SomaliTalk HTML CD


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - MINNEAPOLIS

SHEEKH AY SI WEYN SOOMAALIDA MINNESOTA U SHARFAAN  

Culumada iyo wadaaddada Soomaaliyeed ee ku nool dalalka galbeedka ayaa dowrkooda ahayn mid sinnaba la dhayalsan karo, hadday noqon lahayd wacyi gelinta iyo baraarujinta xagga diinta ee ay siiyaan walaalahooda soomaliyeed ee ku dhaqan dalalkan aan laga aqoon dhaqan islaam iyo mid soomaaliyeed-toona. Waxay agaasimaan oo ay soo qabanqaabiyan shirar waaweyn oo dadweynaha soomaaliyeed ay ka helaan baraarujin diineed iyo wacyigelin ballaaran, iyagoo sidoo kalena xil iska saara islaaxinta iyo midnimada. 


Sheikh C/Raxmaan Shariif

Haddaba, waxaan dorraad nasiib u yeeshay inaan magaallada Minneapolis ee gobolka Minnesota saacado badan kula qaato Daaciga iyo sheekha soomaaliyeed Sh. Cabdiraxmaan Shariif Maxammed oo ka mid ah aasaasayaashii xarunta Masjidka ee Darul-Hijrah ee uu imaamka ka yahay, sidoo kalena ka mid ah culumada waaweyn ee sida weyn looga yaqaan magaalooyinka mataanaha ee Minneapolis iyo St.poul ee gobolka Minnesota ee dalka Mareekanka.  

“Ibrahim ku soo dhawoow magaallada Minneapolis” ayay ahayd hadalkiisii ugu horeeyay ee uu igu yiri, kadib markii uu si dhoweyn hufan ku jirto uu ii salaamay, dabadeedna waxaan qaadanay gaarigiisa, innagoo aadnay maqaayad lagu magacaabo Holy land kuna taalla bartamaha magaallada Minneapolis. Waa maqaayad aan u qaatay inay leeyihiin dadyow ka soo jeeda Falastiin, maadaama derbiyada ay maqaayadda surnaayeen sawiro tilmaamayay Baytka barakaysan ee Masjidka Al-Aqsaa. 

Waxaa innagoo fadhina maqaayadda noo timid gabar soomaaliyeed oo aan xijaabnayn, si maamuusid soomaalinimo ku jirto ayay nooga qortay dalabaadkeenii, waxayna iyadoo dhoola-caddaynaysa ku tiri sheekhii aan martida u ahaa “taloow ma adigaa wadaadka aan dhowr jeer wacdigiisa ka dhagaystay taleefishinada lookalka ah ee soomaalida”. Muusoodka uu shariifka u celiyay gabadha ayaan ka dhadhansaday inuu isagu yahay qofkaas ay gabadha sheegayso, sidiina ayay noogu keentay cunto carbeed aad u macaaneed, iyadoo nagu oranaysay “maadaama aad community-ga wax weyn u qabatid ayaan discount fiican annigana idiin siinayaa”. Waxay ahaayeen hadallo qiimo badan oo tilmaan cad iga siiyay sumcadda uu sheekha ku dhex leeyahay bulshadiisa.  

Intaan qadaynaynay wuxuu imaamka warbixino iga siinayay guud ahaan xaaladda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota. Waa gobolka ay soomaalida ugu badan Mareekanka ay deggan yihiin. Waxaa ku yaala masaajidyo badan oo ay maamulaan soomaalida, waxaa garab socda xarumo kale oo waxbarasho ay misna maamulaan soomaalida. Jaamacadda weyn ee Minnesota iyo kuwa kaleba iyo macaahidyada kale ee gobolka ku yaalla waxaa si weyn uga dhex muuqda boqollaal soomaaliyeed, halka goobaha shaqooyinkana ay sidaas oo kale ugu badan yihiin. Xarumo ballaaran oo ganacsi ayaa ku yaala magaallada Minneapolis, ayna ka mid yihiin suuqyada Mall-ka 24 iyo mall-ka Karamel. Taksiileeyda shisheeyaha ee gobolka Minnesota ugu badan waxaa raqamka koowaad kaga jira soomaali, codadka soomaalida xilliyada doorashooyinka ay jiraan waxaa hunguriyeeya siyaasiyiin waaweyn oo madax ka ah gobolka.

Waxaasi oo dhan miyaynan ahayn guulo waaweyn oo ay gaareen soomaalida Minnesota ayaan weydiiyay sheikh cabdiraxmaan Shariif, wuxuuna iigu jawaabayay “haa waa sax, waana run inay yihiin wax lagu farxo, hase ahaatee waxaan ku taamayaa inaan arko guulo ka sii waaweyn kuwaas, dabcan dhalinta labaatan jirrada ah ee taksiilayda ah waxaan jeclaan lahaa inaan arko iyagoo safafka hore kaga jira kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadaha gobolka, inay waxbartaan waxay anfacaysaa iyaga iyo dadkoodaba, hase ahaatee shilimaadka ay shaqada ka helaan ma wada deeqi karto dadkooda ku dhibaataysan meel walba, boqollaalka daadsan xabsiyada iyagana ma joogaan meeshii aan la rabay, burburka weyn eek u soo badanaya qoysaska soomaaliyeed ayaan ahayn iyagana kuwo wata farxad” ayuu yiri Shariifka, iyadoo dhowrkii daqiiqadood oo uu hadlaba ay u soo dhacayeen taleefano kaga imaanayay qaybaha kala duwan ee jaaliyadda Soomaalida Minnesota.

Qaarkood waxay la yeelanayeen ballamo gaar ah oo la xidhiidha arrimaha qoyska, qaar kale waxay ahaayeen weriyayaal soomaaliyeed oo ka socda taleefishinada soomaalida ee Minneapolis, halka kuwo kalena ay ahaayeen hooyooyin soomaaliyeed oo sheekha talooyin ka weydiisanayay arrimaha tarbiyadda ubadkooda. 

Saacado badan oo uu ugu adeegi jiray Jaaliyadda inuu i siiyay ayaan si hoos ahaan uga mahad celiyay sheekha, waxaana sii wadannay sheekadeenii inoo socotay, annigoo si toos ah u weydiiyay dowrkiisa waxqabad ee kaga aaddan Darul-hijrah, wuxuuna yiri “waxaan ahay imaamka masjidka, khudbada jumcada iyo duruuso kala duwan oo ka kooban fiqhi, xaddiis iyo tafsiirba ayaan ka jeediyaa masjidka, waxaan kaloo duruus khaas ah siiyaa dhalinyarada teenage-ka oo wiilal iyo gabdho ka kooban, waxaa ii dheer saacado ay dadka i weydiiyaan masaa’il diinni ah oo aan jawaabo ka siiyo, waxaa intaas ii dheer annigoo arday ah”, ayuu yiri isagoo ii dhoola-caddaynaya. 

Sida uu sh. Cabdiraxmaan Shariif iigu sharxay Xagga waxbarashada iyo duruusta ayaa waxay u kala qaybsan yihiin sidan hoos ku xusan:- 

  • Dugsiga Salaaxuddiin waxaa dhigta arday gaaraysa 250-300 qof, waxayna ku dhigtaan isla xarunta masjidka Darul-Hijra
  • Dugsiga Al-Xikmah oo isla dabaqa 3-aad masjidka ku yaala, waxay ardayda dhigtaan maalmaha isniinta-khamiista
  • Dugsiga Al-ixsaan oo la dhigto maalmaha sabtida iyo axadda
  • Iyo ugu danbeyntii Dugsiga sare ee dadka waaweyn laguna magacaabo Iqra, waxaana dugsigan lagu dhigtaa maaddooyinka cilmiga ah ee dugsiyada sare lagu qaato, hadafkuna waa inay ardayda ka qaataan shahaadooyinka dugsiga sare. Dugsiga Iqra wuxuu ku yaala meel ka baxsan xarunta Darul-Hijra, wuxuuna furan yahay laga billaabo maalin walba 2-da duhurnimo ilaa tobanka fiidnimo .

Sheekh Cabdiraxmaan Shariif wuxuu kaloo ii sheegay in xarunta Darul-Hijra ay soomaalida ka caawiso barnaamijyo ay ka mid yihiin caafimaadka, waxayna howshan la kaashadaan dhaqaatiirta soomaaliyeed ee deggan Magaallada Minneapolis iyo xarumaha caafimaadka ee gobolka. “Xarunteena Darul-Hijra waxay dadka si billaash ahaan uga caawiyaan baaritaano caafimaad, waxaa noo jooga dhaqaatiir iyo kalkaalisooyin sameeya baaritaanada cudurada macaanka/sokorta  iyo baaritaanada guud ee caruurta iyo dhalinyarada, dadka qaba dhiig-karka iyo sokorta waxay fursad u helaan inay sokorta iyo dhiigaba iska cabbiraan inta ay masjidka joogaan, qofkii laga helo xanuun ama cudur kale waxaan toos ugu gudbinaa dhaqtarkiisa khaaska ah” ayuu yiri Sh. Cabdiraxmaan oo mahad ballaaran u soo jeediyay dhaqaatiirta iyo kalkaalisooyinka howshan si Alle dartii ah ugu istaagay. Waxaa dhaqaatiirtaas safka hore kaga jira Dr. Osman Harare iyo Faiza Aziz.

Waxaa sidoo kale ka mid ah waxqabadka uu masjidka dadka u qabto urur hoos yimaada masjidka oo ay leeyihiin dhalinyarada wiilasha iyo gabdhaha soomaalida. Waa guddi u taagan isku xirka dhalinyarada iyo ilaalinta dhaqanka soomaalida ee suubban, iyagoo dhinaca kalena abuura xiriir wanaagsan oo ka dhex dhaca waalidka iyo caruurtiisa. “dhalinyaradan waxaan siiyaa duruus joogto ah, waxayna leeyihiin maamul masjidka hoos yimaada, hase ahaatee dhammaan howlaha iyo xafladaha/shirarka ay qabanayaan waa kuwo iyaga u madax bannaan, waxay soo saaraan wargays ku qoran afka ingiriisiga, keliya waxay innaga noogula soo noqdaan wixii talooyin ah” ayuu yiri sheekha, isagoo soo bixiyay joornaalkii ay dhalintu daabaceen oo aan si weyn ula dhacay qaabka tayaysan ee uu joornaalka u qornaa. Luqad hufan oo qaab suxufunimo loo qoray ayaan ka aqriyay maqaalladii ay indhahayga soo jiiteen, waxayna qorayaasha ahaayeen oo wada dhalinyaro ahaayeen ay da’dooda u dhaxaysay 12-18 jir. 

Barnaamijyada dhalinyarada u khaaska ah ayuu uu sh. Cabdiraxmaan Shariif ku sheegay inay ka mid yihiin kulan joogto ah oo uu la yeesho dhalinyarada, kulankan oo ay dhalintu ku kororsadaan aqoonta diinta islaamka iyo qaadasho nolol bulsho oo islaami ah. Waxay kaloo dhalintu soo diyaariyaan xaflad ama shirweyne ay qabtaan labadii billoodba mar, iyagoo shirka ku soo casuma aqoonyahanno dhalinyaro ah oo goobtaas ka soo jeediyo muxaadarooyin ruuxi ah, waxaana muxaadarooyinkan garab socda madaddaalooyin xiiso leh, isla markaasna waafaqsan akhlaaqda islaamka.

 Waxaan intuu sheekha hadlayay is weydiinayay, taloow imisa saacadood ayuu sheekha siiyaa qoyskiisa iyo naftiisa, haddana waxaan isku qanciyay inuu arko meel aad uga fog aragtidayda, inuu arko dadkiisii oo u baahan in waqti badan lagu bixiyo si loogu soo xiro Rabbigooda iyo diinta ay u nasiib sheeganayaan, in uu intuu ka awoodo badbaadiyo qoysaska soomaaliyeed ee intooda badan burburay ama burburka qarka u saran, waxaan isku qanciyay inuu is tusayay dhalinyarada ay dilootay mukhaadaraadka iyo maandooriyayaasha kala duwan, isla markaasna aanan haysan wax u nasteexeeya, waxaan isku qanciyay inuu ku faraxsan yahay inuu hayo howshii Nebiyada nabadgelyo iyo naxariis dushooda Allaha yeellee, oo uusidaas darted ay lama huraan tahay in loo huro wax walboo qaali ah.  

Saacad iyo bar kadib oo aan ku jirnay wareysi iyo cuntayn ayaan markii danbe wuxuu sheekha i keenay masjidkii uu imaamka ka ahaa ee Xarunta Darul-Hijrah, markii uu yimidna waxaa sheekha daqiiqado gooni gooni shirar la qaadanayay odayaasha iyo soomaalidii joogtay, mid welibana wuxuu ka helayay ulajeeddadii uu ka lahaa. Odayaasha, dhalinyarada, wadaaddada rag & dumar-kooduba, iyo kuwa aan lagu arag markay arkaan sheekh Cabdiraxmaan Shariif waxay ula qaabilyeen salaan iyo maamuusid, isaguna wuxuu mid weliba ku dadaalayay inuu gaarsiiyo dhambaalka dacwadeed ee uu xanbaarsan yahay. 

Darul-Hijra ma ahan oo keliya masjid lagu tukado, hase ahaatee xarun caafimaad, waa xarun waxbarasho, waa xarun bulsho iyo dhalinyaro, waa xarun laga helo dhammaan baahiyaha ay bulshada u baahan tahay.  Waa xarun ay soomaalida gateen oo dowr fiicana uu webkeena somalitalk ka cayaaray. Waa masjid qaadaya ku dhowaad 1000 qof oo dad ah, waxaa lagu tukadaa xagga sare iyo xagga hooseba, wuxuuna sh. Cabdiraxmaan Shariif isagoo mahadsan igu soo wareejiyay dhammaan qaybihii uu masjidka ka koobnaa, waxaana booqashadayda masjidka soo gabagabeeyay annigoo faa'iidooyin iyo casharo ka soo qaatay la kulankaygii aan la yeeshay sheekha ay soomaalida Minnesota sida weyn u sharfaan.

Ibraahim Saalax

Email: ibra88@hotmail.com

Minneapolis, MN, USA

Faafin: Somalitalk.com | Aug 4, 2007

USADIINTA ISLAAMKA OO SI WEYN UGU FIDAYSA MAREEKANKA..

WD: Ibrahim saalax

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great

USADIINTA ISLAAMKA OO SI WEYN UGU FIDAYSA MAREEKANKA.. WD: Ibrahim saalax

GUURKA SOOMAALIDA EE  SHISHEEYAHA 

DENMARK: 5 JIR SOOMAALIYEED OO LAGU FARAXUMEEYAY XANAANADUU DHIGANAYAY


ENGLAND: SOOMAALIDA FIRFIRCOON EE LEICESTER


DENMARK: QAXOOTI SOOMAALIYEED OO CUNTADA KA SOOMAY
 


DENMARK: QAXOOTIGA SOOMAALIYEED CIDNA UMA MAQNA, CEELNA UMA QODNA


DENMARK: SI MAAMUUSID LEH AYAA LOOGU GURMADAY SOOMAALIDII LAGU DHIBAATEEYAY LANGESKOV


GABAGABADII SHIRKII URURKA DHALINTARADA SWEDEN  


URUR MIDEEYAY DHALINYARADA SOMAALIYEED EE DENMARK


SILICA IYO SAXARIIRTA LAGULA DHAQMO MAXAABIISTA REER CIRAAQ
Waxaa isa soo taraya shaleey iyo maanta wararka sheegaya sida naxariis darrada leh ee... Guji

SACIID WESTING: WAA INAAN ALLAAH UGA MAHAD CELINNAA BISHA RAMADAAN Guji


SWEDEN: DILKII WASIIRADII ARIMAHA DIBADA ANNA LINDH Guji Sept 14


WEYDIIMO AAN JAWAABO U WAAYAY Guji... Jul 27, 2003


SHIRKII SHABAKADDA XIRIIRKA SOOMAALIYEED AY KU YEESHEEN MAGAALLADA ODENSE, DENMARK Guji... Feb 23, 2003


WASIIRKA DENMARK OO DOONAYA INUU CIQAABO WAALIDIINTA SOOMAALIDA GUJI... Feb 3, 2003
MA DALKA MAREEKANKA AYAA DUNIDA NABADDEEDA KHATAR KU HAYA GUJI... Jan 20, 2003
DIINTA ISLAAMKA OO SI MAAMUUS LEH LOOGA AQOONSAN YAHAY DALKA SWEDEN GUJI... dec 26, 2002
MAXBUUSADDII AY HOREY U XIREEN TAALIBAAN OO ISLAAMTAY ..GUJI.... 5/9/02 
Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.