SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Socdaalkii Wasiirka Dhalinyradda iyo Isboorti-ga Suleyman Colaad ee dalka Switzerland.

Suleeyman Colaad Rooble Wasiirka Dhalinyaradda iyo Isboorti-ga ee Dowladda Midnimada Qaran ee dalka Somalia ayaa May 5, 2009 u duulay dalka Switzerland. Socdaalkan Wasiirka ee dalka Switzerland ayaa yimid kadib markii uu Casumaad ka helay xiriirka Olympic-kada aduunka (International Olympic committee). Iyadoo Safiirka Somalia ee u fadhiga dalka Switzerland ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay Wasiirka dalka Switzerland.

Shirkan uu Wasiirka Dhalinyaradda iyo Isboor-tiga Suleeyman Colaad rooble uu kaga qeeb galay magaaladda Lausanne oo dhinaca Waqooti Barie ka xigta magaaladda Geneva waxaa looga hadlayay Kubada cagta iyo Nabadda (Sports and peace).

Shirkan ka dhacayay magaaladda Lausanne oo socday inta u dhaxeeysay 7-8 bishan May ayay dalka Somalia ku soo bandhigeen Film ama Document aad loo soo diyaarayay. Inkastoo sida uu ii sheegay Mudane Suleymaan Colaad Rooble ay shirka ka qaybiyeen document.

Shirkan Isboor-tiga iyo Nabada looga hadlayay ee magaaladda Lausanne ee dalka Switzerland ka dhacay ayaa somalia waxaa ooga qeyb galay Wasiirka Isboor-tiga iyo Dhalinyarada Suleymaan Colaad Rooble, Duraan Farah oo ah Gudoomiye K/xigeenka xiriirka Kubada cagta aha ninka u qaabilsan xiriirka Olympic-kada xiriirka caalamiga, Fadumo Farah, oo ka tirsan Gudiga Fulinta ee xiriirka Olympic-kada ka tirsan kana timid dalka Holland iyo Safiirka Somalia ee dalka Switzerland Yusuf Bar-Bari.

Shirkan ka socday 7-8 bishan May magaaladda Lausanne ee dalka Switzerland ayaa waxaa sidoo kalle lagu casumay Heyado caalami ah, sida Heyadda Qaramada Midoobay (UN) iyo shaqsiyaad dunida caan ka ah.

Intuu socday kullankan ayuu Wafdiga Somalia ooga qeyb galay Shirka oo uu Mudane Suleymaan Colaad Rooble uu hogaaminayay ay la kulameen ninka xiriirka caalamiga u qaalbisan FIFA arrimaha dibada. Dhanka kalle Dalka Somalia ayaa intuu uu socday shirkan balanqaadyo muhiim ah loo sameeyay sida horumarinta Isboor-tiga Somalia iyadoo dhan kalle Wasiirka Isboor-tiga uu balanqaaday in xal laga gaari doono sidii loo soo afjari lahaa qilaaafka ka taagan guud ahaan xiirka kubada cagta ee Somalia.

Magaaladda Lausanne oo 50 Km dhanka Waqooyi Bari ka xigta magaaladda Geneva. Dhanka kalle Magaaladda Lausanne waxaa ku yaal Olympic Museum oo ah Museum-ka ugu weyn ee lagu keydiyo taariikhda iyo dhacdooyinka Ciyaaraha Olympic-kada.

Ibraahim Da’ud Abdalle
ibraahim@journalist.com
sayfudiin@hotmail.co.uk
Nairobi-Kenya

Wasiirka Isboortiga iyo Dhalinyarada oo ka qayb galay shirka Nabada iyo Isboortiga oo lagu qabtey xaruunta Olampicada Aduunka oo ku taal dalka Zwitzerland.

London 14.05.2009. Wasiirka Isboortiga iyo Dhalinyarada dalka Soomaaliya Mudane Salebaan Colaad Rooble ayaa soo gaarey dalka Zwitzerland todobaadkii la soo dhaafay isla markaana kaga qayb galaya shirka Nabada iyo Isboortiga oo lagu wado inuu ka dhaco xaruunta Olampikada Aduunka oo ku taal magaalada Lousanna ee dalka Zwitzerland.

Safiirka dalka Soomaaliya u fadhiya dalka Zwitzerland mudane Danjire Yusuf Bari Bari ayaa wasiirka iyo masuuliyiintii la socotey uga hor tagay gegeida diyaaradaha dalkaas isla markaana si wanaagsan ula shaqeeyay tan iyo markii u yimid magaalaada Geneva, Wasiirka Isboortiga iyo dhalinyarada Mudane Saleebaan Colaad Rooble ayaa warbixin ka dhagaystey danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Zwitzerland mudane Danjire Yusuf Bari Bari , labada masuul ayaa ka wada hadlay xaalada dalka Soomaaliya iyo xaalada jaaliyada Soomaalida dalka Zwitzerland ku dhaqan.



Wasiir Saleebaan Colaad iyo wafdigii la socday oo ka mid ahaayeen ku xigeenka kowaad ee GOS mudane Duran Farah iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Geneva Danjire Yusuf Bari Bari ayaa waxay si wada jir ah kaga qayb galeen shirka Nabada iyo Isboortiga ( Sports and Peace Forum 2009 Loussana), shirkaas oo socday mudo labo maalmood 7 MAY - 8 May 2009, waxaana looga hadlaayay sida Nabada Aduunka uu Isboortiga uga qayb qaadan karo, waxaana shirka ka soo qayb galay masuulyiin iyo madax kale duwan oo ka kala yimid dalalka Caalamka.

Wasaarada Isboortiga iyo Gudiga Olampikada Soomaaliyeed ayaa waxay halkaasi ka jeediyeen warbixin ka hadlaysa Isboortiga dalka Soomaaliya iyo sida Nabad ku soo celinta dalka Soomaaliya Isboortiga uga qayb noqon karo, kadibna waxay ka qayb qaateen seminaaro iyo workshops looga hadlayay Nabada iyo Isboortiga iyo sida bulshada Caalamka isku fahmi karaan.

Wasiirka iyo masuuliyiintii la socotey ayaa waxay booqdeen xaruunta Olampikada isla markaana waxay la kulmeen madaxa ugu sareeya Olampikada iyo masuuliyiintii kale duwaneed ee ka soo qayb gashay Workshop-ka lagu qabtey magaalada Laussana dalka, Wasiirka ayaa waxa kale oo kulamo muhiim ah la yeeshay Wasiirada Isboortiga dalalka Afrika ee ka qayb galayay shirka Nabada iyo Isboortiga, sida "UN Representative of Sports for Peace and Development" Mr Wilfred limke, madaxa IOC Mr Chaque Rogue, madaxa jiilka nabadda ahna madaxa guddiga olimbikada dalka Jordan amiir Faysal Al-Xuseen, guddoomiyaha olimbikada Afrika Jen Lassano Blenfo, Mr Pere Miro "Director of olympic solidarity" iyo madaxa xiriirka caalamiga ah ee xiriirka kubadda cagta adduunka "FIFA" Mr Cherome Champagne ayagoo dhamaantood kala hadlay horumarinta cayaaraha dalka soomaaliya guud ahaan gaar ahaan sidii loogu taageeri lahaa qorshaha ay ugu jiraan u isticmaalka cayaaraha ee nabadaynta iyo isdhexgalka bulshada.



Mudane C/qaadir Biriq oo ka mid ahaan jirey ciyaartooydii hore dalka Soomaaliya gaar ahaan gobalka Hiiraan iyo Naadiga Petroolka ayaa qalab Isboorti gudoonsiiyay Wasiirka Isboortiga iyo Dhalinyarada mudane Saleebaan Colaad Rooble.

Sida uu qadka Telefoonka igu sheegay Wasiirka Isboortiga mudane Saleebaan Colaad Rooble ayaa waxa u ku micneeyay safarkiisii uu ku yimid Laussana inuu ku dhamaaday guul isla markaana uu aad ugu faraxsan yahay inuu kulamo kale duwan la qaato Qoyska Olampic Isboortiga ( Olampic Family) isla markaana waxyaabo badan ay isla soo meel dhigeen intii uu joogay Luassana dalalkii ka soo qayb galay madaxdooda, waxana u si gaar ah ugu mahadcelinayaa Danjire Yusuf Bari Bari sida sharaf badan uu u soo dhaweeyay isla markaana ula shaqeeyay intii aan joognay dalka Zwitzerland.

Wasiirka ayaa dib ugu laabtey magaalada Nairobi isla markaana la filayaa inuu u ambabaxo magaalada Muqdisho isla markaana shir jaraaid ku qaban doono maalmaha soo socda xafiiskiisa, si uu uga waramaayo safarkii u ku kala bixiyay magaalooyinka Nairobi iyo Laussana.

W/D: Yusuf Yusuf
Sports Editor & writer of SSPAMEDIA
London
mrsomalia@hotmail.com


Taageerayaal Ajanabi ah oo Taageera Ciyaaryahan Magan oo Calankii Soomaaliya Geeyay Garoon uu uga Qayb Galayay Ciyaaro Heer Caalami ah.

Ciyaaro Heer Caalami ah oo Kubadda Miiska oo ka dhacday Dalka Slovenia ayaa Qaar ka tirsan Taageerayaasha Ciyaaryahanka Caanka ah ee Soomaaliyeed ee Ciyaara Ciyaarta Kubadda Miiska ee Magan Tahir Yuusuf ay Soo Qaateen Calankii Soomaaliya iyaga oo la Soo Dhex Galay Garoonkii lagu Ciyaarayay Ciyaartaas.

Ciyaarahan oo lagu Qabtay Magaalada Lasko ee Dalka Slovenia dhawaan ayaa waxaa soo abaabushay isla Dawladda Slovenia waxaana uu Ciyaaryahan Magan ka Qayb galay isga oo ku Ciyaarayay Magaca Wadanka Netherlans Balse waxaa Kadis ku Noqotay Magan ka Dib Markii uu arkay Qaar ka tirsan Taageerayaashiisa oo soo Qaatay Calankii Soomaaliya oo garoonka la imaaday Taas oo Muujineysa sida ay u Jecelyihiin Ciyaar yahan Magan.iyaga og in Magan uu asalkiisu ka soo jeedo Wadankii soomaaliya Sidaas daraadeedna ay u soo qaadeen Calankii Soomaaliya si ay u muujiyaan Taageerada Buuxda oo ay u haayaan Ciyaaryahan Magan.

Ciyaar yahan Magan ayaa aad ugu Mahad Celiyay Taageerayaashiisa Sida ay ula Dhacsanyihiin Ciyaarihiisa waxaana uu saxiixay Calankii Soomaaliya oo ay Horey u Wateen.

arintan ayaa waxaa ku tusineysaa sida dadka Soomaalida ee Horumar ka gaara Waxa ay Jecelyihiin in ay Dadka kale ee ajnabiga ah ee aad u jeclaanayaan,iyadoo Wadankii Soomaaliyana uu Bur Bursanyahay Muddo ka Badan 18 Sano.Maxaadse u Maleyn Lahayd haddii ay Dawladii iyo Maamulkii Soomalida uu sidiisa u Dhisnaan Lahaa.

Ciyaarahaas ayaa ku soo Gaba gabooway sidii loogu tala Galay

Maxamed Abuukar Sh/Xassan(M.Deeq)
E-mail+deeq1982@hotmail.com
GSM:0031643642191
Leeuwarden.Fresland.Netherlands

Mogadisho Marathon oo lagu xusay 15 May maalintii dhalinyarada Soomaaliyeed

Muqdisho 15 May 2009. Tartan orada Degmooyinka Gobalka Banaadir oo lagu xusuyay 15 MAY maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed oo lagu qabtey Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda dhalinyarada iyo isbortiga mudane Saleebaan Colaad Rooble ayaa markii ugu horeysay magaalada Muqdisho ku qabtey tartanka orada Degmooyinka Gobalka Banaadir.

Tartankaas waxaa ka soo qayb galay 16 Degmo ee ay ka kooban tahay magaalada Muqdisho, ujeedada loo qabtey ayaa waxay ahayd in dhalinyarada Soomaaliyeed dib loogu xusuusiyo halgankii Ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL ka qaateen madax banaanida iyo qaranimada Soomaaliyeed u soo galeen.

Tartanka Maradoonka ayaa ka biloowday gurigii Shaqaalaha hortiisa oo ku yaal wadada Maka Al Mukarama isla markaana waxaa oradka ay ku soo gabagabeyeen garoonka Kubada Koleyga Luujino oo ku yaal Xaafada Muqdisho.

Tartanka oo aad u xiisa badnaa oo ayna ka soo qayb galeen dhalinyaro aad u da yar oo ka kala yimid dhamaan degmooyinka Gobalka Banaadir ka kooban yahay, ayaa waxa halkaas ka hadlay Wasiirka Isboortiga iyo Dhalinyarada dalka Soomaaliya mudane Saleebaan Colaad Rooble isla markaana ugu waramay dhalinyaradii ka qayb galaysay tartanka ujeedada tartankaas iyo sida loogu baahan yahay in dhalinyarada Soomaaliyeed uga qayb qaataan soo celinta Nabada iyo Amniga isla markaana loogu baahan yahay inay ka qayb qaataan Sports noocyadiisa kale duwan.

Tartankaan waxaa gacan ka gaystey in la qabto Guddiga Olambicada Soomaaliyeed iyo maamulka Gobolka Banaadir,waxaana waxaa qalabka cayaartoyda ka qayb gashay tartankaan ugu deeqan cayaaryahanadii hore Soomaaliya oo hada ku nool dalka Ingiriiska sida Shiine Guhaad C/qaadir Biriq iyo xubno kale .

Tartankaan ayaa ku soo gabagaboobay si guul ah isla markaana dadwaynaha ku nool magaalada Muqdisho ay si wanaagsan ugu sacaba tumayeen dhalinyrada ka qayb galaysa, iyagoo sacab iyo biyo qaboow ku salamayay si ay u dhiirigaliyaan da’yarta Muqdisho ku nool.

Wasiirka ayaa I sheegay in Nabada Muqdisho lagu soo celin karo in dhalinyarada Soomaaliyeed loo qabto barnaamijyadan oo kale si kala qayb sanaanta iyo kuwa dagaalada u adeegsanaya looga xoreyn lahaa, waxana u hadalkiisa sii raaciyay wasaarada Isboortiga waxay ka shaqaynaysaa in Isboortiga dalka lagu yaqiin sidii dib loogu soo celin lahaa isla markaana dadka Soomaaliyeedna waxaa looga fadhiyaa sidii gacan uga gaysan lahaayeen.

W/D: Yusuf Yusuf
Sports Editor of SSPAMEDIA
mrsomalia@hotmail.com
London

Faafin: SomaliTalk.com | May 15, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: