SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo  

15 May 2009    

  • Xagal Maxaabiis ah oo laga qabtay ciidanka gumaysiga iyo maleeshiyada dabaqoodhiga
  • Dagaalo xoog leh oo  lagu qaaday dhufaysyada ciidanka gumaysiga Itoobiya.
  • Boob iyo dhac ciidanka gumaysiga Itoobiya u gaysteen dad shacab ah.
  • Saraakiil ka tirsan hay,adda Qaramada Midoobay oo gargaar dagdag ah u codsaday 19 Milyan oo ku macaluushan geeska Afrika.
  • 14 qof oo isku qoys ah oo ku maanshooday xeebaha Jubadda Hoose ee Soomaaliya.
  • Barnaamijkii Xog-Warran(Astaamaha lagu garto xukuumadaha sii dhacaya). DHAGAYSO

======================     

Xagal Maxaabiis ah oo laga qabtay ciidanka gumaysiga iyo maleeshiyada dabaqoodhiga

Warar madax banaan oo aan ka heley ilo xog ogaal ah oo ku sugan gudaha Ogadenya ayaa Radio Xoriyo u sheegay in maleeshiyaadkii dhidid dhowrkii u ahaa ciidamada gumaysiga Itoobiya ee laga soo yabyabay magaalada Jigjigga ay khasaare ba,an oo dhimasho iyo dhaawacba leh la kulmeen iyaga iyo ciidamadii gumaysiga ee ay ka garab dagaalamayeen dhowrkii todobaad ee ina soo dhaaftay.

Shaqsiyaadka xogtan soo gaadhsiiyey Radio Xoriyo  ayaa intaa ku darey in maleeshiyaadkaas  daba dhoonka ah  loo qaybiyey goobo markii hore ciidamada wayaanuhu daganaan jireen oo ciidamada qalabka sida ee xoreynta Ogadenya ay si xun ugu waxyeeleeyeen ka dib markii naftood hurayaashu ay goobahoodii ku weerareen.

 Dadka aan warkan ka heley oo gaar ahaan magaalada Dhagaxbuur ku sugnaa ayaa waxaa hadaladooddii ka mid ahaa, “Meeshan waxa ka socda ma aha wax laga sheekayn karo. Madaxa kor cid u qaadi karta ma jirto. Daba qoodhi iyo ciidankii gumasysigu waa go,een oo dhaawacooda iyo meydkooda ayaa la kala guri la’a yahay. Dhufayska wax ka bixi karana ma jiro, marka war badan idinma siin karo hada laakiin hawlo adag ayey nimanka duurka ku jiraa wadaan.”

Mooraalka shacabka Ogadenya guud ahaan ayaa  aad iyo aad u sareeyo, lagana dareemi karaa meelkasta oo aad tagto iyada oo dadku isha isugu baaqaan meelaha jaajuusiintu joogto.

Dagaalo xoog leh oo  lagu qaaday dhufaysyada ciidanka gumaysiga Itoobiya.

Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogadenya ayaa 05-05-09  madfac la beegsaday baabuur uuraal ah  oo uu Saarraa Shidaal Gaadhayey 260 Foosto oo  Gaas ah,waxaana halkaas ku basbeelay baabuuskii iyo shidaalkii saarraa,iyadoo holaca shidalkaas gubtay la arkayay maalmo iyo habeena dhan.

Dagaalo goos-goos ah oo dhex maray ciidanka xoreynta Ogadenya iyo ciidamada

naflacaariga gumaysiga Itoobiya ayaa ciidanka gumaysiga lagaga qabtay maxaabiis dhan 20 Woyaane , halka dabaqoodhi ka garab dagaalamayayna laga qabtay  50 oo markii la sii daayey markii la ogaaday inay yihin dabaqoodhi si qasab ah lagu keenay goobaha dagaalka.

5/05/09 Meesha la yidhaa Jimbac oo ka tirsan Hargeelle  dagaal ka dhacay waxaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay 3 askari  waxaana lagaga dhaawacay 4 kale.  

Degmada Guna-gado ee gobolka  Jarar dagaal ka dhacay 6-05-09  waxaa ciidamada gumaysiga Itoobiya lagaga dilay 10 askari halka dhaawucuna uu gaadhay 14 wayaane.

Boob iyo dhac ciidanka gumaysiga Itoobiya u gaysteen dad shacab ah.

Ciidamada gumaysiga Itoobiya ee cabudhiska u jooga Ogadenya ayaa 06-05-09 magaalada Garigo`an ee gobolka Nogob ku jidh-dilay dadka kala ah:

  • 1-Xuseen Adan Fadhi
  • 2-Shaafi Abdullahi Adan
  • 3-Daahir Mohamed Ibraahim

02-05-09 waxay  ciidamada dilka ku caan baxay ku dileen tuulada Qamuuda ee gobolka  Doollo alle ha unaxariistee :C/lllaahi Aw-Faarah.

Degmada Garbo ee gobolka Nogob 20-04-09 waxay ciidamada gumaysigu ku dhaceen

Sheekh Maxamed Cabdi Cumar waxayna ka dhaceen 1000  Bir .

24-04-09 Abbaa-qoroow oo ka tirsan gobolka Shabeele waxay ciidamada saamalaluudka ahi jidh-dil ugu gaysteen:

  • 1-Maryan Cali
  • 2- Axmed Haybe Muxumed

Ciidamada gumaysiga Itoobiya ee kufsiga iyo waxyeelaynta shacabka loo keenay Ogadenya ayaa 24-04-09 waxa ay kufsi iyo jidh-dil ba,an u gaysteen hooyo Amina Xirsi Kooreeye ,xaalada haweenaydan ayaa aad looga dayrinayaa  dhanka caafimaadka.

Sidoo kale 27-04-09 Degmada  Fiiq ee gobolka Nogob Waxay kufsi ugu gaysteen  Nimco mahad Iraad .

25-04-09 Jeexdin oo ka tirsan gobolka Qorahay waxay ciidamada gumaysigu  jidh-dil naf ka qaad ah ku dileen alle ha unaxariistee  : Faarah Cusmaan C/llaahi .

24-04-09 Degmada  Sagag ee gobolka Nogob Waxy ciidamada cabudhisku ku xidheen dad fara badan kadib markay ka waayeen siday rabeen,dadkan la xidhay oo aad u tiro badnaa ayay magacyadooda naga soo gaadheen dadka kala ah:

  • 1- Ruqiya Maxamed Axmed Deeq
  • 2- Xaliimo Sheekh Maxamed
  • 3- Xaliimo Sheekh Daahir
  • 4- Xaliimo Sheekh Maxamed Adan Shiil
  • 5- Xaliimo Saado C/llaahi
  • 6- Siyad Macalin Xasan
  • 7- Ruqiya Yusuf Cali Salaad
  • 8- Xamdiya
  • 9- Cali Qumis
  • 10- Gadhyare

Sidoo kale Isla Sagag 3 bishan Maajo ee aan ku jirro waxay kudileen ciidamada gumaysigu  5 Ruux oo Shacab ah  waxana kamida oo ay noo Suuroowday Magacyadooda inaan hello:

  • 1-Ardo Cali Goohe
  • 2- Deex Axmed
  • 3- Deeq Mahad

27-04-09 Barmiilka oo ka tirsan gobolka  Nogob Waxay ciidamada wayaanuhu ku dileen sadex duqay oo kala ah:

  • 1-  Cabdullaahi Khaliif Cali Yare
  • 2- Saxane Qallinle
  • 3-Macalin Saxardiid

27/04/09 Deegaanka Malqaqa ee gobolka Nogob  waxay ciidamada daalan ee gumaysiga Itoobiya xidhay iyo jidh-dil isugu dareen:

  • C/llaahi Muxumed Dayr-dhalad .

30/04/09 Isla Degmada  Gunagado  waxay ciidamada gumaysigu jidh-dil iyo xadhig isugu dareen dadka kala ah:

  • 1-Mahad Cabdi Nuur
  • 2-Cabdi Mahad
  • 3.Maxamed Cabdi

Waxayna Degmadaas Gunagado ku dhaceen nin la yidhaahdo

Maxamuud Fardiid oo ay ka dhaceen waa ciidamada gumaysiga e hanti gaadhaysa 10 Kun oo birr .

Isla taariikhdaas 30 –04-09 deegaanka Yaxoob oo ka tirsan gobolka Nogob waxay ciidanada gumaysiga Itoobiya ku xidh-xidheen dad badan oo ay kamid yihin:

  • 1-       Carab Xassan Ismaaciil
  • 2.       Cabdi nuuriye
  • 3.       Ibraahim Sh maxamed
  • 4.       C/llahi Cabdi Muxumed
  • 5.       Xayi Xasan Dahir
  • 6.       Tamaan Mahad Nuur Axmed Cismaan
  • 7.       Axmed Adan Dhiil
  • 8.       Adan Maxamed Wali
  • 9.       Maxamuud Maxamed Cawl
  • 10.   Xasan Gaballaax
  • 11-Xuseen Maxamed Cumar

Saraakiil ka tirsan hay,adda Qaramada Midoobay oo gargaar dagdag ah u codsaday 19 Milyan oo ku macaluushan geeska Afrika.

War ay usbuucan dhexdiisii soo saareen, Saraakiil sarasare oo ka tirsan qaramada midoobay ayaa daaha ka rogay, in loo bahanyahay in gargaar binii adamnimo loo fidiyo dad kor u dhaafaya, 19 Million, oo ku kala Nool wadamada kala ah, Somaliya, Ogadenya, Kenya iyo Ethiopia, dadkan oo ay waxyeelo ba’ani ka soo gaadhay qulqulatooyin dagaal iyo abaaro ban, waa sida ay hadalka u dhigeene.

John Holms oo ah xoghayaha guud ee qaybta gargaarka binii aadamnimo ee Hayada Qaramada Midoobay, ayaa war saxaafadeed ku sheegay isaga oo jooga Geneva  in xaalada dalka Ethiopia ay ka sii darayso bilahan soo socda sababtuna ay tahay abaaro, sicir barar iyo colaado halkaasi ka aloosan. Waxaa uu sarkaalkani walaac badan ka muujiyay, roobabkii oo kayar intii lafilay inay u horseedi karto dalaga beeraha oo xumaada, sidaa daraadeedna loo bahanyahay in gargar cuno loofidiyo dadkani oo ay nafaqa daro badani ay haysato. 

Dinaca kale Mr. Holmes oo isla mar ahaantaana ah agaasimaha gargaarka dagdaga ah ee ee Qaramada midoobay ayaa Saxaafada caalamka u cadeeyay inaysan jirin wax ogolaansha fiican ah oo ay ka haystaan dhanka xukuumada kaligii taliye Meles Zenawi, waxa uuna hadalkiisi u dhigay sidatan, “Majirto heshiis lataban karo oo anu ku midaysanahay Xukuumada Ethiopia, balse waxaa jira qorshe gaaban oo aanu isku afgaranay xukuumada Meles inaan gargaar ugu fidino dadka tabaalaysan, lakiin fasaxa heshiiskani waxaa uu dhici doona Bishan Juun ee fooda inagu soo haysa. waxaase lagama maarmaan ah in la cisboonaysiiyo Heshiiskan.

Dhanka kale Hayada cunada Aduunka ee loo yaqaano WFP ayaa codsatay lacag dheeri ah oo gaadhaysa qiyaastii ilaa $ 236 Million oo doolarka Marykanka ah, si ay ugu socodsiiso qorsheheeda qargaar ee ku wajahan Ethiopia inta ka dhiman sanadkan 2009.   

Mark Bowden oo isagu ah xidhiidhiyaha gargaarka binii adamnida ee Ethiopia ayaa isna u sheegay saxaafada in sababa la xidhiidha abaaraha iyo colaadaha ka jira Ogadenya awgeed ay shacabka ugu deeqeen gargaar cuno.

Isaga oo hadalkiisii sii wata Mr. Bowden waxaa uu yidhi, “ Abarata sanadkani waxay ahayd midi ugu darnayd 10 kii sano ee lasoo dhaafay, saadasha roobkuna sanadkan ma wanaagsana, 24%  caruurta wadankani waxa ay la ildaranyihiin nafaqadaro xun. Waxaana lagama maarmaan ah in labilabo talaabooyin dheeria ah oo dhanka nafaqada caruurta ku wajahan”.

“Dagaaladan dib uga soo cusboonaaday maagaala madaxda Somaliya ee Muqdisho awgeed waxaa jirta cabsi wayn oo laga qabo barakac. Wakhtigan xaaliga ah waxaa jira dad kor u dhaafaya 1 Million oo barakacay, waxaa kaloo usbuucan dhamaadkiisii sii badanayay dad badan oo magaalada ka qaxaya”.

Ugu danbayntii Mr Bowden waxaa uu waji gabax ku tilmaamay, inay heleen oo kaliya

35 %  codsi dhaqaale oo gaadhayay $ 900 Million oo ay deeqbixiyayasha aduunkla kaga codsadeen inay ku taakuleeyaan Somaliya.

Sidoo kale waxay Tiri Aeneas Chuma oo ah xiriiriyaha Qaramada Midoobay ee gargaarka dib u dajinta xafiiska Nairobi, “Kenya waxaa soo wajahday xalad cakiran oo binii aadamnimo, oo la xidhiidha abaaraha iyo sicirbararka. Dad lagu qiyaasay 10 Million  ayaa waxaa saamaysay xalad cuna yaraaneed.waxaa kale oo wadanka Kenya saamayn wayn ku yeeshay xaalada dhaqaala xumo ee aduunka ka taagan.

14 qof oo isku qoys ah oo ku maanshooday xeebaha Jubadda Hoose ee Soomaaliya.

Kudhawaad 15-qofood ayaa ku geeriyooday shil dooni oo ka dhacay Xeebaha gobolka J/hoose.

Wararka ka imaanaya gobolka J/hoose ayaa sheegaya in ilaa 14-qofood  ku geeriyoodeen xeebaha gobolkaasi kadib markii dooni ay saarnaayeen ay gadisay dabeyn xoog badan oo xiligaasi socotay.

C/laahi Jaamac oo ka mid ah kaluumaysatada gobolka J/hoose ayaa Caawa Idaacada Shabelle u sheegay in doonidaani oo rakaabka u watay Jasiirad lagu magacaabo  Buurgaabo oo ku taala  gudaha  Badda markii ay rarka geysay halkaasi soo noqodkeedii ay qalibantay xili ay maraysay meel lagu magacaabo Bargaas oo muujado badani ay ka baxaan.

14-ka ruux ee ku geeriyooday shilkaasi dooni ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa hal famil ah  kuwaasi oo qaarkood meydkoodii la helay halka kuwa kalena la waayay inkastoo qaar ka mid ah dadkii saarnaa donidaasi ay ka bad baadeen.

Radio Xoriyo

15 May 2009

Cabdinuur Sh. Maxamed

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadaha  16 MB iyo 19 MB, iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Habeenada Talaadada & Sabtida  20:00PM – 20:30  waqtiga

Faafin: SomaliTalk.com | May 16, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: