GUURKA SOOMAALIDA EE SHISHEEYAHA
Laga soo billaabo markay Soomaali badan u soo
qaxeen dalalka galbeedka, waxaa jiray wiilal iyo gabdho soomaaliyeed oo
nasiibkooda guur la galay dadyow shisheeye oo wato luqado, dhaqamo iyo diimo
kale oo ka duwan kan ay soomaalida ay abid ku abtirsan jireen.
Haddaba, waxaa weekend-kii tagay ii suurto
gashay inaan ku booqdo magaallada Stavanger, koonfurta dalka Norwey wiil
soomaaliyeed oo xaaskiisa ay ka soo jeeddo dalka Colombia, koonfurta
Ameerika.
Gabadha magaceedu waa Astrid Osorio. Waa 25
jir, waxay dalka Norwey timid iyadoo 9 jir ah, weliba waxaa soo korsaday
qoys ka soo jeeda Colombia oo dalka Norwey degganaa sannado badan.
Astrid, Abdinasir iyoAdam
Wiilka soomaaliyeed waa Cabdinaasir Farah
Cilmi Shidde oo 26 jir ah. Wuxuu dalka Norwey yimid isagoo 13 jir ah, wuxuu
ku soo barbaaray, isla markaasna uu dugsiga hoose/dhexe iyo dugsiga sareba
ku dhammeeyay isla magaallada Stavanger, dalka Norwey.
Si maamuus iyo qaddarin leh ayay iigu soo
dhoweeyeen gurigooda, intaan fadhiyay guriga, cabitaanka iyo adeegga kale
noo qabanayay Astrid Osorio, halka Cabdinaasirna uu igu wehelinyay sheekada
la xiriirta qaabka iyo sidii ay ku wada kulmeen isaga iyo xaaskiisa Astrid.
“waxaa laga joogaa 5 sanno markii aan bartay
xaaskayga, mana ku fekerin weligeey inaan guursan doono gabar aan soomaali
ahayn” ayuu yiri isagoo dhoola-caddayna, wuxuuna intaas ku daray
“xiriirkeenii hore waxaa asal u ahaa dabeecadda dhalinyaranimada ee ka jirta
galbeedka, hase ahaatee dareenkayga danbe wuxuu ahaa inaan bal marka hore
kala doodo waxa ay islaamka ka aaminsan tahay” ayuu raaciyay, wuxuuna intaas
kadib ku dadaalay sidii uu laf ahaantiisa ugu dadaali lahaa barashada diinta
islaamka iyo inuu markaas ku dhaqmo waxay ay diintiisa farayso.
“run ahaantii dhalinyaradaydii kuma aanan
fiicnayn ku dhaqanka diinta, hase ahaatee innagoo xiriir saaxiibtinimo
lahayn ayaan safar aan aaday kadib billaabay inaan naftayda la xisaabtamo,
su’aalihii ugu weynaa ee igu soo dhacayay ayaa u badnaa sideed u nooshahay
salaad la’aan, ma sidaan aad u nooshahay ayaa kuu wanaagsan iwm” ayuu yiri
Abdinasir, dabadeedna wuxuu billaabay inuu tukado salaadda, gabadha ay
saaxiibada ahaayeena u hadiyeeyo kitaabo iyo buugaag ka hadlaya diinta
islaamka.
“waxaan xasuustaa inaan ku iri, waxaan
doonayaa inaad si fiican uga fekertid inaad muslim noqotid iyo inkale, maxaa
yeelay haddaad rabtid inaad noqotid xaaskayga oo uu xiriirkeena sii socdo
waa inaad soo gashaa diinta islaamka” ayuu ku iri, iyadoo ay jirtay
jacaylkii weynaa ee dhexdooda soo jiitamayay sannado badan.
Kadib markii Cabdinaasir uu go’aankaas weyn
qaatay, ayaa Astrid waxay go’aansatay inay ka fiirsato xiriirka iyo jacaylka
ay u hayso isaga, waxayna sideedaba jartay xiriirkii Cabdinaasir muddo
billooyin ah.
“markii ay ka soo wareegatay aragtidii iigu
danbeysay Astrid qiyaastii 4 billood, ayaa waxaan ka helay taleefan, iyadoo
ii sheegtay inay doonayso baaritaan ay ku samayso islaamka, taasi waxay igu
beertay farxad weyn, sababtoo ah waxaan ku taamayay inuu xiriirkeena sii
socdo, maadaama aan dhab-ahaantii aan uu naftayda sameeyay jacaylkeeda” ayuu
yiri iyadoo xiriirkii danbe ee Astrid-na ay ku beertay farxad iyo
yiddiddiilo weyn.
Waxay Astrid tiri iyadoo arrintan iiga
sheekeenaysa hadalladii ay Cabdinaasir ku tiri maalmahaas “Oo sidaas miyaad
iigaga tagaysaa, miyaadan i guursanaynin, hadda kama jawaabi karo, inaan
qaadanayo diinta islaamka iyo inkale, hase ahaatee waxaan kaa ballan
qaadayaa inaan daraasad kooban ku sameenayo diinta islaamka, waan aqrin
doonaa, kadibna waan kula soo socodsiinayaa” ayay igu tiri Astrid oo ka
sheekeenaysa billowgeedii markii ay ku fekertay inay wax ka ogaato diinta
islaamka.
“waxaan booqday webside-yada islaamka ka hadla
ee ku qoran luqadda spanishka, hase ahaatee wixii aad ii soo jiitay ayaa
waxay ahaayeen cajaladihii Sh. Ahmed-Deedaat ee aan daawaday, sidii
dheellitirnaa ee uu isugu bandhigayay diinta islaamka iyo kirishtaanka,
waxaan si kooban kuu oran karaa, waxaa si weyn ii saameeyay qaabkii
wanaagsanaa ee uu Deedaat u qeexayay diinta islaamka” ayay tiri Astrid oo si
xishood wadata u muusoonaysay, waxayna iyadoo ku faraxsan kuna qanacsan ugu
soo biirtay diinta islaamka. Waxaan bareeg yar ku qaadanay cabitaankii iyo
macmacaankii ay noo soo bandhigtay Astrid oo si wacan ugu asturnayd
xijaabkii ay xirnayd.
Astrid oo ila kaftamaysa ayaa igu tiri
“dhaqanka dadkeena (colombia-nka) iyo kan soomaalida waxay ka midaysan
yihiin fur-furnaanta iyo nolosha bulshannimo, waan ku faraxsanahay inuu
ninkayga noqday soomaali” ayay tiri Astrid, waxaana innagoo bareegii ku
jirna sii wadanay sheekadeenii..
Abdinaasir F. Cilmi Shidde iyo Astrid Osorio
waxay is guursadeen labo sanno kahor. Billooyin yar kahor ayay ahayd markii
uu Illaahay siiyay qoyskan wiilkoodii ugu horeeyay, ayna u bixiyeen Adam.
Intaan waraysanayay qoyska Abdinasir, waxaa sheekada iyo waraysiga
hareereenayay oo garab-socday qosolka iyo cayaarta Adam oo isagu ah wiil
farxad badan, ayna wejigiisa si weyn uga muuqatay bashaashnimo weyn.
Abdinaasir Farah waa shaqaale iyo arday dhigta
jaamacadda, halka Astrid ay ka shaqayso xarumaha lagu xanaaneeyo
waayeellada. Waxay Astrid xiriir wanaagsan la leedahay guud ahaan jaaliyadda
soomaalida ee Stavanger, waxay duruus diinni ka qaadataa masjidka soomaalida
ee Stavanger ku yaala, halka qoyska ay adduunka ku leedahay ay yihiin reerka
Cabdinaasir.
“hooyaday iyo walaalahay waa kuwa Cabdinaasir,
dabcan waan qaddarinayaa qoyska i soo barbaariyay ee i korsaday, haddana
maadaama aanan garanaynin waalidkaygii dhabta ahaa, waxaa ii waalid ah
waalidka Cabdinaasir” ayay si deggan u tiri Astrid oo aan dareemayay inay
indhaheeda ilmo ka soo buuxsamayeen markay ka sheekeenaysay sidii ay ugu
guuldaraysatay inay hesho hooyadii dhashay.
“2 sanno kahor ayaan Colombia aaday, waxaan
muddo raadinayay hooyadii i dhashay, dad kala duwan ayaan weydiiyay, laakiin
ugu danbeyntii waxaas oo dadaal ah waxay ku dhammaadeen guul-darro” ayay si
naxdin laga dareemayo iigu tiri. “su’aasha aan doonayay inaan weydiiyo
markaan la kulmo waxay ahayd, hooyo maxaad iiga tagtay, miyaadan i jeclayn,
waa maxay denbiga aan kaa galay, miyaanan xaq u lahayn inaan lahaado waalid
aan ku nasab sheegto sida dadka kale, maxay ahaayeen sababihii dhaliyay
inaad igu wareejisid dad kale oo aanan qaraabadayda ahayn” ayay si tiiraanyo
leh misna u tiri, waxayna intaas raacisay inay jiraan dad yaqaana hooyadii i
dhashay, hase ahaatee aanan doonaynin inay ii sheegaan.
Wuxuu sannadkan Cabdinaasir doonayaa in isaga
iyo hooyadiiba ay gutaan Xajka, halka uu mustaqbalka dhow-na ay misna Astrid
jeceshahay inay gudato waaibka Xajka, isla markaasna ay labadoodaba u
guuraan mid ka mid ah dalalka islaamka.
Ibraahim Saalax
Email:
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk.com | Yurub
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 29, 2005
|