
Sh.C/Khaaliq Jaamac Ismaaciil Email: darwiish101@gmail.com
Sidee Loo Xaliyaa Mashaakilaadka? (Q-1aad)
Waxaa hubaala in qof kasta oo ku nool dunida guudkeeda ay soo food saarayso
dhibaatooyin ama caqabaad ka hor istaaga inuu gaadho hadafkiisa ama
ujeedadiisa, aalaabana waxay mashaakilaadku ka hor yimaadaan dadka leh ahdaafta
kuna mashquulsan sidii ay u xaqiijin lahaayeen ugana midha dhalin
lahaayeen himilooyinkooda. Waxaan odhan karnaa qof aan hadaf lahayn waxaa
Mushkilo iyo dhib ugu filan inuu nool yahay hadaf la,aan .
Lama soo koobi karo mashaakilaadka qofka binu aadanka soo foodsaaraya nooca ay
yihiin iyo siday u dhacayaan, waxa isaga mushkilada ku ah ama uu u arko inay
mushkilad ku yihiin. waxaaba dhacda in dad badan waxaan mushkilad ahayn ula
muuqato inay tahay dhib weyn oo aan laga talaabi Karin.
Inta badan Dhibaatooyinku waxay qofka kaga imaan karaan dadka uu la
dhaqmayo, deegaanka uu ku noolyahay, shaqada uu hayo, ujeedooyinka uu
doonayo inuu gaadho amaba waxay noqon karaan dhibaatooyin la xidhiidha shaqsi
ahaantiisa sida caafimaad daro ,dhaqaalo xumo, amni daro iwm.
Hadaan tusaale ahaan u soo qaadano Deegaanka waa arin qof kasta oo soomaali ahi
fahmi karo dhibta haysta dhulkeenii iyo ummaddeeni waxaan odhan karnaa waa dhib
saamaysay qof kasta oo soomaaliya , sababtay dhibaatooyin baaxad leh oo
dhakafaar & jahawareer ku noqotay caalamkan aan ku noolnahay .
Miyaanay ahayn mushkilad taagan oo u baahan in laga gaadho xal waara?
Hadiise ay sii socoto dhibtani saameyn intee le,eg ayay ku yeelan kartaa
Mustaqbalkeena & Jiritaankeenaba.
Mashaakilaadku waxay noqon karaan kuwo adiga kugu gaara waxayna noqon
karaan kuwo aad la wadaagto bulsha weynta aad la nooshahay, waxay noqon
karaan kuwo culus oo u baahan ka baaraandag fara badan, waxayna noqon karaan
kuwo sahlan oo si fudud looga talaabi karo hadii la fahmo sida loo
furdaamiyo dhibaatooyinka.
Akhristow waxaa suura gala in qofku xaliyo dhibaatooyinka soo food saaray
isagoo raacaya Tusmooyin aan dib ka sheegi doono.
Aalaaba dadka raaca Tusmooyinka aan xusi doono insha allaah, waxay ku
guulaystaan inay xaliyaan kana talaabaan arimahan soo wajahay ee u baahan
in la furdaamiyo iyagoon dhibtoodii dhib kale ku badelin ama aan
ismoodsiin inay wax xaliyeen iyagoon xalba gaadhin .
Akhristow waxaa suurawda in qofku khibrad iyo waayo aragnimo ka helo
dhibaatooyin uu kala kulmay sooyaalka nolasha. waxaad in badan maqashaa iyadoo
la leeyahay arinta Ruug caddaa & Odayaal ha loo geeyo maxay tahay sababtu?
Sababtu waa iyagoo la soo kulmay dhibaatooyinkan kuwo la mida kana soo
dhaxlay khibrad iyo waayo aragnimo sidaa darteed ayaa dadka ku dhaqan wadanka
shiinaha waxay mushkilada u yaqaanaan Fursad sababtoo ah waxay aaminsan
yihiin inay tahay jaanis lagu kasbado khibrad iyo waayo aragnimo. Ujeedada aan
ka leenahay qoraalkan waa inaan iftiimino wadada loo maro in la
xaliyo mashaakilaadka, soona bandhigno qaabab inugu caawin kara in aan si sahlan
uga gudubno dhibaatooyinka.
Waa Maxay Mushkiladi?
Mushkiladu waa duruufaha adag ee ku soo wajahaya kuuna diidaya inaad ka
guurto duruuf aad la nooshahay una wareegto marxalad kale. ama waa caqabaatka
kaa hor istaaga inaad xaqiijiso Himilooyinkaaga, Caqabaatkaas oo saamayn
ku yeelanaya jiritaankaaga, qorshahaaga iyo fikirkaagaba .
Dhib Kastaa Ma Sharbaa?
Mushkilad kastaa maaha shar badhax la, ee waxaa jira dhibaatooyin badan oo laga
yaabo inay mustaqbalkaaga anfacaan kana hesho faaiidooyin aad u aydo .
Tusaale ahaan qofka ardayga ah waxaa laga yaabaa inay soo gaadho dhib fara
badan inta uu ku jiro halganka waxbarashada iyo duulaanka qorshaysan ee ku
qaaday jahliga. Waxaaba se suurawda in waxbarashadaasi fure u noqoto
mustaqbalkiisa oo dhan, ilowsiisana wixii dhib ahaa ee uu la soo kulmay xiligii
ardaynimada .
Boqor ka mida boqoradii shiinahaa ayaa laga hayaa inuu yidhi :
Dhibtu Waa Furaha Fakarka
Fakarkuna Waa Furaha Aqoonta
Aqoontuna waa Furaha Farxada & Guusha
Qaybaha Mushkiladaha:
Mushkiladuhu waxay u qaybsami karaan dhawr qaybood oo kala ah:
kuwo soo jireena oo mudo soo jiitamayay iyo kuwa uguba (cusub) oo adiga iyo
bulshadaba ku cusub, waxay noqon karaan kuwo ku dhashay si kadis ah oo lama
filaana iyo kuwo la filayay inay dhacaan, waxay noqon karaan kuwo sababahooda
la fahmi karo iyo kuwa ay adag tahay in la garto sababaha keenay,waxay noqon
karaan kuwo soo noqnoqda iyo kuwo mar uun dhaca.
Fahanka aan fahano nooca mushkiladu tahay waxay inaga caawin doontaa marka
aan doonayno inaan guda galno sidii aan u xalin lahayn dhibaatooyika aan rabno
inaan furdaamino.
Tusaale ahaan wuxuu farqi wayn u dhaxeeyaa Mashaakilka ugubka ah iyo kuwa soo
jireenka ah, waxaa suurawda kuwo soo jireenka ah in la isku dayay marar hore
xalkooda taasi waxay inoo fududaynaysaa inaan halkaa ka bilowno tixraac maadaama
aan fahanay in mushkiladani tahay soo jireen oo aan iswaydiino Su'aalahan soo
socda
Muxuu ahaa xalkii la isku dayay si loo xaliyo mushkiladan? Imisa jeer baa la
isku dayay in la xaliyo ? Maxay ahaayeen wadooyinkii loo maray xalinteedu? Maxaa
ka hir galay isku daygaa? Maxaa sababay inaan laga gaadhin xal? Imisa xal baa
lagu dayay? Yay ahayd cida doonaysay inay xaliso? Maxay u adeegsadeen xalinta
mushkiladan? Dhaqaale iyo wakhti intee le,eg baa ku baxay isku daygaa? Maxay
yihiin sababaha saacidaya inay sii jirto mushkiladani? Yaa xalka qayb ka
ah yaase mushkilada qayb ka ah?
Su'aalahan iyo kuwo la mida waxay ka dhalanayaan marka aan ogaano in
mushkiladani tahay mid mudo soo jiitamaysay. Waxaa ka gadisan su'aalaha aan is
waydiinayno hadaan ogaano in mushkiladani tahay mid uguba oo cusub.
SIDEE LOO WAJAHAA HADAY MUSHKILO KULA KULANTO
Walaalkayga qaaliga ahow hadii Mushkilo kula soo daristo waxaad u baahan
tahay inaad qaado taalaabooyinkan soo socda si aad xal ugu hesho dhibtan iyada
ah.
Fahan Mushkilada:
In badan waxaa dhacda in aanu qofku fahmin mushkilada iyo meesha ay ka jirto
taasi waxay keentaa in marar badan xalka laga raadiyo meel aanu jirin amaba la
abuuro dhib kale iyadoo baadi doon loogu jiro sidii wax loo furdaamin lahaa
sidaa daradeed waxaad u baahan tahay inaad fahanto dhibtu meeshay ku jirto iyo
meeshay kaa jirto .
Dhiraandhirinta Mushkilada:
In badan dhibtu waxay leedahay muuqaalo badan oo ka sokeeya gunteeda &
salkeeda ayna adkaato marar badan in la xadido mushkiladii.sidaa dardeed waa
inaan dhiraandhirinaa mushkilada si aan u gaadhno gunteeda. Tusaale ahaan
maanta wadankeenii waxaa haysta dhib lixaad leh, Maxaa sal u ah dhibkan.
- Ma jahlibaa
- Maa qabyaalad baa
- Ma Faqribaa
- Ma dhul yaraan baa
- Ma gacan shisheeyaa
- Ma Tayo daraa
- Ma hogaan xumaa
- Ma ismaandhaaf baa
Dhiraandhirintan iyo isbarbardhiga aan ku samaynayno aasaaska mushkilada
waxay inoo sahlaysaa inaan garano salkeeda, markaana abaarno gunteeda, xoogana
isugu geyno sidii aan jiridaha ugu siibi lahayn.
Faraaryaha Mushkilada (Faraaqyo):
Ogow walaalkayow in mushkiladu yeelato faraaryo, loolanka lala galo
faraaryaheedana kama dhalato in laga gaadho xal iyo daawo lagu xasilo, sidaa
daraadeed waa inaad kala garan kartaa gunta mushkilada iyo faraaryahan ay
yeelatay. Tusaale ahaan marka qof uu ku dhaco xanuunka malaariyada waxaa la
soo darsa madax xanuun, matag, xumad , af qadhaadh iwm
Hadaba hadii qofkaa aad siiso malab ama sonkor si aad uga daawayso af
qadhaadhka ma aadan garan guntii mushkilada ee waxaad tahay qof qarda jeexa
lana tacaalaya faraaryihii mushkilada iyo muuqaal ka mida muuqaaladeedii.
Sidaa daraadeed waa inaad kala garan karto dhibta kuu muuqata iyo meesha ay
salka ku hayso.
Taariikhda Mushkilada:
Taariikhdu waa arimaha ugu muhiimsan ee lagaaga baahan yahay inaad
daraaseyso, kana qiyaas qaadato marka aad rabto inaad qadiyad xal ka
gaadho.Tusaale ahaan waxay dhibi dhex martay nin iyo haweenkiisii waxaana kala
gaadhay halgaad iyo hadal xun . adna waxaad isu diyaarisay inaad soo afjarto
khilaafkan ku habsaday qoyskan muslimka ah .
Hadaba si aad wax badan uga fahanto dhacdadan waa inaad Raadraac ku soo
samayso heerarkii uu khilaafkoodu soo maray iyo mudada uu soo
qaatay.Xogaysigaas & baadi doonkaa taariikheed wuxuu kuu sahlayaa inaad
hesho macluumaad qaali ah oo kaa caawiya xal u helista dhibtan .
Akhrinta aad akhriday taariikhda ay isla soo mareen labadan lamaane waxay
kuu bidhaaminaysaa in ku dhaw 40% go,aanka aad qaadan doonto si aad u dhamayso
arintan, sidoo kale waxaad heli doontaa meesha ay dhibtu ka taagan tahay, waxa
khaldamay iyo sidey u khaldameen.
Baaxadda Mushkilada:
Waxaa la arkaa inaan dhibaatooyinku isku baaxad ahayn ama cidda ay khusaysaa
kala badan tahay. Waxaan sinayn dhibta taabata hal qof iyo ta taabanaysa ummad
fara badan, sidoo kale waxaa kala gadisan dhibta saameyn karta jiritaankaaga iyo
ta aad maalmo ku dhibaatoonayso. Hadba inta ay le,eg tahay baaxada mushkiladu
ayaa lagu jaan goynayaa xalka lagu dayayo , sidoo kale haday mushkilada
baaxadeedu balaadhato waxaa la siyaadaya wakhtiga la galinayo iyo wasaaisha loo
isticmaalayo furdaaminteeda.
Hadaba haday dhacdo inaan mushkilada sawir fiican laga qaadan waxaa hubaala
in xalka lagu dayayaana aanu munaasib noqonahayn. Sidaa daraadeed waa in la
qiimeeyaa mushkilad lana fahmaa baaxadeeda. Sababaha Mushkilada Dhaliyay:
Inta badan Mushkiladuhu waxay leeyihiin asbaab dhilisay oo keentay mushkiladan
iyada ah .hadaba marka la rabo in mushkilad la furdaamiyo waa in si fiican loo
fahmaa sababkii keenay.Garashada aan garanay sababka waxay si fiican inoo caawin
doontaa marka aan rabno inaan xalka guda galno. Hadaba haday dhacdo inaan si
dhaba loo garan sababka waxaa aad u adkaanaysay in lagu guulaysto xalka
munaasibka ah.
Go,doominta Mushkilada: Marka mushkiladi dhacdo waxaa loo baahan yahay in la
xakameeyo lana go,doomiyo si aanay u fidin uguna talaabin meelo kale taasi waa
ta keentay in qofka marka uu ku dhaco xanuunada qaar ka mida sida TBda in
la karintiimeeyo lagana fogeeyo bulshada inteeda kale iyadoo looga dan leeyahay
inaan xanuunkani baahin, gaadhina dad caafimaad qaba. Taa micnaheedu waa in la
hakiyo mushkilada. laguna cidhiidhyo dhabada & dariiqa loona diido inay fido.
Qayb-Qaybinta Mushkilada : Waxaa dhacda marar badan in mashaakilku is dul
fuulaan una eekaadan inay yihiin mushkilad qudha laakiinse marka aad si dhaba u
eegto waxaa suurowda inay yihiin mashaakil isu tagay oo u baahan in la kala
qaado oo la jajabiyo marbana mid la xaliyo loona kala hormariyo sida xalkoodu u
kala dhaw yahay ama u kula muhiimsan yihiin, amaba waxay noqon kartaa hal
mushkilo oo u fiday dhinacyo badan, una baahan in qayb kasta sideeda loo xaliyo.
Buunbuuninta Mushkilada: waxaa dhaca wakhtiyo badan in la buunbuuniyo
mushkilada lagana saraysiiye heerkeeda taasi oo keenta in wax sahlana oo si
fudud looga talaabi karo laga dhigo qar & buur aan la dhaafi Karin . sidaa
daradeed waa inaan la buunbuunin mushkilada lana dhaafin xadkeeda &
heerkeeda. Ictiraafka Mushkilada: Insaanka marar badan waxaa dhacda inay
adkaato inuu ictiraafo in mushkiladi jirto kuna doodo inaanay waxba
khaldanayn wax walibana sidii loogu tala galay ay u socdaan.Taas macnaheedu waa
inay mushkiladahii is dul fulaan dabadeedna midba mid kale looga talaabo ay
gaadhaan xili aan waxba laga qaban Karin. Sidaa dareed waa in la ictiraafo lana
dareemo markay mushkiladi jirto. Sababtoo ah in ibnu aadanku wax khaldo waa arin
dabiici ah laakiinse waxay ceebtu tahay marka lagu sii socdo mushkilada.
Abaarista Mushkilada: Fulaynimada way qaybo badan tahay dadka qaarna waxay ku
keentaa inay karti u waayaan inay wajahaan mushkilada ama ay abaaraan arimahan
culayska badan ee hortooda ka muuqda. hadaba hadii ay dhacdo in laga warwareego
mushkilada waxay keentaa inay gaadho heer aan waxba laga qaban Karin amaba uu
xalkeedu libdho oo uu fogaado. sidaa daraadeed waa in mushkilada la wajahaa
loona abaaraa si ay geesinimo ku dheehan tahay.
Ka Hortaga Mushkilada: Hadii ay muuqato in mushkiladu soo socoto waxaa fiican in
lagu dadaalo wakhtina lagu bixiyo sidii loo baajin lahaa loogana hortagi lahaa
sababtoo ah ka hortaga ayaa ka fiican in lagu daalo sidii mushkilada loo xalin
lahaa. Waxaad ka qiyaas qaadataa hadii uu abuurmo jawi dagaal ma waxaa fiican
inaan isku dayno inaan dagaalkaa baajino mise waxaa haboon inaan sugno inta wax
ka dhacayaan ka dibna xalka isku dayno.
Arimo Lagama Maarmaana Inta Aaynaan Xalka Guda Galin:
Waxaa jira arimo lagama maarmaana oo loo baahan yahay inaad Maanka ku hayso
ama aan odhan karno waa lagama maarmaan inaad xasuusnaato Inta aadan
guda galin talaabooyinka lagaaga baahan yahay inaad qaado marka aad rabto inaad
dhib furdaamiso si aad xal u gaadho.
- Ha qaadin wax ficila markiiba hadii aanay arintu ahayn arimaha
waaweyn ee u baahan in go,aan degdega laga qaato sida xaaladaha
dagaalka.
- Waxaad ogaataa xalka oo lagu degdegaa wuxuu sababaa inuu lumo wakhti badan iyo juhdi badan iyo inuu abuuro mushkilad cusub oo hor leh .
- Wakhtigu wuxuu qayb weyn ka yahay xalka, hadaba hadaan xalka la siin
wakhti ku filan waxaa suurawda inaadan gaadhin natiija ku farax galisa.
- Ogow xalka oo la isku dayo inay ka horayso daraaso, daraasadu waa bar
bilowga xalka.
- Waa inaad kala garato fahantana farqiga u dhaxeeya waxa suuro galka ah iyo
waxa haboon ee ay tahay inaad samayso. Taas macnaheedu waxaa weeye markasta
inaad talaabsato inta aad socon karto ee suura galka ah, isna waydiisu inta
awoodaadu gaadhsiisan tahay. Hadaan si kale u nidhaahno waa inaadan
go,aankaaga ku dhisin waxa aad jeceshay laakiin waa inaad ku dhistaa waxa
hortaada yaala ee suuro galka ah.
- Waa inaad isku kalsoon tahay aaminsan tahayna inaad xalka gaadhi karto
kana gudbi karto dhibkan isaga ah.
7. Si aad xalka u gaadho xasuusnow inaad u baahan
tahay
- Qof Munaasib
- Meel Munaasiba
- Wakhti Munaasiba
- Waa in go,aanku adiga kaa go,aa. arimahan aad doonayso inaad xalisana waa
inaadan go,aankeeda cid kale u daba fadhiyin.
- Waa inaad la timaado dhabar adayg, Sabir & dul qaad kuu sahla inaad ku
sii socon karto wadada xalka loo marayo.
- Waa inaadan mushkilada xal ugu dhigin inaad dhib ka sii weyn abuurto.
- Waa inaad ilaahay u talo saarataa arimahan aad rabto inaad xalka ka gaadho.
Sh.C/Khaaliq Jaamac Ismaaciil
Email: darwiish101@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 28, 2009
|