SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - TUSMO
TUSMADA QORAALKA HTML

html
Waa casharadii ugu horreeyey ee HTML oo kuqoran afka-Soomaaliga ee ka faa'iideyso.
Qaybtaan aan u bixinay "HTML" waxaan insha Allah si tallaabo-tallabo ah ugu barandoonaa sida iyo habka loo dhiso ama loo naqshadeeyo bog Internet ah.

Kaddib markii aan cilmi baaris ku samaynay baahida ay Soomaalidu u qabaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen casrigan aan u bixin karro "WAAGII XAWAARAHA & XAWLIGA INTERNETKA" ayaan waxaan aragnay in ay aad lagamaar maan u tahay in lahelo habkaan oo ku sharraxan afkeena Soomaaliga. Taas oo markaas u sahleysa Soomaali aad u farabadan in ay dhisi karaan BOG INTERNET si markaas afkaartooda iyo talooyinka iyo cilmiyada dadkeena looga faa'iidaysto.

Qoybtaan waxaa soo diyaarinaya Eng. Maxamed Cali Aaden oo ah asaasaha bogga SomaliTalk.com
Waxaa bini aadamka caqabad kunoqonkara in cilmi jira aysan kaa faa'iidaysan sababta oo ah luqada cilmigaasi ku qoranyahay oo lagayaabo in aan dad badani garanayn, waa taas midda lagayaabo in ay Soomaali badan kahor istaagto in cilmigooda laga faa'iidaysto. Taas ayaan shakhsiyan u dareemay waqtigii aan internetka akhriyayey in ay tahay baahi ay mujtamaca Soomaalida u baahan yihiin iyo in lahelo xal. Arrintaas ayaana sabatay in qaybtaan aan kusoo tebino afka Soomaaliga.

Waxaan kabilaabi doonaa heerka BILOWGA ee naqshadaynta iyo samaynta bog internet ah. Taas oo aan kusharxi doono luqada Af-Soomaaliga. iyada oo aan XEERARKA samaynta Bog-Internt ah aan u soo daabici doono hab uu qofkii akhristaa uu si fudud ugu fahmi karo, iyada oo aan kudari doono tusaalayaal qaybkasta oo aan samayno, Insha Allah.

Waxaan wada dhisi doonaa bog aad u qiimo badan oo bilicsan haddii aan raacno xeerka naqshadaynta ee Internet-ka.
[Insha Allah]
Sida aan ognahay waxaa internetka laga helaa kumayaal iyo kumayaal bog oo sharxaya habka iyo xeerarka naqshadaynta internetka kuwaas oo kuqoran luqado aan ahayn Afka Soomaaliga, kuwaas oo si sahala loo heli karo haddii lagabaaro Internet-ka. Waxaana, insha Allah, tixraac ahaan usoo qori doonaa qaybo kamida bogga kuqoran luqadda ingiriiska si markaas qofkii garanayaa luqadaas u usii kobciyo aqoontiisa samaynta bog internet ah.

Sida aan wada ogsoonahay Internet-ku waa goob lagutebinkaro wanaag iyo xumaan. Waxaase kacodsanyaa qofkii kaqalin-jebiya qaybtaan [www.html.somalitalk.com] in cilmigaas uu u adeegsado wanaag. Waxaana xusuusinayaa dhammaan akhristayaasha qaybtaan in ujeedada guud ee qaybtaan ay tahay horumarinta akhristayaasha. Waana faa'iido aad u weyn marka dadbadani ay ka faa'iidaystaan qoraalkaan.

Waxaan [Insha Allah] qoraaladan u ratibi doonaa hab u sahla akhristayaasha in ay sifudud ula socon karaan.
Mahad waxaa leh Ilaah oo noosahlay in qoraaladaan aan soo tebino. Waxaan umahadnaqayaa oo kale dhammaan akhristayaasha SomaliTalk.com kuwaas oo talooyin iyo tusaale si joogta ah noogu soo tebiya.

Si ay u sahlanaato in qoraaladaan aad lasocotid waxaa haboon in aad Bog kasamaysatid Shabakadda Internet-ka [haddii aadan horay u lahayn bog]. Waqtigaan waxaad Bog Bilaash ah kasamaysan kartaa http://www.tripod.lycos.com/  kaas ayaana wada dhisi doonaa hadii Ilaah idmo. Marka aad samaysatid baal bilash ah, kaddib kusoo laabo hordhaca casharrada HTML ee kuqoran bogga kan xiga.

Hadaba aan isweydiino su'aalahan:

  • Diiwaanka ma kudartay bog aad leedahay?
  • Diyaar ma u tahay hordhaca casharradan?
  • Diyaar ma u tahay in aan si tallaabo-tallaabo ah u wada bilowno samaynta bog-internet ah?
  • Diyaar ma u tahay in aan bilawno isku-xirkii ugu weynaa ee Soomalida internetka?
  • Diyaar ma u tahay HTML?
Jawaabaha su'aalaha kore mayihiin haa? Akhri hordhaca qoraalka... GUJI..


BOGGA HORE

BOGGA XIGA