SomaliTalk.com
ALLAH IS GREAT

 MAALINTA CASHUURA

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |   Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi

FADLIGA BISHA MUXARRAM
IYO
SOONKA MAALINTA CAASHUURAA

WQ: FAYSAL CALI CIISE
 awfaysal@hotmail.com 
March 10, 2003

Bishan Muxarram waa bil aad ugu wayn Muslimiinta meel kasta ooy joogaan. Waa bil aad u barako iyo khayr badan waana bisha ugu horaysa bilaha sanadka Islaamka ee hijriga, sidoo kale waa bil ka mid ah afarta bilood ee xurmada dheeraadka ah leh ee loo yaqaan "Ash-hurul xurum". Suuratu Tawbah ama Baraa aayada 36aad ayaa Eebe sare ahaayee kaga hadlay bilaha xurmada leh waxaana muslimiinta oo idil la faray inay si gaar ah isaga dhawraan dunuubta ama dulmiga oo dhan. Waxaa uu Sayidnaa Abuu Bakar soo warinayaa inuu Nabigu sallallaahu calayhi wasalam yiri "Biluhu waa laba iyo toban, waxaa ka mid ah afar xurum ah, sadex is xiga Dul qacdah, Dul xijjah, iyo Muxarram, iyo Rajab….".

Waxaa kale oo bishan aad u wanaagsan in aan badino soonka maxaa yeelay wuxuu Nabigu sallallaahu calayhi wasalam si gaar ah u tilmaamay in fadliga soonka bishan uu ka khayr badanyahayay bilaha kale ee sanadka marka laga reebo bisha ramadaan waxaanu yiri "Afdalussiyaami bacda ramadaan shahrullaahil Muxarram" "Ramadaan ka bacdi soon waxaa ugu fadli badan soonka bisha ilaahay ee Muxarram", waxaa kale oo sharafta bishan ku tusi kara in loo tiiriyay ilaahay oo la yiri "shahrullaahil Muxarram" wax walbana waxay qiimo iyo qadarin ku leeyihiin masdarka iyo meesha ay ka soo fulayaan.

Markii Nabigu sallallaahu calayhi wasalam uu yimi Madiino ayaa wuxuu arkay Yuhuudi oo soomaysa maalinta caashuuraa(10naad) ee bishan markii uu waydiiyay ayay u sheegeen in maalinkan uu Eebe ka badbaadiyay Banii Israa’iil cadawgoodi, Nabi Muusana calayhi salaam uu soomay, markaasuu Nabigu sallallaahu calayhi wasalam yiri "Aniga ayaa idinka mudan Muuse, markaasuu soomay in la soomana amray". Waxaa kale oo mudan in lagu intibaaho sababta uu Nabigu sallallaahu calayhi wasalam u amray in la soomo tiiyoon waliba ognahay in ay Yuhuuda u ahayd maalin ay ciidaan sida uu xusay Imaam ibn xajar waa inaanay Muslimiintu la wadaagin Yuhuuda ciidooda, maxaa yeelay hadii iyaguna ay ciidaan oo farxad, cunto iyo cayaar ay ku jiraan inagana la ina faray inaan soono maalinkaas waxaa muuqata in laba marin oo kala duwan aan marnay.

Fadliga bishan waxaa ka mid ah inuu Nabigu sallallaahu calayhi wasalam yiri xadiith micnihiisu yahay "Soonka maalinta caashuuraa waxaa lagu dhaafaa dunuubti sanadki hore oo idil" Allaahu akbar waa fadli wayn ooy haboontahay in qofkii kara aanay gafin, soon maalin qura oo lagu gaarayo dambi dhaaf intaa le’eg waa guul uu Eebe sara ahaayee ukaydshay ummada Nabi Muxammad sallallaahu calayhi wasalam. Waxaa kale oo haboon in lagu baraarugo sida ay culumadu xuseen in aan lagu kadsoomin dambi dhaafka soonka maalintan oo kale maxaa yeelay waxaa ka sii fadli iyo dambi dhaaf badan salaadaha maalin walba aan shanta jeer tukano iyo soonka bisha ramadaan, waxaana had iyo goor haboon oo waajib ah in laga tawbad keeno dunuubta kabaa’irta ah oo idil.

Waxaa kale oo uu nabigu sallallaahu calayhi wasalam yiri kadib markii loo sheegay in Yuhuuda iyo Nasaaraduba ay wayneeyaan una ciidaan maalintan " hadii aan gaaro sanadka soo socda waxaan soomi doonaa maalinta sagaalaad(Taasuucaa)" hayeeshee sallallaahu calayhi wasalam intii aanu gaarin sanadki ayuu geeriyooday, waxaana halkaa ka muuqday inay sii fadli badantahay in lawada soomo labada maalmood ee loo yaqaan taasuucaa iyo caashuuraa oo kala ah sidaan horay u xusnay sagaalaadka iyo tobnaadka ee bishan Muxarram waxaanay culumadu yiraahdeen soomida maalinta caashuuraa waxay leedahay wajiyo kala duwan sida in la soomo maalinta 10naad oo kali ah ama in la soomo 9-laadka iyo 10-naadka, mar kasta oo maalmo dheeraad ah laga soomo bishan waxaa sii xasilaya fadiiladi uu nabigu sallallaahu calayhi wasalam inoogu sheegay bishan Muxarram. Allaha nawaafajiyo dhamaanteen wixii khayr inoogu jira hana naga fogeeyo sharka iyo ahalkiisaba. Aamiin.

WQ: FAYSAL CALI CIISE
 awfaysal@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | March 10, 2003

 Qowlka kale ee Culimada ee Cashuura


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...

SIIRO
WARAAQAHII NEBI MUXAMED U DIRAY BOQORADA
XAYAYSIIS CUSUB/ CLASSIFIED iidheh
salat Maqal, muuqaal, sawir iyo qoraal ku bar carruurtaada Salaadda GUJI...
kitaab 114 Qur'aanka Kariimka ah oo maqal iyo muuqaalba ah daalaco GUJI»
islam Waa bog soo koobaya macluumaadka Islaamka ee Booqo.Maanta»

Copyright ©  SomaliTalk.com. All rights reserved.