SomaliTalk.com ALLAH IS GREAT

 MAXAY KU DOORTEEN ISLAAMKA?

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |   Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi

QAYBO MUHIIM AH
VIDEO: Mucjisooyinka Quraanka... [English]
WARAAQAHII NEBI MUXAMED U DIRAY BOQORADA
salat Maqal, muuqaal, sawir iyo qoraal ku bar carruurtaada Salaadda GUJI...
kitaab 114 Qur'aanka Kariimka ah oo maqal iyo muuqaalba ah daalaco GUJI»
islam Waa bog soo koobaya macluumaadka Islaamka ee Booqo.Maanta»

 



Ismail Sandstad

”Waxaan ahaa mid wax tabeyey had iyo goor, weligeyna waan aaminsanaa inuu jirro Ilaahey oo keliya”

Tarjumadii: Ikraam Cali-kaar
Gothenburg,Sweden
E-mail: Ikraam@journalist.com

Qaybtii 1aad | Qaybtii 2aad

Nolosheyda oo dhan waxey ku jirtay cadaab marka la eego sida aan ugu ciyaaray ee aan ugala dhaqmay wax ka baxsan sida Ilaahey u abuuray. Waxaan ahaa nin ay u durnaayeen labada dhagood, korkeyga oo idilna waxaa marsanaa naqshado aan u arkayey iney ahaayeen qurux oo meel kasta kaga xardhanaa.

Sidoo kale gacmeyga farahooda waxaa ku tixnaa meel walba faragashiyo (faraanti) tiro badan oo iyagan ahaa xaraggo iyo qurux.

Aaadanaha intuu doono waan heystay oo wax iga maqan ma jirin. Tumashada iyo joogista caweysyadana waxey ahaayeen qeyb kamid ah nolosheydii. Waxaban u noolaa sidii boqor oo kale farta ayaana ka hadli jiray had iyo jeer waxaan doonana waan heli jiray.

Hase ahaatee anigoo sidaa ay nolsheydu aheyd ayaa hadana waxaan tabayey iney wax iga maqan yihin, kumana faraxsaneyn qaabka u noolahay iyo sidaan ahayba.

Guud ahaana nolosheyda waxey aheyd mid had iyo goor wax tabeysa, weligeyna waan aamisanaa inuu jiro Illaahey oo keliya, hase ahatee ma dooneyn inaan diin nooca ay tahay raaco. Saas oo ay tahay hadana waxaan aamisanaa qadar adag iney jirto.

Maalinbaa waxaa dhacday inaan tagay kaniisada si aan u hello jawaabo dhowr ah oo maskaxdeyda ka guuxayey su’aalahooda. Nasiib darase maan helin wax i siiya jawaab sugan.

Xitaa baadarigii kaniisada qudhiisa wuu awoodi kari waayey inuu iiga jawaabo su’aalaha tirada badan ee aan xambaarsanahay. Ugu danbeyntiina markaan waayey su’aalaheyga jawaabahooda waxaan bilaabay inaan muddo cayiman aqriyo Beybalka. (kitaabka masiixiyiinta). Iigamana ayan darin aqintiisa oo waxaan ka helay xoogaa warbixino aan ku qancin, laakinse aan u boggay.

Iyadoo xaaladeyda nololeed tahay mid ad u adag maalin walba aan soo dhibsanyo qaabka u noolahay ee aan macnaha laheyn, ayaa baa maalin anigoo iska jooga guriga cod iga hoos hadlay. Codkaasi waxuu i su’aalay faa’iida aan ka helayo nolosha qariban ee aan ku noolahay. Runtii codkaasi waxaan u qaatay wax kale oo ma aanan siin wax qadarin ah jeer uu isu badalay mid riyo iigu yimaada habeen iyo maalin.

Aniga iyo codka iga hoos hadlayey riyadana iigu yimid waxaa na dhexmartay dood aad u dheer. Habeenkii danbena waxa uu i yiri ”maxey tahay waxa aad ku dhaqmeyso?” ”Maxad adigu tahay baan ugu warceliyey.” intaanan u jawaabin.

”Anigu waxaan ahay mustaqbalkaaga” buu codkii markale i yiri. Markuu sidaa i yiri baan durbadiiba sariirta kasoo booday oo habeenkaasi indho iskuma jiidin cabsi iyo wel wel awgeed. Runtiina waxaa sheekadan cusubi igu qaadatay waqti aad u dheer inaan ka sal gaarro waxa ay tahay , maxaa yeelay waxaa ay aheyd arin igu cusub oo aan horey u arag.

Muddada riyadaasi ay joogtada iigu iman jiratay waxaan ahaa mid aan laga waayi jirin goobaha lugu caweeyo ee qamriga laga cabo waxaan isku ilowsiin jiray riyada iyo codka iga hoos hadlo markaan tago gurigeyga. Ilaa iyo hadana ma garan codkaasi waxaa uu ahaa ma jinni baa mise waa Malaa’ik Alle ii soo diray.

Habeen kale baa siddii caadada aheyd codkii oo riyadii wata iga hoos hadlay siddii buu hadana ii su’aalay ”maxey tahay nolsha qariban ee aad ku dhaqmeyso” Markan danbe jawaab waan waayey sidii kalkii hore aanan wax jawaab ah ka bixin, sarriirtii baana kasoo booday anigoo gacmaha kor u tagaaya ayaan Alle baryey kana codsaday inuu wadada toosan igu leexiyo isagoo ii soo diraya ruux nafteyda haga . Subxaanalahaa baryadeydii Eebbe waa uu aqbalay muddo afar biloood kadib ayaan helay jawaabtii aan doonayey iyo ruux nafteyda ku haga wadada toosan ee hannuunka.

Maalin maalmaha kamid ah baa waxaa la ii soo garaacay albaabka, ruux aanan weligeey arag baa arkay. Durba waxaa uu ruuxaasi noqoday mid i tusa dhabaha hanuunka ee aan Illaahey ka codsaday inuu ii soo diro. Waxaana ogaaday in Alle aqbalay baryadeydii oo uu soo diray adoon ka midi ah adoomadiisa..

Muddo gaaban kadib adoonkii la ii soo diray waxa uu tallo ahaan ii siiyey inaan aado Masaajidka si aan hadana u hello jawaabaha aan weli baadi goobayo.

Durbadiiba waxaan ku cararay masaajidkii la ii sheegay inaan ka helayo jawaab, hase ahaatee waxaan ku hakaday albaabka masaajidka oo horey umaan sii dhaafin cabsi awgeed meeshii baan dhagax ku noqday waxaana ii dheera awood iga tan badan oo ii diiday inaan gallo gudaha masaajidka.

Indoor ah markii aan dibadda taagnaa ayaan galay masaajidka waxaana markii aan galay masaajidka u muuqday ama aan u ekaaday ruux helay waalidkiisi oo aan muddo dheer is arag. akhri qaybta xigta...

Waxaa Tarjuntay;
Ikraam Cali-kaar
Gothenburg,Sweden
E-mail: Ikraam@journalist.com  

Faafin: SomaliTalk.com | July 6, 2003

Qaybtii 1aad | Qaybtii 2aad

 QORAALADII HORE EE IKRAAM

Sheekadii KIISH

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...

 

Copyright ©  SomaliTalk.com. All rights reserved.