يَاْجَاْلِبَ الْكُفَّاْر ِكَفَرْتَ
Gaalo
Soo Geliyow
Waad
Gaalowday
وَمَنْ يَتَوَلَّهُمْ مِِّنْكُمْ فَإنَّهُ مِنْهُمْ / الآية
المائدة /
51
W/Q:
Cali-Daahir X Muxammad
mohiyadin@hotmail.com
Kitaabka Oo Kooban
بِسْمِ اللهِ الرَّحْمَنِ الرَّحِيْمِ الْحَمْدُ للّهِ رَبِّ
الْعَالَمِينَ
والصَّلاةُ والسَّلامُ عَلَى نَبِيّناْ مُحَمَّدٍ وَآلِهِ
أجْمَعِيْنَ.
Kitaabkan waxaan kaga warami doonaa haddii Alle idmo mowduuca
beryahan danbe sida xawliga ah ku socda ee loo yaqaan:
موالاة الكفار
Taa oo
ah in gaalada la jeclaado, saaxiibo iyo xigtana laga dhigto,
loogana hiiliyo dadka muslimiinta ah isla markaana gaashaan buur
lala samaysto iyada oo lagu waxyeelaynayo dad muslimiin ah, mar
walbana la fulinayo danaha gaarka ah ee ay gaaladu ka leeyihiin
wadamada islaamka, hadday ahaan lahayd xag diin iyo xag aduunba.
Kadib
markii ay gaaladu ku fashilantay dagaalkii foolka-foolka ahaa
ayay waxay qaadeen dariiq kale oo ah in la adeegsado kuwo wax
ma garato ah danna aan ka lahayn diin, dad iyo dalba. Taa oo u
suurta gelisay inay kaga filnaadaan wixii dhibaato ahaa ee kasoo
gaari jiray intii lakala soocnaa ee muslimiin iyo gaalo lakala
ahaa. Horaana loo yiri: Gudiney Ima Goyseen Hadduusan Gabalkay
Kugu Jirin.
Inta
hawshaa is gaashaan buursiga baadilka ku dhisan lagu guda jirana
wixii dhibaato ah ee dhimasho ama dhaawac ee shacabkaa
muslimiinta ah soo gaarana laisma waydiiyo, haddiise dhanka
gaaladu wax yar soo gaaraanna waa loo baroor diiqi
warbaahinnadana waa lagu buun-buunin. Waana siduu shaacirku
yiri:
Hal qof
oo lagu dilaa hawd (duur cidla ah) waa danbi wayn oo aan la
dhaafi karin, dilse loo geystay shacab idaylkii waa arin ka
fiirsasho leh.
Marka
ugu horaysa haddii la waydiiyo kuwaa wadanka gaalada soo
geliyay. Maxaad wadanka gaalada kala soo doonteen oo aad dadka
muslimiinta ahna aad ugu baabi’seen? Jawaabtoodu waa wadanka
ayaan amnigiisa ku sugaynay gaaladaa IWM oo been iyo waxba kama
jiraan ah.
Waxaase
dhab ah qof walibaana uu garan karaa in nabaddii jirtay xilligii
aad gaalada wadanka soo geliseen aysan ebad soo marin
Soomaaliya. Laakiin qof waliba oo raba inuu xumaantiisa qariyo
magac qurxoon ayuu ku shaabadeeyaa. Waana middii uu Rasuulku
SCWW uu inoogaga waramay inay imaan doonaan dad u bixiya
waxyaabaha aan shareecada ku banaanayn magacyo wanwanaagsan si
loo aqbalo. Wuxuuna Rasuulku SCWW uu yiri:
إِِنََّ
نََاْساً مِنْ أُمَّتِيْ يَشْرَبُوْنَ الْخَمْرَ يُسَمُّوْنَهَاْ
بِغَيْرِ اسْمِهَا .
رواه
أحمد / صحيح / الصحيحة / 414
Dad
ummadayda ka mid ah ayaa cabi doona khamriga waxayna u bixin
doonaan (oo ay Ku magacaabi doonaan) magaceeda magac aan ahayn.
Balse
sida aad filayseen oo aad jeclaydeen Alle SW arinta kama dhigin.
Qorshihiinuna wuxuu ahaa qof kasta oo astaan diineed leh in
wadanka laga tir-tiro si inta hartana lagu yiraahdo kaalaya oo
gaalada dhaantada u ciyaara kadibna Allow i bixi ay ka dhacdo.
Waana muhimmada ugu wayn ee gaalo idiin soo maal gelisay, rag
baase Alle SW tala saartay oo gaashaanka idiin daruuray.
Sidaad
u lahaydeen waa afar wadaad ee hala soo qab-qabto ayaa waxaa
idinku dhacay wax aydaan fillayn. Siduu shaacirku yiri:
إذا رأيت
نيوب الليث بارزة فلا تظنن أن الليث مبتسم
Haddaad
aragto miciyo libaax soo muuqda
Ha
moodin libaaxu inuu dhoolla cadayn
In
gaalada looga hiiliyo dad muslimiin ahna waa arin gaalnimo iyo
diin kabax ah. Siduu Allaah SW uu yiri:
يَا
أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ لاَ تَتَّخِذُواْ الْيَهُودَ
وَالنَّصَارَى أَوْلِيَاء بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاء بَعْضٍ وَمَن
يَتَوَلَّهُم مِّنكُمْ فَإِنَّهُ مِنْهُمْ إِنَّ اللّهَ لاَ
يَهْدِي الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ /
المائدة / 51
Mu’miniineey haka yeelanina Yuhuudda iyo Nasaarada sokeeye ( Aad
jeceshihiin ) ( Maxaa yeelay ) qaarkood qaarka kale buu
xigaa, qofka ka yeesha sokeeye oo idinka idiinka mid ahna iyaguu
ka mid yahay, Allana ma hanuuniyo dad daalimiin ah ( oo
gaaloobay )
Sh.
C/Casiis Ibnu-Baaz RC wuxuu aayadan kala soo dhex baxay fatwo
aad cabiri karto fiqiga Alle SW uu ku manaystay Sheekhaa RC
wuxuuna yiri:
وقد أجمع
علماء الإسلام على أن من ظاهر الكفار على المسلمين وساعدهم بأي نوع
من المساعدة فهو كافر مثلهم كما قال تعالى: يَا أَيُّهَا الَّذِينَ
آمَنُواْ لاَ تَتَّخِذُواْ الْيَهُودَ وَالنَّصَارَى أَوْلِيَاء
بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاء بَعْضٍ وَمَن يَتَوَلَّهُم مِّنكُمْ
فَإِنَّهُ مِنْهُمْ إِنَّ اللّهَ لاَ يَهْدِي الْقَوْمَ
الظَّالِمِينَ /
المائدة / 51
فتاواه /
1 /274
Waxay
ku ijmaaceen ( Oo ay ku kulmeen iskuna raaceen ) culimada
islaamka ruuxii gaalada uga hiiliya muslimiinta ( Oo gaalada la
jirsada ) isla markaana taageera ( kaalmeeya oo u gargaara )
nooc walaba oo kaalma ah ( Af, adin ama dhaqaale ) qofkaasi waa
gaal iyagoo kale ah ( Gaalka uu taageerayo iyo isaga
taageerayaba waxba kuma kala duwana oo waa isku mid ). Kadibna
aayadii buu akhriyay sheekhu RC.
Waana
fatwadii uu cuskaday Sh. Albaani RC kolkii Wax laga waydiiyay
dagaalkii khaliijka ee ciraaq lagu duulayay 1990kii wuxuuna yiri
fatwadan toosan ee sh Ibnu-Baaz RC waxaa laga qaadanayaa laba
arin midood. Wuxuuna yiri sheekhu RC:
إما أن
يكون الذين استعانوا بالكفارليسوا مسلمين ، وإما أن يكون المستعان
بهم هم من المسلمين.
أشرطة
الشيخ / 461
In kuwa
kaalmaystay gaalada ( kuwaa uu sheehku sheegayana waa xukuumada
sucuudiga ) aysan muslimiinta kamid ahayn, ama kuwa la
kaalmaystay ( Oo ah Ameerikaan Iyo Ingiriis ) ay muslimiinta
kamid yihiin ( Labadaa arimood waxba kama dhaxeeyaan )
Waliba
Sh. Naasir wuxuu intaasi raaciyay: Hadduusan muwaalaadkii lagu
gaaloobaayay uusan midkaan ahayn, maba jiro muwaalaad lagu
gaaloobo. Haddii Alle idmana fatwadii oo dhammaystiran kitaabka
dhexdiisa ayaad ugu tagi doontaa.
Xattaa
haddii ay hadda soo islaamaan Ameerikaan iyo Ingiriis u shafeeca
qaadimayso xukuumadaa Sucuudiga marka miisaan la saaro fatwada
sh. Naasiru-Diin Albaani RC, maxaa yeelay shardigu wuxuu ahaa
kolkii ay kaalmaysanayeen Ingiriis iyo Ameerikaan muslimiin ma
ahaayeen labadaa dowladood ee kufaarta ah? Jawaabtu waa maya.
Sidaa darteed ma naqaan meel qiil looga raadiyo xukuumadaa uu
ridada ku xukumay Sh Albaani RC. Taana kama dhalanayso in ay
shacabka xukuumadaa hoos tagta ay gaaloobeen sida khawarij ama
takfiiriyiin qolada loo yaqaan ay tiraahda oo
kale:
إذا كفر
الراعي كفرت الرعية
Hadduu
xaakimku gaaloobo bulshada uu xukumaana way la gaaloobi
Waxaa
sidoo kale horay u daliishaday Al-Imaam Ibnu-Xazam RC aayadaa
inay ijmaac tahay qofka gaalo taageera oo muslimkana ka hiiliya.
Wuxuuna yiri Sheekhu RC:
صح أن
قوله تعالى : ومن يتولهم منكم فإنه منهم : إنما هو على ظاهره
بأنه كافر من جملة الكفار , وهذا حق لا يختلف فيه اثنان من
المسلمين
/ المحلى / 11/138
Sida
saxda ah waa in
aayadaa daahirkeeda loo daayo ( Oo aanan waxba laga leexinin
tafsiirkeeda ) Maxaa yeelay ( Waxay aayadu tilmaamaysaa qofkaa
gaalada ka wali yeeshay inuu yahay ) gaal duu-duub ahaan usoo
hoos galaya gaalada ( Oo iyaga gaalada ah ka tirsan ) Waana xaq
ay laba muslimiinta kamid ah aysan isku khlaafin.
Sh
Axmad M Shaakir RC baa sidoo kale fatwo ku dhisay isla
aayadaasi:
يَا
أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ لاَ تَتَّخِذُواْ الْيَهُودَ
وَالنَّصَارَى أَوْلِيَاء بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاء بَعْضٍ وَمَن
يَتَوَلَّهُم مِّنكُمْ فَإِنَّهُ مِنْهُمْ إِنَّ اللّهَ لاَ
يَهْدِي الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ /
المائدة / 51
Wuxuuna
soo saaray Risaalo uu ku magacaabay:
كلمة
الحق
Kalimaddii Xaqqa Ahayd
Risaaladaa uu ku caddaynayay dadka lasocday ingiriiska iyo
faransiiska oo xilligaa masar iyo buldaan kale oo muslimiin
leedahayba duulaan ku ahaa inay diinta ka baxeen. Wuxuuna
Sheekhu RC baabkaasi uu cinwaan ugaga dhigay:
بيان
إلى الأمة المصرية خاصة وإلى الأمة
والإسلامية عامة / 149
العربية
Bayaan
ku socda ummadda reer masar gaar ahaan, ummadaha carabta iyo
muslimiintana caam ahaan.
Kadibna Sheekhu RC
wuxuu yiri:
أما
التعاون مع الإنجليز, بأي نوع من أنواع التعاون, قلّ أو كثر, فهو
الردّة الجامحة, والكفر الصّراح, لا يقبل فيه اعتذار, ولا ينفع معه
تأول, ولا ينجي من حكمه عصبية حمقاء, ولا سياسة خرقاء, ولا مجاملة
هي النفاق, سواء أكان ذلك من أفراد أو حكومات أو زعماء. كلهم في
الكفر والردة سواء, إلا من جهل وأخطأ, ثم استدرك أمره فتاب واخذ
سبيل المؤمنين, فأولئك عسى الله أن يتوب عليهم, إن أخلصوا من
قلوبهم لله لا للسياسة ولا للناس.
In la
kaalmaysto Ingiriiska nooc walba oo kaalmaysi ah, ha yaraado ama
ha badnaado waa diin kabax aad u daran, iyo gaalnimo cad, aanan
aqbalaynin cudurdaar, aanan anfacaynin tafsiir ( khalad ah oo
aad adigu ka fahantay ) kumana badbaadayo qofka ay ku xambaartay
qabyaalad doqonnima ah, iyo siyaasad indha la’aan ah, mujaamalo
( isjeclaysiin aan waxba ka jirin ) oo munaafaqad ah, waana
isaga mid arinkaa qof-qof ama dawlado, ama madax ( noocuu doonno
ha ahaado, sida madaxda qabaailka ama xukuumadda ) dhammaantood
gaalnimada iyo diin kabixiduba way u siman yihiin, oo aan ka
ahayn qofka jaahilka ka ah ee khaladamay kadibna isdaba qabtay
ee tawbad keenay kadibna qaaday jidkii mu’miniinta kuwaasu waxaa
suurowda in Alle uu ka tawbad aqbalo haddii ay Alle u khaalis
yeelaan quluubtooda oo aysan ka ahayn mid siyaasad ku dhisan ama
dad ku raali garayn. Wuxuu intaa sii raaciyay:
Waliba
Sheekhu RC wuxuu aad uga waaniyay muslimiinta rag iyo dumarba
inay ogaadaan kuwaa gaalada soo raacay ay xaasaskii kala furmeen
oo halkaasi nikaaxoodii uu ku buray wax ka dhaxeeyaana ma jiraan
haday ahaan lahayd nasab iyo dhaxal midna kama dhexeeyaan.
Qofkase tawbad keena oo iyaga kamid ah isla markaana cadawga la
dagaalama ummadana u gargaara wali isuma ahaanayaan reer is qaba
ilaa la sameeyo nikaax cusub. Iyo waliba inay iska hubiyaan inta
aanay guursan inuu kamid yahay qoladaa la tuuray ee ridoday.
Wuxuu kaloo sheegay Sheekhu RC haddii qof dumar ah ay ku raali
noqoto sidaana xaas ugu ahaato iyaduna way raaci oo diinta way
ka bixi. Alle baan nabad waydiisanaynaa. Fatwadaa iyada oo
dhammaystiran waxaan kusoo guurin doonaa haddii Alle idmo isla
kitaabkan gudihiisa. Inta yare ee aan idiin soo koobayna waa tan
hoosta ku qoran. Qofka dheeraad rabaana websaydyada soomaalida
baan u diray hadda ka hor qofkii rabaana xagaa haka raadsado
maqaalka aan ku magacaabay:
Way
Gaaloobeene Kala Guura.
ألا
فليعلم كل مسلم وكل مسلمة أن هؤلاء الذين يخرجون على: دينهم
ويناصرون أعدائهم, من تزوج منهم فزواجه باطل بطلانا أصليا, لا
يلحقه تصحيح, ولا يترتب عليه أي أثر من أثار النكاح من ثبوت نسب
وميراث وغير ذلك. وأن من كن منهم متزوجا بطل زواجه كذلك, وأن من
تاب منهم ورجع إلى ربه وإلى دينه, وحارب عدوه ونصر أمته, لم تكن
المرأة التي تزوج حال الردة, ولم تكن المرأة التي ارتدّ هي في عقد
نكاحه: زوجا له ولا هي في عصمته وأنه يجب عليه بعد التوبة أن
يستأنف زواجه بها, فيعقد عليها عقدا صحيحا شرعيا, كما هو بديهي
واضح.
ألا
فليحتط النساء المسلمات, في أي بقعة من بقاع الأرض, وليتوثقن قبل
الزواج من أن الذين يتقدمون لنكاحهن ليسوا من هذه الفئة المنبوذة
الخارجة عن الدين, حيطة لأنفسهن ولأعراضهن, أن يعاشرن رجالا
يظنونهم أزواجا وليسوا بأزواج, بأن زواجهم باطل في دين الله.
ألا
فليعلم النساء المسلمات, اللائي ابتلاهن الله بأزواج ارتكسوا في
حمأة هذه الردة, أن قد بطل نكاحهن, وصرن محرمات على هؤلاء الرجال,
ليسوا لهن بأزواج, حتى يتوبوا توبة صحيحة عملية, ثم يتزوجوهن زواجا
جديدا صحيحا.
ألا
فليعلم النساء المسلمات, أن من رضيت منهن بالزواج من رجل هذه حاله,
وهي تعلم حاله, أو رضيت بالبقاء مع زوج تعرف فيه هذه الردة: فإن
حكمها وحكمه في الردة سواء.
ومعاذ الله أن ترضى
النساء المسلمات لأنفسهن ولأعراضهن ولأنساب أولادهن لدينهن شيئا من
هذا.
Sidoo
kale haddii aad u fiirsato gabayadii Sayid M. C/lle Xasan RC ee
uu ku kufri xukumayay qolooyinkii raacay ee ka garab
dagaalamayay Ingiriiska iyo Talyaaniga waxaad garan kartaa in uu
ku xukumay aayaadan aan soo sheegnay iyo kuwa lamidka ah.
Waxaana gabayadiisii kamid ahaa:
Nin
aqdaamo Faranjiya, maantiyo abuurin Ama aaladda u sida, ama
awrtaba u rara Ama arigaba u qala, ama laba ugaarsada Ama uba
ilaala ah ama uurka kala jira Ashahaado beeniyo, islaannimo ha
lagu dhaqo ILaahayna nama oran, anna ma ogolaan
karo
Sayidku
RC dad Soomaali gala-raac ahayd buu ku xukumay inay gaaloobeen
wuuna ku jihaaday umana kala soocnayn iyaga soomaalida ah iyo
kuwa ay raaceen, waxayna ukala ahaayeen gaal cad iyo gaal madow.
Sayidka
RC oo isticmaarka ku jihaaday wixii raacay isticmaarka ee daba
dhilif u ahaana intuu moorada islaamka ka saaray buu ku yiri:
Gaalo baad tihiin lana jihaaday, soomaali aad bay u qadirisaa
ilaa maantana wanaagiisa waa la xusaa intaa iyo in ka badana wuu
inaga mudan yahay sayidka RC waliba soomaalidu taalo bay u
dhiseen, waxaase layaab leh raga hadda cadawga wadanka soo galay
ka dhiidhiyay ee halganka kula jira maxay Soomaali u qadarin
la’dahay?. Haddaad ku andacoon lahaydeen nimankan dadka bay
gaalaysiiyaan, haddii uu arinku sidaa yahay sow tuu sayidkuba RC
uu gaalaysiiyay nimanka gaalada la saftay. Waxaan shaki lahayn
Sayidka RC iyo raga hadda halganka kula jiraba iskama aysan
gaalaysiine xujo iyo baraahiin cad-cad bay u haystaan arintaa,
waxaadna ogaataa islaanimadu ma’aha xabag kugu dhegan oo aan kaa
fuqayn ee waa inaad ogaataa in sida ay waysada u jabto oo kale
inay islaamnimadana u jabi karto haddii aad la timaado wax
buriya islaamnimadaada.
Waxaan
shaki lahayn in Soomaalidii hore ay ahaayeen dad aan runta ka
war wareegin soomaalida waqooyi iyagu wayba kasii xag jireen
xaga saraaxada waxaana taa kuu caddaynaya, mar ay diinta ka
baxday haweenay da’ ah oo u dhalatay goboladaa waqooyi xilligii
iticmaarka, ayaa kolkii ay dadku maqleen inay haweynaydaasi
gaalowday halkii ay ka baroordiiqi lahaayeen bay waxay
yiraahdeen: Alla maxay islaamka foolxumo kala dhex baxday!
Haddana isaga oo qofku uu la taagan yahay gaalnimo cad ayaa
maro islaam oo been ah la huwinayaa. Waana arinta uu la yaabay
saxaabigii jaliilka ahaa Xudayfa Ibnul-Yamaan RC kolkuu la
yaabay dad gaalnimo ku dhaqmaya muslimnimana loo wato ayaa
wuxuu yiri:
الْمُنَاْفِقُوْنَ الّذِيْنَ فِيْكُمُ اليَوْمَ شَرٌّ مِنَ
الْمُنَاْفِقِيْنَ الّذِيْنَ كَاْنُواْ عَلَىْ عَهْدِ رَسُوْلِ
اللهِ صَلّىْ اللهُ عَلَيْهِ وَآلِهِ وَسَلَّمَ.
Munaafiqiinta maanata idinla joogta ayaa ka shar kadan
munaafiqiintii joogtay xilligii Rasuulka SCWW.
Kolkaa bay waydiiyeen
sababta? Kolkaa buu ugu jawaabay:
إنَّ
أولاء كَاْنُواْ يُسِرُّوْنَ نِفَاْقَهُمْ ، وَإنَّ هؤلآءِ
يُعْلِنُوْنَ / رواه البخاري.
Kuwaa (
Munaafiqiinta ahaa ee joogay xilligii Rasuulka SCWW ) way qarsan
jireene, kuwanise wayba caddaysteen.
Waqtigii ay saxaabo noolayd buu layaabanaa Xudayfa RC. Hadduuse
maanta ina arki lahaa Xudayfa RC waxa aan ku sugan nahay moorada
yaa ku hari lahaa?.
Sh
Muxammad A. Rooble ( Boqol-Soon ) RC wuxuu yiri: qof aan muslim
ahayn ma islaamin karno.
Alle SW
wuxuu inoo caddeeyay inay munaafiqiintu ay had iyo goor dhaqan u
tahay inay gaalada is xejiyaan oo ay jeclaadaan sokeeyana ka
dhigtaan:
تَرَى
كَثِيرًا مِّنْهُمْ يَتَوَلَّوْنَ الَّذِينَ كَفَرُواْ لَبِئْسَ
مَا قَدَّمَتْ لَهُمْ أَنفُسُهُمْ أَن سَخِطَ اللّهُ عَلَيْهِمْ
وَفِي الْعَذَابِ هُمْ خَالِدُونَ / المائدة / 80
Waxaad
arkaysaa qaar badan oo iyaga ( Munaafiqiinta ) kamid ah inay
gacal ( Iyo xigto ) kayeelanayaan kuwa gaaloobay, Waxaa baas
lahaaday waxa ay naftoodu u hormarisay ee ah carra Alle oo
dushooda ku dhacda ( Maalinta khiyaamana
) cadaabka dhexdiisa ay ku waarayaan.
Kadibna
Alle SW wuxuu inoo caddeeyay in gaalada ay waliga ka dhigteen ay
daliil u tahay inaysan mu’miniin ahayn. Wuxuuna Alle SW uu yiri:
وَلَوْ
كَانُوا يُؤْمِنُونَ بِالله والنَّبِيِّ وَمَا أُنزِلَ إِلَيْهِ
مَا اتَّخَذُوهُمْ أَوْلِيَاء / سورة المائدة/81
Haddii
ay ahaan lahaayeen ( Munaafiqiintu ) kuwo rumeeyay Alle iyo
Nebiga SCWW iyo wixii lagu soo dejiyay ( Ee waxyi ah ) gaalo
gacal kama yeesheen.
Sheikhul-Islaam Ibnu-Taymiyah RC wuxuu kala dhex baxay aayadan:
فدل على
أن الإيمان المذكور ينفي اتخاذهم أولياء ويضاده ، ولا يجتمع
الإيمان واتخاذهم أولياء في القلب---إلخ / كتاب الإيمان / 13
Aayadan
waxay tusinaysaa in iimaanka la sheegay uu anfinayo
( uu Diidayo ) ka yeelashada ay gaalaga gacal
ka yeesheen wuuna ka hor imanayaa ( IImaanka ), kumana kulmaan
iimaan iyo in gacal laga yeesho ( gaalo ) hal qalbi dhexdii
Rasuulkuna SCWW wuxuu yiri:
إنا لا
نستعين بمشرك .
Ma
kaalmaysano Gaal
رواه
أحمد وغيره عن عائشة / صحيح / الصحيحة / 1101
Waliba
Rasuulku SCWW wuxuu u diiday rag doonayay inay ka dhinac
dagaalamaan iyagoo aan muslimiin ahayn ilaa ay ka islaamaan
wuxuuna ku yiri Rasuulku SCWW:
إنّالا
نَستَعينُ بالمُشركينَ عَلَىْ الْمُشْركِيْنَ)
Uma-kaalmaysano gaal gaal kale.
رواه
أحمد والبخاري في التّاريخ/ عن خُبيب بن يساف /
صحيح.
الصحيحة
/ 1101 / وصحيح الجامع / 2292
Kol
haddiiba la diiday in gaal loogu kaalmaysto gaal kale sidee bay
suurtogal ku noqon kartaa in gaalo loo kaalmaysto oo lagula
duulo si loo dhibaateeyo dad Muslimiin ah.
Dad
badan baa waxaa ka dhaadhacsan inaan marnaba diinta loogaga
baxayn si walba oo aad gaalada u daba orodo oo aad ula jaan
qaado. Taasoo ay ula jeedaan mar haddaad xerada islaamka soo
gasho inaadan gaaloobi Karin si walba oo aad gaalnimo ugu
dhacdo. Allana SW wuxuu inoo caddeeyay haddaan gaalada warkooda
yeelno inay ina gaalaysiinayaan:
يَا
أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوَاْ إِن تُطِيعُواْ فَرِيقًا مِّنَ
الَّذِينَ أُوتُواْ الْكِتَابَ يَرُدُّوكُم بَعْدَ إِيمَانِكُمْ
كَافِرِينَ / سورة آل عمران/100
Mu’miniineey haddii aad adeecdaan (Aad yeeshaan oo aad aqbashaan
baadilkooda) koox ka mid ah Yuhuud iyo nasaaro waxay idiin celin
doonaan iimaankiinna dabadii gaalnimo.
Waliba
wuxuu Alle SW uu inoogu bayaaniyay aayad dhexdeed inaysan
marnaba ka suulaynin inay nala dagaalamayaan ilaa ay ina
gaalaysiiyaan hadday awoodaan:
وَلا
يَزَالُونَ يُقَاتِلُونَكُمْ حَتَّى يَرُدُّوكُمْ عَنْ دِينِكُمْ
إِنِ اسْتَطَاعُوا وَمَنْ يَرْتَدِدْ مِنْكُمْ عَنْ دِينِهِ
فَيَمُتْ وَهُوَ كَافِرٌ فَأُوْلَئِكَ حَبِطَتْ أَعْمَالُهُمْ فِي
الدُّنْيَا وَالآخِرَةِ وَأُوْلَئِكَ أَصْحَابُ النَّارِ هُمْ
فِيهَا خَالِدُونَ.
البقرة /
217
Kama
suulayaan inay idinla dagaalamaan ilaa ay dib idinka celiyaan
diintiina hadday karaan, qofka idinka mid ah ee diintiisa ka
laabtana ee ku dhinta gaalnimo kuwaasi way burtay acmaashoodii
adduun iyo aakharaba, kuwaasina waa ehlu naar, dhexdeeda bayna
ku waarayaan.
Rasuulkuna SCWW wuxuu inoogaga waramay in ummadiisa dad badan oo
kamid ah ay gaaloobi doonaan. Siduu xadiis dhexdii ku Yiri:
ولا تقوم الساعة حتى تلحق قبائل من أمتي بالمشركين، وحتى تعبد
قبائل من أمتي الأوثان،
رواه
أحمد وغيره / صحيح / الصحيحة / 1683
Dhicimayso Saacadda ( Qiyaamaha ) ilaa ay haleesho qabaail
ummadayda kamid ah gaalada, walibana ay caabudo qabaail
ummadayda kamid ah sanamyada.
Sidoo
kale Imaamu Tabaraani RC ayaa wuxuu warinayaa in saxaabigii
jaliilka ahaa abuudardaa RC in uu saxaabada Rasuulka SCWW uu ka
maqlay xadiis kadibna wuxuu u yimid Rsuulka SCWW kolkaa buu
Abuu-Dardaa RC wuxuu yiri:
قلت يا
رسول الله زعموا أنك قلت : سيكفر قوم بعد إيمانهم قال : أجل ولست
منهم
رواه
الطبراني في الكبير
Waxaan
iri Rasuul Allow waxay sheegteen ( Saxaabadii RC ) inaad tiri:
Bulsho dhan baa gaaloobi doonta iimaankooda dabadii. Wuxuu
Rasuulku SCWW uu yiri: Haa adiguse kamid ma
tihid
Riwaaya
kale oo xoojinaysa xadiiskaasina waxay leedahay:
ليكفرن
أقوام بعد إيمانهم / رواه ابن عساكر عن أبي الدرداء
Wallee
waxa gaaloobi doona bulshooyin dhan iimaankooda dabadii
Abuu-Dardaa RC wuxuu yiri:
وَالّذِيْ نَفْسِيْ بِيَدِهِ مَاالإيْمَاْنُ إلا كَالْقَمِيْصِ
يَتَقمَّصُهُ مَرَّةً وَيَضَعُهُ مَرَّةً أُخْرَىْ.
رواه أبي
بكر الفريابي في كتابه صفة النفاق وذم المنافقين / 40
Allihii
Naftayda Gacantiisa Kujirtaan Ku Dhaartaye iimaanku Ma’aha oo
aan ka ahayn sida Qamiiska oo Kale, uu marna xirto marna uu iska
siibo.
رواه أبي
بكر الفريابي في كتابه صفة النفاق وذم المنافقين / 40
Iskaba
daa in gaalo lasoo geliyo wadamada muslimiinta si ay u qabsadaan
ee waxayba culimadu ka digeen in loo ogolaado wadamada islaamka
gaar ahaan Jaziiratul-Carab kuwa gaalada ah ee ku andacooda hawl
iyo wax soo-saar baynu u joognaa IWM. Maxaa yeelay Rasuulku SCWW
wuxuu yiri:
اليهود
والنصارى من جزيرة العرب حتى لا أدع إلا مسلما
لأخرجن
رواه
مسلم عن عمربن الخطاب
Wallee
waan ka saari yahuud iyo nasaaraba jaziradda Carabta ilaa aan ka
tagin muslim mooyaane.
1347
Hijriyadii oo ah muddo hadda laga joogo 82 sano maadaama aan
hadda ku jirno 1429 Hijriga ayaa culilmadii xilligaa joogtay
waxay ka war heleen in boqor C/Caziiz Al-Sucuud oo ahaa boqorkii
Sucuudiga ee xilligaa uu damacsan yahay in uu la galo heshiis
sharikado ay gaalo leedahay oo soo saarta shidaalka kadibna
waxay u direen bayaan ay ku xaqiisanayaan arintaa iyo fatwo ay
ku caddaynayaan inay xaaraam tahay in Jaziiratul-Carab meel
kamid ah aan manaba loo ogolayn qof gaal ah inuu soo galo.
Haddii Alle idmana fatwadii oo sideeda u qoran isla markaana
af-Soomaali ku tarjuman iyo masdarka aan kasoo qaatayba kitaabka
gudihiisa ayaad ugu tagi doontaa iyo fatwooyinka culimada kale
ee isugu jira culimadii hore ee safka, kuwo dhexe iyo kuwa
xilligeenna ahba.
Sidoo
kale Sh C/Caziiz Ibnu-Baaz RC iskaba daa gaalada iska leh
sharikadaha booba hantida muslimiinta ee wuxuuba ka digay
shaqaalaha aan muslimiinta ahayn ee ka shaqeeya guryaha,
iskuulada IWM. Fatwadaa oo qoran iyo masdarkeeduba kitaabka
ayaad ugu tagi doontaa haddii Alle idmo.
Sidoo
kale Sh. Naasiru-Ddiin Al- Albaani RC markuu sharxayay xadiiskii
Rasuulka SCWW ee lafdigiisu ahaa:
سَتَكُوْنُ مَعَاْدِنُ يَحْضُرُهَاْ شِرَاْرُ النَّاسِ رواه أحمد/
صحيح / الصحيحة / 1885
Waxaa
jiri doonta macaadin (sida dahabka, shidaalka IWM ) ay soo saari
doonaan dadka kuwa ugu sharka badan).
Ayaa
Sheekh Naasir RC wuxuu ku yiri silsalatu-saxiixa:
وَمِمَّاْ لا شَكَّ فِيْهِ أَنَّ شِرَاْرَ النَّّاْسِ إِنَّمَاْ
هُمْ الْكُفَّْاْرُ، فَهُوَ يُشِيْرُ إِلَى مَاابْتُلِيَ بِهِ
الْمُسْلِمُوْنَ الْيَوْمَ مِنْ جَلْبِهِمْ لِلأوربِيِّْينَ
والأمْريْكَاْنَ إلا بِلادِهِمُ الْعَرَبِيَّةِ، لإسْتِخْرَاْجِ
مَعَاْدِنَهَاْ وَخَيْرَاِتَهَاْ. وَالله ُالْمثسْتَعَاْنُ.
Waxaan shaki lahayn
inay kuwaasu yihiin gaalada, Rasuulkuna SCWW
wuxuu
tilmaamayaa waxa lagu ibtileeyay muslimiinta maanta joogta
taasoo ah inay keenaan Yurubta iyo Ameerikuba buldaantooda
Carbeed, si ay ula soo baxaan macaadintooda iyo khayraadkooda
Allaah baana ah mid lamagan galo.
Waxaa
sidoo kale isagana ka dhiidhiyay sheekheena Shariif C/di-Nuur
Xafidahullaahu wacaafaah, markii ciidamadii gaalada ahaa ee
UNISOM ay imanayeen Soomaaliya 1992kii iyagoo kusoo gabbanayay
dadka abaaraha ay aafeeyeen baan quudinaynaa ayuu sh. Shariif
C/di-Nuur XFL wuxuu dadku ku booriyay in aan lasoo dhawayn
gaaladaa mucaawanada kusoo gabbanaysa, wuxuuna qabtay muxaadaro
uu ku magacaabay:
لا
مَرْحَبًا بِهِمْ إِنَّهُمْ صَالُوا النَّارِ / سورة ص / 59
Soo
dhawayn maleh ehlu-naarka
Waana
tii uu ka shirbay Abshir bacadle Allaha Dhowree markuu arkay
cunto mucaawano lagu sheegay oo hub iyo ciidanna ay garab
socdaan. Kolkaa buu wuxuu yiri:
Ganley
Gaduuda Waan Gartee
Garnayl
Miyow Goosaar Noqdaa
Sidaa
bayna culimada iyo wax garadkuba weligood ahaayeen oo wixii
khatar ah ee kusoo fool leh umadda intaynan dhibaatadaa ku
dhicin bay uga digi jireen. Maxaa yeelay iyaga ayaa ugu fiira
dheer in la garto khatar walba oo ummada loo maleego. Waana sida
uu yiri Al-Imaam Xasan Albasri RC:
إذا
اقبلت الفتنة عرفها كل عالم , وإذا أدبرت عرفها كل جاهل
Goorta
ay soo qaabisho fitnadu waxa garta caalim kasta, marka ay
fitnadu ( dhacdo ) oo ay dhabar jeedisana waxaa garta qof kasta
oo jaahil ah
Kolka
warkoodii la yeeli waayayna waxa hadda socda ee dulli iyo dan
dara ah baa umadda ku habsaday.
Markii
ay gaaladu kusoo duushay muslimiinta iyaga oo kaashanaya kuwo
muslim ku sheeg ahna culimadu waxay qaateen mawaaqif cad-cad oo
ka tarjumaysa dhiiranaantooda xaqqa iyaga oo dhaqan gelinaya
adillada kusoo aroortay ee aan kor kusoo xusnay iyo kuwo kale oo
fara badanba ee mamnuucaysa gaala daba orodka iyo kusoo
hogaaminta wadamada muslimiinta, umaddana u caddeeyay in gaala u
hiilintu ay tahay diin kabax.
Su’aal
Culimadii xilkoodii waa ay guteen Imaamyada iyo ducaadda
masaajidda haysataa maxaa helay. Masaajidadii iyo kutubtiiba way
inoo dhan yihiine maxaa looga hadli la’yahay arintan iska cad ee
qof walbaaba uu fahmi karo qatarteeda?.
Wadaadadu waqtiga ay u hayaan inay kaga waramaan suufiya iyo
wixii lamid ah, kuwa soo geliya wadamada islaamka gaaladana laga
warwareego maxaa daliil ah oo aad u haysaan?
Shaki
maleh inaad ku sifowdeen ninkii la oran jiray Abul-Calaa
Al-Macari. Wuxuu noolaa xilligii cabaasiyiinta ayaa wuxuu
aaminsana waxyaabo hadda waxa loo yaqaano faylisoofnimada.
Waxyaabihii uu aaminsanaana waxaa kamid ahaa, in aan xoolaha la
qalin maxaa yeelay adiguba ma ogolid in lagu qasho, waxaa kaloo
kamid ahaa in digaaga aan ukunta laga cunin maxaa yeelay waxay u
dhashay ukuntaa inay ilmo ka hesho. Sidoo kale in loo daayo
xoolaha caanahooda, maxaa yeelay waxay ugu tala gashay in
dhasheedu u cabto, wuxuu kaloo oran jiray, haddii aakharo la
tago ilaahay waxba I waydiin maayo maxaa yeelay anigu ma guursan
sidaa darteed waxa caalamka ka dhacaya ee dagaalo iyo dhiig
daatayba waxa la waydiin doonaa inta guursatay ee wax dhashay.
Kadib wuu xanuunsaday waxaana lagu yiri: waa inaad digaag cuntaa
haddii kale waad dhimanaysaa, waxa sidaa ku lehna waa dhaqtarkii
dawaynayay. Kolkaa buu diiday. Kadib baa lagu celceliyay inuu
cuno digaagaddaa, kadib wuu ogolaaday oo wuxuu yiri ii keena,
markii loo keenay buu wuxuu billaabay in uu lahadalo digaagaddii
oo shiilan oo hortiisa taala. Wuxuuna ku yiri digaagaddii:
استضعفوك
فوصفوك ، هلا وصفوا شبلي الأسد
Way ku
yaraysteenoo kolaa bay ku ishaareen, hadday run sheegayaan may
ishaaraan ilma libaax
Maxaa
yeelay way ogyihiin ilma-libaax inaan lasoo qaban Karin si walba
uu daawo u noqdo.
Wadaadada waxaa u sahlan inay maanta oo dhan suufi la cayrsado
kuwa ka daran ee gaalada wadanka soo geliyayna laga warwareego.
Su’aashaasi jawaabteeda idinka ayaan idiin daayay maxaa yeelay
anigu waan ku wareeray.
Waxaan
walalaha war gelinayaa inay fasax idiin tahay oo aad ka
koobi-garaysan kartaan walaalaha kalena aad gaarsiin kartaan
idinka oo xifdinaya maadaama uu ku qoran yahay kalaamkii Alle SW
iyo Axaadiistii Nabiga SCWW iyo fataawada culimada ay kasoo
qaateen kitaabka iyo sunnaha.
وبالله التّوفيق
وصلّى
الله وسلّم على نبيّنا محمّد وآله أجمعين.