Magaalada Galkacyo oo Dhowaan loo furayo Maktabad, Xurunta Aqoonta &
Adeega Bulshada iyo Reer Minnesota oo Taageeray
Sawirada oo badan halkan ka eeg
Madaxa Ururka Cusub ee Horn of Africa Community Development Mudane Warsame
M. Hassan oo loo yaqaano Warsame Dheere ahna Aqoon yahay Somaliyeed ayaa soo bandhigay qorsho cusub oo lagu dhisayo Maktabad Cilmiga Maadigaa iyo diiniga lagu
kaydiyo iyo waliba Cilmiga Computerka iyo Internet ka iyo goob Shirarka lagu qabto. Maktabadda Ururkaan Horn Of Africa
soo bandhigay ayaa waxaa
nasiib u Yeeshay Magaala madaxda Gobalka Mudug ee Galkacyo oo Somalia kaga
taalada meesha Dad ka ay Xuduntu kaga taala ama ku taala bartamaha Somaliya,
Sidaas waxaa yiri Warsame, waxuuna soo bandhigay Sawiro muujinaya Baahida
loo qabo Maktabadan. Magalaada Galkacyo ayaa waxaa Ku nool sida uu uu sheegay
qiyaas ahaan dad gaaraya 300,000 oo qof, 2/3 laba meelood boqolkiiba ama Saddex
meeloodna waa dhalinyaro ama dad wax barta oo aan haysan meel ay wax ku
akhristaan .
FG: Sawirada waxaa la qaaday May 24, 2009, Minneapolis, USA
Mudug library Resource Center ayaa lagu daah furi doonaa Maktabada
qorshaheeda la soo ban dhigay halkan ka dhagayso Frank oo Warsame soo dhaweynaya
Halkan ka dhagayso
Sidoo kale
halkan ka dhagayso Warsame oo Sharaxaya
Baahida loo qabo Maktabadaan.
Sidoo kale waxaa ka hadlay Dr Frank
Schwiegert oo ah Macalin Dhiga Dugsiyada sare ama College Professor Mudane Frank
waxuu sheegay in uu taageerayo qorshahan ugubkaa ee cusub.
FG: Sawirada waxaa la qaaday May 24, 2009, Minneapolis, USA
Sawirada oo badan halkan ka eeg
Cabdirahman Cumar Cabduraxmaan Shaacir oo ah Abwaan Soomaaliyeed hase yeeshee ahaa
maantay Xiriiriyaha Barnaamijkaan ayaa Gabay dheer oo aad u xiisa badan ku soo
dhaweeyey Saciid Saalax Axmed oo ah Abwaan Mu alifweyn oo Somalidu wada
taqaan laguna Xasuusto Alif la Kor dhabay Alif la hoos dhigay Barnaamij yadii
Wasaaradda Waxbarasha Somaliya ka hor 1991. Abwaan
Shaacir ayaa aad iyo aad oga yaabiyey Somalidii iyo ajanbigii ka soo qayb galay
Gabygaan xiisaha leh ee loo tiriyey Mu'aif Saciid Saalax iyo
Gabaygii halkan kadhagayso
, sidoo kale hadalkii
Saciid Saalax halkan ka dhagayso .
Sh
Cabdiqani Qardhaawi ayaa kalmado qiiro leh oo ku saabsan baahida loo qabo
aqoonta iyo in la taageero qorshahan ku dhiira galiyey Soomaalidii ka soo qayb
gashay waxuuna shiikhu goobtaas ku aruuriyey lacag aad u fara badan walow aanan
la sheegin inta lagu deeqay. Sh Qardhaawi oo dad ka Dhiira galinaya oo Kaftamaya
halkan ka dhagayso.
Waxaa kaloo Goobta ka hadlay Ibraahim Aaye oo ah mid ka mida Macalimiinta
Iskuulada Minneapolis wax ka dhigta waxuu sheegay in Gurigiisa
buugaatu ka bateen ka dibna uu ku guray Sariirta hoosteeda asaga oo tilmaamayaa
Jacaylka uu u qabo buugaag ama aqoon korarsiga waxuuna tilmaamay Dhalin yaradu
waxa ay akhriyaan in ay fakar ka qaataan isla markaan wax akhrisku uu
tarbiyadooda qayb weyn ka qaato halkan
ka dhagayso.
Waxaa kaloo kalmado kooban ka jeediyey Professor Mohamed Hassan kana mid ah
Macalinta Minneapolis halkan ka dhagayso
Waxaa kaloo Wacdaro iyo Maahmaahyo Talyaani ah iyo France iyo arabic iyo Aayaad
la kala Baxay Nabadoon Cabdikhaliif Sh. Xasan (Ajaayo) dhammaan Somalidii
halkaas timid aad iyo aad ayey Erayadiisii oga heleen:
halkan ka dhagayso.
Fadlan wixii faah faahin ah ama meesha lacagta lagaynayo kala xariir C/laahi
shire Xawaaladda Amal C/laahi waxuu ka mid yahay Golaha Horn Of Africa.
Ustaad
Abdiwali Bashir (Dalboon)
cdalboon@hotmail.com
Minneapolis, Minnesota