Dhab ahaanse islaamideydii kadib waxaan ogaaday ”In qofka marku uu
dhasho uu yahay muslin, balse ay ku xiran tahay ruuxa soo koriyey iyo sida
lugu soo bar baariyo markaasina carruurtu ay qaadanayaan dariiqii lugu soo
koriyey”
Mahad Alle ayey u sugnaatay markii aan Islaamka qaatay waxaa dusheyda
ahaaday degenaan iyo xasilooni aanan helin intaan jiray. Waxaana laga soo
bilaabo maalintaas rumeystay in ”carruurnimadeydii aanba ka tirsanaa
deegaanka muslimiinta anigoon ogeyn sababta aan uga mid ahaa”
Sadex bilood kadib markii aan soo islaamay waxaan taleefan u diray
hooyadeey oo aan u sheegay inaan galay Diinta Islaamka. Hooyo iyadoo ay
carro ba’ani qabatay ayey i weydiisay iney jirto cid igu qasabtay iyo
inkale.
Inkastoo ay hooyo aad ugu xumaatay arinta aan u sheegay ee ku saabsan
islaanimadeyda hadana ugu danbeytii waan ku guuleystay inaan u sharxo
sababihii igu kalifay qaadashada Islaamka.
Isbadalka guud ee lasoo darsay nafteyda iyo hab la dhaqanka dadka aad
bey hooyo uga heshay waxeyna qiratay iney tahay arrin wanaagsan oo lugu
farxo sida nabadgalyada iyo degenaanta ku jirto ee aan u dhaqmayo.
Mararka qaar waxey aad ula yaabtaa dhaqankan cusub, tusaale marka aan
cunteynayo dhulka ayaan fariistaa, sidoo kale markaan cunayo cuntada
gacmahana ayaan ku cunaa ee ma istocmaalo fargeetooyinka iyo mindiyaha
lugu adeegto marka cuntada la cunayo.
Waxaan kuman malaayiin oo mahadnaq ah u celiyaa Illaahey cisiga iyo
sharafta leh ee igu hanuuniyey wadada toosan ee iga soo leexiyey jidkii
halaaga badnaa ee aan ku noolaa. Asxaabteydii hore qaarkood waxey u
dhinteen maandooriyihii kala duwanaa ay isticmaali jireen intii soo
hartayna waxey ku jiraan nolol qarabin oo u baahan in laga duceysto.
Alxamduli-Laah, hooyodeey iyadoo aad ula tacajabsan nolosheyda
markastana aad ii soo dhaweysa ayaan u sheegay in ”Ineysan shayaadiintii
Michael Jackson, Jimmy Hendrix iyo Elvis-ba, aysan ii aheyn kuwo aan ku
daydo ee Rasuulkii Alle NNKH uu yahay kan keliya mudan inaan ku daydo.
Qudheedana ay ii cadeysay ineysan aheyn shayaadiintaasi kuwo lugu dayan
karro.
Islaamideydii kadib waxaan ka fahmay Islaamka wax badan oo iga
dahsoonaa taasoo ah in Illaahey ummadiisa faray iney isku naxariistaan
isna kaalmeystaan si Illaahey uu u siiyo naxariista guud iyo midiisa gaar
ahaaneed.
Kitaabka Quraanka ah waxuu ii yahay baasaboor oo kale la’aantiisana
maba dhaqaaqi karro sidaa daraadeed waxaan afar iyo labaatanka saac
xambaarsan nahay quraanka kariimka ee Eebe.
Weliba waxaan aad u jecelahay akhriska Suuratul Fiil oo Ilaahey si
wanagsan ug ka sheekeynayo sidii uu u galay qoomkii la oran jiray Asxaabul
fiil ee hogaaminayey ninkii xabshiga ahaa ee Yaman kasoo duulay. Illaahey
isagoo suuradaas noogu sheegayo siduu u haligay qoomkii Asxaabul fiil ayuu
yiri ”Miyaad ogtahay sida Rabbigaa u galay asxaabtii maroodiga, miyaan
Eebe ka yeelin dhagartoodii wax dhumay. Oo uusan ku dirin shimbiro koox
ah”.
Dhab ahaan suuradaasi akhriskeeda aad baan u jecelahay, waxeyna
muujineysa sida Illaahey u yahay kan awooda leh maqluula kownkan saarana
ay awaamirtiisa ku socdaan, misna ay si gaar ahaaneed suuratul Akhlaas u
sharxyso Kelinimada Illaahey ee aan cidi la wadaagin.
Markii aan qaatay Islaamka aad baan u ciseeyey Diinta waxaana nafteyda
iyo waxa Islaamka i farayo ka dhowray wax shabahaad (ekaansho) ah oo ku
lug lahaan karo diinta masiixiga iyo caadooyinkeygii hore.
Maalin baa waxaa dhacday in walaashey oo aan Islaamka qaadan ay la
aroosay, xafladii arooskeedana lugu dhigay kaniisad. Anigu xalafadii
arooska oo la iiga yeeray ayaan tagay waxaana horey u sii xirtay astaantii
muslimiinta lugu yaqiinay ee Qamiis iyo Cimaamad, waxaana aaad ii farxad
geliyey maalintaasi ineysan jirin cidna igu takoortay dharkii aan xirnaa.
Markii iigu farxada badneyd nolosheyda oo aanan ilaaweyn marka laga
reebo islaanimadeyda kadib, waxey aheyd in hooyadeey muddo kadib ay ii
sheegtay iney qaadatay Diinta Islaamka islamarkaasina ay qiaratay
shahaadada iyadoo cadeysay in Illaahey SWT uu yahay Allaha xaqa lugu
caabudo Muxamedna uu yahay Rasuulkiisii NNKH.
Ugu danbeyntii waxaan aad ugu murugeysnahay sida ay maanta tahay
xaalada dadka muslimiinta ah meelkasta oo ay caalamka ka joogaan, kuwaasoo
dhab ahaan maanta ah kuwo aad u liito oo aan arruursaneyn. Waxaana in
badan oo iyaga kamid ah ay isku qaldaan diinta iyo dhaqamo caadooyin horey
u jiray. Allena waxaan ugu baryayaa inuu ka qaado dhibka sida gaar
ahaaneed u saaran muslimiinta meel walba islamarkaasina uu ufidiyo denbi
dhaaf iyo naxariistiisa gaarka ah.
-DHAMAAD-
Lasoco cadka danbe insha Allaah iyo soo islaamidii Fredrik Dahlberg!