SomaliTalk.com ALLAH IS GREAT

 MAXAY KU DOORTEEN ISLAAMKA?

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |   Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi

QAYBO MUHIIM AH
VIDEO: Mucjisooyinka Quraanka... [English]
WARAAQAHII NEBI MUXAMED U DIRAY BOQORADA
CIBAADADA SALAADA
salat Maqal, muuqaal, sawir iyo qoraal ku bar carruurtaada Salaadda GUJI...
kitaab 114 Qur'aanka Kariimka ah oo maqal iyo muuqaalba ah daalaco GUJI»
islam Waa bog soo koobaya macluumaadka Islaamka ee Booqo.Maanta»


Maxey ku doorteen Islaamka?

 Soo islaamidii Cismaan Nilssen

  • Tarjumadii: Ikraam Cali-kaar
 
Waxaanu soo aragnay qisadii gaabeyned ee ay kaga hadashay haweeneyda la yiraahdo Aamina sidey ku qaadatay Islaamka, taaso aheyd mid aan dhib badneyn marka loo eego kuwii iyada ka horeeyey ee ayagana aan kaga soo hadalnay soo islaamidoodii. Haddaba waxeynu maantaqeybtan ku saabsan sheekooyinkii taxanaha ahaa ee"Maxey ku doorteen Islaamka?"  ku eegi doona sida uu ku soo Islaamay ninka la yiraahdo Osman Nilsson oo isaga ka hadlaya sida uu ku qaatay Diinta Islaamka wuxuu isagoo arrinkaas nooga sheekeynayana yiri;
 
 
Awoowgey hooyo dhalay wuxuu ahaa nin wanaagsan oo xagga diinta masiixiyada si weyn u aaminsanaa Illaahey raali ha ka ahaadee. Wuxuu inta badan ii kaxeyn jiray qudbadaha kaniisada dhinac kalena wuxuu ahaa waardiyaha kaniisadaas halkaasoo aan dhex fadhin jiray gudaha kaniisada anigoo wax badan ka fahmin waxey ka hadlayaan. Balse waxaan xasuusta in ereyada qaar aan dareemi jiray marka baadariga qudbadeynayo.
Nolosheyda caadiga aheyd marka dib loo eegana waxaan iska ahaa wiil ku jiray marxalad ciyaalnimo jecel ciyaaraha iwm. Balse waxaan weligeey doonayey inaan xirriir Illaahey la yeesho si aan u helo furaha nolosha.
 
Markaan 13 jir ahaa ayaa maalin nin odey ah oo diinta masiixiga ku adag xirriir la yeeshay,taasoo macnaheeda tahay in anigoon hubin, nerfoos ah hadana aan aad u da'yar aan daba kacay ninkii odeyga ahaa si bal aan u ogaado waxa aan doonayo inaan ka helo iyo inkale. Waxaa ii xigay habeen kale oo aan u raacay kaniisada iyadoo qof loo waqlalayey halkasoo aan xafladii kala qeyb qaatay. Habeenkas wixii ka dambeeyey dareeno kala duwan ayaa i galay mana garan karro ilaa iyo hadda dareenadasi waxey ahaayeen balse inaan ku faraxsanaa ayaan ogsoonahay.
 
Markaa dabadeed waxaan bilaabay inaan raadsho xaqiiqda dhabta ah ee ku saabsan Illaahey. Maxaa yeelay dareenka igu jiraa maahan kuwo caadi ah, waxaana ogsoonahay iney tahay arrin adag oo qaadaneysa waqti.
Marar badan ayaan isku dayey inaan raaco waxa Illaahey doonayo iyo waxaan doonayo. Nasiib wanaag tiil Alle ayaa timid taasoo aan guul ka keenay muddo dheerba ha igu qaadate. Tani waxey aheyd midaan Illaahey dartiis u dagaalamay. Macnuhu waxey tahay inaan Diinta muqadaska ah aan u raadshay Illaahey dartiis. "Illaaheyna waa kan hannuuniya ruuxu isagu doono e"
 
Xilliga wuxuu isguraba muddadaan ahaa masiixiga baadigoobkana aan dhexda uga jiray ayey misna iiga dhegtay fekerka FEYLOSOFIYADA taasoo iyadana aheyd mid xanuun badan. Waayo wax walibaa waxey leeyihiin saddex Ilaah baa jira. Bal adiguba meel u raac saddexdan Ilaahey see ay heegeen. Akhiris badan baan u qaatay inaan fahmo waxa loola jeedo saddexdan Illaah. Qeybta hore ee baadideyda wuxuu noqoday xoog macno la'aan ku dhamaaday.Taasoo ay kaliftay inaan soo afjaro deganaanshihii aan la daganaa gabar aan wada daganeyn (Living together) oo labo carruur ah ii dhashay sababtuna waa iyadoo ay timid xiisaha aan Illaahey u qabo sidaas aawadeed waa inaan hela nolol dhex dhexaad ah iyo deganaansho.
 
Waxey sidoo kale igu qaadatay sanno kale, laakin markan waaba kasoo koobantay intii hore kadib markii aan saaxiib ku yeeshay shaqada aan iminka ka shaqeeyo nin muslim ah oo wax badan ila shaqeeyey. Mudadadaan wada shaqeyn jirnay aniga iyo saaxibkeygii muslinka ah waxkasta ayaan kawada hadali jirnay wuxuu iiga sheekeyn jiray waxyaabo badan oo aad ii soo jiiidan jiray Islaamka ku saabsan kuwaasoo aan weligey ilaaweyn wuxuuna faraha iga saaray furihii Islaamka. Nasiib darro aniga iyo saxiibkey waqtigaa nakala waday nin walbana danahiisa gaarka ah ayuuu raacday. Aniguse weli sidii baan u ahay baadi goob waxaana ii sii dheer laab lakac, markaan isweynay aniga iyo saaxikey waxaana runsaday inuu iiga tagay waxaan weligey maanka ku heyn laheyn oo ah Islaamka. Waayo wax badan oo aanan Islaamka ka ogeyn buu ii sheegi jiray qeyb kamid ah baadi doonkeygii aan sal dhulki dhigin ayuu kamid ahaa.
 
Muddo gaaban salaadaheygii iyo ducooyinkeygii kadib waxaan la kulmay haweenay u dhalatay dalka Bosniya oo muslin aheyd, laakin barashada haweeneydaaasi ma noqon inaan Islaamka dhab u qaato. Maxaa yeelay weli qeyb kamid ah nolosheyda masiixiyada ayaa ku dambeysa waxeyna igu abuurtay xasarad kalfitay inaan kala garan waayo waxa dan iigu jirta iyo waxaan dan iihadana inaan gaaro go'aan. Waxaan maalin maalmaha kamid ah soo iibsaday Quraanka Kariimka oo aan akhristay. Baadidii aan muddada dheer raadinayey Quraanka ayey kasoo dhex baxday waxaana durba dareemay inaan ahay nin ad adag oo dareen dhagax ah yeeshay. Markii iigu horeysana waxaan bilaabay soomida bisha Ramadaan oo aan si wada jir ah ula soomay xaaskeygii.
 
Habeen habeenada kamid ahna waxaan qaatay go'aan bal si aan u sameeyo wax uun Ilaahey raali ka yahay. Waxaan xirriir la sameeyey Imaamkii Masjidka oo aan ka doonayey inuu u tuso wadada saxda ah. Imaamkii waxa uu ii sheegay inaan imaado jimcaha dambe. Markii la gaaray jimcihii ayaan iska xaadiriyey masaajidka oo aan dhageystay qudbadii jimcaha ee Imaamku akhrinayey. Dhab ahaan waan ooyey intii ay socotay qudbadii. walow aan waxba ka fahmin hadana wan dareemeyey inuu qeyr sheegayo. Dareenkeygiina wuxuu mar qura is badalay markii aadanka salaada duhur u mu'adinka isla taagay. Jirkeyga oo dhan waxaa  saaqay jiririco, timaheygiina waxey noqdeen dhagxaan oo kale. Halkaas waxaan kala qeyb galay muslimiintii maalintaas salaadii jimcaha waxaan halkaas dabadeed ku qirtay shahaadada, anigoo qirtay jirtaanka Allaha weyn ee Xaqa lugu caabudo, Muxamedna uu yahay Ra'uusalkii Qaatamal Ambiyaa, NNKH.
 
Markaan soo gutay waajibkeygii maalintaas Alle i faray waxaan kasoo baxay masjidka anigoo muslin ah kana mid ah muslimiinta Illaahey diintan nimcada badan ku galadeystay. Maalintaasi misna waxey aheyd maalin aan dareemay in aabahay uu hab isiiyey,dareemayeyna inaan leeyahay walaalo uu Illaahey diintiisa nugu walaaleeyey Illaaheyna mahad baa u sugnaatay iga dhigay muslin qaalis ah diintiisana ii gartay inaan qaato.
 
                                                 -----Dhamaad------

 

Ikraam Cali-kaar,
SomaliTalk Team, Gothenburg, Sweden
ikraam_k@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 9, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...

 

Copyright ©  SomaliTalk.com. All rights reserved.