Caashuuraa: Jan 18-19, 2008
Cashuura waxay ku beegan tahay
Jan 19, 2008
Maxaad uga
faa'iidaysan weydey maalmahan "gaarka" ah ee uu kuugu deeqay Allaha
weyni? Maxaa loo soomayaa maalmahan?
Abu Qataada (rc) wuxuu yidhi: Nabiga (صلى
الله عليه وسلم)
ayaa la weydiiyey soonka maalinta Caashuuraa suu yeen: {waxaa lagu
dhaafaa [denbigii] sannadkii tagey} Muslim ayaa wariyey.
Taasuucaa
waxay ku beegantahay Jimce: Jan 18, 2007
Caashuuraa
waxay ku beegantahay Sabti: Jan 19, 2007
Maalinta Caashuuraa
ee uu Rasuulku (s.c.w)fadligeeda ku sheegay xadiiska kor ku qoran iyo
axaadiis kale oo badani waa maalinta tobnaad ee bisha Ilaahay ee
Muxarram. Waxaa sunne ah in la soomo iyada iyo maalinta ka horraysa ee
taasuucaa'.
Waa maalin
fadli badan ummadaha oo dhanna ay weyneeyaan. Waa maalintii uu Ilaahay
badbaadiyey Nabi Muuse (c.s.) isla markaana uu halaagey Fircoonkii
Ilaahnimada sheegtay.
Markii uu Rasuulku
(sc.w.) usoo haajirey magaalada Madiina wuxuu la kulmay Yuhuuddii
halkaas deggenaa oo soomaya, markii la weydiiyeyna waxay sheegeen in ay
maalintani tahay maalintii uu Rabbi (s.w.) halaagey Fircoon oo uu
badbaadiyey Nabi Muuse (c.s.). Markaas ayuu Rasuulku wuxuu sheegay in
aynu innagu Nabi Muuse (c.s.) ka mudannahay ama ka xigno Yuhuudda,
sidaas darteedna ay tahay in aynu soonno.
Maadaama oo Nabigu
(s.c.) uu jideeyey in la khilaafo dadka Ahlu Kitaabka ah ayay saxaabadu
rasuulka war kusoo celiyeen oo waxay yidhaaheen: Maalintan aad noo
jideysey in aan soonno waxaa iyana nala sooma Yuhuudda! Ee maxaannu
yeelnaa? Wuxuu Rasuulku (s.c.w) markaas sheegay in la soomo hal maalin
oo Caashuura ka horreysa iyo maalin ka danbaysa. Sidaas darteed wuxuu
Rasuulku (s.c.w) inoo sharciyeeyey in aynu soonno maalinta 9-aad, 10-aad
iyo 11-aad. Taas waxaa loo sameeyey si aynu u khilaafno Yuhuudda,
maalintana uga faa'iidaysanno.
Ibnu Qayyim (A.n)
wuxuu sheegay in soomidda Caashuuraa ay leedahay saddex darajo oo kala
ah:
1.
In la
soomo saddexdaas maalmood ee aynu soo sheegnay, waana tan ugu fiican.
2.
In la
soomo maalinta 9-aad iyo 10-aad, waana tan fadli ahaan ku xigta.
3.
Iyo in
la soomo maalinta Caashuuraa oo kaliya.
Haddaba qofkii aanay
u suura gelin inuu soomo maalinta 9-aad wuxuu maalinta 10-aad ku dari
karaa maalinta 11-aad.
Guud ahaan soonka Caashuuraa
waa sunne fadli dheeraada leh ee ma ahan waajib inkastoo uu waajib
ahaanjirey intii aan Ramadaanka la soo rogin.
Ilaahay waxaan ka
tuugaynaa inuu na waafajiyo nagana aqbalo soonka Caashuuraa iyo acmaasha
saalixa ah oo idil.
Wallaahu Aclam
Cabdisamad Xoday
Hoday30@aol.com
Caashuuraa
Waa Maalin Fadli Badan
WQ. Xasan Dhooye [abu xafso]
dhooye@hotmail.com
Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi
Wabarakaatuhu
Bislaahi
Raxmaani Raxiim ::: 1429
Walaalayaal marka hore Ilaahay baa mahad dhamaanteed usugnaatay subxaanahu
watacaalaa,Nabi Maxamedna nabadgalyo iyo
naxariis korkiisa ha ahaato.
Walaal waxaan idiin
rajaynayaa sanadkaan cusub oo inoo dhashay inuu ilaahay nawaafajiyo khayr
dhamaantiin waxaan ku jiraa Muxaram[sako]oo u
horaysa taariikhda bilaha hijriyada ama taariikhda bilaha isalaamka
1428.
Walaalayaal waxaa
nagala doonayaa inaan isxisaabino intaan nala xisaabin oo sanadkan cusub
aan nafteena waydiino sanadkii hore maqasaarnay mise waa faa’iidnay,sida
ay u xisaabtamaan ganacsatada ama ay xisaab xir u sameeyaan sanad walba
dhamaadkiisa ayna uga leexdaan waxaan faa’iido ugu jirin ama ay ku
khasaareen sanadkii hore.
walaal
ilaahay dhaafidiisa iyo naxariistiisa ayaa ka wayn danbi kasta oo
lagalo,ilaahayna waa mid aad u dulqaad badan jecelna adoonkiisa toobad
keenka ah, hadaba walaal sanadkaan cusub furo bog cusub oo aad ilaahay ugu
dhawaanayso kuna tirtiraso waxii kaa dhacay ee gaf ah.
Waxaan hadda
kujirnaa bishii 1aad ee Sannadka Hijrada, maalmaha 9ka & 10ka Muxaram
waxay ku beegan yihiin Jan 18 & 19, marka ka faa iidayso
oo soon labada maalmood fursadaas qaaliga ah.
Intaa kadib walaalayaal inagoo kaduulayna ilaahay qur'aan kiisa sw uu ku
yiri [isu kaal maysta wanaaga iyo cabsida alle] iyo hadiiskii Nabiga scw
oo ahaa [qofkii qof khayr tusa waxuu leeyahay ajarka kan khayrka uu tusay
oo kale labadoodna waxba lagama yaraynayo] iyo hadiiskii kale oo Nabigu
kulahaa scw[qofkiina iimaan dhaba malahan ilaa
uu walaalkiis lajeclaado waxa uu naftiisa lajecelyahay] axaadiistaasna waa
saxiix.
Walaalayaal anigoo ka shidaal qaadaanaya nasuustaas sharafta badan ayaa
waxaan is tusay inaan idiin soo gudbiyo xoogaa baraarujin ah oo ku saabsan
bishaan aan ku jiro.
Fadliga Bisha Muxaram
Walaalayaal bishaan
aan kujiro ee Muxaram [Sako] waa bilwayn oo barakaysan kuna jirta afarta
bilood oo xurmada leh sida ilaahay ku sheegay kitaabkiisa sharafta
bada[bilaha tiradooda ilaahay agtiisa waa labo iyo tobon ilaaahay
kitaabkiisa dhexdiisa saas bay ku tahay ilaa maalintii la abuuray cirarka
iyo dhulka waxaa kamid ah afar xurmo leh taas waa diintii toosnayd
hadulminina bilahaas dhexdooda naftiina]Waxuu leeyahay C/laahi Ibnu Cabaas
ilaahay ha karali noqdee oo fasiraya aayadaas siiba [hadulmina naftiina]
bilohoo dhan ha isdulmina hadana waxaa gooni ilaahay u xusay afarta bilood
oo sharata leh danbiga lagalaana waa ka wayn yahay kanlagalo bilaha kale
wanaaga la sameeyaana waa ka ajar wayn yahay kan bilaha kale lasameeyo.
Walaalayaal waxaa kaloo Nabigu scw noo sheegay xadiis uu kawarinayo Abuu
bakar ilaahay ha ka rali noqdee [sanadku waa 12 bilood waxaa kamid ah afar
xurmo leh sadex waa isku xigtaa Sidataal, Arafo, Sako
iyo rajab oo u dhaxaysa Jamaad iyo Shacbaan] xadiiskuna waa Bukhaari.
Xukunka bishaan soonkeeda
Walaalayaal bishaan
soon keedu waa sune majiro soon wajib ah oo aan ahayn bisha Ramadaan
markii hore Nabigu scw waa ku adkeeyey saxaabada laakiin markii
lawaajibiyey Ramadaan ayuu yiri Nabigu scw [Qofkii doonana ha soomo kii
doonana ha iska daayo]rawaahu bukhaari laakin
waxaa ku jira ajar wayn oo aan la iska dayn Karin sida aan arki doonaba
taariikhdeedana wax baan ka sheegaynaa insha alaah.
Ajarka in soonka labadiyo bishaan
Muxaram
Waxuu Abuu Hurayra
ka wariyey Nabiga scw inuu yiri [waxaa soon ugu ajarbadan Ramadaan kadib
bisha ilaahay ee Muxaram]rawaahu muslim.
Walaalayaal sidaan
ujeedno bishaan ilaahay baa isu tiiriyey isu tiirintuna waxay keentaa
waynayn waayo bilaha oo dhan ilaahay baa leh hadana tan Nabigu scw waxuu
leeyahay [bisha ilaahay ee muxaram] marka waa wayneen xag ilaahay laga
waynaynayo anagana waxay naga mudantahay waynayn iyo soo dhowayn.
Taariikhada maalinta tobnaad ee
Caashuraa
Ibnu Cabaas waxuu
yiri ilaahay ha karaali noqdee [Nabiga scw ayaa Madiina soo galay
markaasbuu arkay Yahuuda oo soo maysa maalinta tobnaad"markaas buu yiri
maxaad u soomaysaan? markaas ayey yiraahdeen waa maalintii Saalix, waana
maalintii reer baniiIsraa'iil ilaahay ka badbaadiyey cadowgoodii waxaana
soomay Nabi Muuse cs, markaasbuu yiri Nabigu scw [anaa Muuse idinka xaqleh]
waana soomay waana amray in lasoomo]rawaahu
Bukhaari.
Hadiis kale oo Muslim warinayo waxuu yiri Nabigu scw[tani wa maalin wayn
ilaahay waxuu badbaadiyey Nabi Muuse cs waxuuna halaagay Fircoon iyo
qoomkiisii saas baa Nabi Muuse usoomay isagoo ilaahay mahadinaya saas baan
u soonay]
Walaalayaal soonka maalinta tobanaad waxuu ahaa mid macruuf ah carab
dhexdeeda intaan la soo saarin Nabiga scw Caa'isha waxaa lagawariyey
ilaahay ha ka raali noqdee xiligii jaahiliyada waa soomijireen “waa
islaamika ka hor” waxuu yiri Imaamu Qurdubi waxaa dhicikarta in quraysh ka
soo gaareen shariyadii hore sida Nabi Ibraahiim cs .
Waxaa kaloo sugan in Nabigu scw uu soomi jiray intuusan u hijroon Madiina
markuu Madiina tagay ayuu waxuu arkay yahuud oo dabaal dagaysa markaas buu
waydiiyey sababta waxayna sheegeen xadiis kaan kor ku soomaray kadibana
waxuu yiri Nabigu scw hadiis abuu Muusaa kawariyey ilaahay ha ka raali
noqdee [maalinta tobnaad waxay noqotay mid yahuud ciid ka dhigtaan-
riwaayo kale-maalinta tobnaad waxaynoqotay mid yahuud waynayso oo ciid
kadhigtaan dumarkoodana ay u labisaan dahabkooda ayna qurxiyaan, waxuu
yiri Nabigu scw [idinku sooma]rawaahu bukhaari.
Walaalayaal saan
arkayno maalintaa waa maalin cidkasta iyo marwalba la waynayn jiray sida
aan arkayno marka inagaa kamudan cid walba sida uu noo sheegay Nabigeenu
scw waxaa iyana haboon inaan yahuud nacalad ha ku dhacdee raacin oo aynaan
ku waynayn maalinkaan isaga ah soon waxaan ahayn sidaan ka arkayno
nasuusta waayo ciid ma'ahan, xafladna looma baahna waa soon oo kaliya
cibaadana waxaa ugu saxsan ale agtiiga tii Nabigiisu jideeyey iyadaana ugu
fadli badan hadii kale bidco ayey noqonaysaa waana lagu naar tagaa bidcada
ee aan ku kaaftoono nabigeenu waxuu noo jideeyey camalkoo dhan.
Fadliga Maalinta Tobnaad
Ibnu Cabaas waxaa
laga wariyey ilaahay ha karaali noqdee [ma'arag Nabiga scw oo ku dadaalaya
maalin soonkeed kafadli badan maalintaan tobnaad] rawaahu bukhaari.
Waxuu yiri Nabigu
scw [maalinta tobnaad soonkeeda anigu waxaan xisaabsanayaa ilaahay agtiisa
inuu iigu dhaafo-danbigayga- sanadii ka horaysay ee lasoo dhaafay].
Walaal taasi waa
ilaaahay fadligiis uu korkeena ku manaystay halmaalin soon keed oo laguugu
dhaafi halsano oo dhan alaahu akbar.
Sunanimada in la isla sooma maalinta
sagaalaad iyo maalinta tobnaad ee bishaan
Waxaa laga wariyey
C/laahi Ibnu Cabaas ilaahay ha ka raali noqdee [markii uu sooomay Nabigu
scw maalinta tobnaad oo uu amray soonkeeda- waxay yiraahdee saxaabadu
rasuulkii ilaahay waa maalin ay waynayso yahuud iyo nasaaroba-waxuu yiri
Nabigu scw [hadii lagaaro sanadka soo socda insha alaah waxaan soomi
doonaa maalinta sagaalaad] C/laahi Ibnu cabaas waxuu yiri sanadkii Nabigu
scw magaarin oo ilaahay baa oofsaday.
Waxaa kaloo wanaagsan in lasoomo maalin kahor ama kadib maalinta tobnaad
sida uu wariyey imaamu Axmed waxuu yiri Nabigu scw[sooma
maalin kahor ama maalin kadib]arintaas oo lagu khilaafayo cadowga ilaahay
ee yahuud iyo nasaaro.
Waxuu yiri Imaamu Shaafici iyo asxaabtiisii, Imaamu axmed,Isxaaq
iyo kuwo kaleba waxaa suna ah soonka maalinta sagaalaad iyo tobnaadba
maxaa yeelay Nabigu scw tobnaad wuu soomay sagaalaadna waa
niyeystay,iyadoo halkaa laga qiyaas qaadanayo maalinta tobnaad waa dhowr
maraatib waxaa ugu fadli hooseeya in kaligeed la soomo waxaana ugu
fadlibadan in lasoo soomo sagaalaad iyo tobnaadba markastoo soonku bato
bishaan dhexdeedana ka ajar badan kana sii wanaag badan.
Walaalayaal hadaan ogaanay waxaas oo khayr ah waxaan u dardaarmayaa
naftayda iyo tiinba cabsida ilaahay iyo noolaynta sunda Nabigeeena scw iyo
inaan ka faa iidaysano fursad badan oo aan manta haysano laakiin bari
ilaahay garan sida xaal noqon waxaan ilaahay kabaryayaa
inuu idinkana idinku anfoco anigana iigu kabo miisaanka xasanaadkayga
maalinta lawada qaawanyahay iyo in ilaahay janadiisa nagu manaysto naarna
naga bad baadiyo inagoo dhan.
Waa walaalkiin
Xasan Dhooye [abu xafso] dhooye@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb , 2005 |
Updated: Feb 7, 2006 | Updated: Jan 26, 2007 | Update: Jan 9, 2008
Jadwalka Taariikhda
Islaamka
Taariikhda sannadka Islaamku waxaa lagu tiriyaa bisha (ama dayaxa).
Waxaana uu ka koobanyahay 12 bilood kuwaas oo bilwalba tiradeedu ay ku
xirantahay dhalashada bisha. Badanaana sannadka islaamku wuxuu noqdaa 12 x
29.53=354.36 maalmood. Taas oo kadhigeysa sanndka Islaamka mid 11 maalmood
katiroyar sannadka miiladiga ama taariikhda looyaqaan "Gregorian".
Sannaadka Islaamka waxaa sal u ah Aayadda Quraanka ee suurada "Al-Tawbah"
ee macneheedu yahay
"Tirada
bilaha Eebe waa Laba iyo Toban kitaabka Eebe dhexdiisa tan iyo maalintuu
abuuray samooyinka iyo dhulka, waxaana kamid ah afar xurmo (gaar) ah leh...."
[9:36].
BILAHA SANNADKA ISLAAMKA
|
1. |
Muxarram |
7. |
Rajab |
2. |
Safar |
8. |
Shacban |
3. |
Rabi'c al-awwal |
9. |
Ramadan |
4. |
Rabi'c al-thani |
10. |
Shawwal |
5. |
Jumada al-awwal |
11. |
Dhu
al-Qic'dah |
6. |
Jumada al-thani |
12. |
Dhu
al-Hijjah |
|
Bilaha Islaamku waxay bilaabmaan marka bishu soo baxdo, taas oo ah in
la arko bisha. [Eeg
bogga muujinaya khariida bisha].
Xisaab ahaan bilaha Islaamka waxaa lagu qiyaasaa in ay kudhamaadaan 30
ama 29 maalmood.
Sannadka Islaamka oo loo yaqaan Hijra waxa uu bilaabmay markii
Nebi Muxammad (scw) uu ka haajirey Maka oo u haajirey Madiina, taas oo ku
beegnayd sannadkii 622 ee miilaadiga , qiyaastii [16 July C.E. 622].
Ma rabtaa in aad tirada carabiga u bedeshid Roomaan, ama tirada
Roomaanka u bedeshid Carabi,
Guji
halkan
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|