Maxey ku doorteen Islaamka?
Hordhac:
Waa Barnaamij taxane ah oo ay isku soo
dubariday walaasheen Ikaarm Cali Kaar, oo ah Gabadh dhiirigalin iyo
tixgalin ka mudan Bahda Saxaafadda Soomaaliyeed, waxay akhristayaasha u
balan qaaday iney si taxane ah ugu soo gudbiso qoraallo ay uga cinwaan
dhigtay,( Maxey ku doorteen Islaamka?) su’aashaa jawaabteeda kala soco
Qoraalaada Ikraam Cali Kaar.
Bahda Tifaftirka Somalitalk.com.
<><><>
Maxey ku doorteen Islaamka?
(Mariam Elbornsson)
Tarjumadii: Ikraam Cali-kaar
Waa su’aal aad u da’weynoo madaxana
daaliyeysa islamarkaasina mudan in la is weydiiyo shaqsiyaadka aan
Islaamka aheyn ee qormooyinkeenan kaga hadli doono ka hor inta aaney
islaamka qaadaan fikarad noocee ah ayey ka qabeen Islaamka iyo dadka ku
abtirsadda, markey soo islaameenna maxaa iska badalay fikradahaasi.
Qaadashada Diinta Islaamka ay qaateen
dadka aan udhalan waxaa la oran karaa waxey timid xilli aaney dadkaasi
fahmin macnaha buuxa ee nolosha iyo joogitaanka kowkan aannu ku nool nahay,
sidaas daraadeedna ay lama huraan ku noqotay iney isbadal ku sameeyaan
guud ahaan noloshooda iyagoo baadi goob ugu jiray xaqiiqda iyo macnaha
buuxa ee Islaamku xambaarsan.
Hadaba waxaa halkan idin kugu soo
gudbineynaa warbixino ku saabsan shaqsiyaad badan oo reer galbeed ah,
Islaamkaana qaatay Islaamka ku waasoo aan ku ogaan doono qormooyinkeenan
sababihii ku kalifay qaadashada Diinta Islaamka,waxaana kubilaaneyaa
sheekadan Mariam Elbornsson oo ah dhaqtarad ka warbixineysa sida ay ku soo
islaantay iyo sababihii dhaliyey iney qaadato Diinta Islaamka oo ay ka
dhigato diinta saxda ah ee ay u doortay nafteeda ku sugnaanshaheeda.
Magaceyga
waa Mariam Elborsson waxaan ahay haweeney swidhesh ah oo dhaqtarad ah
aabaheyna waxa uu ahaa baadari kaniisaddda ku xiran, sidoo kale
ayeeydaydii dhashay aabahayna waa haweeney aan inta badan laga waayin
kaniisadda. Sidaas daraadeed waxaaba la oran karaa waxaan cirifka ku hayaa
qoys ay diinta masiixigu ku weyn tahay.
Mudadii aan da’da yar ahaa ee aan
garaadkeyga aan weli isku filnaan waxaan is weydiin jiray waxyaabo badan
oo ku jira diinta masiixiga kuwasoo ay igu adkaayeen sidii aan u aqbali
lahaa. Inta badan waxaa niyad jab ka qaadi jiray sida ay diinta masiixiga
u soo bandhigi jirtay sifaha bani’aadamka,tusaale marka aan sameeyo wax
qalad ah waxaan oran jiray ”dabeecadda ayaa kaa haleysan” taasina waa
mid xaqiiqda ka fog.
Hadaba waxaa jira meelo badan oo dadka
diinta masiixiga aamisan ay sawir qaldan kaga bixiyaan Illaahey SWT.
Waxaana ay dadkaasi dhahaan ”Illaahey waa jaceyl”… Subxaanalaah
sidee ayuu hadaba Illaahey jaceyl ku noqon karaa!!? Sidoo kale waxaa ay
qaarkood sheegaan in Illaahey wiilkiisa dhintay oo malaha ula jeedaan Nabi
Ciise (CS). Arimahaasi iyo arimo kale oo badan ayaa waxaa ay kamid yihiin
warbixinada ka fog xaqiiqada ee ay had iyo jeer sheegaan dadka aaminsan
diinta masiixiga.
Shaqsiyan inaan ahaado ruux Islaamka u
janjeera ama rabtay iney wax badan ka ogaato waxaa ay igu bilaabatay
xilligii kuleylaha sanadku markii uu ahaa 1997-dii,markaas oo aan islaamka
si tartiib ah uga baranayey saaxiibadeyda muslimiinta ah,markaasina waxey
aheyd markii ugu horeysay ee aan la kulmo ruux islaamnimo sheegto.
Diinta Islaamkuna waxey ila aheyd wax
kale. Sidaan ognahayna diinta Islaamku waxey noo sheegeysaa in uu jirro
hal Illaah oo kaliya ee aaney jirro Ilaahyo kale.
Sideedana la islama bar bar dhigi karro
bani’aadamka iyo Illaahey SWT, mana lugu misaali karro dad
Illaahey,maxaa yeelay Illaahey waa kan awooda buuxda leh dadkuna weligood
ma dhaafin wax ka baxsan bani’aadam loogana baahan yahay oo keliya camal
suuban oo Illaahey raali ka yahay.
Waxyaabihii ugu weynee aan Islaamka u
qaatay waxaa kamid ah dhowr arimood oo la xirriira nolosha oo aan ka
waayey jawaabahooda diinta masiixiga ee aan heystay. Diinta Islaamka waxey
noo sheegtay in Illaahey yahay danbi dhaafe. Waxaan sidoo kale ogaaday in
nolosha oo dhan ay ku xiran tahay Diinta Islaamka. Ruuxa aan diin laheyna
aanu kala saari karin nolosha iyo nolo la’aanta. ”Dhab ahaan waxaan
tabay inaan Illaahey dartiis u noolaaddo”
Markii aan bilaabay inaan Islaamka si
fiican u barto waxaa guud ahaan iga muuqday daganaan iyo xasilooni aan
horey u qabi jirin.
Maalinbaa waxaa dhacday inaan la kulmay
gabar muslimad ah waxaa wada socday iyada iyo hooyadeed waxaana ay
xirnaayeen xijaabka,durba anigoo daba taagan su’aalaheygii Islaamka ku
saabsanaa ayaan weydiiyey dhowr su’aalood oo ay kamid yihiin ”maxaad u
xiran tahay xijaabka, xijaabku qiimo intee la eg buu ka leeyahay agtiina??
Waxaa ay ii sheegeen gabadhii iyo hooyadeed in ay jecleysteen xirashada
xijaabka, hase ahaatee jawaabtaasi kooban ay iga siiyeen xijaabka iyo su’aalihiisa
ma aheyn kuwa igu filan ama la bar-bar dhigi karro su’aalaha tiradda
badan ee maskaxdeyda ka guuxaya, sidaas daraadeed waxaan doonayey jawaab
intaa ka badan.
Mudaddii aan ku guda jiray barashada
Diinta Islaamka iyo baadi goobkeeda waxaan Illaahey ka baryey in wadada
saxa ah igu toosiyo. Waayo waxyaabo badan ayaan ka fekerayey oo ku saabsan
diintan cusub ee aan baranayo iyo sida ay reerka aan ka dhashay ee
Islaamku meel ka soo gelin u aqbali lahaayeen.
Hase’ahaatee waxay igu qaadatay muddo
badan siddii aan guul uga gaari lahaa arimahan curdanka ah hadana waxaan
ku guuleystay inaan sameeyo sidii ay niyadeyda jeceleyd ee ah inaan soo
islaamo.
Waxaa ay ahedyd maalin jimce ah oo ah
maalin u gaar ah dadka muslimiinta ah waayo intooda badan waxaa ay u
dareeraan masaajidka si ay maalintaasi qiimaha leh u soo gudaan
waajibaadkooda diiniga ah ee la faray.
Sidoo kale waxaan maalintaasi joogay
magaaladda Stockholm oo ah caasimadda Sweden oo maalinimadaasi lafteeda uu
ku socday shir muslimiintu leeyihiin.
Anigu waxaan taagnaa halkii lugu
tukanayey ee shirki ka socday dibadiisa maadama aanan si rasmi ah u noqon
Islaam waxaan iska dhowray inta ay ka soo dhameysanayaan muslimiintu
salaadooda jimcaha.
Intii sallaadu soctay ayaan nafteydii
kula hadlay iney samir lahaato inta laga soo baxayo salaadda markaasna aan
ugu bishaareyn doono inaan soo muslimayo.
Sidoo kale waxaan nafteydii u sheegay in
maanta aysan jirin wax ka hortaagan iney maanta qirato jiritaanka Eebe iyo
islaamkaba.
Intaan sidaas iskula hadlayey ayaa qaar
saaxiibadeyda ah oo dibadda ila joogay u sheegay in salaada dabadeed aan
qiranayo shahaadada, gabar kamid ah gabdhaha ayaa tiri ” Oo hadey
sheekadu sidan tahay ma jirto waxaan dhowrna ee hadaba aan bilowno howsha”.
Marka aan sidaas isleenahay waxaa inagoo
dhalinyaro tiro badan ah hor dhoobanahay masaajidka hortiisa waxaaan
sheekada lugu soo koobay inaan tago masaajidka oo muslimiinta iyo Imaamka
hortiisa ku qirto Ashhaadada.
Dhab ahaana midkeen nuguma jirin qof
aqoon u leh sharuudaha laga doonayo in uu la yimaado ruuxa raba inoo soo
Islaamo. Saacadu intiiba ka orod badan intii hore waxaa aniga iyo
kooxdeydii ku cararnay masaajidka la yiraahdo Raabita oo aan ku
gaarnay iyadoo ay socoto saladdii jimcaha. Markii salaaddu dhamaatay ayaan
u tagay Imaamkii masjidka oo u sheegnay inaan doonayo inaa soo gallo
Diinta Islaamka waxaana kadaba aqriyey Imaamka qirashada Ashhaadada.
Wallaahi baan ku dhaartaye maalintaasi
aan qirtay shahaadada iyo Islaamkaba waxey tahay maalin aan ka go’eyn
dareenkeyga.
Mana sugeyn maalin sidaas u farxad iyo
reyn reyn badan inaan inta aan noolahay la kulmayo. Waa maalin inta aan
noolahay aan ilaawi doonin haddii Eebe idmo…….
Qaybta 2aad.... GUJI
Waxaa Tarjuntay;
Ikraam Cali-kaar
Gothenburg,Sweden
E-mail: Ikraam@journalist.com
Faafin: SomaliTalk.com | April 30, 2003
QORAALADII HORE EE IKRAAM
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
Powered by
www.SomaliTalk.com All About Somalia and More...
|