SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

ARDEY SOOMAALIYEED KA QALINJABIYAY JAAMACADA BAHRIA, HINDIYA 

“Two Roads diverted in a wood, and I took the one less traveled by, and that has made all the difference” -Robert Frist. 

Waxaa maanta Xaflad Qalinjabineed (Convocation ceremony) oo si heersare ah loo soo agaasimey lagu qabtey xarunta jaamacada weyn ee Bahria University ee Karachi-Pakistan. Xafladan ayaa shahaadooyin lagu gudoonsiinayey ardey gaareeysa 550/, kana qalin jabineeysey taqasusyada kala duwan ee laga barto Jaamacada Bahria.

Xafladan oo usii diyaar garoow shalay loo sameeyey (rehersals) , ayaa waxeey u dhacday sidii loogu talagalay. Qudbooyin eey madax sare oo kala duwan kasoo kala jeediyeen kabacdi, waxaa lagu doonsiiyey ardeydii Shahaadooyinkoodii Jaamacadeed, halka qaarkoodna nasiib u yeesheen in eey meesha ka qaataan Billado Dahab ah , oo uu qaadanayey ardeygii Dufcadiisa u gala Kaalinta Koobaad, halka ardeygii gala Kaalinta Labaadna lagudoonsiinayey Billad Silver ah. Xafladan ayaa saxaafada wadanka si heer sare ah uga soo qeybgashey, subaxdiina Joornaallad si baaxad leh loogu soo daabacay.

Jaamacada Bahria University ayaa ah Jaamacad eey leeyihin Ciidamada Badda ee wadanka Pakistan (Pakistan Navy). Waxaa lagu bartaa nuucyada culuumta kala duwan, Waxaa badanaa dhigta saraakiisha ciidamada badda oo heerkastaba leh, Ilmahooda, iyo ilmaha ganacsada waa weyn (Business Tycoons) ee wadankan Pakistan. Waxaa sidoo kale dhigta ilmaha Siyaasiyiinta wadanka nuuceeyrabaanba ha ahaadeene gaar ahaan kuwa iyagoo awooda hadana u diidaya ilmahooda in eey u diraan wadamada galbeedka.

Maadaama xaalku sidaa yahay waxaan loo ogoleyn wax Ajaanibba ah. Nasiib wanaagse ardeygii ugu horeeyey ee ka qalinjabiya jaamaacdan aaya wuxuu noqdey ardey Soomaaliyeed! Kaasoo ka qaatey Master waliba isagoo buundooyin ku hoghaaminayey fasalkiisa waloow dufca ahaan laga sareeyey. Ardeygan oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Maxamed Cismaan (Cabdi Boqor) ayaa mar uu wareeysi siinayey mid ka mid ah TV-yadii xaflada joogey, kaasoo lagu magacaabo HUM TV ayaa wuxuu yiri “ waxaa Sharaf weyn ii ah in aan manta noqdey ardeygii Ajnabi ahaa ee ugu horeeyey ee ka qalinjabiya jaamacada Bahria, waliba isagoo hogaaminaya fasalkiisa buundo ahaan, waxeey sidaa si la mid ah Sharaf iyo taariikhba ugu tahay , waalidkeey iyo walaalaheey, Jaaliyada Soomaaliyeed ee wadankan Pakistan iyo dhamaan ummad weynteena qiimiga badan ee Soomaaliyeed dal iyo dibad meelkasta oo eey joogaanba”

Xaflada ayaa waxa chief guest ka ahaa Gudoomiyaha baarlamaanka wadankan, waxaana sidoo kale kasoo qeyb galey, wadaxda ugu sareeysa jaamacada iyo madax kale oo ka kala socdey qeybaha kala duwan ee bulshada.

Jaamacada Bahria oo ka mid ah jaamacadaha ugu waaweyn uguna Subcada Badan ayaa waxeey isku saf ku wada jiraan jaamacada kala ah LUMS iyo IBA oo iyana ah jaamacado waalidkastaa ku hamiyo in ubadkoodu mar uun Admission ka helaan sadexdaa mid ka mid ah, waloow dadaalka uu qofka noloshiisa sameeyo iyo kartida Allah u dhaliyey eey waxkastaa saldhig u yihiin, hadana qofka jaamacada uu kasoo qalinjabiyey waxeey leedahay Tixgalinteeda gaarka ah aduunkoo dhan.

Commander Mohammad Saleem oo ah ku xigeenka Director-ka ee dhinaca Tacliinta (Deputy Director Academics) ayaa wuxuu yiri “Cabdulqaadir waa Ajanabigii ugu horeeyey ee ka qalinjabiya jaamacadan, Hadiise aanan siyaasaha iyo qawaaniinta u yaala jaamacada Baxriya mustaqbalka wax laga badalin, waxeey u badan tahay in uu misana noqdo kii ugu dambeeyey ee ka qalinbajiya Bahria”

Donald Trump oo ah Billionaire aduunka can ka ah dadka badankiina eey ku barteen barnaamijkiisa “The Apprentice” iyo ereyadiisa caanka ah ee “You are fired!” Ama waa lagu buriyey/eryey ayaa waxa uu mar yiri “ Education is all about going to great universities and getting good grades in those universities” oo micnaheedu yaahay, tacliini waa in aad Jaamacadu heersare ah u gashaaa, Buundooyin sar sarena ka keensataa.

La xiriir: abdulkadir mohamed osman <abdulkadirphd@yahoo.com>

Faafin: SomaliTalk.com | May 14, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: