SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HARGEYSA

Madaxweyne Rayaale oo saxeexay xeerka doorashada wakiilada , iyo dedaalka dhexdhexaadinta xukuumada iyo xisbiga kulmiye.


Aadan y. Qodax    

Warbixin: Aadan Yuusuf Qodax 
Email: qodax28@hotmail.com ama

April 13, 2005

LINK: www.Somalitalk.com/hargeysa


Madaxweynaha somaliland daahir rayaale kaahin ayaa saxeexay dhaqangalka xeerka doorashada wakiilada somaliland ee mudada soojiitamayay ,waxaana sidaa lagusheegay warsaxaafadeed uu soosaaray afhayeenka madaxtooyada cabdi idiris ducaale waxaanu warsaxaafadeedkaasi uqornaa sidan:-

"madaxweynaha JSL ayaa shalayto saxeexay dhaqangalka xeerka doorashada golaha wakiilada JSL oo dhamaystiran oo uu numberkiisu yahay 20/2/2005 islamarkaana uu ugudbiyay komishanka dooroshooyinka qaranka JSL decretadaasi waxay uqornayd sidan:-

madaxweynaha JSL; markuu helay go,aanka golaha wakiilada ee lr.GW/KFQC-01/335/2005 ee 18/01/2005 oo ay golaha wakiiladu ku ansixiyay xeerka doorashada golaha wakiilada xeer NO: 20/2/2005 iyo go,aankii golaha guurtida ee NO:GG/JSL/KF-26/GO-02/02/2005 ee 05/02/05. markuu helay; go,aanka maxkamada dastuuriga ah ee soobaxay 26/02/05 oo dhigaya markay maxkamadu ucadaatay in ay qodobada 10aad,13aad,44aad ee xeerka doorashada golaha wakiilada ee NO:20/2/05 ee 18/01/05 qodobada lalaalay wixii qaabfarsamo ah ee looga maarmiwaayo socodsiinta hawsha doorashada golaha wakiilada waxaa looraacayaa doorashadii deegaanka iyo madaxtooyada dalka ee Lr.20/2001 xeer NO. 20/2/05 marka laga reebo qodobada lalaalay waxaa sitoos ah loogu dhaqmayaa marka uu saxeexo madaxweynaha somaliland .

markuu helay; go,aanka GW/KFQC-01/338/2005 ee uu goluhu ku ansixiyay soojeedinta waxkabadalka iyo kaabida xeerka doorashada golaha wakiilada xeer NO.20/2/2005.

markuu arkay ; qodobka 75aad ee dastuurka somaliland wuxuu soosaaray:- xeerkan oo lagu hubinayo dhaqangalka xeerka doorashada golaha wakiilada JSL xeer NO. 20/02/2005".

Dhinaca kalena waxaa socday dedaal ladoonayo in lagu dhexdhexaadiyo xukuumada iyo xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE , dedaalkaas oo ay wadaan shirgudoonka baarlamaanka iyo komishanka doorashooyinka qaranka , kaas oo ladoonayo in xisbiga KULMIYE kanoqdo go,aankiisii ahaa in aanu lashaqaynayn xukuumada iy komishanka dooroshooyinka qaranka islamarkaana kudalbaday in maamuuska lga xayuubiyo madaxweyne rayaale , iyo sidii xukuumadu raaligalin uga bixin lahayd galidii ciidanka booliisku galeen xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE.

Inkastoo shalay xarunta baarlamaanka lagu arkaayay madaxda kulmiye oo uu kamid yahay gudoomiyaha xisbiga axmed maxamed maxamuud (siilaanyo) hadana gudoomiyaha siilaanyo waxaa uu sheegay in aanay jirin wax dhexdhexaadin ah oo laga dhexwado xukuumada iyo xisbigiisa oo uu ogyahay islamarkaana aanu waxba iska badalin mawqifkoodii hore iyo go,aankii ay qaateen siilaanyo oo uu arinka waxkawaydiiyay wargayska HAATUF ee kasoobaxa hargaysa ayaa sheegay in sababta ay shalay utageen xarunta baarlamaanka ay ahayd isxaalwaraysi wacdiga taagan " waxaanu kawada hadalay wacdiga taagan anagaana utagnay hase yeeshee madoonayo in aan kahordhaco waayo maalmaha soo socda ayaanu hadli doonaa " ayuu yidhi siilaanyo .

Isagoo siihadlayana siilaanyo wuxuu yidhi " anaga iyo xukuumada waxxidhiidh ah oo noo dhexeeyaa majiro cidna dhexdhexadinaysa oo aanu diranayna majito ,mana ogi cid iyadu iskeed iskuxilqaaday ,hadii ay jirtana nalamaysoo xidhiidhin waxaananu taaganay maqifkayagii hore sidaa darteed waxwada shaqayn ahi nagama dhaxayso xukuumada walina waxaanu taagnahay baaqayagii ahaa in madaxweynaha xilka laga xayuubiyo".

Sikastaba ha ahaatee iyadoo uu madaweyne rayaale saxeexay dhaqangalka xeerka doorashada wakiilada una gudbiyay komishanka doorashada ayaa ay dadweynuhu isweydiinayaan sida ay doorashadu uqabsoomi doonto iyadoo uu xisbigii ugu awooda waynaa ee KULMIYE sheegay in aanay lashaqaynayn komishanka iyo xukuumada ,waxaana lasugayaa wakhtiga komishanka iyo madaxweynuhu islagartaan in ay dhacdo doorashadu ee uu madaxweynuhu kusoosaro decreeto maalinta doorashadu dhacayso .

allaa mahad leh

warbixin: Aadan yuusuf qodax hargaysa somaliland
Email: qodax28@hotmail.com ama 
Email:

LINK: www.Somalitalk.com/hargeysa

Faafin: Somalitalk.com | April 13, 2005

Xisbiga Kulmiye oo Kubaaqay in Xilka Laga Qaado Madaxweyne Riyaale
Shir jaraa'id oo uu xafiiskiisa kuqabtay afhayeenka xisbiga kulmiye maxamed kaahin axmed ayuu... Guji... Apr 7

Maxaa Sababay in ay Burburto Kalsoonidii Shacbigu u Hayeen Xukuumada Madaxweyne Rayaale?.. Guji..

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD