SomaliTalk.com
ALLAH IS GREAT

 MAALINTA CASHUURA

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |   Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi

MA KU FARAX GALINEYSAA IN LAGUU DHAAFO DANBIGAADA SANNADKII TAGEY

Osman Billad 
osmanbilad@hotmail.com
 

Asalamu aleykum,

Walaalkey iyo walaashey muslimka ahow! Ma ku farax galineysaa in laguu dhaafo danbigii aad gashey sannadkii tagey??

Sidaa lawada soconaba waxaa jira maalmo iyo waqtiyo badan oo in la soomo soon sunno ah ay sunno tahay, waxaana ka mid ah: Lix maalmood oo ka mid ah bisha Soonfur waa Shawaal, maalinta sagaalaad ee bisha carafo waa Dul-xijjah, sidoo kale waxaa sunno ah in maalmo badan laga soomo bisha Shacbaan, iyo in todobaad walba maalinta qamiista ah iyo maalinta isniinta ah la soomo. Waxaa kaloo ka mid ah maalinta tobnaad iyo maalinta sagaalaad ee bisha Sako, maantana waxaa rabnaa inaa ka hadalno maalinta 9aad iyo 10aad ee bisha Sako, sababtoo ah taariikhdu markey tahay March 13 & 14, 2003 ayaa waxaa ku soo aadan labadaa maalmood oo aan dooneyno inaa maanta ka hadalno.

Maalinta tobnaad ee bisha Sako, iyo maalinta sagaalaad ee isla bisha Sako (muxarram), mar Rasuulka SCW wax laga waydiiyey soonka maalinta tobnaad wuxuu yiri: Wuxuu asturaa oo lagu dhaafaa (maalintaa soomideeda) dambiyadii la galay sannadkii tagey. Ka dib markii uu Rasuulku SCW soomay maalintaa tobnaad uuna amar ku bixiyey in la soomo ayaa waxaa loo sheegay in maalintaasi tahay maalin ay xurmeeyaan oo ay wayneeyaan Yuhuudda iyo Nasaaradu (kirishtaanku), markaas ayaa si loo qilaafo gaalada iyadoo maalinta tobnaad la raacsiinayo oo lagu lifaaqayo maalin kale, ayuu wuxuu yiri: Haddii aan sii baaqi noqdo ilaa sannadka soo socda waan soomayaa maalinta sagaalaad (yacni waxaan maalinta tobnaad soonkeeda raacsiin donaa maalinta sagaalaad, haddii naftu igu sii jirto sannadka soo socda), laakiin inta aan la gaarin sannadkii uu Rasuulka SCW yiri: Haddii aan gaaro waan soomayaa maalinta sagaalaad, ayaa la oofsaday.

Maanshaa Allaah! Waa u jeedaa labadaa maalmood fadligooda iyo soomidooda, ee walaale ka faa'ideyso fursadaa dahabka ah yeyna ku dhaafineye.

XASUUSIN: Fadlan fartiintaan markaa heshid u hadiyee oo u gudbi ehelkaada iyo saaxiibadaa, waayo markey soomaan adigana ajarkooda oo kale ayaa heleysaa.

Osman Billad 
osmanbilad@hotmail.com
 


WAA WALAALKAA AAD KU WALAALOWDEEN "ISLAAMKA"
O*S*M*A*N*B*I*L*A*D*

Faafin: SomaliTalk.com | March 10, 2003


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...

SIIRO
WARAAQAHII NEBI MUXAMED U DIRAY BOQORADA

Copyright ©  SomaliTalk.com. All rights reserved.