SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HARGEYSA

Madaxweyne Rayaale oo Kabadbaaday Maamuus kaxayuubin.


Aadan y. Qodax    

FAALLADII: Aadan Yuusuf Qodax 
Email: qodax28@hotmail.com ama

May 9, 2005

LINK: www.Somalitalk.com/hargeysa


Shir gudoonka golaha wakiilada Somaliland ayaa kudhawaaqay in goluhu galayo fasax mudo 45 cisho ah , kaas oo ay sheegeen in ay goluhu dhamaysteen hawlihii horyaalay sida sharciga doorashada iyo ansixinta miisaaniyada , imikana ay tahay wakhtigii ay fasaxa gali lahaayeen, hase ahaatee mudanayaal kabadan 43 mudane oo kamida 82ka mudane ee golaha wakiilada somaliland kakoobanyahay ayaa soowaday mooshin maamuus kaxayuubin madaxweyne daahir rayaale kaahin , mooshinkaas oo aan golaha lahorkeenin waxay mudanayaashaasi doonayeen in sabtidii ama axadii ina dhaafay ay soo saaraan miiska shirgudoonka , kaas oo ilo xogogaal ahi sheegeen in ay tahay sababta dhabta ah ee keentay si degdeg ah loogu fasaxo golaha wakiilada kaas oo hadii mooshinka maamuus kaxayuubinta miiska lasoosaaro ay mudanayaasha watay haysteen cod aqlabiyad ah oo ay kumeel mariyaan kol hadii ay ka badan yihiin kala badh tirada guud ee golaha.

Waxaa lagu arkaayay madasha baarlamaanka hortiisa maalmihii tagay dhaqdhaqaaq xoog leh oo ay wadeen dhicana mooshinka watay iyo dhinaca kaleba.

Mudanayaasha mooshinka watay ayaa kutilmaamay fasaxa golaha ee uu soo jeediyay shir gudoonku mid sharci daro ah oo lagu hor istaagayo meel marinta mooshinka ay kaga soo horjeedaan madaxweyne rayaale.

Sida laga warhayo bishii April ee ina dhaaftay ayaa xisbiga mucaaridka ah ee awooda wayn leh ee KULMIYE ayaa ugudbiyay golaha wakiilada qoraal dhawr iyo toban bog ah oo ay kaga ashtakoonayaan madaxweynaha oo ay sheegeen in uu jabiyay dastuurka islamarkaana ay kudalbadeen maamuus kaxayuubin lagusoo oogo , hadaba soojeedintaa Kulmiye ayaa laga yaabaa in ay tahay takeentay isku daygan ay golaha wakiilada qaar kamid ahi doonayeen in madaxweynaha maamuus kaxayuubin lagusoo oogo , mooshinkan oo xukuumadu kaga hortagtay tab iyo xeelad.

Sikastaba ha ahaatee waxaa la eegayaa halka uu kudanbeeyo mooshinkani xaasaasiga ah ee ay wateen badi golaha wakiiladu ee kadhanka ah Daahir rayaale Kaahin.

Wararka kale ee Maanta (May 9, 2005)..... Guji...

Aadan yuusuf qodax hargaysa somaliland
Email: qodax28@hotmail.com
ama 
Email:

LINK: www.Somalitalk.com/hargeysa

Faafin: SomaliTalk.com | May 9, 2005


"Waxaa Lanoodiiday Khayriyada Boorama , xataa waxaa ladiiday in aanu gaadhi saarno mikirifoon". faysal cali waraabe, gudoomiyaha xisbiga UCID.

"Madaxweyne rayaale intii uu xilka hayay waxaa cadaatay in uu maamulkii uu dhaxlay diciifay". xisbiga UCID.

Madaxweyne Rayaale oo saxeexay xeerka doorashada wakiilada , iyo dedaalka dhexdhexaadinta xukuumada iyo xisbiga kulmiye.

Xisbiga Kulmiye oo Kubaaqay in Xilka Laga Qaado Madaxweyne Riyaale
Shir jaraa'id oo uu xafiiskiisa kuqabtay afhayeenka xisbiga kulmiye maxamed kaahin axmed ayuu... Guji... Apr 7

Maxaa Sababay in ay Burburto Kalsoonidii Shacbigu u Hayeen Xukuumada Madaxweyne Rayaale?.. Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD