SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - AMMAANKA
Daabaco Boggan | Print

Barnaamijyo ku anfacaya

C/risaaq "Gaalkacyo"

Helsini, Finland

rcabdi@hotmail.com

Badanaa waxaa dhacda in dadku soo iibsadaan PC (Personal Computer), hase yeeshee, eysan si fiican ugu intifaacin. Sababaha keenaya in uusan qofku si fiican kumbuyuutarkiisa uga faa'iideysan waxay tahay, ayadoo qofku uusan heysan barjaamijyadii uu kumbuyuutarka ku isticmaali lahaa. Waa su'aale, maxaa lagu sameynayaa qolofta computer-ka kaligeed, hadii eysan computer-ka wax barnhaamij ah eysan ku jirin??

 Waxaa laga yaabaa in qofku uu ogsoon yahay barrnaamijyada uu u baahan yahay, laakiin, helitaankooda ey ka xigto lagac, ama uusan kaba warqabin in ey jiraan barnaamijyo asaga anfici lahaa, oo jira.

Si kastaba ha ahaatee, waayahaan uu internetku ku faafay dunica dacaladeeda oo dhan , waxaa sahal noqotay sidii lagu heli lahaa barnaamijyo nooc walba leh, kuwo bilaash ah iyo kuwo lagacla'aan ahba.

Waxaa jira bo'gag (web sites, home pages) lagu soo bandhigo program-yada cusub badanboog, ee markaas suuqa soogalay. Bo'gagaas, kuwooda caanka ah waxaa ka mid ah:  www.download.com iyo www.tucows.com, waxaadna ka heli kartaa barrnaamijyo nooc walba leh.

Bo'gagaan kor ku xusan, barnaamijyada ey soo bandhigaan labo nooc ayay u kala saaraan :

  • in barnaamij-ku yahay bilaash(free) ama

  • in uu yaahy shareware

Barnaamijyadaa shareware-ka ah, Badanaa, waxaa laguu ogol yahay inaad isticmaasho intii bil ah, kadib hadey ku qanciyaan, waa inaad iibsataa,  hadii kale, waa is xirayaan, oo ma isticmaali kartid.

Sidoo kale, waxaad arkeysaa program lagu leeyahay waa Demo, taasoo loola jeedo: program-ku ma dhameystirna, ama qeyb kamid ah ma isticmaali kartid. waxaa loogu talagalay bal inaad wax xoogaa ka aragtid, hadii uu ku anfaco, waxaad soo iibsaneysaa furihii(serial number)  lagu firi lahaa, si aad si buuxda u isticmaashid asagoo dhan.

waxaan soo aruurinay  program-yo, loogu talagalay windows-yada,(Sida win 98/ ME/2000/XP), qof walba oo PC lehna anfacaya, oo muhiim ah, qaarkoodna ey lacag yihiin, qaarna bilaash yihiin:

Microsoft Office 2003

Barnaamijyo aasaasi  ah:

Barnaamijyo Internet-ka loo isticmaalo

Barnaamijyo ka hortagaya faragalinta shisheeye iyo virus-yada

Acrobat Reader 6

Barnaamijyo windows-ka la shaqeeya

Barnaamijyo sawirada loo isticmaalo(sida fiirsasho, hagaajin, ...)

Barnaamijyo wax lagu dhageysto

Barnaamijyo loo isticmaalo Video-yada  iyo DVD-yada

Barnaamijyo lagu gubo( burn) CD ja DVD-yada

Barnaamijyo lagu qoro/sameeyo HTML iyo  XML

Xariirka dadka


C/risaaq "Gaalkacyo"

Helsini, Finland

rcabdi@hotmail.com

SomaliTalk.com | Jan 5, 2004

"Mooryaanta" internetka! "C. Gaalkacyo"

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

. IP Address Check.


BOGGA HORE

BOGGA XIGA