SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Bashiir Makhtal oo Maxkamad leh May 27, 2009

Dhagayso-Waraysi: Saciid Cabdi Makhtal oo Ka warbixinaya Bashiir Makhtal (mp3)

May 10, 2009 Goobta Stanley A. Milner Library Edmonton, Alberta waxaa ka dhacay shir looga hadlayey Xariga Bashiir Makhtal oo ku xiray wadanka Itoobiya ilaa 2006. Shirkaas waxaa kasoo qayb galay dadwayne fara badan iyo Madax iyo Aqoonyahano lagu marti qaaday inay ka hadlaan. Dadkii halkaa lagu martiqaaday waxaa kamid ahaa Saciid Cabdi Makhtal oo ina adeer la ah Bashiir Axmed Makhtal.

Saciid Cabdi Makhtal wuxuu aad ugu mashquulsan yahay sidii loo siidayn lahaa walaalkiis, wuxuuna goobta shirka ka sheegay Bashiir Makhtal xalkisii kasoo raynayo markii ay aad u dadaaleen Jaaliyada Soomaalida ee Canada. Saciid wuxuu sheegay inuu aaminsanyahay in Bashiir Makhtal loo dhibaataynayo maga awowgiis dartiis, awowgiis Makhtal Daahir ayaa Dowlada Itoobiya ku eedaynaysaa inuu ka midyahay aasaasayaashii ONLF sida uu yiri Saciid Cabdi.

Saciid wuxuu sheegay in Bashiir Makhtal xabsigii Milatariga laga soo wareejiyey loona wareejiyey xabsi shacab. Sicii wuxuu aad mahad celin ugu soo jeediyey Jaaliyada Soomaalida ee Canada wuxuuna yiri " hadii idinka aydnaan dadaali lahayn walaalkay maanta wuxuu ku jiri lahaa xabsi Milatari" Siciid wuxuu sheegay in Bashiir Makhtal uu Maxkamad leeyahay bishaaan dhamaadkeeda May 27, 2009, wuxuuna ka codsaday dhamaan Jaaliyada Soomaalida Canada in qofkasta Telaphone, E-mail iyo Fax u diro Mudanaha laga soo doorto Magaaladiisa marka taariikhdu tahay May 20, 2009 kana codsado in Dowlada Kanada Bashiir Makhtal kusoo celiso wadanka Kanada, laga sii daayo xabsiga aan sharciga ahayn ee uu kujiro.

Somalitalk.com waxaa usuura gashay inay lakulanto Saciid Cabdi Makhtal kana waraysato Xaalada Bashiir Makhtal, waxaan halkaan idin kugu soo gudbinaynaa warayso kooban oo Somalitalk layeelay Saciid Cabdi Makhtal.

Waraysi: Saciid Cabdi Makhtal oo Ka warbixinaya Bashiir Makhtal

Faafin: SomaliTalk.com | May 14, 2009

 


Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: