badan ayaa asaguna soo gaaray.
Cammaar oo waaga 90 jir ahaa, wuxuu mubaariso ku dilay nin saddex nin oo
ciidamadii Cali kamid ahaa mubaariso ku dilay, waxaana ninkaasi la oran
jiray Camr ama Cumeer bin Yathribi. Sidoo kale waxaa kamid ahaa raggii
hoggaanka awrka qabtay Camr bin Al Ashraf, saa ciddii kusoo dhawaataba uu
seefta ku hoolaa, illaa markii dambe uu u soo baxay Al Xaarith bin Zuhayr Al
Asdi, oo markaasi labaduba ay labada darba is dhaafsadeen, oo mid walbaba
midka kale uu sidaa ku dilay.
Dabeeto awrkii ayaa la boqno jaray, waxaana ugu dambeeyey oo markaasi
hoggaankiisa hayay Zifir bin Al Xaarith. Waxaa la sheegaa in asaga iyo
Bujayr bin Daljah ay isku raaceen in awrka la boqno jaro, si dagaalku u
qaboobo. Sidoo kale Al qacqaac bin Camr ayaa la sheegaa inuu arrinkaasi soo
jeediyay, si hooyada Mu'miniinta oo markaasi huudajkeedu gamuunnada kudul
dhacayeen aanay waxba u gaarin oo dagaalka loo joojiyo. Sidoo kale waxaa la
sheegaa inuu Cali amray ama ishaaray arrinkaasi. Illaahana og. Markaasi buu
dagaalkii istaagay, oo huudajkiina awrka laga soo dul dejiyey. Dabeeta
Maxamed bin Abii Bakar ayaa u tegay Caa'isha oo salaamay, dabeetana,
weydiiyey inay wax dhiba ku dhaceen. Iyana waxay usheegtay inaanay waxba
dhiba ku dhicin. Cammaar Ibnu Yaasir iyo rag kale oo badan ayaa iyana u
tegey oo soo salaamay, Sidoo kale Cali ayaa u tegay oo soo salaamay,
wuxuuna weydiiyey:- Sidee baad tahay hooyo!
Waxay ugu jawaabtay:- Waa kheyr.
Wuxuu ku yiri:- Ilaahay ha kuu dembi dhaafo.
Habeenkii markii la gaaray, hooyadii Mu'miniinta waxay gashay magaalladii
Basra ayadoo uu la socda Maxamed bin Abii Bakar. Waxayna ku dul degtay
daarta Cabdillaahi bin Khalaf Al Khuzaaci, waxayna daartaasi ahayd daarta
ugu weyn Basra. Waxay ku dul degtay Safiyah bint Xaarith bin Abii Dhalxa bin
Cabdilcuzza bin Cuthmaan bin Cabdi Daar oo loo yaqaannay Umu Dhalxa.
Dhaawacyadii dagaalkuna waala qaaday, oo waxaa la geeyay magaalladii Basra,
wuxuuna Cali amray in hantidii dagaalka laga helay oo idil la isu soo
aruuriyo dabeetana la geeyo masjidka, si ciddii garata alaab ay leedahay ama
ay ehelladooda leeyahiin ay hadhowto ugu geeyaan ama u qaataan. Wuxuuna ka
reebay oo kaliya hubkii uu meeshaasi ka helay. Qaar kamid ah ciidamadiisii
ayaa Cali ku eedeeyey in uusan qafaalan wax dumar ah, iyo inuusan qaniima
helin. Wuxuuna Cali raggaasi ku qanciyey su'aal wada aamusiisay oo ku ridday
afkii baa juuqda gabay. Wuxuu ku yiri:- Kiinnee baa raalli ku ah, inuu saami
u helo hooyadii Mu'miniinta? Illaahay baan ku dhaartaye waa afadii
Rasuulkiinna SCW ee adduun iyo aakhiraba.
Waxaa dagaalkani ku geeriyooday 10 000 oo labada dhinac ah, dhanka Cali
waxaa laga dilay 5000, dhanka Caa'ishana 5000 Fa' innaa lillaahi wa innaa
ileyhi Raajicuun.
Cali wuxuu kusugnaa goobtii dagaalka muddo saddex casho ah, markiina uu
dagaalka istaagay wuxuu dhex qaadayay meydka oo markii uu arko qof uu garta
dul istaagayay, oo u raxmad dalbayay. Dhammaanna wuu u raxmad dalbay oo inta
isu soo aruuriyey ku tukaday salaaddii Janaasada. Asagoo dhex maraya meydka
ayuu Cali arkay maydka Dhalxa bin Cubaydillaah, markaasuu ooyay oo si aad ah
u murugooday, wuxuuna ku cataabay:- Shallaytadeydee Xassanoow! aabaha muxuu
u dhimman waayay 20 sano ka hor maalintan? Sidoo kale Cali markii uu arkay
Maxamed As- Saajid bin Dhalxa oo mayd ahina aad buu u murugooday oo ugu
ooyay Illaahay haka raalli noqdo idilkooduba.
Waqtigaasi uu dagaalku dhacay wuxuu ahaa bartamihii Jamaadul Aakhir, markaas
ayuu Cali galay magaalladii Basra maalin Isniin ah. oo uu la mubaayacooday
dadkii magaallada. Dabeetana maal badan u qeybiyey asagoo ka nafaqeeyey
beytul maalkii Muslimiinta. Wuxuu la kulmay Cabdiraxmaan bin Abii Bakrah-
Nufeec bin Xaarith Al Thaqafi oo uu la mubaayacooday, dabeetana weydiiyey
aabahiis Abii Bakrah? Saa wuxuu u sheegay inuu xanuunsanyahay. Markaasuu soo
hor kacay, oo uu dul geeyey. Markaasuu Cali salaamay, saa wuu soo dhaweeyey
una cududaartay inuu u iman waayay. Wuxuu Cali u bandhigay inuu udhiibo
masuuliyadda magaallada Basra, balse wuu ka cududaartay arrinkaasi, wuxuuna
u soo jeediyey inuu u dhiibo C/llaahi bin Cabbaas. Markaasuu Cali masuul uga
dhigay C/llaahi magaalladii Basra. Wuxuuna ku dhaafay oo uu u xilsaaray
baytul maalkana Ziyaad bin Abiihi oo aanan ka qayb qaadan dagaalkii dhacay.
Kadib Cali ayaa waxaa usoo galay nin, wuxuuna usheegay in albaabku ay
joogaan laba nin oo wax ka sheegeysa Caa'isha. Markaas buu Cali soo diray Al
qacqaac bin Camr si uu u edbiyo nimankaasi oo amray inuu jeedaleeyo oo ku
dhufto midkiiba 100 jeedal. Sidii buuna Al qacqaac kufalay raggaasi.
Cali waa uu booqan jiray hooyadii Mu'miniinta ee Caa'isha intii ay joogtay
Basra, asagoo ugu tegi jiray gurigii daarta C/llaahi bin Khalaf. Markii ay
damacday inay baxdo oo ay aaddo Makka, wuxuu Cali u keenay, wax waliba oo ay
safarkeeda ugu baahantahay, sida saad iyo hanti iyo gaadiidba. Wuxuuna ku
daray walaalkeed Maxamed bin Abii Bakar. Asagiina wuu raacay oo dhowr mayl
la sii socday oo sii sagootiyey, dabeetana ka soo laabtay.
Marwaan bin Xakam asagu waxaa magan geliyey Maalik bin Masmac oo uu
daartiisa ku sugnaa, dabeetana Caa'isha markay Makka aadday, buu asaguna
Shaam aaday.
Wilaayadii Qeys Bin Sacad ee Masar
Sanadkan 36aad buu Cali si dhan u dhiibay masuuliyadda Masar Qeys bin Sacad
bin Cubaada Al Ansaari, halkaasoo waqtigii Cuthmaan uu madax ka ahaa
C/llaahi bin Sacad bin Abii Sarax oo loo dhiibay kadib markii horey looga
casilay Camr bin Al Caas. Markaa waata fidna wadayaasha kasoo baxeen
Masar oo ay aadeen Cuthmaan xaggiisa si ay u dilaan, iyadoo labadii nin ee
diyaarisayna ay ahaayeen C/llaahi ibnu Saba oo Yahuudi Yeman ka yimid ahaa
kuna caan ahaa Ibnu Sowdaa iyo Muxammed bin Abii Xudayfa bin Cutbah.
Muxammadkaa isaga ahi wuxuu aabahiis Abuu Xudayfa bin Cutbah ku shahiiday
dagaalkii Yamaama lagu qaaday sanadkii 12aad ee Hijriga waqtigii Abuu Bakar
Sidiiq, markaa iyada ahna Muxammed wuxuu ahaa kuray yar, Sidaa darteed buu
Cuthmaan kafaala qaaday oo gurigiisa kusoo barbaariyey barbaarin wanaagsan,
wuxuuna u ahaa mid u dhimriyo oo u wanaagsan.
Intaa dabadeed Muxammed wuxuu u tegay Cuthmaan markii xilka khilaafada uu
qabtay oo ka dalbaday inuu masuuliyad udhiibo, Cuthmaanna kamuu yeelin,
markaa buu carooday Muxammed wuxuuna ka dalbaday inuu u diro furunta
jihaadka, markaasuu Cuthmaan u diray Masar. Duullaankii Daatu Suwaar ee
dhacay waqtigii Cuthmaan bin Cafaan buu Muxammed kala qayb qaatay amiirkii
ciidamadaasi hoggaaminayay oo ahaa C/llaahi bin Sacad bin Abii Sarax,
markaa iyada ah markii laga faaruqay dagaalkaas buuna billaabay Muxammed
inuu Cuthmaan eedeymo dusha uga tuuro, taasoo ay kamid ahayd inuu C/llaahi
ibnu Sacad masuul uga dhigay Masar iyo waqooyiga Afrika, isagoo ninkaas
C/llaahi bin Sacadna uu intuu Islaamay misna riddoobay xayaatadii Rasuulka
SCW oo misna Islaamay furashadii Maka. Waa sidaase waxaa Muxammed bin Abuu
Xudeyfa ku garab istaagay arrinkaas rafiiqiisii Muxammed bin Abii Bakar oo
isaguna ciidamadaasi lasocday.
Markii ay fidna wadayaashii Masar ka baxday aadeen Madiina si ay amiirka
Mu'miniinta ee Cuthmaan bin Cafaan usoo dilaan, Muxammed bin Abuu Xudayfa ma
uu raacin ee Masar buu ku haray, C/llaahi ibnu Sacad bin Abii Saraxna wuxuu
ku mashquulay oo u batay waqooyiga Afrika. Sidaa darteed bay Masar noqotay
masuul la'aan oo Muxammed bin Abuu Xudayfa gacanta ugu dhigay oo awood ku
yeeshay. C/llaahi bin Sacad bin Abii Sarax waxaa gaadhay geeridii amiirkii
Mu'miniinta ee Cuthmaan bin Cafaan iyo in Cali bin Abii Daalib uu Masar usoo
dirsaday Qeys bin Sacad masuul ahaan, markaa buu C/llaahi bin Sacad aaday
Shaam oo u tegay Mucaawiyah bin Abii Sufyaan.
Qeys bin Sacad wuxuu galay Masar iyadoo Muxammed bin Abii Xudayfa la dilay
oo markaa inta mimbarkii masjidka koray dadkii ku dul akhriyay warqaddii
Cali bin Abii Daalib, baycadiina kaga qaaday oo sidaa kula mubaayacoodeen
reer Masar in yar mooyaane oo aanan la mubaayacoon, kuwaasoo aanan cidi
waxba yeeleyn, waxayna ku andacoonayeen kuwaasi in xadka laga oofiyo raggii
dilay Cuthmaan bin Cafaan.
Guud ahaan Masar oo idil baa la mubaayacootay Qeys oo uu Cali baycada uga
qaaday, marka laga reebo qaryo la oran jiray Kharbataa oo ay ku sugnaayeen
rag u olalaynayey dhiiggii Cuthmaan bin Cafaan waxayna ahaayeen odayaashii
reer Masar iyo howradeennadii dadkaas. Waxayna wateen ciidan dhan 10 000 oo
Cuthmaaniyiin ah (yacni Cuthmaan bin Cafaan kuwii u olaleynayay inay u aar
gudaan). Waxaana madax u ahaa nin la oran jiray Yaziid bin Al Xaarith Al
Mudlaji.
Qeys warqad buu u qoray si ay iyana raggaasi ula mubaayacoodaan Cali bin
Abii Daalib, hase ahaatee markuu ku daallay oo jawaab ka la'yahay buu isaga
aamusay. Mucaawiyah bin Abii Sufyaanna markaa iyada ah waxaa xukunkiisa
hoos imanayay Guud ahaan Shaam illaa daanta shisha ee dhulka Ruum, sidoo
kale waxaa hoos imanayay qaar kamid ah Jaziiradda oo ay kamid yahiin Ruhaa,
Qiisaariyah, iyo Xaaraan iyo qeyrkooda.
Ashtar An Nukhaci oo dhanka Cali kasocday baa damcay inuu dhulalkaa ka qaado
gacanta masuuliyiinta Mucaawiyah bin Abii Sufyaan u joogta halkaas. Markaa
buu Mucaawiya markuu arrintaa ka war helay u diray C/raxmaan bin Khaalid bin
Waliid, markaasuu Ashtarna dib ugu laabtay dhulkiisii. Markii dhulalkaas oo
idil Mucaawiya hoos yimaadeen oo xukunkiisii intaa gaaray buu warqad u diray
Qeys bin Sacad isagoo ka dalbanaya inuu u istaaga raadinta dhiiggii Cuthmaan
bin Cafaan, wuxuu sidoo kale u sheegay haddii uu Qeys arrintaa yeelo inuu u
dhiibi doono masuuliyadda Ciraaq oo idil oo uu masuul uga noqon doono.
Qeys bin Sacad oo runtii ahaa nin ad adag oo misna leh go'aan adag baa
markii warkaa Mucaawiya uu soo gaaray udiray warqad kale oo jawaab ah oo
maqashiiyey wax uu kahdo.
Cali bin Abii Daalib markuu gaaray warka ah in Qeys iyo Mucaawiyah is
dhaafsanayaan warqado baa wuxuu Qeys u diray warqad uu ku amrayo inuu ku
duulo kuwa Masar kusugan ee diiday baycada, markaasuu Qeys ka cududaartay
arrintaa sabab darteed uuna haysan ciidan culus iyo iyadoo ragga kasoo
horjeeda ay ahaayeen wajuuhdii reer Masar iyo rag karmeedyadii dhulkaas.
Markaa baala sheegaa inuu Cali ka casilay Masar oo u dhiibay Ashtar An
Nukhaci, waxaa kaloo la sheegaa oo ah sida saxda ah in Cali uu udhiibay
masuuliyadda Masar markii uu Qeys ka casilay Muxamed bin Abii Bakar oo wiil
dhalinyaro ahaa, Qeysna wuxuu aaday markaa Madiina, oo markii uu Madiina
tegay baa waxay is raaceen Sahal bin Xaniif oo ay aadeen dhankii Cali iyo
Kuufa. Waxayna kala qayb qaateen dagaalkii Safiin sida inoo iman doonto oo
ay goob joog ahaayeen isaga iyo Sahalba. Muxammed bin Abii Bakarna Masar
buu tegay oo xukunkii qabtay oo halkaa buu masuul ka ahaa jeer uu dhacay
dagaalkii Safiin
Dagaalkii Safiin
Al imaam Axmad wuxuu Maxamed bin Siiriin kasoo weriyey inuu yiri:- Fidnadu
waxay dhacday iyadoo saxaabadii Rasuulku SCW ay yahiin 10 000, qayaastii,
mana xaadirin wax dhan boqol bal ee xitaa 30 ma ay xaadirin''. Wallaahu
aclam.
Markii uu amiirkii Mu'miniinta ee Cali bin Abii Daalib uu ka faaruqay
dhacdadii Jamal oo uu galay magaalladii Basra dabadeedna hooyadii
Mu'miniinta ee Caa'isha uu u diray Makka, baa wuxuu go'aansaday inuu Basra
ka dhaqaaqo oo aado magaallada Kuufa.
C/Raxmaan bin Cubayd wuxuu yiri:- Wuxuu galay magaallada Kuufa maalin
Isniin ah 12-kii bisha Rajab ee sanadkan yacnii sanadkii 36aad ee Hijriga.
Wuxuu galay jaamacii Kuufa oo dadkii ku tujiyey laba rakcadood oo dabeeta
u khudbeeyay kuna booriyey kheyrka iyo sama falka iyo ka fogaanshaha xumaha.
Kadibna wuxuu u cid diray Jariir bin C/llaahi Al Bujali oo masuul ka ahaa
Hamdaan waqtigii Cuthmaan bin Cafaan iyo Ashcath bin Qeys oo isaguna
Cuthmaan masuul uga ahaa Aderbijaan si dadka halkaa kusugan baycada uga soo
qaadaan.
Markaasuu Cali damcay inuu Mucaawiya cid baycada uga sooqaaddo u diro, saa
Jariir bin C/llaahi Al Bujali baa ku yiri:- Aniga ii dir anigaa aadayo
xaggiisa amiirkii Mu'miniintoow! waayo aniga iyo isaga waxaa ina dhex taal
gacaltooyo oo aniga ayaa kaaga soo qaadayo baycada? Ashtar An Nukhaci baa
markaa yiri:- Ha u dirin amiirkii Mu'miniintoow! waayo aniga waxaan ka cabsi
qabaa in hawadiisu ay raacda isaga (Mucaawiya).
Cali bin Abii Daalib wuxuu Ashtar ka dalbaday inuu iska daayo, markaasuu u
diray Jariir dhankii Mucaawiyah isagoo horayna ugu sii dhiibay warqad uu ku
ogeysiinayo in Muhaajiriin iyo Ansaarba ay la mubaayacoodeen iyo weliba uu
ku ogeysiinayo wixii dhacay maalintii dhacdada Jamal. Markaasuu Jariir
dhaqaaqay oo u tegay Mucaawiyah oo warqaddii udhiibay. Markiina warqaddii uu
Mucaawiya qaaday buu u yeeray Camr bin Al Caas iyo madaxdii Shaam oo idil si
uu ugala tashado arrinkaas. Markaas baa Camr ibnu Al Caas iyo raggii
madaxda Shaam ahaa ay ku taliyeen in uusan Cali lamubaayacoon jeer uu marka
hore laayo fidna wadayaashii dilay Cuthmaan bin Cafaan, go'aankaas buuna
Mucaawiya qaatay.
Markaa buu jariirna aaday dhankii Cali oo inta u tegay uga warramay wixii
uu kala soo kulmay. Ashtar An Nukhaci baa markaa yiri:- Amiirkii
Mu'miniintoow! mawaanan kaa reebin inaad Jariir dirta? Haddii aad aniga ii
diri lahayd albaab kastoo uu Mucaawiya furo waan xiri lahaa. Markaas baa
hadal dhex maray Jariir iyo Ashtar dabeetana Jariir wuu isaga tegay oo aaday
Qirqiisiyaa oo degay, kadibna Mucaawiya buu warqad u diray oo wixii dhex
maray isaga iyo Ashtar uga warramay markaasuu Mucaawiyana u diray warqad uu
kaga dalbanayo inuu u tego oo Shaam la dego.
Amiirkii Mu'miniinta ee Cali bin Abii Daalib markaa buu go'aansaday inuu
Shaam aado oo ka dhaqaaqay Kuufa, wuxuuna ciidamadiisii dejiyey Nukheylah,
magaaladii Kuufana wuxuu ku dhaafay Abuu Mascuud Cuqbah bin Camir Al
Badriyu. Mucaawiyana waxaa gaartay in Cali uu naf ahaantiisa iyo ciidan
culus oo uu hoggaaminaya ay kasoo baxeen Ciraaq, markaa buu raggiisii la
tashaday oo iyana u tilmaameen inuu naf ahaantiisa dhaqaaqo oo ciidan culus
kaxaysto. markaa bayna reer Shaam diyaar garoobeen. Camr bin Al Caas buu
ahaa ninkii reer Shaam ku boorinayay bixidda iyo diyaar garowga. Markaa bay
is diyaariyeen oo soo dhaqaaqeen oo abbaareen halkii ciidamada hore ee Cali
oo ah dhanka webiga Furaat naaxiyada Safiin. Cali iyo ciidamadiisiina
Nukheyla bay kasoo dhaqaaqeen oo soo aadeen dhanka Shaam.
Wuxuu Cali hortiisa ku diray wardoon uu hoggaaminayo Ziyaad bin Nadar Al
Xaarithi, waxayna ahaayeen wardoonkaasi 8 000, misna wuxuu kaloo kadaba
diray Shureyx bin Hannaayi oo isaguna hoggaaminaya 4 000 . Waxay qaadeen
jidka Cali hortiisa oonan ahayn jidka uu kusocday, markay gaareen Dajlah
bay labo muqaddama noqdeen.
Markaas baa waxaa soo gaaray in Mucaawiyah uu kusoo baxay xaggooda, say ka
cabsadeen inay is helaan ciidanka Mucaawiya iyagoo tira ahaan aanan u
dhigmeyn, markaasay jidkii badasheen oo ka goosheen Hayt oo Cali oo
dhaafay ka daba tageen. Markuu Cali arrintaa arkay wuxuu yiri:- Ma
muqaddamadeydii (yacnii ciidankeygii hore) miyaa gadaashayda ka yimid?
Markaasay u cududaarteen oo uga sheekeeyeen wixii qabsaday, suu isaguna u
cududaaray, kadibna hor mariyey oo ka dhigtay muqaddamadisiii waana ay
socdeen. Markii ay gooyeen webiga Furaat, baa waxay la kulmeen muqaddamadii
Mucaawiyah bin Abii Sufyaan oo uu hoggaaminayo Abul Acwar Camr bin Sufyaan
Al Sulami. Markaasuu Ziyaad bin Nadar oo hoggaaminayay muqaddamada Cali ugu
yeeray Abul Acwar iyo raggiisa inay la mubaayacoodaan Cali, hase ahaatee way
diideen, markaa buu Ziyaad bin Nadar arrintaa u qoray Cali bin Abii Daalib
oo soo daba socday. Markaasuu Calina soo diray Ashtar An Nukhaci si uu
ciidamada Ziyaad madaxa ugu noqdo, ciidamadaasi kuwooda midigtana, wuxuu soo
amray inuu Ziyaad bin Nadar madax u ahaado, halka kuwa bidixdana uu soo
amray in uu madax unoqdo Shureyx bin Hannaayi. Wuxuu soo amray Cali inaanay
ku billaabin ciidamadiisa wax dagaal ah ciidamada Shaam jeer ay ayaga marka
hore ku billaabaan oo ka dalbaday inay u sabraan inta uu uga imanayo isagoo
ku raadjoogo socodkooda. Muqaddamadii Shaam iyo kuwii Ciraaq markaa iyada
way is hor fariisteen oo cidi cid kale kuma aanay duulin, jeer markii dambe
uu Abul Acwar weerar ku qaaday ciidamadii muqaddamada ee Ashtar uu sitay.
Ashtar-se isagu wuxuu ku amarqaatay amaradii uu amiirka Mu'miniinta soo
siiyey oo kusugnaaday isagoonan wax weerar qaadin. Muddo bay haddana is hor
fadhiyeen, markaa bay reer Shaam dib u gaddoomeen markii gabbalku dhici
rabo.
Markii uu waagii xigay baryay bay misna mar kale isa soo hor degeen labbadii
muqaddama oo is hor fariisteen, in muddo ah bayna is hor fadhiyeen, markaa
buu Ashtar weerar fudud ku qaaday ciidamadii Abul Acwar oo ka dilay C/llaahi
bin Al Mundir At- Tanuukhi oo kamid ahaa fardooleyda reer Shaam, waxaana
dilay nin katirsanaa ciidamada Ashtar oo la oran jiray Dibyaan bin Cammaarah
At- Tamiimi. Markaa iyada ah bayna Abul Acwar As- Sulami iyo raggiisii
weerar culus soo qaadeen, markaasuu Ashtar ka dalbaday Abul Acwar inuu
mubaariso ahaan usoo ban baxo, hase ahaatee Abul Acwar arrinkaa ma uu
yeelin. Waxaa kala dhex galay labada qolo gudcurkii habeenka oo way kala
hoydeen iyadoonay wax buuran oo dagaal ah dhex marin. Markii la gaaray
subaxii saddexaad baa waxaa yimid Cali bin Abii Daalib iyo ciidamadiisii
guud, sidoo kale waxaa yimidi Mucaawiyah iyo ciidamadiisii guud.
Waxay labada qolo isku heleen goob la yiraahdo Safiin, ammintuna waxay ahayd
horraantii bishii Dil Xajjah ee sanadkan. Ciidamadii Mucaawiyah ayaa kusoo
hormaray goobta oo ay usuuro gashay inay qabsadaan goobtii biyaha oo meel
istaraatiiji ah ku tiillay. Cali iyo ciidamadiisii markay yimideen waxay
degeen meel ka durugsan biyaha, sidaa darteed baa ciidamadii Cali oon darani
qabtay oo damceen inay kasoo cabbaan goobta biyaha. Mucaawiyana wuxuu
uwakiishay biyaha Abul Acwar As- Sulami, wuxuuna Abul Acwar watay xayn
fardooley ah. Markiina ay damceen Ciraaqiyiintii inay biyaha soo cabbaan
baa waxaa udiiday ciidamadii Shaam, markaasay Cali u tegeen iyagoo oon daran
kaga andacoonaya. Markaa buu Cali dhankii Mucaawiyah u diray Sacsacata bin
Sowxaan si uu Mucaawiya ugu ogallaada ciidamada Cali inay biyaha cabbaan.
Sacsacata bin Sowxaan wuxuu u tegay Mucaawiya oo uu garab fadhiyo Camr bin
Al Caas una sheegay wixii uu Cali usoo faray, markaasuu Mucaawiya u yeeray
raggiisii oo la tashaday. Camr bin Al Caas wuxuu tilmaamay in biyaha lawada
cabbo oo la wadaago. Al Waliid bin Cuqbah bin Abii Mucayd isagu wuxuu
tilmaamay in loo diido biyaha oo aanan la siin, sidii fidnawadayaasha
ciidamada Cali kujiro ay Cuthmaan ugu diideen biyaha, si buu yiri ay u
dhandhamiyaan wixii oon ahaa ee ay Cufhmaan dhandhansiiyeen. C/llaahi ibnu
Sacad bin Abii Sarax wuxuu soo jeediyey in biyaha loo diido ciidamada Cali
illaa maalintaa uu gabbalku ka dhacayo oo habeenka laga gaarayo, sababtuna
wuxuu yiri:- Waxay udhawdahay inay dhulalkoodii ku laabtaan. Markaa buu
Mucaawiyah aamusay isagoonan wax jawaab bixinin go'aanna aanan qaadan.
Markaa buu Sacsacah bin Sowxaan weydiiyey:- Waa maxay jawaabtaada? Wuxuuna
yiri:- Ra'yigeygu wuu idiin iman doonaa arrinkan kadib.
Markaa buu Sacsacah laabtay oo amiirkii Mu'miniinta ee Cali Ibnu Abii Daalib
uga warramay wixii uu kala soo kulmay Mucaawiya iyo raggiisa. Markaa iyada
ahina Mucaawiya wuxuu meeshii biyaha geeyay ciidama uu hoggaaminaya Abul
Acwar As Sulami. Dabeeto Cali wuxuu biyaha u diray Ashcat bin Qeys Al Kindi
iyo jamaaca uu hoggaaminayo, hase ahaatee waxaa is hor dadbay ciidamadii
Abul Acwar oo u diiday inay biyaha dhaansadaan ama cabbaan. Cali bin Abii
Daalib wuxuu raggiisii amray inay adkeystaan oo ragga biyaha ka durkiyaan.
Markaa buu Ashcat weerar celin sameeyay oo labada qolo is heleen oo
gamuunnada la isku hoobiyey, oo waramada laysku shiishay oo seefaha laysku
daqray. Kadibna waxaa yimid Ashtar An Nukhaci oo gurmad dhanka Cali kasocda
ahaa iyo Camr ibnu Al Caas oo isaguna gurmad dhanka Mucaawiya kayimid ahaa,
waxaana dhacay dagaal socday jeer ciidamadii Mucaawiya laga qaaday gacan ku
hayntii goobta biyaha. Markaa buu Cali raggiisii amray in biyaha aanan cidi
loo diidin oo aanan lagu dhibin, wuxuuna amray in lawada wadaago oo lawada
cabbo labada dhinacba. Intaa kadib Cali laba maalmood buu meeshaa kusugnaa
isagoonan wax warqad ah Mucaawiya u qorin, sidoo kalena Mucaawiya majirin
warqad uu Cali muddadaas usoo qoray mana jirin ergo ay is dhaafsadeen
muddadaas labada casho ah, kadib buu Cali u yeeray Bashiir bin Camr Al
Ansaari, Saciid bin Qeys Al Hamdaani iyo Shabbath bin Ribciyi As Sahmi oo u
diray dhankii Mucaawiya si ay ugu yeeraan daacada iyo midnimadda, wuxuuna ka
dalbaday inay usoo dhageystaan waxa uu oranaya. Markay ergadan u galeen
Mucaawiya baa waxaa hadalka billaabay Bashiir bin Camr oo ku yiri:-
Mucaawiyoow! adduunyadu waad ka tegeysaa, waxaadna u noqoneysaa aakhiro,
Illaahayna wuu xisaabin doonaa camalkaaga, wuuna kaa abaal marin waxa aad
hormarsatay. Illaahay baan kugu dhaarin Mucaawiyoow! inaadan ummadan
midnimadooda kala geynin oo aadan dhiiggoodu daadin dhexdooda.
Markaa buu Mucaawiya yiri:- Oo maxaad saaxiibkiin sidaa ugu dardaarmi
weydeen?
Wuxuu yiri:- Saaxiibkey (Cali) arrinkan wuu kaa mudanyahay fadligiisa dartii
iyo diintiisa iyo ku horreyntii gelidda diinta iyo qaraabannimadiisa (uu
qaraabada la yahay Rasuulka SCW), wuxuuna kuugu yeeri inaad la mubaayacooto,
taas baa adduunyadaadu kuu wanaagsan oo aakhiradaaduna kuu kheyr badane.
Kadib Mucaawiya wuxuu ku adkeystay raadinta dhiiggii Cuthmaan bin Cafaan,
markaasuna waxaa damcay inuu hadlo Saciid bin Qeys Al Hamdaani, hase ahaatee
waxaa uga hor maray Shabbath bin Ribciyi oo hadallo uu Mucaawiya ka
carooday ku hadlay, markaasay kala tegeen oo raggii ergada ahayd Cali ku
laabteen oo uga warrameen wixii ay Mucaawiya kala kulmeen iyo
kudhegnaashahiisii ahaa raadinta dhiiggii Cuthmaan bin Cafaan Allaha ka
raalli noqdee. Markaa iyada ah buu Cali diyaariyey ciidamadiisii oo dhisay,
markaa baa waxaa billawday dagaalkii oo soconayay bishii Dul Xijjah oo idil,
Wuxuu Cali maalin weliba ciidamadiisa u sameynayay masuul cusub, sidaa oo
kale ayuuna Mucaawiya ciidamadiisa u sameynayay maalin waliba masuul cusub,
waxaana kamid ahaa madaxdii Cali ciidamadiisa Ashtar An Nukhaci oo waaga
oday weyn ahaa oo dagaalyahan ah, Xujri bin Cadiyi Shabbath bin Ribciyi,
Khaalid bin Al Muctamar, Ziyaad bin Nadar, Ziyaad bin Xafasah, Saciid bin
Qeys, Macqal bin Qeys iyo Qeys bin Sacad bin Cubaada.
Madaxdii ciidamada Mucaawiyana waxaa kamid ahaa C/Raxmaan bin Khaalid bin Al
Waliid, Abul Acwar As Sulami, Xabiib bin Maslama Al Fihri, Dil Kulaac Al
Ximyari, Cubeydullaah bin Cumar bin Khaddaab, Shuraxbiil bin Samadh iyo
Xamzah bin Maalik Al Hamdaani. Waxaa dhici jirtay in labada qolo
maalmahaasi dagaalka ay kulmaan maalintii labo goor.
Sanadkan isaga ahi waxaa dadka xajiyey C/llaahi ibnu Cabbaas bin C/Mudalleb
oo amarkii amiirka Mu'miniinta ku xajisiiyey.
SANADKII 37AAD
Bilawgii sanadkan amiirkii Mu'miniinta Cali bin Abii Daalib iyo Mucaawiya
waxay isla deganaayeen goobta Safiin oo dhacda daanta galbeed ee webiga
Furaat iyo bariga Shaam, iyadoo mid waliba uu wato ciidamo culus, waxay
diriri dhex mareysay bishii Dul Xaj oo idil, waxaana dheceysay in maalmaha
qaarkood ay labo mar dagaallamaan sidaynuba soo xusnay.
Kadib Cali wuxuu diray qaar kamid ah raggiisii, kuwaasoo kala ah Cadiyi bin
Xaatim, Yaziid bin Qeys Al Arxabi, Shabbath bin Ribciyi iyo Ziyaad bin
Xafasah oo uu u diray dhanka Mucaawiyah erga ahaan. Waxay u tageen Mucaawiya
oo uu garab fadhiyo Camr bin Al Caas, saa waxaa hadalkii billaabay Cadiyi
bin Xaatim oo inta Alle mahadiyey kuna amaanay waxa uu u ehel yahay yiri:-
Intaa dabadeed, Mucaawiyoow! Annagu waxaanu kuugu nimid inaan kuugu yeerno
arrin uu Alle ku kulminayo kalmadeenna, oo dhiigguna ku badbaado, dadka
dhexdooduna haggaajisa. Ina adeerkaa (Cali) waa seydkii Muslimiinta oo ah
koodii ugu fadli badnaa uguna horreeyay Islaamka, waana ninka ugu raad
wanaagsan Islaamka dhexdiisa. Dadkii oo idil isaga ayay raaceen oo Alle ku
hanuuniyay wixii ay arkeen, mana harin cid aanan adiga iyo kuwa kula socdo
ka ahayn. Mucaawiyoow! yaanay idin ku dhicin adiga iyo asxaabtaada wixii
dhacay maalintii Jamal.
Mucaawiya baa markaa hadlay oo yiri:- Waxaad mooddaa inaad u timid
handadaad oo aadan u iman maslaxa. Mucaawiya wuxuu ku dhagay mowqifkiisii
ahaa raadinta dhiiggii Cuthmaan bin Cafaan, waxaanan taas ahaynna wuu
diiday.
Kadib waxaa hadlay Shabbath bin Ribciyi iyo Ziyaad bin Xafasah oo xusay
fadliga Cali iyo wanaaggiisa waxaana hadalladoodii kamid ahaa sidan:- Alle
ka cabso Mucaawiyoow! oo ha khilaafin, Innagu Illaah baan ku dhaarannaye
inaynaan arag horey qof kaga camal badan taqwadda Alle oo kaga zaahidnimo
og adduunyada oo kaga kulansasho badan khasladaha kheyrka oo idil (isaga
Cali). Kadib Mucaawiya baa hadlay oo inta Alle mahadiyey ku amaanay waxa uu
ehel uyahay kadibna yiri:- Intaa dabadeed, idinku waxaad iigu yeereysaan
midnimada iyo adeecid, ammaa jamaacadu waa macna gaar ah, ammaa adeecidduna
oo sidee baan ku adeecaa nin ku gargaaray dilkii Cuthmaan iyadoo uu weliba
sheeganayo inuusan isagu dilin? Innaguna u celin meyno arrinkaa isaga oo ku
tuhmi meyno, hase yeeshee wuxuu soo dhaweyey raggii dilay. Marka ha inoosoo
dhiibo aanu dilno (raggii dilay Cuthmaan) kadibna waan idinka ajiibeynaa
daacadda iyo jamaacaduba.
Markaa bay ergadii laabteen oo u tegeen Cali oo uga warrameen wixii dhex
maray Mucaawiya iyo iyaga. Mucaawiyana wuxuu soo diray Xabiib bin Maslama,
Shuraaxbiil bin Samadh iyo Macni bin Yaziid bin Al Akhnas, wuxuuna u diray
dhankii Cali ergo ahaan. Markay u tegeen Cali baa waxaa dhex maray doodo
aad u dhaadheer oo xusiddeedu ay nagu dheeraaneyso, waxaana ergada Mucaawiya
ay Cali ku eedeynayeen inuu soo dhaweeyay raggii dilay Cuthmaan, mararka
qaar isaga qudhiisa bay ku eedeynayeen inuu ka dambeeyay iyadoo uu beri ka
ahaa Allaaha ka raalli noqdee.
Abuu Dardaa Al Ansaari iyo Abuu Umaamah oo ciidamadii Shaam ka tirsanaa baa
waxay u tegeen Mucaawiya oo ay ku yiraahdeen:- Mucaawiyoow! maxaad kula
dagaalleysaa ninkan? Illaah baan ku dhaarannaye isaga baa idinkaga horreeyay
adiga iyo aabahaaba Islaamka oo kaaga dhawaan og Rasuulka Alle SCW oo kaana
mudan arrinkan.
Markaasuu Mucaawiya yiri:- Waxaan kula dagaallamayaa dhiiggii Cuthmaan,
waayo wuxuu soo dhaweeyay raggii dilay (Cuthmaan) marka u tag oo ku
dhaha:- Inoosoo gacan geli raggii dilay Cuthmaan, dabeetana aniga ayaa noqon
doono qofkii ugu horreeyo reer Shaam ee lamubaayacooda.
Markaasay is raaceen oo u tegeen Cali oo ku yiraahdeen sidii uu Mucaawiya
soo amray, saa waxaa kusoo baxay khalqi tiro badan oo ku yiraahdeen:-
Innagoo dhan baa dilnay Cuthmaan ee ciddii doonto haynoo soo baxdo. Kadib
Abuu Dardaa iyo Abuu Umaamah way laabteen oo dagaalka isaga baxeen, mana ay
xaadirin dib dambe.
Bishaa Muxarram oo idil wax dagaal majirin oo ergada iyo warqadaha ayay is
dhaafsanayeen labada dhinac, markiina laga baxay bishii Muxarram buu Cali
diray goor gabbal dhac ah Yaziid bin Al Xaarith Al Jushmi si uu reer Shaam
uga dhex yeero oo ogeysiiyo in Cali uu weerarayo bacdamaa uu ku hungoobay
ergadii iyo warqadahii badnaa ee ay isdhaafsanayeen muddadii bisha ahayd..
Shaamiyiinta aad bay dhawaqaas ula yaabeen, oo uga naxeen, markaa bayna
Mucaawiya iyo Camr bin Al Caas ciidamadoodii si huleel ah udhiseen oo
meymanadii iyo meysaradii diyaariyeen. Calina isla habeenkaas buu
ciidamadiisii dhisay oo fardooleyda reer Kuufa wuxuu u dhiibay Ashtar An
Nukhaci, ciidamada lugta ee Kuufiyiintuna wuxuu madaxa uga dhigay Cammaar
bin Yaasir. Ciidamada fardooleyda ee reer Basra wuxuu u dhiibay Sahal bin
Xaniif Al Ansaari, kuwooda lugtana wuxuu madax uga kala dhigay Qeys bin
Sacad Al Ansaari iyo Haashim bin Cutbah bin Abii Waqaas. Guud ahaan
ciidamadiisa qaarigooda wuxuu u doortay Sacad bin Fadaki At Tamiimi.
Markaa buu Cali ciidamadiisii kusoo baxay oo dardaaranno fiican siiyey oo
amray inaanay ciidamadiisi weerarka billaabin iyo in aanan dhaawac la isa
sii raacin iyo in aanan la eryan mid cararay sidoo kale wuxuu amray inaanan
la caayin madaxda Shaamiyiinta.
Habeenkaa isaga ah subaxiisii buu Mucaawiya soo dhaqaaqay isagoo
ciidamadiisa midigta udhiibay Dil Kulaac Al Ximyari, ciidamada bidaxdana
wuxuu u dhiibay Xabiib bin Maslama Al Fihri, ciidamadiisa horena wuxuu madax
uga dhigay Abul Acwar As- Sulami, ciidamada fardooleyda reer Dimishiqna
wuxuu u dhiibay Camr bin Al Caas halka ciidamada lugta ee reer Dimishiqna uu
madax uga dhigay Daxaak bin Qeys Al Fihri, ciidamada reer Falastiin wuxuu u
dhiibay Maslama bin Mukhlid, calanka guud ee ciidanka wuxuu u dhiibay
C/Raxmaan bin Khaalid bin Al Waliid, ciidamada dambana wuxuu madax uga
dhigay Busur bin Abii Ardhaah Al Caamiri.
150 000 ayaa lagu sheegaa ciidamadii Cali inay maalintaa ahaayeen, halka
lagu sheega ciidamada Mucaawiya inay ahaayeen 130 000. Koox reer Shaam baa
markaa waxay isku dhaarsadeen inaanay cararin oo kuballameen sugnaan iyo
sabar. Waxay ahaayeen Shan safood kuwaa iyaga ahi ee ku ballamay sugnaanta
iyo adkeysiga, waxaa kaloo daba tiillay 6 safood oo kale. Ciidamada reer
Ciraaqna sidaa oo kale waxay sameysteen 11 saf oo hore. Markaa bay labada
qole kulmeen maalintii kowaad ee bisha Safar oo ahayd maalin Arbaca ah ee
sanadkan, amiirka dagaal gelinta ciidamada Ciraaqiyiintuna wuxuu maalintaasi
ahaa Al Ashtar An-Nukhaci, halka ciidamada Shaamna uu dagaal gelinayay
dhiggiisa Xabiib bin Maslama Al Fihri, saa waxaa dhex maray dagaal daran oo
kulul oo socday illaa galabkii. Gelinkii dambe ee maalintaa bay kala hoydeen
oo dagaalkii qaboobay iyadoo qolaba qolada kale ay u adkeysanayso. Dabadeed
subaxii labaad oo ahaa subax Khamiis ah bay isu soo jarmaadeen oo sidii oo
kale dirir daran dhex martay, iyadoo ciidamada Ciraaqiyiinta uu maalintaa
dagaal gelinayay Haashim bin Cutbah bin Abii Waqaas, halka ciidamada
Shaamna uu dagaal gelinayay Abul Acwar As- Sulami. Way dirirayeen labada
qolo jeer la gaaray gelinkii dambe ee maalintaas oo ay markaa kala hoydeen
iyadoo qola waliba ay kooxda kale u adkeysanayso. Subaxii saddexaad oo ahaa
aroor Jumcaad bay isku soo kallaheen iyadoo dhanka Ciraaqiyiintu uu dagaal
gelinayay Cammaar bin Yaasir halka Shaamiyiintu uu maalinkaa dagaal
gelinayay Camr bin Al Caas. Waxaa maalintaan labada dhinac dhex maray dagaal
daran. Cammaar bin Yaasir baa weerar culus ku qaaday ciidamadii Camr bin Al
Caas oo meeshoodii ka durkiyey. Saa waxaa mubaaraso soo baxay Ziyaad bin Al
Nadar oo kamid ahaa hoggaamiyaashii fardooleyda Cali, waxaana usoo baxay nin
dhanka Shaamiyiinta ah. Markii labada nin kulmeen bay is garteen, oo waaba
labo ka wada dhalatay xagga hooyada, markaasuu midba midka kale ka leexday
oo kooxdiisii u laabtay. Fiidkii markii la gaaray buu dagaalkii istaagay oo
ay labadii qolo kala hoydeen. Subaxii afraad oo ahaa subax Sabti ah bay isu
soo kallaheen. Waxaa subaxaas soo baxay Muxammed bin Cali bin Abii Daalib
(oo loo yaqaannay Muxammed bin Xanafiyah) oo hoggaaminayay ciidamada
Ciraaqiyiinta, wuxuuna dagaal gelinayay ciidamo aad u culus. Ciidamada
dhiggiisa ah ee Shaamiyiintuna waxaa maalintaa dagaal gelinayay Cubeydullaah
bin Cumar bin Khaddaab, saa waxaa labada dhinac dhex maray dagaal daran.
Cubeydullaah bin Cumar baa mubaariso soo baxay isagoo ka dalbanaya Muxammed
bin Cali inuu usoo baxo mubaariso. Muxammedna wuu yeelay oo u soo baxay,
markii ay inyar isu jiraan oo isu dhawaadeen, buu Cali yiri:- Waayo labada
qof ee mubaarisada isu baxaysa? Waxaa lagu yiri:- Waa wiilkaagii Muxammed
iyo Cubeydullaah. Waxaa la yiraahdaa markaa buu Cali dhaqaajiyey
daabaddiisii oo amray wiilkiisii inuu istaago. Markii uu Cali yimid, buu ka
dalbaday Cubeydullaahi inuu isaga usoo baxa Mubaariso ahaan, hase ahaatee
Cubeydullaah wuu diiday. Mar kale ayuu Cali ka dalbaday hase ahaatee sidii
oo kale ayuu u diiday, dabeetana Cali dib buu isaga laabtay. Labadii qolana
way kala hoydeen. Maalintii shanaad bay isu soo baxeen oo ahayd maalin
Axad ah iyadoo ciidamada Ciraaqiyiinta uu hoggaaminayay Cabdullaahi bin
Cabbaas halka ciidamada Shaamiyiintuna uu hoggaaminayay ama dagaal gelinayay
Al Waliid bin Cuqbah bin Abii Mucayd. Waxaa la sheegaa in Cabdullaahi bin
Cabbaas uu maalintan si daran u dagaallamay. Kadib way kala hoydeen oo waxay
isu soo jarmaadeen subaxii lixaad oo ahaa subax Isniin ah, iyadoo ciidamada
Ciraaqiyiinta uu dagaal gelinayo Qeys bin Sacad bin Cubaada, halka ciidamada
reer Shaamna uu dagaal gelinayay Dil kulaac Al Ximyari. Waxaa dhexmaray
labada dhinac dagaal kulul sidii hore oo kale iyadoo labada qolaba ay isu
sabrayaan oo sugnaan iyo adkeysi ay mid waliba latimid goobta, kadibna way
kala hoydeen.
Ashtar An- Nukhaci baa maalintii toddobaad oo ahayd maalin Talaado ah soo
baxay isagoo dagaal gelinaya ciidamada Ciraaqiyiinta, saa waxaa kusoo baxay
dhiggiisii Xabiib bin Maslamah Al Fihri oo isaguna maalintaa dagaal
gelinayay ciidamadii Shaamiyiinta. Waxaana dhex maray labada dhinac dagaal
kulul oo aad u daran oo socday illaa galabkii, iyadoo maalmahaasi oo idil
dagaallada dhacayay aanay jirin cid ka adkaaneyso cid kale.
Maalintii xigtay oo ahayd Arbaco ayuu Cali ciidankiisii ka dhex istaagay
salaaddii Casir kadib oo amray inay dagaal culus isu diyaariyaan oo ka
dalbaday sabir iyo sugnaan iyo ka run sheegid goobta dagaalka, Wuxuu Cali
ciidamadiisa xasuusiyey in berritoole ay la kulmi doonaan reer Shaam,
wuxuuna ka codsaday inay habeenkaa isaga ahi ay salaadda dheereeyaan oo
akhrinta Quraankuna ay badiyaan, iyo weliba ka run sheegid goobta macrikada.
Markaa bay ciidankii billaabeen inay seefihii afeystaan oo waramadu
haggaajistaan oo howl culus ay galeen. Markii ooggu baryay, Cali wuxuu la
waa' bariistay ciidamadiisii oo sidii uu doonay u diyaariyey, sidoo kale
Mucaawiyana wuxuu la waa' bariistay ciidamadiisii oo isaguna uu habbeenkaasi
siduu doono usoo dhisay. Waxaa lala yimid labada dhinacba cudud iyo cadad
iyo hub aad u culus. Wa billaahil Mustacaan.
Cali bin Abii Daalib wuxuu amray ciidamadiisii in qola waliba oo kamid ah
qabaa'ilka ciidankiisa ay ku hagaagto qoladeeda kale ee ku jirta ciidamada
Shaam. Cali bin Abii Daalib horey ayuu usoo dhaqaaqay isagoo hoggaaminaya
ciidamada dhexda ah oo ahaa reer Madiina, ciidamadiisa midigtana waxaa
hoggaaminayay Cabdullaahi bin Budeyl bin Warqaa Al Khuzaaci, kuwa bidixduna
waxaa hoggaaminayay Cabdullaahi bin Cabbaas, qurraa'duna waxaa hoggaaminayay
Cammaar bin Yaasir iyo Qeys bin Sacad bin Cubaadah, halka qabiilooyinkuna ay
calama qaas ah wateen.
Mucaawiyana wuu soo dhaqaaqay subaxaas isagoo reer Shaam geeri kula
mubaayacooday, markaasay labadii qolo isasoo hordageen. Cabdullaahi bin
Budayl oo ciidamada midigta ee Cali hoggaaminayay baa weerar ku qaaday
ciidamadii hortiisa ahaa ee Shaamiyiinta (kuwii bidixda ee ciidamada reer
Shaam) kuwaasoo uu hoggaaminayay Xabiib bin Maslama Al Fihri, saa wuu
durkiyey oo u geeyay kuwii dhexda oo uu markaa Mucaawiya naf ahaantiisa
hoggaaminayay. Cabdullaahi bin Budayl-na ciidamadiisii buu inta dhex
istaagay ku boorinayay dagaalka iyo inay horey ugu sii socdaan. Sidoo kale
amiirkii Mu'miniinta ee Cali bin Abii Daalib isaguna markaa dagaalka buu
raggiisa ku boorinayay oo ku dhiiragelinayay. Mucaawiyana dhankiisa sidaa oo
kale buu u geesinnimo gelinayay raggiisa oo ugu boorinayay dagaalka.
Markiina uu Mucaawiya arkay jabka soo gaaray ciidamadiisa bidixda iyo in
Xabiib lasoo durkiyey buu raggiisii ku booriyey oo amray in weerar culus ay
qaadaan oo u gargaaraan Xabiib. Raggii halyeeyada Shaam baa markaa si
huleel ah ugu gurmadey dhankii bidixda ee Xabiib bin Maslama uu ka
dagaallamayay, saa waxay soo qaadeen weerar culus oo ka run sheegid ah.
Goobaha kale dagaalku si daran ayuu uga soconayay oo waramadu la isla
helayay, seefuha la isku waray oo gamuunnaduna la isku shabiyey. Heer waxay
gaareen markii seefaha, waramada iyo gamuunnada layskala daalay la lagdamay
oo lays qaniinay oo lays feeray oo dulka la isla galay, oo lays shiiday
(yacni la is dhagaxyeeyay), waxaa dhacaysay in laba nin inta is qabsato
isqaniiinaan misna legdamaan oo dhulka muddo ku raftaan haddana ay kala
kacayeen oo haddana isku noqonayeen.
Culamaayi taariikh waxay xusaan in Cali maalmahii Safiin uu mubaaraso ku
laayay dad dhan 500 . Qaabkii uu mubaarisadu dadka ugu laynayay waxaa kamid
ahayd in Kureyb bin Sibaax oo kamid ahaa halyeeyadii ciidamada Shaam uu
mubaariso ku dilay afar nin oo reer Ciraaq ah. Markaa buu Kurayb inta
dhammaan meydkoodii lugtiisa hoosteeda dhigay buu yiri:- Yaa ii soo baxaya?
Saa waxaa ubaxay Cali oo qudha ka saray oo meydkiisii inta ka tallaabsaday
yiri:- Yaa iisoo baxaya? Saa waxaa u baxay Al Xaarith bin Waadicah Al
Ximyari, saa isagiina wuu dilay. Mar kale ayuu Cali dalbaday in cidi usoo
baxdo, markaa waxaa usoo baxay Rawaad bin Al Xaarith Al Kulaaci oo kamid
ahaa halyeeyadii reer Shaam, saa isagiina waa uu dilay. Misna mar kale ayuu
Cali dalbaday mubaariso, saa waxaa usoo baxay Al Mudaac bin Muddalib Al
Qeysi, saa isagiina raggiisii buu ka daba geeyay oo qudha ka jaray. Markaa
buu Cali Allaha ka raalli noqdee akhriyey qowlka Alle sarreeye
''Xurmooyinkuna waa qisaas''. Suuradda
Al Baqrah aayadda 194d.
Intaa dabadeed Cali wuxuu u jeestay dhankii Mucaawiya oo ka dalbaday
Mubaariso. Camr bin Al Caas oo markaa Mucaawiya ka ag dhawaa ayaa kula
taliyey in Mucaawiya uu Cali u baxo mubaarizo ahaan, hase ahaatee Mucaawiya
wuu diiday inuu Cali isku toosiyo mubaarizo ahaan, waayo wuxuu ogaa in aanan
Cali weligii horey looga adkaan. Sidoo kale wuxuu xasuusnaa in Rasuulka Alle
SCW uu maalintii Bader yiri:- Ma jirto seyf aanan ahayn Dilfaqaar, mana jira
kuray aanan ahayn Cali.
Sidaa darteed Cali dib ayuu isaga laabtay. Waxaa la sheegaa in Camr bin Al
Caas iyo Cali ay saaxada dagaalka ku kulmeen mar oo inta Cali gaashaankii
ka tuuray Camr buu dhulka ku riday, saa waxaa faydmatay cawradii Camr,
markaasuu xasuusiyey riximnimada oo ku cataabay wada dhalashada. Markaa buu
Cali dib u laabtay. Raggiisii baa weydiiyey sababta uu uga soolaabtay ninka
oo uu u dili waayay? Cali wuxuu ku yiri:- Ma garanaysan ninka? Waxay
yiraahdeen:- May. Wuxuu yiri:- Waa Camr bin Al Caas oo iga horkeenay
cawradiisii oo i xasuusiyey riximka, markaasaan kasoo laabtay.
Xabiib bin Maslama iyo halyeeyadii geesiyaasha ee reer Shaam, waxay soo
qaadeen weerar culus oo ay ku wiiqeen awooddii ciidamadii midigta ee
Cabdullaahi bin Budayl, markaasay kashifmeen raggii Cabdullaahi bin Budayl
oo carareen, waxaana kusoo haray 300 oo qura. Ciidamadii reer Ciraaq way
jabeen oo xitaa Cali agtiisa waxaa kusoo hartay in yar oo ah reer Madiina oo
kaliya, kuwaasoo uu hoggaanka markaa u hayay Sahal bin Xaniif Al Ansaari.
Rabiica iyagun way sugnaadeen oo maanay cararin, agta Cali bayna ka
dagaallamayeen oo difaac culus ku jireen. Ciidamadii Shaamiyiintuna waa ay
soo dhawaadeen jeer gamuunnadoodii ay soo gaareen Cali agtiisa. Adeega u
joogay reer banii Umaya baa markaa raggiisii kasoo dhex baxay, saa waxaa u
baxay adeega uu lahaa Cali. Markay is heleen waxaa la dilay adeegahii Cali,
saa adeegihii reer banii Umayah horey buu usii socday jeer uu kudhawaaday
Cali agtiisa isagoo doonaya inuu dila. Waxaa markaa iyada ahi Cali la
joogay wiilashiisa, Xasan iyo Xuseen iyo Muxammed. Markii uu adeegahii ku
dhawaaday Cali baa inta uu qabtay gacanta ayuu maroojiyey deedna dhulka ku
ganay oo garabka ka jabay. Xuseen iyo Muxammed baa inta kusoo baxay
seefahoodii qudha uga jaray oo dilay. Cali intuu wiilkiisii Xasan ku
jeestay buu weydiiyey:- Maxaa kuu diiday inaad fasho siday (walaaladaa)
faleen? Wuxuu Xasan ku jawaabay:- Way iiga fillaadeen amiirkii
Mu'miniintoow!!.
Wuxuu Cali markaa amray Ashtar An- Nukhaci inuu ka daba tego dadkii jabay
oo uu soo celiyo, saa Ashtar wuu dhaqaaqay oo inta kadaba tegay soo celiyey
oo ku booriyey dagaalka amrayna inay sugnaadaan oo weerar culus ay ku
qaadaan Shaamiyiinta. Markii uu Ashtar soo celiyey raggii jabay, waxay
ciidamadii Cali noqdeen kuwa culus oo awooddii ka hor timaaddaba wiiqa oo
kafisho weerarada reer Shaam oo idil, sidaa buu Ashtar usoo socday jeer uu
soo gaaray ciidamadii midigta ee Cabdullaahi bin Budayl oo markii hore ay
agtiisa ku hareen 300, kuwaasoo goobtoodii ku sugnaaday oo diriray dirir
daran. Markii gurmadkan uu soo gaaray bay weydiiyeen amiirkii Mu'miniinta
xaalkiisa? Iyana waxay usheegeen inuu bed qabo oo aanay balo helin. Goortu
waxay ahayd salaaddii Casir kadib, Cabdullaahi bin Budayl markii uu gurmadku
u yimid buu damcay in uu weerar culus qaado, hase ahaatee Ashtar An Nukhaci
baa kula taliyey inuusan wax weerar ah qaadin isagoo usheegay inay isaga u
roontahay inuu meeshiisa kusugnaado. Cabdullaahi bin Budayl wuu diiday
arrinkaa, weerar ayuuna ku qaaday dhankii ciidamada reer Shaam, oo abbaaray
dhankii Mucaawiya, markiina uu kudhawaaday wuxuu arkay isagoo (Mucaawiya)
uu dhex taaganyahay asxaabtiisa oo hareerahiisuna ay dhoobanyahiin guutooyin
ciidamo ah oo lamoodo buuro oo kale. Markaa baa qeybo kamid ah
guutooyinkaas baa weerar kusoo qaadeen dhankii Cabdullaahi oo way dileen,
isagoo mayd ayuuna dhulka ku dhacay. Halkaa ayuuna ku naf waayay amiirkii
ciidamada midigta ee Ciraaqiyiinta ee ahaa Cabdullaahi bin Budayl bin
Warqaa Al Khuzaaci, raggiisiina waa ay jabeen, jabkooduna waxaa u badnaa
kuwa daawac la baxsaday. Wuxuu Mucaawiya amray asxaabtiisii inay soo eegaan
cidda amiirka u ahayd ciidamadaas, markiina ay dul yimideen maydkii
Cabdullaahi bin Budayl, way garan waayeen. Mucaawiya baa markaa yimid, oo
markuu arkay waaba Cabdullaahi bin Budayl bin Warqaa oo uu si fiican
uyaqiinay. Dabadeed Ashtar An Nukhaci baa wuxuu la laabtay kuwii soo jabay
oo weerar culus qaaday, illaa uu dhex gooshay safafkii shanta ahaa ee ku
ballamay geerida iyo inaysan cararin afar kamid ah. Wuxuu dul istaagay
safkii ugu weynaa oo ku dadbanaa Mucaawiya hortiisa, markiina uu Ashtar
arkay tira badnida safkaas buu ku sigtay inuu baxsada hase ahaatee wuxuu soo
xasuustay tix gabay ah oo uu tiriyey Camr bin Idnaabah, taasoo
dareensiisay in xilliyadaas oo kale aanay habbooneyn in la cararo. Markaa
buu Ashtar weerarkii adkeeyay oo sugnaaday isaga iyo raggiisiiba oo diriray
dirir daran. Mucaawiya markuu arkay weerarada Ashtar ee aanan loo babac
dhigi karin buu ku sigtay inuu baxsada, saa wuxuu la hadlay Camr bin Al Caas
oo dhinaciisii taagnaa oo uu ku yiri:- Maantu waa sabir, berrina waa faan.
Camr bin Al Caas baa ugu jawaabay:- Run baad sheegtay.
Wuxuu yiri Mucaawiyah:- Waxaan asiibay kheyrkii adduunyada, waxaana rajayn
inaan asiibo kheyrka aakhiro.
Mucaawiya intii dagaalladaas lagu jiray buu mar warqad u qoray Khaalid bin
Al Muctamar oo kamid ahaa hoggaamiyaashii fardooleyda Cai isagoo ka
codsanaya in isaga iyo inta uu hoggaaminayaba ay isaga kusoo biiraan,
wuxuuna taa badalkeeda u ballan qaaday inuu masuul uga dhigi doono dhulka
Ciraaq oo idil.
Dagaalkii dhacay maalintan waxaa ku hoobtay rag badan oo kamid ah
geesiyaashii labada dhinac iyo rag caan ahaa. Fa innaa lillaah wa innaa
illeyhi raajicuun. Raggii caanka ahaa ee maalintaa ku geeriyooday dagaalkan
waxaa kamid ahaa Cubeydullaah bin Cumar bin Al Khaddaab oo katirsanaa
halyeeyadii ciidamada Shaam. Maalintaa iyada ah raggii amaraada ciidamada
reer Shaam ayuu kamid ahaa, waxaana la socdeen labadiisii dumar oo lakala
oran jiray Asmaa bint Cudhaarid bin Xaajib At- Tamiimiyah iyo Baxriyah bint
Hannaay bin Qabiisah Ash Sheybaaniyah. Gadaashiisa ayay istaageen si ay u
eegaan geesinnimadiisa iyo sida uu u dagaallamayo odaygooda. Mar qura baa
waxaa weerar kusoo qaaday ciidamo Kuufiyiin ah oo reer Rabiica ah, kuwaasoo
uu hoggaaminaya Ziyaad bin Xafasah At- Tamiimi, markaasay mar qura waramada
iyo seyfaha ku adkeeyeen oo dileen, ka gadaal markii ay asxaabtiisii ka
carareen. Sidoo kale waxaa la dilay maalintaa Dul Kulaac Al Ximyari oo kamid
ahaa geesiyaashii reer Shaam.
Raggii akhyaarta ahaa ee ku naf waayay Safiin maalintaa iyada ahi waxaa
kamid ahaa Cammaar bin Yaasir Al Canasi, kaasoo daliil u ah in kooxda Cali
ay ahayd kuwa xaq ku taagan, halka kooxda Mucaawiyana ay ahaayeen kuwa xad
gudbay. Rasuulkii Alle SCW wuxuu yiri:- Camaaroow! waxaa ku dili doonto
kooxda xadgudubtay''.
Sidoo kale wuxuu yiri:- Markay ummaddu is khilaafta, ina Sumayah (Camaar)
wuxuu la jiri doonaa kuwa xaqa kutaagan.
Waxaa la sheegaa inuu ahaa ninkii Cammaar dilay Abul Qaadiyah Yassaar Al
Muzanniyi (ama Al Juhani), Waxay ina tusineysaa in dilka Cammaar uu ahaa,
mid reer Ciraaq ay ahaayeen kuwa xaq ku socda halka, ciidamada Shaamiyiinta
ay ahaayeen xad gudbay. Axaadiis dhowr ah ayuu Rasuulka Alle SCW ku
tilmaamay in Cammaar ay dili doonaan koox xad gudubtay. Sidaa darteed
Cammaar wuxuu lasocday Cali oo wuxuu daliil u yahay in Cali uu ahaa
hoggaamiyaha koox xaq ku taagan halka, Mucaawiyana uu ahaa mid hoggaaminayay
koox xad gudubtay.
Cabdullaahi bin Camr bin Al Caas ayaa aabahii ku yiri:- Aaboow! ma waadan
maqal Rasuulka Alle SCW oo Camaar ku leh:- Hooge ina Sumayoow! waxaa ku
dili doonto koox xadgudubta? Markaasuu Camr bin Al Caas ku yiri Mucaawiya:-
Ma waadan maqlayn waxa uu Cabdullaahi-gan leeyahay? Markaa baa Mucaawiya
intuu carooday yiri:- Ma innagaa dilnay? Waxaa dileen kuwii meesha keenay.
Axaadiis dhowr ah ayaa muujineysa in Cammaar ay dili doonta koox xad
gudubtay, sidoo kale waxaa cad in uu la socday Cali oo misna uu kamid ahaa
raggii ugu cad caddaa masuuliyiintii Cali.
Cammaar bin Yaasir bin Caamir bin Maalik Al Mudxaji Al Canasi, halkaa ayuu
ku shahiiday Allaha ka raalli noqdee. Sidoo kale waxaa kamid ahaa dadkii
maalintaa ku shahiiday Haashim bin Cutbah bin Abii Waqaas Allaha ka raalli
noqdee, wuxuu kamid ahaa saadaaddii saxaabada, wuxuuna ka tirsanaa
masuuliyiintii Cali.
Markii la dilay Cammaar baa Cali wuxuu reer Rabiica iyo Hamdaan ku yiri:-
Idinku waxaad tahiin diracayga (cambuur bireedka dagaalka) iyo warankayga.
Markaasay xaggiisa u soo dideen 12 000 oo ay weerar culus qaadeen, saa saf
kastoo ka hor yimaadama way kashifeen illaa markii dambe ay gaareen
Mucaawiya agtiisa. Cali intaa wuu la socday oo guubaabinayay. Dabadeed wuxuu
hor mariyey wiilkiisa Muxammed iyo koox culus oo uu hoggaaminaya, saa waxay
dirireen dirir daran oo wuxuu misna kadaba diray koox kale, markaasay
weeraro culus oo is daba joog ah qaadeen, garaangirtii dagaalkuna ay
wareegatay, halkaasoo ay ku naf waayeen khalqi aad u tiro badan oo labada
dhinac ah. Sidaa baa lagu gaaray salaaddii Cishaha, dagaalkuna ma uusan
qaboobin ee wuu sii socday, habeenkaa isaga ahi wuxuu ahaa habeenkii ugu
shar badnaa Muslimiinta dhexdooda, waana habeenkii loogu magac daray
Leylatul Hariir. Waxay ahayd habeen Jumca ah, Calina wuxuu hoggaaminayay
ciidamadiisa dhexda wuxuuna amrayay inay sugnaadaan oo aanay cararin sidoo
kale wuxuu ku boorinayay dagaalka. Ciidamadiisa midigtuna waxaa
hoggaaminayay Ashtar oo qabtay masuuliyaddaas kadib markii galabkii
khamiista la dilay amiirkii ciidamadaas, kaasoo ahaa Cabdullaahi bin Budayl
sidaynuba soo xusnay, kuwa bidixdana waxaa hoggaaminayay Cabdullaahi ibnu
Cabbaas. Dagaalku habeenkaas dhan waliba wuxuu uga socday si daran oo aanan
horey loo arag. Dagaalku wuu socday illaa la gaaray subaxii, say tukadeen,
halkii buuna mar kale kasii billawday dagaalka oo uu socday jeer la gaaray
barqadii maalintaa oo ahayd maalin Jumca ah, markaasoo Illaahay guushii u
soo dedejiyey reer Ciraaq, oo ay ka sare mareen oo ka gacan sareyeen, kana
awood bateen reer Shaam. Sababtuna waxay ahayd markii la dilay Cabdullaahi
bin Budayl baa waxaa ciidamadii midigta masuul looga dhigay Ashtar An
Nukhaci, wuxuuna Ashtar ahaa mid kamid ah halyeeyadii iyo geesiyaashii
caanka ku ahaa dagaalka, wuxuu tab iyo xeelad sare u yaqiinay qaabka
dagaalka, markaa buu weerarro is daba joog ah kuqaaday dhanka Shaamiyiinta.
Dhanka kale reer Ciraaq markii ay arkeen in Camaar la dilay bay yaqiinsadeen
inay xaq ku taaganyahiin iyo in reer Shaam ay yahiin koox xad gudubtay.
Markaa bayna dagaalkii laba jibaareen oo si ka daran sidii hore u
dagaallameen, Taasina waxay sababtay in maalintaa Jumcada ahi subaxeediii
Illaahay nasri u keeno reer Ciraaq oo ay ka awood roonaadeen reer Shaam,
markaasoo reer Shaam ay musxafka kor u qaadeen si ay isaga ugu xukuntamaan.
Reer Shaam oo Musxafka Kor u Qaaday
Sababtu waxay ahayd markii xaaladdii darnaatay oo dagaalkii kululaaday, reer
Shaamna ay arkeen inay daciifeen, baa Camr bin Al Caas wuxuu jecleystay inuu
xaalku qaboobo oo dagaalku istaago, markaasuu la hadlay Mucaawiya oo uu ku
yiri:- Waxaan qabaa arrin aanan noo siyaadineyn waqtigan la joogo wax aanan
midnimo ahayn, iyana (reer Ciraaq) aanan u siyaadineyn wax aanan kala tag
iyo tafaraaruq ahayn, waxaan arkaa inaynu Musxafka kor u qaadno oo aanu ugu
yeerno xaggiisa. Haddii ay naga wada yeelaan idilkood, waxaa istaagaya
dagaalka waqtigan. Haddii ay dhexdooda isku khilaafaan, oo barkoodu
yiraahdaan, waanu yeeleynaa, barkoodna yiraahdaan ma yeeleyno cududdoodii
way kala tagaysaa oo way jabayaan. Markaa buu Mucaawiya arrintaa ku raalli
noqday oo reer Shaam Musxafkii kor u qaadeen iyagoo ugu yeeraya Cali iyo
reer Ciraaq in ay isaga (Musxafka) ku kala baxaan. Waxaa la sheegaa Ashcath
bin Qeys inuu Cali kula taliyay inuu arrinkaasi ka yeelo, ciidamadii Calina
badankoodu waxay isku raaceen in dagaalka la joojiyo oo kitaabka lagu
heshiiyo. Cali taa baddalkeedu wuxuu qabay in dagaalku lasii wado, wuxuuna
raggiisa u tilmaamay in reer Shaam ay kitaabka u qaateen qadca iyo dhagar.
Dhanka kale Cali wuxuu ahaa mid ku xukuntama kitaabka Alle, sidaa darteed
buu amray in Ashtar uu joojiyo dagaalka.
Cabdullaahi bin Camr bin Al Caas ayuu ahaa ninkii Musxafka la dhex marayay
ciidamada, isagoo xagga Alle ugu yeerayo iyo in lagu xukuntama kitaabka
Alle. Taasuna waxaa amray Mucaawiya bin Abii Sufyaan Allaha ka raalli
noqdee.
Labada dhinac waxay sameeyeen wacdaro aanan horey loo arag loona maqal iyo
weliba sugnaan iyo sabir xeel dheer oo aanan mid lamid ah horey iyo dib loo
arag. Ma jirin koox koox kale ka cararaysay bal ee way isu sabrayeen oo
waramada lays darayay sidoo kalena seefaha laysla helayay gamuunnaduna la
isku shabinayay. Way isu sabrayeen, jeer ay iska dileen labada dhinacba tiro
70 000 ah, oo 45 000 kamid ahi ay ahaayeen reer Shaam, halka 25 000 ay
ahaayeen reer Ciraaq.
Muddadii ay dagaallamayeen ee ay labada qola kusugnaayeen goobta Safiin ayaa
la isku khilaafaa. Seyf bin Cumar wuxuu yiri:- Waxay is haysteen 7 bilood
ama 6 bilood.
Abul Xassan Al Baraa wuxuu yiri:- Waxay is haysteen 100 maalmood.
Sida uu Ibnu Kathiir rajaxay waxay tahay in ay kulmeen bilashadii bisha Dil
Xaj ee sanadkii hore yacni sanadkii 36aad, oo ay is haysteen illaa 13-kii
bisha Safar sanadkan yacni 37aad ee Hijriga maalin Jumca ah. Sidaasina waxay
noqon 77 maalmood Wallaahu aclam.
Axaadiis dhowr ah ayaa jirta oo tilmaameysa dhacdadaan oo Rasuulku SCW sii
sheegay, waxaana kamid ah xadiis laga soo weriyey Abuu Hureyra Allaha ka
raalli noqdee in Nebigu SCW uu yiri:- Saacaddu (Qayaama) dhici mahayso, jeer
ay diriraan labo kooxood oo waa weyn, kuwaasoo dhex dooda iska dili doono
maqtalo aad u weyn, iyadoo dacwadooduna ay tahay mid qura.
Intaa ayaana kasoo qaadaneynaa axaadiista tilmaameyso dhacdadaan.
Imminkuna waa
Qisadii Xukuntamka
Kadib markii labada qolo ay isku raaceen in dagaalku la joojiyo oo la
xukuntamo, ayaa waxaa la isla gartay in dhan waliba uu ka yimaado xaakim u
matala xukuntamka. Waxaana la isla gartay in lagu raalli noqdo labadaa
xaakim wixii ay maslaxa u arkaan oo ay isku raacaan oo ay u keenaan
Muslimiinta, taasoo lagu bad baadinaya dhiigga Muslimiinta. Mucaawiya wuxuu
u wakiishay dhankiisa, Camr bin Al Caas. Cali bin Abii Daalibna wuxuu
damcay inuu u wakiisha Cabdullaahi bin Cabbaas, shallaytadiisee muuna falin,
wuxuuse u wakiishay Abii Muusa Al Ashcari.
Ashcath bin Qeys baa inta Cali u yimid u tilmaamay inuu Abii Muusa Al
Ashcari u wakiisha dhankiisa, dabeetana reer Yeman wixii ciidanka Cali
lasocday oo idil baa ku raacay oo ayiday in Abuu Muusa Al Ashcari loo
wakiisha. Cali wuxuu damcay inuu u wakiisha Ashtar, kadib markii taa ka
hor ay quraaddii ciidamadiisa ka tirsanaa diideen inuu Cabdullaahi ibnu
Cabbaas u wakiisha. Waxayna qurraadii yiraahdeen:- Oo ma waxaad sicirkii
dagaalka iyo sicirkii dhulkuba isugu dareysaa Ashtar? Markaa buuna Cali
go'aansaday inuu u wakiisha cidda ay iyagu doonaan. Axnaf bin Qeys baa ka
dalbaday Cali inuu asaga arrintaa udhiibo arrinkan una wakiisha, bacdamaa uu
Axnaf ahaa nin aad u aftahansanaa, oo xilmi badnina u dhashay. Hase ahaatee
amiirkii Mu'miniinta ee Cali bin Abii Daalib wuxuu usheegay in aanay
qurraada ciidankiisu dooneyn cidaanan Abii Muusa Al Ashcari ahayn. Kadib
waxaa lagu heshiiyey in lakala qorto warqaddii heshiiska. Saa markii la
billaabay oo la qoray bisinka, ayaa wuxuu Cali oo yeerinayay warqadda ku
yiri qorihii qorayay:- Qor tani waa wixii uu xukmiyey Cali bin Abii Daalib,
amiirkii Mu'miniinta....
Halkaa marka la marinayo ayuu Camr bin Al Caas qorihii ku yiri:- Qor
magaciisa (Cali) iyo magaca aabahiis (Abii Daalib) waayo innagu inooma ahan
amiire''.
Axnaf bin Qeys baa markaa qorihii ku yiri:- Ha qorin, waxaanan amiirkii
Mu'miniinta ahayn''. Cali bin Abii Daalib baa markaa yiri:- Tir amiirkii
Mu'miniinta oo qor, tani waa wixii uu xukmiyey Cali bin Abii Daalib... illaa
aakhirka warqadda.
Cali wuxuu markaa ka sheekeeyey qisadii Xudeybiyah, markii heshiiska ay kala
qoranayeen Nebiga SCW iyo Qureesh, warqaddaasoo uu Cali laf ahaantiisa
qorayay, markaasoo Qureeshtu ay yiraahdeen:- Tir Rasuulkii Alle, oo qor
magaciisa (Muxammed) iyo magaca aabahiis (Cabdullaahi), saa Cali uu diiday
inuu tiro Rasuulkii Alle, dabeetana Nebiga SCW baa inta ka qaaday masaxay oo
amray inuu qoro Muxammed bin Cabdillaahi.
Kadib waxaa warqaddii lagu qoray heshiiskii iyo axdigii ay labada qolo kala
qorteen, iyadoo lagu heshiiyey in lagu raalli noqdo wixii ay labada xaakim
u keenaan Muslimiinta oo maslaxa ah, waxaana lagu qoray in ay kulmaan bisha
Ramadan oo ay ku kulmaan Duumatul Jundal, iyadoo labada dhinacba uu midkiiba
soo kaxaysan doono 400 oo asxaabtiisa ah. Dabadeed warqaddii Ashcath bin
Qeys baa qaaday oo dadka kula dhex dawaafay oo ku dul akhrinayay.
Tanina waa magacyadii Raggii goobjoogga ahaa warqaddii heshiiska, dhanka
Cali waxaa ka socday 10 nin oo kala ahayd Cabdullaahi ibnu Cabbaas Al
Qurashi Al Haashimi, Ashcath bin Qeys Al Kindi, Saciid bin Qeys Al
Hamdaani, Cabdullaahi bin Dufeyl Al Mucaafiri, Xujr ibnu Yaziid Al Kindi,
Warqaa bin Sumayyi Al Cijli, Cabdullaahi bin Bilaal Al Cijli, Cuqbah bin
Ziyaad Al Ansaari, Yaziid bin Juxfah At Tamiimi iyo Maalik bin Kacab Al
Hamdaani. Tobankan waxay ka socdeen dhanka Cali, waxaa kaloo la sheegaa
inuu Axnaf bin Qeys ku jiray oo ay dhanka Cali sidaa ku noqonayaan 11 nin,
Wallaahu aclam.
Dhanka Mucaawiyana raggii goobjoogga ahaa warqaddii heshiiska iyana waxay
kala ahaayeen, Abul Acwar As- Sulami, Xabiib bin Maslama Al Fihri,
Cabdiraxmaan bin Khaalid bin Waliid Al Qurashi Al Makhzuumi, Mukhaariq bin
Al Xaarith Az- Zubeydi, Waa'il bin Calqamah Al Cadawi, Calqamah bin Yaziid
Al Xadrami, Xamzah bin Maalik Al Hamdaani, Subayc bin Yaziid Al Xadrami,
Cutbah bin Abii Sufyaan Al Qurashi Al Umawi (Mucaawiya walaalkiis) iyo
Yaziid bin Al Xur Al Cabasi. Tobankaa ayay ahaayeen kuwii ka socday dhanka
Mucaawiye.
Intaa dabadeed waxaa la amray in meydka la aaso, waxaana 50-kii qofba lagu
aasayay god weyn, sida uu imaam Zuhri xusay. Markii la damcay in lakala
guuro, baa Cali wuxuu soo daayay koox uu qafaashay intii uu dagaalka socday
oo reer Shaam ah, saa Mucaawiyana kuwa intaa lamid ah ama kudhaw oo reer
Ciraaq ah buu intii dagaalka socday uu qafaashay. Wuxuu Mucaawiye damcay
inuu laayo bacdamaa uu u maleeyey in raggiisii uu Cali laayey. Markii uu
Mucaawiyah arkay in raggiisii loosoo daayay buu isaguna iska sii daayay
kuwii uu qafaashay.
Waxaa la sheegaa raggii uu Mucaawiya qafaashay inuu ku jiray nin la oran
jiray Camr bin Aws oo ka dhashay Asdiga. Saa wuxuu damcay inuu dilo.
Markaasuu ninkii yiri:- Igu manno sheego, waayo waxaad tahay abtigeey?
Wuxuu Mucaawiye yiri:- Hooge intee baan ku noqday abtigaa?
Wuxuu ninkii yiri:- Ummu Xabiibah afadii Rasuulka Alle SCW waa hooyadii
Mu'miniinta, aniguna waxaan ahay wiilkeeda, adiguna waxaad tahay
walaalkeed, sidaa darteed waxaad tahay abtigeey''.
Aad buu Mucaawiya ula yaabay, markaasuu iska sii daayay. Kadibna waxay
dadkii u kala laabteen dhulalkoodii, Mucaawiya wuxuu aaday Shaam isaga iyo
raggiisii oo ay galeen magaaladii Dimishaq, Calina wuxuu aaday Kuufa.
Soo Bixiddii Khawaarijta
Sababtu waxay ahayd markii la kala qortay heshiiskii Safiin, baa warqaddii
waxaa qaaday Ashcath bin Qeys oo dadka kula dhex dawaafay isagoo rac weliba
kudul akhrinayay. Saa wuxuu dul tegay koox banii Tamiim ah oo uu ku dul
akhriyey, dabeetana Curwah bin Adiinah (Adiinah waa hooyadii, magaciisa
Saxduna wuxuu ahaa Curwah bin Jariir) oo ka dhashay banii Rabiica bin
Xandala, kaasoo la dhashay Abii Bilaal Mirdaas bin Jariir baa usoo istaagay
oo ku yiri:- Ma waxaad diintii Alle dhaxdeeda u xukuntameysaan laba nin?
Kadibna seyftiisii buu la helay daabbadii (faraskii ama awrkii ama baqashii)
Ashcath bin Qeys, saa Ashcath iyo raggiisiiba aad uga caroodeen arrintaas.
Axnaf bin Qeys iyo madax kamid ah banii Tamiim baa inta Ashcath u soo
istaagtay uga cududaartay arrinkaas.
Al Heytham bin Caddiyi wuxuu yiri:-Khawaarijtu waxay sheegtaan in qofkii ugu
horreeyay ee xukma uu ahaa Cabdillaahi bin Wahab Ar- Raasubi''.
Cali bin Abii Daalib wuxuu ka dhaqaaqay Safiin, markii warqadda heshiiska
lakala qortay, wuxuuna abbaaray dhankii Kuufa isagoo sii maraya waddada
Hayt. Markii uu ku dhawaaday inuu galo magaalladii Kuufa, ayaa waxaa ka
ictisaalay koox kamid ah ciidankiisii oo lagu sheegay inay ahaayeen 12 000,
waxayna noqdeen Khawaarij. Waxay ku inkireen waxyaabo badan amiirkii
Mu'miniinta, oo waxayna diideen inay magaalladiisa la degaan, waxayna degeen
meel la yiraahda Xaruuraa. Dabadeed amiirkii Mu'miniinta ee Cali bin Abii
Daalib wuxuu u diray Cabdillaahi bin Cabbaas oo la soo dooday badankoodiina
soo celiyey, intii hartayna Cali bin Abii Daalib baa weeraray oo Nahrawaan
ku laayay sida inoo iman doonta haddii uu Alle idmo.
Kulankii Labada Xaakim ee Duumatul- Jundal
Taasu waxay ahayd bishii Ramadaan sidiiba horey loogu ballamay, markii
labada qolo ay ku qoranayeen warqadda heshiiska goobtii Safiin. Markii la
gaaray waqtigii ballanta baa wuxuu Cali diray 400 fardoolley ah oo uu
hoggaaminayay Shureyx bin Haannaayi oo uu la socday Abuu Muusa Al Ashcari oo
xaakim dhanka Cali ka socda ahaa iyo C/llaahi bin Cabbaas oo uu soo amray
inuu ragga salaadda tujiyo.
Mucaawiyana wuxuu soo diray 400 fardooley ah oo uu hoggaaminaya Camr bin
Caas (isaga ayaana ahaa xaakimkii ka socday dhanka Mucaawiya), waxaana la
socday C/llaahi bin Camr bin Al Caas oo uu Mucaawiya usoo dardaarmay inuu
isaga salaadda tujiyo. Waxay labada erga ku kulmeen halkii ay horey ugu
ballameen, taasoo ah goobta Duumatul Jandal oo dhacda waqooyiga Jaziiradda.
Waxaa la sheegaa in madashaasi ay yimideen rag kamid ah wujuuhdii
Muslimiinta, kuwii aanan ka qayb qaadan dhacdooyinkii dagaallada iyo
fidnadii dhacday. Waxaana kamid ahaa oo goobtaasi yimid C/llaahi bin Cumar
bin Khadaab Allaha ka raalli noqdee iyo C/llaahi bin Zubeyr bin Al Cawaam oo
isagu Jamal kadib aanan wax dagaal ah ka qayb qaadan iyo Muqiirah bin
Shucbah iyo C/Raxmaan bin Xaarith bin Hishaam Al Makhzuumi. Waxaa kaloo
yimid C/Raxmaan bin C/Yaaquuth Az Zuhri iyo Abii Jaham bin Xudeyfah. Waxaa
sidoo kale la sheegaa inuu Sacad bin Abii Waqaas ka qeyb qaatay, laakiin
waxaa jirta riwaayada dhowr ah oo warkaasi mugdi gelinaya. Waayo Sacad wuu
ka fogaaday imaarad iyo xukun iyo fidna intuba wuxuuna degay miyiga Madiina.
Waxaa la sheegaa in wiilkiisa Cumar ama Caamir uu u keenay warka in
wujuuhdii Muslimiinta iyo rag badan ay kushirayaan goobta Duumatul Jundal,
saa isaguna dheg jalaq uma siin oo wuu ka gaabsaday, sida xaqiiqda ahna
Sacad ma uusan ka qayb qaadan kulankii Duumatul Jundal.
Muhiimaddu waxay tahay, Labada dhinac markii ay kulmeen ergadii, waxay
gedgediyeen aaraadoodii iyo fikradahooda iyagoo la kaashanaya Alle kor
ahaayee iyo kitaabkiisa iyo sunnaha Nebigiisa suubban SCW. Waxay isla
garteen in maslaxad loo sameeyo Muslimiinta si uusana dhiig dambe oo
Muslimiinta dhexdooda ah u daadan, ugu dambeyna waxay isla garteen in Cali
iyo Mucaawiyaba la casila. kadibna arrinka laga dhiga shuuro iyo wada tashi
ay dadka ku dooranayaan qofka ay doonaan haddii ay Cali ku raalli noqonayaan
iyo haddii ay Mucaawiya dooranayaan iyo haddii ay qof kale doortaanba
intuba.
Camr bin Al Caas wuxuu tilmaamay in Cali la casila oo Abii Muusa Al Ashcari
uu khilaafada udhiibo Mucaawiya kagana raalli noqda, hase ahaatee Abii Muusa
Al Ashcari arrinkaas wuu diiday. Wuxuuna Abii Muusa Al Ashcari tilmaamay in
masuuliyadda khilaafada loo dhiiba C/llaahi bin Cumar bin Khaddaab. Saa Camr
bin Al Caas wuu diiday, wuxuuna tilmaamay In wiilkiisa C/llaahi bin Camr bin
Al Caas uu yahay nin taqwa iyo cilmi badan, wuxuuna ka dalbaday Abii Muusa
in uu wiilkiisa udhiibo, maadaama uu yahay nin saxaabi jaliil ah oo cilmi
iyo kartiba u leh arrinkan. Hase ahaatee Abii Muuse Al Ashcari arrinkaas
wuu diiday. Dabadeed waxay ku heshiiyeen oo isla garteen in ay labaduba ka
xukun baxaan Cali iyo Mucaawiyaba. Saa way isa soo raaceen oo yimaadeen
goobtii dadka joogeen si ay ugu sheegaan wixii ay ku heshiiyeen.
Camr bin Al Caas wuxuu ahaa mid mar waliba iska hormariya Abii Muusa Al
Ashcari, haddii ay hadal ahaan lahayd iyo haddii ay socod noqon lahaydba,
isagoo arrinkaa ku sharfaya kuna weyneynaya. Markaasuu ku yiri:- Abii
Muusa Al Ashcariyoow! istaag oo dadka ogeysii waxii aan isku waafaqnay ee
aan isku afgarannay. Markaasuu Abii Muusa Al Ashcari istaagay oo Alle
mahadiyey oo amaanay, dabeetana ku salliyey Nebiga SCW, kadibna wuxuu u
sheegay wixii ay kusoo heshiiyeen isaga iyo Camr bin Al Caas oo ah inay ka
xukun baxeen Cali iyo Mucaawiya, si umaddu ay iyagu u doortaan qofkii ay ku
raalli noqdaan, wuxuu yiri:- Haddaba anigu waa aan ka xukun baxay Cali iyo
Mucaawiyaba.
Dabadeed Camr bin Al Caas baa kacay oo inta meeshii Abuu Muusa Al Ashcari
istaagnaa istaagay buu Alle mahadiyey oo amaanay, dabeetana Nebiga SCW ku
salliyey, kadibna wuxuu yiri:- Kani (Abii Muusa Al Ashcari) wuxuu yiri wixii
aad maqasheen, wuuna ka xukun baxay saaxiibkiisii, aniguna waan ka xukun
baxay sidiisa oo kale (saaxiibkiis Cali), waxaana ku sugnaaday (xukunka)
saaxiibkey Mucaawiya (hoostiisa), waana gargaarahii Cuthmaan, wuxuuna
doonayaa dhiiggiisii, isagaana dadka ugu mudnaan og booskiisii.
Waxaa la sheegaa in Camr bin Al Caas haddii uu isaguna ka xukun bixi lahaa
Cali iyo Mucaawiya sidii uu falay Abii Muusa Al Ashcari oo uu ummaddu imaam
la'aan ka tegi lahaa inay fidna tii hore ka weyn dhici lahayd oo dhiig badan
daadan lahaa, sidaa darteed buu ku hoos sugnaaday jaallahiisii Mucaawiya.
Sidaa buuna ra'yi ahaan iyo fikir ahaan qaatay Camr bin Al Caas, Allaha ka
raalli noqdee.
Dabadeed labadii qolo way kala tegeen oo koox waliba dhulkeedii ayay aadday.
Camr bin Al Caas iyo raggiisii waxay aadeen dhanka Shaam oo markii ay
Mucaawiya u galeen bay kusalaameen salaantii khilaafada (Asalaama calleykum
yaa amiirul Mu'miniin). Abii Muusa Al Ashcarina wuu ka xishooday inuu Cali u
tego, saa wuxuu aaday Makka. C/llaahi ibnu Cabbaas iyo Shureyx bin
Haannaayi iyo ergadiina waxay aadeen dhankii Kuufa, markaasay Cali uga
warrameen wixii dhex maray Abii Muusa Al Ashcari iyo Camr bin Al Caas.
Reer Kuufana ra'yigii Abii Muusa Al Ashcari, way daciifsadeen, waxayna
garteen inaanay isu dhigmeyn isaga iyo Camr bin Al Caas.
Ka Bixiddii Khawaarijta ee Kuufa
Markii Cali uu Abii Muusal Ashcari iyo raggiisii uu udiray Duumatul Jandal
si ay heshiiska ugu soo guntaan, baa mowqifkii Khawaarijtu ay Cali ka
taagnaayeen uu sii adkaaday, taasuna waxay dhashay in inbadanoo kamid ah
raggaasi ay amiirkii Mu'miniinta ee Cali bin Abii Daalib kutilmaamaan
gaallima. Sidaa ay tahayna dhulka guudkiisa ma uuna saarneen maalintaa qof
ka fadli badan Cali bin Abii Daalib.
Laba nin oo kamid ah Khawaarijta baa Cali utimid, waxaana labadaasi nin
lakala oran jiray Zurcah bin Al Baraj Al Dhaayi iyo Xurquus bin Zuheyr Al
Sacdi, waxayna ku yiraahdeen:- Majira xukun aanan xukunka Alle ahayn.
Cali wuxuu ugu jawaabay: Nacam! ma jira xukun aanan ahayn xukunka Alle.
Xurquus baa hadlay oo wuxuu yiri:- Kasoo noqo gefkaaga oo inoo wad xagga
cadawgayaga (reer Shaam), aanu la dagaallanna si aanu Rabbigayo ula kulanno?
Wuxuu Cali yiri:- Taa waan idinla doonay, waadna diiddeen, annaga iyo
qoomkuna waxaan kala qorannay warqad iyo ballan, Illaahayna kor ahaaye wuxuu
yiri:- Oofiya ballanka Alle, marka aad ballameysaan. (Suuratu Naxal 99).
Wuxuu yiri Xurquus:- Kaasi waa dembi ay tahay inaad kasoo noqoto (oo aad ka
toobad keento).
Wuxuu yiri Cali:- Ma ahan dembi, balse waa cajas ka ahaaday ra'yi.
Zurcah baa hadlay oo yiri:- Ammaa Illaahay baan ku dhaartaye Caliyoow!
haddii aadan ka tegin xukuntamka aad labadda nin u xukuntameysa kitaabka
Alle dhexdiisa, waan kula dagaallamayaa, anigoo taasi ku raadinaya,
naxariista Alle iyo raalli ahaanshahiisa.
Dabeeta way ka tegeen, waxaana dhacday in qisadii taxkiimka labada nin (Abii
Muusa iyo Camr bin Al Caas) ay dadkii kudhex faaftay iyadoo nimankii
Khawaarijtuna arrinkoodii uu darnaaday oo ay rag badan kasbadeen. Dabeedana
waxaa dhacday inay Cali cay iyo aflagaadda isugu daraan mararka ay
khudbeynayaan.
Waxaa dhacday maalin Jumca ah baa Cali raggiisii ka dhex istaagay oo u
khudbeyay, wuxuuna xusay arrinka Khawaarijta iyo xaalkooda, saa waxaa
istaagay koox kamid raggii Khawaarijta, waxayna waxayna kuwada qayliyeen:-
Ma jira xukun aanan ahayn xukunka Alle. Calina wuxuu guda galay in
gacmahiisa uu marba dhinac u jeediya isagoo lahaa:- Xukunka Allaanu idinla
sugeynaa. Misna wuxuu yiri:- Dushayada waxaa ahaaday oo aad nagu leedahiin,
inaynaan idiin diidin masaajiddayada, oo aynaan idiin diidin wixii nasiib ah
oo aad ku yeelataan (xoolaha) faygan intii gacmahiinu ay la socdaan
gacmaheenna, iyo inaynaan idinla dagaallamin jeeraad nala dagaallantaan.
Dabeeta way baxeen khawaarijtii oo waxay ku shireen gurigii C/llaahi bin
Wahab Al Raasubi, halkaasoo uu ugu khudbeeyey khudbo aad u xeeldheer oo uu
ku amraya inay adduunyada isaga saahidaan iyo in ay amraan wanaagga,
xumahana reebaan. Wuxuu kaloo amray inay ka baxaan magaallada Kuufa oo uu
isagu ku tilmaamay magaalla dadkeedu daalimiinyahiin, wuxuuna raggiisa
usheegay inay aadaan buuraha ama dhanka Madaa'in, oo ay halkaas ka
aruursadaan wixii ku feker ah. Xurquus oo kamid ahaa raggii shirkaas ka
qeyb galay baa hadlay oo inta Alle mahadiyay oo amaanay kadib, raggiisii
amray in adduunyadu ay tahay waxyaroo mataac ah oo laga fogaada. Dabeeta
waxaa hadlay Xamzah bin Sinaan Al Asdi oo isaguna ka tirsanaa madaxdii
shirka, waxaana hadalladiisii kamid ahaa:- Tolkayoow! Ra'yigu waa sida aad
aragteen, xaquna waa sida aad tiraahdeen, ee u wakiisha arrinkiina nin
idinka mid ah (madax ahaan).
Waxay u cid direen Zayd bin Xisin Al Dhaay oo kamid ahaa madaxdooda oo ay
masuuliyadda u bandhigeen, saa wuu diiday, misna waxay u bandhigeen Xurquus
bin Zuheyr oo isagiina diiday, dabeedana waxay u bandhigeen Xamzah bin
Sinaan saa isagiina wuu diiday, ugu dambeynna waxay u bandhigeen C/llaahi
bin Wahab oo ka yeelay. Mar kale ayay ku kulmeen guriga Zayd bin Xisin Al
Dhayi. Ninka kan wuxuu ka dhashay banii Dhayi wuxuuna kasii ahaa banii
Sanbus. Wuxuu amray wanaagga oo uu ka reebay xumaha isagoo faray inay sidaa
falaan oo dadka wanaagga amraan xumahana ka reebaan, sidoo kale wuxuu kudul
akhriyay aayada kamida Quraanka kariimka. Dabeeta nin iyagii kamid ah oo la
oran jiray Cabdullaahi bin Sakhbarah Al Sulami baa inta istaagay si daran u
ooyay oo iyagii khudba gaaban ujeeday, taasoo uu ku amraya, ka fogaanshaha
adduunyada iyo dhaldhalalkeeda iyo ka bixidda magaallada Kuufa, iyo weliba
in ay la dagaallamaan Cali iyo asxaabtiisa.
Culamaayi salaf waxay raggaasi khawaarijta ahi ku tilmaameen kuwa ay ka
hadlayaan aayadaha 103- 105 ee suuradda Al Kahf.
Ula jeeddadu waxay tahay, kuwa kan ee juhalada ahi ee baadiyeysani, waxay
go'aan iyo qorsha qaateen in ay Muslimiinta ka dhex baxaan, oo ay aadaan
dhanka Madaa'in, si ay halkaas uga raadistaan cid mad-habtooda qaadata oo
iyaga lasafata iyo wixii la fikir noqdaba. Waxay kaloo ku ballameen inay
warqada u dirsadaan reer Basra si ay halkaasina uga helaan dad la fikir iyo
ra'yi ah. Si ay quwad iyo awood ugu helaan Cali iyo raggiisa.
Zayd bin Xisin baa kula taliyey raggiisa inaanay aadin Madaa'in, waayo wuxuu
kusheegay in halkaasi ay joogaan ciidama aad u tira badan oo taabacsan Cali
bin Abii Daalib, umana suura galeysa Khawaarijtu haddii ay halkaa tegaan
inay kusii dhex noolaadaan. Sidaa darteed waxay aadeen dhanka Nahrawaan.
Waxay kaloo warqad u dirsadeen reer Basra guud ahaan wixii raacsan
mad-habtooda iyagoo ka dalbanaya inay ugu soo wafdiyaan Nahrawaan.
Magaallada Kuufa waxay kaga baxeen si keli keli ah, si aanay dadka
xaalladoodu u ogaan, waxay kaloo faleen inay ka tegaan reerahoodii,
aabayaashooda, walaaladooda, wiilasha, hooyooyinka iyo xaasaskuba. Wayna
dhaqaaqeen oo ay aadeen Nahrawaan.
Iyagu ma ogo falka ay kusocdaan inuu yahay mid kamid ah dambiyada culculus,
waayo waxay ka hoos baxayaan xukunkii ay ku hoos jireen ee ahaa khilaafadii
Muslimiinta, iyo weliba cayda iyo aflagaadeynta ay aflagaadeynayaan Cali bin
Abii Daalib oo waaga dhulka guudkiisu uuna saarneyn cid ka fadli badan,
kagana horreysay Islaamka. Arrimahaasina waxaa u qurxiyey sheydaan oo uga
dhigay camal fiican, waana wixii ay ku baadiyoobeen oo adduun iyo aakhiraba
ay ku lumeen.
Dagaalkii Nahrawaan & Layntii Khawaarijta
Markii Abii Muusa Al Ashcari uu kasoo gaddoomay xukuntamkii, si toos ah
wuxuu aaday Makka isagoo ka xishooday in uu Cali hor tega. Markaa iyada ahi
ee Camr bin Al Caas iyo wafdigiisii ay khilaafadii ula laabteen Mucaawiya,
Khawaarijtiina ay fashay wixii ay faleen oo ay ka baxeen magaalladii Cali ee
Kuufa, Basra iyo Madaa'inna ay u cid dirsadeen baa Cali wuxuu warqad u
qoray Khawaarijtii, taasoo uu ugu sheegaya in arrinkii xukuntamka uu ka
laabtay, wuxuuna usheegay inuu siday rabeen uu yeelaya oo uu Shaam ku
duulaya. Markaas bay usoo jawaabeen iyagoo ku oranaya:- Adigu ma aanad cara
gelinin Rabbigaaga, kaliya waxaad cara gelisay naftaada, haddiina aad ku
qirtay naftaada gaallima, oo aad toobad usoolaabatay, waanu eegeynaa wixii
dhexdayada ahaaday.
Cali markii uu akhriyey warqaddii jawaabtooda wuu ka xumaaday, wuxuuna
go'aansaday inuu aada dhanka Shaam si uu ugu duulo kuwa teer iyo markii la
doortay ee uu khilaafada qabtay khilaafsan. Magaalladii Kuufa ayuu ka
dhaqaaqay oo aaday dhanka Nukheylah isagoo wata ciidan aad u culus oo
tiradoodu ahayd 65 000 oo dagaalyahanno ah. Cabdullaahi bin Cabbaas oo
magaallada Basra masuul ka ahaana wuxuu usoo diray 3200 fardooley ah. 1500
kamid ah ciidamadaas waxaa hoggaaminayay Jaariyah bin Qudaamah, halka 1700
ka kalena uu hoggaaminayay Abul Aswad Ad- Du'ali. Sidaa darteed ciidamadii
uu Cali ugu tala galay inuu reer Shaam ku edbiya waxay noqdeen 68 200 oo
dagaalyahanno ah. Markaas buu Cali raggiisii la dardaarmay oo ku booriyey
jihaadka, amrayna inay sugnaadaan marka ay cadawga la kulmaan. Iyadoo
arrintu sidaa ay tahay oo Calina uu go'aansaday inuu Shaam ku duulo, baa
waxaa u yimid war sheegaya in Khawaarijtii dhulka ay fasaadiyeen, oo ay
dhiig badan oo Muslimiinta kamid ahina daadiyeen, jidkiina gooyeen,
maxaarimtiina xalaashadeen.
Waxyaabahii ay raggaasi Khawaarijta ahi faleen waxaa kamid ahaa inay dileen
C/llaahi bin Khabaab bin Arat. C/llaahi wuxuu dhashay noolashii Nebiga SCW,
wuxuuna noqday saxaabi Jaliil ah. Waxay qafaasheen isaga iyo xaaskiisa oo
xaamila ahayd, markaasay weydiiyeen:- Kuma ayaad tahay?
Wuxuu ku yiri:- Waxaan ahay C/llaahi bin Khabaab saaxibkii Rasuulka Alle
SCW.
Waxay ku yiraahdeen:- Inoo sheeg wax aad aabahaa ka maqashay?
Wuxuu yiri:- Waxaan aabahay ka maqlay isagoo leh: Waxaan maqlay Rasuulka
Alle SCW oo oranaya:- Waxaa ahaan doonto fidna kan fadhiya uu ka kheyr badan
yahay kan u taagan, kan u taaganna uu ka kheyr badan yahay kan u socda, kan
usocdana uu ka kheyr badan yahay kan u ordaya.
Gacanta inay qabteen bay horey usii kaxaysteen, asagoo ay xaaskiisiina la
socota. Goor uu la socday baa waxaa dhacday in koox kamid ahi raggaasi ay
arkeen doofaar ay leeyahiin qaar kamid ah dadkii gaalada ee ahlu dimmaha
ahaa ee ku hoos noolaa xukunka Islaamka. Markaas bay seef ku dhufteen oo ay
haragga dulooliyeen. Qaarkood baa yiraahdeen:- Maxaad sidaa u fasheen (
adinkoo og ) inuu yahay mid ay leeyahiin ahlu dimmaha?
Way sii socdeen, goor ay socdaan oo C/llaahina uu lasocda ayna dhex marayaan
meel beer timireed ah baa haddana mid kamid ah wuxuu dhulka ka qaaday mir
timir ah oo soo dhacday, markaasuu afka gashtay. Mid kale baa ku yiri:- Oo
ma idin la'aan iyo lacag la aan ( baad afka iska gishaneysaa) ?
Markaasuu iska tufay oo muuna laqin. Sidaa oo ay tahay raggani ay ku weyneyd
dilidda doofaarka gaallada iyo cunnida xabbad timir ah oo geed kasoo dhacday
haddana waxay wateen C/llaahi bin Khabaab oo ay markaa kurka ka jareen,
dabeetana waxay keeneen xaaskiisii oo leh:- Anigu waxaan ahay haweeney
xaamilo ah ee ma waydaan Alle ka cabsaneyn? Saa way gowraceen iyana oo
dabeeta dooxeen oo kasoo rideen ilmihii ay caloosha ku sidday. Fa innaa
lillaah wa innaa illeyhi raajicuun.
Arrintaas iyada ahi markii ay gaartay Cali iyo raggiisii, iyagoo markaa
go'aankoodu ahaa inay Shaam ku duulaan, baa waxay ka cabsadeen haddii ay
Shaam aadaan in kuwaasi makasta ahi ay reerahooda usoo daba maraan oo ay ku
falaan sidii ay C/llaahi bin Khabaab iyo xaaskiisii yeeleen oo kale.
Dabeeta waxaa la go'aansaday in dhanka Khawaarijta marka hore la aada oo
xaalladoodu dhan loo tuuro, kadib markii laga aamin noqdana la aado dhanka
Shaam. Ra'yigaas baala qaatay. Markaas buuna Cali udiray dhankooda Al
Xaarith bin Murrah Al Cabadiyu. Wuxuuna ku yiri:- Iiga soo warran warkooda
iina soo ogoow! xaalkooda. Markii ninkaasi uu u tegay, way dileen oo
umaanay kaadinin. Markaas buuna Cali go'aan kama dambeys ah qaatay inuu
marka hore ku duulo ayaga ka hor intuusan reer Shaam ku duulin.
Dabeeta Cali wuu dhaqaaqay isagoo maraya dhanka Ambaar, wuxuu dhexda kula
kulmay nin faalliye ah, oo ku amray inuuna socon waqti cayiman oo uu isaga
usheegay mooyaane, wuxuuna u sheegay haddii uu socda waqti aanan waqtiga uu
usheegay ahayn inay dhacaysa in laga guuleysa ama uu guuleysan waayo. Calise
uma hoggaansamin arrintaas iyo taladii uu ninka faalliyaha siiyey, wuuna
khilaafay, wuuna soconayay markii uu socod u baahda, wuuna degayay markii uu
degid damca, waqtigana muu u kala soocanayn.
Wuxuu yiri Cali isagoo ka warramaya sababta uu sidaa u falay:- Waxaan
jecleystay inaan dadka u caddeeyo gafkiisa (faalliyaha), waxaana ka cabsaday
in (qofka) jaahilku uu yiraahda (hadhowta): Wuxuu ku guuleystay (Cali)
haleeliddii iyo sidii uu uwaafaqay (faalliyaha).
Wuxuu Cali hortiisa diray Qeys bin Sacad oo uu u diray dhanka Madaa'in si uu
ciidama uga keeno halkaas, magaallada Madaa'inna waxaa xilligaasi masuul ka
ahaa Sacad bin Mascuud oo la dhashay Abuu Cubeydah bin Mascuud Ath- Thaqafi
(amiirkii ciidamadii Muslimiinta ee dagaalkii Jassar). Kadib Cali wuxuu u
cid diray Khawaarijta isagoo ku oranaya:- Inoosoo gacan geliya dadkii dilay
walaaladayada, si aan u dilo, dabeetana waan idinka tegayaa oo waxaan
aadayaa Carabta (reer Shaam). Waxay iyana u soo direen Cali jawaab ahaan
inay yiraahdeen:- Annagoo idil baa dilnay walaaladiin, waana inoo xalaal
dhiiggooda iyo dhiiggiinuba.
Dabeeta Cali bin Abii Daalib horey buu ugu socday xaggooda oo waaniyey, oo
cabsi geliyey una digay. Intuu utegay buu la hadlay oo waaniyey, balse uma
aanay jawaabin, waayo horey bay ku heshiiyeen inaanay Cali la doodin ama la
hadlin. Kaliyana hadalkoodu ama weedha ay ku hadaaqayaan mararkaasi oo kale
waxay ahayd:- Al ruux Al ruux ilal Jannah.
Kadib Cali waa uu ka laabtay oo ciidankiisii u tegay, saa iyana waxay
dhiseen ciidamadoodii, iyagoo midigta udhiibay Zayd bin Xisin, bidixdana
waxay udhiibeen Shureyx bin Owfaa, fardooleyduna waxay madax uga dhigeen
Xamza bin Sinaan Al Asdi, ciidamada lugtana waxay madax uga dhigeen Xurquus
bin Zuheyr Al Sacdi. Waxayna usoo istaageen la dagaallanka Cali iyo
ciidamadiisa.
Cali bin Abii Daalibna wuxuu dhisay ciidamadiisii, isagoo midigta madax uga
dhigay Xujri bin Cadiyi, ciidamada bidixdana wuxuu udhiibay Shabbath bin
Ribciyi iyo Macqal bin Qeys, ciidamada fardooleyda wuxuu madax uga dhigay
Abuu Ayuub Al Ansaari, ciidamada lugtana wuxuu madax uga dhigay Abuu
Qataadah Al Ansaari, reer Madiina oo markaasi tiradoodu 700 ahaydna wuxuu
madax uga dhigay Qeys bin Sacad bin Cubaadah.
Wuxuu kaloo Cali sameeyay calan magan galya ah, wuxuuna u dhiibay Abuu Ayuub
Al Ansaari, wuxuuna ku yiri dadka:- Qofkii calankaasi hoostaga waa aamin,
qofkii aada Kuufa iyo Madaa'inna waa aamin, mana jirta wax dan ah oo aanu
idinka leennahay kuwii walaaladayada dilay mooyaane.
Markii ay Khawaarijtii arrinkaasi aragtay bay kala firxadeen oo kala tegeen,
waxaana kusoo haray meesha 1000 nin oo uu hoggaaminaya C/llaahi bin Wahab,
markii horena tiro ahaan waxay ahaayeen 4000.
Dabeeta si kama dambeys ah buu Cali ciidamadiisii u dhisay, wuxuuna hor
mariyey fardooleydiisii, wuxuuna siiyey dardaarankii ugu dambeeyey oo uu ku
yiri:- Ka laabta gacmahiina jeer ay idinku billaabaan. Kadib Khawaarijtii
baa timid iyagoo leh:- Ma jiro xukun aanan ahayn xukunka Alle, ar-ruux
ar-ruux! ilal Jannah. Dabeetana weerar ayay ku qaadeen fardooleydii horee
Cali. Markaa baa gamuunnadii iyo waramadii laysku shiishtay, ciidamadii
Calina ay difaac adag galeen oo ay laayeen layn daran. Waxaa la dilay
dhammaan madaxdoodii oo uu kamid ahaa C/llaahi bin Wahab, sidoo kalena ay
kamid ahaayeen Xurquus bin Zuheyr, Shureyx bin Owfaa iyo C/llaahi bin
Sakhbarah As- Sulami, Illaahay ha dulleeyo'e.
Abuu Ayuub Al Ansaari Illaahay ha ka raalli noqdee isagoo inooga warramaya
dagaalkii maalintaas wuxuu yiri:- Nin kamid ah Khawaarijta baan ka dusiyey
dhabarkiisa waran, markaasaan ku iri:- Ku bishaareyso Naarta cadawgii
Alloow!.
Markaasuu yiri:- Waad ogaan doontaa keennii mudnaada gelideeda (Naarta).
Waxaa la sheegaa in asxaabtii Cali laga dilay 7 qofood oo kaliya. Markaas
buu Cali dhex maray ciidamadii kadib markii uu ka guuleystay Khawaarijta oo
uu laayey. Wuxuu dhex qaaday meydkii isagoo leh:- Hoog idiin gal, dhab ahaan
wuu idin dhibay ka idin kediyey.
Asxaabtiisii baa ku tiri:- Oo waakuma amiirkii Mu'miniintoow! kan kadiyey?
Wuxuu yiri:- Waa Shaydaan iyo nafta amarta xumaha, wuxuu ku kediyey
yididiilo, oo uu u qurxiyey macaasida.
Dabeeta Cali wuxuu amray in la isu keeno dhaawacyadooda, waxayna noqdeen
400, saa wuxuu u dhiibay ehelladooda, hubkiina wuu qeybiyey.
Al Heytham bin Cadiyi wuxuu ku xusay kitaabka Khawaarijta:- In Cali uusan
qeybin wixii uu ka helay Khawaarijta maalintii Nahrawaan, balse wuxuu u
celiyey ehelladooda. Wallaahu aclam.
Dabadeed Cali oo ay la socdaan laba nin oo kala ah Abuu Xarrah Suleymaan bin
Thumaamah Al Xanafi iyo Rayaan bin Sabrah bin Huudah Al Xanafi baa waxay
dhex qaadeen meydkii iyagoo ka dhex raadinaya Duth- Thadyi oo ah nin labada
garab dhexdooda ku lahaa buro lamoodo sidii naaska fiiddiisa oo kale, oo leh
timo mad madow, waxaa kaloo la sheegaa timo cad cad. Ninkan wuxuu ahaa
astaan muujineysay ficilka Khawaarijta, Rasuulka SCW ayaana sii sheegay
calaamooyinkiisa. Goor ay Cali iyo labadii nin ee la socotay ay meydka ka
dhex raadinayaan ninkaasi, baa waxaa helay Rayaan bin Sabrah.
Cali bin Abii Daalib markii uu arkay ninkii garabka kulahaa burada, sujuud
dheer buu la dhacay, isagoo Alle uga mahadnaqaya ficilkii uu sameeyey ee uu
ku laayay nimanka Khawaarijta. Rasuulku SCW isagoo tilmaan ka bixinayay
nimanka Khawaarijta ahi, wuxuu tilmaamay xilliga ay soo bixi doonaan, iyo
meesha ay kasoo bixi doonaan iyo cidda la dagaallami doonto iyo weliba
tilmaanta ninkan lagu dilay Nahrawaan. Dhammaan asbaabahaasi oo idil markii
la gartay waxaa sii yaqiinisay in kuwa kani ay ahayeen Khawaarij dilkii
Duth- Thadyi.
Maxay ahaayeen Khawaarijtu?
Cali bin Abii Daalib ayaa la weydiiyey sida uu xusay Al Haytham bin Caddiyi
arrinka Khawaarijta inay yahiin gaalo?
Wuxuu ku jawaabay:- Gaallimay ka cararayaan.
Waxaa la weydiiyey:- Ma Munaafiqiin baa?
Wuxuu ku jawaabay:- Munaafiqiintu ma xusaan Alle, inyar mooyaane.
Waxaa la weydiiyey:- Haddaba maxay yahiin amiirkii Mu'miniintoow!?
Wuxuu ku jawaabay:- Waa walaaladayada oo inagu xad-gudbay, markaasaanu kula
dagaallannay xad-gudubkay nagu xad-gudbeen.
Ninka madaxda u ahaa Khawaarijta ee C/llaahi bin Wahab wuxuu ahaa mid
sujuuddiisu, sujuudda ay madoobeysay, wuxuu ahaa mid salaad badan oo ku
xeel dheeraada sujuudda. Sidaa daraadeed baana loogu laqibay Dul bayinaat.
Ayadoy sidaa tahay haddana waxay noqdeen kuwii uu Alle sheegay ee adduun
iyo aakhiraba khasaaray oo misna is moodaya inay iyagu camallada
hagaajinayaan. Illaahay baa kor ahaaday ee isagu abuurkiisa u sameeyo siduu
doono.
Raggani waxay gaalleysiinayeen Cali oo Islaannimo iyo fadliba kaga hormaray
agta Alle. Sidoo kale saxaaba badan bay gaaleysiinayeen, Rasuulkuna SCW
axaadiis badan buu kaga warramay sifaalahooda, marka arrimahaasi oo idil
haddaynu kasoo tegno, axaadiistaasi waxaa laga daalacan karaa kutubta ka
hadashay arrinkaasi. Sida ka Haytham bin Caddiyi ee si weyn uga hadla
arrinka Khawaarijta iyo asbaabahooda. Wabillaahil Mustacaan.
Markii uu Cali ka faaruqay arrinkii Khawaarijta, buu ciidamadiisii ka dhex
istaagay oo u khudbeeyey kuna booriyey inay Shaam aadaan oo ay arrinka
Mucaawiya dhan usoo tiiriyaan, sidiiba markii hore horey loogu ballamay.
Markaas bay ku andacoodeen in gamuunadii ka dhammaadeen, seefahiina ay ka
af beeleen, waxay ka dalbadeen inuu goballadoodii u celiyo oo ay marka hore
degaan. Arrimahaasi waxaa Cali kula hadlay Ashcath bin Qeys Al Kindi,
markaasay dadkiina isku wada raaceen. Dabeeta waala soo dhaqaaqay jeer la
degay Nukheylah. Cali wuxuu amray inay halkaasi ku nastaan oo muddo
degnaadaan, ehelladuna soo booqdaan, kadibna ay isu diyaariyaan duullaanka
dhanka Shaam. Muddo kadib waxaa dhacday inay ka kala tegeen oo goballadoodii
ay aadeen illamaa ay kusoo hareen Cali madaxdii ciidamadiisa oo iyo ciidama
yar oo qura.
Cali Khudba aad u xeel dheer buu ujeediyey, oo uu ku boorinaya jihaadka
isagoo ku dul akhrinaya aayadaha jihaadka ee ku kala jira suuradaha
Quraanka, balse cidi dheg jalaq uma aanay siin, waxayna ukala baxeen
dhinacyada oo ay goballadoodii iyo guryahoodii aadeen raggiisii. Sababtuna
waxaa la sheegaa inay kaga caroodeen raggii uu Cali kulaayay Nahrawaan ee
Khawaarijta ahaa dartooda, waayo waxay kuwaasi ahaayeen qaraabadooda iyo
ehelladooda oo ay ayagu u arkayeen inay ahaayeen kuwoodii ugu cilmiga iyo
Alle ka cabsiga badnaa. Markaas buu Cali baxay oo uu galay magaalladiisii
Kuufa.
Markii uu Cali kasoo laabtay Nahrawaan baa waxaa Basra uga yimid nin la oran
jiray Al Xaarith bin Raashid Al Naajiyu. Wuxuu la yimid qowm reer Basra ah,
markaasuu Cali u tegay oo uu ku yiri:- Adigu waxaad la dagaallantay reer
Nahrawaan, qisadii taxkiimka oo ay kugu diideen darteeda. waxaadna
sheeganeysaa in aad reer Shaamna siisay cahdi iyo ballan, iyo inaadan
jebineyn ballantaas. Waa kuwa ay labada xaakimba kaa xukun baxeen, dabeetana
ay isku khilaafeen in Mucaawiya xukunka loo dhiiba, markaasuu Camr bin Al
Caas u dhiibay. Abuu Muusa Al Ashcarina wuu ku diiday arrinkaas. Haddaba
adigu waxaad tahay mid ay labaduba ka xukun baxeen siday isku raaceen,
aniguna waan kaa hoos xukun baxay, sidoo kale Mucaawiyana waan ka hoos xukun
baxay.
Dabeeta ninkan Xaarith waxaa raacay bashar badan oo kamid ah tolkiisa banii
Naajiyah iyo dad kale oo badan. Markaasuu Cali u diray Macqal bin Qeys Al
Ramaaxi oo wato ciidama culus, saa wuu la dagaallamay oo laayey, in badan oo
kalena uu kasoo qafaashay. 500 oo reer banii Naajiya ah ayuu kasoo
qafaashay, saa waxaa ka hor yimid nin la oran jiray Abuu Maqles Masqalah bin
Hubeyrah ( oo ahaa mid kamid ah masuuliyiintii Cali ee goballada ).
Markaasay banii Naajiya uga ash-katoodeen xaallada ay kusuganyahiin Abuu
Maqles oo ay ka dalbadeen inuu u gargaaro, saa wuu iibiyey oo uu uballan
qaaday inuu Macqal siinayo 500 000 Dirham. Ninkii isagoonan wax lacag ah
bixinin buu cararay oo galay Basra. Markaasuu Macqal warqad uqoray C/llaahi
bin Cabbaas isagoo usheegaya waxa uu Abuu Maqles falay. C/llaahi bin Cabbaas
markii uu weydiiyey, wuxuu Abuu Maqles yiri:- Waxaan u imid inaan lacagtooda
kuugu dhiibo. Dabeeta wuu cararay ninkaas oo wuxuu galay Kuufa isagoo u
tegay Cali. Markaas bay C/llaahi bin Cabbaas iyo Macqal si wada jir ah
warqad ugu direen Cali iyagoo ku ogeysiinaya waxii uu Abuu Maqles falay.
Cali markii uu weydiiyey lacagta buu bixiyey 200 000, dabeetana wuu sii
cararay oo uu u baxsaday dhanka Shaam, isagoo u tegay Mucaawiyah. Cali
wuxuu amray in la xoreeyo banii Naajiyah, wuxuuna sidoo kale amray in la
dumiya daartii uu Abuu Maqles ku lahaa Kuufa.
SANADKII 38AAD
Sanadkan dhexdiisa buu Mucaawiya u diray dhanka Masar Camr bin Al Caas, si
uu uga qaado gacanta Maxamed bin Abuu Bakar oo masuul uga ahaa dhanka Cali
bin Abii Daalib. Sababtu waxay ahayd, markii uu Cali masuuliyadda Masar ka
qaaday Qeys bin Sacad baa wuxuu u dhiibay Maxamed bin Abii Bakar, Qeysna
wuxuu aaday dhankii Cali oo uu kala qeyb qaatay dagaalkii Safiin iyo kii
Nahrawaanba. Cali bin Abii Daalib aad buu uga shallaayay sababtii uu uga
casilay Qeys imaaraddii Masar, waayo wuxuu Qeys ahaa mid udhigmay Mucaawiya
iyo Camr bin Al Caasba. Taas casilidda Qeys waxaa ku farxay Mucaawiya iyo
Camr bin Al Caas iyo raggiisii, balse waxaa uga sii darnaatay markii ay
Safiin ku arkeen Qeys oo la safan Cali bin Abii Daalib.
Wuxuu Mucaawiya oran jiray:- Illaahay baan ku dhaartaye Qeys ibnu Sacad la
joogidda uu Cali la jooga, waxay iiga caro badantahay isagoo ay la joogaan
100 000 oo dagaalyahanno ah.
Markii uu Cali ka faaruqay dhacdadii Safiin, baa waxaa soo gaadhay war ah in
showkaddii Muxammed bin Abii Bakar ay daciiftay, isagii wiil dhalinyaro ahaa
darteed, waayo Muxamed wuxuu markaasi jiray da' ahaan 26 sano ama kudhaw.
Sidaa daraaddeed bay reer Masar ka dalbadeen Cali inuu masuul weyn usoo
magacaaba Masar. Dabeeto Cali wuxuu damcay inuu Qeys kuceliyo, ma uuna
yeeline wuxuu u cid diray Ashtar An- Nukhaci oo markaas shurdada madaxa u
ahaa, masuulna ka ahaa Muusal iyo Nuseybiin, markii uu u yimidna wuxuu u
diray Masar si uu halkaasi masuul uga noqdo.
Arrintaasi markay gaadhay Mucaawiyah iyo Camr bin Al Caas aad bay uga
xumaadeen, waayo horey bay u damaaciyeen inay la wareegaan gacan kuheynta
Masar oo ay ka maroojistaan Maxamed bin Abii Bakar. Ninka kan ee Ashtar An
Nukhacina wuxuu ahaa nin dagaalyahan ah oo ku xeel dheeraa dagaallada iyo
arrimaha militeriga. Sidaa daraaddeed wuxuu mugdi geliyey damacii Mucaawiyah
iyo Camr bin Al Caas. Ashtar wuxuu aaday dhankii Masar, nasiib xumase ma
uusan gaarin oo dhexda ayuu ku geeriyooday. Arrintaasi markay gaartay
Mucaawiya iyo reer Shaam, aad bay ugu farxeen. Markaas buu Cali si dhaqsiya
ah warqad ugu qoray Maxamed bin Abii Bakar isagoo kaga raalli noqonaya inuu
masuuliyadda Masar sii haya. Markaas iyada ahi ciidamadii Maxamed bin Abii
Bakar way daciifeen, waayo waxay loolan ka dhaxayeen kuwii u olaleynayay
raadinta dhiiggii Cuthmaan ee Masar kusugnaa, kuwaasoo kusugnaa goobta
Kharbataa, oo aanan horeyna Cali ula mubaayacoonin, awooddooduna marba marka
ka dambeyso way sii kordheysay.
Arrimahii awooddii reer Kharbataa sii korodhiyey, waxaa kamid ahaa, markii
uu dhacay dagaalkii Safiin, kadibna arrintii taxkiimka loo baxay, oo Camr
bin Al Caas iyo Abii Muusa Al Ashcari ay ku kulmeen Duumatul Jandal, labada
xaakimna ay isku raaceen in laga xukun baxa Cali, kadibna ay isku khilaafeen
in Mucaawiya xilka loo dhiibo, dabeetana uu Camr bin Al Caas xilkii udhiibay
Mucaawiyah, reer Shaamna markii ay Shaam ku laabteen ay Mucaawiya
kusalaameen salaantii khilaafada, intaa kadibna waxaa dhacday oo aan soo
xusnay dagaalkii Nahrawaan iyo khilaafkii ay Cali khilaafeen ciidamadiisii.
Markaas bay reer Kharbataa awooddoodii adkaatay, oo ay dhaqdhaqaaqyo
billaabeen. Taas cagsigeedu ciidamadii Maxamed bin Abii Bakar baa waxaa ku
yimid hoos udhac iyo daciifnimo, tiiyoo ay jirtay in Maxamed uu ahaa nin
dhalin yaro ah, oo aan maskax iyo cududba ku haggaagi karin Mucaawiyah iyo
Camr bin Al Caas, oo laba nin oo maskax badan ahaa.
Markaa iyada ah buu Mucaawiya kulmiyey madaxdiisii, Camr bin Al Caas Al
Sahmi, Shuraxbiil bin Samadh, C/Raxman bin Khaalid bin Waliid Al Makhzuumi,
Daxaak bin Qeys Al Fihri, Busur bin Abii Ardhaah Al Caamiri, Abul Acwar Al
Sulami iyo Xamza bin Sinaan Al Hamdaani iyo qeyrkooda.
Wuxuu Mucaawiya raggaasi kala tashaday inay wajahaan Masar oo ay gacanta ku
dhigaan, iyagiina fikirkaas way u riyaaqeen kuna raaceen. Waxayna ku
yiraahdeen:- Aad halka aad doonto inaguna waan kula jirnaaye. Markaas buu
Mucaawiya masuuliyaddaasi u wakiishay Camr bin Al Caas haddii Masar la
furtana wuxuu amray inuu asaga masuul ka noqdo.
Dabeeta Mucaawiya wuxuu warqad u qoray Maslama bin Mukhlid Al Ansaari iyo
Mucaawiyah bin Khadiij Al Sakuuni, oo iyagu madax u ahaa ciidamadii ku
sugnaa Kharbataa, ee kasoo horjeeday Cali. Kuwaasoo u olaleynayay raadinta
dhiigga Cuthmaan bin Cafaan, tiradooduna waxay ahayd 10 000 ama ku dhawaad.
Wuxuu Mucaawiyah ku war gelinayay in uu ciidama soo diray, wuxuuna ka
dalbaday inay u gargaaraan oo ay soo dhaweeyaan ciidamadaasi. Wuxuu
Mucaawiyah warqaddaasi u dhiibay mowla ama adeega u joogay oo la oran jiray
Sabiic. Markiina ay warqaddii gaartay Maslama iyo Mucaawiya bin Khadiij,
aad bay ugu farxeen, waxayna si dhaqso ah ugu direen warqad jawaab ah oo ay
kusoo dhaweynayaan arrinkaas iyagoo u ballan qaaday inay hiil iyo hooba ku
taageeri doonaan.
Markaa iyada ah bay ahayd markii uu Mucaawiya u diyaariyey Camr bin Al Caas
4 000 ama 6 000 oo dagaalyahanno ah. Dabeetana wuu la baxay isagoo
sagootinaya. Wuxuuna u dardaarmayay cabsida Alle iyo sugnaan iyo amridda
wanaagga iyo reebidda xumaha. Sidoo kale wuxuu amray inuu la dagaallama
ciddii la dagaalanta, kana haro oo cafiya ciddii ka cararta, iyo inuu dadka
ugu yeero heshiis iyo midnimo. Markii uu Camr galay Masar, waxaa ku biiray
ciidamadii Kharbataa kusugnaa ee u olaleynayay dhiigga Cuthmaan. Halkaas
ayuuna hoggaanka ugu wada qabtay dhammaan ciidamadii oo idil. Dabeetana
wuxuu warqad u diray Maxamed bin Abii Bakar isagoo ka dalbanaya inuu
masuuliyadda si degan kusoo wareejiya, oo uu isdhiiba. Mucaawiyah bin
Khadiijna sidoo kale warqad buu uqoray Maxamed, taasoo uu ugu goodinaya.
Markaas buu Maxamed labaduba u qoray jawaab ay kahdaan. Calina uu u diray
warqad uu ugu sheegaya xaaladda taagan, iyo in dhanka Mucaawiya ay ciidama
culus ka yimideen. Kuwaasoo doonaya inay Masar la wareegaan. Wuxuuna Maxamed
ka dalbaday Cali in haddii uu Masar dan ka leeyahay uu cid masuul uga noqota
iyo ciidanba uu soo dirsada.
Cali warqad jawaab ah ayuu si deg deg ah ugu qoray Maxamed bin Abii Bakar,
isagoo ku war gelinaya inuu sabra oo sugnaada, wuxuuna u sheegay inuu ciidan
iyo maalba usoo diri doono. Markaas buu Maxamed ka dhex istaagay
ciidamadiisii oo u khudbeeyey kuna booriyay jihaadka iyo sugnaan iyo sabir
iyo in lala dagaallamo reer Shaam. Camr bin Al Caas horay ayuu gudaha ugu
sii socday Masar, isaga iyo ciidamadiisiiba iyo kuwii kusoo biiray ee horey
Masar ugu sugnaa, waxaana lagu sheegay in tiradoodu noqotay 16 000 ama 17
000. Maxamed bin Abuu Bakarna wuxuu la soo dhaqaaqay ciidamadiisii, oo tiro
ahaan markaasi ahaa 2 000 oo fardooley ah. Ciidamadiisii horena wuxuu madax
uga dhigay Kinaanah bin Bishir. Markaasuu Kinaanah weerar qaaday, wixii uu
arkaaba oo reer Shaam ahba laayay illaa uu gaaray Camr bin Al Caas. Dabeeta
Camr wuxuu soo diray Mucaawiyah bin Khadiij oo inta gadaal kaga yimid asaga
iyo ciidamadiisiiba isweer kusameeyay. Dabeetana intuu jilba dhigtay buu
akhriyey qowlka Alle kor ahaaye:
''Nafina uma ay ahaan inay dhimata, idinka
Alle mooyaane, waana kitaab la gooreeyay''. Suuratu Aali Cimraan:
145d.
Dabeetana wuu dagaallamay jeer la dilay. Ciidamadii Maxamedna way kala
firxadeen. Markaas buu Camr galay magaalladii. Mucaawiya bin Khadiijna wuxuu
daba galay raadkii Maxamed. Qof kastoo uu arka ayuu Mucaawiya weydiinayay:-
Ma aragteen qof aad garan weydeen? Iyana maya ayay ku oranayeen. Illaa
markii dambe uu la kulmay nin oday ah oo uu weydiiyey, markaasuu ninkii ku
jawaabay:- Waxaan arkay nin fadhiya khirbaddaasi dhex fadhiya.
Markaas buu Mucaawiya yiri:- Waa isaga! waa isaga! Rabbiga kacabadda ayaan
kudhaartaye.
Way ugu galeen oo ay ka soo saareen. Wuxuuna markaasi kudhawaa inuu oon
darani la dhinta. C/Raxmaan bin Abii Bakar oo kamid ahaa raggii Camr kala
yimid Shaam, baa wuxuu u galay Camr isagoo ushafeec qaadaya walaalkiis
Maxamed. Wuxuuna ku yiri:- Ma walaalkey baa la dilayaa? Markaas buu Camr
bin Al Caas u cid diray Mucaawiyah bin Khadiij isagoo ka dalbanaya inuu u
keeno Maxamed bin Abii Bakar. Markaasuu Mucaawiyah bin Khadiij yiri:- Maye
wallaahi, ma waxay dilayaan Kinaanah bin Bishir, oo aan markaas daayaa
Maxamed bin Abii Bakar, iyadoo uu kamid ahaa dadkii dilay Cuthmaan?
Istifhaamku waxaa weeye, macnuhu waxay ku noqotay Mucaawiyah bin Khadiij
inuu Maxamed nolal ugu geeyo Camr bin Al Caas arrin dhib ah.
Wuxuu Maxamed dalbaday biyo uu cabbo, saa waxaan xusnay in markii godka laga
soo saarayayba uu oon darani hayay oo xitaa uu ku sigtay inuu u dhinto.
Markiina uu dalbaday biyaha bay u diideen, wuxuuna Mucaawiyah yiri:-
Illaahay ima waraabsho, haddii aan dhibic biyo ah ku waraabiyo abad, saa
maxaa yeelay, Cuthmaan baad u diiddeen biyaha inuu cabbo, jeer aad disheen,
isagoo sooman. Markaasuu Illaahay la kulmiyey miidda aaburan.
Sida uu xusay ibnu Jariir dabeeto Mucaawiyah bin Khadiij waa uu dilay
Maxamed, kadibna wuu gubay. Arrintaasi markay gaadhay Caa'isha bint Abii
Bakar aad bay uga jiriracootay oo ay uga xanuunsatay, wayna ka murugootay,
waxayna kafaalla qaadday carruurtiisii oo uu ku jiray Al Qaasim. Wallaahu
aclam.
Al Waaqidi wuxuu xusay in ninkii sheegay halka uu Maxamed ku dhuuntay uu
ahaa nin la oran jiray Jablah bin Masruuq. Wallaahu aclam. Sidoo
kale wuxuu Waaqidi kusheegay waqtigaasi inay ahayd bishii Safar ee
sanadkan.
Bishii Shacbaan ee sanadkan ayuu Camr bin Al Caas warqad u diray dhankii
Mucaawiyah bin Abii Sufyaan isagoo kula socodsiinaya, wixii dhacay iyo in
Illaahay u furay Masar, oo ayna u soo laabteen daacadda iyo maqal iyo
adeecidba, wuxuuna usheegay in ay hoggaansameen oo ay qaabileen midnimada.
Markii Cali uu gaaray warka ah in la dilay Maxamed bin Abii Bakar, Masarna
ay gacanta u gashay Camr bin Al Caas, buu arrintaasi ka xanuunsaday. Markaas
buuna raggiisii ka dhex istaagay oo ku booriyey inay sabraan oo adkeystaan
oo ay ku dhaqaaqaan dhanka reer Shaam, wuxuuna kula ballamay Al Jircah oo ah
meel u dhaxaysa Kuufa iyo Xiira. Markii subaxii la gaaray buu Cali ka
dhaqaaqay magaalladii Kuufa oo degay Jircah. Balse cidi uma aysan soo bixin
kamid ah ciidamadii. Kaliya waxaa la socday dadkiisii iyo qaar kamid ah
madaxdiisa. Markii la gaadhay habeenkii buu isugu yeeray madaxda. Waxay
usoo galeen isagoo murugeysay. Markaasuu inta istaagay u khudbeeyay, khudbo
ay ku dheehantahay murugo, oo aad u xanuun badan. Wuxuu Cali weydiiyey
isagoo wax walba oo hanti ah siiyo, oo aanan waxba ka hagran, aaraadooduna
qiimeeyo, waxa ay u maqli la'yahiin oo aysan u adeeceynin amaradiisa. Iyadoo
Mucaawiya ay raggiisu adeecaan siismo la'aan uuna waxbana siinin.
Maalik bin Kacab Al Awsi ayaa istaagay, oo dadkii ku booriyey jihaadka iyo
maqlidda amiirka Mu'miniinta iyo inay adeecaan oo ay qaataan amarradiisa.
Dabeeta waxaa isu soo kacday 2000. Markaasuu Cali madax uga dhigay raggaas
Maalik bin Kacab, wuxuuna amray inuu aado dhanka Masar. Waxyar kadib waxaa
yimid qaar kamid ah ciidamadii Maxamed bin Abii Bakar ee ku kala firxaday
Masar qaar kamid ah, oo Cali uga waramay sidii ay wax u dhaceen iyo dilkii
Maxamed bin Abii Bakar, iyo in masuuliyaddii Masar ay gacanta ugashay Camr
bin Al Caas.
Maalik waa uu dhaqaaqay wuxuuna aaday dhankii Masar, balse dhaxda ayuu kasoo
laabtay. Sababtuna waxay ahayd wuxuu ka cabsaday ciidamadii Shaam oo kusoo
baxay ka hor intuuna gaarin Masar. Xaaladdii Ciraaqiyiintuna waxay noqotay
inay Cali khilaafaan, haddii uu amra bixidna aanay bixin, amaraddiisuna
aanay qaadan. Markaas buu Cali warqad u qoray C/llaahi bin Cabbaas oo
masuul ka ahaa Basra, isagoo uga eed sheeganaya xaallada qallafsan ee lasoo
deristay iyo dhibta haysata iyo diidmada iyo amar qaadasho la'aanta uu
raggiisii kala kulmo mar alliyoo uu amar siiyo. Markaas buu C/llaahi bin
Cabbaas ka soodhaqaaqay magaalladii Basra oo aaday dhankii Cali iyo
magaalladii Kuufa, si uu uga tacsiyeeyo dilkii Maxamed bin Abii Bakar, oo uu
waaniyo, talooyin wax ku ool ahna uu u siiyo. Magaalladii Basra wuxuu kusii
dhaafay Ziyaad bin Abiih.
Waqtigaas isaga ahi buu Mucaawiya bin Abii Sufyaan warqad u dhiibay C/llaahi
bin Camr Al Xadrami si uu reer Basra ugu dul akhriyo oo uu ugu yeero inay ku
istiqraaraan wixii uu xukmiyey Camr bin Al Caas oo ah in khilaafada uu qabta
Mucaawiyah. Markii C/llaahi bin Camr Al Xadrami uu tegay magaalladii Basra
wuxuu ku degay deegaanka banii Tamiim oo uu magan galyo weydiistay. Ziyaad
baa inta ku kacay u diray Acyan bin Dubeycah iyo ciidama uu hoggaaminaya.
Saa waxaa dhex maray dagaal lagu dilay Acyan. Markaas buuna Ziyaad warqad u
qoray Cali, isagoo ogeysiinaya wixii Basra ka dhacay, kadib markuu ka baxay
C/llaahi bin Cabbaas. Dabeeto Cali wuxuu soo diray Jaariyah bin Qudaamah Al
Tamiimi oo hoggaaminaya 500 oo qoomkiisa banii Tamiim ah. Markaasuu Jaariya
warqad u qoray tolkiisa banii Tamiim, wixii raacay C/llaahi bin Camr Al
Xadrami, saa badankoodii way kasoo laabteen. Markaas buu Jaariyah dhaqaaqay
oo dul tegay daartii ay ku jireen Ibnu Xadrami iyo raggiisii oo tiradoodu
lagu sheegay 40 ama 70. Saa go'doomin buu ku qabtay, markaasuu ku gubay
kadib markii uu u cududaaray una digay oo ay ajiibi waayeen.
Ibnu Jariir wuxuu xusay masuuliyiintii goballada in sanadkan ay ahaayeen
Quthum bin Cabbaas oo Cali masuul uga ahaa magaallada Makka, walaalkiis
Cubeydullaah bin Cabbaas oo Cali Yeman masuul uga ahaa, iyo walaalkood
C/llaahi bin Cabbaas oo Basra masuul uga ahaa, iyo walaalkood Tamaam bin
Cabbaas oo Madiina masuul uga ahaa. Khuraazaan-na waxaa masuul uga ahaa
Khaalid bin Qurrah Al Yarbuuci.
Masar waxay gacanta ugashay Mucaawiya, waxaana masuul uga ahaa Camr bin Al
Caas. Shaam-na guud ahaan waxay hoos imaneysay Mucaawiyah bin Abii Sufyaan
Illaahay haka raalli noqdee.
Sahal bin Xaniif Al Ansaari oo saxaabi Jaliil ahaa, kana ag dhawaa Cali,
maqaam aad u sarreeyo iyo meel wanaagsanna u joogay baa sanadkan
geeriyooday Illaahay haka raalli noqdee. Magaalladii Kuufa ayuu ku
geeriyooday. Cali ayaana ku tukaday, isagoo janaasadiisii takbiirsaday shan,
waxaa kaloo la yiri lix takbiir. Wallaahu aclam. Waxaa sanadkani dadka
xajiyey sida uu Ibnu Jariir xusay Quthum bin Cabbaas oo magaallada Makka
masuul ka ahaa.
SANADKII 39AAD
Sanadkan dhexdiisa ayuu Mucaawiyah diyaariyey ciidama culus, oo uu u kala
diray cirifyada macaamilada dhulka uu Cali maamulo. Si ay halkaasi howlgallo
uga soo fuliyaan. Sababihii dhaliyay howlagalladaasina waxaa kamid ahaa in
Mucaawiyah markii uu Camr bin Al Caas masuuliyadda u dhiibay uu is tusiyey
inuu isagu yahay amiirka Mu'miniinta iyo Khaliifkii Muslimiinta. Sidaa
darteed buu darafyada Ciraaq u diray ciidama badan, si asaga ay ugu
hoggaansamaan oo dhulalkaasi oo idil uu u tamkiiniyo.
Sidaa daraadeed howlagalladii uu dirayay sanadkan waxaa kamid ahaa
Diriddii Nucmaan Bin Bashiir
Sanadkan dhexdiisa ayuu Mucaawiyah diray Nucmaan bin Bashiir oo hoggaaminaya
2000 oo fardooley ah, wuxuuna u diray dhanka Caynu Tamar. Waxaana halkaasi
masuul ka ahaa Maalik bin Kacab, oo ka socday dhanka Cali, oo ay markaasi la
joogeen 1000 fardooley ah. Markii ay ciidamadii Maalik maqleen soo
galootiga reer Shaam, bay kala firxadeen oo ay kala carareen. Waxaana kusoo
haray Maalik agtiisa wax dhan 100 nin. Markaa iyada ahi buu Maalik bin
Kacab warqad u qoray dhankii Cali bin Abii Daalib isagoo xaallada la
socodsiinaya, kana dalbanaya gurmad. Markiina Cali ay u tagtay warqaddii
wuxuu ka dhex istaagay raggiisii, oo u khudbeeyey kuna booriyey jihaadka iyo
in loo gurmado Maalik bin Kacab iyo raggiisa 100 ahi, balse cidi dheg jalaq
uma siin, manay qaadan amaradii amiirka Mu'miniinta.
Nucmaan bin Bashiir wuxuu galay Cayn Tamar, waxayna is heleen Maalik bin
Kacab oo diriri dhex martay, sidaa oo ay tahayna ciidamada Maalik waxay
ahayeen 100 nin oo qura, oo weliba seefahoodu ay jajabanyahiin. Waxyar
kadib waxaa yimid rag ka socda dhanka Miqnaf bin Sulaym oo dhan 50 fardooley
ah, oo uu hoggaaminaya wiil uu dhalay Miqnaf bin Sulaym. Saa markii ay reer
Shaam arkeen baa waxay moodeen ciidama gurmad culus ah, oo ka yimid dhanka
Cali, markaasay kala carareen oo dhankii Shaam u jiheysteen. Maalik kama
uusan harine wuu sii eryaday oo firxadkoodii ka laayay saddex nin oo kamid
ah. Intii kalena Shaam bay oran ku galeen, iyagoonay u suuro gelin
hadafkoogii iyo ula jeeddadii ay u yimideen.
Sidoo kale howlgalladii uu Mucaawiyah fuliyey sanadkan waxaa kamid ahaa:
Diriddii Sufyaan Bin Cowf
Wuxuu u diray isagoo hoggaaminaya 6000 fardooley ah inuu tago Hayt, oo uu
dooxateeyo, kadibna uu uga gudbo Anbaar iyo Madaa'in. Markaas buu dhaqaaqay
Ibnu Cowf jeer uu gaaray Hayt. Cidina kalama uu kulmin la dagaasho halkaas,
wuxuuna uga sii gudbay Anbaar oo ay kusugnaayeen 500 oo kamid ah ciidamadii
Cali. Markii ay raggaasi maqleen soo galootiga Shaamiyiinta, bay kala
firxadeen oo waxaa kaliya oo kusoo haray magaalladii 100 nin. Waxaa labada
qolo dhex maray dagaal, iyadoo ay qolada Cali tira yari aad u daran
kusuganyahiin. Sidaa oo ay tahay waa ay sabreen oo dirireen dirir daran,
jeer la dilay 30 kamid ah oo uu ku jiray amiirkooda oo la oran jiray Ashras
bin Xassaan Al Balawi. Dabadeed ciidamadii reer Shaam ee uu hoggaaminayay
Ibnu Cowf, waxay aruursadeen wixii hanti ahaa oo yiillay beytul maalka
Anbaar, iyo hub, kadibna waxay u boqaaleen dhankii Shaam oo ay dib ugu
laabteen.
Warkaasi markii Cali uu gaaray, naf ahaantiisii baa ka dhaqaaqay magaalladii
Kuufa oo aaday dhankii Shaamiyiinta, wuxuuna degay Nukheylah. Markaasay
raggiisii ku yiraahdeen:- Amiirkii Mu'miniintoow! innagaa kaaga
filnaaneyna?
Wuxuu ugu jawaabay:- Iigama filnaaneysaan, nafihiinana ugama filnaaneysaan.
Dabeeta Sacad bin Qeys, baa daba galay raadkii Shaamiyiinta, oo daba eryaday
jeer uu gaaray Hayt, balse muuna haleelin oo hortiis ayay Shaam galeen,
kadibna wuu soo laabtay.
Diriddii Cabdullaahi Bin Mascadah Al Fazaari
Sidoo kale sanadkan buu Mucaawiyah diray C/llaahi bin Mascadah Al Fazaari oo
hoggaaminaya 1700 fardooley ah, wuxuuna u diray dhanka Taymaa, oo amray inuu
saddaqada kasoo aruuriya dadka reer miyiga ah, ciddii diidana wuxuu amray
inuu la dagaallo. Dabeetana uu u gudba oo galo Makka iyo Madiina, oo guud
ahaan Xijaas oo idilna uu soo maro.
Markaas buu dhaqaaqay C/llaahi bin Mascadah oo uu galay Taymaa. Halkaasoo ay
ugu kulmeen dad aad u badan. Arrintaasi markii uu Cali ka war helay baa
wuxuu ku diray Al Musayb bin Nujaybah Al Fazaari oo hoggaaminaya 2000 oo
dagaalyahanno ah, suu dagaal ku dhex maray Taymaa, oo ay dirireen jeer
cadceeddu suushay.
Ibnu Mascadah iyo qaar kamid ah tolkiisa, baa waxay galeen qalcad halkaasi
ku tiillay oo ay dhufeys ka dhigteen. Intii kalee ciidamadii reer Shaam
ahaydna way kala firxadeen oo Shaam bay u gaddoomeen. Markaas buu Al Musayb
go'doomin ku qabtay qalcaddii uu Ibn Mascadah ku jiray oo ku hayay illaa
saddex casho. Dabadeed xaabo ayuu soo aruriyey oo ku guray qalcadda, kadibna
dab ku shiday si uu u gubo. Markaas buu ibnu Mascadah riximka iyo wada
dhalashada ku tawasulay oo ku calaacalay. Markaas buu Al Musayb dabkii
demiyey . Saa markii la gaaray habeenkii buu albaabkii qalcadda furay oo
iyana intay kasoo baxeen u carareen dhankii Shaam.
C/Raxmaan bin Shabiib oo kamid ahaa ciidamadii Al Musayb baa ku yiri
Musayb:- Maad ka daba tagto (oo aad layda)?
Wuxuuse Al Musayb ku jawaabay:- May
Diriddii Daxaak Bin Qeys Al Fihri
Sidoo kale sanadkan buu Mucaawiyah diray 3000 oo uu hoggaaminaya Daxaak bin
Qeys Al Fihri. Wuxuuna amray inuu dooxateeyo ciidamada kusugan daafaha
dhulka uu maamulo Cali. Sidaa daraadeed buu Cali markuu ka war helay
arrintaasi diyaariyey Al Xujur bin Caddiyi iyo ciidama 4000 ah oo uu
hoggaaminaya. Saa mid kastoo kamidi ciidamadaasi wuxuu siiyey 50 Dirham.
Markaa bay labadii qolo isku heleen goobta Tadammur, oo diriri dhex
martay.
Xujr bin Caddiyi baa ka laayay ciidamadii Shaamiyiinta ahaa 19 kamid ah,
isagiina raggiisa waxaa laga dilay laba nin oo qura. Habeenkii baa kala
dhex galay labada qolo, markaasay kala weecdeen. Saa Daxaak iyo raggiisiina
ay orad ku galeen Shaam.
Sidoo kale sanadkan dhexdiisa ayuu Mucaawiyah naf ahaantiisa dhaqaaqay
isagoo hoggaaminaya ciidamada aad u culus, jeer uu gaaray webiga Dajlah.
Dabadeedna waa uu laabtay, oo Shaam buu galay isagoonan wax dagaal ah
falin.
Wilaayadii Ziyaad Bin Abiih ee Dhulka Furus
Sanadkan dhexdiisa ayuu Cali bin Abii Daalib u wakiishay masuuliyadda dhulka
Furus Ziyaad bin Abiih. Sababtuna waxay ahayd, markii Jaariyah bin Qudaamah
uu Basra ku laayay Ibnu Xadrami iyo raggiisii, baa arrintaasi waxaa ka
xumaaday dad badan oo kamid ah kuwii Islaamka ku hoos noolaa ee jisyada
dhiibayay iyo khalqi kaloo kamid ah Muslimiintii halkaasi deganaa. Markaas
bay diideen inay bixiyaan jisyo iyo inay ku hoos noolaadaan Islaamka. Wayna
u caroodeen Cali oo ay ka hoos baxeen daacadiisa.
Markaas buu Cali raggiisii igu yeeray si uu kala tashto ciddii uu u diri
lahaa dhulka Furus masuul ahaan. Saa C/llaahi bin Cabbaas iyo Jaariyah bin
Qudaamah baa waxay soo jeediyeen in loo dira Ziyaad bin Abiih, waayo wuxuu
ahaa nin ra'yi iyo go'aan adag leh, oo arrimaha bulshada iyo siyaasadduna si
wacan ugu xeel dheeraa.
Markaas buu Cali u wakiishay Ziyaad dhulkaas Furus iyo Karmaan oo uu weliba
ugu daray inuu masuul ka noqdo. Wuxuuna u diyaariyey ciidama culus oo tiro
ahaan ah 4000. Saa sanadkan buu dhaqaaqay oo galay Furus, kadibna wuu la
dagaallamay jeer ka adkaaday, oo ay kusoo noqdeen daacaddii iyo midnimadii
oo ay kusoo laabteen wixii ay horey uga baxeen.
Taa ka hor Furus markaas, waxay ahayd masuul la'aan, waayo horey waxaa
masuul uga ahaa Sahal bin Xaniif illaahay haka raalli noqdee. Markiina ay
reer Furus ku inkireen daacadda iyo midnimada amiirkii Mu'miniinta ee Cali
bin Abii Daalib, bay iska soo eryeen masuulkii halkaasi Cali u joogay oo
ahaa Sahal bin Xaniif sanadkii 38aad ee Hijriga. Markaas buu Sahal tegay
Kuufa oo uga warramay arrintaasi Cali. Dabadeedna waxyar kadib isla
sanadkaas ayuu Sahal ku geeriyooday magaalladii Kuufa, sidaynu soo
xusnayba.
Al Waaqidi wuxuu xusay in sanadkan uu Cali mawaasimta xajka u diray C/llaahi
bin Cabbas si uu dadka u xajisiiyo. Mucaawiyana wuxuu soo diray Yaziid bin
Sakhbarah Al Ruhaawiyu, si uu dadka u xajisiiyo. Markii ay labadani masuul
ku kulmeen magaalladii Makka, baa mid waliba wuxuu diiday in masuuliyaddii
loo soo wakiishay uu kan kale u daayo. Saa waxay isula tegeen Sheybah bin
Cuthmaan bin Abii Dalxa Al Cabdidaari oo dadkii sanadkaasi xajisiiyey.
Abul Xassan Al Madaa'ini wuxuu xusay in C/llaahi bin Cabbaas uuna mawaasimta
xajka tegin, intii Cali la doortay jeer la dilay. Wuxuuna xusay inuu ahaa
Quthum bin Cabbaas kii ay mawaasimta kudoodeen Yaziid bin Sakhbarah.
Wuxuu Ibnu Jariirna yiri:- Sida uu Abul Xassan yiri ayuu Abuu Muscabna yiri.
Wuxuu kaloo xusay in madaxdii goballadu ay ahaayeen sidii sanadkii hore,
marka laga reebo Basra oo C/llaahi bin Cabbaas uu ka tegay oo uu ka aaday
Kuufa iyo Furus iyo Karmaan oo uu madax ka noqday Ziyaad bin Abiih.
SANADKII 40AAD
Sida caanka ahi, sanadkan waa sanadkii la dilay amiirkii Mu'miniinta ee Cali
bin Abii Daalib Illaahay ha ka raalli noqdee. Waana xusi doonnaa hadduu
Alle idmo sifadii dilkiisa. Balse aynu marka hore ku hor marno dhacdooyinkii
sanadkan 40aad ee Hijriga dhacay.
Diriddii Busur Bin Abii Ardhaah
Ninkan Busur bin Abii Ardhaah, wuxuu ahaa mid kadhashay banii Caamir bin
Lu'ayi oo Qurashi ah. Mucaawiyah ayaa sanadkan u diray dhanka Xijaas isagoo
hoggaaminaya 3000 oo dagaalyahanno ah. Markaas buu ka dhaqaaqay Shaam jeer
uu tegay magaalladii Madiina, oo markaas uu Abuu Ayuub Al Ansaari madax
uga ahaa dhanka Cali. Abuu Ayuub wuu cararay oo Kuufa ayuu Cali ugu tegay.
Busurna magaalladii Madiina ayuu galay isagoonan cidi la dagaallamin, oo
koray mimbarkii una khudbeyey dadkii. Wuxuu ka dalbaday in loo keeno Jaabir
bin C/llaahi Al Ansaari.
Wuxuu yiri Busur isagoo mimbarka dul saaran:-Reer Madiinoow! Illaahay baan
ku dhaartaye, haddii uuna Mucaawiyah ila ballami lahayn, magaallada Madiina
kuma daayeen qof qaan gaaray, illaa waan dili lahaa.
Dabeeta dadkii reer Madiina ayuu la mubaayacooday. Kadib intuu ku jeestay
xaggooda ayuu ku yiri:- Illaahay baan ku dhaartaye kuma lihidiin agteyda wax
magangalyo ah iyo mubaayaco tooni, jeer aad ii keentaan Jaabir bin C/llaahi
Al Ansaari ( Macnaha si uu ula mubaayacooda ).
Jaabir wuxuu u tegay hooyadii Mu'miniinta ee Ummu Salama, wuxuuna ku yiri:-
Maxaad ra'yi haysaa? Anigu waxaan ka cabsan in la idilo, tanina waa bayco
baadi ah.
Waxay ugu jawaabtay:- Waxaan qabaa inaad la mubaayacoota, waayo anigu waxaan
amray wiilkeyga Cumar, iyo wiilka aan soddohda u ahay ee Cabdullaahi bin
Samcah ah inay la mubaayacoodaan.
Cabdullaahi bin Zamcah wuxuu qabay gabadhii Ummu Salama oo la oran jiray
Saynab bint Abii Salama. Markaas buu Jaabir dhaqaaqay oo u tegay Busur,
deedna la mubaayacooday.
Dabeeta Busur waa uu dhaqaaqay oo wuxuu aaday dhankii Makka. Abii Muusa Al
Ashcari oo halkaas kusugan baa isaguna naftiisa u cabsaday markuu Busur
Makka, yimid, wuxuuna ka cabsaday inuu dilo. Markaasuu Busur yiri:- Ma ahi
mid ku falo sidaas saaxiibkii Rasuulka Alle SCW.
Wuuna iska daayay. Taas ka hor Abii Muusa Al Ashcari wuxuu warqad u qoray
reer Yeman, isagoo ogeysiinaya in ciidama ka yimid dhanka Mucaawiyah ay
kusoo jiheysanyahiin xaggooda. Dabadeed Busur wuu dhaqaaqay oo wuxuu aaday
dhankii Yeman. Goortaa iyada ahi, waxaa Yeman masuul ka ahaa Cubeydullaah
bin Cabbaas bin Cabdimudallib oo dhanka Cali ka socday. Cubeydullaah markii
uu arrintaasi ka war helay waa uu cararay oo Kuufa ugu tegay Cali. Yemanna
wuxuu ku dhaafay Cabdullaahi bin Cabdullaahi bin Al Maddaan Al Xaarithi.
Busur markii uu galay Yeman wuxuu dilay masuulkii halkaas, iyo wiil uu
dhalay. Sidoo kale wuxuu dilay laba wiil oo yaryar oo uu dhalay Cubeydullaah
bin Cabbaas. Kuwaasoo lakala oran jiray C/Raxmaan iyo Quthum. Waxaa la
yiraahdaa Busur, wuxuu laayay khalqi badan oo kamid ah dadkii taabacsanaa
Cali bin Abii Daalib ee uu dhexda kula kulmaba, iyo weliba kuwii uu Yeman
kula kulmay.
Cali markii uu warkaasi gaaray wuxuu soo diray Jaariyah bin Qudaamah oo
hoggaaminaya 2000 oo dagaalyahanno ah, iyo Wahab bin Mascuud oo isaguna
hoggaaminaya 2000 oo dagaalyahanno ah. Saa Jaariyah wuu dhaqaaqay jeer uu
tegay Najraan oo gubay, dilayna dad badan oo kamid ah ciidamadii Busur iyo
wixii taabacsanaa. Busurna wuu cararay asaga iyo asxaabtiisii oo waxay
galeen Makka. Markaasuu Jaariyah ka daba tegay oo ku yiri:- Dhiiba baycada?
Saa waxay yiraahdeen:- Oo yaan la mubaayacoonnaa iyadoo uu dhintay amiirkii
Mu'miniinta?
Wuxuu yiri:- Waxaad la mubaayacootaan qofkii ay asxaabtii Cali la
mubaayacoodeen.
Dabeeto way ku cuslaatay, kadibna waa ay la mubaayacoodeen si cabsi ah.
Intaa dabadeed Jaariyah waa uu dhaqaaqay oo galay magaalladii Madiina, oo
markaasi uu salaadda dadka tujinayay Abuu Hureyrah. Saa Abuu Hureyrah wuu
cabsaday oo cararay. Dabadeed Jaariyah wuxuu amray dadkii reer Madiina inay
Xassan la mubaayacoodaan, saa way la mubaayacoodeen oo isagii baa baycda uga
qaaday. Kadibna hal maalin ayuu la joogay, oo intaa dabadeed u boqaallay
dhankii Kuufa. Abuu Hureyrana tujintii salaadda ayuu dib ugu laabtay, oo
isaga ayaa sii tujin jiray.
Sanadkan dhexdiisa baa Cali iyo Mucaawiyah ay ku heshiiyeen in qof waliba uu
gobalkiisa ku ekaado oo uu istiqraariyo, la iskana daayo weerarrada iyo
dagaallada joogtada ahi. Sidaa ayayna kuwada raalli noqdeen.
Dilkii Amiirka Mu'miniinta ee Cali Bin Abii Daalib
In Cali la dili doono oo uu shahiid yahay Rasuulka SCW ayaa horey usii
sheegay. Waxaynu xasuusannaa in Cali uu ahaa Khaliifkii u dambeeyey
khulafadii Islamka ee fadhigoodu ahaa magaallada Madiina.
Rasuulkeenna suubban SCW isagoo inooga warramaya in Cali la dili doono, baa
wuxuu yiri:- Dad waxaa ugu shaqisan, ninkii boqno gooyey hashii (Nebi Saalix
CS) iyo kan ku dili doono Caliyoow!.
Waxuu dunida ka hoyday oo uu Rabbiga xagiisa aaday kadib markuu xukunkii
hayay muddo 5 sano oo dhiman saddex bilood, macnuhu waa 4 sano iyo 9 bilood
iyo 6 casho ama 3 casho.waxana dilay Nin khawaarijta kamid ah oo la oran
jiray Cabduraxmaan bin Camr oo loo yaqan Cabduraxman bin Muljim Al Kindi
Al Xumeyri. oo xaliif la ahaa banuu Xaniifaha dega Masar, waxuuna ahaa nin
midib maariin ah oo tima jilacsan oo wejigiisuna ay kamuuqato raadkii
sujuudda salaad darteed. Waxa jiray laba kaloo khawaarijta kamid ah oo ay
wada tashteen Cabduraxman bin Muljim oo kala ahaa Al Baraak bin Cabdullaahi
Al Tamiimi iyo Camr bin Bakar Al Tamimi. Waxay saddexdani go'aansadeen inay
dilaan Camr bin Al Caas, Cali bin Abii Daalib, iyo Mucawiyah bin Abii
Sufyaan. Markaas buu ibnu Muljim yiri ::-Aniga waxaan idinkaga filnaan Cali
oo aniga ayaa soo dilayaa, markaas buu Al Baraak bin Cabdullaahi
yiri:-Aniguna Mucaawiya baan soo dili. Halka Camr bin Bakarna uu
yiri:-Anigana waxan ku filnaan doonaa Camr bin Al Caas oo aan soodili.
Waxayna isku dhaarsadeen inuusan ninna soo laaban inuu soodila ninkii
loodiray ama uu isaga dhinta mooyaan, wayna kala tegen, oo waxayna
kuballameen in habeenka 17 ay tahay bisha Ramadan uu mid waliba qaarajiyo
ninkiisi mowcid layaqaan. Ibnu Muljim wuu baxay waxuuna aaday Kuufa, wuuna
qarsaday arrinkiisi oo cidna umuusan sheegin. Maalin isagoo lafadhiyo
khawarijtiisii gole fadhi oo ay lahayeen Banuu Taym Ar-Rabbaab, oo ay ka
sheekeysanayeen khawaarijtii uu Cali kulaayay Nahrawaan ayaa waxa u timid
haweeney la oran jiray Qidaam bint Shajnah taasoo Cali uu kudilay aabaheed
iyo walalked Nahrawaan. Waxayna ahayd haweeney qurux Illaah u dhameyay oo
aad iyo aad u qurxan, dhexdooduna caan bay ka ahayd. Markiina uu arkay
haweeneydaasi Ibnu Muljim caqligisi dhan bay la tegtay oo arrintuu uscoday
dhan (inuu Cali soo dilo ) wuu ilaaway. Markaas buu doontay si uu uguursada
waxayna ku xirtay shuruud ah inuu soo dilo Cali, waayo aabahed iyo
walaalkeed oo Khawaarij buu dilay oo uu kudilay Nahrawaan. Markaas buu yiri
Ibnu Muljim:- Oo ma intaas baa? walaahi inaanan dhulkaan u imaanin wax kale
arrinkaas mooyaan.wuuna baxay kadib isagoo wajahaya sidu ku dili laha Cali
.Waxayna kudartay nin banuu Rabaaab ah si uu arrinkaas ugu booriyo,
ninkaasoa la oran jiray Wardaan Al Rabaabi. Kadib waxuu Ibnu Muljim utegay
ninkaloo la oran jiray Shabiib bin Najad Al ashjaci.
Waxuuna ku yiri:- Shabiboow ma dooneysa in kheyrka dunida dhan lagugu sheego
oo lagugu xasuusta? Waxuu yiri:- Oo waa maxay arrinkas?
Waxuu yiri:- Waa dilka Cali.
Waxuu yiri Shabiib:- Hooyada kuweydaye Ibnu Muljimoow! arrin baad la timid,
oo sidee baad ku awooddaa inaad sidaa fasho?
Waxuu yiri:- Waad iraacee oo salaaada mugdiga ah (Cisho ama subax) baan
masjidka ugu dhakaneynaa oo aan seefta ka dul rideynaa, kadib haddii uusan
dhiman waan carareyna oo nafaheenan la fakaneyna waxaana abbaareynaa
dadkeenii (Khawaarijta ahaa), haddii aan dilnana waxaa Alle agtiisa yaal
baa inooga kheyr badan dunida dhan.
Waxuu yiri Shabiib:- Hoogaagee hadduusan Cali ahayn qofka aad sidaas
kusameyneso way fududaan laheyd, war waxaan ogahay Islaannimada uu kaaga
horeyay iyo qaraabanimadiisa xagga nabiga SCW. Arrinka aad wado Ibnu
Muljimoow! laabteyda boos ugama banaano.
Waxuu yiri Ibnu Muljim:- Oo miyaadan ogeyn siduu u laayay dadkii Nahrawaan?
Markaas buu yiri Shabiib:- Haaheey oo waan ogahay taasi.
Markaas buu Ibnu Muljimna yiri:- Haddee Aynu dilno hadaba waxaan udilaneynaa
walalaheennii uu dilay.
Shabiib wuu ka aqbalay intaas dabadeed. waxaana la galay bishii Ramadaan oo
waxaa lagaaray habeen Jimca ah oo 17 bisha Ramadaan ay tahay. Saa waxuu
yiri Ibnu Muljim:- Tani habeenka kan waa habeenkii aanu kuballannay
asxaabteydii.
Dabadeed way isasoo raaceen saddexdan nin ee kala ah Ibnu Muljim Shabiib iyo
Wardaan si ay u dilaan Cali. Markuu Cali soo galay masjidkii goor salaad
subax ah baa waxaa ku dhuftay seef Shabiib kadib baa waxaa isa raaciyey
Ibnu Muljim, oo si daran ula helay, isagoo ku oranaya:- Caliyoow! majiro
xukun aan xukunka Allaah ahayn. waxba kuumaysan tarin waxaad dhoodhobeysay
iyo saaxiibadaaba. Waxuuna akhrinayay markaas qowlka Alle ee ah:
''Dadka Waxa kamid kuwa ku gato raali
ahaanshaha Allaah darteed naftiisa,Allane waa mid uturid badan
addoomadiisa''. Albaqara: 207d.
Kadib bay carareen oo Wardaan waxaa helay nin Xadrumowti ah oo dilay,
Shabiibna wuu fakaday oo lama helin, halka Ibnu Muljimna lasoo qabtay.Waxuu
markaas Cali amray Jacda bin Hubeyrah bin Abu Wahab si uu salada subax
dadka u tujiyo. .Kadib waxaa loo qaaday Cali gurigiisi uu ku lahaa
magaallada Kuufa, waana lala waday Ibnu Muljim Allaha duleeyo'e oo waxaa
la hor geeyay imaam Cali hortiisa, saa waxuu yiri Cali:- War hooy! cadawgii
Alloow soomaanan ku wanaajinin?
Markas buu kujawaabay:- Haa wad iwanaajisay.
Wuxuu yiri:- Maxaa kugu xambaaray arrinkaan?
Markas buu yiri:- Waxan joogay oo aan soofeynayay (yacni seeftiisa) 40
subax, anigoo Alle ka baryay si aan ugu dilo kan ugu sharta badan.
Markaas buu Cali yiri:- Ma arko aniga waxaan ka ahayn in lagu dilo oo mana
arka waxaan ka ahayn inaad tahay khalqi kan ugu shar badan.
Kadib wuxuu raaciyey intaas Cali haddii aan dhinta dila, haddii aan
noolaadana oo aan fiyoobaada anigaa aqaan sidaan yeelaya. Markaas buu Jundub
bin Cabdullaahi yiri:- Amiirkii Muminiintow! haddaad dhimato waxaan la
mubaayaconeynaa Xassan. Waxuu yiri Cali:- Idinma amrayo oo inkana reebi
mahayo ee sidaad aragtaan yeela.
Markuu mowtka kusoo dhawadayna waxuu guda galay inuu ku hadaaqa kalimada
towxiidka LAA ILAAHA ILLA-ALLAAH. Waxana layiraahda eraygii ugu dambeyay ee
laga maqlayay Cali waxuu ahaa ayadahan Suuratu Zalzalah:
''Ruuxii waxyaroo kheyr ah falaa wuu arki
doonaa, ruuxii waxyar oo shar ah falaana wuu arki doonaa''.
Waxuu imaam Cali u dardaarmay wiilkiisa Xasan iyo wiilkisa Xuseyn taqwada
Alle sidoo kale waxuu udardaarmay inankiisa Maxamed bin Xanafiyah taqwada
Alle iyo inay dhamaan ka dhowrsadan caruurtiisa fidna dhan oo ay ka
fogaadaan waxuuna uqoray warqad dardaaran ah.
Markii Cali la aasay baa xasan bin Cali waxuu dalbay in xabsiga laga soo
saara Ibnu Muljim si loo dila waana lasoo saaray, saa waxay Xasan iyo Xuseyn
ka tashteen sidii laga yeeli laha waxayna dhaheen aan gubna, waxaa iskugu
yimideen si ay uga cad goostaan Xuseyn bin Cali, Maxamed bin Xanafiyah
Cabdullaahi bin jacfar, iyo Xasan Bin Cali.
Maxamed bin Cali iyo Cabdullaahi bin Jacfar iyo Xuseyn bin Cali baa waxay
yiraahdeen:- Inoo daaya ilaa aan ka gudano. Saa waxuu Cabdullahi bin jacfar
ka jaray gacmaha iyo lugaha oo indhahana kasoo saaray kadibna intay qaadeen
bay gubeen. Illaah ha duleeyo' e Ibnu Muljim.
Waxuu yiri Camr bin Al Asam:- Waxaan usoo galay Xasan bin Cali oo aan
usheegay in dadka qaarkiis ay sheegayan inuu Cali soo laaban doona ka hor
Qiyaamada, Saa wuu qoslay Xasan oo waxuu yiri:- Subxanallaah, Hadday sidaas
ahaan laheyd dumarkisa ma laguursadeen oo dhaxalkiisana lama qeybiyeen.
Waana bidca aqwaasha noocaasi ahi. Bal'e waa munkar. Wallaahu aclam.
Cali bin Abii Daalib wuxuu geeriyooday 19-kii Ramadaan sanadkii 40aad ee
Hijriga, maalin Axad ah, isagoo 63 jir ah, waa sida ay mu'arrakhiinta
rajaxeen, ama qowlka ugu badan. Waayo waxaa la dhaawacay 17-kii Ramadaan
habeen Jumca ah, laba casho kadibna waa uu geeriyooday Illaahay haka raalli
noqdee. Janaasadiisii Xassan bin Cali baa tujiyey, wuxuuna takbiirsaday 9
takbiir, wallaahu aclam.
Waxaa la isku khilaafaa halkii lagu aasay sayid Cali bin Abii Daalib. Qaar
waxay yiraahdaan:- Madiina ayaa loo qaaday oo lagu aasay maqbarada Baqiic,
xaaskiisa dhinaceeda. Qaar kale waxay xusaan in aanan la ogeyn oo meydkiisii
inta awr lagu qaaday, marka deegaanka banii Dayi lamaraya, ay qabsadeen,
awkii iyo sanduuqii, markiina ay arkeen in mayd yahay bay deegaankoodii ku
aaseen maydkii iyo sanduuqiiba. Qaar kale waxay sheegaan in lagu aasay
qasriga imaaraddii Kuufa. Qaar kale oo culumada taariikhda ahi, waxay xusaan
jaamaca magaallada Kuufa hortiisa lagu aasay goor habeen ah iyadoo laga
qarinaya Khawaarijta iyo dadka kale, si aanay u soo saarin qabrigiisa.
Isku soo duuboo qowlka ugu adag ama ugu rajaxsan ee badi culimaayi siirah ay
qaban waxaa weeye in Cali uu ku aasan yahay magaallada Kuufa, haddii ay
noqon lahayd qasrigii imaaradda, ama haddii ay noqon lahayd masjidka
hortiisa ama dhinaciisa, ama meel kaleba.
Aqwaasha qaar waxay sheegaan in duleedka Kuufa goor habeen ah lagu aasay.
Wallaahu aclam.
Cali bin Abii Daalib, wuxuu ahaa nin go'aan adag, leh, wuxuuna aad u
shabbahayay dhanka ad adkaanta amiirkii Mu'miniinta ee Cumar bin Khaddaab.
Dhanka kale, wuxuu ahaa mid ku wanaagsan dhanka qaddaha iyo xukunka. Cumar
bin Khaddaabna markii uu dhimanayay wuxuu yiri:- Haddii ay Cali doortaan
wadada toosan ayuu marsiin.
Tani waxay ina tusineysaa inuu Cali ahaa nin kartiyeed aad iyo aad u qiima
badan. Marxalad xun iyo fitan buu kusoo haggaagay, ay adkaan lahayd in
khulafadii ka horeysay haddii ay iyaguna soo gaari lahayeen ay ku adkaan
lahayd inay xal iyo maaro u helaan. Sidaa daraaddeed baa Cali intuu xukunka
hayay oo idil ku mashquulsanaa istiqraarinta dowladdii islaamka, oo fitan
aad u xoogan ay markaasi aafeeysay.
Majirin muddooyinkaasi dagaallo ama weerarro uu kuqaadayay quwadihii
gaallada ahaa ee deriska, balse wuxuu awoodda saaray in Islaamka uu marka
hore dhidibidda u aaso oo sidiisii hore kusoo celiyo.
Waxaa xilligii Cali bin Abii Daalib soo ifbaxay fidna wadayaashii
Khawaarijta oo si loola macaamilo ay aad u adkeyd, waxayna runtii ahayd
jirribaad iyo imtixaan aad u weyn Cali bin Abi Daalib la marshay. Wuxuu
laayay in badan oo kamid ah Khawaarijtaasi, balse waxaa dhacday in
ciidamadiisii oo idil ay ku caasiyaan una dhega nuglaan waayaan.
Markii uu amro ama tala keeno, ama uu hala baxa dagaal ku yiraahdo
asxaabtiisa, baa waxay iyana ku qaabilayeen dhega adkaan iyo diidmo, waxayna
uga careysnaayeen layntii uu laayey fidna wadayaashii Khawaarijta ahaa.
Sidaa oo ay tahay, waaga dhulka guudkiisu ma uuna saarneyd axad ka fadli iyo
karaama badnaa amiirkii Mu'miniinta. Dhibaatooyinkii iyo jarribaaddii baa ku
darnaaday jeer hammi iyo murugo ay qalbigiisii fuushay. Ugu dambeynna
Illaahay baa oofsaday shahiid ahaan.
Si wanaagsan ayuu uga gudbay marxaladdii adkeyd ee fidnada Rabbina wuu
usaqiray Illaahay haka raalli noqdee hana u fududeeyo'e. Wuxuu ahaa mid
Allaah iyo Rasuulkiisa jecel, sidayba Alle iyo Rasuulkiisuna asaga u
jeclaayeen, siduu noo sheegay Rasuulkeennii SCW.
Halkaa ayay kusoo afjarmatay qisadii iyo Cali bin Abii Daalib Illaahay haka
raalli noqdee.
Wabillaahil Mustacaan.
Kitaabkaan waxaa qorey Mohammed Dahir Abdi (Mohammed-Akhyaar).
Email: mohamed@live.fi
______________________________________________
Waxaa mahad iskaleh Allihii fududeeyay howshiisa, kasokoowna waxaa mahad
dhan iskaleh dhammaan intii ka qeyb qaadatay siduu bulshada kusoo gaari
lahaa, qaasatan mahad gaara shabakadda SomaliTalk.com
______________________________________________
QAYBTA
3aad |
QAYBTA
1aad |
Kulaabo bogga
www.SomaliTalk.com
|