SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xaflad lagu furayay Faraca Xafiiska Hay’adda Horumarinta Barnaamijyada Bulshada CANSOMA oo Muqdisho Ka dhacday (Daawo Sawirada)

Sawirada Halkan ka daawo...

Munaasabad lagu furayay Faraca Xafiiska Hay’adda Horumarinta Barnaamijyada Bulshada CANSOMA oo Muqdisho lagu qabtay gaar ahaan Hotelka Global, waxaana munaasabadda furitaanka Xafiiska Faraca Hay’addaasi CANSOMA ka soo qeyb galay bulshada Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan, sida: aqoonyahanada, ururrada bulshada, waxgaradka, madax ka tirsan ururrada bulshada iyo marti sharaf fara badan.

Xubnaha ka hadlay furitaanka Faraca Xafiiska Hay’adda Horumarinta Barnaamijyada Bulshada CANSOMA waxaa ka mid ahaa: Wakiilka Uqaabilsan Soomaaliya Hay’ada Horumarinta Barnaamijyada Bulshada ee (Cansoma) Mudane C/raxman Xaaji C/llaahi oo Si weyn ugu nuux nuuxsaday sababta loo aasaasay Heya’da CANSOMA iyo Waxqabadkeeda Mustaqbalka.

Md. C/raxmaan Xaaji C/llaahi Sh. Muxumad oo ah wakiilka Hay’adda CANSOMA oo khudbad ballaaran ka jeediyay munaasabadda furitaanka Xafiiska Faraca Hay’adda Cansoma Soomaaliya uu wakiilka u yahay, wuxuuna ka qeyb galayaasha u faahfaahiyay ujeeddooyinka loo asaasay Hay’adda.

“Tan iyo Bilawgii dagaalkii sokeeye ee dhamaadka 1990-kii, Haweenka, Dhalinyarada iyo caruurta ayaa ahaa kuwo dhibaatada ugu badan ay soo wajahday markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe.

Dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay mudada 18-ka sano ah waxay galaafteen nolosha malaayiin shacab Soomaaliyeed, kuwaasi oo u badnaa haween iyo caruur aan waxba galabsan, waxayna dagaaladaasi sokeeye sababeen kumanaan qoys oo hooy la’aan ah soo wajahday, qaar ka barakacay guryahooda, iyadoo tirada dadka ku geeriyooday lagu qiyaasay tan iyo 1991-kii, 350,000-1,000,000 (sadex boqol iyo konton kun illaa hal Milyan) taas ayaa waxay sababtay in la furo Hayad lagu magcaabo Hayadda Gargaarka ee CANSOMA (CANSOMA COMMUNTY DEVELOPMENT PROGRAMS)" Ayuu Yiri Md, C/raxman Xaaji C/llaahi oo ah Wakiilka Hay’adda CanSoma

Mudane C/raxman ayaa sidoo kale sharxay Cida ay Tahay Cansoma” Cansoma waa urur caalami ah, oo aan faa’iido doon ahayn, kaasoo bulshada Soomaaliyeed ka taageero Barnaamijyada Horumarinta iyo Arrimaha Bulshada.

“Ururka Cansoma Xarunteeda Waa Ottawa, Ee Wadanka Canada”

“Ururku Waxa uu Ku Talo Jiraa Inuu Wax Ka Qabto dhibaatooyinka sababa fakhriga, isagoo marka uu ogaado waxyaabaha keenana ku dhaqaaqaya sidii uu u tirtiri lahaa ama u yareyn lahaa”

“Habka ugu macquulsan u dabaqaya ka sal gaaridda yoolkiisa”, isla markaana caawinaad ka helaya Mujtamaca Madaniga ah ee doonaya inay dhibaatadaas ka baxaan. “


“Hay’adda CANSOMA ujeeddooyinka loo asaasay waa inay caruurta iyo dadka da’da ah ka caawiso baahidooda asaasiga u ah nolosha, gaar ahaan cunada, dharka iyo waliba dib u dhiska goobaha waxbarashada” ayuu yiri Md. C/raxmaan Xaaji oo dhinaca kale sheegay in hay’ada Cansoma dayactir ku sameyn doonto Iskuulada, Cisbitaalada iyo maktabadaha,

Sidoo kale waxa uu sheegay wakiilka in Hay’adda CANSOMA ay tababaro u fureyso macallimiintii hore iyo kuwo cusub, waxayna sidoo kale gacan ka geysan doontaa barnaamijyada waxbarashada dadka waaweyn, fidinta deeq waxbarasho jaamacadeed, ardayda dhameysay Dugsiyada Sare.

“Waxaanu caawin doonaa ardayda dhameysatay dugsiga sare ee aan awoodin inay iska bixiyaan kharajka Jaamacadda in Hay’adda CANSOMA ka bixiso” ayuu yiri Md. C/raxmaan Xaaji C/llaahi oo dhinaca kale sheegay in guud ahaan ardayda iyo dadka doonaya inay horumariyaan waxbarashadooda ay gacan siin doonaan.


Ugu Dambeentii Mudane C/raxman Xaaji wakiilka Hay’ada Cansoma ayaa waxa uu mahad gaar ah usoo jeediyay dhamaan qeybihi kazoo qeyb galay munaasabada Xafladaani isagoo ubalan qaaday bulshada Soomaalyeed in ay si dhab ah wax ugu qaban doonaan.

“Hay’ada CANSOMA ayaa waxa ay u diri doontaa Shaqaalo Mutadawiciin ah gudaha Somalia to ay u xaqiijiyaan in Deeqadaha la gaarsiiyay Bulshooyinkaa Baahan loo isticmaalay si sax ah iyo in Mashruucyadu ku dhamaadeen soo loogu tala galay.
Halku Dhiga Hay’ada Canosma ayaa waxa uu noqday

Wada jir baynu ku sameen karnaa isbadal!
Kuna dhisi karnaan mujtamac mar qura!

Sidoo kale Munaasabadaan furitaanka xafiiska Faraca Hay’ada Cansoma ee Soomaaliya ayaa waxa ka hadlay Mas’uuliyiin ay ka midyihiin, Xasan Maxamed Cali (X. Cowsey) Gud. Degmada Warsheekh, Xasan Maxamuud Xusen (Xasan Wiish) oo ku Hadlay Magaca Ururada Bulshada Soomaaliyeed, Sh: Ismaaciil Cali Cumar oo Ka hadlay Arimaha Diinta iyo Waxa ay ka qabto in la isku gar gaaro, Cusmaan Shiikhey Xaaji oo isagana ku hadlay magaca Bulshada , Yaasir Cantar C/llaahi oo ku hadlay Magaca Dhalinyarada, Boosteeyo M.Muuse oo iyadana ku hadashay Magaca Haweynka Soomaaliyeed, Shamso Sheekh maxamed oo iyadana ku hadashay Magaca Gabdhaha Soomaaliyeed, iyo xubno kale, waxayna dhammaantood si weyn u soo dhoweeyeen furitaanka Faraca Xafiiska Hay’adda Horumarinta Barnaamijyada Bulshada CANSOMA, iyagoona sheegay inay ku soo beegantay xilli bulshada Soomaaliyeed ay u baahan tahay in laga caawiyo dhibaatooyinka faraha badan ee ku heysta dalka gudihiisa.

Mahamud Ahmed Hassan <xuurshe114@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | May 17, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: