XAFIISKA QARAMADDA MIDOBAY U QAABILSAN ARRIMAHA SIYAASADDA SOOMAALIYA
(UNPOS)WAR-SAXAAFADEED 018/2009
SRSGa oo ku baaqay in kaalmo deg-deg ah oo toos ah lagu deeqo si loo
yareeyo dhibaatada iyo macluulka ka jira Soomaaliya.
Nayroobi, 14 May 2009: Ergaygga Gaarka ah ee Qaramadda Midoobay u
Qaabilsan Arrimaha Soomaalia, Ahmedou Ould Abdallah ayaa ku eedeeyay
raga xag-jirayaasha ah ee weerarka ku qaaday Muqdisho in ay si toos ah
masuul uga yihiin dhibaatada hadda haysata kumananka rayidka ah ee
Soomaaliyeed.
‘Xag-jirayaasha Soomaaliyeed iyo saaxiibadooda ajaaniibta ah ayaa
billaabay dagaalkan oogu dambeeyay oo sababay dhimashada iyo bara- kaca
dadka caadiga ah ee Soomaliyeed- kuwaas oo intooda badani ay hadda dhow
ku soo noqday guryahooda ayaga oo rajaynaya in ay billaaban nolal.” Ayuu
yiri Mudane Ould Abdallah. “ Isku dayga kooxdan xagjirka ah ee ku aadan
in ay awoodda ku qabsadaan, waxay si toos ah u caddaynaysaa in aysan
wax xurmo ah u haynin walaalahooda waxba aan galabsan ee muslimiitna ah
isuguna jira rag iyo haween.
Dada Soomaaliyeed waxay u baahnaayeen kaalmo deg-deg ah waxayna oo gu
baaqeen bulshada caalamka ah in ay u gargaarto.
“Waxaan ugu baaqayaa wadamada ay khusayso in ay si deg-deg ah u gu
howlgalaan una fidiyaan kaalmo toos ah xukuumadda Soomaaliyeed, si heer
labadda dowlo ah- bilateral’, ayuu yiri Muddane Ould Abdallah. “ Mar
labaad waxaa la qalibay nolashii dadkii rayidka ahaa, waxaana rogay
niman dagaalyahan ah oo aan wax-dan ah ka laheen in ay kaalmeeyaan
dadkooda. Dadka rayidka ah waxa ay u baahanyihiin kaalmo aasaasi ah sida
biyo nadiifah, daawo, bustooyin, iyo hoy ay galaan, waxayna u
baahanyihiin hadda.
“Dadka Soomaaliyeed waxay ku qanacsanyihiin in oogu dambeenta ay
dhammandoonto qaska iyo deganansho laaanta aan loo baahneen ee labaatan
kii sanno ee la soo dhaafay. Nasiib daro, nimanka xag-jirayaasha ah oo
ayaga naftoodaba kala qaybsan, ayaa doonaya in ay wadanka did ugu
celiyaan dhiigii ladaadin jiray sannadihii 1990 yadii. Hadaba, bulshada
caalamka way cadaysay in aan arrintaas oo kale gebi ahaanba aan la
ogolaanaynin.
-----------------------------------------------------------------------------------------
Wixii faahfaahin ah, fadlan la xiriir: Susannah Price ama Donna
Cusumano Public Information Officers, UN Political Office for Somalia
(Nairobi, Kenya) Tel +254 20 762 1192/1625 ama +254 733 902 020/737 400
133 Fadlan Booqo:
www.UN-Somalia.org