SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SANNADKA 1429
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print
SIIRADA RASUULKA::: Hordhac
01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 16 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 46 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 | 65 | 66 | 67 | 68 | 69 | 70 | 71 | 72 | 73 | 74 | 75 | 76 | 77 | 78 | 79 | 80 | 81 | 82 | 83 | 84 |


Maalmo Muhiim ah ee Sannadka Hijrada ee 1429

FG: Taariikhda Hijrada waxay ku xiran tahay ama tirsigeeda looga qiyaas qaataa bilowga bisha (Dayaxa), sidaas daraadeed taariikhaha hoose waa dhici karta in qiyaasta ugu dhow ay maalin ka hor dhacaan ama ka gadaal dhacaan taariikhaha xusan...


  • Bilowga Sannadka: 1/1/1429 waa bilowga sannadka Hijrada oo ku beegan Khamiis Janaayo 10, 2008. [Akhri taariikhda Hijradu markii ay soo bilaabatay].
     
  • Cashuura (10ka Muxaram) oo ku beegan Sabti Janaayo 19, 2008. Fadliga Cashuura iyo sida aad uga faa'iidaysan kartid Akhri halkan....
     
  • Shabcaan: Waxay ku beegan tahay bisha 8aad ee 2008 ..  Akhri Fadliga Bisha Shacbaan....
     
  • Ramadaan: Bilawga bisha barakaysan ee Ramadaan waxay ku beegan tahay September 1, 2008. Macluumaadka Ramadaanka ka akhri halkan.... [Ciidul-Fidri waxay ku beegan tagan tahay maalinta ugu dambaysa September ama kowda October 2008]
     
  • Xaj: Xajku sannadkan waxa uu ku beegan yahay toddobaadka ugu horeeya bisha December 2008. Macluumaadka Xajka ka akhri halkan... [Ciidul Adxa waxay ku beegan tahay December 8, 2008]..
     
  • Sannadka xiga ee Hijdarda 1430 bilowgiisu waxa uu ku beegan yahay Decemeber 29, 2008. Insha Allah.

Allah khayrka ha ina waafajiyo.


Jadwalka Taariikhda Islaamka

Taariikhda sannadka Islaamku waxaa lagu tiriyaa bisha (ama dayaxa). Waxaana uu ka koobanyahay 12 bilood kuwaas oo bilwalba tiradeedu ay ku xirantahay dhalashada bisha. Badanaana sannadka islaamku wuxuu noqdaa 12 x 29.53=354.36 maalmood. Taas oo kadhigeysa sanndka Islaamka mid 11 maalmood katiroyar sannadka miiladiga ama taariikhda looyaqaan "Gregorian".

Sannaadka Islaamka waxaa sal u ah Aayadda Quraanka ee suurada "Al-Tawbah" ee macneheedu yahay "Tirada bilaha Eebe waa Laba iyo Toban kitaabka Eebe dhexdiisa tan iyo maalintuu abuuray samooyinka iyo dhulka, waxaana kamid ah afar xurmo (gaar) ah leh...." [9:36].

BILAHA SANNADKA ISLAAMKA


1. Muxarram 7. Rajab
2. Safar 8. Shacban
3. Rabi'c al-awwal  9. Ramadan
4. Rabi'c al-thani 10. Shawwal
5. Jumada al-awwal 11. Dhu al-Qic'dah
6. Jumada al-thani        12. Dhu al-Hijjah
 

Bilaha Islaamku waxay bilaabmaan marka bishu soo baxdo, taas oo ah in la arko bisha. [Eeg bogga muujinaya khariida bisha].

Xisaab ahaan bilaha Islaamka waxaa lagu qiyaasaa in ay kudhamaadaan 30 ama 29 maalmood.

Sannadka Islaamka oo loo yaqaan Hijra waxa uu bilaabmay markii Nebi Muxammad (scw) uu ka haajirey Maka oo u haajirey Madiina, taas oo ku beegnayd sannadkii 622 ee miilaadiga , qiyaastii [16 July C.E. 622].

Ma rabtaa in aad tirada carabiga u bedeshid Roomaan, ama tirada Roomaanka u bedeshid Carabi, Guji halkan

Faafin: SomaliTalk.com | Updated: Jan 9, 2008

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com