SomaliTalk.com ALLAH IS GREAT

 MAXAY KU DOORTEEN ISLAAMKA?

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |   Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi

QAYBO MUHIIM AH
VIDEO: Mucjisooyinka Quraanka... [English]
WARAAQAHII NEBI MUXAMED U DIRAY BOQORADA
CIBAADADA SALAADA
salat Maqal, muuqaal, sawir iyo qoraal ku bar carruurtaada Salaadda GUJI...
kitaab 114 Qur'aanka Kariimka ah oo maqal iyo muuqaalba ah daalaco GUJI»
islam Waa bog soo koobaya macluumaadka Islaamka ee Booqo.Maanta»


Maxey ku doorteen Islaamka?

 Amina Mosler....

  • Tarjumadii: Ikraam Cali-kaar
Cudurdaar ku socda akhristayaasha:
Mahad Alle ayey u sugnaatay ee innaga dhigay Islaam, intaa ka dib
Waxaan u sheegaya walaalaha ku taxanaa sheekooyinka dadka soo
Islaam in dib udhac ku timid qormadan xiiso leh sababtoo ah waqtiga oo ii saamixi wayey inaan qoro howlo badan oo  isla soo gudboonaday balse waxaanse u sheegayaa iney hadda  iyo wixii ka dambeeya sidey uga barteen ay Somalitalk kala socon doonaan haddii Alla idmo.

"Bishan fadligeedana waxaan Alle ugu baryayaa ummadan inuu dembi dhaaf siiyo Ciid wanaagsana waan leeyahay meelkastood joogtaan"
 
Ikraam Cali-kaar    
 
         Maxey ku doorteen Islaamka?
 
 
Waa qeyb kamid ah cashariddii taxanahaa ee Maxey ku doorteen Islaamka? Waxaan qormaddii hore kaga soo hadalnay soo Islaamidii nin ahaan jiray diblomaasi reer Galbeed ahaa, isagoo islaanimaddiisa uu qarsanayey muddo 10 sanno ah dowladdii soo dirsatayna aaney ka warqabin.  Hadaba maanta waxaan iyadana wax kaga eegeyna sida ay ku soo islaanta gabadha la yiraahdo Amina Mosler. Amina oo aad ugu faraxsan Islaamideeda ayaa iyadoo ka sheekeysana waxey ku bilowday sidatan:
 
Wiilkeyga ayaa ka hor inta aan Islaamka qaadan waxa uu i weydiiyey dhowr su'aalo oo ku saabasan sababta la sheego iney jiraan waxa lugu tilmaamo "sadex Illaah" Umaan heyn jawaab sax ah, sababtoo ah maan aaminsaneyn iney jiraan saddex Illaah.
 
waxey aheyd sanadkii 1983-dii markii wiilkeyga oo ordaya alaabka kasoo galay kadibna igu yiri isagoo faraxsan "Hooyo waxaan wax ka bartay Islaamka oo aan dhigtay. Waxey aaminsan yihiin hal Illaah oo wax abuuray, Diintoodana waa sax. Waxaan go'aansadayna inaan Islaamo ee adiga ma igula jirtaa?"
 
Markaa wixii ka dambeeyey waxaan bilaabay inaan Islaamka baadigoobo oo aan barashadiisa raadiyo, waxaana ugu horeyntii tagay anigoo cilmi doon ah tagay masjidka Baarliin ee Jarmalka oo aan kula kulmay Imaamkii masjidkaas isagoo gacmo furan igu soo dhaweeyey iina sheegay Islaamka iyo caqiiqdiida. Xaqiiqdii inta uu hadlayey Imaamka waxaa aad ii soo jiitay sida wanaagsan uu Diinta Islaamka uga hadlayey, anigoo aaminsanaaday in dhamaan waxa uu ku hadlayo ay yihiin wax run ah, taasoo ah mid uu horey iigu sii sheegay wiilkeygii.
 
Islaamka waxa uu gebi ahaanba meesha ka saaray ooraahda oraneysa waxa jira saddex Illaah, taasoo xaqiiqdii ah mid aan weligey aqblin tan iyo yaraanteyddii.
Iguma qaadan waxbadan inaan Islaamka ka barto, waxaase wax aad looga xumaado ah kooxo baadariyaal ah oo isku sheegaya iney yihiin culimo diineed ay meelaha la taagan yihiin hadalo aan Islaamka munaasib ku aheyn, waxaana aad uga qoomameeyey inaan warkooda dhageysan jiray.
 
Inkastoo waalidkey ay ahaayeen kuwo ku soo barbaaray madhabta Katoliga hadana waxaan aad u jecleystay soo Islaamida aan soo Islaamay ee aan qaatay diinta saxda ah waxaana iiga farxad badan in carruurta aan ayeeyada u ahay ee wiilkeyga dhalay ay yihiin kuwo ku dhashay Islaanimada waana mahad Alle.
 
La soco caddadka dambe.

 

Ikraam Cali-kaar,
SomaliTalk Team, Gothenburg, Sweden
ikraam_k@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 2, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...

 

Copyright ©  SomaliTalk.com. All rights reserved.