SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

War saxaafadeed ka soo baxay xaafiiska warfaafnta Isbahaysiga Dib U Xoreynta Soomaaliyeed.

Ugu horayn waxaan halkaan uga tacsiyaynaynaa shacabka soomaaliyeed ee dhibaatooyinka ka soo gaareen dagaalada ka soconaya magaalada muqdisho anagoo allena uga baryaynaya inuu dhibka ka dulqaado.

Taa kadib waxaan doonaynaa inaan cadayno in dagaaladaan ay masuul ka yihiin kooxda jabuuti ayna faraha kula jiraan manta shirqooladii lagu aasaasay jabuuti  oon ka digaynay mudada badan una cadaynaynay ummada Soomaaliyeed in waxa jabuuti lagu aasaasayay ay un ahayd in lagu isku jabiyo xoogaga muqaawamada oo la dagaalayay cadowgii madoobaa oo wadanka ku soo duulay.

Waxaan u sheegaynaa UNISOM inay ciidamayda kala baxdo ciida soomaaliya taas oo ay ayada kow ka tahay waxa dadka xasuuqaya laynayana shacabkayaga.

Waxaan u sheegaynaa UN inaysan ku riyoon inay ciidama kuwooda ah ay u soo diraan soomaaliya, ayna ku qasbaan UNISOM inay la baxdo kuwaan ka jooga.

Shariif waxaan u sheegaynaa inuu ka hoos baxo ciidamada shisheeye ee ummada soomaaliyeed xasuuqaya uuna aamino dadkiisa iyo dadkuu shalay la socday uuna hogaaminayay.

Ninka lagu magacaabo Axmed Walad Abdala waxaan uga digaynaa una sheegaynaa inuu ka waantoobo cawaaqib xumada uula rabo shacabka Soomaaliyeed iyo inuu ka waantoobo fikirka uu ku fekarayo inuu ciidama kale oo shisheeye ku soo daabulo dalka.

Axmed Wala Abdale waxaan ugu sheegaynaa Dagaalada soomaaliya ka socda inuu asaga huriyay masuulna ka yahay uusana mudnayn inuu Gudoomiyaha isbahaysiga Dib U xoreynta Sheekh Hasan Daahir ku eedeeyo dagaaladaa.

Waxaan u cadaynaynaa mar labaad dagaalkaan inay masuul ka yihiin cadow shisheeye oo ku fekarayay waligood inay isku dilaan muqaawamada Soomaaliyeed. 
 

Xaafiiska Warfaafinta ARS

Asmara 14/05/09

Faafin: SomaliTalk.com | May 15, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: