SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

Minneapolis: Warbixin Mutamarkii 10aad ee Woqooyiga Ameerika

  • Warbixintii: SomaliTalk.com

Waxaa magaalada Minneapolis lagu soo gabagabeeyey Mutamarkii 10-aad ee Woqooyiga Ameerika oo socdey saddex maalmood (June 18-20, 2010). Mutamarkaas oo sanad kasta xilliga xagaaga lagu qabto Minnesota. Mutamarka sannadkan waxaa si wada jir ah u soo diyaariyey Xarunta Abuubakar As-Saddiiq Islamic Center ee Minneapolis iyo Goloha Iimaamyada Soomaaliyeed ee Waqooyiga Ameerika. Ilaahay Mahadi ha kagaadho Mu'tamarka ayaa si habsami ah kusoo gabagaboobay. 

Mu'tamarka waxaa kabaxay 60 muxaadaro oo isagu jira Somali, Ingiiris iyo Carabi. Waxaa kaloo Mu'tamarka oo aad u waynaa lagu soo bandhigay 24 barnaamij oo bulshada baahideeda kala duwan loogu talagalay. Waxaana kasoo qayb galay culimo ka kala timid Maraykanka, Yurub iyo Carabta iyo Afrika oo Sh. Shibille Camerada la iska arko lagu soo xiray. Mu'tamarka ayaa ka kala baxayey 4 qaybood oo is garab socda ayaa sanadkan xooga saarayey Fahamka Diinta guud ahaan, gaar ahaana dhinaca Fiqiga.


Waa xarunta lagu qabtay Mutamarka, xilli biririf la qaatay

Mutamarka sannadkan 2010 waxaa cinwaankiisu yahay  "Qofkuu Illahay Khayr la doono, Diinta ayuu fahansiiyaa", waxaana ka soo qayb galay jaaliyadaha Muslimiinta ee ku dhaqan Gobolka Minnesota, waxaana muxaadarooyin kala duwan ka jeedinaya culimo farabadan.

Maalintii koowaad ee Mutamarka waxaa lagu furay Aayadaha Quraanka Kariimka. Kaddib waxaa mutamarka furay Sheikh C/raxmaan Sheikh Cumar, oo ah iimaamka Masjidka Abuubakar Asidiiq ee Minneapolis. Furitaankii kaddib, muxaadaro cinwaankeedu ahaa "Qofkii Ilaahay Khayr la Doono, Diintuu Faahamsiiyaa," waxaa soo jeediyey Sheikh C/raxmaan Sh. Cumar. Waxana uu ku xeel dheeraaday waxyaabaha looga baahan yahay dadka gudbinaya dacwada Islaamka iyo muhiimadda ay leedahay in aan la degdegin.

Kaddib muxaadaro cinwaankeedu ahaa "Ku Sugnaanta Diinta" waxaa soo jeediyey Sheikh Maxamed Kaariye, oo ku xeel dheeraaday taariikhdii loo soo maray dacwada iyo fidinta Diinta Islaamka iyo sidii loogu soo sabray, ayadoo ciqaab iyo dhibaato weyn la gaarsiin jirey ducaadda ku taagan caqiiqada saxda ah. Halkaas oo uu si qoto dheer u tilmaamayey sida loogu baahan yahay in la yeesho sabir dheeraad ah.

Waxaa markaas muxaadaro cinwaankeedu ahaa "Manhajka saxda ah ee barashada Cilmiga Sharciga" soo jeediyey Sheikh Cabdullaahi Ibraahim. Waxana uu dadweynahii madasha ka soo qayb galay kula dardaarmay muhiimada barashada cilmiga sharciga ah.

Kaddib waxaa kulanka yimid musharaxa xisbiga Dimoqraadiga ee u tartamaya Governorka Gobolka Minnesota, MATT ENTENZA, oo sheegay in uu wax u qaban doono Soomaalida reer Minnesota haddii la doorto, waxana uu yiri: i doorta doorashada ugu horeysa oo dhici doonta Agoosto 10, 2010. Isagoo taas ka hadlayey waxa uu yiri: "August 10 waa ogahay in ay tahay bilowga Ramadaanka, oo aad soomantihiin, waxaana idinka doonayaa in aad ii codaysaan, haddii aan guulaysto waxaan is garab taagayaa Soomaalida iyo Muslimiinta...." Waxana uu hadalkiisii ku soo gabagabeeyey "Soomaaliya ha noolaato."

Waxaa sidoo kale maalintii xigtey mutamarka yimid Margaret Anderson Kelliher oo ayaduna u sharaxan Governatooraha Gobolka Minnesota ayadoo ballan qaaday in ay Soomaalida la shaqaynayso haddii la doorto. Labada musharxba waxay ka hadleen sida ay u taageersan yihiin Xijaabka in ay qaatay dumarka Muslimiinta ah ee ku dhaqan Minnesota.

Kaddib Sh. Abul Fadli ayaa waxaa uu madasha ka soo jeediyey taariikh ku saabsan Golaha iimaamyada ee Woqooyiga Ameerika iyo waxqabadkooda, asagoo ku xeel dheeraaday asaaskii Golaha Iimaamyada iyo sida ay ugu khidmeeyaan jaaliyadaha Muslimiinta ee ku dhaqan Woqooyiga Ameerika.

Waxaa markaas kaddib madasha mutamarka lagu soo dhaweeyey arday da'yar oo akhriyey Qur'aanka Kariimka. Ardaydaas oo isugu jirey wiilal iyo gabdho ayaa si qiiro leh u akhriyey Aayado Quraanka Kariimka, arrintaas oo niyad wanaag ku abuurtay dadkii ka soo qabgalay madasha iyo intii kala socotey Khadka Internetka. Waxa kale oo ay taasi dhiiri gelin u ahayd carruurtii faraha badnayd ee ka soo qayb galay mutamarka ee la socdey waalidiintooda.

Waxaa kaddib mutamarka laga soo jeediyey khudbad kooban oo ku saabsan cudurka loo yaqaan Autism-ka oo la sheegay in uu carruurta Soomaaliyeed ee Maraykanka ku soo badaanayo ama kaga badan yahay quruumaha kale. Autism-ka waa cudur carruurta ku sababa in hadalku ka daaho ama aysan hadlin, ama uu noqonayo canug xayraan ah oo aan fariisanayn.

Markaas kaddib, muxaadaro cinwaankeedu ahaa "Carada, aadaabteeda, iyo maaraynteeda," waxaa soo jeediyey Sh. Cabdirisaaq Xaashi oo ku xeel dheeraaday sida loo maareeyo carada/xanaaqa oo ah shey qalbiga qofka gala. Carada waxaa ay noqon kartaa in mid bannaan oo ay tahay in la caroon karo, sida haddii lagu xad gudbo Diinta Allah, waa in laga caroodo. Laakiin haddii qofka naftiisa laga xad gudbo waxaa haboon in uu iska cafiyo. Sh. C/risaaq Xaashi waxa uu aad ugu dheeraaday carada iyo noocayadeeda, waxana uu yiri waxaa rasuulka laga weriyey: Waxaa dadka ugu wanaagsan qofka aan hore ka caroon, haddii uu caroodana ka soo laabta. Waxaana dadka ugu liita qofka hore ka carooda oo aan ka soo laaban caradaas..

Waxaa muhiim ah in la iska ilaaliyo carada, isla markaana haddii la caroodo in durbadiiba laga soo laabto carada. Haddii aad carooto markiiba Allah xasuuso, kana laabo carada, adigoo Allah magan galaya. Xaaladda aad ku sugan tahayna iska bedel, sida haddii aad taagan tahay fariiso., ama ka dhaqaaq meeshii aad ku carootay. Sidoo kale, haddii aad carootid aamus ama ha hadlin, si aadan go'aan u gaarin oo aadan uga shallaayin, ayuu yiri.


Faras magaalaha Minneapolis, halka lagu qabtay Mutamarka

Salaadii Makhrib kaddib, Nadwo cinwaankeedu ahaa "Mushkiladda Qoyska, Sababaheeda, Dhibkeeda iyo Xalkeeda" waxaa si wada jir u soo jeediyeen Sh. C/laahi Sh. Axmednur iyo Sh. Maxamed Mursal. Waxayna ku xeel dheeraadeen sababaha keena khilaafka ka dhex dhici kara qoyska iyo xalkooda.

Culimada oo ka hadlayey khilaafaadka waxay sheegeen: in khilaafaadka ugu horeeya ay ka yimaadaan kala shakiga iyo kala maqnaanta oo ninka iyo xaaskiisu kala maqnaadaan muddo dheer. Waxa kale oo khilaafka keena in Dumarku ku tuhmaan ragga xagga bakhaylnimada, halka raggu ay haweenkuna ku tuhmaan xoolo khasaarin.

Waxay culimadu sheegeen: Qiyaaso badan oo laga sameeyey dalalka Galbeedka waxaa la ogaadey in furriinku uu aad u sareeyo, sidaas oo kale ayaa furriinku faro kulul ugu hayaa dalka Muslimiinta.Xalka arrintaasi waa in loo laabto xagga Allah, ayagoo ku camal falaya kitaabka.

Waa in ninka iyo xaaskiisu ay is ixtiraamaan. Waxaa dhacdaa qof dadka kale u dabeecad wanaagsan in uu xaaskiisii ku dabeecad qalafsanaado. Waxaa loo baahan yahay in la isu sabro. Iyo in ay ka qayb qaataan tarbiyada carruurtooda.

Ninka: gabadha uga sheekee waxaad jeceshay iyo waxaad nebetahay. Waxaadna gabadha u sheegtaa waxay ku wanaagsan tahay, halkii uu isku mashquulin lahaa xumaanta. Ninka Soomaaliyeed in uu guriga tago cishaha kabacdi. Hadiyad hakala bakhaylin gabadha, ayey culimadu ku taliyeen si loo hagaajiyo qoysaska.

Gabadhu waa in aysan ninkeeda ku dhibin furitaan, markasta oo ay wax yar isku qabtaan aysan ku tirtirsiin furriin. Gabadhu waa in ay adeecdo ninkeeda, waa cibaado, Ninkaaga raali geli, ayey culimadu kula taliyeen dumarka.

Mutamarka maalintii labaad muxaadarooyinkii  laga soo jeediyey waxaa kale oo ka mid ahaa muxaadaro cinwaankeedu ahaa "Halkee ka joognaa Kitaabka Allah," oo uu soo jeediyey Sheikh Mukhtaar Xuseen oo si cilmiyayasan uga hadlaay muhiimadda uu leehaya Kitaab Allah iyo in lagu camal falo.

Kaddib waxaa muxaadaro cinwaankeedu ahaa "Xuquuqda Banii Aadamka" soo jeediyey Sheikh Cabdiraxmaan Sheikh Cumar, oo ku xeel dheeraaday xuquuq Insaanka iyo diinta islaamka.

Qofka waxa uu xaq u leeyahay oo uu Islaamku siiyo bini'aadamka waxaa ka mid ah, ayuu yiri sheikh C/raxmaan: In qofku noolaado. Waa in aan qofka lagu dilin xaq darro. Qofku in uu helo aamman. Arrimahaas oo ah xuquuqda asaasiga ah ee Allah siiyey qofka bini aadamka ah. Waxa kale oo islaamku siiyey qofku in uu ku noolaado nolol wanaagsan. Waxa kale oo Sheikh C/raxmaan uu si xeel dheer uga hadlay xuquuqda uu Islaamku siiyey Dumarka. Waxana uu aad uga hadlay sida Islaamku uu xoojiyo in loo sinnaado caddaalada.

Nafsadda in la xifdiyo. In la xifdiyo qofka hantiida, qofka cindigiisa in la ilaaliyo iyo sharafkiisa, caqliga in qofka caqligiisa la xifdiyo, waa in sinada laga ilaaliyo mujtamaca iyo in la ilaaliyo diinta. Waxaana xuquuqda asaaskeeda laga qaadanaya Kitaabka Quraanka, ayuu yiri.

Muxaadaradii xigety oo cinwaankeedu ahaa "Xuquuqda Carruurta," oo uu soo jeediyey Sh. C/risaaq Xaashi, waxa uu marka hore ku xeel dheeraaday nimcada in Allah qofka siiyo carruur. Waxana uu sheegay in waxa ugu wanaagsan oo adduunka looga tago uu yahay cannug saalax ah. Xuquuqda caaruurtu ku leeyihiin waalidka marka laga soo tago korinta iyo nafaqo siinta waa in lagu barbaariyo sidii ay Allah u caabudi lahaayeen. Waa in carruurta marka hore loo xulo hooyo wanaagsan, kaddib canugga marka uu dhasho loo bixiyo magac wanaagsan isla markaasna labaro Diinta Islaamka.

Akhlaaqda carruurtu waxay ka bilaabataa in canugga la baro sida cuntada loo cuno ama wax loo cabbo, waa tarbiyaddu meesha ay kabilaabato. In la baro in ay bisinka ku bilkaabaan, midigta ku cunaan, cuntadana ka cunaan dhanka iyaga xiga, sida ka sugnaatay rasuulka.

In canugga labara sida loo socdo, dabaasha, iwm. In waqti la siiyo. Sheikh C/risaaq waxa uu sheegay in dhulkaan galbeedka aad looga cabanayo ragga Soomaaliyeed oo aan carruurta waqti siin, xitaa hal saac siin, waa in ay shaqo jiraan iyo marka ay guriga yimaadaan oo seexdaan. Waxa uu ka sheekeeyey qiso ku saabsan nin ay saaxiib ahaayeen oo gabar uu dhalay baray in ay si sax ah uu sheekayn karto marka ay gaartay 2 sano oo si fiican u hadlaysay. Waa in la baro tarbiyadda oo waa caqliga iyo xagga akhlaaqda in laga dhiso, wixii xun laga reebo wanaagga la baro.

Salaaddii duhur kabacdi, muxaadaro cinwaankeedu ahaa "Tilmaamaha Sowjka Wanaagsan," oo uu soo jeediyey Sh. AxmedNuur Macallin, oo ku xeel dheeraaday sifooyinka ku haboon sowjka wanaagsan. Waxaa muhiim ah in sowjku ahaado mid aan cabsi gelin gabadha xaaskiisa ah, waana in uu markasta ka farxad geliya, waa in uu guriga ku soo galo waji faraxsan, isagoo salaan ku bilaabaya reerka, oo kula hadlo erayo macaan, kana mahad celiyo wixii wanaag ah oo ay gabadhu qabato kuna ammaano. Guriga ku saacido oo hawsha la qabatid. In uu ixtiraamo caqliga gabadha iyo fikirkeeda. Waa in gabadha malaha loo wanaajiyo, oo aan laga shakin gabadha maadaama ay tahay tan guriga kula dhiseysa, oo aan marna loo muujin dareen xun.. Gabadha in la dareensiiyo in ay tahay gabadha ku dayashada mudan... kuna ammaantid gabadha waxyaabaha fiicfiican, laguna taageero waxyaabaha fiican.. Waxaa jira xilliyo ay gabadhuhu xanaaq badan yihiin sida marka aysan daahirka ahayn oo ay xaydka qabaan, waa in marka xilliyadaas la ilaaliyo gabadha.. Waxaa muhiim in qoysku yeeshaan mar lawada cuno cuntada sida qadada ama cashada.. In aadan wax ku dhufan ama la dilin gabadha xaaskaaga ah.. Wixii reerka dhexdiisa ah in aan cid kale lagu faafin oo ay ahaadaan arrin qoyska dhexdiisa ah, ayuu yiri.

Muxaadaro cinwaankeedu ahaa "Farqiga fikradaha kala duwan,' oo uu soo jeediyey Sh. C/risaaq Sancaani ayuu kaga hadlay waxyaabaha keeni kara khilaafka, isagoo si qeexan u sheegay in aysan wax khalad ah ku jirin Kitaabka Quraanka iyo Sunada rasuulka, waxaa soo raaca wixii muslimiintu isku raacaan.

Sheikh Sanaaci waxa uu ku xeel dheeraaday in qofka muslimka ay waajib ku tahay in uu wixii xaq ah sheego , wixii khalda ahna naqdiyo. Wixii xaqa ah waa in loo hogaansamo, xitaa haddii xaqaasi ka imanayo qof ama fikir kaa soo hor jeeda.

1.8 billion qof oo Muslimiin ah ayaa Adduunka ku nool, taas oo ka dhigeysa afartii qof ee adduunka ku nool in hal uu yahay Muslim. Islaamkuna wuu soo noolaanayo ayey yiraahdeen Sh. Waleed Idress iyo Sh. Salah Al Sawi.

Sida aan kor ku soo xusnay, Mu'tamarka waxaa kabaxay 60 muxaadaro, waynaa lagu soo bandhigay 24 barnaamij oo bulshada baahideeda kala duwan loogu talagalay, barnaamijyadaas oo aanan halka kusoo wada koobi karin. Sida Sheikh Maxamed Kaariye oo ka hadlay Cilmaaniyada iyo dhibaatadeeda isagoo sharxay waxa ay tahay iyo sida ay uga soo horjeedo Diinta samaawiga ah.

Dhamaan mu'tamarka waa laduubay, Cajaladihii oo maqal iyo muuqaal ah waxaad ka helikartaa/kadalbankartaa Maktabada Abuubakar.

Gabagabadii ayaa Mu'tamarka ayaa looga duceeyey loogana mahad celiyey dhamaan walaalihii sida hagar li'ida ahayd isaga xilsaaray inuu mu'tamarku si wanaagsan ku soo gabagaboobo. Sidoo kale waxaa aad loogu mahad celiyey dhamaan Culumadii waqtigooda usoo huray inay ummada u faa'iideeyaan. Sidoo kale Walaalaha Media-ha oo suura galiyey in Mu'tamarka laga daawado aduunka, lana duubo Muxaadara kasta oo ka baxday Qayb kasta.

Sawiro kale oo dheeraad ah halkan ka eeg

Sawiro kale oo dheeraad ah halkan ka eeg

Faafin: SomaliTalk.com / June 21, 2010

 

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS