ABUU BAKAR SIDDIIQ (KHALIIFKII RASUULKA ALLAH SCW)
'' Haddii iimaanka Abuu Bakar miisaan la
saaro oo misna iimaanka ummadayda miisan la saaro, waxaa cuslaan lahaa
iimaanka Abuu Bakar''.
Sidaa waxaa yiri Rasuulka Alle (SCW).
Shaki kuma jira inuu ahaa kii ugu fadliga badnaa uguna iimaan badnaa
umadda Nebi Muxammed SCW kadib dhimashadiisii, taana waxaa kusoo arooray
axaadiith badan oo muujineysa fadligiisa.
Asagu saxaabigani waa mid kamid 10-kii Jannada loogu bishaareyey, waana
Khaliifkii Rasuulka SCW, wuxuu ahaa saxaabi kamid saxaabadii Nebiga SCW
misna saaxiibkiisii godka, aabahiis waa saxaabi, hooyadii Ummul Kheyr
waa saxaabiyad, carruurtiisa oo dhami waa saxaabo, wuxuu dhalay afadii
Rasuulka SCW ee Caa'isha Siddiiqah bint Abuu Bakar Siddiiq.
Nasabkiisa & Dhalashadiisa
Wuxuu Abuu Bakar ka dhashay Qureesh gaar ahaanna lafta banii Taym bin
Murrah, inaayadiisuna waa sida tan: Abuu Bakar magaciisu waa C/llaahi
bin Abii Quxaafah - aabahiis Abii Quxaafah magaciisu waxuu ahaa Cuthmaan
bin Caamir bin Camr bin Kacab bin Sacad bin Taym bin Murrah bin Kacab
bin Lu'ay bin Qaalib bin Fihir bin Maalik Al Qurashi At Taymi. Hooyadiis
waxaa la oran jiray Salmaa bint Sakhar bin Caamir bin Kacab bin Sacad
bin Taym bin Murrah Al Qurashiyah At Taymiyah, waxay ilma adeer la ahayd
Abuu Quxaafa- oo ah aabaha dhalay Abuu Bakar, waxaana uu laqabkeedu ahaa
Ummul Kheyr oo ay caan ku ahayd.
Wuxuu Abuu Bakar ku dhashay magaalada Makka sanadkii 573 Ciise kadib, oo
ku beegan laba sano iyo bar ka dib dhacdadii Maroodiga, wuxuu ka yaraa
Rasuulka SCW kudhawaad saddex sano, waxayna Rasuulka SCW iyo isaga
ahaayeen saaxiibo yaraantoodii isla soo koray. Waxaa loo yaqiinnay
markii hore amaba uu magaciisu ahaa Cabdi Kacab, Rasuulkaase SCW ka
baddelay oo u bixiyey C/llaahi, waxaana uu laqabkiisu ahaa Al Catiiq,
sidoo kale waxaa loo yaqiinay As Siddiiq. Sababta Catiiq loogu baxshay
waxay ahayd waji samidiisii iyo qoor xoreyntiisii badneyd, waxaa kaloo
lasheegaa in aysan hooyadii horey u dhalin wiil isaga ka hor, dabeeta ay
kacbada tagtay oo ay Alle ka bariday inuu siiyo wiil, kadibna markii uu
siiyey Alle wiil bay u bixisay Catiiq, waxaa kaloo iyana la yiraahdaa
sida werin kusoo aroortay oo Ca'isha laga soo weriyey ina Abuu Bakar
Siddiiq Allaha ka raalli noqde uu maalin u soo galay Rasuulka SCW oo uu
salaamay. Markaasuu Rasuulka SCW yiri:-''Adigu waxaad tahay mid naarta
laga xoreyay''.
Waxaa kaloo la yiraahdaa: Rasuulka SCW ayaa maalin waxuu yiri:'' Qofkii
ay farxad gelineysa inuu arko qof nool oo naarta laga xoreyay ha eego
kan (Abuu Bakar Siddiiq) Waxaa wariyey Tirmidi. Ca'isha waxay kaloo
tiri:'' Aabahay baa ii soo galay maalin, markaa baan ku iri:
Bishaareyso! inaad kamid tahay kuwa naarta laga xoreyay", Waxayna
usheegtay inay maqashay Rasuulka SCW oo sidaa leh.
Sababta kalee iyana loogu magacaabay Siddiiq ayaa waxay ahayd isagoo
runloow ahaa oo tolkiisa markii uu wax u sheega aysan waligood ka
beensan jirin, horeyna uguma aysan baran wax been ah. Habbeenkii
Rasuulka la dheelmiyey ee Israa Wal Micraaj baa subaxeedii waxay
Qureeshtii u tegeen Abuu Bakar oo ay ku yiraahdeen'' Abuu Bakaroow! ma
waadan maqal waxa uu saaxiibkaa sheegayo, ee ah in xalay Beytul maqdis
la geeyay misna sammada loo qaaday oo uu Alle la kulmay? Waxuu ku
jawaabay Abii Bakar "Sadaqa" (Run buu sheegay), Illaah baan ku dhaartaye
anigu waan rumeyn'' , kadibna intuu Rasuulka SCW raacay buu xayntii
Quresheed ee uu uga warramo qisadii xalay ayuu Abuu Bakarna lahaa
''Sadaqta" (waa runtaa). Sidoo kale maalintaas ayaa loo baxshay laqabka
Sidiiqna waa la yiraahdaa.
Islaamka ka hor waxuu iska xarrimay cabbida khamriga iyo inuu cuno wax
sanam loo qalay,sidaa si lamid ahna waxaa cabbida khamriga horey isaga
xarrimay Cuthmaan bin Cafaan iyo Cuthmaan bin Madhcuun, waxuu yiri Abuu
Bakar:- Waligey cabbi mahayo wax miirkeyga tagsiin oo ay dadku igu
qosli". Maalin maalmaha kamid ah baa waxaa kaxeeyay aabahiis Abuu
Quxaafa oo u geeyay sanam kamid sanamyadii Kacbadda yiilley ee ay
tolkiis caabbudi jireen, waxuu ku yiri Abuu Quxaafa:'' Wiilkeygoow!! waa
kuwan illaahyadii ee iyaga weydiiso waxa aad doonta''. Markaa buu Abuu
Bakar u dhawaaday sanamkii oo uu ku yiri:- Sanamyahow! waan baahanahay
ee quud isii? Saa umuusan jawaabin. Wuxuu haddana markale yiri:-
Sanamyahow! waan arradanahaye i arrad tir. Misna umuusan jawaabin. Intuu
u dhawaaday buu dhagax ku dhuftay misna umuusan jawaabin, kadibna wuu
isaga tegay, markaa buuna ka fogaaday wax sanam ah iyo diintii ay
tolkiisa haysteen oo idil, waxuuna noqday nin ganacsada ah oo
maalqabeennadii Quresheed kamid ah, dadkuna waxay u haayeen xushmad iyo
jacayl, maadaama uu ahaa nin Qureeshta iyo Carabta kaloo idil caan ka
dhex ahaa. Waxuu si wacan u yaqiinnay jilibyada Carbeed iyo isirradooda,
waxuuna ahaa nasab aqoon ay bulshada reer Makka oo idil jecelyahiin.
Wuxuu kaloo lahaa gola fadhi oo dhalinyarta iyo odayaasha Qureesheedba
ay ku kulmi jireen, aad bayna u xiiseyn jireen Qureeshtu qolahii Abuu
Bakar.
Islaamiddiisii
Maadaama uu ahaa nin caqli badan oo garasho fogna leh, laguna tiriyo
raggii ugu garaadka fiicnaa geyiga Makka, bugtii hora ee Islaamkuba
horey ayuu ka Islaamay. Taasi waxaa u saamaxday saaxiibtinimadii Nebi
Muxammed SCW uu saaxiibka la ahaa tiiyoo meesha laga saareyn jeceylkii
uu Alle Sarreeye jeclaa, waayo Alle cidduu jeclaado oo kaliya ayuu
fursaddaas dahabiga ah iyo ajarkeeda weyniga badan haleeshiiyaa.
Waxuu yiri Abuu Bakar Siddiiq:- Waxaan fadhiyey daaha Kacbada iyadoo
Zayd bin Camr bin Nufeyl-na uu fadhiyey, markaa baa waxaa soo maray
Umayah bin Abii Salat, waxuuna ku yiri:- Sideed ku waa bariisatay kheyr
doonoow!!? Markaa buu Zayd ku jawaabay:- Kheyr baan ku
waabariistay.Waxuu yiri:- Oo miyaad heshay (yacni diin wanaagsan?).
Zayd horey ayaa waxuu uga tegay diinta tolkiis oo waxuu kamid noqday
Xunafaadii wixii diintii Nebi Ibraahiim CS ka haray ku dhaqmaysay.
Waxuu yiri:- May. Markaa buu Umayah bin Abii Salat tix gabay ah tiriyey
dabeetana yiri:- Nebigan la sugi xaggayaguu ka iman doonaa (reer
Thaqiif), mise idinka (reer Makka), ama reer Falastiin. Waxuu yiri Abuu
Bakar Sidiiq:- Ma aanan maqal markaa ka hor in Nebi la sugayo ama la soo
diri doona, saa waan baxay oo waxaan aaday dhankii Warqah bin Nowfal.
Markaan u tegey ayaan uga warramay qisadii. Waxuuna yiri:- Haa. wiilkii
walaalkayoow!!. Nebiga kan ee la sugayo waa mid laga soo saari doona
Carab bartankeeda xagga nasab ahaanta, qoomkaaguna waa bartama Carabta
nasab ahaan. Waxuu yiri:- Saa waxaan ku dhahay:- Adeer!! Oo muxuu oran
Nebigu? Waxuu yiri:- Waxuu oran wixii lagu yiri (yacni waxyiga loo
waxyooday). Markii Nebiga SCW lasoo dirayna waa aan rumeeyay oo aan
raacay.
Markii la soo diray Rasuulka SCW qofkii ugu horeeyay ee uu u sheega oo
uu dacwada u bandhiga waxuu ahaa Abuu Bakar Siddiiq. Markaa buu isagana
kama uusan laba labayne waa uu ku deg degay oo goor horeba Islaamay.
Waxaa la isku khilaafaa qofkii isaga iyo Khadiija (afadii Rasuulka SCW)
Illaahay haka raalli noqdee hor Islaamay, sidoo kalena isaga iyo Cali
ayaa la isku khilaafaa koodii hor Islaamay, hase ahaatee culimada
Mu'arrakhiinta ah waxay ku xukmiyaan inuu Abuu Bakar ahaa qofkii xagga
ragga ugu hor Islaamay, Khadiijana ay ahayd qofkii xagga dumarka ugu hor
Islaamay halka Calina ay ku xukmiyeen inuu carruurta xaggooda ugu hor
Islaamay. Markii Rasuulka SCW lasoo diraayey waxuu Abuu Bakar jiray 37
sano. Markii uu islaamay waxuu durba guda galay inuu dacwada diinta
Islaamka fidiyo oo doorkiisa ka qaato, waxaana gacantiisa ku Muslimay
durbadiiba shan kamid ah 10-kii Jannada loogu bishaareyay kuwaasoo kala
ahaa Cuthmaan bin Cafaan, Zubeyr bin Cawaam, Dhalxa bin Cubeydillaah,
C/Raxmaan bin Cowf iyo Sacad bin Abii Waqaas. Raggan iyaga ahi waxay
ahaayeen halyeeyadii Islaamka iyo cullimadii ugu sarreysay, waxayna
kuwada Muslimeen gacanta Abuu Bakar Siddiiq Allaha ka raalli noqee.
Sidaa si lamid ahna waxaa ku Muslimay dacwadiisa khalqi badan oo uu
kamid ahaa saxaabiga jaliilka ah ee Khaalid bin Saciid bin Al Caas Al
Umawi.
Rasuulka SCW isagoo inooga warramaya Islaamiddii Abuu Bakar Siddiiq
waxuu yiri:- Axadna ugumaanan yeerin Islaannimada, illaa wuu dib dhacay
oo wax eeg eegay, marka laga reebo Abuu Bakar mooyaan, isagu markaan ugu
warramay kama uusan laba labayn mana uusan ka dib dhicin.
Culimada qaarkood baa waxay yiraahdeen:- Haddii uu mid wax dhaho uu
yiraahdo saxaabadoo dhan marka laga reebo Abuu Bakar uma sugnaan wax
saaxiibtinimo ah (yacni saxaaabi la saaxiibay Nebi Muxammed SCW ma ahan)
ma uusan gaaloobin qofkaasi sidaa yiri, hase ahaatee haddii uu yiraahdo
Abuu Bakar ma uusan ahayn Nebi Muxammed SCW saaxiibkiis waa uu gaaloobay
qofkaasi. Tani waxay ina tusineysaa heerkii saxaabinnimo ee uu Abuu
Bakar Siddiiq ka joogay Rasuulka SCW agtiisa intuu dhamaa, iyo miisaan
halkuu joogay, waxayna taasi inoo caddeyneysaa in saaxiibnimadii Abuu
Bakar Siddiiq ay ka weyntahay saaxiibnimadii saxaabada kale oo dhan
marka laysu geeyo. Waa halka uu ku gaalloobaya qofkii yiraahdo:- Abuu
Bakar ma ahayn saxaabi. Balse qofkaasi hadduu yiraahdo:- Saxaabada kale
ma ahayn saxaabo. Ma ku gaaloobaya, balse waxaa loo qori dembiga beenta
iyo inta gefkaasi uu dembi dhanyahay.
Maalintii uu Islaamayay Abuu Bakar Siddiiq wuxuu hanti lahaa 40 000
Dirham, waxuuna ku gar gaaray Islaamka isagoo addoomada ku xoreynayey
masaakiintana ku quudinayey.
Qaar Kamid Ah Fadliga Abuu Bakar Siddiiq
Waxuu Abuu Bakar Siddiiq Illaahay haka raalli noqdee lahaa fadli aanan
lagu soo koobi karin qoraal, haddii aynu damacno inaan wada qornana
kaligii (fadligiisa kaliya) baa malaha buug iyo buuggaag badan buuxin
lahaa. Macnahu waxaa weeya waa wax aanan la soo koobi kareyn fadligii
Abuu Bakar Siddiiq. Wuxuu ahaa mid aad u fadli badan, oo darajadiisa
saxaabi gaari karo uuna kujirin saxaabadii Nebi Muxammed SCW. Sidaa
darteed baa waxaan kasoo qaadan doonnaa qaar kamid ah oo muhiim ah
hadduu Alle idmo.
Rasuulku SCW waxuu yiri:- Haddii iimaanka Abuu Bakar miisaan la saaro
oo misna iimaanka ummadayda miisan la saaro, waxaa cuslaan lahaa
iimaanka Abuu Bakar. Tani waxay ku tusin heerka uu iimaanka Abuu Bakar
joogay iyo inuu ahaa mid aad u sarreeyo oo aysan jirin cid iimaankiisa
gaari karto Rasuulka SCW ka dib ummadan Nebi Muxammed SCW dhexdooda.
Waxuu ka dhex muuqday Qureeshta iyo Carabta kale oo dhan, taana waxaa u
sabab ahaa sidaynu soo xusnayba weji samidiisii, wanaagiisii iyo isagoo
kala yaqiinay jilibyada Carbeed iyo abtirkooda. Waxuuna Rasuulka SCW u
qaabilsanaa dhanka tirikoobka iyo aqoonta dadka oo isaga ayaa la
weydiin jiray saxaabi kamid ah saxaabada marka la garan waaya jilibkiisa
ama lagu murmo, waxuu ahaa mid taas caan ku ahaa Islaamka ka hor iyo
kadibba, mana aysan jirin cid kula tartami kareysay arrinkaasi, oo waxuu
ahaa mid dhankaa looga dambeeyo. Waana saxaabiga kaliya ee qof kastoo
Qureeshta kamid ah oo qaangaar ah marka uu kasoo hor baxo u abtirin
jiray siduu nasabka u yaqiinnay darteed.
Abuu Muusa Al Ashacari baa maalin waxuu go'aasaday inuu maalintiisa inta
ka dhiman la jooga Rasuulka SCW, markaa buu goor hore weyseytay oo uu
masjidkii aaday, misna wuu ka waayey Rasuulka. Kadib waa loo tilmaamay
oo raadkiisii ayuu qaaday, waxuu ugu tegay goob uu ceel ku yaal oo beer
ah isagoo markaa dul fadhiyey ceelka oo maradiisuna lugaha uga yara
laabantahay sida qof ceelka biyo kasoo darsanaya. Markii uu Abuu Muusa u
tegay Rasuulka SCW ayuu salaamay dabadeedna albaabkii buu u fadhiistay
isagoo go'aansaday inuu albaabka u ilaaliyo oo uu waardiya u noqda,
markaa baa waxaa soo garaacay albaabka Abuu Bakar Siddiiq, markaa buu
Abuu Muusa Al Ashacari su'aalay:- Waa kuma? Wuxuu yiri:- Waa Abuu Bakar
Siddiiq. Waxuu yiri:- U kaadi. Markaasuu u tegay Rasuulka SCW oo uu ku
yiri:- Rasuulkii Alloow!! Abuu Bakar baa albaabka taagan oo ku idin
dalban. Waxuu yiri:- U idin inuu soo galo, oo uguna bishaarey Jannada.
Markiina uu u idmay oo uu u bishaareyey buu soo galay oo uu Allaah
mahadiyey kadibna Rasuulka salaamay oo dhinaca midigta ka fadhiistay.
Misna Cumar baa soo garaacay sidii si lamid buu Abuu Muusa Al Ashcari ku
yiri. Rasuulkuna SCW sidii si lamid buu yiri:- U idin uguna bishaareey
jannada. Markaa buu sidii Abuu Bakar oo kale falay oo uu dhinaca bidixda
Rasuulka ka fadhiistay SCW, misna Cuthmaan bin Cafaan baa soo garaacay
oo isagiina sidii camal uu Rasuulka SCW yiri:- U idin uguna bishaareey
janno iyo fidno asiibi doont. Markiina loogu bishaareyay jannada iyo
fidnada asiibi doonta, buu Alle mahadiyey oo uu yiri:- Allaan la
kaashan ( fidnadaas ). Waxuuna fadhiistay Rasuulka SCW hortiisa maadama
labada dhinac ay buuxday, waxayna culimadu ku fasiraan qabuurtooda oo
Rasuulka SCW, Abuu Bakar iyo Cumar ay isku garba yaallaan goobta gurigii
Caa'isha iyo qabriga Cuthmaan oo ku yaal maqbarada Baqiic.
Rasuulka SCW baa mar qiimeeyay acmaasha oo tilmaamay in Jannooyinka qof
loogu yeeri albaabka sallaadda, qofka sakada badanna albaabka sakada,
qofna looga yeeri doono albaabka jihaadka, qofka soonka badanna albaabka
soonka, markaa buu Abuu Bakar Rasuulka SCW su'aalay:- Rasuul Alloow!!
ma jiraa qof albaabadaasi oo idil loogu yeeri? Wuxuu yiri:- Haah!!
waxaana rajeyn inaad kamid noqoto.
Waxuu ahaa Abuu Bakar Siddiiq ganacsada taajir ah oo hanti badan leh,
wuxuuna u gar gaari jiray qof kastoo dhibban iyo mid waliboo wax si ka
yahiin, waxuuna ku sifeysnaa akhlaaqda iyo hadalka dhimrisan, meelo
badanna waxuu ka shabahi jiray Rasuulka SCW, waligii qof lama uusan
dagaallamin ka hor Islaamka waqtigaasoo dadku dagaal iyo fitno ka
dhaxeyn jirtay oo sida loo kala xoog weynyahay la isku dhici jiray. Waa
saxaabiga kaliya ee hantidiisa oo dhan ku bixiyey jidka Allaah hal
maalin.
Rasuulka SCW waxuu yiri:- Qofka iigu mannasha badan oo maalkiisa iyo
saaxiibtinnimadiisa oo dhan gacanta la ii geliyey waa Abuu Bakar, haddii
aanan anigu mid mutacalliq ahayn (waayo waxaan anigu xiriir toos ah la
leeyahay Allaah), Abuu Bakar oo kaliya baan ku xirnaan lahaa oo aan
saaxiib ka yeelan lahaa, laakiin walaallimada islaaminada iyo
kalgacaylkiisa qofka aan u haayo waa Abuu Bakar, albaabadaa (masjidka)
oo dhami hala xiro, albaabka Abuu Bakar mooyaan.Waxaa Wariyey Bukhaari.
Maalin baa waxay arrin ka dhex dhacday Abuu Bakar iyo Cumar, iyadoo
markaana uu Abuu Bakar is qabtay oo uu Cumar gurigiisii ugu tegay oo ku
yiri:- Cumaroow!! iga raalli noqo? Cumarna wuu ka yeeli waayey. Dabeeta
waxuu Abuu Bakar aaday Rasuulka SCW xaggiisa. Markiina uu Rasuulka SCW
kor ka arkay Abuu Bakar oo marada soo xaytay buu asxaabtiisii ku yiri:-
Saaxiibkiin wuu soo dooday. Markiina uu u yimid buu yiri:- Rasuulkii
Alloow!! aniga iyo ina Khaddaab bay arrin inaga dhex dhacday, markaa
baan gurigii ugu tegay si uu ii saamaxo, hase ahaatee wuu iga diiday.
Markaa buu Rasuulku SCW yiri:- Allaah baa kuu dambi dhaafi Abuu Bakarow!
saddex jeer buu yiri isagoo codka kor ugu qaadi. Intaa kadib Cumar baa
isaguna goor dambe is qabtay oo dabeeta aaday gurigii Abuu Bakar.
Markiina uu ka waayey buu is yiri waxuu jiraa masjidkii, waxuuna soo
abbaaray dhankii masjidka. Markii uu yimid buu Rasuulka SCW kasoo
fadhiistay dhanka midig, markaasuu kasii jeestay, misna dhanka kale
ayuu ka maray, misna markale ayuu ka jeestay. Waxuu markaa gartay Cumar
inuu khaldamay oo markii uu walaalkii iga raalli noqo yiri uu ka qaadan
waayey. Kadib Abuu Bakar wuxuu guda galay inuu ka furto oo yiri:-
Rasuulkii Alloow!! anigaa ka gar darnaa. Wuuna ku celceliyey, wuxuuna
markaasi yiri Rasuulka SCW isagoo careysan oo Cumar la hadli:- Inaan
Abuu Bakar kaa raaco, wuu mudanyahay ( aniguna xaq baan u leeyahay ),
Illaah baa iisoo diray xaggiina, markaa baad i wada tiraahdeen:- Been
baad sheegtay, Abuu Bakarna uu igu yiri:- Run baad sheegtay Rasuulkii
Alloow!!. Waxuuna iigu gargaaray naftiisii iyo maalkiisiiba, ee miyaadan
ii deyneyn saaxiibkey? Markale ayuu misna yiri:- Oo miyaadan ii deyneyn
saaxiibkey? Maalintaasi kadib wax la murmay Abuu Bakar lama arag.
Wuxuu yiri Rasuulka SCW:- Ummadeyda qofka u dhimmirsan waa Abuu Bakar
Siddiiq. Waxaa kaloo uu yiri:- Sidaad u aragtaan xiddigga iftiinka badan
ee xiddigaha kale ku jira, waa sidaa oo kale Abuu Bakar iyo Cumar.
Wuxuu kaloo yiri:- Qof kastoo wax nagu lahaa waan u gudnay xaqiisii,
Abuu Bakar mooyaan, isagu wuxuu nagu leeyahay wax aynan gudi karin
illaa uu Allaah u gudo mooyaan.
Camr bin Al Caas baa mar uu Rasuulka SCW meel u dirayey ayuu Rasuulka
SCW su'aalay:- Rasuulkii Alloow! dad yaad u jeceshahay? Waxuu yiri:-
Caa'isha. Markaa buu yiri:- Ragga yaad ugu jeceshahay Rasuulkii
Alloow!! SCW? Waxuu yiri:- Aabaheed.
Cumar bin Khadaab waxuu yiri:- Rasuulka SCW baa maalin ina amray in
saddaqo la baxsado oo wax la keeno, markaa baan maalkii agteyda yaallay
kala baray oo aan bar soo qaaday, waxaana is iri maantaad Abuu Bakar ka
badin, ( horey ayay ahaayeen kuwa kheyrka ku tartama Abuu Bakar iyo
Cumar). Markaa baan Rasuulka SCW ula tegay bar kamid maalkeygii, waxuuna
igu yiri:- Oo maxaad reerkii uga soo tegtay? Waxaan ku dhahay::- In
lamid ( intaan keenay in lamid ah, macnaha kala bar baan uga soo tegay).
Abuu Bakarna waxuu keenay wixii agtiisa yiil oo maal ah, markaa buu
Rasuulka SCW ku yiri:- Oo maxaad reerkii ugu soo tegtay? Markaasuu
yiri:- Waxaan uga soo tegay Allaah iyo Rasuulkiisa. Maalintaas baan
garowsaday inaan waligey Abuu Bakar gaareyn.
Abuu Hureyrana waxaa laga soo weriyey Allaha ka raalli noqdee inuu
Rasuulka SCW yiri:- Horey maal iima uusan anfacin sida uu iigu afacay
maalka Abii Bakar, kadib Abuu Bakar baa ooyay oo yiri:- Oo aniga iyo
maaleygaba ma cidkalay usugnaadeen oo aan adiga ahayn Rasuulkii
Alloow!!?
Cali bin Abuu Dhaalib waxuu yiri:- Rasuulka SCW baa wuxuu eegay Abuu
Bakar iyo Cumar, markaa buu igu yiri:- Labadaasi (Abuu Bakar iyo Cumar)
waxay hoggaan u noqon donaan dadka waaweyn (dadka caanka ah ee meeqaamka
iyo sharafta leh) ee jannada, kuwii ugu horeyay iyo kuwii ugu
dambeeyayba marka laga reebo Nabiyadii iyo Rusushii Alle ee lasoo
diray,ee Caliyoow!! ha u sheegin. Rasuulka SCW waxaa u muuqatay in
arrintaas iyo fadligaas inuu u ahaado mid u qarsoon labadaas saxaabi,
sidaa darteed buuna Cali ku yiri:- Ha usheegin. Wallaahu aclam.
Waxuu kamid ahaa 10-kii saxaabi ee jannada loogu bishaareyay misna
Khaliifkii Rasuulka SCW, Nebiga SCW baa maalin maalmaha kamid ah
gacanta qabtay oo ku yiri:- Adigu waxaad tahay saaxiibkeyga ka cabbi
doona darkeyga, waxaadna tahay saaxiibkeygii godka Thowr.
C/llaahi bin Cumar Allaha ka raalli noqdee ayaa isaga oo tilmaamaya
sifadii Abuu Bakar Siddiiq wuxuu yiri:- Saddex nin oo ka soo jeedda
qabiilka Qureeshta waxay noqdeen dadka kuwa ugu suubban dhanka
akhlaaqda, iyo dhanka xishoodkubs, haddii ay kuu sheekeeyaan marna dhici
mayso inay been kuu sheegaan, haddii aad u sheekeeysana kuma beensadaan,
waxayna kala yihiin saddexdaas nin Abuu Bakar Siddiiq, Cuthmaan bin
Cafaan iyo Abuu Cubeyda bin Al-Jarraax.
Haweeney baa mar u timid Rasuulka SCW oo wax weydiisaneysay markaa buu
ku yiri:- Igu soo laabo. Waxay tiri:- Bal ka warran haddii aan ku heli
waayo ( yacni haddii aan imaado adigoo geeriyooday )? Waxuu yiri:- U
teg Abuu Bakar Siddiiq.
Maalin baa Rasuulka SCW oo ay la socdaan Abuu Bakar, Cumar iyo Cuthmaan
waxay koreen buurta Uxud. Markaa bay la dhaqdhaqaaqday. Suu Nebigu SCW
yiri:- Sugnoow Uxudeey!! waxaa dushaada saaran Rasuul, Siddiiq iyo laba
Shahiide.
Meelo badan buu Abuu Bakar Siddiiq ka shabbihi jiray Rasuulka SCW xagga
akhlaaqda iyo suubnaanta iyo hadalka dhimmirsan. Wuxuu ahaa saxaabi aan
la soo koobi karin fadligiisii iyo wanaagiisii, waxuuna ahaa mid
naxariis badan oo qoor xoreyn badan, waxaana xusid mudan dadkii
Muslimiinta ee kufaarta Qureesheed caddibi jireen ee uu xoreyay kuwaasoo
uu Allaah dartii u xoreeyay. Waxaa kamid ahaa dadkii uu xoreeyay Bilaal
bin Rabaax, Caamir bin Abii Fuheyr, Abuu Fukeyh Al Aflax Mowlaa banii
C/Daar, Zinniirah, Nahdiya- iyo gabadheeda Ummu Cubeys, iyo Jaariyad u
joogtay banii Caddiyi gaar ahaan qoyska banii Mu'ammal. Dhammaan dadkan
waxuu u xoreyay Abuu Bakar Allaah dartii, oo wax ujuuro iyo weji kama
uusan lahayn. Taana waxaa caddeynayso, aabahiis Abii Quxaafa baa maalin
u yimid oo ku yiri:- Abuu Bakaroow!! maandhoow!! marba haddaad wax
xoreynetsid, maad wax ku anfaco xoreysid oo hadhoow kuu shaqeeeyo?
Waxuuse ku jawaabay Abii Bakar:- Waxaan Alle wajigiisa ahayn uma
xoreynayo.
Alle Sarreeye baa markaasi ku amaanay Quraankiisa Kariimka isagoo
tilmaamaya samaantiisii iyo qoorxoreyntiisii, iyo siduu ula jeeday
Allaah dartii, waxuuna yiri Alle Sarreeye:
''Waxaa ka fogaada (geliddeeda, yacni Naarta) qofkii Allaah ka
dhowrsada, oo ah kan bixiyo xoolahaiis (saddaqo ahaan iyo qoor xoreyn)
si uu u daahir noqdo, Qof wax ugu nicmeyayna oo uu u abaal gudina ma
jiro, ee wuxuu uun u bixin Allaah Sarreeye dartii, wuuna raalli noqon
doonaa''. Dhammaadka suuratu Leyl.
Dumarkiisii & Carruurtiisii
Abuu Bakar Siddiiq wuxuu guursaday illaa 4 dumar ah, labo kamid ah waxuu
guursaday Islaamka ka hor labada kalena waxuu guursaday Islaamka kadib.
Islaamka ka hor waxuu guursaday Quteylah bint Cabdul-Cuzza Al Caamiriyah
iyo Umu Rowmaan Al Kinaaniyah. Haddaba waxaanu soo qaadaneynaa dumarkii
uu guursaday iyo carruurtii ay udhaleen, waana sida tan:
1. Wuxuu guursaday Quteylah bint Cabdul-Cuzza bin Cabdu Ascad bin Nadar
bin Maalik bin Xasal bin Caamir bin Lu'ay Al Qurashiyah Al Caamiriyah,
waxayna u dhashay Asmaa oo uu guursaday Zubeyr bin Al Cawaam, iyo
Cabdullaahi oo isaguna guursaday Caatikah bint Zeyd bin Camr bin Nufeyl.
2. Wuxuu guursaday Umu Rowmaan bint Caamir bin Cuweymir bin Cabdishams
bin Cataab bin Udeynah bin Sabiic bin Dahmaan bin Al Xaarith bin Qanam
bin Maalik bin Kinaanah Al Kinaaniyah, waxayna u dhashay Cabduraxmaan
iyo Caa'isha. Caa'isha waxay ahayd afadii Rasuulka SCW, Kahor intuusan
Rasuulka SCW guursan Caa'isha waxaa soo doontay Jubeyr bin Mudcim.
Markii uu Rasuulka SCW aabaheed ka doonay ayay Abuu Bakar arrintaa ku
cuslaatay, waayo horey ayuu usiiyey Jubeyr bin Mudcim. Kadib buu Abuu
Bakar u tegay Mudcim bin Caddiyi oo uu ku yiri: Iga soo dhiso gabadha''.
Markaasay haweeneydii Mudcim ku tiri seygeeda:- Yuusan wiilka kaa
fidneyn Abuu Bakar ee gabadhiisa faraha uga qaad. Markaa buu u fasaxay,
sidaa buuna Rasuulka SCW ku guursaday sanadkii 1aad ee Hijriyada.
3. Kadib waxuu guursaday Asmaa bint Cumeys bin Macad bin Taym bin Al
Xaarith bin Kacab bin Maalik bin Quxaafah bin Caamir bin Maalik bin
Nasar bin Wahabullaah bin Shahraan bin Cafras bin Khalaf bin Aftal
(Aftal waxuu caan ku ahaa Khuthcum) Al Khuthcumiyah, waxayna udhashay
Maxammed bin Abuu Bakar, sanadkii sagaallaad ee Hijriyada ayayna
udhashay. Ka hor waxaa soo guursaday Jacfar bin Abuu Dhaalib. Iyada ayuu
Abuu Bakar u dar daarmay inay meydho meydkiisa markii uu xanuunsanaa,
4. Kadib wuxuu guursaday Xabiibah bint Khaarijah bin Zeyd bin Abii
Zuheyr oo ka dhalatay banii Xaarith bin Al Khazraj, waxayna udhashay Umu
Kalthuum bint Abii Bakar, markuu geeriyooday kadib, waayo iyadoo Ummu
Xabiibah ay uur tahay buu ka dhintay.
Dhammaan carruurtiisii waa ay u hana qaadeen, Cabdullahi waxuu
kudhaawacmay dagaalkii Xuneyn waxuuna geeriyooday sanadkii 11aad ee
Hijriyada, Cabduraxmaan bin Abuu Bakar waxuu geeriyooday sanadkii 53aad
ee Hijriyada ama 54aad. Waxuu ku geeriyooday goob la yiraahdo Al Xubshi
oo 6 ama 12 mayl u jirta magaalada Makka, Caa'isha iyadu waxay
geeriyootay sanadkii 57aad ee Hijriyada. Asmaa bint Abuu Bakar waxay
geeriyootay sanadkii 73aad ee Hijriyada kadib dilkii wiilkeeda C/llaahi
bin Zubayr muddo laga joogo bil iyadoo cumrigeeda lagu sheegay 100 sano
ilig-na kama dhicin , hase ahaate way indho beeshay aakhirkii
cumrigeeda. Umu Kalthuum waxaa doonay Cumar bin Khadaab, hase ahaatee
way diidday, kadibna waxaa guursaday Dhalxa bin Cubeydillaah. Maxamed
bin Abuu Bakar waxaa lagu dilay Masar waxaana dilay Mucaawiyah bin
Khadiij, kadibna waa la gubay sanadkii 38aad ee hijriyada. Walaashiis
Caa'isha si aad ah ayay uga murugootay, waxayna kafaala qaadday markaasi
carruurtiisa.
Khudbaddii Ugu Horreysay Islamka
Culimada waxay sheegaan in saxaabadii racii kowaad ee Islaamay ay
jecleysteen in khudbad la jeediyo, taasoo looga warramaya Quraanka soo
degay iyo nuurkiisa, haddaba Abuu Bakar baa jecleystay inuu noqda qofkii
akhrin lahaa khudbaddaas isagoo ka dhex jeedin Kacabadda dhexdeeda,
waxayna ahaayeen Muslimiinta maalintaa 38 qof sida ay werrinnada badan
qabaan. Wuxuu Abuu Bakar u tegay Rasuulka SCW oo uu ku yiri:- Rasuulkii
Alloow!! waxaan jecleystay inaan khudbad akhriyo oo aan uga warramaya
wixii soo degay iyo waxii aad ina bartay. Rasuulka SCW waxuu damcay inuu
ka celiyo, maadaama ay Muslimiinta yar yahiin oo haddii Qureeshtu soo
haweysata aysan iska dhicin karin hase ahaatee markii dambe Rasuulka SCW
wuu ka yeelay oo wuu u idmay inuu khudba akhriyo. Kadib waxuu Abuu Bakar
ka dhex istaagay koox jameecadii reer Makka oo saadaaddii Quresheed
kamid ah oo uu khudbaddii u jeediyey. Goor uu dhexda marinaya ayaa waxaa
kusoo heentay Qureeshtii oo ku kacday, markaa buu qof waliba ku dhuftay
wixii uu ku dhufan karay, waxuuna Abuu Bakar ku dhacay dhulka, markaa
buu Cutbah bin Rabiica kabtiisii wejiga uga garaacay heer markii dambe
uu miyir beelay, kadib waxaa yimid, tolkii Abuu Bakar ee banii Taym, oo
qaaday dabeetana geeyay gurigiisii, waxaa dul joogtay hooyadiis Ummul
Kheyr oo murugeysan, taasoo guriga ku dabiibeysay in muddo ah. Waxay
banii Taym ku hanjabeen in ay Cutbah u dilan doonaan Abuu Bakar haddii
uu geeriyooda Abuu Bakar, oo dagaalkaana uu noqon doona mid Qureeshta
dhexdeeda aan dhammaan. Sidaa darteed Abuu Bakar Siddiiq waxuu ahaa
saxaabiga kaliya ee la xuso in tolkiisa oo gaalo ah ay u qiiroodeen si
ay ugu dagaallamaan heer Qureeshtu dhexdeeda la gaaro inay is laayso,
dagaalkaasoo noqon doona mid in badan raago.
Muddo buu Abuu Bakar bukaan jiif ahaa oo haddii lala hadlana uu
ishaarayey oo kaliya, waxaana la joogtay hooyaddii Ummul Kheyr. Abuu
Bakar waxuu miirkii kusoo laabtay isagoo leh:- Rasuulkii Alle SCW maxaa
lagu falay? Waayo waxuu ogaa oo miir ugu dambeyay isagoo goobtii
khudbadda joogay Rasuulkuna SCW uu la joogay. Haddaba hooyadii baa
baxday oo waxay la kulantay Ummu Jamiil bint Khadaab, taasoo kamid ahayd
dadkii Islaannimadooda qarsanyey, waxay Ummul Kheyr weydisay bal inay
Abuu Bakar saaxiibkiis aragtay ,waxayna ku jawaabtay Ummu Jamiil:- Garan
maayee ma dooneysaa inaan kuu raaco wiilkaada? Waxay tiri:- Haa!. Way
soo baxeen, markiina ay Abuu Bakar uyimideen bay Ummu Jamiil si aad ah
uga murugootay iyadoo xustay inay daalimiin gar daran yahiin Qureeshta
sidaa u gashay. Markaas buu Abuu Bakarna yiri:- Maxaa lagu falay
Rasuulkii Alle SCW? Waxay tiri:- Waa roonyahay waxuuna joogaa daartii Al
Arqam ibnu Abul Arqam. Waxuu yiri Abuu Bakar:- Dhandhamin mahayo quud oo
cabbi mahayo biyo jeer la ii geeyo Rasuulkii Alle SCW. Markaa bay u yara
kaadiyeen inta cagtu ka dageyso (inta uu dhulka mugdi ka noqon). Markii
cagtu degtay bay hooyadii iyo Ummu Jamiil soo garba galeen oo ugu
keeneen Rasuulka SCW gootii asxaabta ee daarta Arqam. Markii uu Rasuulka
SCW arkay Abuu Bakar dhibta iyo dhaawaca ka muuqda ayuu ilmeeyay oo uu
aad uga murugooday, dabeetana wuu macaanaqeeyay (xabadka buu xabadka u
saaray) oo uu dabeetana dhunkaday, markaa buu Abuu Bakar yiri:-
Rasuulkii Alloow!! (SCW) kol haddii aan ku arkay adigoo bad qabtid wax
waliboo i gaaray waxba maaha. Markaa buu Abuu Bakar ka sheegtay Cutbah
iyo dhibtii uu soo gaarsiiyey, waayo wuxuu wejiga uga garaacay kab,
waxuuna yiri:- Rasuulkii Alloow!! (SCW) waxaa iigu darnaa Cutbah.
Markaa buu Rasuulka SCW Cutbah habaaray.
Wuxuu gudo galay Nebiga SCW inuu Abuu Bakar u duceeya, markaa buu Abuu
Bakarna yiri:- Rasuulkii Alloow!! waatan hooyadeey oo wiilkeeda u
baarrinimo fashay ee si uu Illaah cadaabta uga bad baadiyo Alle u bari
oo Islaamkuna ugu yeer. Markaa buu Rasuulka SCW u duceyay oo Islaamkana
ugu yeeray iyadiina waa ay Islaamtay. Haddaba Abuu Bakar waxuu ka
faa'iday dhibkii ogaanta ee soo gaadhay in ay hooyadii Islaamta oo
Rasuulkuna SCW u duceeyo. Miro dhalkii dacwadiisuna waxay noqotay inay
hooyadii naar ka badbaaddo.
Cuqbah bin Abii Muceydh ayaa maalin arkay Rasuulka SCW oo kacbada ku
tukanaya, markaa buu inta maro soo qaatey luqunta ama qoorta ka geliyey
oo ku ceejiyey, Markaa buu Abuu Bakar warkii maqlay oo meeshii yimid
oo ka qabtey kuna yiri:- Oo ma waxaad dileysaan nin intuu yiri Rabbigey
waa Allaah Markaa baa wixii Qureesh oo meesha joogay Abuu Bakar ku
jeesteen oo rifeen. Markaa buuna Rasuulka SCW dariiq helay oo uu ka
baxay. Dabeetana wuxuu Nebigu SCW ku jeestay asxaabtiisii oo uu
su'aalay:- Illaah baan idin ku dhaarshaye ma waxaa kheyr badan
Mu'minkii reer Fircoon mise isaga yacni Abuu Bakar? Markaa cidi
kamaysan siin jawaabtii uu filayey, kadibna waxuu yiri:- Oo maydaan ii
jawaabeyn? Illaah baan ku dhaartaye saacad kamid ah saacadaha Abuu
Bakar (noolashiisa kamidka ah) ayaa ka kheyr badan 1000 saacadood oo
kamid ah (noolasha) Mu'minkii reer Fircoon. Oo kaasi waxuu ahaa nin
isagu iimaankiisii qarsaday kanina waa mid iimaankiisii muujistay.
Abuu Bakar Siddiiq waxuu ahaa saxaabi Rasuulka SCW rafiiqiisii gaarka
ahaa, oo uma suuro gelin hijradii dhulka xabashida loo hijroonayey.
Waayo markii ay Muslimiintii nafahooda iyo diintooda la cararayeen buu
Abuu Bakar kamid ahaa dadkaa iyaga ahaa ee damcay inay u qaxaan
dhulaysan aqoon. Haddaba markuu baxay Abuu Bakar ayaa waxaa dhexda kula
kulmay goob la yiraahdo Barkul Qimmaad odaygii Axaabiishta oo la oran
jiray Ibnu Duhnah ( Waxaa kaloo la sheegaa in loo yaqaanay Ibnu Duqinah,
waxaana la sheegaa in magaca hooyadii uu ahaa magacaasi, ama daabbadiis,
magaciisa saxda ahina wuxuu Al Waaqidi ku sheegay Al Xaarith bin Yaziid.
Suhaylina wuxuu ku sheegay in la yiraahda Maalik, wallaahu aclam). Oo ku
yiri:- War Abuu Bakar xaggeed usocotaa? Waxuu yiri:- Tolkeygii baa isoo
saaray oo waxaan jecleystay inaan iska socda oo aan tego meel aan
Rabbigey ku caabbudo. Waxuu yiri Ibnu Duhnah:- Adigoo kale maaha mid
baxo oo la saaro, ee laabo oo deegaankaaga Rabbigaa ku caabbud, aniga
ayaana ku magan gelin doona.
Intaa kadib Abuu Bakar waxuu la laabtay Ibnu Duhnah oo uu Makka la
tegay. Kadibna Ibnu Duhnah waxuu u tegay jamac Qureesheed oo ogeysiiyey
inuu Abuu Bakar magan geliyey, waxuuna u tilmaamay inaanan magantiisa
loo gacan dhaafin. Qureeshtii arrintaa way ka yeeshay, hase ahaate waxay
ku xirtay shuruud ah inuu Abuu Bakar Rabbigiisa ku caabbudo gurigiisa oo
uusan dhexdooda ku muujisan, waayo way dhibsan markaana waxaa suuro gal
ah inay magantiisa u gacan dhaafaan.
Haddaba Abuu Bakar muddo ayuu sidaa ahaa oo gurigiisa Rabbigu ku
caabbudi jiray, markii uuna salaadda u kaco codkiisa ayuu kor ugu akhrin
jiray Quraanka heer ay dumarka iyo carruurta kusoo heentaan hareerahiisa
oo ay ka dhageysan jireen.
Qureeshtii arrintaan waa ay dhibsatay oo waxay u tegeen Ibnu Duhnah oo
ay u tilmaameen inuu ka laabto maganta uu Abuu Bakar magan geliyey ama
uu ka celiyo oo Quraankiisa hoos u akhristo. Ibnu Duhnah ayaa u tegay
Abuu Bakar oo ku war geliyey hadalladii ay Qureeshtu kula hadashay,
waxuuna u tilmaamay inuu maganta kala laaban doono haddii uu sidan
kusii socda. Abuu Bakar oo iimaankiisu aad u xeel dheeraa, kalsoonni
dhanna ku qabay Rabbigiis ayaa ku yiri Ibnu Duhnah:- Iskala laabo
magantaadu oo anigu waxaan magan galayaa Allaah oo aan ku raalli ahay.
Sidaa ayuuna Abuu Bakar ku sugnaa jeer uu markii dambe Madiina usoo
hijrooday isagoo Rasuulka SCW kula rafiiqay safiirkiisaasi hijrada.
Nolashiisii Madiina
Markay dadkii Muslimiinta ahaa intoodii haajiri kartay ka haajireen
magaaladii Makka oo loowada kicitamay dhanka Madiina, Abuu Bakar wuxuu
safarkiisii hijrada kula rafiiqay Rasuulka SCW oo waxuuba la galay
godkii Qaaru Thowr oo ay saddex casho ku jireen isaga iyo Rasuulka SCW.
Waana dhacdadii uu Alle Sarreeye ku soo dejiyey aayaddan:
''Haddaydaan u gargaarin (Gaalooy) Nebiga SCW waxaa u gargaaray Allaah,
markey bixiyeen kuwii gaaloobay, isagoo labo (qofood) midkood ah, markay
ku jireen (Nebiga SCW iyo Abii Bakar) godka, markii uu (Nebigu SCW) ku
lahaa (Abii Bakar) :- Ha murugoon, Alle baa nala jiree, Suu Alle kusoo
dejiyey xasilloonidiisii, oo uu ku xoojiyey junuud (askar Malaa'ig ah
oo) aydan arkeyn. (Towbah aayadda 40aad)
Haddaba Abuu Bakar Siddiiq dhowr meelood ayuu Alle Quraanka kaga xusay
oo aayado dhowr ah buu Abuu Bakar sababnasuul u ahaa, kuwaasoo ay ka
mid yahiin aayadihii aynu horey usoo marnay ee suuradda Leyl iyo weliba
kuwii ka hadlayey dhacdadii qadafka Caa'isha iyo markii uu quudkii uu
siin jiray Abuu Bakar ka gooyey Misdhax bin Othaath oo horey uga qayb
qaatay xaadisadii ifkiga, aayadahaasina waxay ku jiraan suuradda Nuur.
Abuu Bakar Siddiiq markuu yimid magaaladii Madiina Ansaartii horey
Rasuulka SCW u arkin waxay kala garan waayeen koodii Rasuulkii Alle ah
Nebiga SCW iyo Abuu Bakar. Taana waxaa iskaga dhex qasay dabeecaddii
Abuu Bakar iyo dhaqankiisii oo aad u sarreeyay kuna dhawaa dhaqanka iyo
dabeecadda Rasuulka SCW, heer raggii Ansaarta iyo dumarkoodii
badankooduba ay u maleeyeen inuu Abuu Bakar yahay Rasuulkii la sugayey.
Waxayse ku garteen inuusan Abuu Bakar ahayn Nebiga goor ay cadceedi
qabatay Rasuulka SCW wejigiisa ayuu Abuu Bakar maradiisii uga dhigay
markaa bayna garteen inuusan Abuu Bakar Rasuulka ahayn.
Intaasi kadib markuu Rasuulka SCW dadka Ansaarta iyo Muhaajiriinta
walaaleynayey Abuu Bakar Siddiiq wuxuu la walaaleeyay Khaarijah bin Zeyd
bin Abii Zuheyr Al Khazraji. Mar dambana waxuu Abuu Bakar guursaday
gabadh uu dhalay Khaarijah bin Zeyd bin Abii Zuheyr oo la oran jiray
Ummu Xabiibah bint Khaarijah.
Abuu Bakar Allaha ka raalli noqdee wuxuu Makka uga soo tegay reerkiisii,
Rasuulkuna SCW sidoo kale. Cali bin Abii Dhaalib oo isagu looga soo
tegay inuu deymahii iyo wixii uu Rasuulka SCW dadka u hayey inuu usoo
gudo, waxuu asagu ka daba yimid saddex casho kadib oo Madiina soo
gaaray, isagoo howshiisii soo gutay. Markaa bay Rasuulka SCW iyo Abuu
Bakar direen labo nin oo la kala oran jiray Zeyd bin Xaaritha iyo
Cammaar bin Yaasir. Wuxuu Abuu Bakar raggaasi siiyey 500 Dirham si waxa
ay u baahdaan uga iibsadaan, waxuuna amray inay soo kaxeeyaan gabdhahii
uu dhalay Rasuulka SCW- Faadimah iyo Ummu Kalthuum iyo xaaskii Rasuulka
SCW ee Sowdah bint Samcah iyo waliba reer Abuu Bakar- Ummu Rowmaan iyo
gabadheeda Caa'isha iyo Asmaa bint Abii Bakar afadii Zubeyr iyo weliba
Ummu Ayman Barakah bint Thaclabah iyo wiilkeeda Usaama bin Zeyd. Abuu
Bakar Siddiiq waxuu horey ugu daray labadii nin C/llaahi bin Ureyqid oo
gaal dhul aqoon ahaa si uu jidka u tusiyo, wuxuuna Abuu Bakar horey
warqad ugu sii qoray wiilkiisii C/llaahi bin Abii Bakar si uu usii
diyaariya qoyska iyo safarkooda iyo sahaydooda. Dabeeto waa lasoo
kaxeeyey dhammaan oo la keenay magaaladii Madiina, kadib buuna Rasuulka
SCW Caa'isho la aqalgalay.
Abuu Bakar Siddiiq wuxuu ka qayb qaatay dagaalkii Bader oo wuxuu ahaa
ninkii Rasuulka SCW cariishkiisii ku wehliyey maalintaasi. Sidoo kale
maalintaa waxuu doon doonayey wiilkiisa C/Raxmaan oo dhanka gaalada la
safnaa. Wuxuu doonayey Abuu Bakar inuu wiilkiisa ka takhalluso oo wuxuu
lahaa:- khurankiiyoow! meeyay maalkeygii? Isaguna wuxuu ku jawaabayey:-
Waxaa ka dambeyso oo ka soo hartay seef dili doonta oday diintiisii
nacay. Haddaba goor dambe ayuu Muslimay C/Raxmaan oo uu wanaagsanaaday.
Abuu Bakarna maalintaa uu Muslimay wiilkiisa aad ayuu ugu farxay.
Maalintii Uxud waxuu Abuu Bakar Siddiiq ahaa qofkii ugu horeeyay ee
Rasuulka SCW kusoo laabtay kadib markay Muslimiintii jabeen.
Sidaa si lamid ahna waxuu ka qayb qaatay dhaqdhaaqyadii Axzaab,
heshiiskii Xudeybiyah, duullaankii Kheybar, Cumradii la qalleeyey
(Cumaratul Qaddaa), furashadii Makka, iyo dhammaan dhaqdhaaqyadii oo
idil. Maalintii Tabuuk wuxuu siday calanka guud ee ciidanka Muslimiinta.
Rasuulka SCW ayaa u wakiishay xajkii ugu horeeyay Islaamka sanadkii 9aad
ee hijriyada, markaas ayaana loo dhalay wiilkiisii Maxamed bin Abii
Bakar oo ay u dhashay afadiisii Asmaa bint Cumeys.
Rasuulka SCW markuu xanuunsaday wuxuu salaadda amray in uu Abii Bakar
tujiyo. Caa'sha ayaa Rasuulka SCW ku tiri:- Rasuulkii Alloow! Abuu Bakar
waa nin qalbi jilacsan oo oohin badan markuu Quraanku akhrinaya, ee maad
amartid Cumar dadka ha tujiyee? Wuxuu Rasuulka SCW yiri:- Hala amro Abuu
Bakar dadku ha tujiyee. Caa'isha waxay u tegtay Xafsah oo ay arrintii u
sheegtay bal si ay iyana Rasuulka SCW u la hadasho iyaduna oo ay
arrintaa ugu sheegto. Wuxuu yiri Rasuulka SCW markay Xafsa arrintaa kala
hadashay:- Waxaad tihiin dumarkii Yuusuf shirqoolay (oo kale) ee hala
amro Abuu Bakar dadka ha tujiyee.
Haddaba Abuu Bakar waxuu ahaa qofkii ku xigay Rasuulka SCW oo xilkan
qaban lahaa iyo weliba kii ugu cilmiga badnaa saxaabada oo dhami
Rasuulka SCW ka dib. Ishaarooyinkan iyo kuwa kale oo aan soo marnayba
oo ay kamid yahiin albaabadii masjidka ee hala xiro uu Rasuulka SCW
yiri, dhammaan ishaarooyinkan iyo kuwa kaloo badanba waxay ku tusin inuu
Abuu Bakar yahay ninkii khilaafada qaban lahaa Rasuulka SCW bacdigiisa.
Goor barqo ah cadceedduna ay kulushahay maalin Isniin ah oo bishii
Rabiicul Awal ay tahay 12 sanadkii 11aad ee hijriyada baa Rasuulka SCW
la oofsaday oo uu dhanka Rabbigiisa aaday. Abuu Bakar Siddiiq markaasi
wuxuu ku sugnaa goobta As- Suxni oo uu guri ku lahaa, halkaa buuna faras
uga yimid oo inta masjidkii yimid dabeetana u dhaafay aqalkii Caa'isha
buu u galay meydkii Rasuulka SCW oo inta wejiga maradii ka feyday ayuu
dhunkaday oo ilmaduna ka qubatay dabeetana yiri:- Aabahay iyo hooyadayba
kugu furtaye (Rasuulkii Alloow!) Alle labo dhimasho iskugu kaa dari
mahayo, oo dhimashadii kuu qorneyn waad dhandhamisay. Misna wuxuu yiri:-
Maxaa kaa udgoon badan Rasuulkii Alloow!! noolal iyo geeriba? Kadib Abuu
Bakar wuu soo baxay oo dhanka dadkii soo abbaaray oo markaana Cumar
wuxuu u gooddiyey qofkastoo yiraahdo:- Rasuulka SCW wuu dhintay. Waxaana
la sheegaa in Muqiirah bin Shucbah uu u tegay Cumar oo u sheegay
geerida Rasuulka Alle SCW. Markaa buu isaguna ka diiday oo ku yiri:-
Been baad sheegtay.
Waxuu yiri:- Rasuulkii Alle SCW ma uusan geeriyoon oo mana geeriyoonayo,
wuxuuse aaday xagga Rabbigiis siduuba Nebi Muuse CS u aaday oo afartan
casho u maqnaa, kadibna yimid isagoo horey loo yiri:- Wuu dhintay. Dhaar
Eebbee! Rasuulkii Alle SCW wuu soo laaban doonaa, markaas buuna gacmaha
iyo lugaha ka jari doonaa dad badan oo sheegi inuu geeriyooday.
Werin kale waxay leedahay Munaafiqiin badan.
Abuu Bakar Siddiiq markuu usoo baxay dhankii dadka masjidka joogay oo uu
Cumar u khudbeynayey uuna ku lahaa erayadaasi isagoona u gooddinayey
inuu kurka ka jari doona ciddii tiraahdo Muxammed SCW wuu dhintay,ayuu
Abuu Bakar soo galay oo Cumar u tilmaamay inuu fadhiisto, hase ahaatee
Cumar arrintaa diidyay oo bartiisii ayuu kasii watay, waxaana ka qaalib
noqday maalintaa murugadii oo xitaa miyirkiisii tirtirtay.
Kadib dadkii waxay u wada dhaqaaqeen dhankii Abuu Bakar, waayo wuxuu
ahaa mid ay dadku jecelyahiin. Markaa buuna u khudbeeyay oo markuu
Alle mahadiyey oo amaanay Nebiga SCW iyo ehelkiisana ku salliyey buu
kadib yiri:- Intaa dabadeed, kiinnii Muxammed SCW caabbudijirayow!
Maxammed wuu dhintay. Kiinnii Alle caabbudi jirayoow! Alle waa noolyahay
oo ma dhimanayo. Kadibna waxuu akhriyey
aayaddan:
''Maxamed (SCW) ma uuna ahaan, wax aanan Rasuul ka ahayn, kaasoo ay
hortii tegtay Rusullo, ee ma haddii uu geeriyooda, ama la dilo baad u
noqoneysaan dib ciribyadiinii (gaallimadiinii hore). Kiinnii kastoo dib
ugu nooqda ciribtiisii hore Alle wax uu yeeli kara ma jirto, oo
Illaahayna wuu abaal marin doonaa kuwa ku shukriya''. (Aali-Cimraan aayadda 144).
Aayaddaasi iyada ahi dadkoo dhami mabaysan ogeyn inuu Alle horey usoo
dejiyey. Waxayna ogaadeen markii uu Abuu Bakar akhriyey, dabeetana
qofkastoo maqlay intuu akhriyey ayuu meeshii ka dhaqaaqay isagoo qirsan
inuu Rasuulkii Alle SCW dhintay.
Cumar bin Al Khaddaab wuxuu yiri:- Illaah baan ku dhaartaye markii aan
maqlay aayaddaas iyadoo uu Abuu Bakar akhrinaya baan gariiray oo lugahii
hayn kari waayey heer markii dambe aan dhulka ku dhacay. Markii uu
akhriyey (Abuu Bakar) baana garowsaday inuu Rasuulku SCW geeriyooday.
Intaa kadib Rasuulka SCW waala aasay maalin Arbaco ah sida ku sugan
kutubta siirada Nebiga SCW ee caanka ah. Cidi iimaam ma ka noqon
janaasadiisii oo toban toban iyo goor goor ayaa loogu tukanayey.
Abuu Bakar wuxuu ahaa ninkii kaliya ee fahmay geerida Rasuulka SCW oo
waliba u gartay siduu Alle Sarreeye Quraankiisa ku tilmaamay.
Doorashadii Abuu Bakar
Waxaa jiray ishaarooyin tilmaamayey in Abuu Bakar Siddiiq uu yahay
ninkii ku xigi lahaa Rasuulka SCW oo khilaafada qaban lahaa, waxaana
kamid ahaa axaadiis badan oo aan soo marnay iyo salaaddii uu Rasuulka
SCW amray in dadka uu Abuu Bakar tujiyo iyo tilmaamyooyin kaloo badan.
Waxaa taa dheereed ummaddii oo dhammaantood ku raalli ahaa Abuu Bakar
aaminsanaana in uusan jirin axad ka fadli badan isaga Rasuulka SCW
kadib.
Markii uu geeriyooday Rasuulka SCW, buu Abuu Bakar Siddiiq maqlay in
koox Ansaar ahi ay ku kulansanyihiin saqiifadii banii Saacidah oo ay ka
shirayaan arrimaha khilaafada. Arrintaasi waxaa Abuu Bakar iyo Cumar soo
gaarsiiyey labo saxaabi oo kala ahayd Macni bin Caddiyi iyo Cuweym bin
Saacidah. Raggakanina waxay ahaayeen Ansaar. Haddaba Abuu Bakar iyo
Cumar waa ay soo dhaqaaqeen. Goor ay dhexda socdaan baa waxay la kulmeen
Abuu Cubeydah bin Al Jarraax oo ay horey usii kaxaysteen, waxayna
abbaareen dhankii saqiifadii banii Saacidah.
Ansaartu iyagu waxay istuseen inay amiir sameystaan, waxayna booskoodii
u garteen ugaaskoodii Sacad bin Cubaadah bin Duleym As- Saacidi oo ay
isku raaceen inuu asaga u noqdo amiir.
Markii ay Abuu Bakar, Cumar iyo Abuu Cubeydah yimideen goobtii ayay u
sheegeen in arrintaan lagu ogyahay Qureesh maadaama hoggaankii xaramka
ay iyadu haysay oo haddii ay Carabna maqalaan in khilaafadii ay qabatay
cidaan Qureesh ahayn, ay taasi suuro gelineyso inay riddoobaan oo ay
istusaan cidaan Qureesh ahaynba inay daw ku lahayn. Sidaa darteed waxuu
Abuu Bakar u tilmaamay in labadan nin ee Qureesheed (Cumar iyo Abuu
Cubeydah) midkood ay doortaan. Cumar bin Khaddaab arrintaasi siduu u
dhibsaday isagoo ka sheekeyn jiray wuxuu oran jiray:- Dembi li'i baan
jeclaa in unuunka la ii dheereeyo (kurka layga jaro) intii aan amiir
unoqon lahaa ummad uu kujiro Abuu Bakar. Macnuhu wuxuu ka hadlayaa
fadliga Abuu Bakar, iyo inuusan u noqon karin amiir nin asaga ka fadli
badan.
Ansaartii waxay is tusinayeen in iyagu ay amiir sameystaan, waxaana
kacay mid kaco oo kamid ah iyaga (Waxaa lagu sheegaa inuu ahaa Al Xubaab
bin Mundir ) oo yiri:- Annagu Ansaar waxaynu leennahay amiir idinku
Muhaajiriinna waxaad leedahiin amiir.
Ansaartu waxay ahaayeen kuwa ka badan Muhaajiriinta dhanka tiro ahaanta,
oo Muhaajiriintu waa ay ka yaraayeen tirada Ansaarta. Hase ahaatee waxay
Muhaajiriintu ahaayeen hoggaankii saxaabada oo muddo badan Rasuulka SCW
agtiisa joogay waqtigii Makka, waxayna ahaayeen raggii ugu cilmiga
badnaa saxaabada. Dhanka kale Ansaartu iyagu waxay ahaayeen dadkii reer
Madiina ee u gar gaaray Rasuulka SCW iyo asxaabtiisa. Waxayna ahaayeen
raggii lagu tiirsanaa oo awood ahaan naf iyo maalba u qidmay Alle iyo
Rasuulkiisa SCW, waxayna ahaayeen cududdii Islaamka.
Rasuulka SCW meelo badan ayuu Ansaarta ku ammaanay oo sida kutubta
siirada ku sugan habeenkii Caqabadii labaad markii uu Abul Haytham bin
Tihaam yiri:- Rasuulkii Alloow! Innaga iyo nimanka (Yahuudda ahi) waxaa
isugu kaayo xiran xarko (heshiis iyo xilfi baa innaga dhaxeeyo oo
gaashaan buur baynu nahay) oo waan gooyneynaa (haddaad ina amarto ) ee
haddaba malaga yaabaa haddaynu sidaa yeelno dabeetana Alle kuu gargaaro
inaad tolkaaga u laabato oo aad inaga soo tegto?
Rasuulka SCW intuu muusooday buu yiri:- Mayee! sidaa maahane dhiiggiinu
waa dhiiggeyga oo nolol iyo geeriba idinkaan idinla jiraa, adinkuna
anigaad ila jirtaan. Anigu idinka mid baan ahay oo idinkuna iga mid baad
tihiin, oo qofkii aad la dagaashaan baanna la dagaali doonaa, ciddii aad
soo dhaweysaan baana soo dhaweyn doonaa.
Habeenkaas waxay aheed habeenkii Caqaba ee heshiiskii labaad ee dhex
maro raggaas Ansaarta iyo Rasuulka SCW. Waana ka hor intuusan Rasuulka
SCW soo hijroon. Sidoo kale maalintii Xuneyn, markii ay saxaabadii
jabeen Rasuulku SCW wuxuu amray Al Cabbaas bin C/Muddalib oo aad u cod
dheeraa inuu u dhawaaqa Ansaarta si ay u soo laabtaan, oo u difaacaan
Rasuulka SCW.
Durba waa ay soo gaddoomeen Ansaartii markii ay maqleen dhawaqa Al
Cabbaas oo difaaceen Rasuulka SCW oo si daran uga qeyb qaateen dagaalka,
iyo difaacidda Rasuulka jeer uu nasrigii yimid.
Maalintaasi iyada ahi Rasuulka SCW waxuu hanti iyo maal badan siiyey
Muhaajiriinta iyo dad badan oo kamid ah kuwii diinta Islaamka ku cusbaa
oo quluubtooda loosoo duwayey Islaamka xaggiisa. Qof Ansaarta kamid
ahna waxba ma uusan helin. Rasuulku SCW Ansaartii wuu qadiyey oo
qaybtii waxba kagama soo haggaajin, arrintaana waxay ahayd mid ay ku
jirtay oo ay ku dheehnayd xikmad Allaah iyo Rasuulkiisu SCW oo kaliya ay
garanayeen.
Haddaba Ansaartii ayaa markaasi hoos iskula hadashay oo gadoodday, oo
gununacday iyaga oo aan garanayn sababihii dhaliyey arrintaasi ah, in
Rasuulka SCW sidaa wax u qeybiyo. Markii uu dagaalku kululaaday ee ay
saxaabadii jabeen, ayaga ayaa loo yeertay oo markay yimideen oo ay
dagaallameenna, guul iyo nasri la helayna, waxba qaniimadii kama aanay
helin. Waxayna xaaladdu gaartay heer ay qaarood Ansaarta iskula hadlaan
si hoos ah iyagoo is leh:- Dhab ahaan Rasuulku SCW tolkiisii buu u yimid
(oo yacni waxay u dhawdahay inuu idinka faaruqo). Ugaaskii Ansaarta ee
Sacad bin Cubaada baa Rasuulka SCW u yimid oo ku yiri:- Rasuulkii
Alloow! Ansaar waxa ay kuugu caroodeen sida aad wax yeeshay iyo
qeybintii xoolihii qaniimada ahaa oo aad u qaybisay tolkaagii, iyadoo
aad siisay siismo aad u weyn qabaa'illadii Carbeed iyaguna Ansaartu
aadan haba yaraatee waxna siin..
Haddaba goor uu gadoodkii Ansaarta halkaa marayo oo dacwo kusoo biyo
shubtay ayuu Rasuulku SCW ku yiri:- Oo Sacadoow! adigu xaggee baad ka
taagan tahay arrintaa?
Waxuu yiri:- Rasuulkii Alloow! anigu tolkeyga ayaan wax la qabaa.
Markaasuu Rasuulku SCW yiri:- Waxaad ii soo kulmisaa tolkaaga oo dhami.
Kadib wuu dhaqaaqay oo waxuu soo kulmiyey tolkiisii. Markiina uu keenay
tolkiisii oo uu Rasuulka SCW ula yimid oo dabeetana la fariistay, ayuu
ku yiri kadib markuu Alle weyne mahadiyey, ducadii furfurashaduna
akhriyey:- Ansaartiyeey! Oo maxuu yahay warkaan iga kiin soo gaaray ee
ah inaad ii carooteen? Miyaanan ahayn mid idiin yimid idinkoo habawsan
dabeetana Alle idin hanuunin? Oo miyaanan ahayn mid idiin yimid idinkoo
cayr ah oo Alle idin hodmin? Oo miyaanan ahayn mid idiin yimid idinkoo
cadaw isku ah oo Alle qalbiyadiinii isku soo duwin?
Kadib Waxay yiraahdeen:- Haah! Oo Alle iyo Rasuulkiisa ayaa gallad iyo
abaal badanba lehe. Markaasuu yiri:- Oo miyeydaan ii jawaabeyn
Ansaareey!!? Markaasey yiraahdeen:- Oo maxaan kuugu jawaabnaa Rasuulkii
Alloow!? Alle iyo Rasuulkiisa ayaa gallad iyo abaal badanba lehe.
Markaasuu yiri:- Illaah baan ku dhaartaye haddii aad rabtaan waxad oran
lahaydeen oo runna aad ku sheegi lahaydeen, oona la idiin rumeeyn
lahaa:- Waad inoo timid adiga oo lagu beeniyey markaas baan ku rumeynay,
oo aad inoo timid adigoo lagu dulleystay, saan kuu gargaarnay oo aad
inoo timid adiga oo lagu soo saaray, markaasaan ku soo dhoweynay, oo
aad inoo timi adigoonan waxbo haysan oo cayr ah, markaas ayaan ku
hodminnay. Oo haddaba Ansaareey!! ma waxaad iigu carooteen haraa
adduunyo oo aan qolooyin ugu soo duwaya diinta Islaamka ee aad idinku
hirgeliseen oo aad xilkeedana qaadateen?
Oo miyeydaan raalli ku ahayn in dadku la tagaan ari iyo awr idinkuna aad
guryihiinnii ula noqotaan Rasuulkii Alle? Allihii nafta Maxammed ay
gacantiisa ku jirtay baan ku dhaartaye haddii aysan jiri lahayn hijro
(yacni qaxootinnimo), waxaan noqon lahaa qof Ansaarta kamid ah. Oo
hadday dadku waddo qaadaan, Ansaartuna waddo qaaddo, waxaan qaadi lahaa
waddada Ansaar. Allahayoow!! Ansaar u naxariiso oo u naxariiso Ansaar
iyo dhashooda iyo dhasha ay dhalaan dhashoodu. Markaas ayey Ansaar wada
ilmeeyeen oo ay ilmadu hibisiqleeyeen oo ay yiraahdeen iyagoo wada
hiqleyn oohinta:- Waanu ku qanacnay qaybinta iyo siismada Rasuulka Alle
SCW oo aan ku raalli noqonnay inaan saami u helno Alle iyo Rasuulkiisa
SCW.
Haddaba fadliga Ansaartu wuu badnaa oo waxay ahaayeen dad uu Rasuulka
SCW aad u jeclaa iyaguna ay jeclaayeen, waxuuna u wakiishay Allaah iyo
iimaankooda maalintaa iyada ah ee uu qeybinayey qaniimadii Jicraanah.
Waxaana xusid mudan in Rasuulka SCW markii uu geeriyoonayey uu ka dar
daarmay Ansaarta oo uu tilmaamay inay dadku badan doonaan, Ansaartuna ay
yaraan doonta, waxuuna Muslimiinta ka dalbaday ama amray in Ansaar iyo
ubadkooduba la xaq dhowra, waayo xaqii saarnaa way guteen oo waxaa
markaasi haray xaqoodii.
Illaahay kor ahaaye Quraankiisa ayuu meelo badan ku amaanay Ansaarta,
waxaana xusid mudan in magacooda (Ansaar) laga helaya Quraanka meelo
badan, waana magac uu Alle kor ahaaye u bixyey iyaga, oo uu udooray
Illaahay haka raalli noqdee.
Sidaa darteed bay Ansaartu is tuseen inay amiir yeeshaan ama ayba iyagu
khilaafada qabtaan Rasuulka SCW bacdigiisa.
Kadib waxaa kacay mid kaco oo kamid ah Ansaarta (oo lagu sheegay inuu
ahaa Useyd bin Xudeyr- saaxibul xikmah), waxuuna jeediyey khudbo cajiib
ah oo uu Ansaarta kula hadlayey oo waxuuna tilmaamay inay iyagu yahiin
Ansaartii Rasuulka Alle SCW, lagana doonayo inay noqdaan Ansaartii
khaliifadiisa. Kadib buu Cumar kacay oo su'aalay Ansaartii inay jirta
cid ku raalli noqotay Abuu Bakar oo Rasuulka SCW horey u amray salaadda
inay ka hor marto.Hase ahaatee cidi arrinkaa kuma aysan dhiirran.
Ansaartiina waxay ku qanceen khudbadii ugaaskooda Useyd oo saameysay
iyo weliba kalmadihii Cumar. Markaa buu Cumar ku yiri Abuu Bakar:- Fidi
gacantaada. Oo la mubaayicooday dadkiina ay la mubaayicoodeen intoodii
goobtaas joogtay.
Kadib wuxuu tegay masjidkii oo dadkii beyco guud la galay oo misna eegay
dadka isagoo mimbarka saaran, wuxuusa dadka ka dhex arki waayey Zubeyr
bin Cawaam. Markaasuu u cid. Markii uu yimid ayuu su'aalay sababta ku
kalliftay ka dib dhaco beycada isagoo ay dhashay Rasuulkii Alle SCW
eeddadiis. Markaa buu Zubeyrna u cududaartay inuu arrimo ku
mashquulsanaa oo kadibna la mubaayicooday. Sidaa si lamid ahna wuxuu mar
kale dadka ka dhex eegay Cali oo markii uu ka dhex waayey, u cid diray.
Markii uu yimidna wuu u cududaartay, dabeetana waa uu la mubaayacooday.
Shiicadu waxay aaminsanyahiin inuusan Cali la mubaayicoon Abuu Bakar
Siddiiq. Waxaase cad oo axaadiis badan oo saxiix ahna ku sugnaaday inuu
Cali la mubaayicooday Abuu Bakar labo goor. Mar waa markii hore ee la
doortay, marka kalena waa kadib markii ay geeriyootay Faadimah bint
Rasuulillaah SCW oo ay horey arrini ka dhex dhacday iyada iyo Abuu Bakar
Siddiiq. Arrintaasina ma ahayn mid sidaa usii buuran
Taasuna sababteedu waxay ahayd Faadimah ayaa weydiisatay Abuu Bakar inuu
siiyo dhul istaraatiiji ahaa oo uu Rasuulka SCW lahaa. Abuu Bakarna
waxuu usheegay in dhulkaasi uusan siinahayn, waayo buu yiri Rasuulka SCW
ayaan horey uga maqlay isagoo leh:- Haddaynu nahay kulanka Ambiyada
(yacni Nebiyada) nalamo dhaxla oo waxaynu ka tegnaana waa sadaqo.
Faadimah way isaga tegtay Calina markaa inkastoo uu la mubaayicooday
haddana waxuu ku mashquulsanaa dabiibinta iyo la tacaalidda Faadimah oo
markaa xanuunsaneyd. Markiina ay geeriyootay dhimashadii aabaheed
(Nebiga SCW) kadib muddo laga joogo 6 bilood, buu Cali mar kale
jadiidiyey baycadii oo la mubaayacooday Abuu Bakar oo oo misna usoo
jeestay la shaqeynta khaliifadii Rasuulka SCW. Waxaana arki doonnaa inuu
Cali kamid ahaa Raggii ugu cad caddaa khilaadii Abuu Bakar.
Dhanka kale Abuu Bakar Waxuu ahaa mid ahlu beydka Rasuulka SCW si aad u
weyneyn jirtay aadna u jeclaa, sidooy tahayna wuxuu ahaa mid ku ad adag
kitaabka iyo xukunka Alle,oo waxuu ahaa mid ku qayidan kitaabka Alle iyo
sunnaha Rasuulka SCW.
Haddaba Abuu Bakar markii la doortay waxuu goobtaa ka jeediyey khudbo
gaaban oo misna aad u qiimo badan. Khudbaddiisaasi waxay ahayd sida
tan:
Dadoow! anigu waala iiga kiin madax dhigay, mana ahi kiinnii idinkugu
kheyrka badnaa. Iigu gargaara haddii aan toosnaada, haddii aan gafana i
qabta. Runtu waa amaanoo beentuna waa khiyaano, kiinnii daciifka ahina
agteyda awood buu ku leeyahay jeer aan xaqiisa siiyo. Kiinnii ugu
awoodda badanna agteyda wuu ka itaal daranyahay jeer aan xaqa kasoo
qaado. Majirta umad ka tegto jihaadko illaa Alle wuu dulleeyaa.
Diriddii Ciidanka Usaamah
Haddaba markii la doortay Abuu Bakar waqtigaasi Muslimiinta waxaa soo
wahajday arrin adag oo qabaa'ilkii oo idil baa ka baxay diinta Islaamka
geeridii Rasuulka SCW ka dib, qaar kalana waxay diideen inay bixiyaan
sakadii oo waxay ku andacoodeen in sakaba lagu lahayn mar hadduu
Rasuulkii SCW dhintay. Dadku waxay u qaybsameen kuwa nifaaq ka buuxay oo
dhimashadii Rasuulkuba SCW ay ku noqotay bishaaro iyo guul ay heleen
iyagoo markaana ay neeftii nifaaqa kasoo go'day. Kuwaasi si deg deg ah
bay ku ridoobeen. Iyo kuwa iyagu Nebinnimo sheegtay oo iimaanlaawayaal
ahaa oo been badnaa sida Museylama Al Kaddaab iyo Aswad Al Canasi iyo
kuwa kale. Waxaa sidoo kale jiray kuwa iyagu noqday dameer dhaan raacday
oo odayaashoodii daba naashleeyey jeer ay qaarkood jahannama ula
safreen, iyo kuwa islaamka ku sugnaaday hase ahaatee diiday sakada inay
bixiyaan sidaynuba soo xusnay. Xaaladdaasi cakiran iyo jawigaasi foosha
xun baa hor istaagay Abuu Bakar, waxuuse uga gudbay caqligiisii iyo
Illaah oo garab istaagay, heer muddadii koobneed ee khilaafadiisa uu
jaziiraddii oo idil sifeeyay oo nadiif ka dhigay, kuna soo celiyey
gacantii Islaamka.
Waxaa Islaamka ku sugnaaday magaalooyinkii Madiina, Makka iyo Dhaa'if
iyo qaryo kutiillay Baxreen oo la oran jiray Jawaatha. Jawaatha waxay
noqotay qaryadii ugu horreysay ee salaadda jimcaha lagu oogo kadib
markay dadkii xaqa usoo noqdeen oo Islaamka usoo laabteen.
Xaaladdu waxay noqotay mid daran oo qaraar. Sidaa oo ay tahay waxaa
jiray ciidan yara culus oo ciidankii Islaamka ahaa oo malaha edbin lahaa
kuwii riddoobay, xaaladda qallafsanna ka saari lahaa umaddii Islaamka.
Ciidankaasi waxuu ahaa cududdii Islaamka oo waxuu ahaa ciidankii Usaama
bin Zeyd uu Rasuulka SCW horey ugu diyaariyey inay ku duullaan dhulka
Shaam. Ciidankaasi markaa iyada ahi waxaa ku jiray Abuu Bakar Siddiiq,
Cumar bin Khadaab iyo odayaashii asxaabta. Waxay ku hakadeen ciidankii
goobta Jurfa markii uu Rasuulka SCW xanuunsaday oo sakaraadka qabtay.
Waqtigaasina waxuu salaaddii amray Rasuulka SCW inuu dadka tujiyo Abuu
Bakar oo ciidankii kasoo reebay. Usama bin Zeyd markaa waxuu ahaa 17 jir
ama 18 jir. Haddaba intuusan Usaama bixin buu Rasuulka SCW geeriyooday,
kadibna waxaa la doortay Abuu Bakar. Markii Abuu Bakar la doortay oo
qabaa'ilkii Madiina hareeraheeda deganaana ay diinta ka baxeen bay qaar
kamid saxaabadii oo ay kamid ahaayeen Abuu Ayuub Al Ansaari, Abuu Dardaa
Al Ansaari, Cumar bin Khaddaab iyo kuwa kale baa Abuu Bakar u tilmaamay
in ciidanka Usaama la dirin maadama xaaladda magaallada ay cakirantahay
oo reer miyigiina ay doonayaan inay soo weeraraan.
Waxay yiraahdeen iyagoo arrintaasi Abuu Bakar kala hadli:- Oo maxaad
ciidanka Usaama u direysaa iyadoo Carabi riddoowday guud ahaan iyo gaar
ahaan qabiilladii oo idil, iyadoo xidiggii nifaaquna uu bidhaammay,
Yahuuddii iyo Nasaaradiina ay kacday oo Muslimiintiina ay yaraadeen,
cadawgooduna batay?
Abuu Bakar wuu diiday waxaan ka ahayn inuu diro ciidankii Usama, oo
waxuu go'aansaday in la diro oo waxuu tilmaamay inuusan daw ku lahayn
inuu celiyo ciidan uu horey Rasuulka SCW u diray iyo in weliba uu
hoggaanka ciidanka ka baddelo Usaama oo ahaa nin uu horey Rasuulka SCW u
magacaabay. Kaasoo markaa ka hor dadku qaarkiis ay yiraahdeen halaga
bedallo hoggaanka ciidanka. Arritaasina waxay la direen Cumar si uu Abuu
Bakar u gaarsiiyo, hase ahaatee Cumar waxuu kala kulmay agta khaliifkii
Rasuulka SCW caro iyo canaan kulul. Markii uu Cumar Abuu Bakar
gaarsiiyey warka ah in odayaasha saxaabadu ay Abuu Bakar ka dalbanayaan
in ciidanka laga badallo hoggaaminta Usaama, ntuu Abuu Bakar si aad ah u
carooday ayuu Cumarna ku canaantay. Dabeeto Abuu Bakar waxuu amray in uu
baxa ciidanka Usaama, asagiina wuxuu abbaaray xeradii ciidanka ee Jurfa
bal si uu u sogootiyo oo u lana dardaarma. Intaasi kadibna waxuu u diray
dhankii Shaam oo ah halkiii uu Rasuulka SCW horey ugu cayimay, waa
goobtuu horey Rasuulka SCW ugu diray ee Daaruum iyo Bulqaa, waxuuna
amray inuu gaaro goobtii aabahii Zeyd iyo Jacfar iyo raggii Mu'ta lagu
dilay. Waxaa kaloo uu Abuu Bakar Usaama amray in uu la tashado ragga
akhyaarta ah ee saxaabada oo ay kamid ahaayeen Abuu Ayuub Al Ansaari,
Abuu Dardaa iyo kuwa kale oo badan. Wuxuu intaa dabadeed ka codsaday
inuu Cumar ka reebto bal si uu xaaladda ugula tashado, isagiina wuu ka
yeelay.
Abuu Hureyrah Allaha ka raalli noqdee wuxuu yiri:- Illaah baan ku
dhaartaye uusanna jirin Illaah kale isaga mooyaane, haddii Abuu Bakar la
doortay Alle inaan la caabudeyn. Mar kowaad iyo mar labaad iyo mar
saddexaad buuna yiri sidaa. Waxaa lagu yiri:- Oo sabab Abaa Hureyroow!?
Waxuu yiri:- Rasuulka SCW baa Usaama u diray dhanka Shaam isagoo madax u
ah ciidan 700 ah, markiina ay degeen goobta Dii Khashab baa Rasuulka SCW
la oofsaday, dabeetana Carabtii hareeraha Madiinana ay wada riddoobeen.
Markaa bay asxaabtii Rasuulka SCW isaga (Abuu Bakar) u tegeen oo ku
yiraahdeen:- Abaa Bakaroow! celi oo ha dirin ciidankan ku wajahan dhanka
Ruum iyadooy Carabtii hareeraha Madiina oo idili riddoobeen. Markaasuu
Abuu Bakar yiri:- Allihii Illaah isaga kasokeeya uusan jirin baan ku
dhaartaye! haddii ay eeyahu hoos or-ordayaan lugaha hooyooyinka
Mu'miniinta yacni dumarkii Rasuulka SCW hoostooda, marna celin mahayo
ciidan uu Rasuulka SCW diray oo mana siibaya calan uu Rasuulka SCW
xiray.
Bal fiiriya iimaankii Abuu Bakar halkuu gaarsiisanaa, waxay ahayd xilli
ay xaaladdu cakirneed, waxuuna wax waliba ka hor mariyey inuu fuliya
howshii uu Rasuulka SCW qabyada uga tegay. Maadaama uu horey Rasuulka
SCW u diray ciidankaasina waxuu Abuu Bakar aaminsanaa inuusan marnaba
hoogayn oo Alle guul iyo wanaag ku dhammeyn doona. Waxuu sogootiyey
ciidankii oo la dardaarmay, gaar ahaanna waxuu la dardaarmay Usaama oo
guul iyo kheyrna Illaah uga baryey, waxuuna amray inuu la tashto ragga
akhyaarta saxaabada ah. Haddaba ciidankii wuu baxay. Qoom kastooy sii
maraanna waxay lahaayeen:- Haddii aanay dadkan (Muslimiinta ahi) awood
lahayn ma aanay soo diri laheen ciidanka intan dhan. Waxayna is
oranayeen bal isku eega iyaga iyo Ruumaanka oo haddii laga adkaado waa
sidaanu rabnay, haddaysa adkaadaan u noqda wixii aad horey uga baxdeen
(Islaamka).
Dhanka kale waxay taasi fajac iyo yaab ku noqotay boqortooyadii
Ruumaanka ciidanka dhulkooda waqtigan kusoo duulay iyadoo weliba
saaxiibkood (Muxammed SCW) uu geeriyooday, waxayna arrintaasi ku ridday
Ruumaanka niyad jab, rucbi iyo argagax oo way jabeen, markaa bay
Muslimiintiina khalqi badan ka dileen, waxna ka soo qaniimeysteen iyagoo
bad qabana magaaladoodii Madiina kusoo laabteen muddo 40 ama 60 casho ah
kadib.
Waxuu ciidankan Usaama ku tusin heerkii iimaanka Abuu Bakar uu
gaarsiisana, sidooy tahayna waxuu Abuu Bakar ahaa mid ay ku weynayeen
amarrada Rasuulka SCW oo wax waliba ka hor marin jiray fulintooda. Sidaa
darteed buuna marna aaminsaneyn inay arrin uu Rasuulka SCW horey u falay
inaysan ku dhammaaneyn waxaanan kheyr ka ahayn. Haddaba ciidankii Usaama
waxuu ahaa dharbaaxo ka yaabisan quwaddii Ruumaniska oo yaab iyo amakaag
ku noqotay heer uu boqorkoodii yiri:- Oo waa maxay kuwa kan ee
saaxiibkood geeriyooday oo baladkayagiina kusoo duulaya? Arrintaasi wax
lala yaabo ma aysan ahayn oo Abuu Bakar waxuu ahaa nin muddo la soo
dhaqmayey Rasuulka SCW, waxuu ahaa mid uu Rasuulka SCW soo tarbiyeeyay.
Dhanka kale ciidankii Usaama waxuu yaab iyo amakaag ku riday kuwii
diinta ka riddoobay oo qaarkood markay arkeen ay dib ugu soo laabteen
Islaamka, waxayna ahayd guul iyo lib isoo hoyatay Islaamka.
La Dagaallankii Dadkii Riddoobay & Kuwii Sakada Diiday
Waxaynu soo xusnay in markii Rasuulka SCW la oofsaday Carabi ay
riddowday oo xiddiggii nifaaquna uu Madiina ka bidhaamay, heer ay qaar
kamid ah dadkii daganaa magaalada hareeraheeda ay damceen inay soo
weeraraan magaallada oo ay ka faa'ideystaan fursaddii dahabiga ahayd ee
ay ciidankii Usaama magaalada kaga maqnaayeen. Haddaba markaa bayna qaar
kuwaa kamid ahi Nebinnimo sheegteen oo markaasi Museylama Al Kaddaab
reer banii Xaniifa badankoodii la go'ay, oo ay iyagiina indha
la'aantiisii ku raaceen. Sidaa si lamid ahna waxaa Nebinnimo sheegtay
Aswad Al Canasi oo Yemen ku sugnaa oo kala eryay masuuliyiintii halkaa
Rasuulka SCW u joogtay, dabeetana waxay yimideen masuuliyiintaasi
magaalladii Madiina.
Runtii waxay ahayd goor ay xaaladdu adkeyd oo Muslimiinta meel waliba uu
cadawgooda ka jiray. Waxaa kaloona Nebinnimo sheegtay Julundaa Al Usdi
saaxiibkii reer Cumaan, Dhuleyxa bin Khuweylid Al Asdi iyo Sujaax bint
Xaarith At Taqlabiyah. Qaar kale waxay diideen inay bixiyaan zakadii,
hase ahaatee acmaasha kale sidooda caadiga ah bay ula yimaadeen.
Dhammaan dadkaasu iyaga ahi Abuu Bakar isku si ayuu ula dagaallamay,
inkastoo uu isku meel dhigin oo qolaba si goonni ah uu xaqeedii
umiisay, mise zakado ha diido ama yaanay diidine, waxuuna go'aansaday
inuu ku duulo ka hor intaysan kusoo duulin kuwii deganaa hareeraha
Madiina. Guud ahaanna waa kuwa qabaa'ilkii riddoobay iyo magacyadooda.
1. Waxaa riddoobay banii Asad iyo Qadfaan oo madax ka dhigtay Dhuleyxa
bin Khuweylid oo isagu Nebinnimo sheegtay.
2. Waxaa kaloo riddoobay Kindah iyo intii soo raacda oo uu madax uyahay
Ashcat bin Qeys Al Kindi.
3. Sidoo kale waxaa riddoobay Mudxij iyo inta soo raacdo oo uu madax u
yahay Al Aswad bin Kacab Al Canasi oo Yemen ku sugnaa, sheegtayna
Nebinnimo.
4. Waxaa kaloo riddoobay Rabiicah oo uu hoggaamin Macruur bin Nucmaan
bin Al Mundir.
5. Banii Xaniifana iyana wey riddoobeen, waxaana madax u ahaa
saaxiibkood Museylama bin Xabiib (Museylama beenaale) oo Nebinnimo
sheegtay.
6. Waxaa riddoobay banii Saliim oo uu hoggaaminayey Al Fujaa'ah oo
magaciisa saxda ahna la oran jiray Anas ama Ilyaas bin C/Yaaleel.
7. Banii Tamiimna qaar kamid ah ayaa riddoobeen iyadoo ay hoggaamineyso
haweeney la oran jiray Sujaax oo Nebinnimo sheegatay, taasoo ka dhalatay
reer Taqlab.
8. Waxaa sidoo kale riddoobay reer Cummaan oo uu hoggaaminyey nin la
oran jiray laqabkiisu Dut-taaj magaciisuna uu ahaa Laqiid bin Maalik,
waqtigii jaahiligana loo yaqiinnay Julandaa. Waxuu ninka kan sheegtay
Nebinnimo.
9. Sidoo kale waxaa riddoobay reer Baxreen, oo madax ka dhigtey Mundir
bin Nucmaan
Haddaba waxaa Abuu Bakar is hor taagay Cumar bin Khaddaab oo ku yiri:-
Khaliifkii Rasuulkoow! oo sideed ula dagaali qoom salaaddii tukan oo
soomi xajkuna tegi? Ma Carab oo idil baanu la dagaallami karnaa? Waxuuna
dhanka kale tilmaamay in kuwaasi la barbar dhigin kuwan iyagu riddoobay,
oo misna waxuu tilmaamay in xaaladdu ay cakirantahay oo aanay suuro gal
ahayn in Carab idil baa lala dagaallami la yiraahdo. Abuu Bakar waxuu
yiri isagoo Cumar u jawaabaya:- Oo ma waxaad ahayd mid ad adag oo xoog
wax ku maamusha waqtigii jaahiliga, haddana ma waxaad noqotay mid
Islaamka ku dabacsan oo taag daran? Waxuu kaloo yiri:- Illaah baan ku
dhaartaye waan la dagaallami ciddii kala geyso salaad iyo zako, oo waan
la dagaallami ciddii ii diiddo dabar ama waxar ay Muxammed SCW siin
jirtay.
Markaa iyada ahi oo Madiina loo wada baqayey, ayuu Abuu Bakar Siddiiq
amray qaar kamid ah madaxdii iyo raggii ugu sar sareeyay dowladdii
islamka inay hareeraha magaallada difaac culus ka galaan raggaana waxay
kala ahaayeen C/Raxmaan bin Cowf, Cali bin Abii Daalib, Zubeyr bin Al
Cawaam, Sacad bin Abii Waqaas, Dhalxa bin Cubeydillaah iyo C/llaahi bin
Mascuud. Waxaa kaloo uu amray in masjidka heegan lagu noqda. Sidaa
darteed qof kastoo hub qaad ahi masjidkuu seexan jiray. Waqtigaasina
waxay ahayd markii ciidankii Usaama uu maqnaa.
Kadib Abuu Bakar waxaa u yimid wafti kasocday banii Asad, Dhayi iyo
Qadfaan iyo reer miyigii kalee qallafsanaa. Waxay markii hore u tegeen
Al Cabbaas bin Cabdimudalib oo isagu u geeyay Abuu Bakar. Markaasay
iyana Abuu Bakar ka dalbadeen in aysan zako bixin oo aananba lagu
lahayn wax zako ah mar haddii uu Rasuulka SCW geeriyooday. Abuu Bakar
wuu kadiiday arrinkaasi. Markaasay laabteen oo tolkoodii aadeen. Abuu
Bakar Muslimiintii ayuu u sheegay raggaasi inay usoo bandhigeen in
zakada laga dhaafo oo aanan wax zako ah lagu lahayn, wuxuuna sidoo kale
u sheegay inuu arrintaasi ka diiday. Waxaa kaloona uu usheegay inay
raggu u arkeen reer Madiina kuwa itaal yar oo aanan awood lahayn,
waxuuna amray inay hubkooda diyaarsadaan heeganna ay ku noqdaan
masjidka, waayo lamo hubo buu yiri dharaar ama habeen kolkay idinku soo
duuli lahaayeen.
Haddaba waxaa dhacday siduu Abuu Bakar horey u tilmaamay oo reer
miiyigii waxay tolkoodii ula tegeen khabar ah in uusan Madiina joogin
wax ciidan ah, ciidankii weynaa ee magaaladuna uu jira Shaam. Markaa
bayna kusoo duuleen magaalladii iyagoo fursaddaasi ka faa'ideysanaya.
Waxay soo kala degeen goobaha Dul Xisaa iyo Dul qasaa oo magaalada
Madiina wax yar u jira qayaastii.
Abuu Bakar waxuu soo kallahiyey goor aroor ah cidamadiisii oo uu dhanka
midigtana u dhiibay Nucmaan bin Muqarrin, bidixdana C/llaahi bin
Muqarrin halka uu gaadada dambee ciidankuna uu madax uga dhigay
walaalkood Suweyd bin Muqarrin, waxayna labadii ciidan yacni reer
miyigii iyo kuwii Muslimiinta isku heleen goobaha kala ah Dul xasaa iyo
Dul qasaa oo qabaa'illaddii Carbeed si ba'an loogu jebiyey heer markii
dambe ay dabada rogteen oo jihadoodii hore ku rooreen. Waxaana goobtii
ku hoogay isbahaysatadii banii Dibyaan, Cabas, Murrah iyo gurmad uu usoo
diray Dhuleyxa bin Khuweylid oo uu hoggaaminayey wiilkiisa Xibbaal bin
Dhuleyxa bin Khuweylid. Intaa kadib Abuu Bakar waxuu kusoo laabtay
magaaladii Madiina isagoo guul iyo qaniimana kasoo helay cadawgiisii.
Markaana waxaa yimid magaallada Madiina qaar kamid ah raggii zakada loo
diray, oo waxaa yimid gelinkii horee habeenkaasi Cadiyi bin Xaatim oo
keenay zakada jihadii horey loogu diray, waxaana Abuu Bakar bishaarada
zakadaasi soo gaarsiiyey C/llaahi bin Mascuud ama Abuu Qataadah Al
Ansaari. Nuska dhexa ee isla habeenkaasi waxaa yimid Safwaan oo keenay
zakada jihadii horey loogu diray, waxaana Abuu Bakar ugu bishaareyay
imaanshaha Safwaan iyo zakaduba Sacad bin Abii Waqaas. Isla habeenkaasi
aakhirkiisii waxaa yimid Zabarqaan bin Bader oo keenay zakadii jihadii
loo diray oo ah qaar kamid ah tolkiisa banii Tamiim. Ninkii Abuu Bakar
ugu bishaareyey imaanshaha Zabarqaan iyo zakadiisiina waxuu ahaa
saxaabiga jaliilka ee C/Raxmaan bin Cowf.
Haddaba waxay ahayd guul iyo nasri uu Illaah usoo dejiyey addoomadiisa
Muslimiinta ah goor ay xaaladdoodu cakirneed oo meel xun mareysay, oo
hareerahoodii oo idil ay cadaw u noqdeen. Waxayna ahayd guushii ugu
horeysay ee uu Abuu Bakar ka helo cadawgiisii, gaar ahaanna dadkii
riddoobay. Arrimahaan oo dhamina waxay ku tusin heerkii uu joogay
iimaankii Abuu Bakar oo horey ayuu u yiri:- Waxaan kula dagaallami
amarka Alle jeer uu Alle inooga oofiyo ballantiisii, oo la dilo
midkayagii la dili lahaa oo uuna dhinta isagoo shahiid ah kana mid ah
ahlu Jannada, oo uuna haro kaayagii hari lahaa isagoo guul iyo liibaan
helay.
Habeenkaa iyada ahi ee uu Abuu Bakar guusha la soo hoyday oo zakooyinkii
qaar kamid ahna yimideen, waxay ahayd goor laga jooga geeridii Rasuulka
SCW lixdan casho. Kadibna waxaa yimid ciidankii Usaama bin Zayd oo
iyaguna Ruumaankii kasoo guuleysay. Abuu Bakar waxuu amray inay ku
haraan magaallada oo ay nastaan maadama ay muddo maqnaayeen oo masaafo
fogna ka yimideen. Wuxuuna markaasi kaxaystay ciidamadiisii kala soo
dagaallamay Dulqasaa iyo Dulxisaa oo uu ku rogaal celiyey Dulqasaa si uu
dhoolo tus ugu sameeyo goobtaas iyo nawaaxigeeda oo looga haybeysto,
tanina waxay ahayd farsamo uu horey u baray saaxiibkiisii Nebi Muxammed
SCW. Waxaa lagu yiri Abuu Bakar:- Oo maad dirto qof kale baddalkaaga?
Wuuse ka diiday oo waxuu aaday dhankii Dul qasaa iyo Dul Xasaa iyadoo
Nucmaan, Suweyd iyo C/llaahi ilma Muqarrinna ay sidoodii hore labada
dhinac iyo gaadada dambe ee ciidanka masuul uga kala yahiin. Wuu socday
Abuu Bakar jeer uu dul degay Ahlu Rabdah goobta Al Abraq, waxaana halkaa
ku sugnaa koox kamid ah banii Cabas iyo Dubyaan iyo xayn kamid ah banii
Kinaanah. Waxaa dhex maray dagaal, kaasoo uu Alle ku jabiyey Xaarith iyo
Cowf, waxaana lasoo qabtay Al Xadhiinah oo shaacir caan ahaa qafaal
ahaan, markaa bayna Banii Cabs iyo Bakar kala firxadeen, Abuu Bakarna
goobtaa waxuu ku sugnaa muddo oo dabeetana magaaladiisii kusoo laabtay
kadib markuu Cabas iyo Dubyaan ka faaruqay, isagoo bad qabo soona
qaniimeystay ayuuna yimid mar kale.
Abuu Bakar Oo Mar Kale Joogo Dilqassaa & Dhisiddii
11-Ka Ciidan
Markaa iyada ahi waxay ahayd goor uu yimid ciidankii Usaama, Abuu
Bakarna uu soo edbiyey dadkii riddoobay ee hareeraha magaallada deganaa.
Markaa buuna damcay inuu ciidamadii Muslimiinta isku dhafo oo ciidan
culus diyaarsada, kuwaasoo uu isagu laf ahaantiisu hoggaanka uqabto,
waxayna ahayd goor ay nasteen oo ay degeen ciidankii Usaama ee masaafada
fog ka yimid. Abuu Bakar markaa ayuu seeftiisa galka kala baxay oo isku
diyaariyey la dagaalanka dadkii diinta ka riddoobay, oo waxuuna
kaxaystay ciidankii Madiina guud ahaan oo wax yarna uga tegay magaalada
si ay u difaacaan, waxuuna abbaaray dhankii Dulqasaa oo ah meel Madiina
udhaw loogana socda qayaastii dhowr iyo soddon km. Markii uu Abuu Bakar
magaallada ka baxayey ayuu Cali ku dhegay hoggaankii daabbadii Abuu
Bakar Siddiiq oo ka dalbday inuusan isagu bixin oo uu booskiisa ciidanka
masuul uga dhigo nin geesi ah oo halyeeyada Muslimiinta kamid ah, oo
haddii kaa la dilana uu markaa mid kale magacaabi karo, laakiinse ayuu
yiri Cali:- Haddii lagu dilo Khaliifkii Rasuulkoow!! SCW dowladdu nidaam
yeelanmeyso oo kala dambeyntii baa meesha ka baxayso oo Muslimiintuna
niyad jab weyn baa ku imanayo. Sidaa si lamid ahna qaar saxaabada kamid
ah baa Abuu Bakar kula taliyeen. Kadib buuna Abuu Bakar ku qancay
fikraddaa quman ee uu Cali usoo jeediyey iyo weliba qaar kamid saxaabada
ay usoo jeediyeen. waxuuna dhisay kow iyo toban ciidan oo ciidan waliba
uu u xiray calan uuna uyeelay amiir, waxayna ahaayeen 11-kaasi ciidan
sida tan:
1. Waxuu diray Khaalid bin Waliid oo uu u diray dhanka Dhuleyxah bin
Khuweylid.
2. Waxuu misna diray Cikrimah bin Abuu Jahal oo uu udiray dhanka
Museylama bin Xabiib (Museylamah Al Kaddaab) oo isagu ku sugnaa Yamaama.
3. Waxuu kaloo diray Shuraaxbiil bin C/llaahi (Ibnu Xasanah) oo uu ku
diray raadkii Cikrimah iyo dhankii banii Xaniifah iyo weliba qaar kamid
ah Qudaacah.
4. Muhaajir bin Abuu Umayah-na waxaa uu u diray dhanka Yemen iyo Aswad
Al Canasi iyo weliba si uu ugu gargaaro qolooyinka Al Abnaa- *
layiraahdo.
*Al abnaa-gu waa dadkii yimid Yemen waqtigii Seyf bin Diiyazin Al
Ximyari uu madaxa ka ahaa Yemen oo idil, waqtigaasoo uu dagaallo kula
jiray xabashidii dhulkooda soo weerari jirtay, markaa buuna Seyf bin Dii
Yazin u tegay boqorkii Ruum si uu uga gargaaro oo uga hiilliyo
Xabashidan nafta u keentay. Hase ahaatee boqorkii Ruum waa uu ka diiday
arrintaasi sabab darteed ay isku diin ahaayeen isaga iyo Xabashida oo
Nasaaro bay isla ahaayeen. Markaa buu Seyf bin Dii Yazin u tegay
boqorkii Kisraa ee waqtigaa Furus xukumi jiray oo weydiistay gargaar iyo
inuu ciidan ku caawiya. Markaa buu kusoo daray koox Faarisiin ah oo
Xabashidii ka saartay dhulkii Yemen, dabeetana way degeen oo Carabtii
bay ka guursadeen, markaa bay hanaankii Carabta yeesheen oo luuqaddiina
si wacan u barteen, kadib carruurtii ay ka dhaleen Carabta ayaa loo
yaqiinnay Al Abnaa oo waxay ahayeen dad iyagu kusugnaaday Islaamka.
Waxayna degnaayeen Yeman. Aswad Al Canasi ayaana dhibaatooyin ku hayey.
5. Khaalid bin Saciid bin Al Caas Al Umawina waxuu u diray bariga Shaam.
6. Camr bin Al Caas bin Waa'il As Sahmina waxuu u diray qeyb kamid ah
Qudaacah iyo Wadiicah iyo Xaarith.
7. Xudeyfah bin Muxsin waxuu udiray Ahlu Dubaa.
8. Dharfah bin Xaajib-na waxuu u diray dhanka banii Saliim iyo intii soo
raacdo oo kamid ah Hawaasim.
9. Suweyd bin Muqarrin Al Muzani waxuu u diray Tihaama oo kamid ah
Yemen.
10. Curfajah bin Harthama Al Baaruqiyu waxuu u diray dhanka reer Mahrah.
11. Calaa bin C/llaahi bin Dammaad Al Xadrami-na waxuu u diray dhanka
Baxreen.
Kadibna Abuu Bakar waxuu ciidan waliba amiirkooda u dhiibay warqad si uu
ugu dul akhriyo jamac kasto oo uu sii marabo oo uuna xagga Alle ugu
yeero. Waana tan nas kamid ah warqaddii uu Abuu Bakar u qoray dadkaas:
Ku billaabid magaca Allaah Naxariis guud iyo mid gaarba Naxariista
Ka:- Abuu Bakar Siddiiq- Khaliifkii Rasuulka Alle SCW.
Ku:- cid kastoo ay gaarto warqadeydan guud ahaan gaar ahaan kuwii ku
sugnaaday Islaamka ama ka laabtay.
Nabadi ha ahaato dusheeda ciddii raacda hanuunka oo aanan u noqon
hanuunka kadib baadi iyo hawo.
Oo waxaan ku mahadin Allaaha uusan jirin Alle kale isago mooyaan.
Waxaana qiri inuusan jirin mid xaq lagu caabbudo oo aanaan isaga ka
ahayn, xaal uu yahay kali oo uusanna jirin wax cibaadada lala wadaajin
karo. Oo Muxammedna SCW uu yahay addoonkiisii iyo Rasuulkiisii SCW.
Waxaanu ku raalli noqoneynaa waxuu la yimid, oo aanna ku kufrineynaa
waxii uu diiday oo waanuna la jihaadeynaa.
Intaa kadib.
Allaah baa Muxammed SCW kala soo diray agtiisa xaq, oo una soo diray
dhanka khalqigiisa si uu dadka ugu bishaareeyo (inta rumeyso) uguna digo
(inta ku kufrida). Oo waxuu kaloo (Alle) usoo diray (Muxammed) inuu
dadka ugu yeero xagga Alle iyo jidka iftiinka badan (ee xaqa ah iyo
Islaamka), si uu ugu digo inta nool qowlkuna (yacni cigaaqbta Alle iyo
cadaabta) uu ugu waajibo gaalada dushooda. Oo uuna Alle xaqa ku
hanuuniyo cidda ajiibto, oo wuuna la dagaallamay Rasuulkii Alle SCW cid
kastoo ka jeesatay xaqa jeer uu Islaamkii noqday mid ay tadawac kusoo
galaan ama qasab. intaa dabadeedna Alle baa oofsaday Rasuulkiisii SCW,
isagoo kasoo baxay xilkii Alle, gutayna wixii dushiisa ahaa. Taas iyada
ahina (yacni geerida Muxammed SCW) Alle wuu u caddeyay oo sidoo kalena
wuu u caddeeyay dadka Islaamka ah, waxuuna ugu caddeeyay kitaabkiisa
Quraanka ah oo waxuu yiri:- Adigu waad dhiman doontaa (Muxammadoow SCW
!) iyaguna way dhiman doonaan. ( Suuratu Zumar aayadda 30aa).
Wuxuu kaloo yiri:- Ma aanan yeelin bashar (yacni Aadami) adiga kaa
horeeyay inuu waaro, ee ma marka aad adigu dhimato bay iyagu waari
doonaan? ( Suuratu Ambiyaa aayadda 34aad).
Oo misna waxuu Mu'miniintii ku yiri:- Muxammed (SCW) ma uusan ahaan
waxaan Rasuul ka ahayn, ay tegeen hortii Rusullo, ee ma marka uu dhinta
ama la dilo baad u noqoneysaan ciribyadiini (gaallimadii hore) ? Kiinii
kastoo dib ugu laabto ciribtiisii hore, Alle wax uu yeeli karaa ma
jirto, oo Illaahayna wuu abaal marin doonaa kuwa ku shukriya.
(Aali-Cimraan aayadda 144). Haddaba qofkii ay ka ahayd inuu caabbudo
Muxammed, haddaba Muxammed SCW dhimay, qofkiise ay ka ahayd inuu
caabbudo Allaah, Alle waa uu noolyahay oo dhiman mahayo, mana qabtaan
lumo iyo hurdo toona, waana ilaaliyaa amarkiisa, kana cad goostaa
cadawgiisa.
Haddaba anigu waxaan idiin dardaarmi cabsida Allaah iyo inaad ka
qaadataan saamigiinnii iyo nasiibkii aad ku lahaydeen, iyo waxii uu idin
la yimid Nebigiina SCW, iyo inaad weliba ku hanuun dalabtaan
hanuunkiisii, oo waxaanna idiin dardaarmi inaad qabsataan oo aad u
hoggaansantaan diinta Allaah SW, cidkastoona uu Alle hanuunin waa mid
baadiyeysan, ruuxkastoona uu Alle u gargaarin waa mid dulleeysan, qof
kastoona Alle sokodii ka raadiyo hanuun waa mid baadiyeysan, oo waxuu
yiri Alle Sarreeye:- Oo Ruuxuu Alle hanuuniyo ayunbaa ah kan hanuunsan,
cidduuse Alle lumiyo (yacni baadiyeeyo) u heli meysid qof u gargaaro oo
hanuuniyo. (Suuratu Kahfi aayadda 17aad).
Waxaa isoo gaaray ka noqoshiinnii diinta ee qaar idinka mid ahi ay ka
noqdeen, kadib markii aad islaannimada ku qanacdeen oo aadna ku
kadsoonteen Rabbiggiin Allaah iyo idinkoo jaahil ka ahna aad fasheen
falkaa ( ka noqoshada diinta Islaamka ) oo aadna ajiibteen Sheydaan.
(Waxuuna qoray aayadda 50aad ee Suuratu Kahfi, oo misna qoray aayadda
6aad ee Suuratu Faadir).
Waxaan xaggiinnii usoo diray ciidan ka kooban Muhaajiriin iyo Ansaar iyo
intii wanaagga ku raacday, waxaanna amray inaysan cidina ka aqbalin
waxaan ka ahayn rumeynta Allaah, oo ayna qofna dilin jeer ay marka hore
ugu yeeraan xagga Allaah Sharaf badne oo weyne. Haddii ay ajiibaan oo ay
ku raalli noqdaan, oo ayna la yimaadaan camallo suuban waa uu ka
guddoomi oo yacni ka yeeli oo wuuna ugu gargaari. Haddaysa diidaan wuu
la dagaallami illaa uu ka fulo amarka Allaah. Cid kastoo uu awood
uyeeshana inuu qabta ka fakan maayo, oo waxuu ku gubi dabka, oo layn
yacni dili, oo waxuuna ka kaxaysan dumarka iyo hantidooda (carruurtooda
iyo maalkuba), kana yeeli mahayo qofka waxaan ka ahayn Islaamka.
Haddaba ciddii raacda, sidaa baa u wacan oo u kheyr badan, ciddiise
iskaga tegto (oonan yeelin) Allaah caajis gelin mayso. Waxaan soo amray
farriis sidahayga inuu ku dul akhriyo warqaddeydan jamac kastoo idinka
mid ah.
Intaa waxay ahayd nas kamid ah warqaddii Abuu Bakar uu u diray dadkii
diinta ka riddoobay , oo uu ku waaniyey xagga Allana ugu yeeray. Waxuuna
warqaddaasi u dhiibay amiir kastoo kamid ah 11-kaas ciidan ee u baxayey
la dagaallanka acdaada Allaah ee diinta ka riddoowday.
Abuu Bakar Siddiiq markuu ciidan diri waxuu amri jiray inaysan qayaano
samayn oo aysan wax kala qarsan yacni markay qaniimooyinka helaan, oo
aysanna ballanku jebin, aysanna doorin qofka markay dilaan kadib, oo
aysanna dilin ilmaha yar yari, oo aanna la dilin oday waayeel ah
hadduusan dagaallameyn, oo aanna geedda timirtana la jarin yacni geedaha
iyo dhirtana yaan la jarin, oona la gubin, oo xoolahuna (macno darro) la
gowracina mid ay u baahdaan inay quutaan mooyaan, oo ay udhawaanina
yacni dilin kuwa qalwadahooda iyo kaanisadahooda Alle ku caabbudi.
Ciidamadii Khaalid oo Dhaqaaqay & Abuu Bakar oo
Sagootinaya
Seydkii sanaadiidda, hoggaamiyihii geesiyaasha halyeeygii weynaa ee
kamidka ahaa sanaadiiddii Muslimiinta Abuu Suleymaan Khaalid bin Al
Waliid isaga iyo ciidankiisu markii ay dhaqaaqayeen oo uu Abuu Bakarna
sogootinayey ayuu Abuu Bakar yiri:- Waxaan maqlay Rasuulkii Alle SCW oo
leh:- Addoon iyo walaal tolnimo waxaa ugu wanaag badan Khaalid bin Al
Waliid seef kamid ah seefaha Illaah ee uu ku salladay gaalada iyo
Munaafiqiinta. Haddaba markii uu Abuu Bakar u dhiibay calankii Khaalid
ayuu amray inuu ku baxa marka hore dhanka Khaybar si ay reer miyiga ugu
maleeyaan inuu jiha kala usocda. Tanna waxay ahayd xeelad uu Abuu Bakar
horey uga bartay saaxiibkiis Nebi Muxammed SCW. Intaa kadibna waxuu
amray inuu marka hore aado dhanka banii Asad iyo Dhuleyxa bin Khuweylid,
kadibna uu usii gudbo banii Tamiim. Dhuleyxah bin Khuweylidna waxuu ahaa
markaa ugaaskii banii Asad, waxaa kaloona soo raacay banii Qadfaan oo ku
biiray Dhuleyxah, waxaa kaloona kuso biiray banii Cabas iyo Dubyaan,
banii Bujeylana waxay usoo direen ciidan si ay u caawiyaan Dhuleyxah,
sidaa si lamid ahna banii Ghowth iyo banii Dhayi baa iyaguna u diray
gurmad dhankii Dhuleyxa, markaasuu helay ciidan culus.
Markaa ka hor intuusan Abuu Bakar dirin Khaalid ayuu banii Dhayi u diray
Cadiyi bin Xaatim Ad Dhaa'yi si uu tolkiisa ugu tego oo ka hor istaago
inaysan Dhuleyxah haleelin oo markaa uusan ku dhicin jab in la halligo
oo Muslimiintu laayaan. Markaa buuna Caddiyi u tegay tolkiisii oo amray
in la baayacoodaan Abuu Bakar Siddiiq, iyagiina waa ay ka diideen oo ay
yiraahdeen:- Lama baayactameyno Abul Fadal. Oo ay ula jeedaan Abuu
Bakar. Markaasuu Caddiyi ku yiri:- Illaah baan ku dhaartaye waxuu idinla
iman doonaa ciidan aanan ka suuleyn inay idinla dagaallamaan jeer aad ka
ogaataan inuu isagu (Abuu Bakar) yahay Abul Fixil Al Akbar yacni
dabqaadka ugu weyn. Sidaa buu Caddiyi ugu yeeri jiray xagga Alle iyo
inay la baayactamaan Khaliifkii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Siddiiq jeer
uu markii dambe soo dul dagay Khaalid bin Waliid oo ciidamadiisii hore
ay ahaayeen halyeeyadii Ansaarta uuna hoggaaminayey Thaabit bin Qeys bin
Shammaas Al Ansaari- afhayeenkii Rasuulka Alle SCW. Horey waxuu Khaalid
u diray dhanka Dhuleyxah labo saxaabi oo kala ahaa Thaabit bin Aqram iyo
Cukaasha bin Muxsin si bal ay Dhuleyxah ugu yeeraan xagga Allaah, iyagoo
farriin sidayaal ah bayna u tegeen. Markiina ay u tegeen baa la dilay
labadii saxaabi oo waxaa dilay Dhuleyxa iyo walaalkiis Salama bin
Khuweylid.
Dagaalkii Buzaakhah
Markii ay ciidamadii Khaalid bin Waliid soo gaareen goobtii lagu dilay
labadii saxaabi ee ergada ahaa oo waliba meydkoodii la warey ayay
Muslimiintii arrintaa aad uga murugoodeen oo quluubtoodii baddashay.
Markaa buu Khaalid u weecday dhankii banii Dhayi. Dabeetana waxaa kusoo
baxay Caddiyi bin Xaatim oo horey Abuu Bakar ugu diray tolkiisa si uu
uga hor istaago inay ku biiraan ciidanka Dhuleyxah, waxuuna Caddiyi
yiri:- Khaalidoow!! ii kaadi illaa inta ay ugu cid dirsanayaan kuwoodii
ka deg degay ee ku biiray Dhuleyxah si ay uga soo ceshtaan. Oo iyagu
waxay ka yaabayaan haddii ay adiga ku raacaan (kuwan) inuu Dhuleyxa
laayo kuwa la jooga ee u tegay, haddaba sidaa baan ka jeclahay inay ku
deg degaan caddaabte. Markaa buu Khaalidna ka yeelay, oo markii ay
muddadii saddexda casho dhammatayna baa waxuu Caddiyi la yimid 500
dagaalyahan ah oo tolkiisa kamid ah, kuwaasoo ah kuwii xaqa usoo
laabtay, waxayna kusoo biireen ciidankii Khaalid bin Waliid.
Kadib Khaalid waxuu u weecday dhankii banii Judeylah, markaasuu Caddiyi
yiri:- Khaalidoow! ii qabo maalmo, si aan ugu tego, waxay udhawdahay
inuu Alle ka nabad geliyo naarta siduu banii Dhayi horey uga nabad
geliyaye. Markaa buu Khaalidna ka yeelay. Markaasuu Caddiyina u tegay
banii Judeyla oo xagga Alle ugu yeeray, jeer ay markii dambe soo
raaceen, waxuuna ula yimid Khaalid isagoo ay la socdaan 1000 rakuubley
ah oo kamid ah kuwii xaqa usoo laabtay oo Muslimay, sidii banii Dhayi oo
kale bayna ku biireen ciidankii Khaalid. Sidaa darteed waxaa la
yiraahdaa Caddiyi waxuu ahaa ninka ugu kheyr badnaa tolkiisa uguna
baraka badnaa Illaahay haka raalli noqdee.
Dabeeto Khaalid wuu dhaqaaqay oo waxuu dhex degay buuraha Ajaa iyo
Salmaa (Jibaal banii Dhayi) halkaasoo uu ciidankiisii ku dhisay.Kadibna
waxay ku kulmeen isaga iyo Dhuleyxa goob la yiraahdo Buzaakha, qaar
badan oo Carabta kamid ahna dib bay uga hakadeen oo waxay is
yiraahdeen:- Bal isku eega labadan kooxood si aad u ogaadaan cidda
adkaato oo guusha yeelato. Dhuleyxah markaa waxuu la yimid qoomkiisii
iyo intii soo raacday oo kuwii xaqa ka indhaha la'aa kamid ah. Waxaana
la socoday Cuyeynah bin Xisin oo 700 tolkiisa banii Fazaarah
hoggaaminayey. Dhuleyxana waxuu maalintaa u xilsaaray ciidankiisa
Cuyeynah si uu u dagaal geliyo, isaguna waxuu lahaa waxyi baa igu soo
degi oo intuu go' huwday buu meel fadhiistay. Saa mar waliba waxaa u
imanayey Cuyeynah oo ku oranayey :- Ma kuu yimid Jabriil? Asaguna waxuu
lahaa:- May. Markaa buu Cuyeynana ku noqonayey ciidanka oo uu dagaalka
meeshiisii kasii waday. Sidaa buuna ugu soo noqnoqonayey jeer uu markii
dambe Dhuleyxah yiri:- Haah! wuu ii yimid Jibriil. Markaa buu Cuyeynana
su'aalay:- Oo maxuu ku yiri? Markaasuu Dhuleyxah tilmaamay inuu Jibriil
u waxyooday inay jiri jireen qoomam hore, oo waxuuna yiri:- Waxuu igu
yiri Jibriil:- Waxaa kuu ahaan doonto dhacdo aadan illaawi doonin.
Markaa buu Cuyeyna yiri:- Waxaan fili inuu Alle ogaaday inay kuu ahaan
doonto dhacdo aadan illaawi doonin. Dabteena intuu ciidankii u jeestay
buu cod dheer ku qayliyey isagoo la hadlayo tolkiisa banii Fazaarah, oo
waxuuna yiri:- Banii Fazaarooy!! inaga kaxeeyo. Markaa bay jabeen
ciidankiina jabay oo Dhuleyxana inta faras u diyaar ahaa uu korey buu
haweeneydiisii Nawaar-na uu awr diyaar u ahaa saartay buu dhankii Shaam
u cararay. Ciidamadiisii way kala firxadeen, in badan oo kamid ahna
waala laayey, qaar kalena waala qab qabtay. Markii ay dhaceen wixii
dhacay oo helay Dhuleyxah iyo banii Fazaarah bay yiraahdeen banii Caamir
iyo banii Saliim iyo Hawzaan:- Waxaanu geleynaa wixii (Islaamkii) aanu
horey uga baxnay, oo aan rumeyneynaa Allaah iyo Rasuulkiisa SCW oo
waxaanna isku dhiibeynaa xukunkiisa (Allaah) maalkayaga iyo naftayaduba.
Dhuleyxah isagu waxuu ku degay banii Kalbi oo uu ku sugnaa deegaankooda
illaa uu markii dambe xaqii usoo laabtay oo uu Makka cumro u tegay
nolashii Abuu Bakar Siddiiq, kadibna waxuu ku biiray ciidankii Khaalid
bin Waliid, oo wuu ka xishooday inuu Khaliifkii Rasuulka SCW hortiisa
tego. Dhanka kale Abuu Bakar Siddiiq baa waxuu soo amray Khaalid inuu
Dhuleyxah kala tashada arrimaha dagaalka hase ahaatee uusan masuuliyad u
dhiiban. Tanina waxay ahayd mid kamid ah xikmaddii Abuu Bakar Siddiiq.
Intaa kadibna Dhuleyxah waxuu ka qeyb qaatay dhul furashooyinkii dambe,
oo uu raad weyn ku lahaa, sida Qaadisiyah iyo Nahaawunda, kaasoo uu ku
shahiiday.
Ammaa Cuyeynah bin Xisin isagu waa lasoo qabtay qafaal ahaan waxaana la
geeyay magaaladii Madiina oo Abuu Bakar baa loo geeyay isagoo labadiisa
gacmood qoorta loogu xiray. Markiina magaaladii la geeyay isagoo sidaa u
xiran, bay carruurtii Madiina guda galeen inay faraha ku dur duraan oo
ay yiraahdaan:- Cadawgii Alloow! ma waxaad ka laabateen diintii
islaamka? Markaa buu isagiina kujawaabayey :- Illaah baan ku dhaartaye
horeyba maanan u rumeyn. Intaa kadib waxuu usoo laabtay Islaamka, Abuu
Bakarna wuu ku manna sheegtay oo iska cafiyey. Sidaa si lamid ahna waxuu
kumanna sheegtay Qurrah bin Hubeyrah oo ah mid kamid ah madaxdii
ciidankii Dhuleyxah oo Cuyeynah horey loola soo qafaashay.
Khaalid bin Al Waliid baa qaar kamid ah asxaabtii Dhuleyxah weydiiyey
wixii uu ku oran jiray waala ii waxyooday, markaa bay ka dalbadeen inuu
saamaxo oo iska cafiyo hadday usheegaan yacnii oo uusan ku caroon,
markaa buu ka yeelay oo ay iyana u sheegeen beentii iyo khuraafaadkii uu
akhrin jiray, waxaa kalooyna u sheegeen bishaarooyin uu Dhuleyxa oran
jiray:- Waxay boqortooyadeennu gaari doontaa Ciraaq iyo Shaam.
Kadib waxaa yimid wafdigii Qadfaan iyo Banii Asad oo ka dalbay Abuu
Bakar cafis iyo iyagoo caddeyn inay xaqii usoo laabteen.
Dhacdo Kale
Dabeeto, intii carartay oo kamidka ahaa ciidankii Dhuleyxah baa inta is
aruursaday waxay madax kadhigteen haweeney la oran jiray Ummu Zimmal
Salmaa bint Maalik bin Xudeyfah. Waxay haweeneydaan ahayd mid kamid ah
dumarkii Seydaaddii Carabta sidii hooyadeed Ummu Qirfah oo kale.
Hooyadeed waxaa loosoo qaadan jiray tusaale sharafteedii darteed,
taasooy ugu wacneyd wiilasheedii oo badnaa darteed. (Waxay wiilasheedu
kala ahaayeen : Qirfah, Xakam, Jurraash, Zimmal, Xuseyn, Shariik,
Cabdu, Zufar, Mucaawiyah, Xamal, Qeys iyo Lu'ayi) waxaana lagu sharfi
jiray cisadii ay tolkeeda ku dhex laheed. Gabadhan Ummu Zimal waxay
markaasi fuushay awr ay laheed hooyadeed oo Carabtu dhexdeeda ay is oran
jireen:- Qofkii awrkeeda taabto waxuu heli doonaa 100 geel ah. Waa
heerkii ay gaarsiisaneed darteed sharaftii ay Carab dhexdeeda ku lahayd.
Waxay haweeneydan dadkii amartay oo ay ku boorisay la dagaalanka Khaalid
bin Waliid, markaa baa waxaa kusoo biiray qolooyin ay kamid ahaayeen
banii Saliim, Hawzaan iyo kuwa kale. Waxayna noqdeen ciidankeedii ciidan
culus. Hase ahaatee Khaalid baa markuu maqlay si deg deg ah uga hortegay
oo awrkeedii boqna gooyay, iyadiina dilay khalqi badanna ka laayey,
kadibna guushii iyo khumuskii qaniimada (shan meeloodoo meel, 1/5) ayuu
dhankii Abuu Bakar u diray.
Qisadii Al Fujaa'ah
Al Fujaa'ah magaciisa saxda ah waxaa la oran jiray Anas ama Iyaas bin
Cabdillaahi bin Cabdiyaaliil bin Cumeyrah bin Khafaaf oo waxuu ka
dhashay qolooyinka banii Saliim. Abuu Bakar Siddiiq baa ku gubay goobta
Baqiic ee magaalada Madiina. Sababtuna waxay ahayd, ninkan intuu u yimid
Siddiiq buu usheegay inuu Islaamay, waxuuna ka dalbaday in ciidan lagu
daro, si uu ula dagaallamo dadkii riddoobay, markaa buu Abuu Bakarna ku
daray ciidan. Markii uu ciidankii la dhaqaaqay buu cid waliba oo uu sii
maraaba diley oo uma kala soocin ma Muslim baa mise gaal? Hantidoodana
wuu ka dhacay , dhulkii buuna fasahaadiyey. Markii uu Siddiiq maqlay
arrintaa ayuu amray in lasoo qabta ninkaas. Markii la keenayna waxuu
amray in la geeyo goobta Baqiic oo la gubo, abaal marinta wixii uu falay
darteed. Sidii baana la yeelay.
Qisadii Sujaax & Banii Tamiim
Banii Tamiim iyagu waxay isku khilaafeen amarradoodii markii ay dadkii
riddoobeen, waxaana ay kala noqdeen, kuwa riddoobay oo diintii ka baxay,
kuwa xaqii ku sugnaaday oo zakadii soo dhiibay iyo kuwa iyagu ka
gaabsaday oo goostay marka hore inay ogaadaan halka uu xaalku ku dhibci
doona. Iyagoo xaaladdaa ku sugan ayaa waxaa u timid haweeney la oran
jiray Sujaax bint Al Xaarith bin Suweyd bin Caqfaan At Taqlabiyah. Waxay
haweeneydaani ka timid dhanka jaziiradda oo waxayna ahayd mid kamid ah
Carabtii Nasaarada ee jasiiradda.
Waxay Shujaax sheegatay Nebinnimo, waxaana la socday ciidan culus oo
tolkeeda kamid ah iyo kuwii dhexda kasoo raacay, waxayna goosteen oo
qorshahoodu ahaa inay ku duulaan Siddiiq iyo caasumaddii Islaamka ee
Madiina. Markanna waxay ahayd xilli ay badatay sheegashada Nebinnimada.
Markiina ay Sujaax iyo ciidamadeedii soo gaarteen deegaankii banii
Tamiim ayay arrinteedii usoo bandhigay inay ajiibaan dadkii halkaa
deganaa (Banii Tamiim) oo rumeeyaan oo ay raacaan, markaa baa waxaa
raacay qaar kamid ah saadaaddii banii Tamiim, kuwaasoo ay kamid ahaayeen
Maalik bin Nuweyrah iyo Cudhaarid bin Xaajib iyo kuwa kale, kuwa kaloo
badanna way diideen. Kadib waxaa la go'aansaday in lawada dagaal galo.
Hase ahaate dood iyo su'aal waxay ka istaagtay halkii howl laga billaabi
lahaa, waxay markaa Sujaax soo jeedisay in lagu duulo Yamaama oo ay
markaana Museylama dhankiisiina u qasadday.
Dadkeedii baa markaa ku yiri:- Ninkan (Museylama) arrinkiisu waa mid
weyn oo aan la loodin karin. Hase ahaatee Sujaax waxay tilmaantay in
Yamaama lagu duullo dagaal adagba ha noqotee, kadibna waxay tiri:- Wax
dhib ah ma arkeysaan Yamaama kadib.
Kadib waxay u guureen dhankii Museylamah si ay ula dagaallamaan, oo
markii uu Museylamana maqlay haweeneydaan iyo ciidankeeda kusoo fool leh
buu aad uga naxay in dhulka Yamaama uu farahiisu ka baxo, sababtuna
waxay ahayd dhanka kale ayaa waxaa dagaal kula jiray Thumaama bin Uthaal
oo qaar kamid ah banii Xaniifa iyo ciidama kaloo Muslimiin ahna watey,
dhanka kalena waxaa kor dagnaa Cikrimah bin Abuu Jahal oo horey
dhankiisa loo diray oo Thumaama caawinayey iyo Shuraxbiil oo isaguna
laga daba diray oo daba joogay Cikramah, hase ahaatee wax dagaal weyn ah
ma uusan dhex marin weli ciidamadii Cikrimah iyo Museylamah, marka laga
reebo inuu Cikramah deg degay dabeetana dib loosoo celiyey. Markaasina
waxay sugayeen in uu soo gaaro ciidankii Khaalid ee Dhuleyxah iyo
ciidamadiisii Buzaakha ku soo cunay.
Waayo ninkan Museylama waxuu ahaa nin ciidan badan haystay oo waxuu ahaa
kii ugu sharta badnaa, waxaana lasheegaa in cadadka ciidankiisu uu
dhamaa 40 000 (afartan kun) oo dagaalyahanno ah.
Isagoo Museylama arrimahaa la fajacsan siduu ku maareyn lahaa oo uu ku
wajihi lahaa bay xaaladdii ku noqotay kadaroo dibi dhal. Waa tanna ay
Sujaax oo hoggaamineyso qaar kamid ah tolkeeda banii Taqlab iyo intii
soo raacda oo ay ku jiraan qaar kamid ah banii Tamiim ay soo dul degeen
dooxada Yamaama, si ay Museylama faraha isu saaraan.
Kadib Museylamah waxuu u cid diray Sujaax si uu u la heshiiyo.
dabeetana isagii baa aaday si uu ula soo naqaasho waxuuna kaxaystay 40
tolkiisa kamid ah. Markii uu u tegay oo ay labadoodii isku soo hareen
buuna u bandhigay wax soo saarka dhulkiisa inuu bar kamid ah siin doona,
kaasoo sida uu sheegay uu horey usiin jiray Qureesh (waxuu ula jeeda
zakadii ay iska aruurin jireen waqtigii Islaamka) waxuuna ka dalbaday
inay ka laabato, iyadiina waa ay ka aqbashay.
Kadib waxuu weydiiyey :- Maxaa laguu waxyooday?
Waxay tiri:- Ma tahay inay dumarku hor billaabaan, bal'ee horta adigu
maxaa laguu waxyooday?
Kadib waxuu akhriyey khuraafaadkiisii oo ay iyadiina ku tiri:- Waxaan
markhaati ka ahay in aad adigu Nebi tahay.
Kadib waxuu ku yiri:- Ma dooneysaa inaan ku guursado, oo qoomkeyga iyo
qoomkaadu ay Carab oo idil cunaan (yacni ka adkaadaan)?
Waxay tiri:- Haah!.
Kadibna waxay la joogtay muddo 3 casho ah, waxayna ku laabatay
qoomkeedii iyo deegaankeedii ay ka timid. Kadib markay usheegtay in la
guursaday ayay ku yiraahdeen:- Oo maxaa meher ahaan laguu siiyey ?
Saa waxay tiri:- La ima siin wax meher ah
Waxay ku yiraahdeen:- Waa arrin ku fool xun mid adiga kula mid ah in
lagu guursado meher la'aan. Kadib bay Museylama u soo cid dirtay si ay u
weydiiso wixii uu meher ahaan ugu tala galay.
Markaasuu Museylamana ku yiri:- Waxaad ii soo dirtaa mu'addinkaada. Saa
waxay u dirtay mu'addinkeedii oo la oran jiray Shabbath bin Ribciy.
Markii uu Shabbath u tegay ayuu Museylama yiri:- Waxaad ka dhex naadisaa
qowmkaada Museylamah bin Xabiib Rasuulkii Alle inuu ka cafiyey dushooda
labo salaadood oo kamid ah kuwii uu Muxammed (SCW) ula yimid. Waxuuna
ula jeedaa labada salaadood ee kala ah Fajarka iyo Cishaaha dambe.
Waxuuna yiri:- Waa kuwan (labada salaadood) ayaa meherkeeda. Lacnaddii
Alle dushiisa ha ahaato'e.
Labadan salaadood xaqiiqdii waa labada salaadood ee ugu adkaanta badan
Munaafiqiinta oo maba tukadaan, sida kusugan xadiis Nebiga SCW laga soo
weriyey.
Sujaax waxay kulaabatay tolkeedii, markaana waxay ahayd markii ay
maqashay soo galootiga Seeftii Alle- Khaalid bin Waliid uu soo galay
qaybo kamid ah dhulkii Yamaamah.
Dilkii Maalik Bin Nuweyrah Al Tamiimi
Ninka kan- Maalk bin Nuweyrah waxuu kamid ahaa madaxdii banii Tamiim
gaar ahaan jilibka uu ka dhashay ee reerYarbuuc. Jilibkaasi oo kamid
ahaa banii Tamiim ayuuna ka dhashay, wuxuuna ahaa Zaciim banii Tamiim
(duqii reer banii Tamiiim). Waa ninkii horey u rumeeyay Sujaax bint
Xaarith soona raacay, isagoo tolkiisii banii Yarbuucna amray inay
raacaan una gar gaaraan haweeneydan Nebinnimada sheegatay. Haddaba
markay Sujaax maqashay soo galootiga Khaalid oo ay dhulkeedii ku
laabatay, baa arrintaa waxay dhibtay Maalik bin Nuweyrah oo aad uga
shallaayey falkii uu sameeyay. Waxaa deegaan u ahaa goob Al Badhaax, oo
uu deganaa. Markaa buu Khaalid dhankiisii aaday. hase ahaatee Ansaartii
baa ka gaabsatay inay raacaan, waxayna yiraahdeen:- Annagu gudannay
wixii Siddiiq uu na soo amray. Khaalidse waxuu u caddeeyey inaysan jirin
warqad uga timid dhanka Khaaliifada Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Siddiiq,
arrintana ay tahay fursad qaali ah oo lagama maarmaan ah in la fuliyo,
waxuuna xasuusiyey inuu isagu yahay amiirka ciidankan oo uu arrintaa
goostay inuu Al Badhaax ku duulo, waxuuna u caddeeyay inuusan cidina ku
qasbahayn inay raacdo.
Kadib Khaalid waxuu u jiheystay dhankii Al Badhaax isaga iyo
ciidankiisii, markii uuna laba maalin socday ayaa waxaa ka daba yimid,
ergay kasocday dhankii Ansaarta oo dalbanaya in loo suga Ansaarta oo
kusoo daba jirta, si ay ugu biiraan ciidanka. Markiina ay Ansaartii
yimideen, baa la is wada raacay oo Khaalidna markuu Al Badhaax gaaray
ayuu diray wardoonno iyo sirriyaad, waxuuna amray marka hore in xaqa
loogu yeero reer Baddaax. Waxaa markaasi rumeeyay in badan oo kamid ah
banii Tamiim, kuna qaabilay maqal iyo adeecid, hase ahaatee Maalik bin
Nuweyrah isagu wuu diiday waxaan ahayn inuu falkiisa ku sugnaado
Kadib Maalik waala soo qabtay oo loo keenay Khaalid, dabeetana isaga
iyo Khaalid baa muddo wada hadlay oo hadalla qallafsan dhex mareen.
Dabeeta wuxuu Khaalid amray Diraar bin Al Azwar inuu kurka ka jaro, oo
markaa kurka u dheereeyay. Kadib Khaalid waxuu guursaday haweeneydii
Maalik bin Nuweyrah oo la oran jiray Ummu Tamiim bint Al Manhaal. Waxay
ahayd mid aad u qurux badan, markii ay daahir noqotay buuna la aqal
galay.
Abuu Qataadah Al Ansaari ayaa markaa Khaalid kala hadlay dilkii Maalik
bin Nuweyrah, dabeetana arrin baa dhex martay, markaasuu Abuu Qataadah
aaday Madiina oo Abuu Bakar arrintii uga warramay, Cumarna waxuu ku
lahaa Abuu Bakar:- Casil Khaalid waayo waa seef deg deg badane? Abuu
Bakarna waxuu lahaa:- Celin mahayo seef uu Alle ku diray Kufaarta. Abuu
Qataadah waxuu ka marag kacay inuu Maalik bin Nuweyrah xaqa usoo laabtay
oo Khaalid uu dilay isaguu Muslim ah. Kadib waxaa yimid Mutammim bin
Nuweyrah oo la dhashay Maalik bin Nuweyrah, kaasoo Abuu Bakar uga eed
sheeganayey dilkii walaalkiis Maalik uu Khaalid dilay isagoona markaa ka
marag kacay inuu walaalkii soo noqday oo uu Khaalid dilay isagoo Muslim
ah. Cumar bin Khaddaab baana ku caawinayey siduu Abuu Bakar ugu gargaari
lahaa Mutimmim oo uu Khaalid uga cad goyn lahaa. Goor ay doodi taal,
Abuu Qataada iyo Cumarna ay hal dhinac isla yahiin, oo eeddu la saaraya
Khaalid, ayuu Abuu Bakar amray inuu Khaalid yimaado magaalada Madiina.
Khaalid bin Waliid wuxuu yimid magaaladii Madiina isagoo lebbisan
cambuur bireedkiisa. Dabeeta waxuu yimid masjidkii oo markii uu albaabka
masjidka galay baa waxaa usoo istaagay Cumar bin Khadaab oo inta
cimaamaddii ka dhusaday ku yiri:- Ma waxaad dishay naf, dabeetana aad
xaaskiisa guursatay? Cumar isagoo careysan ayaa wuxuu Khaalid ugu
gooddiyey inuu rajmin doona, Khaalidna intaa ma uusan hadleyn oo wuu
aamusnaa, isagoo maleysanaya in Abuu Bakar-na uu qabo ra'yiga Cumar mid
lamid ah. Markaas baa waxaa soo galay Abuu Bakar, dabeetana Khaalid baa
u cududaartay, isagiina wuu ka aqbalay. Waxuuna markaasi Abuu Bakar
guday diyadii Maalik ibnu Nuweyrah. Dabeeta Khaalid wuu ka dhaqaqay Abuu
Bakar agtiisa asagoo dib ugu laabtay furuntiisii.
Abuu Bakar Siddiiq ma uusan casilin Khaalid oo waxuu u daayey
imaaradiisii, waayo Khaalid waa nin la yaqaan, oo halyeey loo muhdo ah,
geesi aan goroda laalaadin, kana mid ah mashaahiirtii fara kutiriska
ahayd. Mana jirin markaasi abbaanduule kaga qibrad badan arrimaha
dagaalka. Haddii uu ku qaldamay dilkii Maalik bin Nuweyrah, sidaa si
lamid ah horey ayuu ugu qaldamay banii Judeymah oo uu dad badan oo
qafaal ah ka laayey, kadib markay yiraahdeen:- Saba'naa oo la macno ah,
waxaan ka baxnay diintayadii hore oo aan galnay diin cusub. Halkii laga
rabay inay yiraahdaan:- Aslamnaa -macnaha waynu islaamnay. Ma aysan
haggaajin inay yiraahdaan:- Aslamna. Markaasuu Khaalid u maleeyay
inaysan Islaamin oo laayey qafaalkooda in badan oo kamid ahaa. Sidaa oo
ay tahay Rasuulka SCW ma uusan casilin Khaalid oo booskiisii ayuu u
daayey. Sidaa darteed buuna Abuu Bakar u daayey Khaalid xukunkiisii,
asagoo ku dayanaya Xabiibkeennii Muxammed SCW.
Dhacdadii Yamaamah & Dilkii Musaylamah
Markii uu Abuu Bakar Siddiiq ka raalli noqday Khaalid oo uuna u
cududdaaray, ayuu amray inuu ku dhaqaaqo dhanka banii Xaniifah oo iyagu
ku sugnaa goobta Yamaamah. Markaasuu Khaalid la dhaqaaqay ciidankiisii,
iyadoo ciidamada Ansaartuna uu hoggaamin Thaabit bin Qeys bin Shammaas.
Qola kastoo kamid ah dadkii riddoobayna way sii xaaqeen oo waxay is
heleen qaar kamid ah kuwii fardooleydii Sujaax oo iyaguna ay dhaxda ku
cuneen (dhaxda ayay ku laayeen oo looga adkaaday murtaddiintii).
Hortii Khaalid intaan loo dirin Museylamah, wuxuu Abuu Bakar dhanka
Yamaama u diray Cikrimah bin Abii Jahal sidaynu soo xusnayba, oo uu ka
daba diray Shuraaxbiil ibnu Xasanah, waxaase ciidamadii Cikrimah dib
usoo celiyey Museylamah, waxayna degeen goob u dhaw Yamaamah oo ay
sugayeen soo galootiga ciidanka Khaalid bin Waliid. Markiina uu yimid
Khaalid, warkaana uu gaaray Museylamah oo uu hubiyey inuu sakuuro (mid
la hubo) yahay, ayuu ciidamadiisii ku dhisay goob la yiraahdo Caqraba
oo kamid ah dhulka Yamaamah, taasoo ah baaddiyahii Yamaamana. Waxuuna
guubaabiyey ciidankiisii oo, amray inay qiiroodaan, oo maxastooda iyo
dhulkooda u dagaallamaan, oo sharafta dumarkooda dhowrtaan, waxuuna ku
yiri:- Haddii maanta la idinka adkaado, waxaa la qafaalan dumarkiinii,
oo la guursan iyagoo addooma ah, ee u dagaallama sharafta dumarkiinna.
Waxuuna labada dhinac masuul uga kala dhigay Al Maxkam bin Dhufeyl iyo
Nahaarul Rajjaal (ama Nahaarul Raxaal) bin Canfo'ah bin Nahshal.
Ninka kan ee Rajjaal bin Cunfo'ah, waxuu ahaa Museylama saaxiibkiis oo
waxuuba uga marag kacay inuu yahay Rasuul, waxuuna yiri:- Waxaan
Rasuulka SCW ka maqlay isagoo leh:- Waxaa amarka (Nebinnimada) ila
wadaaga Museylamah bin Xabiib. Lacnaddii Alle dushiisa ha ahaata Nahaar
Ar Rajaal bin Cunfo'ah.
Tani waxay ahayd fidno ka weyn tii Museylamah, oo waaba sababtii ay
dadkii reer Yamaama ku fidnoobeen badankooda. Waayo ninkan waxuu u soo
wafdiyey Rasuulka SCW, oo inta Al Baqra ka dhageystay ku noqday
tolkiisii reer Yamaamah. Kadib waxuu yimid waqtigii riddada, oo markaa
Abuu Bakar u direy qowmkiisa banii Xaniifah si uu zakada uga soo
aruuriyo. Hase ahaatee markii uu u tegay ayuu garab fadhiistay
jaallahiisii Museylamah oo weliba uga marag kacay inuu Nebi yahay, oo
uuna Rasuulka SCW ka maqlay sidaa isagoo leh:- Waxaa arrinka
(Nebinnimada) ila wadaaga Museylamah bin Xabiib.
Bisad yaroowga aabaheed (Abuu Hureyrah) baa waxuu yiri:- Maalin baa
waxaan ag joogay Nebiga SCW iyo koox Muslimiin ah, oo uu inagu jiray
Rajaal bin Cunfu'ah. Saa Rasuulka SCW baa waxuu yiri:- Waxaa idinku
jira nin uu iliggiisu naarta dhexdeeda uu ka weynyahay buurta Uxud
Waxuu yiri Abuu Hureyrah:- Dadkii dhami (xayntii meesha joogtay
maalintaa) way wada dhinteen (yacni khaatuma suubban ayay ku dhinteen,
shahiid, jihaad iwm ), aniga iyo Ar Rajaal bin Cunfo'ah mooyaan, waxaana
iskaga cabsan jiray sifadaa uu Rasuulka SCW sheegay, jeer uu markii
dambe Nahaar Ar Rajaal uu Museylama raacay, uguna marag kacay
Nebinnimo. Oo fidnadiisii ayaaba waxay noqotay mid ka weyn tii
Museylamah.
Waxaa cad dadka cilmiga lagu tuhmo, oo culimada ah, markii ay fidnoobaan
in lagu fidnooba. Sidaa darteed bayna reer Yamaama ugu fidnoobeen
Rajaal, maadama uu ahaa nin Rasuulkii Alle SCW wax kasoo dhageystay,
kana bartay Al Baqrah baa waxay u qaateen kuwa badan oo kamid ah
juhaladii reer Yamaamah inuu run sheegi, halka kuwa kalena ay ogaayeen
beentaas cad, balse ay ka awoodbadisay qabiil iyo tol jecleysi. Waxayna
intooda badani u raaceen ficilladii qabyaaladda ee ma aysan u raacin
rumeeyn ay rumeynayaan. Maxaa yeelay waxaa cad in qaar ka mid ah kuwaas
ay oran jireen:- Waxaan qiraynaa in Musaylamah uu beenaale yahay,
Muxammad-na (SCW) uu runsheeg yahay, balse beenlowga Musaylama ayaanu
ka jecelnahay runlowgaa Muxammad (SCW).
Intaa dabadeed Khaalid wuu soo dhawaaday, waxuuna ciidankiisii hore
madax uga dhigay Shuraaxbiil bin Xasanah, labada dhinacna waxuu u kala
dhiibay Zeyd bin Khaddaab iyo Abuu Xudeyfah bin Cutbah. Ciidankii hore
ee Shuraaxbiil baa goor habeennimo ah waxay soo qabteen 40 ama 60 kamid
ah fardoolleydii reer banii Xaniifah, oo uu hoggaaminayey Mujaacah bin
Muraarah. Waxay ciidamadaasi markaasi ka soo laabteen dakano ay kasoo
gudanayeen reer banii Tamiim iyo Caamir, oo waxayna markaa doonayeen
inay ku laabtaan ciidankoodii Yamaamah. Hase ahaatee ciidankii
Shuraaxbiil ee hore ayaa soo qabtay oo u keenay Khaalid. Markii loo
keenay koodii ugu dabeeyay buuna Khaalid su'aalo weydiiyey. Markaasay
iyagiina u cududaarteen, oo xaqiiqdiina way ka qariyeen oo marsiiso
iyo hadallo raqiis ah oo aanan Khaalid qancinin ayay ku hadleen. Markaas
buu Khaalid amaray in kurka laga wada jaro. Waxaa kaloo la sheegaa in uu
Khaalid su'aalay markii loo keenay oo uu ku yiri:- Oo maxaad leedahiin
banii Xaniifaay!? Markaasay yiraahdeen:- Innagu Nebi baynu leennahay
idinkuna Nebi. Markaasuu Khaalid laayey. Kadib waxaa qayliyey nin iyagii
kamid ah oo la oran jiray Saariyah. Waxuuna yiri:- Ninyahoow! haddii
aad tahay mid berritoole kuwan la doonaya kheyr ama shar, reebo ninkan-
waxuu ula jeedaa Mujaacah bin Muraarah. Markaasuu Khaalidna reebtay oo
uu ku xiray teendhadiisii dhexdeeda oo ay joogtay afadiisii Ummu Tamiim
bint Manhaal. Waxuuna amray inay wanaajiso oo ayna kheyr u dardaaranto.
Markay labadii ciidan isasoo hor fadhiisteen buu Museylamatul Kaddaab
ku booriyey ciidankiisa inay sharafta dumarkooda u dagaalan, oo ay
qiiroodaan sidii aynu horeyba usoo xusnay. Muslimiintiina horey bay
usocdeen oo markii dambe waxay dageen goobtii ay biyaha ka cabbi jireen
reer Yamaama meel udhaw. Halkaa ayuuna ciidankiisii dejiyey oo dhisay
isagoo calankii Muhaajiriinta udhiibay Saalim Mowlaa Abaa Xudeyfah,
calankii Ansaartuna Thaabit bin Qeys bin Shammaas, halka uu calankii
Carabta kalana u dhiibay Mujaacah bin Muraarah oo kheymaddii ku dhex
jira ( teendhada ku jira ) xeelad dagaal darteed.
Waxaa billaawday dagaalkii oo , goor cabbaar ah markuu socday ayay qaar
kamid ah ciidamadii Muslimiinta ee reer miyiga ay goobtoodii banneeyeen,
taasina waxay sababtay inay banii Xaniifah galaan teendhadii ay ku
jirteen Khaalid xaaskiisa iyo Mujaacah bin Muraarah. Waxayna damceen
inay dilaan xaaska Khaalid, hase ahaatee waxaa magan geliyey Mujaacah
bin Muraarah.
Dabeeta waxaa soo guddoomay kuwii simbiriraaxday oo is gartay inay
khaldameen, umana aysan suuro gelinin inay banii Xaniifah furtaan
Mujaacah bin Muraarah. Dhaqdhaqaaqan hore ayaana lagu dilay Nahaar Ar
Rajaal bin Cunfu'ah, waxaana dilay Zeyd bin Khaddaab.
Saxaabada iyo Muslimiinta kalaba maalintaa waxay dirireen dirir aad u
daran, waxuuna Thaabit bin Qeys yiri maalintaasi:- Waxaa baas lahaaday
waxaad dhiggiin uga carartaan. Waxayna dhan waliba iskaga qaylo
dhaansadeen iyagoo leh:- Khaalidoow!! nakala saar. Waxaana gees u baxay
saddex meelood ciidanka meel kamid ah oo Ansaar iyo Muhaajiriin ah.
Al Baraa bin Maalik-na maalintaa waxuu u guuxay sida libaaxii oo uu
marba dhinac u duulay isagoo si aan horey loogu arag u dagaallamaya,
waxuuna tolkiisii Ansaarta ku yiri isagoo la dardaarmi kuna boorin
dagaalka:- Ansaareey!! yuusanna axad idinka ka mid ahi ku fekerin inuu
ku laabto Madiina maanta kadib oo wixii maantadan ka danbeeya ma
lihidin magaallada Madiina, waxaad leedihiin Allaah Sarreeye keli iyo
Jannada.
Waxay asxaabtu maalintaa is oranayeen:- Asxaabtii suuratu Baqraay!
maanta ayuu burey sixirkii Museylamah.
Thaabit bin Qeysna maalintaa waxuu qotay god u jooga gomadaha, oo inta
uu kafantiisii huwday ayuu lugaha la galay isagoo calankii Ansaarta
sida. Halkaas ayuuna ka dagaallamayey jeer la dilay.
Muhaajiriintii waxay la hadleen maalintaasi Saalim mowlaa Abaa Xudeyfa
oo calanka Muhaajiriinta siday waxayna ku yiraahdeen:- Waxaan ka
yaabeynaa in dhankaada nalooga yimaado. Waxuuse ku jawaabay:- Waxaan
ahaaday mid Quraan xambaara midkii u baas lahaaday haddayba sidaa
dhacdo''. Dabeeto wuu dagaallamay jeer la dilay isagoo Shahiid ah.
Zeyd bin Khadaab baa isaguna maalintaa hadlay oo yiri:- Dadoow!!
qaniina (oo adkeysta) gowsahiina, oo garaaca cadawgiina, horeyna u
socda. Illaah baan ku dhaartaye inaan hadleeyn jeer uu Alle jebiyo iyaga
(Cadawga), ama aan Alle la kulmo (oo yacni dagaalkan la igu dilo) oo
aan markaa xujadeyda kula hadlo. Waana la dilay isagoo Shahiid ah.
Intaa dabeeto, Khaalid baa waxuu qaatay seeftiisii oo dadkii dhex
shabaaxay oo si daran u laayey, wuuna socday jeer uu u dhawaaday
Museylamah oo uu ku sigtay inuu dilo, hase ahaate dib ayuu uga soo
noqday, oo waxuu istaagay labada qola dhexdooda. Waxuuna dalbaday
mubaaraso inay cidi usoo baxdo. Waxuuna yiri:- Waxaan ahay ibnu Waliid
Al Cawd, waxaan ahay inankii Caamir iyo Zeyd. Dabeeto waxuu ku qayliyey
halkudhiggii Muslimiinta ee maalintaa , oo ahaa:- Waa Muxammadaah!!. Qof
usoo baxayna mubaarizo ma uusan sii jirin, kii usoo dhawaadana seefta
ayuu ku qaatay. Kadib waxuu u dhawaaday Museylama oo u bandhigay xaqa
iyo inuu usoo laabta, hase ahaatee waxaa ka hor istaagay sheydaankiisii,
oo wuu diiday. Dabeetana Khaalid wuu kasoo weecday oo waxuu kala soocay
ciidankii , si uu u ogaada bal halka laga soo galo, waxuuna kala soocay
Ansaar iyo Muhaajiriin iyo reer miyigii kale. Banii Ab (qola ama reer)
kastaaba waxuu u dhiibay calan goonni ah si ay hoosteeda uga
dagaallamaan, oo loo ogaaddo ciddii maanta cararta iyo meesha
Muslimiinta laga soo galayo. Qaddahaan cusubi waxuu ahaa xeelad militeri
oo kamid ah xeeladahii uu Khaalid bin Waliid ku hoojin jiray acdaada
Alle. Waana tan sababtay inaysan maalintaa Muslimiintii Mar dambe
cararin oo , qola waliba waxay is tiri:- Yaadan ceeboobin oo,
Muslimiinta maanta dhankaada laga gelin.
Kama aysanna suulin Muslimiintii qaddahaas cusub kadib inay horey ugu
socdaan dhanka cadawgooda oo aysan gadaal milicsan, jeer Alle
farajkiisii furay oo nasrigiisii soo degay. Markaa bayna ahayd goortuu
Alle garabkii ciidankii Museylamah ka baxay oo hoojiyey, jab iyo
halaagna ku riday, halka ay Muslimiintuna farxad, nasri iyo guul heleen.
Kadib way daba kaceen, oo ay kurka seefo ugu xiireen , oo si daran u
laayeen. Markaa bay reer banii Xaniifah u ordeen beer xaggeeda uu u
tilmaamay Al Maxkam bin Dhufeyl. Waxaase arkay Cabdiraxmaan bin Abuu
Bakar, isagoo taagan albaabka beerta oo dadkiisii u khudbeynaya,
markaasuu waran ku tuuray oo dhuunta kala helay, sidaa buuna Al Maxkam
bin Dhufeyl ku hoyday. Beertani waxaa ay ahayd mid dhexdeedu
balaadhantahay, oo leh gidaarro aad u dhaadheer. Ciidankii Museylamana
tiradoodu aad bay u badneyd oo 40 000 bay ahaayeen. Dabeeto intay galeen
bay isku xireen beerta albaabkeeda iyagoo isku halleynaya gidaarradeeda
dhaadheer, oo aan marna ku fekereyn in loogu soo geli karo.Musaylama iyo
ciidankiisiina waxay billaabeen inay gamuunnadoida kaga soo tuuraan
muslimiinta beerta dhexdeeda. Intaa kadib Al Baraa baa fikrad keenay
oo muslimiintii ku yiri:- Kulanka Muslimiintoow! i saara gaashaan
dushiisa dabeetana waramada kor ugu iigula qaada gaashaanka oo igu tuura
meel u dhow albaabka beerta.waxay udhawdahay in la idilo oo aan
shahiida, ama inaan albaabka idinka furo. Kadibna Muslimiintii sidii bay
yeeleen oo isagiina albaabkii buu furay. Intuusanna albaabka gaarin buu
si aad ah ula diriray oo in badanna ka laayey , dabeetana markuu furay
albaabkii baa Muslimiintii waxay arkeen dhaawacyada soo gaaray Al Baraa
oo isugu jiray darba seef iyo durma waran iyo durid gamuunka.
Intaa kadib waxaa goobta beerta ka dhex dhacay dagaal aad u daran,
halkaasoo ay Muslimiintii seefahoodii kaga shaqeeyeen kuwii diinta ka
riddoobay oo derbiyada beerta ku dhakanayey, kadib markii laga itaal
roonaaday. Waxaana goobtaa looga dilay tiro aad u badan, oo lagu
qayaasay 10 kun (waxaa kaloo la sheegaa 21 kun) oo dagaalyahan ah.
Muslimiintiina waxaa kaga shahiiday 600 (waxaa kaloo la sheegaa 500) oo
kamid ah saadaaddii saxaabada iyo raggii Quraanka xifdisanaa. Sadarrada
dambe ayaanna ku yara falaqeyn doonnaa magacyada kuwii ugu caansanaa ee
goobtaa ku shahiiday. .
Museylama Al Kadaab isagu dagaalkan ayaa lagu dilay oo waxaa dilay
Waxshi bin Xarbi (Mowlaa Jubeyr bin Mudcim). Waxuu waxshi arkay
Museylama oo derbi ku dhakanaya, markaasuu inta gamuun ula soo baxay
ayuu kusii daayey. Markaasuu gamuunkii dhanka kale uga dusay oo ka dhex
baxay. Waxaana isa sii raaciyey Abuu Dujaanah Simaak bin Kharshah oo
inta seeftiisii la dul tegay kaga shaqeeyay. Waxaa kaloo lasheegaa inuu
ahaa ninkii isasii raaciyey C/laahi bin Caasim bin Camr.
Markii uu waxshi gamuunka la helay Museylamah ayay haweeneydii
(Museylama) qasriga ka dhex qayliday iyadoo leh:- Amiirkii waxaa dilay
addoon madoow!!.
Goobtan beerta ah ee dirirta ugu darani ay ka dhacday waxaa loogu magac
daray Xadiiqatul Mowt (Beertii dhimashada). Macnaha waxaa weeye, waxaa
ku hoobtay khalqi badan oo reer Yamaama ah oo lagu laayey. Waxayna
Muslimiinta yaqiinsanaayeen mar haddii libta iyo guusha Alle ka siiyo,
oo ay ka adkaadaan reer Yamaama, inaysan jiri doonin cid damba oo hor
istaagta Muslimiinta Jaziiradda Carabta dhexdeeda.
Kadib waxuu Khaalid diray ilaalooyin iyo wardoonna oo uu u diray
qalcadaha Yamaama si ay usoo hubiyaan cidda ku jirta. Kadib waxuu
goostay inuu ku duulo qalcadaha oo uu furto, wax ciidan ahina kuma aysan
jirin. Waxaa kaliyoo ku jiray dumar iyo carruur iyo waayeello. Hase
ahaatee Mujaaca bin Muraarah ayaa Khaalid qiyaamay oo yiri:- Waxaa ka
buuxa qalcadahani rag dagaalyahanno ah, hee igula heshii?
Khaalid arrintaa wuu yeelay maadaama ay Muslimiinta dagaallo badan soo
galeen , aysanna weli nasan, oo aay aad u tabar dhigeen daal dartii ,
sabab la xiriirtay dagaalladii isku xig xigay. Haddaba waxuu yiri
Mujaacah:- I dir aan u tego'ee si aan uga soo dhammeeyo heshiiska.
Markaasuu Khaalidna diray si uu heshiiska uga soo gunto reer Yamaama.
Markii uu Majaacah bin Muraarah u tegay dumarkii, carruurtii iyo
waayeelladii ayuu amray inay lebbistaan cambuur bireedyo, oo madaxana
koofiyado soo gashtaan, dabeetana ay docyada qalcadda magadaxa kalasoo
baxaan, si Khaalid ugu maleeyo inay yahiin ciidan culus oo goobta
kujira. Khaalid baa markaa eegay dhankii qalcadaha mise waxuu arkay
madaxyo fara badan oo meesha kaasoo jeeda, markaasuu u qaatay sidii uu
Mujaacah usheegay inay ku jiraan ciidan qalcadahaas. Waxuuna u kaadiyey
heshiis iyo Mujaacah uga soo gunto. Markiina uu furtay goobtii ayuu
xaqii ugu yeeray iyana way usoo laabteen. Waxuuna Khaalid u celiyey qaar
kamid ah waxyaabahii uu horey uga qabsaday oo kamid ah carruurtii iyo
dumarkii (Dagaalka lagu qabsaday). Intii kalena waxuu u diray dhankii
Madiina iyo khaliifadii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Sidiiq. Waxaana Cali
bin Dhaalib oo Madiina joogay kaga soo haggaagtay haweeney la oran jiray
Khowlah bint Jacfar, taasoona u dhashay Maxamed bin Cali bin Abii
Dhaalib oo caan ku ahaa Maxamed bin Xanafiyah.
Waxaa la isku khilaafaa waqtiga (sanadka) uu dagaalkan dhacay, waxaase
jira qowl lagu kulmiya aqwaashii laga yiri waqtiguu dhacay. Khaliifat
bin Khayaad iyo Maxamed bin Jariir iyo khalqi kamid ah salafkii iyagu
waxay yiraahdeen:- Dagaalkan waxuu dhacay sanadkii 11aad. Ibnu Qaanic-na
waxuu yiri:- wuxuu dhacay dhammaadkii sanadkii 11aad ee hijriyada.
Al Waaqidi iyo kuwa kalena waxay yiraahdeen:- Waxuu dhacay sanadkii
12aad ee hijriyada. Waxaase lagu kulmiyaa qowlalkaan kala duwan, in uu
billawday dagaalkan sanadkii 11aad dhammaadkiisii uuna dhammaaday
sanadkii 12aad ee hijriyada. Khaliifat bin Khayaad baala su'aalay oo
lagu yiri :" Ma isku raacnaa sidan? Waxuu yiri:- Waa lagama maarmaan.
Abuu Bakar Sidiiq baa wax ka weydiiyey dadkii la soo qafaashay , waxii
uu Museylama akhrin jiray , markaasay ka dalbadeen inuu cafiyo ,
isagiina wuu cafiyey, saa waxay u sheegeen khuraafaadkii uu akhrin
jiray. Lacnaddii Alle dushiisa (Museylama) ha ahaatee.
Museylama waxuu riddoobay xayaatadii Rasuulka SCW oo uu Nebinnimo
sheegtay. Rasuulka SCW ayuuna warqad usoo diray uu ku leeyahay:
Ka:- Museylamah bin Xabiib Rasuulkii Alle .
Ku:- Muxammed Rasuulkii Alle SCW.
Intaa dabadeed. Anigu waxaa la ila kaa wadaajiyey arrinka
(Nebinnimada). oo waxaad madax u tahay Mudar, niguna waxaan madax u
ahay Wabar. (Werin kale waxaa kusugan axaad leedahiin qeyb dhulka kamid
ah inaguna qeybta kale) hase ahaatee Qureeshtu waa qowm cadaawad badan
(xaasidiin ah).
Rasuulkuna waa uu u jawabay oo waxuu u diray warqad. Waxayna ahayd sida
tan:
Ka:- Muxammed Rasuulkii Alle SCW.
Ku:- Museylamah beenaale.
Nabadi ha ahaato dusheeda ciddii raacdo hanuunka. Intaa kadib . Dhulka
Alle baa iska leh, oo dhaxalsiin cidduu doona, ciribta dambaana waxaa
leh mutaqiinta (kuwa Alle ka dhowrsada).
Alle Sarreeye waa uu ceebeeyey Museylamah beenaale oo waxuu soo dejiyey
aayaddan:
Oo yaa ka dembi badan (majiree) qof ku
been abuurtay Allaah, ama yiri waala ii waxyooday, isagoon loo waxyoon?
Qofkii yiraahdo waxaan soo dejin waxa (Quraanka) uu Alle soo dejiyey mid
lamid ah, Haddii aad arki lahayd markay dulmi falayaashu (Museylama iwm
) Sakaraatul mowt-ku ku sugan yahiin iyagooy Malaa'ik-tu ku taagi
gacmaha oo ayna ku oran : Soo bixiya nafahiina, maanta waxaa laydinku
abaal marin cadaab wax dulleeyo'e. Sababtu waxaad Allaah ku oran jirteen
dushiisa wax aan xaq ahayn (oo aan wanaagsanayn) oo aad ahaydeen kuwa
iska weyneeyo aayaadkiisa. (Suuratu Al Ancaam aayadda 93aad)
Halkaan buu Alle ku fadeexeeyay Museylama beenaale. Mar kale oo
horreysay waxaa loo diray Camr bin Al Caas waqtigii Abuu Bakar ka hor.
Markaasuu Museylamah yiri:- Oo maxaa cawadan saaxiibkiin ( Muxammed SCW
) lagu soo dejiyey? Markaasuu yiri:- Suurad aad u xeel sarreysa.
Markaasuu yiri:- Oo maxay tahay suuraddaas?
Dabeeta waxuu yiri:- Wal Casr oo uu u wada akhriyey. Dabeeto in cabbaar
ah buu Museylama fekeray , markaasuu markii dambe madaxa kor uqaaday oo
yiri:- Runtii aniguna mid iyada lamid ah baa la igu soo dejiyey.
Waxuu Camr yiri:- Oo maxay tahay?
Markaasuu Museylama akhriyey khuraafaad. Markiina uu Camr ka dhageystay
buu Museylamah yiri :- Sideed u aragtaa Camaroow!!? Waxuu yiri:- Illaah
baan ku dhaartaye waxaad ogtahay inaan aniga ogahay inaad been
sheegeyso.
Waxay Culamaa'i Taariikh sheegaan inuu Museylamah iska doon dooni jiray
sifooyinkii iyo barakooyinkii Rasuulka SCW. Waxaa gaadhay Museylama in
Rasuulka SCW uu ceel ku tufay oo biyo badan yeeshay , markaasuu isagiina
ceel ku tufay, markaasay biyahiisii gureen , ama gadhaadh noqdeen. Misna
wuu weyseestay oo inta weysadiisii qaaday buu waraabiyey beer timreed,
hase ahaatee waabay halligsantay oo ay baaba'day. Waxaa kaloo la sheegaa
inuu u duceeyay nin isha wax uga dhaceen oo uu u masaxay , hase ahaatee
wuuba indha beelay ninkii. Misna carruurta yar yar buu madaxa u salaaxi
jiray oo uu oran jiray waa barako, hase ahaatee waxay ilmahaasi noqon
jireen mid madaxa weynaado iyo mid carrabku soo dhaco.
Mar baa waxaa dhacday inuu u yimid nin reer miyi ah oo yiri:- Meeyay
Museylama? Waxaa lagu yiri:- Ka aamu! Rasuulkii Alle.
Waxuu yiri:- Hah! Rasuul! mayee Wallaahi baan yeeleyn jeer aan arko.
Markii uu Museylama yimid ayuu ku yiri:- Ma adigaa Museylamah?
Waxuu yiri:- Haa!
Waxuu yiri:- Oo yaa kuu yimaada?
Waxuu yiri:- Raxmaan.
Waxuu yiri:- Oo ma nuur buu kuugu yimaadaa mise mugdi?
Waxuu yiri:- Mugdi.
Markaasuu ninkii intuu kacay yiri:- Waxaan qirayaa inaad adigu beenaale
tahay Muxamadna runloow yahay, hase ahaatee beenaale reer Rabiica ah
ayaan ka jeclahay runloow reer Mudar ah. Sidaa buuna ku raacay indho
la'aan isagoo ay toljecleysi ka tambadisay. Isku meel ayaana lagu dilay
asaga iyo Musaylah.
Shuhadadii Dagaalkan
Dagaalkan Yemaamah waxaa ku geeriyooday khalqi badan oo kamid ahaa
saxaabadii Rasuulka SCW iyo xufaaddii xifdisaneyd Quraanka kariimka ah.
Markaa ka horna Quraanku ma uusan kulmisneeyn ee aayaddii loo baahdo
waxaa laga qaadan jiray qurraadaas goobtaa ku shahiidday iyo qurraa
kale. Waxaa la sheegaa inay ahaayeen tirada saxaabadii ku shahiidday
dagaalkan 58 iskugu jirtay Ansaar iyo Muhaajiriin waana inta aan hadda
magacyadoodu soo gudbin doonno, hase ahaatee waxaa jiro werrinnada
qaarkood kuwa oranayo waxay ahaayeen 70 Allaah baase inaga og. Waxaa
kaloona la sheegaa inta kale inay ahaayeen qeyrkooda Muslimiinta kale,
oo aanan ahayn Muhaajiriin iyo Ansaar. Haddaba waxaan soo gudbin doonnaa
hadduu Alle idmo magacyadii saxaabadii iyo qurraadii ku shahiidday
dagaalkan, intaynu hayna, waxayna ahaayeen sida tan:
1. Abuu Maxammed Thaabit bin Qeys bin Shammaas Al Ansaari, waxuu siday
calanka Ansaarta.
2. Xazan bin Abii Wahab bin Camr bin Caa'id Al Makhzuumi (Waxaa dhalay
Cabdillaahi bin Cabdimudallib abtigiis) Rasuulka SCW baa damcay inuu ka
badallo magaca Xazan markii uu Islaamay oo uu u bixiyo Sahal, hase
ahaatee wuu diiday oo waxuu doorbiday magacii aabahii uu horey ugu
baxshay. Waxaa lala dilay wiilashiisa Cabdiraxmaan iyo Wahab iyo wiil ay
dhashay xaaskii Xakam bin Wahab (Xakam waxaa adeer u ahaa Xazan bin
Abii Wahab).
3. Zeyd bin Khaddaab bin Nufeyl Al Cadawi. Waxuu la dhashay Cumar bin
Khaddaab oo wuuna ka hor Islaamay kana hor shahiiday. Sidaa darteed
buuna Cumar oran jiray:-- Waxuu Zeyd iiga hor maray labo wanaag, oo kala
ah Islaamka iyo Shahaado. Waxaa dilay nin la oran jiray Abuu Maryam Al
Xanafi, ama nin ay Abuu Maryam ilmo adeer ahaayeen oo la oran jiray
Sabiix Al Xanafi. Wuu Muslimay ninkaasi mar dambe, kadib markuu dilay
Zeyd.
4. Saalim bin Cubeyd (ama ibnu Macqil) Mowlaa Abaa Xudeyfa bin Cutbah.
Waxuu siday raayaddii Muhaajiriinta maalintaa iyada ah.
5. Abuu Dujaanah Simmaak bin Kharshah (ama Simaak bin Aws bin Kharshah)
ibnu Lowdaan Al Khazraji As Saacidi, wuxuu ahaa mid kamid ah halyeeyadii
Ansaarta.
6. Shujaac bin Wahab bin Rabiic Al Usdiyu, Xaliif banii Cabdishams.
Waxaa la dilay isagoo dhowr iyo afartan jir ah. Waxuu ahaa nin dheer oo
dhuuban, kana mid ahaa dadkii ugu horreeyey ee Islaamay.
7. Dhufeyl bin Camr bin Dhariif bin Al Caas Ad Dowsi. Wuxuu ahaa
ugaaskii reer Dows.
8. Cubbaad bin Bishir bin Waqash Al Ansaari. Waa mid kamid ah kuwii ugu
fadliga badnaa Ansaarta.
9. As Saa'ib bin Cuthmaan bin Madhcuun Al Jumxi. mid kamid ah
dhalinyartii saxaabada ee geesiyaasha ahaa oo kamid ahaa fardooleydii
fara kutiriska. Waxaa la dilay isagoo dhalin yaro ah.
10. As Saa'ib bin Al Cawaam bin Khuweylid Al Asdi, waxuu la dhashay
halyeygii weynaa ee Zubeyr bin Cawaam.
11. Cabdillaahi bin Suheyl bin Camr Al Caamiri. mid kamid ah
mustadcafiintii Makka lagu jarribi jiray. Maalintii Bader ayuu
Muslimiinta kaga soo biiray dhanka gaalada.
12. Cabdillaahi bin Cabdillaahi bin Ubay bin Salool. Cadawgii
munaafiqiinta, iyo mid kamid ah akhyaartii saxaabada.
13. Macni ibnu Cadiyi ibnu Jaddu bin Cijlaan Al Ansaari. Waxuu la
dhashay Caasim bin Camr.
14. Abuu Xudeyfah bin Cutbah bin Rabiicah. mid kamid ah kuwii ugu
horreeyay ee Islaamay. Magaciisuna waxaa la oran jiray Haashim ama
Muhshim, waxaa kaloo la yiraadaa Husheym.
15. Maalik bin Camr. Xaliif bin Camr, waa mid kamid ah raggii Bader
xaadiray.
16. Yaziid bin Ruqeysh bin Ri'aab Al Usdi. Mid kamid ah asxaabtii Bader,
waxuuna ilma adeer la ahaa hooyadii mu'miniinta ee Zeynaba bint Jaxsh
bin Ri'aab.
17. Xakam bin Saciid bin Al Caas Al Umawi. Waxuu ladhashay Khaalid bin
Saciid bin Al Caas.
18. Jubeyr bin Maalik bin Buxeynah, oo la dhashay Cabdillaahi bin Maalik
Al Asdi. Waxay xulufo ahaayeen banii Mudallib bin Cabdimanaaf.
19. Caamir bin Bukeyr ibnu C/yaaliil Al Leythi oo xulufo la ahaa banii
Cadiyi bin Kacab. Waxuu la dhashay Caaqil, Khaalid iyo Iyaas ilmo Bukeyr
, oo waxay wada xaadireen Bader. Afartuba waxay Islaameen markii uu
Rasuulka SCW galay daartii Al Arqam bin Abul Arqam, waxayna ahaayeen
raggii ugu horreeyey ee uu daartaasi Rasuulka SCW kula mubaayacooda.
20. Maalik bin Rabiicah. Waxuu xulufo la ahaa banii Cabdishams oo
Qureesh ka tirsan.
21. Abuu Umayata Safwaan bin Umaya bin Camr.
22. Yaziid bin Aws oo xulufo la ahaa banii Cabdidaar oo Qureeshta ka
tirsan.
23.Xubbay bin Xaaritha Ath Thaqafi, waa mid kamid ah qawjaddii
saxaabada.
24. Xabiib bin Useyd bin Jaariyah Ath Thaqafi, mid kamid ah saxaabadii
reer Thaqiif.
25. Al Waliid bin Cabdishams Al Makhzuumi. Waxaa dhalay Khaalid bin
Waliid walaalkiis Cabdishams. waxuu Muslimay maalintii furashada Makka.
Hooyadii waxay ahayd Asmaa bint Abii Jahal.
26. Cabdillaahi bin Camr bin Bujrah Al Cadawiyu.
27. Abuu Qeys bin Xaarith bin Qeys As Sahmi, waa mid kamid ah dadkii
Xabashida u hijrooday.
28. Cabdillahi bin Makhramah bin Cabdulcuzza bin Abii Qeys Al Caamiri.
Waxay qaraabo soko ahaayeen Suheyl bin Camr Al Caamiri.
29. Camr bin Aweys bin Sacad bin Abii Sarax Al Caamiri. Waxaa
Cabdillaahi bin Sacad walaalkiis Aweys bin Sacad.
30. Cabdillaahi bin Xaarith bin Qeys. Waxuu la dhashay Abuu Qeys.
31. Suliidh bin Suliidh bin Camr Al Caamiriy.
32. Rabiicah bin Abii Kharshah Al Caamiriy.
33. Cabdillaahi bin Xaarith bin Rakhdah. Waxuu kasoo jeedaa qolooyinka
banii Caamir.
Intaasi waxay ahaayeen Muhaajiriin, marka laga reebo dhowrkii Ansaarta
ee aan soo magacawnay oo ay kamid ahaayeen Cubbaad bin Bishir, Thaabit
bin Qeys, Abuu Dujaanah iyo Macni bin Cadiyi iyo Cabdillaahi bin
Cabdillahi bin Ubay.
Imminkuna waxaan bartii kasii wadeynaa magacyadii saxaabaddii ku
shahiidday dagaalkan Yamaamah, gaar ahaanna Ansaarta, waana sida tan
innagoo tixraaceyna tiradii hore:
34. Cammaarah bin Xazam bin Zeyd bin Lowdaan Al Khazraji. Waa mid kamid
ah asxaabtii Bader.
35. Cuqbah bin Caamir bin Naabiy bin Zeyd bin Xaraam Al Khazraji As
Sulami. waxay isku jilib ahaayeen Mucaad bin Jabal, Al Xubaab bin
Mundir iyo Al Baraa bin Macruur. Waxuu Cuqbah xaadiray Caqaba iyo
dagaalkii Bader.
36. Thaabit bin Hazaal, waxuu ka dhashay jilibka banii Saalim bin Cowf.
Waa mid kamid ah asxaabtii Bader.
37. Abuu Caqiil bin Cabdillaahi bin Thaclabah Al Khazraji oo waxuu kasii
yahay jilibka Jaxjabi. Waxuu xaadiray Bader.
38. Cabdillaahi bin Cuteyk.
39. Xaajib bin Zeyd Al Awsi Al- Ash-hali.
40. Sahal bin Cadiyi.
41. Maalik bin Aws.
42. Cumeyr bin Aws.
43. Dhalxa bin Cutbah, waxuu kadhashay reer Khazraj, gaar ahaan Jaxjab.
44. Rabaax mowlaa Xaarith.
45. Jazaa'a bin Maalik bin Caamir, waxuu ka dhashay Jaxjab.
46. Wadfah bin Iyaas bin Camr Al Khazraji. Waa mid kamid ah asxaabtii
Bader.
47. Jarwal bin Cabbaas.
48. Caamir bin Thaabit.
49. Bishr bin Cabdillaahi Al Khazraji.
50. Kuleyb bin Bishir bin Tamiim.
51. Cabdillaahi bin Citbaan.
52. Iyaas bin Wadiicah.
53. Ascad bin Yarbuuc As Saacidi.
54.Sacad bin Xaaritha (ama Sacad bin Jaariyah).
55. Sacad bin Xammaam.
56. Makhaashi Al Ximyari (Xulufo ayuu Ansaartu la ahaa).
57. Salamat bin Mascuud, waxaa kaloo la yiri : Mascuud bin Sinaan.
58. Damrah bin Ciyaad.
59. Abuu Xabbata bin Ghaziyah Al Maazini.
60. Cabdillaahi bin Uneys (ma ahan kii dilay Khaalid bin Safwaan Al
Hudali. Kaasi waxuu nagaaday illaa 54 hijriyada).
61. Xabiib bin Zeyd.
62. Xabiib bin Camr bin Muxsin.
63. Thaabit bin Khaalid.
64. Farwata bin Nucmaan.
65. Caa'id bin Maacis.
66. Yaziid bin Thaabit bin Daxaak. Waxuu la dhashay Zeyd bin Thaabit.
Khaliifat bin Khayaad isagu waxuu leeyahay :" Isku dar intii kaga
shahiidday Saxaabada Muhaajiriin iyo Ansaar dagaalkii Yamaama waxay
noqonayaan 58. hase ahaate waxaa kutubta taariikhda qaarkood laga arki
karaa inay ka badan yahiin intaa, waxaana meela badan ku xusan in ay
ahaayeen isku dar saxaabadii ku shahiidday Yamaamah 70 akhyaartii
saxaabada iyo xufaaddii kamid ahayd. Haddaba inagoo tixraaceyna qowlka
damba ee ah inay ahaayeen 70 ayaa waxaa inoo suuro gashay inaan intaan
magacyadooda soo gudbinno, falillaahil Xamdu.
Diin Ka Noqoshadii Reer Baxreen
Baxreen horey Rasuulka SCW markuu dhambaallada diraayey ayuu u diray Al
Calaa bin C/llaahi Al Xadramiyu (Calaa bin Al Xadrami) si warqadda uu
ugu geeyo boqorkii markaa maamuli jiray oo la oran jiray Al Mundir bin
Saawi. Boqorkii waxuu ku Muslimay gacanta Calaa bin Xadrami, oo
dadkiisina waxuu ku maamulay Islaamka iyo caddaaladiisa. Rasuulka SCW
markii ay tii Alle u timid oo Alle oofsaday, Mundir bin Saawina waxba
sidaa u badan ah kamuuna dambeyn oo isagiina wuu geeriyooday. Waxaana la
joogay markaa oo uu Nebiga SCW horey ugu diray saxaabiga Camar bin Al
Caas. Markaa buu Mundirna wax ka su'aalay Camar xoolahiisa siduu
Rasuulka SCW u dardaarmi jiray qofka ay geerida ku xaadirto, oo isagiina
uu usheegay. waxuuna sadaqo ahaan ula baxay saddex meelood meel kamid
ah hantidiisii.
Haddaba markaa iyada ah kadib bay reer Baxreen riddoobeen oo waxayna u
qeybsameen laba kooxood. Koox iyadu waay riddoowday waxayna madax ka
dhigteen nin la oran jiray Al Mundir bin Nucmaan bin Mundir. Mid iyagii
kamid ah baana waxuu yiri:- Haddii uu Muxammed Nebi yahay ma uusan
dhinteen. Oo dadkii reer Baxreenna islaannimadii kuma aysan harin
magaalooyinkoodii marka laga reebo qarya la oran jiray Juwaatha sidaynu
horey usoo xusnayba. Waxay ahayd Jawaatha qaryadii ugu horeysay ee
salaad Jumca lagu oogo kadib markay dadkii xaqa usoo noqdeen sida
kusugan kitaabka Bukhaari oo laga soo weriyay Cabdullaahi bin Cabbaas.
Dadkii qaryadaa kusugnaa iyagu waxay ahaayeen kuwa kusugnaaday xaqii,
waxaana go'doomin daran ku qabtay qoladii kale ee iyagu riddoobay, heer
ay gaajo darteed la adkeysan waayeen oo marrinadii oo idil ay ka
xirmeen. Markaa baa waxaa ka dhex kacay nin iyaga kamid ahaa oo la oran
jiray Jaaruud bin Mucallaa. Jaaruud kan wuxuu kamid ahaa rag Rasuulka
SCW wafdi ahaan ugu tegay oo waxaaba la sheegaa inuu saxaabi ahaa. Waxuu
ka dhex kacay tolkiisii si uu ugu caddeeyo xaqiiqda oo waxuu yiri:-
Kulanka banii Cabdiqeysoow!! Anigu arrin baan idin weydiin ee iiga
jawaaba, waa haddii aad garataane, oo ha iiga jawaabina haddaydaan
garan.
Waxay yiraahdeen:- Haggaag ina weydii.
Waxuu yiri:- Ma ogtihiin in Alle u sugnaadeen Nebiyo uu leeyahay ka hor
intuusan Muxammed SCW soo saarin?
Waxay yiraahdeen:- Haah!.
Waxuu yiri:- Oo ma ogaateen mise waad aragteen?
Waxay yiraahdeen:- Mayee waan ogaannay.
Waxuu yiri:- Oo maxay faleen ( Xaalkoodu hadda waa sidee )?
Waxay yiraahdeen:- Way dhinteen.
Waxuu yiri:- Haddaba Muxammed SCW dhimey sidayba iyagu u dhinteen.
Waxaanna anigu qirayaa oo aan marqaati ka ahay inuusan jirin la caabbuda
xaq lagu caabbudaa oo aan ka ahayn Allaah, Muxammedna SCW inuu yahay
Rasuulkii Ilaah.
Markasay yiraahdeen:- Innaguna sidaa oo kale ayaanu qireynaa inuusan
jirin la caabbuda xaq lagu caabbudaa oo aan ka ahayn Allaah, oo
Muxammedna SCW uu yahay Rasuulkii Illaah. Adiguna waxaad tahay kaayagii
inoogu fadliga badnaa iyo ugaaskayagii.
Islaannimadii bayna kusugnaadeen. Oo markaa bayna ahayd markii uu Abuu
Bakar Sidiiq u diray Baxreen Al Calaa bin Al Xadrami sidaynu horeyba
usoo xusnay markii uu dirayey 11-kii ciidan ee uu Dulqassaa ku dhisay.
Markii uuna Al Calaa ku dhawaaday Baxreen ayaa waxay is heleen qaar
kamid ah ciidamadii Muslimiinta oo uu ku jiray Thumaama bin Othaal Al
Xanafi oo markaa ka hor kasoo guddoomay dhankii Yamaamah.
Al Calaa bin Al Xadrami waxuu ahaa mid kamid ah sanaadiiddii saxaabada
iyo kuwoodii ugu akhyaarsanaa, oo waxuu ahaa mid kamid ah kuwii
cibaadada badnaa oo caabidiinta uu Alle ducadooda aqbali jiray ayuu
kamid ahaa. Wuxuu soo dhaweeyay ciidamadii Muslimiinta ee uu meeshaa ku
arkay isagoo sharfay oo dejiyey.
Markii uu Calaa u dhawaaday dadkii riddoobay, ayuu Muslimiintii u
khudbeeyay oo amray, adkeysi iyo sabar mar waliba, waxuuna ugu
bishaareyay inuusan Alle dulleyneeyn mar hadday Muslimiin yahiin, oo
waxuu caddeeyay inuusan Alle dulleynin cid ku sugan Muslinnimo, oo ku
jihaadeyso jidka Alle oo misna Ansaartii Alle Sarreeye ah.
Dabeeto goor salaad fajar ah buu dadkii tujiyey oo uu jilbo jilbo u
fadhiistay oo Alle u baryay oo iyagiina sidiisii oo kale faleen.
Markaana waxaa Muslimiinta hayey oon daran oo Alle baa il biyo ah u
dolooliyey oo ka waraabiyey ciidamadiisii.
Markii ay isku soo dhawaadeen Murtaddiinta oo markaa watey ciidan
culus, oo khalqi tiro badan ah bay dabeeto is hor degeen. Iyagoo sidaa
kusugan baa habeen habeennada kamid ah uu Calaa maqlay buuq iyo sawaxan
ka yeeraya dhanka cadawgiisa kuwa riddoobay. Markaasuu yiri:- Oo yaa
inoo soo baaraya kuwan warkooda? Dabeeto waxaa kacay nin la oran jiray
Cabdillaahi bin Xadaf oo inta dhex galay khabar buuxo ka keenay. Waxuu
ibnu Xadaf soo arkay qoomka oo wada sakraamay siday khamro u cabbayeen
oo caqligii ka tegay. Markaasuu inta soo deg degay khabarkii u keenay Al
Calaa bin Xadrami. Intaa kadib Calaa bin Al Xadrami waa uu rartay isagoo
ay ciidamadiisii la socdaan, markaasuu ka dul dhacay ciidankii kuwa
riddoobay oo si daran u laayey oo dhan waliba u eryaday oo dhufeys
waliba u galay, waxaana yaraa inta ka fakatay oo badankoodu goobtaa
baala dhigay. Waxuuna ka reebtay maal badan iyo hubkoodii oo waxuu ka
qaniimeystay qaniimo tiro badan.
Dadkii habeenkaa hurdayey goobtaa waxaa kamid ahaa oday la oran jiray
Xadham bin Dhabiicah oo isagu kamid ahaa odayaashii dadkaa, markaana
hurdaayey. Waxuuse kusoo baraarugay goor ay Muslimiintii dadkiisii
laynayeen oo dhan waliba u eryanayeen, markaasuu ku deg degay
faraskiisii oo damcay inuu kora, hase ahaatee waa uu wareeray oo jihadii
ka luntay, markaasuu ku calaacalay:- Yaa itoosiya? Saa nin Muslimiinta
kamid ah baa goor mugdi ah ku yiri:- Anigaa kutoosin ee sare lugtaada
uqaad. Markii uu lugtii sare uqaaday buuna ka jaray oo seeftii ugu
salaaxay. Waxuu Al Xadham yiri:- War is keey raaci. Hase ahaatee ninkii
Muslimka ahaa waxuu yiri:- Yeeli mahayo sidaa. Wuuna iskaga tegay, oo
isagiina Al Xadham dhulka ayuu si huleel ah ku dhacay. Qof waliboo soo
maraana waxuu ka dalbanayey in uu isa sii raaciyo, hase ahaatee cidi ma
aysan yeelin jeer uu markii dambe soo maray Qeys bin Caasim. Markaasuu
Xadham yiri:- Waxaan ahay Al Xadham ee isa sii key raaci. Markaasuu
dilay.
Markii uu Qeys ka tegay buu wax yar ka dib arkay lugtiisii oo meesha
tiilay. Markaasuu ka shallaayey oo waxuu yiri:- Halleeyay!! Oo haddii
aan ogaan lahaa waxa uu kusugnaa ma aan u dhaqaaqeen.
Dabadeed Muslimiintii waxay daba raacdeysteen kuwii baxsaday ee jabay
raadadkoodii. Oo badankoodiina kuwii jabay waxay aadeen dhanka badda oo
ay uga sii gudbeen Daariin. Waxayna u raaceen dooman.
Kadib Calaa bin Xadrami waxuu jideeyay in la qeybiyo qaniimadii goobtaa
laga helay, kadib markuu ka saaray khumuskii ( 1/5 ) oo waxuu amray in
la is fududeeyo oo culeyska la iska bar yareeyo. Markii uu howshii
qaniimada ka faaruqay buuna Muslimiintii u caddeyay in ay haleelayaan
dhanka Daariin iyo kuwii jabay, si ay uga soo cadgoostaan. Markaa bay
Muslimiintiina si talantaali ah u ajiibeen arrinkaas oo u deg degeen,
dabeetana waala baxay oo waxaa la tegay xeebtii, si ay doonyo uga
raacaan halkaa.
Waxay arkeen inaysan doomyahu u dhaweyn, aysanna ka gaareyn in ay doomya
sugaan oo waayo ciidamada acdaada ee riddoobay baa ka fakan oo intaasi
ay u noqon fursad dahabi ah. Markaa buu Al Calaa faraskiisii badda la
galay isagoo leh:- Inta naxariisato kan ugu naxariista badanoow! Kan
falka suubban oo sharafta badanoow! Kan keliga ah ee deeqtoonoow! Kan
nool waxna nooleeyoow! Kan khalqiga maamulo oo weynida iyo sharafta
usaaxiibka ahoow!, Alle kala ma jiro aan adiga ahayn, Rabbigannoow!!.
Dadkiina waxuu amray inay sidaa falaan, markaa bay sidaa faleen oo
gaadiidkoodii badda la galeen, wayna ku dhex socdeen iyadoona awrtoodu
gomadahooda biyuhu u gaareyn, farduhuna aysanna u gaareyn jilbaha.
Waxayna dhexsocdeen baddii jeer ay tegeen dhankii kale ee birriga oo ay
cadawgoodii isku heleen oo ay dad badanna ka laayeen qaniimo badanna
kasoo furteen. Dabeetana sidoodii hore oo kale ayay baddii ugu soo
laabteen oo ay dhankii kale u yimideen iyagoon balo arag. Waxaana la
sheegaa inay ahayd mariddoodu iyo soo noqoshadoodii muddo isla hal
maalin dhexdeeda ah.
Kadibna Al Calaa waxuu qeybiyey qaniimadii uu kasoo furtay oo aad u tiro
badneyd, waxuuna qofkii faras watay helay 2000, kii lugeynayeyna waxuu
helay 1000 Dirham iyadooy weliba ciidanku tiro badnaayeen. Kadib Al
Calaa waxuu khumuskii qaniimada u diray dhankii Abuu Bakar isagoo uguna
bishaareynayo guulahii is daba jooga ahaa ee uu Alle cadawgooda uga
loogay. Markaa buu Abuu Bakarna warqad usoo diray Calaa uu ugu mahad
celinayo waxii uu sameeyay.
Waxaa la sheegaa in nin reer Hajar ah oo raahib ahaa uu ku Muslimay
kalmadihii Al Calaa bin Xadrami , markii uu marayey badda uu akhrinayey
, oo waxaa la sheega markii la weydiiyey ninkaas sababta ku kalliftay
inuu Muslima ayaa waxuu tilmaamay inuu hawada ka maqlay dhawaqa kalmado
aad iyo aad u qiimo badan Wuxuuna yiri:- Haddii aanan rumeynin
kalmadahaasi, waxaan ka yaabay inuu Alle aniga dhan inasakho.
Diin Ka Noqoshadii Reer Cummaan, Reer Mahra & Reer
Yeman
Reer Cumaan iyagu waxaa kasoo shaac baxay nin laqabkiisu uu ahaa Dut-
Taaj, magaciisuna la oran jiray Laqiid bin Maalik Al Uzdi. Waxaa ninkan
loo yaqiinay waqtigii jaahiliyada Julandaa, waxuuna sheegtay Nebinnimo,
oo waxaa raacay khalqi badan oo juhaladii reer Cummaan kamid ah. Waxuu
Laqiid ka adkaaday Jeyfar iyo Cabbaad oo kamid ahaa madaxdii reer
Cummaan, waxayna labadaasi nin ahaayeen rag Muslimiin ah. Markii uu
Laqiid ka saaray magaaladii ayaa waxay u kala carareen buuraha iyo
keymaha. Jeyfar baa markaa Abuu Bakar warqad u diray uu kaga dalbanayo
in ciidan uu usoo diro. Markaa buuna Abuu Bakar soo diray laba amiir iyo
ciidamadooda, kuwaasoo kala ahaa Xudeyfah bin Muxsin Al Ximyari iyo
Curfajata Harthama bin Zuheyr Al Baaruqiyi. Waxuu Abuu Bakar Cummaan u
diray Xudeyfah, halka uu Mahra-na u diray Curfajata Al Baaruqiy. Waxuu
Abuu Bakar amray inay labadan ciidan kulmaan oo isku darsamaan oo ay
marka hore howsha ka billaabaan Cummaan. Inta Cummaan la joogana waxuu
amray ciidamada oo idil inuu amiir u noqda Xudeyfah bin Muxsin Al
Ximyari. Markiina laga faaruqo Cummaan, waxuu amray inay u jiheystaan
Mahra, markaasina wuxuu amray inuu amiir noqdo Curfajata bin Harthama.
Waxaan horey usoo xusnay in Cikrama loo diray Yamaamah, dabeetana laga
daba diray Shuraaxbiil bin Xasanah. Cikrimah wuu deg degay oo wuxuu dul
degay Museylamah, hase ahaatee Museylamah wuu iska soo caabiyey, oo dib
ayuu usoo durkiyey. Arrintaa deg dega ahi Abuu Bakar waa uu ku canaantay
Cikrimah, waatiina uu Khaalid markuu ka faaruqay Buzaakha uu u diray
dhankii Yamaama. Waxaa markaasi dhacay wixii dhacay ee aynu soo
xusnay, Museylamana la dilay, oo Yamaamana la furtay.
Markaa buu Abuu Bakar amray Cikrimah bin Abii Jahal inuu aado dhanka
Cummaan iyo xagga Xudeyfah iyo Curfajah. Mid kastoo saddexdaan amiirrada
kamid ahina waxuu amiir u noqon doonaa ciidankiisa, oo Xudeyfah waxuu
amiir noqon inta Cummaan la jooga, Curfajana inta Mahrah la jooga.
Waxuu yiri Abuu Bakar:- Markii aad ka faaruqadaan, aad adiga ( Cikramah
) dhanka Yeman iyo Xadrulmowt, oo la jooga Muhaajir bin Abuu Umayah.
Waxuuna intaa dabadeed Abuu Bakar warqad u diray labadii amiir ee
Xudeyfah iyo Curfajah, taasoo uu ku ogeysiin in uu Cikramah u soo
diray, waxuuna amray inay la tashadaan, oo ay taladiisuna goostaan,
maadaama uu yahay nin qibrad u leh arrimaha dagaalka. Wuxuu Cikramah
ahaa mid geesi ah oo geesiyaashii iyo halyeeyada Carabta kamid ahaa.
Markii ay amaraadii u dhawaadeen Cummaan ayay u cid direen Jeyfar iyo
Cabbaad. Dabeeta Laqiid baa waxuu maqlay ciidamada dhulkiisa yimid,
markaa buu ciidankiisii soo dhaqaajiyey oo ku dhisay goob la yiraahdo
Dubaa. Waxayna goobtaasi ahayd suuq weyn oo dhulkaasi ku yiillay.
Waxuuna ciidankii soo daba dhigay hantidii oo idil, si aysan dib dambe u
milacsan oo ay maalkooda, carruurtooda iyo dumarkooduba u dagaallamaan.
jeyfar iyo Cabbaadna waxay ku kulmeen goob la yiraahdo Suxaar. Markaa
bay is raaceen oo ay ku biireen ciidamadii Muslimiinta.
Waxaa kulmay labadii koox, ciidankii Allaah iyo ciidamadii Sheydanka.
Waxaana goobtaa ka dhacay dagaal aad u daran oo lagu imtixaanay
Muslimiintii oo ayba ku sigteen inay dhabarka jeediyaan, haddii uusan
Alle nasri iyo gargaar deg deg ah usoo dejin jaantey rogi lahaayeen.
Markaa iyada ah oo xaaladdu ay darreed buu Alle Muslimiintii u turay, oo
sharfay oo u soo diray ciidamo gurmad ah oo katirsan qolooyinka banii
Naajiyah iyo Cabdiqeys. Markaana waxay ahayd goortii nasriga iyo
furashada, waxaana gacantii sareysay yeeshay ciidamadii Alle, halka laga
halligay xisbul daakhuudkii. Dhabarkay jeediyeen oo waa jabeen
ciidamadii Laqiid, markaa bay Muslimiintiina dhan waliba u raaceen oo si
daran u laayeen, waxaana laga dilay kufaartii tiro 10 000 oo dagaalyanno
ah, waxaayna Muslimiintii qaniimeysteen hantidii suuqaa tiillay oo aad u
badneyn. Kadib waxay qaniimadii ka saareen khumuskii oo intii kalena
qaysadeen, dabeetana waxay khumuskii u dhiibeen mid kamid ah madaxdii
ciidamada, waxuuna ahaa Curfajah Al Baaruqiy. Intii howshii soo gutay
buuna ciidamadiisii kusoo noqday mar kale.
Ammaa Mahrah, waxaynu soo xusnay in markii hore uu Abuu Bakar Siddiiq
soo amray inay ka bilaabaan Cummaan, dabeetana ay ku xijiyaan Mahrah,
kadib markay ka faaruqaan Cummaan. Waa sidaase markii ay ka faaruqeen,
waa tii khumuskii qaniimada loo dhiibay Curfajah Al Baaruqiy si uu
khaliifadii Rasuulka SCW ( Abuu Bakar ) ugu geeyo. Haddaba markaa ayaa
waxaa Mahrah aaday Cikramah iyo ciidamadiisii lasocoday, waxuuna tegay
goobtii Mahrah oo uu kula kulmay laba ciidan oo middoodi ka badanyahiin
kooxda kale. Kooxda badan waxaa amiir u ahaa nin la oran jiray Al Misbax
Al Muxaaribi. kuwa kalena waxaa amiir u ahaa nin la oran jiray
Shakhriit. Labadan amiir ee meesha deganaa way is khilaafsanaayeen.
Khilaafkooduna waxuu Muslimiinta u ahaa naxariis Alle xaggiisa uga
timid. Kadib Cikrimah waxuu u cid diray Shakhriit si uu xaqa ugu soo
laabta, isagiina wuu yeelay oo wuxuu ku biiray ciidankii Cikrimah.
Dabeeta waxuu Cikrimah u cid diray Al Misbax Al Muxaaribi si uu isaguna
xaqa ugu soo laabto, hase ahaatee diidyay, oo waxuu ku faanay ciidan
badni iyo inuu awood u leeyahay inuu iska celin karo Muslimiinta.
Markaa buu Cikrimah soo dhaqaajiyey ciidankiisii oo ay is heleen Al
Misbax, waxaana dhex maray dagaal aad u culus, oo ka daran kii Dubaa ee
aan usoo xusnay. Dabeeta Alle baa guul iyo furasho siiyey ciidamadiisii
Muslimiinta, kuwii kalee riddaduna waa ay jabeen oo way kala firxadeen.
Al Misbaxna waala dilay, khalqi badan oo kamid ah qowmkiisiina waala
laayey. Halkaana waxay Muslimiinta qaniimo ahaan u heleen, hantidii
cadawgooda. Markaa baa inta khumuskii laga saaray loo qaybiyey ciidanka.
Dabeetana waxaa khumuskii loo dhiibay Shakhriit si uu Abuu Bakar ugu
geeyo. Bishaaradii guushuna waxaa loo dhiibay nin la oran jiray As
Saa'ib Al Caabidyu. Halkaana nin la oran jiray Culuuj baa gabay ka
tiriyey, kaasoo uu aad ugu amaanay Shakhriit iyo weliba guushii ay
Muslimiinta ka heleen cadawgooda.
Ammaa reer Yeman
Waxay iyagu horey u raaceen Aswad Al Canasi (oo magaciisu uu ahaa
Cubhalah bin Kacab bin Canas), oo Nebinnimo sheegtay. Ninkan isagu waxuu
soo shaacbaxay waqtigii Rasuulka SCW, oo uu Nebinnimadu sheegtay,
markaasoo uu ka saaray Sanca madaxdii uu Rasuulka SCW horey ugu diray.
Dabeeta waxaa raacay qaar kamid ah reer Yeman. Markaa buu Rasuulka SCW
markuu maqlay soo bixidda ninkan ayuu warqad qoray oo uu u dhiibay nin
la oran jiray Wabar bin Yuxannas Al Daylami. Waxuuna warqaddaa u diray
madaxdii Yeman joogtay oo uu amrayo inay la dagaallamaan Aswad Al
Canasi, oo waxuu kaloo farriin u diray reer Yeman in dhammaantood la
dagaallamaan ninkaasi.
Yeman markaasi waxaa joogay Mucaad bin Jabal, oo haweeney Sukuuniyad ah
ku guursaday, waxaana la oran jiray haweeneydaasi Ramlah As Sukuuniyah.
Waxaa kaloo joogay Khaalid bin Saciid bin Al Caas oo masuul ka ahaa
deegaannadii Caamir, Rafac, Zubeyd iyo weliba qeyb kamid ah dhulkii
Najraan. Sidoo kale waxaa joogay Shahar bin Baadaan oo Yeman kor masuul
ka ahaa. Iyo waxaa kaloo joogay oo kamid ahaa madaxdii Rasuulka SCW
masuulka uga ahayd Yeman oo uu kamid ahaa Abuu Muusa Al Ashcari oo
Ma'rib masuul ka ahaa. Waxaa kamid ahaa Yaclaa bin Abii Umayah oo Janad
masuul u ahaa, iyo Daahir bin Abii Haalah oo Cakah iyo Ashcariyiinta
madax u ahaa, iyo Camr bin Xaraam oo qeyb Najraan kamid ah madax u ahaa.
Dhulka Xadrulmowt-na waxaa masuul ka ahaa Ziyaad bin Lubeyd. Sidoo kale
waxaa joogay Cukaasha bin Thowr ibnu Akhdar oo madax u ahaa Sakuun iyo
Sakaasik, iyo Cabdillaahi bin Qeys oo madax u ahaa banii Mucaawiyah iyo
Kindah. Mucaadna waxuu ahaa macallimkii Baldeynka ( labada Balad )
yacnii Xadrulmowt iyo Yeman, waxuuna Rasuulka SCW Mucaad amray markuu
diraayey inuu iskaga kala goosha labadaa dhul Yeman iyo Xadrulmowt oo uu
dadkooduna macallim u noqda.
Iyagoo ay xaaladdaasi ku sugan yahiin amraa'dii Rasuulka SCW buu ninkan
Al Aswad Al Canasi soo baxay. Waxuuna ka soo jeeday oo uu ka yimid
deegaan la yiraahdo Kahf-Khubbaan, oo waxuu markaasi watay 700 oo
dagaalyahanno ah.
Kadib waxuu warqado u diray masuuliyiintii Rasuulka SCW ee Yeman ku
sugnayd oo waxuu ku yiri:- Innagaa idinkaga xaq leh ee inoo soo celiya
dhulkayaga oo, waxaad idinku leedihiin waa dhulkiina.
Dabeeto waxuu abbaaray dhankii Najraan oo qabsaday 10 casho kadib soo
ifbixiddiisii. Dabeeto waxuu aaday dhanka Sanca oo waxaana ka hor yimid
Shahar bin Baadaan oo waxaa dhex maray dagaal culus, oo lagu jebiyey
ciidamadii Shahar bin Baadaan, isagiina (Shahar) waa la dilay. Markaa
buu galay Aswad magaaladii Sanca oo uu qabsaday 20 casho kadib soo
ifbixiddiisii. Dabeeto Mucaad iyo Abuu Muusal AShcari waa ay ka
baxsadeen Sanca iyo deegaannadii Yeman oo waxay aadeen dhankii
Xadrulmowt. Masuuliyiintii Rasuulkuna SCW Waa ay kala faniineen, oo Camr
bin Xaraam iyo Khaalid bin Saciidna waxay aadeen dhankii Madiina oo ay
kulaabteen. Sancana waxay gacanta u gashay Al Aswad Al Canasi oo masuul
ka noqday.
Maalintii ay Aswad is helayeen Shahar bin Badaan waxuu ciidankiisu
dhamaa 700 sidaynu soo xusnayba, waxaana kamid ahaa madaxdii ciidankiisa
Qeys bin Cabdiyaaquuth, Mucaawiyah bin Qeys, Yaziid bin Maxram, Yaziid
bin Xisni Al Xaarithi iyo Yaziid bin Al Afkal Al Uzdiyu. Xukunkiisiina
wuu ku xoogeystay Yeman.
Camr bin Macdiyakrib isagu wuu riddoobay oo waxuu amiir u noqday Banii
Mudxij oo uu masuul uga ahaa Al Aswad, Al jandu waxaa masuul uga ahaa
Qeys bin Cabdiyaaquuth, Abnaa-guna ( Abnaa waxay ahaayeen qolo
asalkoodu Faaris ka soo jeedday oo waxay dhulka Yeman yimideen markii ay
Yeman ka dalbatay Faarisiinta inay uga gargaaraan Xabashida oo markaa ay
qaatiyaan ka joogeen. Markaa buu boqorkii Furus ee waqttigaa jiray usoo
diray ciidan, kuwii xabsiyada ku jiray oo uu cafis u fidiyey , markiina
ay yimideen Yeman bay degeen oo ay habdhaqankii iyo hanaankii Carabta
yeesheen oo ay ka guursadeen, dabeetana dadkaa firkoodii ayaa loo
baxshay Abnaa. ) waxaa masuul uga ahaa Feyruuz Al Deylami iyo
Daadaweyhi, oo iyagu Muslimiin mu'miniin ahaa, oo qorsha kale
maldahayey, waxay doonayeen uun inay dilaan Aswad Al Canassi.
Al Aswad wuxuu guursaday haaweeneydii Shahar bin Baadaan oo ay Feyruuz
Al Deylami ilmo adeer ahaayeen, taasoo la oran jiray Zaad (ama Aazaad)
Al Deylamiyah, waxayna ahayd haweeney mu'minad saalixad ah.
Markiina ay maqleen geeridii Rasuulka SCW baa dad badan oo reer Yeman
kuwii Islaamka ku jiray ah ay riddoobeen, iyagoo markii horeba shaki iyo
laab laab ku jiray. Haddaba waxaa u tashaday Saddex kamid ah madaxdii
dhulkaa joogtay sidii ay ku dili lahaayeen Al Aswad isagoon fahmin
arrinta ay damacsanyahiin. Waxayna u muujin jireen inay isagu
rumeysanyahiin Nebinnimadiisa. Saddexdaa nin waxay kala ahaayeen Feyruuz
Al Deylami, Daadaweyhi iyo Qeys bin Hubeyrah bin Hilaal (Al Muraadi) Al
Bujaliyi oo loo yaqiinnay Qeys bin Makhsuux. Waxaa howshan la wadday
gabadhii uu qabay Al Aswad Al Canasi oo ay ilma adeer ahaayeen Feyruuz
Al Deylami, waxayna ahayd haweeney mu'minad saalixad ah sidaynu soo
xusnayba.
Haddaba goor habeen ah ayuu Feyruuz dilay Aswad oo uu madaxa ka jaray.
Dabeetana waxaa damcay inuu xukunka Yeman qabsado Qeys bin Makshuux.
Waxuuna go'aansaday inuu dilo labada masuul ee kale (Feyruuz iyo
Daadaweyhi), hase ahaatee arrintaa uma aysan suuro gelin, kaliya waxaa u
suuro gashay inuu dilo Daadaweyhi . Sababtuna waxay ahayd mar buu
usameeyay raashiin, dabeetana uu marka hore u cid diray Daadaweyhi si uu
gurigiisa u yimaado. Markii uu Daadaweyhi yimid buuna Qeys ku deg degay
oo dilay. Misna waxuu u cid diray Feyruuz Al Deylami, markaa buu Feyruuz
dhankii Qeys aaday. Isagoo dariiqa marayo ayuu maqlay codka labo haween
ah oo midi ay midda kale ku oraneyso :-Kanna isagu waa mid la dili
doono, sidii loo dilay saaxiibkiis.
Markaa buu fahmay oo inta jidkiisii ku laabtay ayuu u tegay
asxaabtiisii, oo uu uga warramay waxa dhacay iyo in la dilay Daadaweyhi.
Kadib waxuu Feyruuz aaday dhanka reer abtiyaashii banii Khowlaan,
waxaana u gargaaray qabiilooyinka Cakka iyo Caqiil iyo khalqi kale.
Dabeetana Qeys waxuu qaatay labadii daar ee Daadaweyhi iyo Feyruuz,
Abnaa-giina ciidankiisii ayuu ku daray, markaasuu ku weynaaday dhulkii
Yeman, oo ciidamo u diray bad iyo berri. Muddo kadibna waxaa yimid
Feyruuz oo hoggaaminayo khalqi tiro badan. Waxayna is heleen Qeys oo
dagaal darani dhex maray, kaasoo lagu jebiyey Qeys iyo ciidamadiisii.
Qeys iyo Camr bin Macdiyakribna waala soo qabtay qafaal ahaan, markaa
baa Muhaajir bin Abuu Umaya waxuu amray in loo geeyo Abuu Bakar Siddiiq.
Markii loo geeyayna waa ay u cududaarteen isagiin waa uu ka aqbalay,
wixii aay muujisanayeen, sirahooduna waxuu u wakiishay Allaah Sarreeye.
Kadibna masuuliyiintii Rasuulka SCW ee Yeman masuulka ka ahayd, waxay ku
laabteen meelahoodii ay horey masuulka uga ahaayeen waqtigii nolashii
Rasuulka SCW, kadib markay galeen dagaallo aad u dhaadheer oo haddaynu
is orona aad si faah faahsan uga hadashaan ay runtii inagu
dheeraanayaan, markaa intaa ayunbaan kusoo koobeynaa hadduu Alle idmo,
oo waxaan usii gudbi doonnaa dhacdooyinkii kalee jihooyinka kale
kasocday. Arrintu iyo dagaalladuna sidaa bay u socdeen jeer ay
Jasiiraddii Carabta oo idil nadiif noqotay, oo daacaddii iyo Islaamka ay
usoo wada noqdeen.
Waxaana caan noqday qowlkii Abuu Bakar Siddiiq uu yiri ka hor intuusan
weerraradan qaadin, kaasoo ahaa:- Ma anigoo nool ayay diintu
nusqaameysaa??.
Runtii wuu ka runsheegay Abuu Bakar oraahdiisaasi oo waa mid laga wada
marag kacay, taariikhduna ay marqaati cad u noqotay.
Badi dagaalladan aanu soo xusnayna waxay dhaceen dhammaadkii sannaddii
11aad ee hijriga illaa horraantii sannaddii 12aad ee hijriyada, waana
sida ay culimada mu'arrakhiinta badankoodu qabaan.
SANADKII 12AAD EE HIJRIGA
Sanadkani markii uu bishay, dowladdii Islaamka dhidibidda ayaa loo
aasay, muddadii yareydna ee uu Abuu Bakar xilkaasi hayay Jaziiraddii
Carabta oo idil waa uu sifeeyay oo ciidamadii Muslimiintu midig iyo
bidix bay xaaqeen. Waxuu Abuu Bakar la diriray dadyowgii riddoobay oo
ay kamid ahaayeen reer Yamaama, reer Najad iyo Dhuleyxa, reer Yeman,
Mahrah, Cummaan, Baxreen iwm. Muddaadii yareydna waxaay Jaziiraddii oo
idil u hoggaansameen Islaamka.
Qaar kamid ah Culamaa'i Siirah ayaa waxay qabaan in dagaalkii Yamaama uu
dhacay sanadkan 12aad bisha Rabiicul Awal. Qaar kalena waxay
yiraahdeen:- Waxuu ahaa dagaalkaas sanadkii ka horeeyay kan ( sanadkii
11aad ee hijriga ) dhammaadkiisa. Waxaase lagu kulmiyaa aqwaashaan
sidaynu soo xusnayba in uu dagaalkan billawday dhammaadkii sanadkii
11aad uu dhammaaday billawgii sanadkii 12aad ee hijriga.
Waxaa kaloo la sheegaa in dhacdooyinkii, Cumaan, Mahrah, Baxreyn iyo
Yeman ay dhaceen sannadkan 12aad. Waxaanu soo qaadan doonnaa hadduu Alle
idmo waxyaabihii sanadkan dhacay oo dhacdooyin iyo mawaaqic ah,
arrimihuna sidii hore maaha oo iminku xaaladdu way furfurmatay, oo
Jaziiraddii uu idil baa u hoggaansantay dowladdii Islaamka ee uu
hoggaanka u hayay Saddiiq Illaahay haka raalli noqdee.
Sanadkan dhexdiisa waxaa la dilay afartii boqor ee loo yaqiinnay Xammad,
Maxras, Abdhacah iyo walaashood Al Camarradah. Waxuu kusuganyahay xadiis
lagu lacnaday Musnad-ka Iimaam Axmed, waxana dilay Ziyaad Al Ansaari.
Diriddii Khaalid Bin Waliid Ee Dhanka Ciraaq
Markii uu Khaalid ka faaruqay Yamaamah buu Abuu Bakar amray inuu aado
dhanka Ciraaq, waxuuna amray inuu ka billaabo Faraj Al Hindah, waxuuna
amray inuu Ciraaq ka galo kor, oo dadkuna isu soo duwa oo xagga Alle
Cazza wajalla ugu yeero, oo hadday yeelaan waa sidaa sida la rabay,
haddii kale waa inay bixiyaan jizyo, haddeys diidaanna taa iyada ah waa
inuu la dagaallamo, cidinana uusan ku qasbin raacidda, oo wuxuu amray
inuu kaxaysto oo kaliya inta raacda. Waxuu kaloo amray in uusan gargaar
weydiisan kuwii riddoobay oo uusan cadawga u kaalmeysan, waxuuna u
tilmaamay inuu horey la sii saaxiibo cidkastoo kamid ah madaxda
ciidamada Muslimiinta ee uu la kulmo oo uu horey usii kaxeysto intii u
suuro gasho.
Intaa kadibna waxuu Abuu Bakar u kacay inuu diyaariyo ciidama kala oo
gurmad u noqda Khaalid iyo wardoonna qaas ah inuu sameeyo.
Haddaba waxaa khilaaf ka taagan yahay Khaalid bin Waliid ma toos buu
Yamaama uga baxay oo uu Ciraaq sidaa ku aaday, mise Madiina buu tegay oo
uu Ciraaq ka aaday?
Culimada qaarkood waxay sheegaan in uu si toos ah Yamaamah uga baxay oo
sidaa Ciraaq ku aaday, halka kuwa kalena ay qabaan inuu ku laabtay
Madiina , dabeeto uu Madiina ka baxay oo sidaa Ciraaq ku aaday. Waxuuna
maray jidka Kuufa ee maanta oo sidaa ku dhaqaaqay jeer uu gaaray Xiirah.
Ibnu Kathiir isagu waxuu rajaxi in uu Khaalid Madiina ku laaban oo si
toos ah uu u baxay kadib markuu Yamaamah ka faaruqay.
Maxamed bin Isxaaq isagu waxuu qabaa in uu Khaalid ka baxay Yamaamah
kadib markuu Abuu Bakar warqad usoo diray oo uu ku amray inuu Ciraaq
aado. Markaa buu Khaalid dhaqaaqay oo sii maray labo qaryo oo la kala
oran jiray Baanuqiyaa iyo Baaruusimaa, waxaana masuul ka ahaa nin la
oran jiray jaabaan, dabeetana Khaalid wuu la heshiiyey sida uu Ibnu
Isxaaq qabo.
Waxaa kaloo iyana la sheegaa in heshiiska ka hor ay Muslimiintii ka
laayeen cadawga tiro badan, kadib bay dalbadeen inay jizyo bixiyaan oo
ay heshiis dalbadeen, waxaana lagula heshiiyey qiima 1000 Dirham ama
Diinaar sanadkan. Waxuuna ahaa ninkii Khaalid ka guntay heshiiskaa
Busbahri bin Saluubaa. Kadib Khaalid waxuu u qoray warqad dadkii meeshaa
ku sugnaa, kadibna horey ayuu usii socday illaa uu degay Xiirah,
dabeetana waxaa kusoo baxay dadkeedii madaxyaweynta ahaa oo la socdaan
Qabiissah bin Iyaas bin Xabbah Al Dhayi oo markaa masuul uga ahaa
boqorkii Furus ee Kisraa kadib xukunkii Nucmaan bin Al Mundir.
Khaalid bin Waliid waxuu ugu yeeray xagga Alle oo waxuu ku yiri:-
Waxaan idinkugu yeeri xagga Allaah iyo Islaamka. Haddaad yeeshaan
markaa waxaad kamid noqoneysaan Muslimiinta, oo waxaad leedahiin waxa ay
iyagu leeyahiin, waxaana dushiina ahaaday waxa iyagu dushooda ah,
haddaad diidaan, waa inaad bixisaan jizyo, haddaad jizyadu diidaanna
xaqiiqdii waxaan idiinla imid qowm ugu dadaali og geerida sida aad
idinku noolasha ugu dadaashaan. Waan idiinla dirireynaa oo aan idiinla
jihaadeynaa jeer uu Alle nakala xukmiyo dhexdeenna iyo dhexdiinna.
Qabiissah baa waxuu yiri:- Wax dan oo aan ka leennahay ma jirto la
dagaallankiina ee waxaanu bixineynaa jizyo, waxaana ku baaqi noqoneynaa
diintayada.
Dabeeto halkaa waxuu Khaalid kula heshiiyey qiima 90 000 oo Dirham.
Werin kalana waxaay sheegi in uu kula heshiiyey 100 000 Dirham. Waxayna
taasi ahayd heshiiskii ugu horreeyay ee uu Khaalid Ciraaq kula galo.
Kadibna waxaa hantidaaso iyo kuwii ka horreeyay ee uu Khaalid kula
heshiiyey tuulooyinkii ka horreyayba loo diray magaalladii Madiina.
Khaalid bin Waliid waxuu intaa kadib warqad u diray madaxyaweyntii Furus
iyo wasiiradoodii ku sugnaa magaalladii Al Madaa'in. Waana kan naskeedi
:
Ka: Khaalid bin Al Waliid
Ku: Waziirada reer Furus.
Nabadi ha ahaato dusheeda ciddii raacdo hanuunka, intaa dabadeed, waxaa
mahad iska leh Allaah, kaasoo tegsiiyey jameecadiinnii,
boqortooyadiinniina soo dhiibay ( oo soo gacan geliyey ),
dhagartiinniina daciifiyey. Kii tukada salaaddayada oo qaabila
qibladdayada oo cuna gowracayaga, waa uun kaas Muslimkii lahaa waxa aanu
innagu leennahay, oo ay dushiisu ahaatay waxa dushayada ahaaday.
Intaa kadib.
Hadday idiin timaaddo warqadeyda, iisoo dira rahamad oo igana gunta
heshiis. Haddaydaan sidaa sameyn Kii ( Allaah ) baan ku dhaartaye
uusanna jirin mid qeyrkiiye waxaan xaggiina usoo diri doonaa qowm u
jecel geerida sida aad idinku noolasha u jeceshahiin.
Markay akhriyeen madaxdii Furus warqaddaasi Khaalid katimid bay la
yaabeen oo yaab iyo amakaag darani ay ku beertay.
Dhanka kale sida uu Imaam Seyf bin Cumar qabo, Khaalid waxay is heleen
markuu Ciraaq tegay Hurmuz oo kamid ahaa madaxdii Furus dhulkaasi Maraj
Hinda masuulka uga ahaa. Waxuu Hurmuz ahaa nin ay ku weyneed diintii
Majuusta oo waxuu ahaa nin misna faan iyo isla weyne badan oo qooqaa ah.
Waxuu masuul u ahaa khalqi badan oo ku sugnaa agagaarkaas. Haddaba
Khaalid markuu u dhawaaday buu Hurmuz warqad u diray, taasoo uu ugu
yeerayo xagga Allaah. Hurmuzna warqaddii Khaalid waxuu u diray boqorkii
Furus ee Sheyraa bin Kisraa iyo wiilkii boqorka ee Ardasheer bin
Sheyraa, Markaasina Hurmuz waxuu aruuriyey ciidamo tiro badan, dabeetana
waxuu abbaaray dhanka Kaadhimah oo ah meesha maanta loo yaqaan Kuweyt,
labada dhinac ee ciidankiisuna waxaa kala hoggaaminayey oo uu madax uga
kala dhigay Qabbaad iyo Aanushajjaan oo ka tirsana qoyska boqortooyada,
waxuuna ciidamadiisii badankoodii ku xiray sil silado si aysan u
cararin, dabeetana waxuu ku dhaqaaqay dhankii Khaalid si uu uga hor tego
isagoo ay la socdaan 18 000 ( 18 kun ) oo ciidamadii Muslimiinta ah,
dabeetana waxay degeen meel cadawgu kasokeyso oo aan ahayn dhanka
biyaha, ( dhanka biyaha waxaa xigay cadawga ). Markaa buu Muslimiintii
oon darani qabtay oo taas waxay uga eed sheegteen amiirkoodii Khaalid
bin Waliid. Dabeeta Khaalid waxuu Muslimiintii kubooriyey inay sabraan
oo adkeystaan ayna cadawga ka durkistaan biyaha, muddo yar kadibna
Allaah baa keenay daruur ay ka wada cabbeen Muslimiintii oo ay
weelashoodiina ka dhaansadeen, tanina waxay Muslimiintii u siyaadisay ad
adkaan iyo sugnaan oo si aad ah bayna ugu farxeen.
Kadib waxaa is helay labadii qole, oo waxaa ka soo baxay dhanka kufaarta
Hurmuz oo dalbanayo Mubaarizo, waxaana u ban baxay halyeeygii weynaa ee
Khaalid bin Waliid, waxayna is dhaafsadeen laba darba, waxaase ka
shuqliyey Khaalid inuu Hurmuz ka takhaluso qaar kamid ahaa ilaaladiisii,
oo iyagu difaacayay amiirkooda, weerarro isdabajoog ahna ku qaadayay
dhanka Khaalid, markaa baa iyagiina waxaa meel gees ah uga soo booday
halyeeygii weynaa ee Al qacqaac bin Camr At Tamiimi oo si xun u
gummaaday, markaa bayna kala firxadeen oo jabeen. Muslimiintii dhan
waliba ayay u raacdeysteen cadawga oo ay laynayeen illaa habeenkii,
waxayna ka furteen hanti faro badan iyo silsilado aad u badan, halkanna
waxaa cadawga looga laayey tiro aad u badan oo ay u badnaayeen kuwii
silsiladaha ku xirnaa, kadibna Khaalid waxuu qaybiyey qaniimadii kadib
markuu kasaaray khumuskii, waxuuna ku qeybiyey meesha ay maanta tahay
buundada weyn ee Basra, kadibna waxuu diray khumuskii qaniimada oo uu u
diray dhankii khaliifkii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Sidiiq, waxuuna ugu
sii dhiibay nin la oran jiray Zir bin Kuleeyb. Waxaa qaniimadaasi ku
jiray maroodi ay aad ula yaabeen dumarkii reer Madiina. Abuu Bakar
Sidiiq markii qaniimadii loo geeyay waxuu Zir lasoo celiyey maroodigii.
Hantidii Madiina la geeyayna waxaa kamid ahaa 1000 shey oo kamid ahaa
noocyadii libbiska ee Hurmuz oo xariir iyo murjaan iyo yaaquut
kasameysnaa.
Intaa kadib Khaalid wuxuu jiha waliba midig iyo bidix u diray qaar kamid
ah madaxdii ciidankiisa, si ay u go'doomiyaan qalcadooyinka aagaggaas ku
yiillay, dhammaanna waala furtay, mid xoog lagu furtay iyo mid heshiis
lagu furtayba. Dadkii halkaa deganaa ee qotida ahaydna Khaalid wax dhib
ah ma uusan gaarsiin oo waxuu ku darbay inay jisyo bixyaan, sidaa ayuuna
kula heshiiyay.
Dagaalkani waxaa loogu magac daray Daatus-salaasil, sababta silsiladihii
farada badnaa ee Faarisiintu isku dabreen darteeda.
Dhacdadii Al Madaar (Al Thaniyi)
Kadib waxaa dhacay dhacdadan Al Madaar oo dhacday bishii Safar ee
sanadkan (12aad), waxaa kaloo loo yaqiinnay dhacdadii Thaniyi oo ah webi
loogu magac daray.
Sababtii dhacdadan waxay ahayd, Hurmuz baa warqad u qoray boqorkii Furus
ee waagaa jiray, waxuuna warqaddaa ku ogeysiinayey soo galootiga uu
Khaalid dhulka Furus soo galay isagoo kayimid dhanka Yamaama. Haddaba
markaa buu boqorkii soo diray ciidan Faarisiin ah oo gurmad ah, kaasoo
uu madax uga dhigay nin la oran jiray Qaaran bin Qaryaanus. Ciidankaan
ma aysan gaarin Hurmuz, oo waxaa dhacay wixii dhacay ee aan horey usoo
xusnay, waxaana la dilay intii la dilay, waxaana cararay intii carari
kartay ee ciidamadii Furus. Dabeeto intii baxsatay ayaa waxay ka hor
tegeen Qaaran iyo ciidankiisii gurmadka ahaa, waxaana la isku waafaqay
in Khaalid loo laabto oo weerar culus lagu qaado. Kadib Qaaran waxuu
ciidamadiisii ula weecday dhanka goob la yiraahdo Al Madaar oo uu ku
dhisay isagoo dhanka midigta iyo bidixda u kala dhiibay Qabbaad iyo
Aanushajjaan. Markii uu warkan gaaray Khaalid bin Waliid baa waxuu
qeybiyey qaniimadii Daatus-salaasil, waxuuuna warka gaaray ka hor
intuusan qaniimadaasi qeybin, dabeetana waxuu diray khumuskii qaniimada
sidaynu horey usoo xusnayba , waxuuna khabarkii guushana usii dhiibay
Waliid bin Cuqbah bin Abii Muceydh, isagiina Khaalid iyo ciidankiisii
waxay ku dhaqaaqeen dhankii cadawga oo ay is heleen, waxaana dhex maray
dagaal qaraar oo faraha la isaga gubtay, markaa baa waxaa soo baxay
Qabbaad oo dalbanayo mubaarazo dabeetana waxaa u baxay Khaalid bin
Waliid, waxaase uga hor maray laba kamid ah geesiyaashii Muslimiinta oo
kala ahaa Macqal bin Al Acshaa bin Al Nabaash iyo Caddiyi bin Xaatim Al
Dhaa'iy, Macqal waxuu dilay Qaaran, Caddiyina waxuu dilay Qabbaad,
amiirkii saddexaad ee ciidankaa Faarisiintuna (Aanushajjaan) waxaa dilay
Caasim bin Camr At Tamiimi (Al qacqaac walaalkiis) oo kamid ahaa
halyeeyadii Muslimiinta. Kadib Faarisiintii way jabeen, Muslimiintiina
dhan walibay u raacdeysteen , waxaana maalintaa laga dilay Faarisiinta
tiro 30 000 (Soddon kun) ah, in kaloo badanna wabigii ayay ku hafteen,
halkaana waxay Muslimiintii ka heleen qaniimo tiro badan iyo hub aad u
fara badan, Khaalidna waxuu ciidankiisii amray in la aruuriyo hubka
dadkii la dilay ee cadawga.
Waxuu Khaalid kusii sugnaaday goobta Al Madaar oo uu aruurinayey hubkii
Majuusta, markiina uu ka faaruqay baa waxuu qaybiyey qaniimadii meeshaa
laga helay, qotidii meeshaa daganeydna waxuu kula heshiiyay jizyo,
dabeetana Khumuskii iyo bishaaradii guusha baa waxuu u dhiibay Sacad
bin Nucmaan Al Qurashi Al Cadawiyu si uu ugu geeyo Khaliifkii Rasuulka
SCW ee Abuu Bakar Siddiiq. Waxaa ku jiray qaniimadaas dad la soo
qafaashay, waxaana dadkani kamid ahaa Xabiib (ama Yazaar) oo ahaa Xassan
Al Basri aabahiis, Maanifah mowlaa Cuthmaan bin Cafaan iyo Abuu Ziyaad
mowlaa Muqiirah bin Shucbah.
Khaalid waxuu u xilsaaray aruurinta jizyada Suweyd bin Muqarrin Al
Muzanni, muddo ayuuna halkaa kusugnaa oo uu doon doonayey warka cadawga.
Dhacdadii Al Walijjah
Kadib waxaa dhacday dhacdadan Al Walijjah oo iyana dhacday isla bishan
Safar sida uu xusay Ibnu Jariir. Sababtuna waxay ahayd markii uu gaaray
warka dhacdadii Madaar kahoreysay iyo Qaarraan boqorkii Furus baa waxuu
soo diray ciidan gurmad ah oo uu amiir uga dhigay nin kamid ahaa
halyeeyadii Furus oo la oran jiray Al Andarzaghar. Ninkan Andarzaghar
waxuu ku dhashay magaallada Madaa'in ee xaruntii boqortooyadii Furus oo
uuna ku barbaaray, waxuu ahaa nin magac ku lahaa Furus dhexdeeda.
Dabeeta waxuu lasoo dhaqaaqay ciidankiisii, boqorkii Furusna waxuu soo
diray ciidan kaloo gurmad ah oo uu hoggaaminayey nin la oran jiray
Bahman Jaadaweyhi, dabeeta way is raaceen oo waxay abbaareen dhanka goob
la yiraahdo Al Walijjah. Khaalid bin Waliid baa maqlay warkooda
dabeetana la dhaqaaqay intii lasocotay ee ciidankiisa, waxuuna u
dardaarmay kuwii uu meeshaa uga tegay inay digtooni muujiyaan oo mar
waliba ay qaflahooda yareeyaan, ayna badiyaan wardoonnadooda.
Labada koox waxay isku heleen goobta Al Walijjah , waxaana dhex maray
dagaal ka daran kuwii ka horeeyay oo socday jeer labada dhinacba ay u
maleeyeen in uu ka dhammaaday sabarkii, markii damba buu Alle nasri iyo
guul usoo dejiyey ciidamadiisii , waxaana jabay safafkii cajamta reer
Furus, Andarzaghar-na goobta dagaalka ayuu ka rooray oo dhexda ayuu oon
ugu bakhtiyey. Halkan waxay Muslimiintii ka heleen qaniimo fara bada ,
Khaalidna intuu khumuskii ka saaray buu Muslimiintii u qeybiyey, kadibna
Khumuskii waxuu u diray dhankii Madiina iyo Khaliifkii Rasuulka SCW.
Waxaa la sheegaa in dhacdadaan uu Khaalid usoo ban baxay mubaarazo ahaan
nin u dhigma Faarisiinta dhexdooda 1000 nin , markaa buu Khaalidna si
fudud uga tallaabsaday gaalkaa majuusiga ah.
Halkaas waxuu Khaalid Muslimiintii ugu jeediyey khudbo cajiib ah oo uu
ku xasuusiyey nimcada Allaah iyo in dhulkoodii ay ka fogyahiin oo Alle
guulo iyo nasri is daba joog ahna u sababay inay helaan. Waxuuna u dar
daarmay wanaagga oo ka reebay xumaha.
Dhacdadii Uleys
Kadib waxaa dhacday dhacdadan Uleys oo dhacday bishii Safar ee isla
sanadkan 12aad ee Hijriyada, waxayna ahayd sababteeda in Khaalid bin
Waliid uu laayey maalintii Walijjah in badan oo kamid ah banii Bakar bin
Waa'il oo Carabtii Nasaareyda ahayd. Markaa bay cashiiradoodii isku
tegeen oo shir u fadhiisteen, koodii ugu dhaqdhaaq weynaa arrinkaasina
waxuu ahaa nin la oran jiray Cabdu bin Al Aswad Al Bujali, kaasoo wiil
uu dhalay lagu dilay dhacdadii hore. Markaasay warqad u qorteen Cajamtii
reer Furus ee ay tabaca u ahaayeen, boqorkii Ardaasheerna waxuu usoo
diray ciidan culus, waxayna labadaa qola ( yacni Cajamta iyo Carabtii
Nasaareyda ) ay ku kulmeen goob la yiraahdo Uleys.
Goor ay u diyaar garoowayeen cunidda cunta, ayaa waxaa ciidamadiisii
kusoo qafleeyay Khaalid bin Waliid, markaasey intoodii badneyd
tilmaameen in cunnada la cuno, waxaase hadlay amiirkii ciidamada
Cajamta oo ku taliyey in loo kaco ciidanka Khaalid ee aan loo fadhin
cunidda raashiinka, hase ahaatee dhaq jalaq uma aysan siin ee waxay
wateen howshoodii u diyaar garowga cuntada ahayd.
Markaa buu Khaalid bin Al Waliid ciidankiisii la soo degay hortooda, oo
isagiina inta ciidankii kasoo dhex baxay ayuu dhankii cadawga u
dhaqaaqay isagoo ku qaylinaya cod aad u dheer oo u yeeraya geesiyaashii
Carabta ee halkaa joogtay isagoo oranaya:- Aaway hebal! Aaway hebal! ?
Mid kamid ahi uma uusan soo bixin oo dib ayay u wada laabteen, waxaana
markaa ka soo dhex baxay nin la oran jiray Maalik bin Qeys Al judri
mubaarizo ahaan, markaasuu Khaalid ku yiri ninkaas:- Yaa ibnu
Khabiithah! (Waar ina Quranloow!), maxaa dhexdooda kaasoo saaray adigoon
waxba iga tareyn? Dabeetana waa uu dilay.
Markaas bay Cajamtii ka kala boodeen raashiinkii oo ay hubkii ku ordeen,
waxaana halkaa ku dhex maray dagaal aad iyo aad u daran, Mushrikiintuna
waxaa isaga soo daba dhacayey gurmad kaga imanayey dhanka boqorkooda,
waxaynta taasi u siyaadineysay ad adkaan iyo in ay dagaalka horey ugu
sii socdaan, Muslimiintiina waxay maalintaa muujiyeen adkeysi, oo waxay
sabreen sabar aad u xeelad dheer. Goor uu dagaalku meeshii ugu
kharaareed marayo ayuu Khaalid Rabbigii baryay oo yiri:- Allahayoow!
haddii aad guusha naga siiso kuwan, waxaa igu ballan ah inuusan midkooda
aan awood u helo inaan qabto uusan iga fakan jeer webigooda uu isku
beddelo licayga dhiiggooda''. Dabadeed Alle baa ciidankiisii u gargaaray
oo cadawgooda ka siiyey guushii, markaasuu Khaalid ciidankii amar ku
siiyey in la qabqabto qafaal ahaan oo aanan la dilin midkii isagu diido
mooyaan in la qafaasho, kaas waxuu amray in unuunka loo dheereeyo.
Dabadeed fardooleydii Muslimiinta baa jiha walba u baxday oo cadawgii
daba dhigatay, waxayna soo qab qabanayeen cadawga oo koox koox ah,
waxaana la iskugu aruurinayey webiga jinkiisa, oo Khaalidna waxuu u
xilsaaray rag qawjad ah inay webiga dushiisa ugu xiiraan xayntii walibo
ee lasoo qabto, markaasaa kurka loogu jarayay webiga dushiisa midkasta
ama koox kastoo lasoo qabta, sidaa baana lagu waday habeen iyo maalin
iyo maalin iyo habeenkeedii kale oo qoorta looga wada gooynayey mid
kastoo lasoo qabtaba, illaa uu webigii la socon waayey dhiiggoodii
dartii, heer markii dambe ay madaxdii ciidanka Muslimiinta yiraahdeen:-
Webi waxuu la dhaqaaqi waayey dhiiggooda dartii''. Khaalid bin Waliid
Alle waa uu u baarrinnimo falay oo dhaartiisiina waa uu guday. Sidaa
ayaana webigii loogu baxshay Nahru-dammi, magacaas oo illaa maantadan
loo yaqaan.
Waxaa la sheegaa dadkii uu Khaalid dagaalkan ku laayey inay tiradoodu
ahayd 70 000 (toddobaatan kun), waxaana la sheegaa markay jabeen cadawga
oo ay soo gaddoomeen ciidanka Muslimiinta intoodii soo gaddoontay ayuu
Khaalid iskugu yeeray cunnida cuntadii ay horey u dhigteen cadawga goor
casho ah, markaasay cuneen casho ahaan.
Waxaa la sheegaa in dhammaan dadkii lagu dilay dhacdadaan Uleys ay kasoo
jeedeen deegaan la yiraahdo Alamqiishiya, markaasuu Khaalid xaggeedii u
jalleecay oo amray in la kharaabiyo, waxayna halkaa Muslimiintii ka
heleen qaniimo aad u tiro badan, waxuuna helay ninkii faras watey marka
laga reebo waxii dheeriga ahaa ee loogu daray 1500. Kadib Khaalid waxuu
diray khumuskii qaniimada iyo dadkii lasoo qafaashay oo uu udiray
dhankii Madiina iyo khaliifkii Rasuulka SCW, waxuuna u dhiibay nin la
oran jiray Jundal Al Cajali oo daliil dal aqoon ahaa.
Markii uu ninkaan gutey amaanadii loo dhiibay oo siday aheed uu farta
uga saaray Abuu Bakar, buu Abuu Bakar aad ula yaabay sida qiimaha badan
ee uu u gutay dhambaalkii loosoo dhiibay, markaasuu ku daray gabar kamid
ah dadkii qafaalka.
Goortaa buu Abuu Bakar Sidiiq yiri:- Kulanka Qureesheedeey!
libaaxiinnii (Khaalid aabahiis) wuxuu soo saaray libaax, haweeneyna waa
ay ka caajistay dhalidda Khaalid bin Waliid oo kale. Abuu Bakar Sidiiq
run buu sheegay, oo xaqiiqdii dumarkii waa ay ka caajiseen inay dhalaan
Khaalid bin Waliid oo kale, waxuu ahaa halyeey aanan seexan oona la
seexin, waxuu ahaa mid gacan adag ku qabta cadawga Alle iyo diintiisa la
colleytamay, saa mar waliboo Khaalid uu arko cadawga waxaan sugnaan iyo
farxad iyo rayn rayn ahayn ma u siyaadineyn. Waxuu Khaalid ahaa seyf
kamid ah seefaha Allaah ee uu ku xasuuqa acdaadiisa. Waa mid runtii Alle
u abuuray inuu Muslimiinta iyo Islaamkuba uu ku cizeeyo, halka
Mushrikiinta iyo Munaafiqiintuna uu bowdaha kaga jabiyey, mar waliboo uu
cadawgu maqlo magaca Khaalidna rucbi iyo argagax ayaa ku dhici jiray.
Kadib Khaalid wuu laabtay oo waxuu degay Al Khawarnaq, As-Sadayir iyo An
Najaf oo ahaa Qasriyo ku yiilley Xiirah, waxuuna jiha waliba u diray
sirriyaad si ay u go'doomiyaan qalcadaha Xiirah.
Culimaayi taariikh qaarkood waxay yiraahdaan:- Markaa buu Khaalid furtay
Xiirah.
Waxayna tilmaamaan in qalcadahii Xiirah qaarkood xoog lagu furtay qaarna
heshiis.
Waqtigaa iyada ah ee uu Khaalid la heshiinayey reer Xiiraa ayuu mar la
kulmay Ibnu Bukheylah (Camr bin Cabdumasiix bin Bukheylah) oo markaa
kiish yar gacanta ku sitay. Khaalid baa weydiiyey:- Waa maxay waxa kan?
Waxuu Ibnu Bukheylah yiri:- Waa sunta halista ah (ee wax ku disho muddo
aad u yar).
Markaasuu Khaalid yiri:- Oo maxaad u sidataa?
Waxuu yiri:- Markii aan arkay waxa dhacay oo qoomkeyga asiibay ayaan
jecleystay inaan cabo si aan u dhinto taas ayaanna door biday:- . Saa
Khaalid intuu ka qaaday oo eegay buu yiri:- Nafi ma dhimato illaa uu
waqtigeedu yimaado mooyaane. Kadibna waxuu yiri:- Bismillaah. Ku
billaabid magaca Allaah, magacyo kuwa ugu kheyr badan leh, Rabbiga
dhulka iyo samada, kan shey wax dhibaayi aysan waxba dhibin lajirka
magaciisa, Naxariis guud iyo mid gaarba Naxariista. Markaas baa waxaa
kusoo kala diday madaxdii ciidanka Muslimiinta si ay uga celiyaan, hase
ahaatee waa uu uga hor maray oo qurquriyey suntii.
Ibnu Bukheylah markii uu arrintaa arkay waxuu yiri:- Kulanka
Carbeedeey! Illaah baan ku dhaartaye waxaad mulkin doontaan wax walibood
doontaan intuu midi idinka noolyahay. Kadib waxay dadkii halkaasi
degenaa dalbadeen heshiis, Khaalidna waa uu ka yeelay oo waxuu kula
heshiiyey inay bixiyaan 400 000 oo Dirham oo hor maris ah. Waxuuna u
qoray warqad nabad gelin ah.
Khaalid muusan taam yeelin heshiiska jeer ay marka hore soo gacan
geliyaan Kiraamah bint Cabdul Masiix bin Bukheylah, oo ay siiyaan nin
saxaabada kamid ah oo la oran jiray Shuweyl. Sababtuna waxay ahayd mar
uu Rasuulka SCW xusay qasriyada Xiira ayuu Shuweyl yiri:- Rasuulkii
Alloow! isii gabadha Ibnu Bukheylah? Rasuulka SCW waxuu yiri:- Adigaa
leh.
Markii la furtay Xiirah ayuu Shuweyl sheegtay gabadhaasi, waxaana uga
marag kacay laba kamid ah saxaabada. Markii uu Khaalid ka dalbaday inay
soo gacan geliyaan Kiraamah waa ay diideen, Khaalidna waa uu ka diiday
inuu heshiiska la galo. Markaa bay Kiraamah tolkeed ku tiri:- Bal isii
daayo aan u tego'e kolleey waan isasoo furan doonaaye. Markii ay u
daayeen inay u tego, oo ay iyadiina utegay ayay ku tiri:- Oo maxaad ku
faleysa haweeneyn 80 jir ah, anigu waan is furanayaaye bal wax sheego?
Waxuu yiri:- Illaah baan ku dhaartaye inaadan isku furaneyn wax ka yar
toban boqol (yacni kun).
Waxay muujisay inay tiradaasi tahay mid culus iyadoo u dagaysa xeelad
qota dheer, markaasay ka tegtay oo tolkeedii aadday, waxayna u sheegtay
qiimahii ay kula soo heshiisay inay isku furato, iyagiina waxay u
aruuriyeen ama u diyaariyeen 1000 Dirham.
Muslimiintii baa Shuweyl ku canaanatay arrintaa oo ku yiraahdeen:-
Haddii aad dooran lahayd tiro ka badan 100 000 Dirham ah, way kusiin
lahaayeen gabadha.
Waxuu Shuweyl yiri:- Oo ma waxaa jirto tiro ka badan toban boqol (yacni
kun)?
Dabeeta waxuu u tegay Khaalid oo uu ku yiri:- Waxaan sidaa ula jeeday
uun waa inay tahay tiro badan oo yacni aan la awoodin in la bixin karo.
Khaalidna waxuu ugu jawaabay:- Waxaad doontay arrin, Allana waxuu
doonay arrin kale, waxaan xukmineynaa sida daahirka ah ee qowlkaada ka
muuqdo, niyaddaaduna waxay jirtaa xagga Alle oo isagaa ku shaqo leh, run
iyo been waxa aad sheegeyso.
Seyf bin Cumar waxuu yiri:- Markii uu Khaalid furtay Xiirah waxuu
tukaday siddeed rakaco oo uu hal mar salaama noqsaday.
Halkanna waxaa gabay cajiib ah ka tiriyey Al Qacqaac bin Camr Al
Tamiimi, kaasoo uu ku timaamayey guulihii is daba joogga ahaa ee uu Alle
Muslimiinta ka siiyey cadawgooda iyo sabarkii ay Muslimiinta muujiyeen
dagaalladii is daba yiillay ee ay soo mareen. Waxuu kaloo gabaygiisa ku
amaanay amaan aan la soo koobi karin dadkii iyagu kaga shahiiday
Muslimiinta dagaalladii riddada.
Intaa kadib waxaa yimid Jariir bin Cabdillaahi Al Bujali, kadib markay
dhaceen dhacdooyin badan oo Muslimiintiina ay qaniimeysteen qaniimooyin
badan. Imaanshaha Jariir uu yimid Xiirah waxay ahayd kadib markii uu
Abuu Bakar xirayey liwaa'ii ama calamadii 11-ka ciidan ee Dilqassaa uu
kadirayey ayaa wuxuu Jariir ku daray ciidankii Khaalid bin Saciid bin Al
Caas ee bariga Shaam ku wajahnaa. Markii uu Jariir la baxay Khaalid bin
Saciid ayuu idin weydiistay inuu Abuu Bakar ku laabto si uu idin uga
qaato oo tolkiisa banii Bujeylah aado, oo isku dumo oo hoggaanka u
qabto. Khaalid bin Saciid arrintaa waa uu u idmay, Jariirna waxuu yimid
magaalladii Madiina oo Abuu Bakar u sheegtay dantiisii. Markaa bay ahayd
markii uu Abuu Bakar sida aadka ah uga carooday Jariir uuna ku yiri:-
Waxaad u timid inaad iga mashquuliso arrin uu Alle ka raalli noqday oo
aad igu mashquuliso waxan aad hadda iila timid? Orodoo aad Khaalid bin
Waliid iyo dhanka Ciraaq. Markaa buu Jariir bin Cabdillaahi yimid
Xiirah, ka gadaal markii ay dhaceen wixii dhacay oo dhacdooyinkii aan
soo xusnay ah, mid kamid ahna kama uusan qayb qaadan Jariir.
Markaasi kadib buu xusay Seyf bin Cumar in uu yimid Ibnu Saluuba, kii
aan horey usoo xusnay ee Khaalid kula heshiiyey Baanuuqiyaa iyo
Baaruusima. Sida uu Seyf bin Cumar qaba markii uu Jariir yimid kadib
ayuu Khaalid kula heshiiyey Baanuuqiya iyo Baarusima iyo waxii soo
raacaba in uu Ibnu Saluuba bixiyo 10 000 Diinaar. Wallaahu aclam.
Waqtigan isaga ahi buu ahaa markii ay Faarisiintii ku kaceen boqorkoodii
Ardaasheer iyo wiilkiisii Shiiriin oo ay dileen, waxayna laayeen
dhammaan wixii ku nasab ahaa, waxaana ka dhex dhacay Furus khilaaf
xooggan, islama aysanna garan waxba haba yaraatee, marka laga reebo inay
diyaariyaan ciidama kala dhex galo Khaalid iyo Madaa'in, taas
(Madaa'in) oo ahayd meeshii ay tiilay hantidii boqortooyada Furus.
Markaa iyada ah bayna tilmaameen culimada qaarkood inay aheyd markii uu
Khaalid warqadda u diray madaxdii iyo waziiradii Furus isagoo ugu
yeerayo xagga Allaah, iyo inay soo galaan diinta Islaamka.
Waxuuna Khaalid markaasi u ballan qaaday in uu boqortooyadooda u sugi
doono haddii ay Islaamka qaataan, oo Alle u hoggaansamaan. Hadday taasi
diidaanna waxuu ka dalbay inay jizyo bixiyaan oo ay islaamka ku hoos
noolaadaan, hadday tanna diidaan waxuu ka dalbaday inay ogaadaan oo ay
digtoonidooda qaataan, waxuuna ogeysiiyey inuu ula iman doona qoom
geerida u jecel sida ay iyagu ( Majuusta ) nolashu u jecelyahiin.
Kadib Khaalid waxuu degay Xiirah oo uu marba dhinac ugu duulayey dhulka
Furus Muddadii uu halkaa ku sugnaa.
Furashadii Al Ambaar (Daatul Cuyuun)
Goobta Al Ambaar waa magaalo ku tiil dhulka Ciraaq, waxayna ahayd
magaalo caan ah oo looga socda meesha ay hadda tahay magaallada Baghdaad
qayaastii toban maalin socod ah. Waxay u dhaweyd webiga Furaat, dhanka
waqooyina waxaa ka xigtay Baabil, oo waxayna ka fogeyd qiyaastii misaafa
80 mayl ah.
Khaalid bin Waliid baa weerar ku qaaday iyadoo ciidamadiisa hore uu
hoggaaminayo Al Aqrac bin Xaabis. Waxaana meeshaasi markaa madax ka ahaa
nin kamid ah raggii ugu caqliga badnaa Furus oo la oran jiray
Shayrizaad. Markii uu Khaalid gaaray Al Ambaar ayuu dul degay, waxaana
magaalada ka dul qodnaa Khandaq (god). Markii ay labadii col isasoo hor
fadhiisteen ayuu Khaalid ciidankiisii amray in gamuunada oodda looga
qaado, say Muslimiintii sidii faleen oo gamuunadii oodda uga qaadeen,
heer halkaas ay cadawgii ku waayeen kun indhood, oo ay ku qayliyeen:-
Reer Ambaar indhahoodii tegyeeneey!!. Sidaa baana dhacdadaan loogu
baxshay Daatul-Cuyuun.
Sheyrizaad wuxuu usoo cid diray Khaalid isagoo ka dalbanayo inuu la
heshiiyo, markiina uu Khaalid ka yeelay heshiiska ayuu Sheyrizaad diiday
qaar kamid ahaa qodabbadii heshiiska. Markaa buu Khaalid geel qalay oo
khandaqii ku guray, dabeetana ciidamadiisii soo dhaqaajiyey. Markii uu
Sheyrizaad arkay arrintaas ayuu dhammaan qodabbadii heshiiska u qoor
keenay oo wada aqbalay. Waxuuna Khaalid kula heshiiyey kabixid in
Sheyrizaad uu ka baxo Ambaar, isagiina waa uu yeelay. Halkaasi waxay
Muslimiintii ka heleen guul iyo nasri oo maal badanna Alle kasiiyey.
Khaalidna waxuu kusii nagaaday Al Ambaar isagoo dadkii hareeraha
Ambaarna heshiis la wada galay, waxuuna la heshiiyey ahlu Al-Bawaariij
iyo Kalwaadi . Muslimiintiina Carabtii halka daganeyd ayay wax qoridda
ka barteen muddadii ay halkaas ku sugnaayeen, waxayna ahaayeen Carabtaas
banii Iyaad oo iyagu dhulkaas ilbaxnimo fog kulahaa, kuwaasoo waxqoridda
bartay waqtigii boqorkii Bukhtun-Nassar la oran jiray uu xukumayey
dhulkii Beershiya. Kadib buu Khaalid magaalladii Ambaar madax uga dhigay
Zabarqaan bin Bader, isagiina waxuu aaday dhanka Caynu Tamar.
Dhacdadiii Caynu Tamar
Markii uu Khaalid ka faaruqay Al Ambaar, ayaa waxuu madax uga dhigay
Zabarqaan bin Bader, isagii iyo ciidankiisiina waxay ku sii duuleen
Caynu Tamar. Waxay Caynu Tamar ahayd mid leh qalcad weyn, waxayna dhanka
galbeed kaga tiillay meel saddex casho looga socdo.xuduudda Jaziiradda.
Waxaana madax ka ahaa markaasi nin la oran jiray Mihraan bin Bahraan oo
Majuusta Furus hoggaaminayey, waxaana hareeraha magaalada deganaa
Carabtii tabaca u ahayd Furus oo ay kamid ahaayeen qolooyinka reer
Nimar, reer Taqlab iyo reer Iyaad iyo weliba kuwa kaloo qeyrkooda ah.
Waxaa Carabtaasi madax u ahaa nin la oran jiray Caqah bin Abii Caqah.
Markii uu Caqah gaaray warka ah soo galootiga Khaalid iyo ciidamadiisa
ay soo galeen geyiga, ayuu u tegay Mihraan bin Bahraan oo uu ku yiri:-
Carabta ayaa u ogaal badan la dagaalanka Carabtuye, isku kaayo daa
innaga iyo Khaalid.
Mihraan bin Bahraan oo isagu ku farxay weedhii Caqah iyo fikraddii uu
usoo jeediyey, ayaa jawaab ahaana wuxuu yiri:- Waa runtaa oo Carabtu uun
baa u ogaal badan ladagaalanka Carabta. Misna waxuu yiri isagoo
qadcaya:- Haddii aad inoo baahataanse waanu idiin gargaareynaa oo
lajirkiina baanu nahay. Faarisiintii ayaa arrintaasi amiirkoodii kaga
carootay oo ku canaanatay, waxuuse ugu Mihraan ugu jawaabay:- War
hooyda! isku daayo iyaga iyo Khaalid, oo haddii ay idinkaga haggaagaan,
idinka ayaa leh guusha oo waa tiinnii, haddayse sidaa si aan ahayn
dhacdo (yacni ay adkaadaan ciidanka Khaalid), markaa waanu la
dagaallameynaa innagoo awood leh iyo iyagoo daciifay. Cajamtii aad bay
ugu farxeen hadalkii amiirkoodii Mihraan, waxayna u garowsadeen inuu
yahay koodii ugu ra'yiga toosnaa oo ugu caqliga badnaa.
Khaalid bin Waliid horey ayuu u socday oo wuxuu hor degay ciidankii
Caqah bin Abii Caqah. Markiina ay labadii ciidan isasoo hor degeen, buu
Khaalid u dardaarmay ciidamadiisii labada dhinac, waxuuna u sheegay inuu
weerar qaadayo oo waxuuna ka dalbaday inay iyago dhankooda ilaaliyaan.
Waxuuna kaxaystay koox halyeeyo ah oo uu markaa weerar ku qaaday Caqah
oo markaa simayey safadka ciidamadiisii, wuuna soo qafaashay. Carabtii
markii ay arkeen waxa dhacay iyo in amiirkoodii la qafaashay ayay jaanta
rogteen oo ay kala firxadeen iyadoo wax dagaal ahi uusanna dhicin,
waxaana batay qafaalkoodii.
Markii uu warkii jabka ee Caqah iyo ciidankiisii gaaray amiirkii
ciidanka Furus ee Mihraan, ayaa inta uu qalcaddii kasoo degay buu
cararay. Intii carartay ee Carabtii ciidanka Caqah baa iyaguna dib usoo
noqday oo qalcaddii isku aruuriyay oo dabeeta hoos ka xidheen. Markaa
buu Khaalid soo dul degay oo go'doomin tii ugu darreyd ku qabtay. Markii
ay arrintaa arkeen oo ay u adkeysan waayeen ayay Khaalid ka dalbadeen
heshiis, isagiina waxuu u sheegay inay marka hore u qoor keenaan
xukunkiisa. Markaa bay u qoor keeneen xukunkii Khaalid, oo sil silado
lagu xiray, dabeetana waxuu Khaalid amray in Caqah kurka laga jaro, saa
laga jaray, misna waxuu amray in dhammaan qafaalkii ciidankii Caqah la
laayo, saa iyagiina waala laayey, haddana waxuu amray in kuwii qalcadda
ee xukunkiisa u qoor keenayna la laayo, iyagiina saaxiibadoodii ayaa la
raaciyey oo unuunka ayaa loo wada dheereeyay. Waxuu qaniimeystay Khaalid
hantidii halkaa qalcadda ah tiilley oo idil. Kadib Khaalid waxuu aaday
kaniisad halkaa ku tiillay oo ay 40 wiil ku baranayeen kitaabka
Injiil-ka, iyagoo albaabka hoosta uga xiran yahay, dabeetana albaabkii
ayuu ku jebiyey oo soo wada qafaashay. Waxaana kamid ahaa wiilashaasi
Ximraan mowlaa Cuthmaan bin Cafaan iyo Siiriin mowlaa Anas bin Maalik
(iimaamka weyn ee Maxammed ibnu Siiriin aabahiis), iyo kuwa badan oo
kamid ah culimada mash-huurka ah.
Khaalid bin Waliid waxuu diray khumuskii qaniimada isagoo u dhiibay Al
Waliid bin Cuqbah si uu ugu geeyo khaliifadii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar
Siddiiq. Markii uu Al Waliid howshiisii gutay ayuu Abuu Bakar u diray
dhanka Ciyaad bin Qanam oo kusugnaa Duumatul-jandal si uu ugu gurmado.
Markii uu Al Waliid u tegay Cayaad baa waxuu Cayaad yiri:- Waliidoow!
ra'yiga barkiis waxuu ka wanaagsanyahay ciidan badan, ee maxaad adigu
ra'yi ka qabtaa xaaladda aan kusugannahay?
Waxuu yiri Al Waliid:- U qor warqad dhanka Khaalid bin Waliid si uu
gurmad xaggiisa kaaga soo diro. Markaa buu Cayaad warqad u diray dhankii
Khaalid bin Waliid uu kaga dalbanayo gurmad, waxayna warqaddaa utegtay
Khaalid waqti uu ku jiray howshii Caynu-Tamar. Saa isagiina waxuu usoo
qoray warqad jawaab ah oo uu ku leeyahay u kaadi wax yar, waxaa kuso
gaari doona ciidan gurmad ahe.
Dhacdadii Duumatul- Jundal
Duumatul-Jundal waxay ahayd magaalo ku tiilay koonfurta Shaam iyo
waqooyiga jasiirada Carabta, waxayna u dhaweyd Tabuuk. Magaalada Madiina
waxaa Duumatul-Jundal looga soconayay 15 casho, halka Dimishiqna ay u
jirta toban maalin socod ah.
Abuu Bakar baa horey ugu diray ciidamo uu hoggaaminayo Cayaad bin Qanam,
dhankeeda waqooyina waxuu u diray Khaalid bin Waliid oo isagu usii
gudbay Xiirah markii uu usocday dhanka Ciraaq. Haddaba markii uu Khaalid
furtay Al Ambaar iyo Caynu Tamar ayuu guushii iyo khumuskii qaniimada la
diray Al Waliid bin Cuqbah si uu Khaliifadii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar
ugu geeyo. Markiina uu howshii soo gutay Waliid buu Abuu Bakar u diray
dhanka Cayaad iyo Duumatul-Jundal si gurmad ahaan. Intaa kadib waata uu
Cayaad la tashtay Al Waliid, oo Waliidna uu ku taliyey in uu warqad
Khaalid u qoro uu kaga gurmad dalban, markaas waatii uu Cayaad warqadda
u diray Khaalid, warqaddaana waxay Khaalid gaartay bartamiha dhacdadii
Caynu-Tamar, markaa waatii uu Khaalid amray Cayaad inuu uyara kaadiyo
tan iyo intuu kasoo gaari doono goor aan sii fogeyn.
Intaa dabadeed Allaah Sarreeye baa nasri iyo guul ka siiyey ciidamadii
Muslimiinta goobtii Caynu-Tamar oo Khaalid waata uu furtay, kana helay
qaniimo tiro badan. Markaa ayuu Caynu-Tamar ku dhaafay Cuweymir bin
Kaahin Al Aslami madax ahaan, isagii iyo ciidankiisiina waxay abbaareen
dhankii Duumatul-Jundal iyo ciidamadii Cayaad. Reer Duumatul-Jundal
markii ay ka war heleen soo galootiga Khaalid iyo ciidamadiisa ayay u
cid dirsadeen axsaabtoodii ay xulufada ahaayeen oo ay kamid ahaayeen
banii Bahraa'i, Tanuukh, Kalbi, Ghazaan iyo Dhujaacim si ay ugu
gurmadaan, iyagiina waa ay yeeleen. Ghazaan iyo Tanuukh maalintaa waxaa
hoggaaminayey Jablah Ibnu Al ayham, Dhajaacim-na waxaa hoggaaminayey
Ibnu Xadrajaan. Reer Duumatul-Jundal-na waxaa markaasi madax u ahaa labo
nin oo midi uu ahaa Ukeydar bin C/malik, halka kan kalena uu ahaa Juudi
bin Rabiica. Labadan nin waxaa ka dhex aloolsanaa khilaaf ku aaddan la
dagaallanka ciidanka Khaalid, Ukeydar isagu waxuu qabay in aanan lala
dagaallamin Khaalid, waxuuna ku naseexeeyay in lala heshiiyo isagoo ku
cataabay inuu dadka kaga ogaal badan yahay Khaalid, Juudise isagu waxuu
qabay in lala dagaallamo, wuuna khilaafay ra'yigii Ukeydar. Markaas buu
Khaalid diray Caasim bin Camr (oo ahaa halyeey la dhashay Al Qacqaac bin
Camr) oo uu u diray dhanka Ukeydar, saa Caasim waa uu soo qabtay qafaal
ahaan, waxuuna u keenay Khaalid, dabeetana waxuu amray in qoorta laga
jaro.
Kadib waxaa isasoo hor degay labadii qolo, ciidankii Khaalid iyo kuwii
reer Duumatul-Jundal oo uu hor kacayo Al Juudi bin Rabiicah. Khaalid
tabtiisii dagaal ayu la soo baxay, isagoo Duumatul-Jundal ka dhigay mid
isaga iyo ciidamadii Cayaad bin Qanam u dhaxayso, markaa bay reer
Duumatul-Jundal ciidankoodii ukala qaybiyeen labo qaybood, qayb waxay u
direen dhanka Cayaad, qaybta kalena jihadii Khaalid. Markaa buu Khaalid
kuwii jihadiisa ahaa weerar ku qaaday, waxuuna soo qafaashay Juudi bin
Rabiicah. Al Aqrac bin Xaabisna waxuu soo qafaashay Wadiicah, markaasay
si xun u jabeen ciidankii Mushrikiinta oo u kala rooreen dhanka qalcadda
oo isku aruuriyeen, markaasay in badan ka buuxsantahay qalcadda, saa
Khaalid baa ka dul yimid oo si daran u laayey intii uu bannaanka
qalcadda ka helay. Kadibna waxuu amray in Al Juudi bin Rabiicah kurka
laga jaro isaga iyo dhammaan intii lasoo qafaashayba, marka laga reebo
qafaalkii banii Kalbi oo ay magan geliyeen Caasim bin Camr iyo Al Aqrac
bin Xaabis. Arrintaas magan gelinta ah Khaalid ma uusan u rayaaqin oo
raalli kama uusan ahayn, hase ahaatee waxuu ku qaabilay waji caro isagoo
ku yiri Caasim iyo Al Aqrac iyo waliba banii Tamiim oo iyagu magan
geliyay kuwaas:" Oo maxaa nakala haysto aniga iyo idinka? Ma waxaad
dhowreysaan amarkii jaahiliyada oo aad dayacaysaan amarkii Islaamka?
Caasim bin Camr baa u jawaabay oo ku yiri:- Oo ma waxaad ka xasdeysaa
(Khaalidoow!) inaad iska saamaxdo.
Intaa kadib Khaalid wuu u cafiyey, dabeetana waa uu dhaqaaqay oo waxuu
ku gaaf wareegtay albaabkii qalcadda jeer uu markii dambe jabiyey.
Markaasuu laayey wixii ku jiray oo dagaallami karay amaba kamid ahaa
kuwii soo jabay, waxuuna qafaashay carruurtii iyo dumarkii. Waxaana uu
ka qaniimeystay qaniimo tiro badan, halkana waxuu Khaalid ku guursaday
gabadh uu dhalay Al Juudi oo uu la aqal galay kadib markay cuddadii
udhammaatay. Kadibna waxuu u gaddoomay dhankii magaaladiisii, Al Aqracna
waxuu u diray dhankii Al Ambaar, markii uu Khaalid Xiirah galayayna
waxuu yimid iyadoo ay dadkii kusoo dhaweeyeen bogaadin iyo tahniyad.
Waxaa la sheegaa dhacdadan Duumatul-Jundal inay dhacday Rajab sanadkii
12-aad ee Hijriyada (Septembar 633 miillaadiyada).
Dhacdooyinkii Xusayid & Muddayix
Markii uu Khaalid ka faaruqay Duumatul-Jundal, waxuu ku yara nagaaday
muddo, markaasay Cajamtii Furus iyo Carabtii tabaca u ahayd ay isku
aruursadeen la dagaalanka Khaalid iyo inay dhulkooda ka saaraan, waxayna
abbaareen dhankii Al Ambaar si ay Az Zabarqaan bin Bader oo Khaalid
masuul uga ahaa ay uga saaraan. Markii uu Zabarqaan, warkaasi maqlay
buu warqad u diray Al Qacqaac bin Camr oo Xiirah masuul uga ahaa
Khaalid. Haddaba markaa ayuu Al Qacqaac diray ciidan uu hoggaaminaya
Abuu Leylaa Acbad bin Fadaki As-Sacdi, waxuuna u diray dhanka Al
Xusayid, misna waxuu kaloo diray ciidan kale oo uu madax u yahay Curwah
bin Abii Jacdah Al Baaruqiyu oo uu u diray dhanka Al Khanaafis. Kadibna
waxaa yimid Xiirah ciidankii Khaalid bin Waliid oo ka yimid dhanka
Duumatul-Jundal, waxaana markaa ka go'neyd Khaalid inuu weeraro,
xaruntii boqortooyadii Furus ee Al Madaa'in oo ay tiillay sariirtii
boqorka iyo hantidii guud ee Faaris, waxuuna Khaalid taas u karhay sabab
la xidhiidho isagoon wax idan ah ka haysan Khaliifadii Rasuulka Alle SCW
ee Abuu Bakar Siddiiq.
Taas baddalkeedii waxuu isku mashquuliyey la dagaallanka Carabtii tabaca
u ahayd Furus iyo wixii soo raaco ee majuusta kamid ah. Dabeeta wuxuu
Khaalid diray Al Qacqaac bin Camr oo uu madax uga dhigay ciidanka baxay,
waxayna ku kulmeen cadawga goob la yiraahdo Al Xusayid. Cajamta Furusna
waxaa hoggaaminayey nin la oran jiray Rowzabah, waxaana u soo gurmaday
ciidan kale oo uu hoggaaminayey amiir kale oo la oran jiray Zarmihri.
Halkaasi waxaa ka dhacay dagaal aad u kulul oo dhex maray ciidamadii
Muslimiinta iyo kuwii Mushrikiinta ahaa ee Majuusta, muddo yar kadibna
waa ay jabeen kufaartii, oo amiirkoodii Rowzabah-na waxaa gacantiisa ku
dilay nin kamid ah Muslimiinta oo la oran jiray Cismah bin C/llaahi Al
Dhabyu, Zarmihri-na waxaa dilay halyeeygii weynaa ee Al Qacqaac bin
Camr. Muslimiintiina waxay qaniimeysteen qaniimo tiro badan, waxaana
cararay intii carari kartay ee ciidamadii Cajamta, waxayna iskugu tegeen
goob la yiraahdo Al Khanaafis. Dabeeta waxaa ku baxay Abuu Leylaa Acbad
bin Al Fadaki. Markiina ay Mushrikiintu ka war heleen arrinkaasi bayna
usii carareen dhanka Al Mudhayix. Markii ay halkaas degeen buu Khaalid
ku dhaqaaqay dhankoodii. Goor ay hurdaan buuna soo dooxateeyay oo wada
laayey, kama aysanna fakan cidna marka laga reebo qafaalkii mooyaan.
Cadiyi bin Xaatim waxuu yiri:- Dooxeyntani ayaa waxaan ugu nimid nin la
oran jiray Xurquus bin Nucmaan An-Nimri oo ay hareerahiisu fadhiyaan
wiilashiisii, gabdhihiisii iyo haweeneydiisii isagoo usoo dhigay weel ay
ku jirto khamro oo uu ku oranayo:- Cabbo. Iyaguna ay oranayaan:- Ma
waxaa jiro qof cabbo (khamro) saacaddan oo kale, iyadoo ay tanina tahay
ciidamadii Khaalid oo soo galay? Waxuu ku yiri:- Cabbo cabbid sogootin
ah, waayo umaleyn maayo in aad dabadii khamri cabbi doontaane. Markaasay
wada cabbeen. Muslimiintii baa markaasi inta ay u yimideen isagii
dileen, carruurtiisii iyo dumarkiisiina ay ka qafaasheen.
Dhacdadan waxaa lagu dilay labo nin oo horey u Muslimtay, warqad magan
galyo ahna ka haysatay dhanka Khaliifadii Rasuulka Alle SCW ee Abuu
Bakar. Midi magaciisa wuxuu ahaa Cabdulcuzza bin Abii Raham bin
Qirwaash, waxaa dilay Jariir bin C/llaahi Al Bujali, halka kan kalena la
oran jiray Lubeyd bin Jariir. Asaguna waxaa dilay qaar kamid ah
ciidamada Muslimiinta, mana aysan ogeyn Muslimiinta arrinkaasi ah
Islaannimada labada nin. Markii uu warkaasi gaaray Abuu Bakar Siddiiq
wuxuu guday diyadoodii. Cumar bin Al Khadaab baa Abuu Bakar kala hadlay
arrinka Khaalid kana codsaday inuu casilo, hase ahaatee Abuu Bakar ma
uusan yeelin taas waxuuna yiri:- Sidaa oo kale ayuu la kulmayaa qofkii
dhex joogo dhul dagaal. Dhanka kale, wuxuu Abuu Bakar daliishaday xadiis
Nebigu SCW laga weriyey, kaasoona caddeynaya in aanay dimmada Alle iyo
Rasuulkiisa ku jirin dadka kusugan dhulalka gaalada. Kadib wuxuu Khaalid
aruuriyey qaniimadii oo inta khumuskii ka saaray u qaybiyey ciidankii,
khumuskiina waxuu u diray magaaladii Madiina iyo dhankii khaliifkii
Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Illaahay haka raalli noqdee.
Dhacdadii Al Firaadh
Kadib buu Khaalid ku dhaqaaqay dhanka Firaadh, Firaadh waa meel ay ku
kulmaan Jaziiradda Carabta, Shaam iyo Ciraaq. Halkaas ayuuna ku sugnaa
bishii Ramadaan isagoo af-furan si uu ugu ad adkaado jihaadka iyo
howlahii militari ee uu waday. Markii uu Ruumaankii gaaray warka ah in
Khaalid uu soo degay cirif u dhaw dhulkooda, ayay taas aad uga
murugoodeen, waxayna diyaariyeen ciidan culus iyagoo gurmadna u dirsaday
Carabtii Nasaareyda ee tabaca u ahayd oo ay kamid ahaayeen banii Taqlab,
Iyaad iyo Nimar oo iyagiina way usoo gurmadeen, kadibna waxay usoo
guureen dhankii Khaalid, waxaana kala dhex galay webiga Furaat,
markaasay Roomaankii yiraahdeen:- Ama inoosoo gudbo ama aanu idiin soo
gudubna? Khaalid oo aad ugu xeel dheeraa arrimaha dagaalka, loogana
dambeeyay ayaa waxuu ugu jawaabay:- Mayee idinku inoosoo gudbo.
Markaasay usoo gudbeen bishii Dilqacda ee sanadkan 12-aad ee Hijriyada,
waxaana dhex maray dagaal aad u kulul, oo muddo kadib Alle ku hoojiyey
cadawgii isbahaysitada oo ay jabeen, halkaasoo guul ay kusoo hoyeen
ciidamadii Muslimiinta ee uu horkacayey abaanduule Khaalid bin Waliid.
(Seyfullaah Al Masluul).
Waxaa macrikadan Ruumaanka iyo tabaciisuba looga laayey 100 000,
Khaalidna waxuu kusii nagaaday goobta Firaadh muddo 10 casho ah. Kadibna
wuxuu iclaamiyey guurid iyo in loo rarto dhankii Xiirah iyadoo ay shan
casho kadhimantahay bishii Dil-Xijjah, waxuuna ciidankiisii hore madax
uga dhigay Caasim bin Camr, kuwa dambana waxuu u dhiibay Shajrah bin
Al- Acaz. Kadibna waala dhaqaaqay oo waxaa foolka la saaray dhankii
Xiirah, isaguna Khaalid waxuu muujistay inuu ciidanka dambe kujiro,
markaasuu xayn kamid ah asxaabtiisa intuu la baxay ayuu aaday dhanka
Masjidul-Xaraamka, isagoon la ogeyn, waxuuna maray jid uusan waligii
horey umarin, muddo yar kadibna waxuu tegay xajkii oo uu soo gutay
sanadkan isagoo ay cidina ogeyn marka laga reebo xayntii la socotay ee
saxaabada iyo dadkii xajka kula kulmay mooyaan. Kadib Khaalid waa uusoo
laabtay oo waxuu ka daba yimid ciidankiisii dambe oo aan weli Xiirah
gaarin, mana la dareemin xajiikiisa sanadkan. Abuu Bakarna ma uusan
ogaan xajka Khaalid jeer ay u sheegeen dadkii muwaasimta xajka kasoo
guddoomay. Markaa buu warqad u diray uu ku canaananayo kategidda uu
ciidanka ka tegay isagoon ogeysiinin. Waxuuna ciqaab uga dhigay inuu u
dirayo dhanka Shaam oo uu ka wareejinaya Ciraaq.
Waxaa sanadkan (yacnii sanadka 12aad ee Hijriga) uu Abuu Bakar jideeyay
in la qora kitaabka Quraanka ah kadib markii ay raggii xufaadda ahaa ay
ku shahiideen dagaalladii lagu qaaday dadkii riddoobay, waxaana
fikraddaasi lahaa Cumar bin Khaddaab oo isagu kula taliyey Abuu Bakar
inuu qoro Quraanka.
Markaa ka horna ma uusan kulmisneen, oo wixii loo baahdo waxaa laga
qaadan jiray dadkii qurraada ahaa iyo dadka qaar oo ku qoran jiray
warqadaha iyo jaldiyada iyo baalasha geed timreedda iwm, markaa ayaa la
qoray, waxaana loo xilsaaray inuu qora Zeyd bin Thaabit Allaha ka raalli
noqdee, markii la qorayna waxaa la dhigay gurigii Xafsah bint Cumar.
Isla sanadkan waxaa dadka xajiyey Abuu Bakar Sidiiq sida uu Ibnu Isxaaq
soo weriyey, waxuuna magaalada uga tegay Cuthmaan bin Caffaan.
Waxuu yiri Ibnu Isxaaq:- Waxaa ay dadku (Mu'arrakhiintu) sheegaan in
uusan Abuu Bakar khilaafadiisii xajinin dadka ee uu u diray muwaasimta
Cumar ama C/Raxmaan bin Cowf. (Sidan ayaana xaqiiqda u dhaw).
SANADKII 13AAD EE HIJRIYADA
Markii uu sanadkan bishay, howlahii waa ay fududaadeen, Abuu Bakar-na
waxuu go'aansaday inuu diyaariyo ciidamo uu u diro dhanka Shaam. Taasina
waxay ahayd markii laga soo laabtay xajka sanadkii 12aad, isagoo ku
camal falayo qowla Alle Sarreeye ee ah: kuwa xaqa rummeeyayoow!! la
dagaallama kuwa idiin dhaw (oo gaalada ah), hana idin ka helaan ad
adkaan, ogaadana inuu Allaah la jiro kuwa dhowrsada. (Suurat Towbah-
aayadda 123aad). iyo qowlkiisa SW ee ah: La dagaallama kuwa aan rumeynin
Allaah iyo maalinta aakhiro. (Suurat Towbah- aayadda 29aad). Iyo
kudayasho uu ku dayanayo Rasuulkii Alle SCW oo isagu horey ugu duullay
dhulka Shaam sanadkii 9aad ee Hijriyada, isagoogaaray waqti kuleeyl
daran, iyo isagoo ciidan kale u diyaariyey ku duulidda dhulka Shaam,
taasoo ahayd ka hor geeridiisii dhowr maalmood, waana ciidankii uu
madaxa uga dhigay Usaama bin Zeyd ee uu Abuu Bakar diray. Taa kadib
markii uu Abuu Bakar nadiifiyey Jaziiraddii Carabta, ayuu gacantisii
midigta u fidiyey dhanka Ciraaq oo waata uu diray Khaalid bin Waliid,
sidaa si lamid ayuu jecleystay in uu dhanka Shaamna u diyaariyo ciidamo
kale, ugu horreeynna waxuu jideeyay in marka hore ay madaxdii ku kala
tegsaneed jaziiradda ay isku yimaadaan, markaa bay yimideen, madaxdii oo
ay kamid ahaayeen Camr bin Al Caas oo Dhanka Qudhaaca jiray iyo Al
Waliid bin Cuqbah, Khaalid bin Saciid bin Al Caas oo ka yimid Yeman oo
uu masuul ka ahaa waqtigii Rasuulka SCW, waxuuna Khaalid Madiina yimid
kadib dhimashadii Rasuulka SCW mar laga joog bil, waxaa kaloo yimid kuwa
kale oo uu kujiray Cikramah.
Kadib Abuu Bakar waxuu diyaariyey ciidamo si uu ugu diro dhanka Shaam.
Taa ka horna waxaan horey usoo xusnay in 11-kii ciidan ee uu Abuu Bakar
Dul-qassa kadirayey uu ku jiray Khaalid bin Saciid bin Al Caas oo loo
diray dhanka bariga Shaam.
Haddaba markii uu Khaalid bin Saciid ka yimid Yeman, waxuu arrinta
Khilaafada u arkayey in uu Cali mudan yahay, markaasuu u tegay Cali iyo
Cuthmaan oo uu ku yiri:- Abal Xasanoow! reer Cabdumanafow! ma waxaa la
idin kaga adkaaday arrinka? Cali baa markaa ku yiri:- Ma waxaad u
aragtay adkaansho ama khilaafo?. Khaalid wuxuu u olaleynayay oo uu rabay
in Khilaafada uu mudanyahay Cali. Mar dambase wuu degay kadib markii uu
arkay in Cali qudhidiisu uu la mubaayacooday Abuu Bakar oo misna uu la
shaqeynayo. Dabeeta markii uu Abuu Bakar dhisayey ciidamadiisa oo uu
calankaKhaalid bin Saciid u xirayey ayuu Cumar u sheegay Abuu Bakar
hadalladii Khaalid. Waxaa la sheegaa in uu Abuu Bakar Khaalid markaa
cazilay oo uu u diray dhanka Teymaa. Waxaa
kaloo la yiraahdaa:- Calankii ugu horreeyay ee uu Abuu Bakar u xiraa
ciidamadii ku baxay Shaam waxuu ahaa calankii Khaalid bin Saciid bin Al
Caas.
Kadib waxuu xiray calanka kale uu uu u dhiibay Yaziid bin Abii Sufyaan,
waxuuna ku wajahay dhanka Dimishiq. Markii uu Abuu Bakar dirayey
ciidanka Yaziid, waxuu Yaziid saarnaa daabbadiisa Abuu Bakar-na waa uu
lugaynayey oo u dardaarmayey, kadibna waa uu kasoo laabtay kadib markuu
sagootiyey, waxuuna maray ciidanka Yaziid dariiqa Tabuuk, waxaana la
socday jamaahiir kamid ah raggii caanka ahaa oo uu kamid ahaa Suheyl bin
Camr Al Caamiri iyo kuwa lamid ah oo rag karmeedyadii reer Makka kamid
ah.
Kadib waxuu diray ciidan kale oo uu madax uga dhigay Abuu Cubeydah bin
Caamir bin Al Jarraax, waxuuna ku wajjahay dhanka Ximsa, dabeeta Abuu
Bakar waa uu la baxay ciidanka Abuu Cubeyda oo sagootiyey isagoo u
dardaarmayo, kadibna waa uu ka soo laabtay.
Misna waxuu diray ciidan kale oo uu hoggaaminayo Camr bin Al Caas oo uu
ku wajahay dhanka Falastiin. Amiir kastoo kamid ah amiiradaasina waxuu
Abuu Bakar amray in uu ciidankiisa mariyo dariiq aan ahayn kan uu
ciidanka kale maray isagoo arrintaa uga dayanayo Nebiyullaahi Yacquub CS
markii uu ku lahaa wiilashiisa: Waxuu yiri Maandhooyin, ha ka gelina
albaab qura, ee ka galo albaabyo kala tegsan, idinkaga tari mahayo xagga
Alle waxbo, xukun dhammaantiina waxaa uun leh Allaah, oo isaga
ayunbaana talo saaran, isaga uunna ha talo saartaan kuwa talo saarta.
(Suurat Yuusuf - aayadda 67aad) .
Al Madaa'ini wuxuu leeyahay: Abuu Bakar Siddiiq waxuu ciidamadan diray
horaantii sanadkan.
Maxamed bin Isxaaq-na waxuu ku daray markuu ka hadlayay ciidamadaas in
Abuu Bakar uu ka daba diray ciidankii Abuu Cubeyda ciidan kaloo uu
hoggaamin Shuraaxbiil bin Xasana. Camar bin Al Caasna uu degay Al
Carmaat, goob kamid ah dhulka Shaam.
Ciidankii Yaziidna markii ugu horeysay waxay degeen Bulqaa, ciidankii
Shuraaxbiilna dhulka Urdun, ciidamadii Abuu Cubeydana waxay degeen
Jaabiyah. Abuu Bakar Sidiiqna waxuu kasoo daba diray ciidamo gurmad ah,
waxuuna amray in mid waliba uu ku biiri karo madaxda ciidamada Shaam kii
uu doono.
Waxaa la yiraahdaa Abuu Cubeydah waxuu sii maray Bulqaa, oo uu halkaa
dadkeedii kula dagaallamay jeer ay markii dambe heshiis la galeen,
waxayna ahayd heshiiskii ugu horreeyay ee ka dhaca dhulka Shaam oo ay
Muslimiinta la galaan.
Waxaa kaloo la yiraahdaa:- Dagaalkii ugu horeeyay ee ay ciidamadaas kula
galaan Ruumaanka dhulka Shaam waxuu ahaa, in ay koox Ruumaan ah ay
iskugu tegeen meel la yiraahdo Al Cariyah oo ka tirsan dhulka Falastiin,
markaa baa waxaa ku dhaqaaqay sirrayad uu hoggaaminayey Abuu Umaamah
Sudday bin Cijlaan Al Baahiliyu oo la dagaallamay, khalqi badanna ka
laayey kana soo qaniimeystay qaniimo tiro badan.
Dhacdadan kadibna waxaa dhacday dhaxdadii Maraj As Sufur, oo uu Khaalid
bin Saciid bin Al Caas ku shahiiday sida la sheego, waxayse culimada
taariikhyahannadu badi qabaan in uusan Khaalid ku shahiidin Maraj As
Sufur ee uu ahaa kan ku shahiiday wiil uu dhalay oo la oran jiray Saciid
bin Khaalid bin Saciid. Isaguse Khaalid waa uu cararay ilaa uu ka gaaray
dhulka Xijaas. Wallaahu Aclam.
Culimo uu kamid yahay Ibnu Jariir Ad-Dabari, waxay qabaan in Khaalid bin
Saciid markii uu gaaray dhulka Taymaa, ay halkaas isugu aruureen
ciidamada tiro badan oo Ruumaan ah oo ay la jiraan khalqi badan oo kamid
ah Carabtii Nasaareyda oo ay kamid yahiin banii Ghiirah, Tanuukh,
Lakham, Judaam, banii Kalbi, Suleyx iyo Ghasaan. Markii uu Khaalid
kusoo dhawaaday junuuddaas ayay kala tegeen, in badan oo kamid ah ayaana
islaamka soo gashay. Markaasuu Khaalid u diray warqad dhankii Abuu Bakar
Sidiiq uu xaaladda kula socodsiin, waxii furasho iyo nasri uu Alle
meeshaa kusiiyey. Markaa buu Abuu Bakar soo amray in uu horey usocda,
waxuuna usoo diray ciidamo gurmad ah oo ay wataan Waliid bin Cuqbah iyo
Cikrimah bin Abuu Jahal. Kadib waa uu dhaqaaqay Khaalid, markiina uu
kudhawaaday magaalada Ii-liyaa ayuu halkaas kula kulmay ciidamo Ruumaan
ah oo uu hoggaaminayo nin la oran jiray Maahaan, kadibna waxaa dhex
maray dagaal lagu jebiyey Maahaan iyo ciidankiisii, Maahaanna waxuu u
cararay dhanka Dimishiq. Khaalid bin Saciid kamuusan harine waa uu sii
daba raacday, markaasaa waxaa Ruumaankii u yimid gurmad culus oo deg deg
ah oo way soo rogaal celiyeen, waxayna soo gaadheen Maraj-Sufur,
halkaasoo ay isku heleen, Khaalidna wuu cararay oo ma istaagin jeer uu
gaaray Dii-marwah. Maalinta waxaa sugnaaday Cikrimah bin Abii Jahal, in
badan oo kamid ah ciidamadii Khaalidna waxay orad ku galeen magaaladii
Madiina, Khaalidse isaga iyo qayb kamid ah ciidankiisii waxay degeen
Dii-marwah oo waxuu ka xishooday inuu Madiina tego, markaasuu Abuu Bakar
amray Shuraaxbil bin Xasana oo isagu markii uu soo gaadhay Khaalid oo
kusugan goobtii Dii-marwah ka kaxaystay qayb kamid ah ciidamadii
lasoojabsatay. Dabeeto Abuu Bakar waxuu diyaariyey kuwii soo jabsaday ee
Madiina yimid iyo ciidamo kale oo iskudhaf ah, waxuuna madax uga dhigay
Mucaawiyah bin Abuu Sufyan oo waxuuna kadaba diray walaalkiis Yaziid.
Markii uu Mucaawiyah soo gaaray goobta Dii-marwah ayuu isaguna kaxaystay
qaybtii ka hadhay ciidankii Khaalid ee kula sugneyd meeshaa. Kadib Abuu
Bakar Sidiiq waxuu amray inuu Khaalid yimaado magaalada Madiina, waxuuna
oran jiray: Cumar baa Khaalid iiga ogaal badan''. Waxaa kaloo la
sheegaa inuu yiri:" Cumar baa ragga iiga ogaal badan''. Wallaahu aclam.
Dagaalkii Yarmuuk
Dhacdadan Yarmuuk waxay ahayd mid aad u weyn oo ka dhacday dhulka Shaam.
Waxaana ay dhex martay ciidamadii Muslimiinta oo uu hoggaaminayo Khaalid
bin Waliid iyo kuwii Ruumaanka.
Sida ay qabaan Sayf bin Cumar iyo Ibnu Jariir, dhacdadani waxay dhacday
sanadkan dhexdiisa, yacni sanadka 13aad ee hijriyada.
Markii ciidamadii uu Abuu Bakar dhulka Shaam u diray ay gaareen
carrigaasi, bay Ruumaankii aad uga argagaxeen oo ay si daran uga naxeen.
Waxay markaasi warqad u qorteen boqorkoodii Hiriqal oo markaas kusugnaa
Ximsa. Waxaa kaloo layiraahdaa sanadkan buu usoo xajiyey Beytul maqdis.
Markii uu khabarkii gaaray buu dadkiisii ku yiri:- Kuwani Illaah baan
kudhaartaye waa ahlu diin cusub, mana jirto cid hor istaagi karto ee i
adeeca oo kula heshiiya inaad uga baxdaan dhulka Shaam nuskiisa oo ay
markaa idiin soo harto buuraha Ruum. Haddaydaan sidaa yeelin oo aad
diiddaan waxay idinkala wareegayaan Shaam oo idil, buuraha Ruumna way
idinku cidhiidhi gelinayaan. Ruumaanka oo awalba garasho iyo faham
yaraa, caqligooduna uu gurracnaa, markii ay maqleen taladii wacneyd ee
uu boqorkoodii usoo jeediyey baa waxay uga dideen sida ay dameeruhu uga
didaan waxuushta. Waxayna lasoo istaageen dagaal iyo inay is difaacaan.
Markaa iyada ah buu boqor Hiriqal isku dayey inuu diyaariyo ciidamo
culus oo loo diro dhanka Muslimiinta, waxuuna amray in ciidan kasto loo
sameeyo amiir qaas ah oo uu sidaa ugu diro dhanka amiir kasto oo jihada
Abuu Bakar ka socdo amiir kale oo jihadiisa kasocda oo ciidamo culus
wato. Waxuu dhankii Camr bin Al Caas udiray walaalkiis dhanka hooyo iyo
aabo ay ka walaalo ahaayeen oo la oran jiray Tadaariq, waxuuna sitay 60
000 oo dagaalyahanno ah. Dhankii Yaziid bin Abuu Sufyaan waxuu udiray
Jurjah bin Bowdiyaha Al Armani oo 50 000 ama 60 000 oo dagaalyanno wato.
Qeyqaar ama Qeyqalaan oo 60 000 watana waxuu udiray dhankii Abuu
Cubeydah bin Jarraax. Waxay Ruumaankii maalintaa iyada ah yiraahdeen:-
Illaah baan kudhaarannaye, waxaan Abuu Bakar kushuqlineynaa inuu
fardahiisa kala laabto dhulkayaga. Isku dar ciidamadii Muslimiinta
maalintaas waxay ahaayeen 21 000 marka laga reebo kuwii uu watay
Cikramah bin Abuu Jahal oo kusugnaa cirif kamid ah dhulka Shaam, waxaa
kaloo lasheegaa inay dhammaayeen 24 000. Markii ay xaalladu halkaa
mareyso bay madaxdii ciidamada Muslimiinta warqad u qoreen dhankii
Khaliifadii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Siddiiq iyo jaallahiisii Cumar
bin Khaddaab, taasoo ay kula socodsiinayaan arrinta halka ay mareyso iyo
sida ay Ruumaanku faleen. Markaa buu Abuu Bakar soo amray:- Isu tega oo
noqda ciidan qura, oo markaa la kulmo ciidamada Mushrikiinta. Adinku
waxaad tihiin Ansaartii Allaah, oo Allana wuu u gargaarayaa ciddii u
gargaarto, wuuna dulleynayaa ciddii ku gaalowdo. Waxuu markaa yiri:-
Illaah baan kudhaartaye waxaan Ruumaanku kaga shuqlin doonaa wiswiska
sheydaanka Khaalid bin Waliid. Markaa buu Khaalid oo dhulka Ciraaq
kusugnaa warqad udiray isagoo ku amrayo inuu Shaam aado oo ciidamada
halkaa kusugan uu madax u noqdo, Ciraaqna uu masuul kusii dhaafo sida
inoo iman doonto Inshaa Allaah.
Markii uu Hiriqal gaaray warka ah in Abuu Bakar uu ciidamadiisii soo
amray inay halmeel isugu tegaan, buu isaguna ciidamadiisii sidoo kale
amray inay halmeel isugu wada tegaan oo ay degaan goob istaraatiiji ah
oo waasic ah, guud ahaanna ciidamadaasi oo idil waxuu madax uga dhigay
walaalkiis Tadaariq, ciidamada hore waxuu madax uga dhigay Jurjah,
labada dhinacna waxuu ukala dhiibay Maahaan iyo Duraaqis, ciidamada
dhanka badda ahina waxuu u xilsaaray Qayqalaan. Markaa bay Ruumaankii
soo dhaqaaqeen oo waxay soo degeen tog la yiraahdo Waaquusah oo u dhaw
goobta Yarmuuk. Markaa iyada ah bay ciidamadii Muslimiinta Abuu Bakar u
cid dirsadeen iyagoo ka dalbanayo gurmad, markaasuu Khaalid bin Waliid
oo ku sugnaa Ciraaq sidaynu soo xusnay u diray warqad isagoo ku amrayo
inuu aado Shaam oo ciidamada halkaasi joogo uu u noqdo madax. Waxuu
amray inuu Ciraaq kudhaafo masuul oo isaga iyo ciidamadiisuna ay aadaan
dhanka Shaam. Khaalid bin Waliid waxuu Ciraaq kudhaafay Muthannaa bin
Xaaritha Ash- Sheybaani, waxuuna kala dhaqaaqay 9 500 oo ciidan ah
isagoo daliil dhulka tusiyo uu uyahay Raafic bin Cumeyr Ad-Daayi. Wuu
dhaqaaqay Khaalid isagoo kusii jeedo Shaam, waxuuna sii maray baadiyaha
Samaawah ee dhulka Ciraaq. Waxuu sii socday illaa uu gaaray goob
layiraahdo Quraaqir oo kamid ah dhulka banii Kalb waana goob leh biyo,
halkaasoo uu degay. Kadib wuu kasii dhaqaaqay, Raaficna waxuu
marinayey dhulal aanan horey cid umari jirtay aysan jirin. Waa dhul
aysan lugtu ubaranin oo qahar iyo dhib badan oo buuro, geedo, dhagaxaan
iyo qodxo badan leh. Waa halkii ay saxaabadu oonka darani iyo macluushu
kuqabatay heer markii dambe ay qaar kamid ah awrtii gaadiidka u ahaa ay
qasheen. Waxuu Khaalid Ruumaankii kasoo galay dhanka Tadammur,
halkaasoo uu kula heshiiyey reer Tadammur iyo Arakah. Markii uu marayey
Al Cudraa buu weerar ku qaaday qolooyinka Ghassaan oo uu ka qaniimeystay
hanti badan. Wuu sii socday oo waxuu ka baxay dhanka bariga Dimishiq
illaa uu ka gaaray Busra oo uu halkaa kula heshiiyey ninkii masuulka ka
ahaa. Waxayna ahayd magaalladii ugu horeysay ee uu dhulka Shaam ka
furto. Falillaahil Xamdu.
Kadib khumuskii qaniimada ee uu ka qaniimeystay reer Ghassaan buu u
diray dhankii Khaliifadii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Siddiiq isagoo
horey ugu sii dhiibay Bilaal bin Al Xaarith Al Muzanni.
Kadib Khaalid waxuu gaaray ciidamadii Muslimiinta 9 casho kadib
safarkiisii uu kasoo kicitimay dhanka Ciraaq. Markuu ciidamadii
Muslimiinta gaarayna waxay taa unoqotay reyn reyn iyo farxad oo
ciidamadii ayay niyadda u dhistay taasi, waayo Khaalid waxuu ahaa
halyeey kudheereeyo arrimaha militerinnimada ah oo dhankaas waxuu ku
ahaa axad looga dambeeyo, waxuuna ahaa abbaan duulo la mahadsho. Intaa
dabeeto madaxdii iyo saadaaddii Muslimiinta ayaa shir u fadhiisteen,
iyagoo ka shirayo sidii iyo qaabkii loo wajihi lahaa ciidamadan
Ruumaanka ah ee cudud iyo cadadba la yimid. Abuu Sufyaan bin Xarbi baa
kamid ahaa dadkii talada halkaa kasoo jeediyey waxuuna yiri:" Umaleyn
maahayo inaan gaboobay illaa aan la kulmo qoom kashirayo qorsha dagaal
oo aan ka qeyb qaadanin''. Kadib waxuu ishaaray in ciidamada Muslimiinta
loo qeybiyo saddex qeybood, oo qeybi ay cadawga Ruumaanka hor
fadhiisato, qeybta kalena oo ay kujiraan carruurta iyo maxastuna la dabo
dhigo, qeybta saddexaadna uu la haro Khaalid bin Waliid.
Ciidamada Ruumaanka maalinta waxay silsilado ku xireen 30 000 ama 80
000 oo ciidamadooda kamid ah si aysan u cararin, tiro aan taas ahaynna
waala sheegaa.
Intaa kadib Khaalid bin Waliid baa ciidamadii Musliiminta isu soo
aruuriyey oo inta ka dhex istaagay amray wanaagga iyo midnimada iyo in
la iska jiro tafaraaruqa oo loo midooba ladagaallanka cadawga. Waxaa
kamid ahaa hadalladii uu halkaa kayiri kadib markuu mahadiyey Allaah oo
uu amaanay:" Maanta tan waa maalin kamid ah maalmaha Illaah, oo aysan
habbooneyn wax faan iyo xad gudub ah. Ubarax tiro jihaadkiina oo ula
doono Allaah dartiis camalladiina. Maalintanna waa maalin leh wixii
kadambeeyo oo haddii aan kucelinno godkooda, abad sidaa baanu u celin
doonnaa, haddayse na jebiyaan liibaani mayno maanta kadib. Kaalayoo ha
inasoo wado marto imaaraddu, si uu midkeen maanta uqabto, kan kalena uu
berrito u qabto, midka kalena uu saad dambe qabto illaa ay inasoo wada
marto, maantuse aniga ii daaya''. Labo kamid ah ciidamadii Muslimiinta
iskuma aysan khilaafsaneyn inuu Khaalid ahaa shaqsi u qalmay inuu
imaaraddaasi qabto oo dhammaan ciidanka oo idil waxay ogaayeen
shaqsinnimadiisa iyo geesinnimadiisa, waxayna yaqiinsanaayeen kaalmada
Alle darteed inuu Khaalid yahay qof ka saari karo Muslimiinta qoolka iyo
dhibta ay kujireen maalintaas. Sidaa darteed bayna isku wada raaceen
inuu isagu hoggaanka u haayo maadama uu Abuu Bakar Siddiiq usoo
doortay.
Ruumaanku waxay maalintaa la yimideen ciidamo aanan horey looga baran
tiro badi iyo hub-bo. Khaalid qudhiisu waxuu la yimid ciidama kuwii ugu
cuslaa ee uu abad hoggaanka uqabto. Waxuu ciidamadiisii u qeybiyey 36
illaaa 40 guuto oo guuto kastaaba ay ka koobantahay kudhawaad 1000 nin,
waxuuna u yeelay amiir guuta waliboo kamid ah guutooyinkaas. Intaa
kadib waxuu dhisay ciidamadiisa isagoo ciidamada dhexda ah madax uga
dhigay Abuu Cubeydah bin Jarraax, dhanka midigtuna waxuu udhiibay Camr
bin Al Caas oo uu lasocdo Shuraxbiil bin Xasana, ciidamada bidixduna
waxuu udhiibay Yaziid bin Abuu Sufyaan, aruurinta qaniimada waxaa loo
xilsaaray C/llaahi bin Mascuud Al Hudali, qaadinnimada waxaa loo dhiibay
maalinta Abii Dardaa, guubaabada iyo arrimaha kuboorinta dagaalkuna
waxaa loo xilsaaray Abuu Sufyaan bin Xarbi, akhrinta quraanka iyo
aayadaha jihaadkuna waxaa loo xilsaaray Al Miqdaad bin Camr, waxuuna
akhrinayey suuratu Anfaal iyo aayadaha jihaadka, ciidamada lugta waxaa
loo xilsaaray Haashim bin Cutbah bin Abii Waqaas, ciidamada
fardooleyduna isaga Khaalid ah baa hoggaaminayey. Abuu Sufyaan bin
Xarbi intuu guuto kasto oo kamid ah guutooyinka ciidamada Muslimiinta u
tego ayuu ku boorinayey dagaalka isagoo markaana Alle ka baryayo inuu
nasrigiisa kusoo dul dejiyo addoomadiisa.
Khaalid bin Waliid oo la tashanayo Abaa Cubeydah bin Jarraax ayaa
ciidamadii fardooleyda u qeybiyey laba qeybood. Qeyb isaga Khaalid ayaa
hoggaanka usii haayey, halka qeybta kalena uu u dhiibay Qeys bin
Hubeyrah. Abuu Cubeydana waxuu ka qaaday ciidamadii dhexda ee uu
hoggaaminayey, waxuuna madax uga dhigay ciidamadaas Saciid bin Zeyd bin
Nufeyl Al Cadawi oo kamid ahaa tobankii jannada loogu bishaareeyay.
Abuu Cubeydah waxuu geeyay gaadada dambe ee ciidanka si qofkii
ciidamada Muslimiinta kamid ah ee soo cararo markii uu isaga arko uu u
xishooda oo uu dib furunta ugu laabto. Intaa kadib waxuu Khaalid aaday
dhankii dumarka oo uu markaa joogey ciidanka dabadiisa dambe, waxuuna
siiyey seyfo oo uu ku yiri:- Qofkaad aragtaan oo soo cararo la dhaco
seyfaha. Kadibna waxuu ulaabtay rugtiisii.
Cadadka ciidama Muslimiintu maalintaasi waxay ahaayeen sida tan:
21 000 oo ah ciidamadii afarta amiir ee isu tegay.
6 000 oo ah ciidamadii gurmadka ahaa ee Cikrimah bin Abuu Jahal uu
watay.
9 500 oo ah ciidamadii uu Khaalid dhulka Ciraaq kala yimid.
3 000 oo kamid ah kuwii jabay maalintii Khaalid bin Saciid bin Al Caas.
Isku dar ciidamada Muslimiintu waxay ahaayeen 39 000 ama 40 000
Wallaahu aclam.
Ciidamada Ruumaanku waxay ahaayeen sidan:
80 000, oo ciidan ah.
40 000, ama 30 000 oo silsilado lagu soo xiray si ay u dhintaan.
40 000, oo xargo iyo camaamado lagu soo xiray si aysan u cararin.
80 000, oo gaadiid wadato
Dhammaan isku darkoodu waxuu ahaa 230 000 ama 240 000 Wallaahu aclam.
Intaa kadib wax la suga waa dagaalkii oo billawdo. Markay labadii
ciidan is arkeen buu Abuu Cubeydah ka dhex istaagay isagoo guubaabinayo
isago amray inay muujiyaan sabar iyo adkeysi waayo sabarku waxuu ka
koriyaa gaallimada oo uu raalli geliyaa Rabbigu. Misna waxaa kacay
Mucaad bin Jabal oo isaguan si wacan hadalka u dhigay waxuuna akhriyey
aayadda 55aad ee suuratu Nuur. Waxaa kamid ahaa hadalladiisa:- Ka
xishoodo Rabbigiin inuu idin arko adinkoo ka carareysaan cadawgiinna oo
aad markaana kujirtaan qabashadiisa, iyadoonaay jirin goob aad u
carartaan oo isaga Allaah ka sokeyso ama qeyrkiisa ah toona. Waxaa
misna kacay Camr bin Al Caas oo isaguna wanaajiyey oo isagu u tilmaamay
ciidamadii Muslimiinta inay daboolaan indhahooda si aysan ugu fidnoobin
dumarka cas cas ee Ruumaanka oo deetana ay guuldarro goobtu timaaddo
illeen macsi hadday timaado guul darraduna way lasocotaaye. Kadib Abuu
Sufyaan baa kacay oo isaguna xasuusiyey inay yahiin Carab oo ay joogaan
dhul cajam, ayna ka fogyahiin ehelladoodii, amiirkii mu'miniinta iyo
gurmadii Muslimiintuba. Waxuuna xasuusiyey inay hor fadhiyaan cadaw ka
cudud iyo cadad badan. Waxuu yiri:- Idin soo gaari meyso raxmadda Alle
beritoole jeer aad la kulantaan cadawgiinna oo aad ka runsheegtaan oo
aad kusabartaan yacni adkeystaan goobta macrikada ee fara saarka. Kadib
wuu dhaqaaqay Abuu Sufyaan oo dumarkii ayuu u tegay oo sidaa si lamid ah
uu ula soo hadlay isagoo la soo dardaarmay, kadibna wuu soolaabtay
waxuuna ku qayliyey:- Kulanka Islaamkoow!! Waxaa yimid waxa aad
aragtaan, waakan Rasuulkii Alle SCW oo hortiinna ah iyo jannadii.
Sheydaan iyo naarna waa gadaashiina, kadib goobtiisii ayuu kusoo
noqday. Kadib waxaa kacay Abaa Hureyrah oo yiri:- U deg dega
xuurulcaynta iyo la dersidda Rabbigiin Cazza wajalla, Jannooyinka
nagaadiga. Ma jirto goob uu Rabbigiin idiinkaga jecelyahay meeshan oo
kale. Hooydaay!! ku sabra waxay leeyahiin fadli weyn. Ciidamadaasi
waxaa kujiray 1000 saxaabadii Rasuulka SCW kamid ah, 100 kamid ahina
waxay ahaayeen asxaabtii Bader.
Maahaan baa inta Safkii gaalada kasoobaxay u dhawaaqay Khaalid isagoo ka
dalbanayo inuu usoo baxo si uu ula hadlo. Markaasuu Khaalid u baxay,
waxayna ku kulmeen labada ciidan dhexdooda. Waxuu yiri:- Waxaanu
ogaannay in waxa dhulkiina idinka soo saaray ay tahay gaajo, ee kaalayo
waxaan idin siineynaa 10 Dirham qof kastoo idinka mid ah, sanadkan
sanadkiisa kale marka la gaarana waxaan idiin soo direynaa mid lamid
ah. Waxuu yiri Khaalid:- Ma ahan waxa dhulkayaga naga soo saaray sida
aad sheegtay, waa inaanu nahay qowm cabbo dhiigga, waxaana ina soo
gaartay in dhiigga Ruumaanku uusan jirin dhiig ka wanaagsan, marka sidaa
baanu u nimid. Markaa bay Baahaan asxaabtiisii ku yiraahdeen:- Illaah
baan ku dhaarannaye waxa kani waa waxii aan xaggooda ka sheegeynay.
Kadib Khaalid waxuu u tegay Al qacqaac bin Camr iyo Cikramah bin Abii
Jahal oo hoggaaminayey qaar kamid ah guutooyinkii Muslimiinta ee
maalintaas. Waxuu amray inay huriyaan dagaalka oo ay weerarro culus
qaadaan. Kadib dagaalkii baa billawday. Ciidamada Ruumaanka waxaa la
socday culimadoodii Qisisiinta iyo Ruhbaaniyiinta oo ku boorinayeen
dagaalka iyo inay difaacaan diinta Nasaarada. Mar Alliyoy dhiiri
gelinayaan ciidankooda bay aad u dhawaaqayeen, saa waxaa maqlay Mucaad
bin Jabal oo yiri:- Alloow! gigil gommadahooda, oo rucbi kutuur
qalbiyadooda, oo naguna soo deji dushayada raxmaddaada, oo na haleeshii
kalmadda taqwada, oo na jecleysii la kulanka noogana raalli noqo
qadaha.
Dagaalkan Yarmuuk saxaabadii kaqayb qaadatay waxaa kamid ahaa Zubayr bin
Al Cawwaam oo maalintaa ahaa mid kamid ah saddexdii ugu fadli badneyd
ciimada Muslimiinta ee halkaa kusugnayd. Waxuu Zubayr ahaa halyeey
geesi ah oo hub ka dhawaajiyo loo muhdo ah, waxuuna aad ugu wacnaa fardo
fuulka iyo seyfta oo si xarago leh cadawga loogu xasuuqa. Sidaa darteed
baa dagaalkii oo socda ay uyimaadeen jamaaco kamid ah halyeeyadii iyo
geesiyaashii Muslimiinta oo ka dalbadeen inuu la weerar qaado,
markaasuu ku yiri:- Ma sugnaaneysaan. Markaa buu weerar qaaday oo ay
iyana la qaadeen. Waxuuna ka dhex baxay ciidamadii dhexda ee Ruumaanka
isagoo dhanka kale uga baxay, misna wuu kusoolaabtay isagoo intaasi
laynayo layn daran cadawga. Misna mar kale buu sidii si lamid ah
sameeyay isagoo ay lasocdaan asxaabtiisii heer markii dambe uu jilciyey
safafkii Ruumaanka. Dagaalkii wuu darraaday, Ruumaankuna waxay la
yimideen wacdaro aanan horey looga baran.
Maahaan ayaa weerar kusoo qaaday meymanadii Muslimiinta oo ay u
badnaayeen, Khowlaan, Uzdi, reer Xadrumowd iyo Mudxij. Waxayse muujiyeen
sugnaan iyagoo ka run sheegayo goobta fara saarka, heer markii dambe ay
Ruumaankii weerar sidii buuro guurayo ah ay sooqaadeen. Maalintaa waxaa
kashifmay banii Zubayd oo safkoodii dabciyey, dabeetana markay arkeen
dumarkii Muslimaadka oo ulo iyo dhagaxaan la dhacayo kuwii firxaday bay
is qabteen oo ay xishoodeen, dabeetana dib bay usoolaabteen. Waxaa
maalintaa kashifmay jamaaco kamid ah Muslimiinta. Camr bin Al Caas iyo
xayn uu kujiro iyagu way sibaxdeen, dabeetana way is qabteen oo way
soolaabteen. Shuraxbiil ibnu Xasana qudhiisu wuu taraaraxay inkastoo uu
is qabtay markuu maqlay dhawaqa mid kamid ah amaraada ciidanka oo
akhrinayo qolka Alle Sarreeye:- Alle waxuu Mu'miniintu ka iibsaday
nafahooda, inay usugnaatay Janno darteeda. ( Suuratu Towbah, aayadda
111aad ). Maalintaa waxaa sugnaaday Yaziid bin Abii Sufyaan, oo siday
raayad kamid ah raayadahii Muslimiinta ee Maalintaas. Sababtuna waxay
ahayd aabahii Abuu Sufyaan baa mar waliba guubaabinayey oo ku lahaa:-
Maandhoow! dushaadu ha ahaato cabsida Alle, oo ha noqon sida aynoqdeen
saaxiibadaa. Waxuu Abuu Sufyaan ku guubaabinayey inankiisa isagoo
hoostaagnaa raayaddii uu siday, inuu sugnaado oo uu sabir iyo adkeysi
muujiyo, oo uusan lamid noqon kuwa kashifmay maalintaa iyada ah. Mar
Alliyoo uu Abuu Sufyaan wiilkiisa guubaabiyo, waxuu Yaziid jawaab ahaan
u celinayey aabahiis:- Inshaa Allaah waan fali.
Cikrimah bin Abii Jahal waxuu yiri maalintaa:- Rasuulka Alle SCW baan
goobo badan kula dagaal galay, ee ma maanta baan adinku idinka cararaa?
Dabeeto waxuu kudhawaaqay, yaa igula mubaayacoonayo dhimasho? Markaasay
xaggiisii usoo dideen 400 kamid ah halyeeyadii fardooleyda iyo
geesiyaashii Muslimiinta oo ay kamid ahaayeen adeerkiis Al Xaarith bin
Hishaam iyo Diraar bin Al Azwar. Waxay qaadeen weerar culus oo ay ka
dagaallamayeen goobta tendhadii Khaalid agteeda, jeer markii dambe
dhammaantood uu soo gaaray dhaawac, qaar kamid ahina ay ku
ishtish-haadeen. Waa halka ay ku oomeen iyagoo dhaawac culusi hayo sida
la sheego Cikramah bin Abuu Jahal, adeerkiis Al Xaarith bin Hishaam iyo
Cayaash bin Abuu Rabiicah, oo markii biyo loo keenay oo midiba yiri
midka kale horta sii, oo ay dabeeto iyagoonan cabbin biyahii ay wada
geeriyoodeen.
Waxaa layiraahdaa:- Qofkii ugu horeeyay ee Muslimiinta ka dhinta
maalintaa waxuu ahaa nin u yimid Abuu Cubaydah bin Al Jarraax oo ku
yiri:- Annigu arrinteydu waan diyaarsaday ee majirtaa wax xaajo ah oo
aan kaa gaarsiiyo Rasuulkii Alle SCW? Waxuu yiri Abuu Cubaydah:- Haah!
igu salaan oo kuna dheh:- Rasuulkii Alloow! innagu waanu helnay wixii uu
Rabbigayo inoo yaboohay oo dhab ah.
Markaa buu ninkii dhaqaaqay oo uu dagaallamay jeer la dilay isagoo
shahiid ah.
Kadib markuu arkay Khaalid weerarka Ruumanka ee is daba joogga ah iyo in
safafkii Muslimiintu ay dhowr jeer kashifmeen, buu weerar culus ku
qaaday ciidamadii bidixda ee Ruumaanka, kuwaasoo markii hore weerarro is
daba joog ah kusoo qaaday ciidamada midigta ee Muslimiinta. Markaa buu
Khaalid dagaallamay dagaal aad u daran. Markaa buu liiciyey oo uu ku
daray ciidamadii Ruumaanka ee dhexda, waxuuna kaga laayey weerarkaas
gaalada 6 000, kadiba waxuu yiri:" Kan ay nafteydu gacantiisu kujirto
baan ku dhaartaye uma aysan harin wax sabar ah iyo ad adkaan, aan ka
ahayn sida aad ka aragtaan, waxaanna rajaynayaa inuu Alle idinka siiyo
guusho''. Markaa buu mar kale kaxaystay 100 fardooley ah oo uu weerar
culus ku qaaday 1000 Ruumaan ah, markiina ay Ruumaanku arkeen weerarka
labaad ee Khaalid bay dhanka kale ujabeen.
Goor dagaalka lagu jiro oo xaalladu kulushahay baa waxaa timid warqad
sheegeyso geerida ku timid Abuu Bakar Siddiiq iyo in Khilaafadii uu
bacdigiisa qabtay Cumar iyo in weliba imaaradda Shaam uu u soo wakiishay
Abuu Cubaydah bin Al Jarraax, Khaalidna uu ka casilay. Warqaddaasi waxaa
siday Manjimah bin Zuneym, markaasuu Khaalid ku yiri:- Waa maxay? Waxuu
yiri:- Arrin aniga iyo adiga dhexdeenna ah. Kadibna waxuu usheegay
geerida Abuu Bakar Allaha ka raalli noqdee. Markaa buu Khaalid ku yiri
isagoo ay dadkii maqlahayan:- Axsanta. Warqaddiina intuu qaaday buu ku
ritay tuulkiisa.
Islaamiddii Jurjah
Jurjah sidaynu ogsoonnahay wuxuu kamid ahaa madaxdii ciidamada Ruumaanka
ee Maalintaas, waxaanna soo xusnay inuu ahaa mid kamid ah amiiradii
Ruumaanka ee kuwajahnaa amaraadii Muslimiinta ee afarta ahaa, kuwaasoo
uu Abuu Bakar Siddiiq Allaha ka raalli noqdee uu usoo diray dhulka
Shaam. Waxii dhacay markay dhaceen oo ciidamadii Muslimiintu ay isu
tegeen, buu Hiriqal amray ciidamadiisii inay iyaguna isu tegaan.
Markiina ay isu tegeen Jurjah ma uusan waynin imaaraddiisii, waayo waxuu
ahaa mid kamid ah madaxdii ugu sarreeysay Ruumaanka, dhanka dagaalkuna
tabbo iyo xeelad wanaagsan ayuu uyaqiinnay. Sidaa darteed buuna kamid
ahaa dagaalkaan Yarmuuk madaxdii hoggaaminaysay Ruumaanka.
Intaa kadib (innagoo sii wadno dhacdadan Yarmuuk) buu Jurjah kasoo
baxay ciidamadiisii oo uu soo dhex istaagay labada saf isagoo markaa
dalbaday inuu Khaalid usoobaxo si uu bal wax u su'aalo. Markaa buu
Khaalid u baxay, booskiisiina waxuu kudhaafay Abuu Cubaydah bin Al
Jarraax. Waxay ku kulmeen isaga iyo Khaalid labada saf dhexdooda, iyadoo
midba midka kale uu magan galyo siinayo oo uusan jirin mid midka kale
far u dhaqaajinayo, fardahooduna ay markaa labaduba qooraha is
dhaafsadeen oo ay wada hadal billaabeen. Markaa buu yiri Jurjah:-
Khaalidoow! iisheeg runta, oo ha iisheegin wax beena, waayo qofka xurta
ahi been masheego, hana iqayaamin, waayo qofka sharafta lihi wax ma
qayaamo. Allaan kugu dhaarshaye, ma Alle baa Nebigiinu samada uga soo
dejiyey seyf oo uu markaa adiga kusiiyey oo ciddaad kula dagaallantaba
aad jebisaa?
Waxuu yiri:- Maya.
Waxuu yiri:- Oo haddaba sidee laguugu baxshay Seyfullaah (Seyftii
Alle)?
Waxuu yiri:- Alle Sarreeye baa dhexdayada kasoo saaray Nebi, markaasaanu
beeninnay, oo aanu ka cararnay, say barkayaga rumeeyeen oo raaceen,
barkannaguna way la dagaallameen oo ay beeniyeen, waxaana kamid ahaa
kuwii beeniyey oo la dagaallamay. Kadib Alle baa qabtay quluubtayada
iyo foodannada oo inagu hanuuniyay, markaasaanu raacnay. Markaasuu
yiri:- Adigu waxaad tahay seyf kamid ah seyfaha Allaah uu kusalliday
Mushrikiinta, waxuuna iigu duceeyay guul. Sidaa la iigu baxshay
Seyfullaah, aniguna waxaan ahay qofka Muslimiinta ugu ad adkaan badan
xagga gaalada.
Waxuu yiri Jurjah:- Khaalidoow! Bal iiga warran waxa aad dadka ugu
yeereysaan?
Waxuu yiri:- Waa qiridda inuusan jirin Allaah (xaq lagu caabbudo) oo aan
ka ahayn Alle, Muxammedna (SCW) uu yahay addoonkiisii iyo Rasuulkiisii,
iyo in lagu raalli noqo waxii uu Alle xaggiisa kala yimid''.
Waxuu yiri:- Oo ka warran kaan idinka yeelin?
Waxuu yiri:- Waa inuu bixiyo jizyo, innaguna waan difaacaynaa.
Waxuu yiri:- Bal ka warran hadduusan bixinin?
Waxuu yiri:- Waxaanu ogeysiineynaa dagaal, kadibna waan la
dagaallameynaa''.
Waxuu yiri:- Ka warran manzilada qofkii idiin soo galo, oo idinka yeelo
arrinkan maanta?
Waxuu yiri:- Manziladayadu waa mid qura, xagga waxii uu Alle nagu farad
yeelay keenna shariifka ah, keenna daciifka ah, keenna u horeeyay ( ee
galo diinta Islaamka ) iyo keenna u dambeeyayba.
Waxuu yiri:- Ma leeyahay Khaalidoow! kii maanta soo galo ( diintan )
ajar iyo mushqaayad lamid ah ka aad idinku leedihiin?
Waxuu yiri:- Haah! weliba wuu naga fadli badanyahay.
Waxuu yiri:- Oo siduu idiinlamid yahay adinkoo uga horreeyay?
Waxuu yiri:- Arrinkan ( diinta ah ) waxaan galnay oo aan la baayacoonnay
Nebigayaga SCW iyadoo uu noolyahay oo uu dhexdayada joogo, khabarna uu
uga yimaado samada (yacni waxyi ), oo uu inooga warramayey kutubta, oo
uu inatusinayey calaamadooyinka. Xaq bay ku ahayd qofkii arkay waxii aan
aragnay oo maqlay waxaanu maqalnay inuu u hoggaansamo oo uu la
mubaayacooda, adinkuna maydaan arag waxaan aragnay oo maydaan maqal
waxaanu maqalnay oo cajaa'ib iyo xujooyin ah. Ruuxii soo galo arrinka
kan ee diinta ah oo idinka mid ah, isagoo ay ka tahay dhab iyo niyad
dhab iyo niyad''.
Waxuu yiri Jujrah:- Illaah baan ku dhaartaye waad ii runsheegtay.
Kadibna wuu Islaamay oo waxuu u soo wareegay safkii Khaalid.
Intaa kadib Khaalid wuu kaxeeyay waxuuna geeyay teendhadiisii, oo uu
ugeeyay biyo, oo kadib markuu meydhay oo uu weysaystay ayuu tujiyey
laba rakcadood. Markaa bay Ruumaankii weerar kusoo qaadeen teendhadii uu
ku jiray Jurjah, hase ahaatee qaar kamid ah halyeeyadii ciidamada
Muslimiinta baa u jilba dhigeen weerarradaas, kuwaasoo ay kamid ahaayeen
Cikrimah ibnu AbuuJahal iyo Diraar bin Al Azhar, sidaynu soo xusnay.
Kadib Jurjah iyo Khaalid baa waxay qaadeen weerarro is dabajoog ah oo ay
kuqaadeen Ruumaanka, hase ahaatee waala asiibay Jurjah oo wuu shahiday
isagoo Muslim ah, oo aan horey iyo gadaalba u tukan waxaanan ka ahayn
labadii rakaco ee uu Khaalid tujiyey.
Kadib Ruumaankii way jabeen, waxaana iska dul dhacay kuwii silsiladaha
ku xirnaa, markaasay Muslimiintii halkaa kulaayeen iyagoo ka dilay
kudhawaad 120 000 marka laga reebo kuwii farasaarka hore lagaga dilay.
Waxaa la dilay dil aad u daran oo dariic ah, heer ay dumarkii
Muslimaadka ay ka qeyb qaateen layntooda oo ay wax badan ka dileen kuwii
silsiladaha ku xirnaa. Dhanka Muslimiinta waxaa maalintaa laga dilay 3
000 oo ay kamid ahaayeen, Cikrimah bin AbuuJahal iyo wiilkiisa Camr bin
Cikramah, iyo adeerkiis Xaarith bin Hishaam, Camr bin Saciid, Salamah
bin Hishaam, Cayaash bin Abii Rabiicah, Nucaym bin Cabdillaahi Al
Cadawi, Saciid bin Al Xaarith bin Qeys As-Sahmi, An- Nasseer bin Al
Xaarith bin Calqamah, Abuu Ruum bin Cumeyr Al CabdiDaari, Abaan bin
Saciid bin Al Caas. Hishaam bin Al Caas bin Waa'il, Camr bin Dhufeyl bin
Camr Ad-Dowsi- oo riyadii aabahiis ee maalintii Yamaamah u rumowday, iyo
qaar kaloo badan oo kamid ah rag karmeedyadii Muslimiinta. Abuu Sufyaan
bin Xarbi isha ayaa laga asiibay oo uu leeb uga dhacay, waxaana ka soo
saaray Abuu Xathmah.
Ciidamadaasi Muslimiinta ee xaadiray Yarmuuk waxaa kujiray 1000
saxaabadii Rasuulka SCW kamid ah iyo 100 kamid ah asxaabtii Bader.
Jabkii Ruumaanka qaar kamid ah ayaa waxuu gaaray boqorkoodii Hiriqal oo
markaa kusugnaa Andakiyah ama Ximsa, markaasuu ku yiri:- Hooggiinee!
iiga warrama bal qowmka aad la dagaallameysaan, ma waysan ahayn dad
bashara oo sidiinoo kale ah? Waxay yiraahdeen:- Haah!.
Waxuu yiri:- Oo ma iyagaa idinka badnaa ama adinka ayaa ka badneydeen?
Waxay yiraahdeen:- Mayee, innagaa goob waliba labo jibbaar ka badneen.
Waxuu yiri:- Oo maxay haddaba idin helay oo ay idiin jibiyaan?
Markaa buu nin kamid ah culimadoodii oo oday ah yiri:- Waa sababta
darteeda inay habeenkii oo idil taaganyahiin (salaad darteeda ),
maalintiina ay soomanyahiin, oo ay oofiyaan ballanka oo ay amraan
wanaagga, xumuhuna ay reebaan, dhexdooduna ay is wanaajiyaan. Halka aan
innagu cabno khamriga, oo aan zinneysanno, xaaraantuna aan fuulno,
ballantuna aan burinno, oo aan dulmi falno, oo aan is amarno cadho, oo
aan iska reebno waxii Alle raalli gelinayo, dhulkuna aan fasaahidinno.
Waxuu yiri Hiriqal:- Adigu run baad iisheegtay.
Taasu waxay ku tusineysaa wanaaggii Muslimiinta inay xitaa gaalladii ka
marag kaceen, heer ay qirteen inay iyagu yahiin kuwa qaldan oo lunsan.
Waa sidaase goor lagu jiro xafladdii guusha iyo riyaaqid iyo reyn rayn
iyo mahadnaq guushii Yarmuuk laga helay darteeda buu Khaalid ku dul
akhriyey ciidankii warqaddii katimid Madiina ee caddeyneysay geerida
kutimid Khaliifadii Rasuulka SCW ee Abuu Bakar Allaha ka raalli noqdee.
Majahii farxaddu baa mar qura isku badashay murugo iyo tiiraanyo
huwisay ciidamadii Muslimiinta, hase ahaatee maysan ka gaabinin
howlahoodii militari ee kujiraan. Allena waxuu u wakiishay kii ugu
kheyr badnaa ummadda Nebi Muxammed SCW kadib Abuu Bakar.
Waxuu Khaalid u sheegay ciidamadii Muslimiinta in Khilaafadii uu qabtay
Al Faaruuq, imaaraddii Shaamna masuul looga dhigay Abuu Cubaydah. Kadib
buu Abuu Cubaydah go'aamiyey in la qeybiyo qaniimada kadib markuu ka
saaray khumuskii. Markaa buuna khumuskii qaniimada iyo bishaaradii
guusha u dhiibay Qubaath bin Ashiim si uu Madiina u geeyo, Yarmuuk-na
waxuu ku sii dhaafay koox fardooley ah oo uu madax u yahay Bushayr bin
Kacab.
Dhacdooyinkii Ka Dhacay Ciraaq Kadib Ka Imaanshihii
Khaalid
Sababtu waxay ahayd in Furus ay boqoreen Shahrbaraaz bin Aradasheer bin
Shahrayaar, kadib markay dileen boqorkoodii iyo wiilkiisii. Iyagoo ka
faa'iideysanayo maqnaashaha Khaalid bay dhankii Muthanna u soo direen
ciidan culus oo dhan 10 000 oo uu madax uyahay Hurmuz Jaadaweyhi.
Markaasuu Shahrbaraaz warqad usoo diray Muthannaa isagoo ku leh:-
Waxaan kuusoo diray ciidamo kuwii waxuushta reer Furus, wax kale maahane
waa kuwii raaci jiray digaagga iyo doofaarrada, wax aan iyagu ahaynna
kugulama dagaallamayo. Markaa buu Muthanna u qoray warqad kale jawaab
ahaan isagoo oranayo:- Waxaad tahay labo nin midkood. Haddii aad qooqday
adiga ayay shar kuu tahay, innaguna waa inoo kheyr. Ammaa haddii aad
been sheegeyso, ugu weyn beenalayaasha xagga cuquubta iyo fadeexada Alle
agtiisa waa boqorrada, Sida aynu u aragnana waxay tahay in la idiin
dhibaateeyay xaggooda ( kuwa raaco digaaga iyo iyo doofaarrada, oo aad
waydeen ciidamo kale ). Mahad waxaa iska leh Allahii dhagartiinnii u
celiyey digaag raac iyo doofaarreey.
Markii ay warqaddaas u tegtay reer Furus oo ay akhriyeen bay sidaran uga
naxeen oo ay ka xumaadeen sababta uu Shahrayaar markii hore u qoray
warqadda hore, waxayna ku tilmaameen inuu yahay mid ra'yi waalan.
Intaa kadib ciidamadii Faarisiinta waa ay soo baxeen oo waxay soo
abbaareen dhankii. Muthana iyo ciidamadiisiina waxay ka dhaqaaqeen
Xiirah oo uu aaday dhanka Baabil. Labada dhinac ee ciidamadiisa waxuu
ukala dhiibay walaaladii Al Macnaa iyo Mascuud. Waxay labada qolo ku
kulmeen Cudwat-Suraah, halkaasoo ay ku dhex martay dirir aad u daran,
Faarisiintuna dhowr jibbaar bay Muslimiintu ka badnaayeen. Waxay
maalintaa Faarisiintu soo deeyeen maroodiyaal ay ku cabsi gelinayaan
fardaha Muslimiinta oo u diiday inay si quman weerar u qaadaan
fardooleyda Muslimiinta. Markaa buuna Muthanna laayey maroodiyaashii,
asxaabtiisiina waxuu amray inay laayaan maroodiyaasha. Kadib dagaalkii
baa darraaday, markaysay jabeen majuustu oo ay Muslimiintiina
raacdeysteen oo ay laynayeen, waxayna dileen dil daran maal badanna way
ka qaniimeysteen. Jabkii Faarisiinta ayaa waxay ka dul dhaceen
caasimaddoodii Madaa'in goor ay shari ka dhex taagan tahay. Waxay
tageen iyadoo boqorkoodii uu dhintay, oo ay boqreen gabadhii boqorkii
hore ee Kisraa. Taasoo la oran jiray Bowraan bint Abruweyz, oo runtii
ku oogtay caddaaladda, oo wanaajisay raadka taariikhdeeda, waxayna
madax u ahayd muddo hal sano ah iyo 7 bilood, dabeetana way dhimatay.
Markaasay boqreen walaasheed Aazarmiidakhat zinaan, dabeetana waxay
kubadaleen Zaabuur bin Shaharyaar, waxayna ku lamaaneeyeen Farakhzaad
bin Bandawaan. Markaa buu Saabuur u dhisay gabadhii boqorkii hore ee
Kisraa Farakhzaad bin Bandawaan, taasoo ahayd Aazarmiidakhat zinaan bint
Abruweyz. Markaasay Aazarmiidakhat diidday arrinkaas waxayna tiri:- Waa
addoon kamid ah addoomayada. Markii la gaaray habeenkii arooskeeda bay
Faarisiintii dileen Farakhzaad, kadibna waxay aadeen dhankii Saabuur oo
isaguna ay dileen, waxayna boqreen Aazarmiidakhat mar kale.
Rasuulkeennu SCW waxuu yiri:- Ma liibaanayaan qowm haweeney madax ka
yeeshay. Boqortooyadii Furusna waxay noqotay mid dheel dheel iyo lahwi
ah, oo dandarrowday.
Kadib Muthanna waxuu u cid dirsaday Abuu Bakar Sidiiq isagoo ka
dalbanayo gurmad, hase ahaatee wax war ah kamuusan helin. Markaasina
waxay ahayd goor lagu jiray carcartankii dagaal weynahii Yarmuuk oo uu
Abuu Bakar ku mashquulsanaa. Markii uu raagsaday Muthanna gurmadkii uu
ka dalbaday Abuu Bakar, wax farriin ama jawaab ahna uu ka la'yahay buu
naf ahaantiisii aaday magaaladii Madiina, Ciraaqna waxuu kusii dhaafay
Bashiir bin Khasaasiyah, arrimaha dagaalkana wuxuu usii xilsaaray Saciid
bin Murrah Al Cajali.
Markii uu Muthanna tegay Madiina, waxay ahayd goor uu Abuu Bakar la
jiifay xanuunkii uu dunida uga faaruqay khilaafadiina uu kula ballamay
Cumar bin Khaddaab. Markiina uu Abuu Bakar arkay Muthanna oo dul taagan
buu Cumar ku yiri:- Marka aan geeriyooda yaanad galabeysan jeer aad
dadka ku booriso la dagaallanka reer Furus oo aad Muthanna ciidan ku
darto. Sidii buuna Cumar yeelay sida aynu ku arki doonno billawgii
Khilaafadiisii hadduu Alle idmo.
Geeridii Abuu Bakar Allaha Ka Raalli Noqdee
Markii ay u buuxsantay da'da 63aad oo ah da'dii uu ku geeriyooday
rafiiqiisii Nebi Muxammed SCW buu Rabbi oofsaday. Taasina Rasuulka SCW
baa ugu sii bishaareyay mar uu yiri:- Waxaan arkay adigoo jannada iga
dambeeyo labo jaranjaro iyo bar. Waxay kutusineysaa inay taasi
tilmaamayso inta sano ee uu ka noolal dambeeyo Abuu Bakar Rasuulka Alle
SCW, arrintanina waana mid kamid ah dalaa'ishii Nebiga SCW.
Muddadii aadka u yarayd ee uu xilka hayay Abuu Bakar Siddiiq waxuu
awooddii Islaamka kusoo celiyey Xijaas oo idil oo markii hore ay wada
riddoobeen marka laga reebo reer Makka, reer Madiina iyo reer Daa'if.
Intaa kadib wuxuu nadiifiyey jasiiraddii oo idil, kadibna furtay qaar
kamid ah dhulka Ciraaq, waxayna geeridii u timid isagoo ciidamadii
Muslimiinta isugu geeyay dhulka Shaam si uu u boqno gooyo boqortooyadii
Ruumaanka.
Sanadkan dhexdiisa buu xanuunsaday xanuunkaasoo ahaa midkii uu dunida
uga faaruuqay, waxuuna khilaafadii uga tegay Cumar bin Khaddaab kadib
markuu la tashtay saxaabo badan oo dhammaantood ay u ishaareen in uu
Cumar kudhaafo khilaafada.
Dardaarankii khilaafada uu u dardaarmayay Cumar waxaa u qorayey Cuthmaan
bin Cafaan isagoo xanuunsanayo ayuu u yeerinayay. Markiina uu marinayo
yeerinta dardaaranka weedhan: Waxaan idiinkaga tegay...... buu miyir
daboolmay, markaasuu Cuthmaan halkii kubuuxiyey.... ''Cumar''.
Mar kale buu Abuu Bakar Illaahay haka raalli noqdee dib u soo miyirsaday
oo uu yiri:- Bal ii akhri waxa aad qortay. Markaasuu u akhriyey illaa uu
ka gaaray weedha ah waxaan idiinkaga tegay.... Markaasuu Cuthmaan
raaciyey magacii uu ku daray oo awalba uu Abuu Bakar hadal hayey ee ahaa
''Cumar''. Waxuu markaa Abuu Bakar u riyaaqay sida uu Cuthmaan
sameeyay, waxuuna ku yiri:- Waxaa laga yaabaa inaad ka cabsatay inaan
sidaa ku dhinto oo dadku ay is khilaafaan, Illaah baan kudhaartaye
haddii aad adigu isku qori lahayd ahal baad u ahaan lahayd. Kadib
dardaarankii buu sii waday illaa uu ka dhammeeyay. Markii uu dhintay
buuna Cuthmaan dadkii ku dul akhriyey dardaarankaas oo ay dhammaantood
kuwada raalli noqdeen, lana mubaayacoodeen khaliifada khaliifadii
Rasuulka Alle SCW (Cumar).
Waxaa la sheegaa in Yahuud ay siisay cunno sumeysan oo ay cuneen isaga
iyo Al Xaarith bin Kildah, dabeetana uu geeriyooday sanadkan gudahiisa.
Waxaa kaloo la sheegaa inuu qubeystay ama maydhay maalin qaboow ah oo
ay dhaxan darani jirtay, oo dabeeto ay xumadi qabatay sida rajaxsan,
taasoo uu la xanuunsanaa muddo 15 casho ah oo uusan soo bixin. Waxuuna
muddadaas amray Cumar inuu dadka tujiyo salaadda oo uu howlaha sii kala
wado. Waxuu geeriyooday Maalin isniin ah oo ay siddeed casho ka
dhimantahay bisha Jamaadul Aakhir ee sanadkan yacni 13aad ee Hijriga.
Waxuuna u dardaarmay inay dhaqdo afadiisa Asmaa bint Cumays, waxaana
caawinayey wiilkiisa C/Raxmaan bin Abii Bakar, maadama ay maalintaa
Asmaa soonneyd oo qabow badanina uu jiray. Cumar bin Khaddaab ayaa
tujiyey janaasadiisa isagoo takbiirsaday afar takbiir. Waxaana lagu ag
aasay rafiiqiisii Nebi Muxammed SCW, goobta daartii Caa'ishah, Allaha
ka raalli noqdee.
Abuu Bakar Siddiiq wuxuu Rasuulka SCW kasoo weriyey 141 xadiis, Illaahay
haka raalli noqdee.
Intaasi ayaan kusoo gababayneynaa wixii uu Alle inaga waafajiyey inaanu
ka qorno taariikhdii Abuu Bakar Siddiiq oo runtii buggaag iyo qalimaan
badan dhameyneyso.
Illaahay ha u nuuriyo qabrigiisa hana u waasiciyo Abuu Bakar Siddiiq,
saaxiibkii Rasuulka Alle SCW iyo labaeeyahiisii godka. Aameen aameen,
aamiin.
Wabillaahil Mustacaan.
AKHRI Qaybta 2aad: TAARIIKHDA CUMAR BIN ALKHADDAAB
Qore: Mohammed Dahir Abdi
Email: mohamed1 @ live.fi
HORDHAC |
QAYBTA
2aad |
Kulaabo bogga
www.SomaliTalk.com
|