Wasiirka Dhaqan Celinta Daryeelka Naafada Dr.Maxamed Cali Ibraahim
« Itoobiya Dalka Wey Ka Baxdey Anaga Ayaa Dalkeena Hagaajisaneyna,
Hadii Dalkeeda Gudaha Loo Soo Galo Ha is Difaacdo, Laakiin Xuduudeena
Yeysan u Soo Gudbin » Wareysi dhinacyo kala duwan taabanaya
Wasiirka
Dhaqan celinta Daryeelka Naafada Dr.Maxamed Cali Ibraahim oo aan kula
kulmey Hoteel Imperial ee caasimada dalka Jabuuti 14/05/2009-ka,
islamarkaana aan wax ka weydiinyey Ujeedada safarka uu ku yimid Jabuuti,
ilaa iyo intii xilka loo magacaabey waxa u qabsoomey, sababaha ay
dowladu u xareyn la’dahay ciidamadii hore iyo tacadigii ay ka geysteen
ciidamada Itoobiya Gobolka Hiiraan dhowaan ayaa waxaan ugu horey
weydiiney
S ;waxaad faah faahin naga siisaa ujeedada safarkaada Jabuuti ?.
J ; Ujeedada safarkeyga waxay ahayd martiqaad iiga yimid Raabidhada
Dunida Islaamka, si aan uga qayb galo shirweynaha culimada Afrikada
Barri waxa ka jira Gobolka iyo waxa laga doonayo culimada Gobolka ayuuna
ku saabsanaa.
S ; go’aamada ka soo baxay maxaa ugu muhiimsan oo ay Soomaaliya ka
faa’iideysaa ?.
J ; shir weynahan halkaan ka dhacay wuxuu socdey laba maalmood, laga
bilaabo 11-12/05/2009-ka, wax badan ayaa looga hadley, waxaana la soo
bandhigey Taariikhda gobolka calaaqada soo jireenka ahaa ee uu la lahaa
Jaziiratul Carab, Islaamka ka hor iyo wixii ka dambeeyey Islaamka, waxaa
kale oo laga soo sheekeeyey dhibaatooyinkii uu u geystey Gumeysiga,
Tacliinta uu Gobolka leeyahay iyo dhaqanka, culimaduna waxay ka kala
timid Suudaan, Yugaandha, Tanzaaniya, Juzur Komor, Kiiniya Soomaaliya,
Jabuuti, Eriteriya iyo Itoobiya, waxaana lagu soo bandhigey cilmi
baarisyo kala duwan oo la doonayo in la sii wado, lana sameeyo Hay’ad ka
kooban wadamadaas oo dhan iyo xarumo laga sameyn doono meelaha qaarkood,
shirkuna waxaa martigeliyey Wasaaradda Arimaha Diinta iyo Aw-qaafta
dowlada Jabuuti. Xaga Soomaaliya hadii aan u bayro waxay ka mid tahay
Gobolka laga hadlaayey arimaheedana waa laysla soo qaadey, waxaana la
go’aamiyey in dowlada iyo dadka ka soo horjeedo la heshiisiiyo, waxayna
ishaareen dowlad sharci ah inay tahay, waxaana laga soo
saarey bayaan gooni ah oo isugu jira baryid iyo baaq in dagaalka la
joojiyo.
S ; Muxuu ka bedelikaraa go’aankaas ay soo saareen culimad xaalada
ka jirta dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ?.
J ; Runtii anintu wax ka bedel ma ahan ee wax bey kusoo
kordhineysaa oo ah in caalamul Islaami u soo jeestey, maadaama
Raabidhadii isku xireysey ay tahay Caalamka Islaamka, hada ka horna lama
fahamsaneyn, markaan weydiiyey ninka xoghayeheeda guud ka ah, wuxuu yiri
macluumaadka aad adinka sheegeysaan anaga warba umahaynin, maxaad
caalamka u gaarsiinweyseen wadanka waxa ka jira oo mar hore uga
hadliweyseen, taasina waan u sheegney oo waan u sharaxney, waxaana dhici
karta in talaabooyin ay qaadaan oo dadka laysugu yeero oo
dibu-heshiisiin loo sameeyo, inkastoo hawshu ay Soomaalidu ku xiran
tahay, Soomaaliduna waa iney joojisaa dagaalka, hadii la joojin waayo
dowladu wey is-difaaceysaa, dadka diidey wadahalka go’aankooda iyo
maamulkooda meel buu ku xiran yahay waa la ogyahay, laakiin aniga waxaan
dooneynaa inaan la hadalno Xizbul Islaam, inkastoo aan ka quusaneyn kuwa
leh wadahadalka waan xirey oo aan u yeereyno mar walba.
S ; ilaa iyo intii xilka laguu magacaabey wixii ka dambeeyey maxaa
kuu qabsoomey wasaaradaadu ?
J ; inta aan tegin dalka waxaan safaro ku tegey Masar, Yemen iyo
meelo kale oo badana waxaan u direy qaylo dhaan, in Soomaaliya la gar
gaaro sida ay u dhan tahay, gaar ahaan Wasaaradda la ii xilsaarey, waayo
maanta dadd badan ayaa dhaqan celin u baahan oo dib loogu soo celiyo
noloshoodii tareenka ka dhacdey in badan ayaa loo baahan yahay, sidoo
kale daryeelka Naafada 77-kii oo iska fadhiya Isbitaaladii Martiini iyo
meelo kale, kuwa kale oo dagaalkii Itoobiya looga saarayey dalka ku
Naafoobey in la daryeelo ayaa mas’uuliyadeenu tahay, waana dadaaleynaa,
dadd badan oo ka shaqeyn jireyna waan la kulmey, Hay’adaha gargaarka
sidey u dhan yihiin kuwa wadaniga ah iyo kuwa kale ee caalamka waxaan ka
codsanayaa iney kaalmo bani’aadaninimo la soo gaaraan, dabcan dowladu
waa dowlad cusub oo aan wali gaarin sedax bilood, waxayna sameysey
Miizaaniyad lagu socodsiinayo xafiiska, hadii Alle idmo si cadaalad
ayaan ugu shaqeyndoonaa, tan kale sida aad adiga wax u qabsato ayaa wax
laguugu qabanayaa, ee dadka walaallaha ah ee dagaalka wada ha xishoodaan
dunidu way yaaban tahaye, mana jirto tilaabo aan qaadikarno oo aan wax
ugu qaban karno dadka aan mas’uulka ka nahay oo aan ahayn inaan la
kulano oo aan diiwaan gelino mooyee, wasaaraduna shaqaalaheeda inta
badan wey diyaarisey, dadaalkas ayaan wadnaa cida aan wax u qabankaro
waan qabaneynaa insha Allaah.
S ; Wasiir maxay noqotey baahida deg dega ah ee loo baahan yahay
xiligan?.
J; Baahidu waxay isugu jirtaa gargaar toos ah, dhaqan celin in la
soo sameeyo, inaan diyaar gareyno goobihii lagu tababari lahaa iyo
goobihii lagala socon lahaa caafimaadkooda intaa ayaa ugu muhiimsan
baahida guud.
S; Dowladu waxay ku baaqdey dibu-heshiisiin iney sii wado, ilaa iyo
hadana waxaa sii socda dagaalo, dalkuna wuxuu khatar ugu jiraa in uu
galo xaalad adag ee maxaa u qabsoomey intii dalka ay dib ugu noqotey?
J; Dowladu sidey u dhan tahay dalka ay ku noqotey, waxayna hada ka
hawlgashaa caasimadii dalka, dhul balaaran oo ay ka talisana wey jirtaa
laga bilaabo Gobolka Sh/hoose ilaa Gaalkacyo, waxyaabaha ugu muhiimsan
ee ay qabatey waxaa ka mid ah shareecadii ay balan qaadey iney dhaqan
gelinso oo la mariyey hab nidaameedkii u degsanaa oo ugu dambeyn
madaxweynuhu sixiixey, dejinta miisaaniyada dowlada, ciidamadii dowlada
oo la abuurey lana hawl geliyey qaybo badan, safaro kala duwan oo muhiim
ah oo la galey, waxayna ila tahay dowlada inta ay jirtey iney si
wanaagsan u tilaabsatey Ummaddiina ay gelisey amal, dadka aan nabada
dooneyn waxay faafinayaan in dowlada ay fashilanto, laakiin ilaahay baan
kaashaneynaa marka, marka xiga shacabkeena, dadka nabad diidka ahna
hadii ay wadahadal ogol yihiin waan soo dhaweyneynaa, hadii ay diidaana
ilaahay baa naga kaafinaya.
S; Waxaad xustey ciidamadii, inta badana waxaa la sheegaa Dowladihii
kala duwanaa ee KMG ahaa ,in ciidamada XDS loo sameynayo tababar,
Soomaaliya waxay ahayd Qaran jira oo leh ciidamo kala duwan oo qalabka
sidey, maxay tahay sababta loo xareyn la’yahay ciidamadii hore ee
qalabka sidey, kuwa la xareeyey waa kuwo ku yimid 4.5 oo lagu soo
tababarey dalall kala duwan, waana maleeeyo beeleed intooda badan,
waxaadna moodaa in tayada maleeshiyo beeleed aan Qaran lagu haleyn
Karin, iyadoo kuwaii loo dhaariyey dalka ay joogaan?.
J; Kahadalka arintaas laga hadlayo waa mid shucuurka kicinayo oo
qofka murugo ku abuuraya, waayo Qaran jira ayaan ahayn, Rag mooryaan ah
ayaa dalka kharibaayey in badan waad ogtahay, beelo ayey u kala bexeeen,
maleeshiyaad bey sameysteen, dadka ayey dhici jireen oo ay baadi jireen,
marka marxaladaan waa marxalad dib u yegleelin weeyaan, runtii ma hubo
meliteriga inuu 4.5 yahay, laakiin ciidamadii hore waa loo yeerey ragii
saraakiisha ahaa iyagaa hogaaminaayo ciidamada, kuwii kale oo
muqaawamada ahaana waa la tababarey, waxaa kale oo jira ciidamo lagu soo
tababarey Yugaandha oo la keeney, kuwo kalena waa la diridoonaa,
Tababarada aduunyada ayaa lagu qaataan, maadaama aan anagu lahayn
xerooyin lagu tababaro, in wax laguu soo tababarana waa iska caadi,
waayo ciidamadeenii hore meelo kala duwan oo aduunka ka mid ah ayaa lagu
soo tababari jirey, 4.5-kuna waxaa loo arkey xal ee ma ahan wax sax ah,
waana laga gudbidoonaa hadii uu ilaahay yiraahdo, waxaan rajeyneynaa in
ciidamadaas ay isku kalsoo naadaan.
S; mudane wasiir ciidamada Itoobiyad waxay soo galeen Tuuralada
Deefoow oo xarunta Gobolka Hiiraan u jirta ilaa 30Km oo kaga beegan
dhinaca Woqooyi Galbeed, waxayna kexeysteen dadd badan oo isugu jira
xoolo dhaqato iyo beeraley sida ay kusoo waramayaa qaybaha warbaahinta,
horeyna wuxuu balanku ahaa in ciidamada Itoobiya dalka ay isaga baxaan,
Malaga yaabaa taas iney tahay wadadii hore ee TFG ay ku socotey, adinkun
aad ka aamusan tihiin in shacabkii Itoobiya sida ay doonta ka yeesho?.
J; Runtii Itoobiya iney soo gasho xaq uma laha, war la hubana ma
ahan taasi, hadii ay dhacdana Tacadi weeyaan in xuduuda Soomaaliya soo
galaan, waxaana la eegayaa duruuf, inaga iyo Itoobiya waan kala baxney,
dadd jaar ahna weynu nahay, laakiin waxaan ka digayaa, dadka buuqa wada
iney nagu celiyaan mishaakilkii hore looga soo gudbey oo ay nagu
celiyaan, ee Ummada Soomaaliyeed ha u naxaan dagaalada iyo buuqa la wado
hala joojiyo, mana ahan iney dibada ka amar qaataan oo yeysan noqonin
dadd aan waxba kala garaneyn, oo walaalahooda dagaalka jihaadka ay isla
soo galeen inay yiraahdaan waan la dagaalameynaa, anagu Eriteriya waan
ognahay, waxay hubeysey Xizbul Islaam si dalka loogu kharibo, Carabtuna
lacag bey soo siisey ayaan maqalney, iyaguna waan uga digeynaa.
S; Ugu dambeyn mudane Wasiir waxaad xustey in Eriteriya ay dalka
keentey hub fara badan, Itoobiyana dalka waxay ku hayso waa tan aan hore
kuugu sheegey, Muqdisho waxaa jooga ciidamo ka socda AMISOM, waxaana
laysku hayaa ka bixitaankooda, maxay sababta soo cel celineysa arimahaan
oo ciidamada AMISOM-na ku koobey Muqdisho, iyadoo la wada ogyahay
Soomaaliya inteeda kale ay maamulada kala duwan ee ka jirana aysan
joogin, ayna qaarkood yihiin kooxaha ka soo horjeeda DKMG?.
J; Kuwa ka soo horjeeda Dowlada, dalka ma wada haystaan waana kuu
sheegey, dowladu waxay joogtaa Sh/dhexe, Galgaduud, Hiiraan, Gaalkacyo
iyo Muqdisho, waayo muqdisho caasimadii weeyaan, waan ognahay dhulka
kale ee ay joogaan ragaan shacabku in uusan ogoleyn, sababtoo ah anagu
mar keliya lama dagaalami karno ciidamo awood lehna ma haysano, mana
dooneyno inaan colaad badan isku furno, laakiin markii xamar la sugo oo
maamulkeeda la hagaajiyo kadib, waan dagaalami karnaa, inkastoo ay
leeyihiin iyagu dowladan inta aysan sal dhigan ka gaarsiiya,
joogitaanka ciidamada AMISOM dowladii naga horeysey wey codsatey, tan
kale baahidii baa jirta, sababtoo ah tegitaanka ay tagtey dowlada
Muqdisho, hadii aysan jirin ciidamada AMISOM looma imaan lahayn Garoor
diyaaradeed, Deked iyo xaruntii madaxtooyada, waa shey macruuf ah
Ummaddu wey is dhegatireysaa, anaa taabsadey uun baa imaan lahayd, ee
waxaas hala joojiyo, dowladu marka ay isku filaato wey baxayaan
ciidamada AMISOM amar baa la siinayaa oo wey iska tegayaan, waxayna
difaacayaa qadiyada soomaaliya, sidaas ayeyna u yimaadeen wax damac ahna
kama laha dalkeena labada dowladood ee jooga ciidamada ka jooga, waxayna
difaacayaan meelaha dowlada degan tahay, weyna ku khasban yihiin weyna,
ninkii caroonaya ha caroodo ninkii ku farxaya haku farxo, Soomaaliya
runta isuma sheegto, tan kale Itoobiya dalka wey ka baxdey anaga ayaa
dalkeena hagaajisaneyna, hadii dalkeeda gudaha loo soo galo ha is
difaacdo, laakiin xuduudeena yeysan u soo gudbin.
Dhamaad
Waxaa wareystey:- Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk
Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com