Google oo Badashay Khariidada Xuduudaha Soomaaliya iyo Ethiopia
- Google Earth/Maps oo garwaaqsatay xuduud beenaadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo
Itoobiya, saxdayna khariidaadooda...
Google Earth /maps, oo qeyb ka ah shirkadda Google ayaa waxay July 20, 2010
boggeeda warbaahinta ku soo bandhigtay in qayb kamid ah khariidada xuduudda
Soomaliya iyo Ethiopia ay dib u habyen ku sameyeen, kana bedeleen calaamaddii
hore ee ahayd, kuna muujisay xarriiq ka tarjumaysa in xuduudaasi aysanahayn
"Caalami", balse ay tahay mid ay ku muransan yihiin labada dal.
Waxay warbixintu sheegtay in dibu habaynta uu sameeyey khariidadda Google
Maps ay diyaar tahay (http://maps.google.com/),
dhowaana is-bedelkaasi diyaar ku noqon doono Google Earth (http://earth.google.com/).
Dib u habayntan aya qayb ka ah xuduudada ilaa 60 dal ama gobol oo
khariidadahooda ay Google dib u hayabsay. Waxaana taas lagu macneeyey in
hormariyaan howshooda si ay ula jaan qaadaan is baddalada siyasadeed ee dunida
ka socda.
Warbixinta Google oo sharaxaad ka bixinaysa isbedelkaas ay ku samaysan xuduudda
lagu muransan yahay ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya waxay qortay sidan:
- This portion of the border between Ethiopia and Somalia changed from
solid (yellow in Google Earth) - meaning "international" - to dashed (red in
Google Earth) - meaning "disputed" - to reflect the ground-based reality that
the two countries maintain an ongoing dispute in the Ogaden region.
Taas oo marka la tarjumo macnaheedu yahay:
- Qaybtan ka mid ah xuduudda u dhaxaysa Ethiopia iyo Soomaaliya waxaa laga
bedeley xarriiqdii isku xiriirsanayd (iyo Google Earth ahaa xariiqdaasi
lahayd midabka huruudda) - oo macnaheedu ahaa "caalami" - waxaana loo
bedeley xarriiq kala goo-go'an (iyo Google Earth oo xarriiqdaas laga dhigayo
midabka casaanka) - taas oo macnaheedu yahay "in lagu muransan yahay" - si
ay ug atarjumto xaqiiqada
hakaas ka jirta oo ah in labada dal uu ka dhexeeyo muran socda ee gobolka
Ogaden.
Markaas ayaa Google waxa uu soo bandhigay sawirkii uu markii hore
khariidadiisa ku jirey oo uu bedeley iyo sawirka cusub oo uu ku bedelayo
Sawirkii hore:

Sawirka cusub:

Hadda marka la baaro khariidaada Soomaaliya waxaa ee laga baaro
http://maps.google.com/ waxa soo baxaaya
qayb kamid ah xuduud beenaadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya oo ah xariiq
aan xiriirsanayn, sida ka muuqata sawirka hoose:
Google Earth kama hadlin xuduud beenaadka u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya.
Sidoo kale ma uusan dhamaystirin xariiqda muujinaysa gebi ahaanba xuduud
beenaadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, balse waxa uu muujiyey qayb. Taas
oo ah bilow wanaagsan oo uu Google hore u qaaday, dhabar jabna ku ah damacii
Itoobiya ku doonaysay in ay adduunka kaga dhaadhiciso in ay xariiqdaasi tahay
mid caalami ah, balse hadda Google Earth / Maps garwaaqsaday in ay tahay xad
lagu muransan yahay.

Gumaystayaashii reer yurub xilligii la kala boobayey qaaradda
Afrika ayaa boqor Menelik waxa uu warqad u qoray Gumaystayaashii uu ku calool
sasabanayo. 1894 ayaa heshiiska loo yaqaab saddex-geesoole "Tripartite
Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo
Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa
lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey
Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu
qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya (Soomaali galbeed).
Muddo
kaddib, Talyaaniga ayaa duulaan ku qaaday Itoobiya, waxaana duulaankaasi
sababay in May 2, 1936 uu boqorkii Itoobiya ee Haile Selassie uu ka cararay
dalka Itoobiya. Saddex maalmood kabacdi ayaa May 5, 1936 waxaa Addis Ababa
qabsaday ciidankii Talyaaniga. May 7, 1936 ayaa talyaanigu waxa uu Itoobiya si
rasmi ah ugu darsaday dalkiisa, laba maalmood kabacdi ayaa May 9, 1936 boqor
Victor Emmanuel III oo Talyaani ah waxa uu ku dhawaaqay in uu isagu boqor u
yahay Itoobiya. Talyaanigu Gumeysi ku haystay Itoobiya muddo Shan sano
(1936-1941).
Markii talyaanigu qabsaday Itoobiya waxaa dhulkii Soomaali Galbeed uu ku darsay
maxmiyadiisii uu gumaysanayey ee ka bilaabanaysay xeebaha Soomaaliya ilaa
Eretiriya oo uu dhulkaas u bixiyey Italian East Africa. Ingriisku waxa uu aad
isugu taxallujiyey indhulkii Soomaali Galbeed ee talyaanugu qabsaday uu ku soo
celiyo maxmiyadii Ingriiska ee geeska Afrika ee British Somaliland. Muddo kaddib
Ethiopia waxay markale codsi calool sasabasho ah gaarsiisey shirkii xulafadii
markaas adduunka ugu itaalka roonayd ee loo aqoon jirey Allied Power oo shir uga
socdey London 1945. Waxaa markaas Ingriiskii uu dhulii Soomaali Galbeed
badankeedii ku wareejiyey Itoobiya sannadkii 1948 ilaa 1954. Ilaa hadda
dhulkaasi waxa uu ku hoos jiraa gumaysigii.
Xuduuddaasi sidaas ayey ku noqotay mid aan adduunku u
ictiraafsanayn caalami. Google Maps/Earth ayaa hore xuduudaad ku calaamadiyey
xariiq isku xiriirsan oo u dhiganta xariiqada xuduudaha la aqoonsan yahay, taas
weeye midda uu Google hadda bedeley kana dhigay xariiq ka duwan oo ah xuduud la
isku haysto ama lagu muransan yahay. Qoraalka Google uu warbixinta ku soo
bandhigay waxa uu link u sameeyey bogga Wikipea oo ay ku sawiran tahay
khariidaad muujinaysa dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumaysato.
Soomaalidu waxay dhulkaas Soomaali galbeed, dadna qaar u yaqaan Ogaden u
aqoonsan yihiin dhul ka maqan qowmiyadda Soomaaliyeed, ahna dhul iyo dad ku hoos
jira gumaysi oo aan xor u ahayn in ay aayahooda ka tashadaan. Xuduudaasna uma
aqoonsana xuduud lagu muransan yahay ee waxay u aqoonsan yihiin dhul ay ku soo
xad gudubtey gumaysiga Itoobiya iyo xuduud beenaad.
Eeg Qoraalka Google:
Improving the quality of borders in Google Earth and Maps
FG. Sawirada waxaan ka qaadnay Google Maps / Earth iyo Wikipidea.
- Mahad celin: Maxamed Xaaji oo linkiga khariidadda soo gaarsiiyey
SomaliTalk.com.
Faafin: SomaliTalk.com | July 23, 2010
|